wargeyska gobollada dhexe - oktoobar 2014

6
Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]). Kala xariir: [email protected] WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Arbaco, 01 oktoobar 2014, Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad QORAALLO KALE WARBIXIN GAAR AH OO KU SAABSAN URUR WACYIGELIYA BULSHADA GOBOLLADA DHEXE ...ka akhri bogga 4aad. KALA SAARISTA WAX SOO SAARKA, BADEECO IYO ADEEG W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi ...ka akhri bogga 5aad. TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA W/Q: Maxamed Cali Axmed Sh, So Qiimaha 3000 Ururka Horumarinta Arrimaha Bulshada ee GARAAD oo ka howl gala Gobollada Dhexe ayaa ka shaqeeyaa horumarinta arrimaha bulshada sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Ururinta dhaqanka iyo suugaanta, wacyigalinta, isdhexgalka bulshada, dhiirrigalinta horumarka iyo nabadda. Ururka GARAAD ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu wacyigalin ka waday gobolka Galguduud, gaar ahaan magaalo mad- axada Dhuusa Mareeb. Wacyigalintaa oo isugu jirtay 3 qeybood oo muhim kala ah; 1- Wacyiga- lin Caafima.....ka sii akhri bogga 2aad. WAR AAN WADA TASHANNO! Soomaalidu waxa ey ku maahmaahdaa “Nin aan garan waxa soo socda, ma garto waxa jooga”. Marka aan arkay sida xaaladda siyaasadda dalka ka jirto ku socoto oo aan fahmay in siyaasiyiinta beelaha Soomaliyeed iyo beesha caalamkuba doonayaan in Soomaliya Federaal noqoto, bari dhaxane heshiis maamul gobolada MUDUG IYO GALGADUUD lagu mideynayo lagu gaaray Madaxtooyada oo aan arkay qilaaf xooggan oo ka dhax taagan siyaasiyiinta deegaanka iyo culumada”Ahlusunna Waljamaca” ee maamula magaaloyinka Dhuusamareeb, Guri ceel iyo Matabaan ay- aan go’aansaday in aan qormadan la wadaago inta daneeysa xal waaro iyo daganaasho siyaasadeed in laga helo deega....ka sii akhri bogga 2aad.

Upload: wargeyska-gobollada-dhexe

Post on 04-Apr-2016

218 views

Category:

Documents


1 download

DESCRIPTION

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb.

TRANSCRIPT

Page 1: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]).

Kala xariir: [email protected]

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEBArbaco, 01 oktoobar 2014, Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad

QORAALLO KALEWARBIXIN GAAR AH OO KU SAABSAN URUR WACYIGELIYA BULSHADA GOBOLLADA DHEXE

...ka akhri bogga 4aad.

KALA SAARISTA WAX SOO SAARKA,

BADEECO IYO ADEEG

W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi

...ka akhri bogga 5aad.

TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA

W/Q: Maxamed Cali Axmed

Sh, So

Qiimaha 3000

Ururka Horumarinta Arrimaha Bulshada ee GARAAD oo ka howl gala Gobollada Dhexe ayaa ka shaqeeyaa horumarinta arrimaha bulshada sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Ururinta dhaqanka iyo suugaanta, wacyigalinta, isdhexgalka bulshada, dhiirrigalinta horumarka

iyo nabadda. Ururka GARAAD ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu wacyigalin ka waday gobolka Galguduud, gaar ahaan magaalo mad-axada Dhuusa Mareeb. Wacyigalintaa oo isugu jirtay 3 qeybood oo muhim kala ah; 1- Wacyiga-lin Caafima.....ka sii akhri bogga 2aad.

WAR AAN WADA TASHANNO!Soomaalidu waxa ey ku maahmaahdaa “Nin aan garan waxa soo socda, ma garto waxa jooga”. Marka aan arkay sida xaaladda siyaasadda dalka ka jirto ku socoto oo aan fahmay in siyaasiyiinta beelaha Soomaliyeed iyo beesha caalamkuba doonayaan in Soomaliya Federaal noqoto, bari dhaxane heshiis maamul gobolada MUDUG IYO GALGADUUD lagu mideynayo lagu gaaray Madaxtooyada oo aan arkay qilaaf xooggan oo ka dhax taagan siyaasiyiinta deegaanka iyo culumada”Ahlusunna Waljamaca” ee maamula magaaloyinka Dhuusamareeb, Guri ceel iyo Matabaan ay-aan go’aansaday in aan qormadan la wadaago inta daneeysa xal waaro iyo daganaasho siyaasadeed in laga helo deega....ka sii akhri bogga 2aad.

Page 2: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

2 Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad WARARKA Arbaco 01, oktoobar 2014

WAR AAN WADA TASHANNO!

