wargeyska dalka isniin 06 april 2020 wargeyska dalka · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya...

12
WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 1 WARGEYSKA DALKA Wargeyska DALKA Wargeyska Wargeyska Dalka, Waa wargeys Toddobaadle ah oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska TODDOBAADLE ISNIIN EMAIL: [email protected] Bogga 2-3-aad Bogga 6-aad Bogga 7-aad Bogga 5-aad Bogga 8-aad Bogga 7-aad ISLAAMKA IYO NOLOSHA WARARKA WARGEYSKA ARRIMAHA DHALINYARADA FAALLO & FALANQEYN DHAQANKA IYO SUUGAANTA ARRIMAHA BULSHADA DHAQAALAHA & GANACSIGA MADAXWEYNAHA JFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA CIYAARYAHAN SACIID DUCAALE MURTI & MAAWEELO Bogga 9-aad Bogga 12-aad Eeeg Bogga 12-aad Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacsiyeyay geeridan xanuunka badan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda. “Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.” Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen. Dhanka kale, Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacsiyeyay geeridan xanuunka badan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda. “Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.” Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud. Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin. Si waafaqsan Qodobka 90- aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus. Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkaan. TUSMADA

Upload: others

Post on 10-Mar-2021

13 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 1WARGEYSKA DALKA

D A L K AWargeyska

Email: [email protected] A L K A

Wargeyska

Wargeyska Dalka, Waa wargeys Toddobaadle ah oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

TODDOBAADLE ISNIIN EMAIL: [email protected]

Bogga 2-3-aad

Bogga 6-aad

Bogga 7-aad

Bogga 5-aad

Bogga 8-aad

Bogga 7-aad

KA EEG GUDAHA

ISLAAMKA IYONOLOSHA

WARARKA WARGEYSKA

ARRIMAHA DHALINYARADA

FAALLO &FALANQEYN

DHAQANKA IYO SUUGAANTA

ARRIMAHA BULSHADA

DHAQAALAHA & GANACSIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA CIYAARYAHAN SACIID DUCAALE

MURTI &

MAAWEELO Bogga 9-aad

Bogga 12-aad

Eeeg Bogga 12-aad

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacsiyeyay geeridan xanuunka badan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.”

Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.

Dhanka kale, Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka

baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacsiyeyay geeridan xanuunka badan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.”

Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo

colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun.

Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo

fudud.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkaan.

TUSMADA

Page 2: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 2WARGEYSKA DALKA WARARKA WARGEYSKA DALKA

GUDDOOMIYAHA BJF SOOMAALIYA OO KA TACSIYEEY

GEERIDII KU TIMID NUUR CADDE

RA’IISUL WASAARE KHEYRE IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA NORWAY OO KA

HADLAY XAKAMEYNTA COVID-19Ra’iisul Wasaaraha

Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide ayaa kulan dhanka Internet-ka ah (video conference), kaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka barta go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in Dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in Dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga Dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan COVID19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyada iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka

codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyigelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, Wasaaradda Maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka

inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaaran ee COVID19

Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga, iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka Ummadeed iyo sida ay ugu hoggaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka Madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuullada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay

in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka Ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanayo Geeska Afrika

“Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”,

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah. Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan. Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaaruhu.

“Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda Federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Xasan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hirgeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka, ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

WASIIR MAAREEYE OO UMMADDA SOOMAALIYEED UGA TACSIYEEYAY

GEERIDII NUUR CADDE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxriistee Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen ‘’Nuur Cadde oo ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka Britian.

‘Innaa lillaah wa Innaa Ileyhi raajicuun Rabbi naxriistiisa janno haka waraabiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde waxa uu ahaa shaqsi qaali ah oo wax badan dalka usoo

qabtay xili adagna dalka usoo shaqeeyay’’ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha u naxriistee Marxuum Nuur Cadde oo muddooyiinkii ugu dambeeyay degganaa magaalada London ee xarunta dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November sanadkii 2007-dii,waxaana xilkaas u magacaabay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowladii kumeel gaarka ahayd.

Nuur Xasan Xuseen ‘’Nur Cadde’’ wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938-kii waxa uuna ku dhintay da’da 82-sano jir.

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo ayaa waxaa halkasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliin uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wafdiga Xildhibaannada ee ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyn

ka dib waxaa goobta ka hadlay duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga, isagoo xusay in magaalada ay kal hore

joogeen Xildhibaanno kale.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in loo baahan yahay wafdiga soo gaaray

Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in bulshada ay aad ugu faraxsan tahay socdaalka Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal.

“Dowladdii galmudug oo sii fideyso weeye, waana ku faraxsanahay imaatinkiina guul weyn ayay u tahay bulshada Gaalkacyo” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow oo ku hadlayay magaca wafdiga ayaa sheegay inay farxad u tahay socdaalka ay ku tegeen Gaalkacyo, ayna diyaar u yihiin inay dhageystaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan shacabka.

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee , Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo saaka ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku tilmaamay Nuur cadde in uu ahaa halyeey usoo shaqeeyay Ummadda Soomaaliyeed xilli adag.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa labadii Toddobaad ee lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka Corona virus, isagoo ku jiray Isbitaalka Kings College ee ku yaalla Magaalada London.

XILDHIBAANNO KA TIRSAN LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA OO LAGU SOO DHAWEEYAY GAALKACYO

Page 3: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 3WARGEYSKA DALKA WARARKA WARGEYSKA DALKA

Guddiga-Wadajirka KMG ah ee diyaarinta xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa hakiyey Shaqadii uu maalmahanba hayay.

Guddiga-Wadajirka ayaa tilmaamay in sababo la xiriirto cudarka Coronovirus aawadii Guddiga wadajirka ah ee Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo is xog-wareysi ah la lahaa Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ay u soo idlaadeen, isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay hakiyeen

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa shir uu qabtay ku sheegay in shaqadii Guddiga ee socotay la hakiyey cabsi laga qabo faafidda cudurka Coronavirus oo walwal badan

ku haayo caalamka oo dhan.

G u d d i g a - w a d a j i r k a ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha, Dib-u-

heshiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaasi oo looga hadlayay diyaarinta xeerarka dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

GUDDIGA-WADAJIRKA EE DIYAARINTA XEERARKA DHAMAYSTIRKA SHARCIGA DOORASHOOYINKA

QARANKA OO HAKIYAY SHAQADOODA

Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray mas’uuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakillo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo soo

gaabiyo (HIPC).

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaallada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hoggaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahad celineynaa tallaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota toddobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, Banka adduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayn, waxaana doorasho lagu qabtay hoolka Baarlamaanka Galmudug oo ay soo qaban qaabisay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Faadumo Cabdi Cali.

Kulanka waxaa ka qayb galay oo goob joog ka ahaa Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele iyo Ururrada Haweenka Degmooyinka Dhusamareeb, Caabud waaq, Cadaado, Guriceel iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa daah

furtay munaasabadda wax lagu dooranayey Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali, iyadoo haweenka ku boorisay inay ka shaqeeqaan horumarinta dalka.

Intaasi ka dib waxaa la gudagalay doorashada saddexda xubnood, iyadoo ay codaynayeen Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble Gudoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Xildhibaan Fardowso Yuusuf Ciid, halka Xoghayn loo doortay Amal Axmed Cabdulle.

Xubnaha la doortay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay muujyeen sida ay ugu faraxsanyihiin, waxaana

ay balan qaadeen inay ka soo bixi doonaan xilalka loo doortay ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Galmudug.

Zam zam oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Tariig Ibraahim Axmed Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele ayaa ka hadlay madasha, waxa ayna ka hambalyeeyeen howsha la qabtay.

Ugu dambayn Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Gal-mudug Faadumo Cabdi Cali ayaa waxa ay balan qaaday inay la shaqayn doonaan, loona baahan yahay in la muujiyo isku duubni joogta ah.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in ay ku celinayaan baaqa xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee ahaa Xabad-joojin caalami ah oo meel la isaga dhigayo rabshadaha, is-aaminaad la’aanta, cadaawadda iyo naceybka, si looga baaqsado dhibaatada cudurka Corona virus.

James Swan, ayaa

sheegay in bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay Garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed xilliga ay dhibaatadu jirto, ayna sii wadi doonaan taageerada wax looga qabanayo ka hortagga saameynta caafimaad iyo midda dhaqaale ee cudurka COVID-19.

“Waa inaan dhammaanteen u midownaa inaan ka hor tagno faafidda cudurkan. waxaan si gaar

ah ugu baahannahay inaan dareen gaar ah ku bixino kuwa ugu baylahda badan ee Bulshadeenna, oo ay ku jiraan barakacayaasha, Dadka xanuunsan iyo Dadka da’da ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday in Dadka Soomaaliyeed oo dhan isugu yimaadaan dagaalka ka dhanka ah cudur Coronavirus oo Dunida ku haya dhibaato ba’an.

WASAARADDA BOOSTADA OO SOO BANDHIGTAY SIDA LOOGA FAA’IIDEYSAN

KARO TEKNOLOJIYADA XILLIGA XAYIRAADDA CORONAVIRUS

DALALKA KU BOHOOBAY PARIS CLUB OO 1.4 BILYAN DOLLAR KA CAFIYEY SOMALIYA

HAWEENKA KU JIRA BAARLAMAANKA GALMUDUG OO DOORTAY GUDDOON CUSUB

JAMES SWAN OO BAAQ NABADEED KA SOO SAARAY XAALADDA SOOMAALIYA

Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena iyo go’aamadii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) waxay ku baraarujineysaa qeybaha kala duwan sida ay uga faa’iideysan karaan teknolojiyada si hawlaha qaarkood ay sii socan karaan, inta lagu guda-jiro xayiraadda cudurka Coronavirus.