Soomaalidu waxa ey ku maah-maahdaa “Nin aan garan waxa soo socda, ma garto waxa jooga”. Marka aan arkay sida xaaladda siyaasadda dalka ka jirto ku socoto oo aan fahmay in siyaasiyiinta beelaha Soom-aliyeed iyo beesha caalamkuba doonayaan in Soomaliya Fe-deraal noqoto, bari dhaxane heshiis maamul gobolada MU-DUG IYO GALGADUUD lagu mideynayo lagu gaaray Mad-axtooyada oo aan arkay qilaaf xooggan oo ka dhax taagan siyaasiyiinta deegaanka iyo culumada”Ahlusunna Waljam-aca” ee maamula magaaloyinka Dhuusamareeb, Guri ceel iyo Matabaan ayaan go’aansaday in aan qormadan la wadaago inta daneeysa xal waaro iyo daganaasho siyaasadeed in laga helo deegaanada aan kor ku soo xusay.

Labo iyo labaatan sano oo burbur iyo doowlad la’aan ah Soomaliya ugu danbeeyn waxa ey heshay doowlad adduunku aqoonsanyahay oo ka baxday ku meel gaarkii. Doowladdaan sida dastuurka ku qoran waa Federaal, oo hadda sida socoto waa dhameystirka hannaankaas. Waxaa meesha ka baxay in Soomaliya eeysan noqon doonin doowlad la’aan mar danbe.

In doowladdaani dhisanto oo ey xoogeeysato waxeey ku xiran-tahay mar walbo sida beelaha Soomaliyeed u heshiiyaan, waxaase dalka ka jiridoono mar walbo doowlad Adduunku aqoonsanyahay. Doowladdu waa midda dib u dhiska iyo deeqaha Adduunku Soomaal-

ida ugu deeqo dhan dhaqaale, waxbarasho, dib u dhis , ciida-meeyn iyo maalgalin gacanta kuheeyso, ujeedka dowladnimo waa in ummadda la horumariyo la gaarsiiyo daganaasho ammaan mid dhaqaale iyo mid isdhaxgal intaba.

Dadka howshaan qabanaya waa isla bulshada qeeyb ka mid ah oo dowladnimada ku qanco oo dhaqan galiya, haddii la waayo taas oo mucaarad iyo doowlad diidnimo lala soo istaago waxaa imaaneeysa dib u dhac baahsan iyo goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo la soo haabhaabto waxne gacan lagu dhigi waayo, si eeysan taasi u dhicin waxaa inala gudboon maanta in aan innagu noqonno kuwo doowlad raadinta kaalinta hore ka gala.

Siyaasiyiinta deegaanka ee ku hoowlan dhisidda maamulka go-balada dhaxe kuwooda deegaan-ada aan kor ku xusay kasoojeeda waxaaan kula talinayaa in ey noqdaan kuwa leh kartidii iyo aqoontii hoowshaan, yaqaanno dhaqanka dadka iyo rabitaan-kooda, noqdaan kuwo ujeeda-doodu tahay in maamul waara la-helo oo aan noqon kuwo damac qof iyo hunguri wado. Waxaan kutalinaa in wax dhisidda laga-

bilaabo hoos oo wadahadalka iyo isku soodhawaashaha laga abuuro gudaha degaanada la rabo in maamul loo sameeyo.Sida aan Idaacadaha iyo guuxa hoose ka maqlay, dhisidda maamulkan cusub, waxaa ka didsan Culumada ”Ahlusunno oo degaannadaan in muddo ah gacanta ku soo haayay, xaqna ay u leeyihiin, oo dareemayo in ey tabanayaan wax gar, iyagoo deegaankaan soo nabdeeyay Maal iyo Nafiba uga soo baxday magacii bulshadane ku had-laa aan laga qeeybgalin talada maamul u sameeyn, laguna qiimayn kaalintooda hoggaamin ee diin iyo maamulba leh.

Waxaan filaa in iyagu eysan diidaneeyn nidaam balse ey rabaan in ey kaalin ku yeeshaan hannaanka maamul sameeynta. Haddii eey sidaas tahay waxaan weeydiinayaaa wax garadka deegaanka ma waxaan dooney-naa nidaam daganaasho iyo ho-rumar horseeda? mise waxa aan dooneynaa dan hal qof leeyahay?

Haddii aan daganaasho iyo nidaam dooneeyno aan horma-rinno qoladii la kariwaayo oo aan garab qabano si aan u gaarno danta guud ee bulshadu wada dooneyso. Hebel oo maanta la kari weysanyahay wuu baxayaa barri, waxaa dhaxal noqondoona oo hari doona waa nidaamka dowladeed. Waxaa sidaan u fakari karo waa siyaasiyiin u jeed-koodu yahay danta deegaanka, haddii sidaas la waayo waxaan hubaa in aan dan qofine socon doonin, mid degaanna socon doonin, oo sidii hore dib u dhac aan ugu jiri doonno. Siyaasiyiinta

ku hoowlan howshaan waxaan u sheegayaa in ey la yimadaan aragti ballaaran oo xanbaarsan in horumar la gaaro, waxaan kula talinayaa in laga fogaado kuwa damacu waalay, ee aan wax sookordhin karin, kuwa aragtidoodu aragto bis Suufi deegaanka uma fiicno, kuwa aaminsan urur diimeed urur diimeed lagu badalo. Waxaan u baahanahay siyaasiyiin xanbaar-san ujeeddooyin iyo hammi ka baaxad weeyn tan maan gaabku xanbaarsanyahay, taasoo ah kumashquulista waxa qofka isga iyo Ilaahiisa ka dhaxeeyo sida tusbax waa la qaadan karaa iyo lama qaadan karo, farta waa la nuuxin karaa iyo lama nuuxin karo xiliga salaadda lagu jiro, waxaan u baahanahay in aan dib marinno kuwa eysan maskax-dooda kujirin humaag iyo hiigsi dawladeed ,waxbarasho iyo dhaqaalo dhisid.