Iyadoo taageero ka heleysa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta ee Bangiga Adduunka, Wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay illaa 37 qolal shir (communication rooms) oo laga hirgeliyay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Caasimadda Muqdisho.

Qolalkaas ayaa loogu talo galay inay ku wada xiriiraan hay’adaha kala duwan ee dawladeed iyo kuwa caalamiga ah ee ay xiriirka la leeyihiin si loo yareeyo safarrada, loona kordhiyo isku-xirka wada-shaqeynta, iyadoo markan la ilaalinayo tilmaamaha caafimaad ee la xiriira Coronavirus.

Wasiirka Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto qolalkaas, maadaama la joojiyay isku-socodkii, wuxuuna ku boorriyay Wasaaradaha heer dawlad goboleed iyo heer federaalba inay wadaagaan qolalka isgaarsiinta, maadaama aysan dhaqaale ahaan suurtogal ahayn in Wasaarad walba loo dhiso mid u gaar ah. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Wasaaraddu kaalinta kaga gudboon ka qaadan doonto sidii loo kordhin lahaa xawaaraha internetka ee Wasaaradaha heer federaal iyo heer dawlad goboleedba, iyadoo lala kaashanayo Bangiga Adduunka oo aan adeeggan uga mahadcelineyno.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiirku ammaanay sida jaamacadaha dalka ay uga faa’iideysanayaan inay waxbarashada ku bixiyaan qaab online ah, iyadoo hore ay Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada gacan ka siisay qaar ka mid ah jaamacadaha ka tirsan SomaliREN sidii ay u heli lahaayeen internet ay u adeegsan karaan wax-barista, inkastoo Wasiirku uu

qiray in ardeyda iyo goobaha waxbarashada dalka oo dhan aysan wada heli karin internet u saamaxaya in wax lagu baro, lagana baran karo.

Qorshaha Siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka ee 2019-2024 waxaa ku jirta in iskuul iyo jaamacad kasta ay helaan internet, taas oo horumarin doonta adeegyada waxbarashada.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in Wasaaraddu gacan ka geysaneyso intii karaankeeda sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa fududeynta hawlaha uu xannibay Coronavirus, iyadoo mar kastaba lagu dhaqmayo talooyinka Guddiga qaabilsan Coronavirus iyo go’aamada kale ee ka soo baxa Dawladda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay kordhiyaan taxadarkooda, qaataana talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dalalka ay ku nool yihiin, isagoo Alle ka baryay inuu adduunyada ka dulqaado musiibadan uu la yimid cudurkan dilaaga ah.

Page 4: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 4WARGEYSKA DALKA DAREENKA DAD WEYNAHA

GUUXA SHACABKA

Afkeena soomaaliga oo lagu tiriyo mid kamida afafka aduunka ugu hodansan uguna murtida badan ayaa taniyo burburkii dawladdii dhexe waxaa soo food saartay halis ba’an oo kaga timi jahooyin dhowr ah ,kuwaasoo ay kamid yihiin; ku milanka afafka qalaad, soo ifbixida erayo cusub oo macne ahaan iyo qira ahaanba kuwii hore aad uga liita, manhajyada kala duwan ee iskuuladu haystaan oo aan lahayn eray bixin sax ah, dadkii miyiga oo magaalooyinka u guurey afkoodii horena ka bayroo intay ilbaxnimo moodeen sida reer magaalka iska dhigey tusaale; gabadh ama wiil baadiye laga keenay haddii iskuul xamar ku yaalla laga geeyo wuxuu xoogga saarayaa inuu adeegsado erayo ay kamid yihiin; yaaqay, nooh, caadi iska dhig, adiga lee waaye, haygu mashquulin, yartu waa shidan tahey, way kala kacsantahey, hadalkaaga ma fahmooyi, iga qalay, iga wareeji, ga iga sii , bush ka sii , bac kasii, baby , my brother, hooyadaa usheeg iwm asagoo isleh yaan lagu oran waa reer baadiye, waxaana sidaa uga lumaya erayadii asalka ahaa ee deegaankiisii looga hadli jirey.

Erayada Af-Soomaaliga guud ahaan waxaa loo qeybiyaa 4-qeybood oo kala ah;

Eray asalkiisii hore Soomaali ahaa sida: geedi,geeri, goodi, gaaf, gaari,gaashaan, gawaan,gabraar,gamashi, dhabbe, dhanbal,dhalanteed, dhaashi, dhuuni, dhagar, sahan, sooryo, sibraar, sowrac, sarbeeb, silac, surbacaad, seermawaydo, , shukaansi,shaamoreer,shaamuug, shakaal, shaal, sheed,oon , omos,aas, oog, abaar, aqal, ileys, amakaag,areerin,uur, uskag,arad,abxad, illin, bajin, baanin, badbaadin, baadi,baahi, baaq, bidhaan, berkaado, buuni iwm.

Eray asalkiisii hore carabi , ingiliish ama talyaani ahaa sidiisa loo qaatay loona adeegsado sida; masaajid, mas’alo, maqaayad, maal,mufti, mowqif, mooshin,manhaj, jahli, jaamacad, janaraal, jiho, jaar, xalaal, xaaraan, waqti, subax,saxuur,salaad, saami, casho,qado, imtixaan, adaab, caqli, awlaad, ehel,qabiil iwm.

Eray asalkiisii hore carabi,ingiliish, ama talyaani ahaa balse af-soomaali loo turjumay sida; bare, dhigane,af-celiye, cod baahiye, arxan,murti, hadon ,kansho, goor sheeg, foog, qorshe, tixgalin, dhag(sharaf), dugsi, fayoobi (caafimaad), iftiin, anshax,mudane, tirsi, xeer, aqoon, dheef, bariidin, nabad-galyo iwm.

Eray ka abuurmay laba eray oo laysi-saarey sida; dukaan+le, bajaaj+le, xeeru+ dhaqan, wax+barasho,gaashaan+dhig, wacyi+galin, faaf+reeb, fariin+side,faham+darro, mala+awaal, xaas+le, madax +wayne, odey+ dhaqameed,nabad+doon, dheef+shiid,hida+side, duca+qabe, war+baahin iwm.

Lasoco qeybta labaad ee faallada tixda hoos ku qorana aqriso:

Shib ka dhaha(gabay)Shaqal jiidan,shibana agyaal,shaacir kala

saaraShicir gabaya,sharaxaad abwaan,sheeko

dabataallaHadal sharafleh ,murtidoo

shuclada,shaahid laga koobshoSharci guuna,shuruudii naxwaha,shaac

wax laga qaadey Shamal toosan,shactaraad

ubage,shaambin kala nuucaShirib adab leh,arartoo shakalan ,sheedo

ku cayaarkaXigmad shelan ,shallaadiga digiga,sheyga

lagu faanoShidka weedha,shigistood ka

bixi,shaafinimadeedaSharmaa timid iyo sheeko dheer shiishna

ku abaaranIntaaba afkeenaa shammila waana shey

dhaba eWaxse sharaftiisa liidayoo,shiikhey baa

jira eShaa iyo shee markii laga tagoon sheeyo

kala aadneyOon shidaadkii ka faaney iyo sheeko

baraleydaShaamareer baa kolkaa dhashiyo

sheegato umoodeShukaansiga waxa lagu galaa sheer dheh

iyo loofeShaandhada erayadii galaa shaac usoo

baxayeShoow ingiriiskaan jinni baaba shaabbah

noo jilayeShalay waxaa taqaanay baa haatan shuush

galayeShaleyto inaan taaganahey waa shaki

la’aaneShariba ka maaney horeen waxay isku

shideeyeeneShib ka dhaha afafka shisheeyuhu sharaf

ma keenaaneW/Q: Liibaan Xirsi Jimcaale

Markii la joojiyey Jaadka waxaa si weyn isbedel uga muuqday meelaha la fadhiisto ee lagu shaaho oo sida weyn laysugu imaado laguna falanqeeyo xaaladaha markaasi taagan, kuwaasoo u muuqda inay ka faa’iideen joojintii Jaadka oo markii hore aad loogu mashquulsanaan jiray laga bilaabo Duhurradii ilaa Galbihii, taasoo maalmahan qadka ka baxday, waxaana si raxan raxan ah loo soo galaa maqaayadihii markii hore cidlada ahaa, iyagoo beddaley booskii Jaadka oo kolkii hore loo badnaa, kuwaasoo farxad ku soo dhaweeya waa dadka ka shaqeeya maqaayadha e kuwii awal wajigooda ay ka muuqan jirtay caro iyo fakir aan dhammaad laheyn sababo la xiriirta jaadka iyo dhibkiisa, iyagoo hadda u muuqda kuwo faraxsan oo ka nastay jaadkii iyo dhibaatooyinkiisa iyagoo u muuqda kuwo nastay oo waqti hore guryahooda aada oo seexda hurdo fiicanna hela, halkii markii hore aanay jirin arinkaa. Waxaa si aad ah ugu sheekaysta gadaarada guryaha odayaal markii hore u qafaalnaa mashquulka jaadka iyo marqaankiisa ayaa hadda kusoo laabtay guriyahooda waxaana si habsami leh uga dhaqan galay talooyinkoodi iyo doorkii ay lahaayeen oo intii marqaanka ay ku jireen ay ka gaabiyeen ama meeshaba ka baxday. Waxaan kaloo wada ognahay in dhaqanka qoysku u baahanyahay talo wada jir ah oo mayir qabta, waxaa kaloo wargeysku markuu soo dhex maray suuqyada wax lagu kala iibsado ee qudaarta waxaa si aad ah

loo kala gadanaayey qudaarta noocyadeeda kala duwan, adeegyo aan horey loo iibsan jirin markii jaadka imaan jiray, sababtoo ah Soomaali waxay ku maah maahda laabi labo u la,’ taasi oo micnaheedu ay tahay in aan laysu keeni Karin nolosha wanaagsan ee qoyska iyo midda qalafsan ee kow ka atahay cunista qaadka.