Culumada ”Ahlusunna Waljam-aca” waxaan leeyahay halgankii aadkaa ee naf iyo maal ku baxay oo aad Al-Shabaab lagasheen waa mid dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba idiin ogyihiin.

Reer Dhuusamareeb iyo Guri ceel waxeey ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee Soomaalida baray in jirka Al-Shabaab xabaddu karto. Dadka deegaanka mid yar iyo mid weeyn waa ”Ahlusunnah” wi-ilasha dagaalka galay ma aheeyn wiilal ey madaxda ururku dhaleen ee waxeey ahaayeen kuwa ka wada yimid guryaha hooyooy-inka iyo aabayaasha deegaanka. ”Ahlusunna Waljamaca” maanta waxa aad joogtaan maalinta libin-tii aad gaarteen aad ku geeraar-

“NIN AAN GARAN WAXA SOO SOCDA, MA GARTO WAXA JOOGA”

W/Q: Bashiir Cali Xaashi

MAAMULKA & QORAYAASHA WARGEYSKA EE BISHANAxmed Xaayow (Dulmidiid), Maxamed Cali Axmed, Layla Qaali Cabdullaahi, Bashiir Xaashi Dhoorre, Bashiir

M. Xersi, iyo Maxamed B. Midnimo. Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga [email protected]

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYA-DAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR:

[email protected]

Page 3: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad 3WARARKAArbaco 01, oktoobar 2014

WARBIXIN GAAR AH: URURKA GARAAD IYO WACYIGALINTA BULSHADA GOBOLLADA DHEXE

ilaheydeen, waa maalin aad u badali kartaan mirihii halganka in guri walbo faaiidadiisa laga dareemo, taasine waxeey ku imaan kartaa idinka oo ogolaada doowladnimada idinku oo yeela nidaamka iyo maamul sameeynta go-balka hadda laga wado, kaasoo keeni doono dhaqaalo dhisid, waxbarasho, caafimaad is dhaxgal bulsho oo kabalaaran intii hore. Waxaan idinleeyahay faa’iido wada gaarila-heed dhammaan dadka deegaanka yaan loo xayirin damac dad yar oo ururka katirsan.

Waxaan idin leeyahay ha abuurinina maanta wax aad idinku barri xalin weeydoontaan, dadka maanta idiin heelan oo idin jacel ha gaarsiinina maalin ey idinka kala dareeraan. Dalku waxa oow u baahanyahay doowlad-

nimo jabhad iyo urur diimeed dadku waa ka soodaaleen, haddii urur diimeed doowlad-nimo horistaagi karo kuwa aad la dirirteen oo taageero dibadda ah heeysta ayaa ku dhici lahaa. Maanta waxaa socdo dhismo maamul oo gobolada dhaxe lagu mideeynaa, haddii aadan hadda kaqeeyb qaadan waxaad imaan doontaan goor la dhisay oo aan dib loo soocelin doonin.

Ogolaada in aad ka qeeyb gashaan siyaa-sadda hadda socoto, oo fursad siiya idinka o oka mid ah dadka deegaanka in ey ga-laan tartanka socda ee ka dhaxeeyo dadka gobolada wada dago, kaas oo lagu raadiniyo dhisidda maamul mideeysan iyo xaruuntii uu fadhiisanlahaa.

Ugudanbeyntii waxaa gobalka ku sugan ciidamo fara badan oo ka socdo doowladda itoobiya, ujeedka ciidamadaas meesha u joogaan waa in ey ilaashadaan nabadda dalkooda Itoobiya maadaama gobalku xad la leeyahay dalka Itoobiya. Haddii aan la abuurin daganaasho amni iyo mid siyaasad oo nabad lagu damaanadqaadi karo in aan qalaalaso u gudbo dariska kadhicin deegaanka lahelin, waxaa siijoogi karo ciidmadaas shisheeye, marka waa in aan keenaa xal iyo nabadgalyo fadhisa oo aan ku kala badbaadno, dariskune inooga badbaado. Tani waxa eey ku imaan kartaa iyadoo la taageero maamulka dhismi-hiisu socdo hadda.

Ururka Horumarinta Arrimaha Bulshada ee GARAAD oo ka howl gala Gobollada Dhexe ayaa ka shaqeeyaa horumarinta arrimaha bulshada sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Ururinta dhaqanka iyo suugaanta, wacyigalinta, isd-hexgalka bulshada, dhiirrigalinta horumarka iyo nabadda.