Waxaa kaloo ognahay akhristayaal, in dabkoodu ku damay qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga qaadka taasoo illaa ay helaan wax kaloo ay ku badeshaan xirfadoodi ka ganacsiga qaadka taasoo ay taagnaan doonta ilaa lagu bixiyo talo iyo dadaal sidii dadkaas meel kale loogu jaheyn lahaa, sababtoo ah waa dad noloshooda ay ku tiirsaneyd xirfadaas hadda joogsatay. Laakiin waa hubaal marka lays bar bar dhigo jaadka dhibkiisa iyo dheeftiisa inay badneyd dhibkiisa oo dheeftiisa ay aad u yareyd.

Markaan eegno dhanka kale dhibka badan ee ku hayo guud ahaan bulshada waxaa gadaarada iyo darbiyaha jiifa qaarna ay guryaha joogaan oo reerahooda ay ku dhiban yihiin oo ay maaro u la’yihiin dhibkii kasoo gaaray isticmaalka qaadka xisaab maleh, waxaa kale oo qaadku si toos ah u dumiyey qoysas dhisnaa, kuwaasoo is xamili waayey ka dib markii qaadka ugu soo galay guryahooda dhaqaalihiina saameyn ku yeeshay isla markaasna caafimaad ahaan iyo waliba anshax ahaan iskeeni waayeen labadii

HALISAHA UU AFKEENU WAJAHAYO ISBEDDELKA BULSHADA IYO JOOJINTA JAADKA

lamaanaha ahaa ee guriga kuwada noolaa sidaana uu ku burburo guri markiisi hore dhisnaa. Waxaa kaloo wax yeeleeyey dul qaadkii iyo qadarintii laga rabay in labada wax kawada dhexeeyaan iska mudnaayeen, waxa kale oo meesha ka saaray jaadku kalsoonidii qoysaska isuqabeen markoodi hore iyadoo aan ognahay ruuxa qaadka cuna inuu yahay ruux been badan oo waxba u aaba yeeleynin, taasi oo astaan u ah qofka isticmaala jaadka.

Laakiin qofka jaadka cuna wuxuu garan karaa ama uu ogaan karaa markuu ka dhex baxo xaaladaas u dhexeysa fiyoobida iyo waalida.

Waxaa kusoo gabo gabeynaynaa qormadeena suugaan ka hadlaysa rubacoow nabadeey waxaana sameeyey Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre, iyadoo abwaanka wax badan usoo joogay waayo aragnimana

u leh cunista jaadka iyo dhibka laga dhaxlo waxayna ku bilaabanaysa sidan:

Wax badan baan ruugga u aasay barkimo aan u rabeeyey boosna aan u rusheeyey oo raaxo mooday nafteyda ee mar haddaan ku rafaaday oo wax reer aan lahaa iyo raasu maalkii dhameeyey Rabigeyga ha cadaabee ma ruuxay buu u socda.

Mar haddaan runta diiday oo beenta aan ku raftay islaantii Raxmo Geelle iyo raalliyadii reeraha joogtay halkii caawa ka riintay madfaca aan ku ridaayey gaari waayey runti oo markii ay xaaji ragaatay markii aan runta diiday oo beenta aan ku raftay rafiiq ma aha laraacee raziq ma aha la quutee rabigey ha cadaabee marduufka raaraca weyn leh iyo rubacoow nabadeey.

W/Q: C/salaam Axmed Gabeyre

Page 5: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 5WARGEYSKA DALKA FAALOOYINKA & FALANQEYN

FAALLO & FALANQEYN W/Q: Cabdirisaaq Absuge

Faa’iidooyinka Waxbarashada waa ay badan yihiin.

kaliya kuma koobna faa ‘iidooyin ku kooban qof wax bartay naftiisa oo

kaliya sida marka aad ka helaysid dakhli, horumarin xirfadeed, fursado shaqo iwm, laakiin bulshadana waxa ay ka helaan faa’iidooyin kala duwan waxbarashada.

Kuwa wax baratay ayaa mar walba dakhli badan, fursad badan oo noloshoodu caafimaad qabtaa. bulshadiisu waa sidaasi oo kale.

bulshada dadkeedu wax bartay danbiyada dhaca waa ku yar yihiin, caafimaad qabkooduna waa sareeyaa marwalba,

Sidoo kale, ka qayb galka arrimaha horumarinta bulshada waa ay ku fiican yihiin, Waxbarasha la’aantu waa xididka saboolnimada.