Ururka GARAAD ayaa maal-mihii ugu danbeeyay waxa uu wacyigalin ka waday gobolka Galguduud, gaar ahaan magaalo madaxada Dhuusa Mareeb. Wacyigalintaa oo isugu jirtay 3 qeybood oo muhim kala ah;

1- Wacyigalin Caafimaad Wacyigalintan caafimaad waxaay isugu jirtay 2qeybood oo muhim ah: a) Wacyigalin loo qabtay xaafadaha magaalada Dhuusa Mareeb ay ka kooban tahay iyo tuulooyinka ku dhawdhaw. Wacyi galintaa waxaa ka faa’iideystay 543 qofood, oo intooda badani ahaayeen hooyo iyo dhallan.

Dadkan ayaa waxa laga wacyiga-linayay sidii ay kaga horatagi la-haayeen cudurrada sida fudud ay uga qaadi karaan deegaanka ay kunool yihiin ama cuntada ay cu-nayaan, caafimaadka deegaanka (Environmental Health), nadaaf-adda ama caafimaadka bini aad-nka (Human Health), nadaafadda biyaha (water Sanitation), quud-inta (Nutrition), tallaalka (Immuni-zation), food Hygien iyo cabidda sigaarka (Smoking & Tobacco related diseases)

b) Tababar Caafimaad: Tababarka Caafimaad waxaa loo qabtay isla markaana ka faa’iideystay 34 qo-food, oo ka mida ardada dhigta dugsiyada sare iyo ardayada wax ka barata jaamacadaha k yaalla deegaanka. Tababarkan ayaa waxa ay ku qaateen dadkii ka faa’iideystay Koorsooyin dhowr ah, oo isugu jira Theory iyo prac-

tice, waxaana ka mida koorsooy-inkaa gaagaaban oo ay qaateen; Emergence care, Emergence lap and Vital Signs. Koorsooyinkaa waxa ay socdeen muddo bil ah, waxana lagu qabtay gudaha is-bitaalka weyn ee gobolka, oo ku yaal Dhuusa Mareeb.

2- Maamul wanaag “Good go-vernance”Sidoo kale, Ururka Garaad wuxuu bulshada deegaanka gaar ahaan dhallinyarada, haweenka Maamullada deegaanka iyo urur-rada bulshada rayidka ahba u qabteen Barnaamijka “Maamul wanaagga” Barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 29 qofood oo isugu jira dadka aanu kor kusoo sheegnay. Community mobilization, Team building, Leadership skills, Communica-tion, Conflict resolution, Time management and Stress ma-nagement ayaa ka mid ah koor-sooyinka dadkasi ay ku qaateen barnaamijka Good governance “Maamul wanaagga”.

3-Agricultral Encouragement & Environmental protectionGobolka waxaa ka jira muuqaal wanaagsan oo ah in dadku ay ku baraarugayaan in ay samaystaan beero lagu abuurayo geedaha qudaarta noocyadooda kala duwan, sidaa awgood, waxaa ururku wacyigalin u qabtay dadka ku dhiirraday in ay beero ka samaystaan deegaanka kuwaa oo loo qabtay seminars ka turjumaya sidii ay u horuma-rin lahaayeen abuurka beeraha ee ay billaaben. Dhanka kale, deegaanka waxaa caqabad ba’an ku haya dadka jara dhirta, ee dhuxa dibadda loo dhuufiyo ka dhiga, kuwaa oo naafeeyay bi-licdii deegaanka, isla markaasna halbowlaha jaray daaqsintii xoolaha deegaankani uu caanka ku ahaa.

Ururku wuxuu isku dayey inuu ka sameeyo wacyigalino bal-laaran, oo dadka loogu shar-raxayo dhibaatada ka imaan doonta ciribta danbe ee jarista geedaha. Waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada Dhuusa Ma-reeb ee xarunta gobolka Galgu-duud xaflad si ballaaran ay uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida; Oday-aasha dhaqanka, Haweenka, Culimaa’udiinka, Dhallinyarada iyo Maamulka gobolka iyo kan degmada dhuusamareeb ee Dowladda Soomaaliya, oo looga hadlay arinta dhir jaridda iyo qatarka ka dhalan karta.

Waxbarashada Ururka Garaad ka wado Gobollada Dhexe Iyadoo ururkani uu howlo kala duwan oo dhanka arrimaha bulshada ah ka wado Gobollada Dhexe, ayaa waxaa marba marka ka sii danbeysa soo muuqanaya isbedelka dhanka waxbarashada ee ururkaasi uu ka sameeyay Gobolka Galguduud. Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee GUR-MAD waxa uu ka mid yahay iskuullada uu aururka Garaad ka furay magaalo madaxda gobolka Galguduud, ee Dhuusa Mareeb, kaasoo si bilaash ah ama lacag la’aan ah ay wax uga bartaan in ka badan 215 arday oo isugu jirta lab iyo dhaddig. Iskuulkan ayaa ka so kow maaddooyinka cilmiga ah, waxaa lgu bartaa duruus gaar ah oo jiilasha soo koroya looga weecinayo qaby-aaladda iyo nin jeclaysiga, iyadoo lagu barbaariyo carruurta WAD-DANIYAD IYO JECLAANTA SOOMAALINIMADA. Iskuulkan waxaa wax ka dhiga macallimiin is-xil-qaantay, oo isu taagtay in ay carruurta deegaanka ku nool ay gaarsiiyaan ama ay baraaan aqoonta ay dheer yihiin. Sida kor aanu ku xusnayba iskuulka GURMAD waxaa hadda si toos ah wax uga barta 215 oo isugu

jira 83 wiilal iyo 132 gabdhood. Ma jirto dowlad hay’ad ama cid kale oo taageerta iskuulkaan, kaliya waxa uu iskuulkan uu ku socdaa iskaashi iyo ururin $2, $5 ama $10 Doollar oo xubnaha Ururka Garaad ay iska ururiyaan dhexdeeda.