Waxbarasho oo aan kor loo qaadinna waxa ay kor dhinaysaa soo noqnoqshada faqriga bulshadaasi.

waa kuwaan qayb ka mida faa’iidooyinka waxbarasha oo aan 7 qodob kusoo koobnay.

1.Nolol caafimaad leh:dad waxbartay waa ka

caafimaad qab badan yihiin dadka kale marka

loo eego cilmibaaris lagu sameeyay.

dadka waxbartay waa ka neceb yihiin dadka kale balwada sida sigaarka waxayna xiiseeyaan inay si joogto ah jimicsi u sameeyaan.

2.horumarinta xirfaddaada shaqsi ahaaneed.

markaad waxbarasha ku jirtid waxaa qaadanaysaa layliyo badan,

doodo, koorsooyiin, iyo wax ka badn in aad waqtiga waxbarashada ku jirtid.

Sidaa awgeed, waxaad ku soo gabagabaynaysaa adigoo leh xirfado fiican oo laga yaabo inaad mustaqbalka fursad aad ugu hesho inaad ku shaqaysato, kuna darsoo marka waxbaranyso waxaa kale oo kuu dheer waxbarasha xirfado kale oo muhiima sida farshaxanka, ciyaaraha ,iyo kuwo kale oo kuu sahlaya inaad bulshada aad si wacan ula dhaqanto xiriro badan aad yeelato.

3.Wax- soo saarka oo kor u kacsameeya.

Aqoon yahannadu waxa ay meelaystaan

hadafkooda iyo sidii ay ugu guulaysan lahaayeen.waxa ay yaqaanaan sida loo

maareeyo waqtiga loogana mira dhaliyo hibooyinka ay leeyihiin, iyaga oo bulshada

kusoo kordhinaya wax soosaar cusub ama hal abuur cusub.kadib qali jabinta ardaydu

waxa ay la soo laabtaan awood ay ku dheehantahay wax soosaar marka ay shaqaynayaan.

4.Xiriirka oo wanaagsanaada

Ardaydu waxay u baahan yihiin in loo diro layliyo qoraal ,

wadashaqayn wadareed,ka qayb qaadasha doodaha,ama inay

dadka hortooda wax ka so jeediyaan,taasi waxay u horseedaysaa inay

qalin jabinta ka dib noqdaan kuwo aad ugu fiican ku xiriiridda qoraalka, xirfadaha

fagaare ka hadalka iyo xiriirka wadashaqayneed ee bulshada.

5.Xirfadaha habsami u fikirka. Dadka wax bartay waxa ay

bilaabaan sidii ay habsami ugu fikiri lahaayeen, waxa dhexdooda iswaydaarsadaan su’aalo cilmiyaysan, isdhaafsadaan jawaabo iyo niqaash dhinac walba ah,dhamaan waxa ay ku danbeeyaan hal-abuur guulaysta.

6.kor ukac dhaqaalemarka dhamaan bulshadu

waxbarato, waxsoosaarkoodu kor ayuu u kacaa,

dakhligooduna sidoo kale, shaqa la’aantuna hoos ayay u dhacdaa.waana sababta

ay waxbarashadu kor igu qaado koboca dhaqaalaha bulshadaasi, waxayna u hagtaa

xasilooni dhaqaale oo bulshada dhan saameeya,waana sababta waxbarashada

7.shaqa abuurka ayaa siyaadaDadka shahaadooyinka haystay

waxay haystaan fursado shaqo oo badan.

Waxayna ka yarhiin in badan khatarta shaqo la’aaneed ee bulshooyinka kale haysta.

ugu danbayntii dhamaan qodobadaaani masoo koobayaan faaida balaaran ee waxbarasha ,

mana adka inaa ka heshid faaido aad adiga haysato ama aad filayso “ Aqoon La’aan waa Iftiin La’aan”

“waxbarta aan barwaaqo gaarnee” “waxbarshadu malahan waynaan iyo yaraan”.

W/Q: Yaasamiin C/rashiid

WAXBARASHADU WAXAY WAX U TARTA QOFKA IYO BULSHADA INTEEDA KALE

GANACSADE HAKA FAA’IIDEYSANE EE U FAA’IIDEE

BULSHADAInta ugu badan ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku

dhaqan caasimadda, waxa ay isku dayaan in ay ka taajiraan waqtiga

loo bahan yahay, oo laga sugayo “Hiil iyo Hoo” .

Dowladda Soomaaliya waxa ay shaacisay Kiiskii ugu horeeyay ee

Covid-19.

Aniga iyo saaxibkeey Waxaan aadnay Suuqa weyn ee Bakaaraha,

labo maalin ka dib markii la shaaciyay kiiskii ugu horeeyay ee

Faayriska saf mareenka ah, waxaan tagnay meel lagu iibiyo Jeermis

dile (Ant-saptic) sida aan horay ugu ogaa waxa ay mareeysay mirtii

$2 , waxa aan weeydiyay inta uu iga siisanayo mirta Jeermis dilaha ah

waxaa la ii sheegay in ay tahay $4 balse waan weeydiyay waxa sara

u qaaday, warcelintiisu waxa ay noqotay waa xilli loo bahan yahay

marka waa in aan ka faa’ideeysanaa.