Haddaba, anigoo ah AXMAD MAXAMAD MAXAMUUD SII-GAALE Guddoomiyaha Ururkan GARAAD waxaan halkan mahad celin iyo bogaadin uga dirayaa walaalaha same jeclka ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan asxaabtii iskuulkan Gurmad ku caawisay in ay u sameeyaan Kuraas iyo miisas ardadu ay wax ku barato, waxa aanna ka rajaynaynaa Walaalaha soomaal-iyeed, qurbajoogta deegaanka, ganacsata iyo ehlu khayrka samaha jecel, in ay dhankooda gacan uga gaystaan dedaal-ladan lagu doonayo in la abuuri jiil aqoon iyo ogaal wacan leg, si berri aqoolku noogu hagaago. Si taas u dhacdana, waa inaan iska kaashanna sidii bulashada looga badbaadin lahaa jahliga. Ururku wuxuu u baahan deeq walba oo lagu saacidi karo, dad aqoon leh, oo kaalin ka qaata siminaar-rada iyo koorsooyinka la bixi-nayo, macallimiin wax ka dhigta iskuulka, dhaqaale lagu socod siiyo hawl maalmeedka ururka iyo xarumaha uu maamulo, sidoo kale, agab iyo alaabo iskuulka wali ka kala dhimman. Marka qofkii wax ku tari karta ama wax ku biirin karta fekrad iyo fuluus ba (lacag) fadlan halkan hoose ha kala xiriiro;

Tel: +252-615293332 // +252-622293332 // +252-615725888 // +252-615610121

E-mail: [email protected] // [email protected]

Page 4: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

4 Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad Arbaco 01, oktoobar 2014QORAALLADA WARGEYSKA

KALA SAARISTA WAX SOO SAARKA, BADEECO IYO ADEEG

Marka aan ka hadalno macnaha wax soo saar, waxaan ku mac-neyn kareynaa: abuurista ba-deeco iyo adeeg, si loo qanciyo baahida iyo rabitaanka bulshada. Wax soo saarka waxaanu u kala qadaynnaa laba qeybood oo aad muhim u ah, islamarkaana aanu wada garaneyno, kuwaas oo kala ah: badeeco iyo adeeg, ayada oo bulshada guud ahaan anay sidaa u fahamsaneyn ayaan u doorannay, si aanu uga raaridno bulshada in aanu wax soo saarka ku soo bandhigno guud ahaan sida ay u kala qadanayaan oo wax soo saarka anan ku soo gaar yeelin kaliya badeecadda, waayo adeegguba waa shey muhiim u ah bulshada, isla markaana ah wax la qabto waloow aan la arkeynin una baahan inaan ula soconno kuna tix galinno inuu yahay qeyb ka mid ah wax soo saarka dalkasta iyo dadka ku nool intaba ahna mid ay ku faani karaan hadba inta wax soo saarkooda ku egyahay badeeco ahaan iyo waliba adeeg ahaan, marka aanu mid waliba si gaar ah

u qeexno waxaanu ka dhihi kar-naa sida tan oo ah mida la isku waafaqay guud ahaan dunida:

Badeecadu: waa shey la taaban karo lana arki karo waxa uu yahayna aanu wada fahmi karno waxaana ka mid ah sida badee-cada quutul daruuriga ah, dharka la xiranayo, kabaha la gasha-nayo, gawaarida la raacayo, agabka wax barashada iyo waxy-aabo badan ee aanan halkan ku soo koobi kareynin.

Adeegga: waa shey aanan la taaban karin, la arki karin, sida loo fahmana ay u baahan ta-hay ka dhaadhicin iyo baritaan baaxad leh. Adeegga bulshada waxaa ka mid ah caafimaadka iyo waxbarashada, waana wax aad muhim ugu ah bulshada jiritaan koodana u leh faa’iido dheer loona baahan yahay in loo fiiro lahaado lana wada ilaaliyo, maxaa yeelay adeegga bulshada wuxuu badeecada kaga duwan yahay waa wax la wada leeyahay ahna wax dan guud ah.

Waxaa ka mid ah adeegyada bulshada markii aannu sawir ahaan u fiirinno:

Adeegga gawaaridaWaa adeegga gawaarida oo aynu dhihi karno waa adeeg wax tar weyn u leh bulsho kasta ee meel deggan, kana faa’iidaysata sidii ay ugu gaari lahaayen waqti gaaban masaafo aad u fog, iyaga oo aan wax daal dareemin. Sidaa awgeed bulsho kasta waxaa u wanaagsan iney ula socdaan gawaarida iney ka mid yihiin wax soo saar la mid ah sida badee-cada oo kale.

Adeegga caafimaadkaWaxaa la mid ah adeegyada caafimaadka oo muhim u ah dadka, isla markaana loo baahan yahay in lagu dadaalo si loo helo bulsho caafimaadkeedu dha-meystiran yahay, waayo hadaanu caafimaad jirin waxaa dhumaya nuxurkii bulshada iyo wax la qeybsiga caalamka intiisa kale. Caafimaad bulsho qabtaa waxey

wax la wadaagi kartaa caalamka intiisa kale ayada oo kala hadli karta waxa ay dooneyso iyo sida ay wax u rabta intaba.

Adeega WaxbarashadaSidoo kale waxaa la mid ah wax-barashada oo ah laf dhabarka umad walba loona baahan yahay iney ilaaliso ilaa xad si bulshada u ahaato mid indho furan, waayo aragna u ah waxa dunida ka dha-caya, si wax badan kaga ogaad-aan, waxbarashaduna waa qeyb ka mid ah wax soo saarka sida badeecada oo kale. Maahmah soomaaliyeed ayaa ahayd ‘Wax barta aan barwaaqo gaarnee’, taas oo macnaheedu yahay in wanaag iyo horumar la gaarayo hadii la helo waxbarasho wa-naagsan, umadana ay ka wada faa’iideystaan.

“DADAALKA DADKA WAA WAX SOO SAAR MUG WEYN LEH.”

W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi | [email protected]

Sheeko ka hadleysa nolosha haasaawaha dhallinyarada.

Markuu Yusuf uga tegay biibitadi ayuu Bashiir go’aansaday inuu ka faa’iideysto fursadda inta ay dagaalsan yihiin Habboon iyo Maxa-mud, asagoo isku qanciyay hadalkey Haboon ku tiri Yusuf oo ahaa; “Inay dhowr jeer iskaga tagtay Maxamud, laakiin, aanay ujeeddo ka laheyn iyo rabitaan mustaqbal toona). Bashiir markuu miisaamay hadalkaas Habboon looga sheegay iyo midkii ay Khadiija ku tiri markuu weeydiiyay Cali Nuur way iskula ekaadeen, laakiin, wuxuu mudnaanta ku siiyay midka Habboon inay ku tiri Yusuf oo aaney wax dan ah kala laheyn, balse, Khadiija ay asaga ku tiri ayadoo rabtay inay asaga wax la wadaagto.Halkaa waxaa Bashiir uga soo baxay fursad uu ku dhiirran karo inuu Habboon kula wa-reegi karo. Habeenkii xigay maqribka kadib, ayuu Bashiir aaday xaafaddi Xamar Jajab, asagoo salaanta soo wada mariyay dares-kii oo dhan, ayuu ugu dambeynta wuxuu garaacay albaabka guriga Habboon oo ay ka furtay Hooyo Faaduma, oo maleysan weyday inuu gurigooda yimaado. Hooyo Faaduma markey aragtay Bashiir ayay u yeertay ga-badheeda Habboon kuna tiri;

“Habbooneey hooyo waxaa noo yimid Bashiir

Xaaji, oo caawa na soo salaamay, ee orod ca-bitaan ka keen dukaanka”. Habboon waxay ka soo baxday qolkeeda oo ay la joogtay gabar saaxiibteed ah, oo ka weyn kuna jirta macallimiinta BBga oo Xalane ku xareysan. Gabadhaas oo la yiraahdo Xaliimo Caddeey. Bashiir oo diiddan cabitaanka la doonay ayay Habboon ka tallaabtay albaabka oo aad-day dukaanka. Daqiiqado yar kadib, ayay Habboon soo gashay gutiga ayadoo wadda cabitaankii, oo ay mid ugu talagashay saaxi-ibteed, markaana Bashiir wuxuu Hooyo Faad-uma uga warramaayay xaaladda reerkiisa iyo xaafadda Yaaqshiid ay degeen, oo markaa u muuqatay baaddiyo baaddiyo camal. Waxay noqotay inuu Bashiir galo qolkii ay ku jireen Habboon iyo saaxiibteed oo la baray, kadibna wuxuu Bashiir billaabay sheeko caadi ah, maadaama aanu fursad u haysan muraadka uu u yimid.

Wuxuu ka sheekeeyay intuu xaafadda dega-naa iyo inta jeer ay wada hadleen asaga iyo Habboon, taasoo ay Habboon markhaati uga noqotay intuu tiriyay. Xaliima Caddeey oo dhabanka haysata oo la yaabban hadallada Bashiir iyo markhaatiga Habboon ayaa tiri;“Abboow horta magacaagi iigu celi adigoo raalli ah?” Habboon ayaa ugu celisay magaca Bashiir Xaaji, markaa ayay Xaliimo Caddeey

tiri; “Walaal Bashiir sidee ku xasuusatay toban jeer oo aad la hadashay Habboon?” Wuxuu ku yiri; “Wuxuu qofku daneeynaayo meel ayay ugu qoran yihiin. Tusaale hadda magacaaga iyo habeenkaan aan isbaran-nay waan kuu sheegi karaa 10 sano kadib” Xaliima Caddeey ayaa tiri; ‘Waa iga maskax fiican tahay”. Wuxuu ku yiri;“Wuxuu qofku xiiseynayo inta badan si fiican ayuu maskaxda ugu keydsadaa, waana midda keentay inaan xasuusto Habboon intaan wada hadalnay” Xaliima oo fahamtay ujeedka Bashiir ayaa Habboon su’aashay; “Habbooneey adiga ma xasuusataa?” Hab-boon ayaa tiri: “Maya, laakiin, markuu ii tiriyay Bashiir ayaan wada xasuustay” kadibna waa wada qosleen.