Waxaan tagnay meel lagu iibiyo waji xirka iyo Gacmo gashi ( Face

Mask iyo goloves), waxaan weeydiyay qiimaha leyga siinayo isku dar

labadooda, waxaa lii sheegay in leeyga siinayo $40 waan yaabay oo

waxaan weeydiyay qiimaha waji xirka oo aan ku ogaa $1.5 waxaa

la igu yiri $35 sidoo kale , waxaa la ii sheegay in maalin ka hor ay

mareeysay $30 bal qiyaas inta u dhaxeeysa, si la mid ah waxaa $5 la

geeyay Gacmo gashiga oo aan hadda heeyn qiimahii horay loo gadi

jiray.

Maxaa looga baahnaa ganacsatadeena?

Waxaa la joogoo waqtigii Ganacaateednu aan u baahneyn ma

ahan in ay ka faa’iideeystaan xaaladda markaa taagan, waxaa sidaa

qiimahooda loo kordhinaayo waa wax loo baahan yahay (qutul

daruuri) haddii anan wax laga dhimi karin si uu u iibsado qof waliba

waa in aan wax lagu darin si qofka tabarta yar aysan dhib ugu noqo

iibsigeeda.

Wadamada uu saameeyay Faayruskaan waxaa si sahlan loo

helaa wax yaabaha leeyskaga difaaco, iyadoo anan ku awood aheyn

wadamadaas haddana ganacsateedu waa fursad gaat.

Dowladda maxaa loogu baahan yahay?

Dowladda waxaa loogu baahan yahay in ay ka codsato agabka

lagama-maarmaanka u ah Faayruska, dowladaha ay saaxibada la

tahay, si loo helo agab bilaash ah dadkana lagu dhiiri galiyo.

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)

Page 6: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 6WARGEYSKA DALKA DIINTA & ISLAAMKA

ISLAAMKA IYO NOLOSHA Si looga guuleysto

loona ciribtiro kooxaha argagixisada, waxaa lama huraan ah in la isku dhinac wado howlgalka ciimamada iyo dagaalka xagga fikirka.

Kooxaha argagixsada ee caalamka ka jira, waxay ka amba qaadaan fikrad ay aaminsanyihiin markay sameynayaan ficiladooda foosha xun . Si looga adkaado fikirka xagjirka waxaa habboon in qeybaha kala duwan ee bulshadu u wada istaagaan isagana kaashadaan cirib tirka fikirka khaldan ee maalin kasta lagu gummaado dad aan waxba galabsan.

Culumada diinta, wasaaradda waxbarsahada, warbaahinta, iyo waalidiinta waxaa saaran mas’uuliyad adag oo ah inay si cilmi iyo iskaashi leh uga shaqeeyaan ciribtirka fikirka ku dhisan seef la boodnimada.

Markasta oo ay argagixisadu fal geystaan waxay u daliishadaan Qur’aanka iyo Sunnada taas oo jahwareer ku ridda dadka caadiga ee aan aqoon durugsan u laheyn diinta islaamka sidaa darteed, culumada waxaa saran waajib ah inay bulshada u sheegaan inay khalad tahay sida kooxaha argagixsadu u fasireen aaydaha Ilaahey si ay u gaaran danahooda gaar ah.

Culumada ku xeel dheer diinta waxaa laga rabaa inay is dul taagaan aayadaha iyo axaadiista laga weeciyay fasirkoodi saxda ahaa.

Sidoo kale, Culumada waxaa laga rabaa inay dadaal dheeraad ah sameeyaan si looga adkaado fikirka xagjirka ee aan ka tarjumaynin yoolka ay xanbaarsantahay diinteena ee ah inaan lagu xad gudbin sharfta, nafta, iyo hantida qofka .

Diinta islaamku waa diin nabadeed,waana diin si xigmadaysan dadka wax ugu tilmaanta iyadoon awood maqoonin la adeegsanin.

Wasaaradda Owqaafta iyadoo kaashaneysa culumada waxay si cilmiyaysan uga adkaan kartaa fikirka xagjirka, arrintaas oo kaalmo weyn u noqon karta siyaasadda dowladda ee hiigsanaysaa in dalka laga cirib tiro argagixisada.

Maalinta Jimcuhu waa munaasibad muhiim ah oo dad badan wax loo sheegi karo sidaa darteed waa in fursaddaas laga faa’iideystaa oo dad waynaha laga wacyi geliyaa fikirka xagjirnimada iyo saameynta xun ee uu bulshada ku reebo.