Xoogaa markuu joogay Bashiir, ayuu go’aansaday inuu baxo, waxaana soo sa-gootiyay Habboon iyo saaxiibteed, markey xoogaa soo fugaadeen ayuu Bashiir ku yiri Xaliima Caddeey; “Wax yar ayaan rabaa in-aan Habboon ku iraahdo, adigoo iga raalli ah haddii aad ii oggolaato” oggolaansho kadib ayuu gees intuu ula baxay Habboon ka codsaday inay ballamaan si uu ugu sheego muraadkiisa. Haboona waa ka oggolaatay, waxayna ballameen laba habeen kadib.

RUN MISE BEEN?! | Q5AADW/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

La soco Q.6aad

Page 5: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad 5QORAALLADA WARGEYSKAArbaco 01, oktoobar 2014

WAA MAXAY DHAQAALE?

Weydiin: Waa maxay dhaqaale?Warcelin: Marka laga jawaabayo weydi-inta ah “Waa maxay dhaqaale?” ma jirto jawaab la isku raacsan yahay, oo adduunka dhami isla ogyahay, waxaase jira qaabab kala duwan oo ay aqoonyahannada cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay ama bartay ay uga jawaabeen su’aashan.

Sidee ayay aqoonyahannada cilmiga dhaqaalaha uga jawaabeen “Waa maxay dhaqaale?” Qaamuuska dhaqaalaha ee ECONOMISTS, ayaa wuxuu ku qeexay dhaqaaalaha in uu yahay: “Barashada wax soo saarka, qeybinta iyo isticmaalka ee hantida bulshada”. Sidoo kale, machadka caanka ah ee Saint Michael’s College ayaa asna wuxuu uga jawaabay weydiinta: waa daraasadda ama barashada go’aan qaadas-hada iyo kala doorashada.

Waa maxay dhaqaale? Aniga oo ah qoraaga qormadan, sidee ayaan uga jawaabi lahaa weydiintan? Hadii aniga

oo imtixaan tijaabo ku jira la i weydiin lahaa su’aashan, jawabteydu waxay noqon laheyd: waa barashada ama daraasadda sida ugu wanaagsan oo ay shaqsiyaadku iyo kooxuhu go’aannada u qaatan, iyaga oo heysta khey-raad kooban, doonayana in ay dharjiyaan rabitaankooda, baahidooda iyo damacya-dooda.Marka an eegno qeexitaankan ugu danbeeya, waxaan kala soo dhex bixi karnaa in dhaqaal-uhu u qeybsamo laba qeybood oo kaa ah; Microeconomics iyo Macroeconomics.

Waa maxay Microeconomics?Microeconomic wuxuu la xiriiraa go’aannada dhaqaale, kuwaas oo u dhaxeeya heerarka hoose, haddii aan isku dayo in aan sii fu-dudeeyo, wuxuu noqon karaa qeexitaanka Microeconomic: falanqeynta go’annada ay qaatan shaqsiyaadka iyo kooxaha, waxy-aalaha go’aannadaas saameyn ku yeesha iyo dadka ay saameeyaan go’annadaasi.

Waa maxay Macroeconomic?

Wuxuu baaraa dhaqaalaha guud ahaan, wuxuuna ka jawaabaa su’aalaha kala ah:- Maxaa sababa inuu dhaqaaluhu markasta kordho?- Maxaa keena isbedbedelka muddada gaaban ee dhaqaalaha? - Maxaa saameyn ku yeelan kara, kala duw-naashaha qiimaha, sideyse u saameeyaan waxqabadka dhaqaalaha?

Qaabka ugu wanaagsan ee lagu fahmi karo Macroeconomic waa in lala barbardhigo Microecnomic, kaas oo tixgaliya go’aannada lagu gaaray heer shaqsi ah ama shirkad.Macroeconomic wuxu tixgaliyaa suur-adda weyn ama sare ee heer dowladeed, wuxuu sidoo kale daraaseeyaa wadarta go’aannadooda heerka hoose.

Waxaase si kooban loogu qeexi karaa Microeconomic in uu yahay: laan ka mid ah laamaha dhaqaalaha, taas oo daneysa wadarta dakhliga qaranka, isticmaalka han-tida qaranka iyo maal-gelintaba’.

W/D: Bashiir Xaashi Dhoorre | [email protected]

Tallaalka cudurka dabeysha

Qaramada Midoobey ayaa sheegtey 16 agoosto 2013 in cudurka dabeysha uu halis weyn ku hayo Soomaaliya, iyada oo xilligaa kiisaska laga helay carruurta qabta cudurkani ay gaarayeen 105 qof, taasi oo ka dhigan kala bar guud ahaan tiradii adduunka oo dhan laga heley sanadkii ka horeyay. Inta badan meelaha laga sheegayo cudurka dabaysha waa meelaha aysan gaari karin kooxaha caafimaadka ee tallaalka bixiya, oo ka fog magaalooyinka ay amni xumo daran ay ka jirto ama Al-shabaab gacanta ku hay-aan. Soomaaliya ayaa la sheegey in cudurka dabeysha laga cirib tirey 7 sano ka hor, iyada oo la tallaalay dad gaaraya 4 milyan oo qof, haddana, wali waxaa muuqata in raadkiisa wali muuqdo, oo aan si rasmi ah loo dabar-goyn.

Waa maxay POLIO?POLIO waa cudur ka yimaado feyrus, wuxuuna ku dhacaa carruurta ama dadka waa weyn jirkooda, asagoo dhex maraayo afka. Mararka qaarkood ma keeno halis dhab ah, laakiin marar kale wuxuu keenaa qallal (aadan nuuxin karin lugaha ama gac-maha). Wuu dili karaa dadka uu ku dhaco, caadi ahaaan asagoo qallal ku rida murqaha saacida neefsashada. Cudurka dabeysha aad buu caadi uga ahaan jiray adduunka, wuxuuna ku riday qallal dila kumaannaan kun ee dadka caalamka ah sanad kasta ah, inta aan loo helin tallal, oo uu hindisay dhaqtarkii weynee, ee la oran jiray Jonas Salk.

Waa maxay sababta la isku tallalaayo?Tallalka POLIO aan dhaq-dhaqaaq laheyn (IPV) wuu ka hortagi karaa polio. 1916kii cudurkii saf-marka POLIO ee waddanka USA wuxuu dilay 6,000 qof, qallalna ku riday 27,000 kale. Intii ka horeyey 1950kii waxaa jiray ilaa 20,000 xaalad ee dabeysha sanad kasta sababto. Tallaalidda POLIO wuxuu billowday 1955kii, markii la gaaray 1960kii tirada dadkii qabay hoos ayey u dhacay ilaa 3,000. Markii la gaaray1979kii waxaa jiray ilaa 10,000. Guusha tallaalka polio ee waddanka marenkanka iyo wadamada kale waxey dha-lisay in adduunka oo dhami isku daydo in uu baabiyo POLIO. Haddii dadaalka baabi’inta cudurka ee dunida lagu guuleeysto, maalin maalmaha ka mid ah uma baahan doonno tallaalka POLIO. Inta waqtigaas laga garaayo waa in aan wadnaa tallalka careuurteenna.

Yaa la siinayaa tallaalka POLIO iyo goorma?Tallaalka IPV lagaaga duro lugta ama ga-canta, ayadoo ku xiran tahay da’da tallaalka. Tallaaalka POLIO waxa laguula siin karaa tal-lalo kale, oo aad qaadan lahayd, oo laguugu dhexdari karaa.

Carruurta:Dadka badidood waa iney qaataan tallaalka POLIO markey carruurta yihiin. Carruurtu waxey qaataan 4 qiyaas ee IPV da’daan:- Hal qiyaas 2 bilood - - Hal qiyaas 6-8 bilood- Hal qiyaas 4 bilood

- Qiyaas badan 4-6sano jir

Dadka waaweynDadka waa weeyn badidood uma baahna tallaalka POLIO, sababtoo ah horay ayaa loo tallaalay carururnimadooda, laakiin seddex kooxood oo dadka waa weeyn ah ayaa halis ugu jiro, waa in ey qataan tallaalka POLIO, oo kala ah:1- Dadka u safraayo dalalka uu POLIO ka jiro.2- Shaqaalaha sheybaarka oo laga yaabo FYRUSKA POLIO in uu gaaro.3- Shaqaalaha daryeelka caafimaadka, ee xannaaneeya bukaan-socodka qaba POLIO.

Dadka waaweeyn ee ka mid ah saddexdaan koox oo aan waligood qaadan tallaalka polio waa in ey qataan saddax qiyaas ee IPV:- Qiyaasta koowaad waqti kasta- Qiyaasta labaad 1-2 bil kadib,- Qiyaasta sedexaad6-12 bilood ka dib qiy-aasta labaad.

Dadka waaweyn ee ka mid ah saddexdan koox ee qaatay 3 qiyaas ama ka badan ee tallaalka polio (IPV ama OPV) waqti hore, waxey heli karaan qiyaas badan IVP

Xasuusin:Wixii intaan ka badan wac ama la xariir dhakhtarkaaga ama kaaliyaha cafimaad, si aad warbixin fiican uga heshid, ama tag rugta kuugu dhaw ee lagu bixiyo barnaamijka caafimaadka asaasiga ah.

FARRIIN CAAFIMAADW/Q: Maxmed Cali Axmed | [email protected]

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha.

Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: [email protected]

Page 6: Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2014

IID WANAAGSANMEEL KASTA OO AAD JOOGTAAN

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!