Wasaaradda waxbrashadu sannadihii ugu danbeeyay waxay ku howlaneed dejinta iyo midaynta manhajka waxbarashada sidaa darteed wasaaraddu waa inay xisaabta ku darsataa in sida ugu fudud ee fikirka xagjirka looga adkaan karo tahay aqoonta oo la baahiyo.a

Waxaa lagama maarmaan ah in manhajka waxbarasho ee dalku qeyb libaax ka qaato dhisidda maskaxda jiilka cusub iyo sixidda kuwa hore loo khalday.

Warbaahintu waxay leedahay awood ballaaran,waxeyna ku xiran tahay sida loo adeegsado waayo waa seef laba afleey ah, waxeyna si fudud wax ku gaarsiin karta meel kasta. Warbaahinta Soomaaliyeed nuuc kasta oo ay ahaato mid dowladeed iyo mid gaar loo leeyahaba waxaa saaran mas’uuliyad waddaninimo.

Warbaahinta rasmiga ee ku hadasaha afka dowladda waxaa laga rabaa dadaal dheeri ah iyo wacyi gelin ballaaran oo lagula dagalaamaayo fikirka xagjirnimo.

Warbaahinta dowladdu waa inay tooshka ku ifiso falalka gurracan ee argagixisada. Waxaa sidoo kale wanaagsan in la ballaariyo barnaamijyada looga hadlo afkaarta khaldan ee kooxaha argagixsadu dalka soo geliyeen.

Waxaa lagama maarmaan ah iyaduna kaalinta waalidka ee ku aaddan sida looga hortegi karo faafidda fikirka xagjirka ah. waalidka waxaa saaran waajib waalidnimo oo ah inuu si wanaasgan u tarbiyadeeyo carruurtisa, inuu la socdo dhaqdhaqaaqooda iyo saaxibbada uu leeyahay.

Haddii waalidiintu xoogga saaraan ka warqabka carruutooda iyo ilaalintooda waxey dhabar jab ku tahay kooxaha argagixisada oo carruurta u adeegsada ciidanimo.

Haddii iskaashi ballaaraan dhex maro waalidiinta, heyadaha waxbarashada ee dalka ka jira, warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa fududaanaya in laga adkaado fikirka mugdiga ee ku dhisan dilka, isnaceybka iyo naxariis darrada.

Fikrad walba, waxaa looga hortaga loogana guuleysan karaa fikrad kale oo ka awood badan kana hormarsan.

W/Q: Axmed Maxamed Axmed

Siyaasadda Nebiga (scw) ayaa waxaa ka mid ahayd, inuu nin waliba oo ka mid ah asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku habboon yahay, iyadoo qof kasta meesha uu ku munaasabsan yahay lala fiirsanayo. Dhibaatadii ugu waynayd ee soo waajahda Muslimiintii deggenayd magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd munaafiqiintiii dhagarta badnayd iyo Yahuuddii degganayd magaalada Madiina iyo xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa.

Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ku sir qarsaday Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada magacyada munaafiqiinta.

Sirtaa iyada ahna, ma uusan Rasuulka (scw) tusin cid aan ka ahayn Xudeyfa, wuxuuna ballan kula galay inuu kor ahaan kala socdo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan munaafiqiinta iyo inuu ka hortago khatarta ay la iman karaan kuwaas munaafiqiinta ah.

Maalintaas wixii ka danbeeyay, waxaa Xudeyfa loogu yeeri jiray magacan: “saxaabigii ogaa sirta Nebiga (scw)”.

Marar badan ayaa waxaa dhacday inuu Rasuulka (scw) kaalmaystay khibradda iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad dagaal, taasoo ay ku dheehan tahay aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii Khandaq, halkaas oo lagu godoomiyay muslimiinta iyagoo ay hareereeyeen dhammaan cadowyadii Islaamka. Dhinaca kale, gaaladii qureysh laf-ahaantoodu ma ahayn kuwo ka ka xaalad wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay caradiisa, taasoo tabardarraysay awooddoodii, wiiqdayna goaankoodii.

Wuxuu Ilaah ku soo diray dabeyl xoog leh, dabeyshaasoo geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo digsiyadii ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u baahday kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo goaan ku gaaray inuu u diro halka ay joogaan bartamaha halka ay joogaan ciidanka gaalada, weliba isagoo ku gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka hor intuusan Rasuulka qaadan wax goaan ah.

Haddaba, aan sheekada u dhaafno Xudeyfa si uu nooga waramo safarkii geerida qarka u saarnaa, wuxuuna Xudeyfa yiri: Waxaan habeenkaas ahayn kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la socday ee Qureysh ahayd waxay taagnaayeen halka naga sareeya.

Yahuudii reer Banii Qureydana waxay fadhiyeen halka naga hooseeya, markaa iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay dhibaato ku timaaddo haweenkeena iyo caruurteena.

Ma jirin habeen ka gudcur iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay dabeesha waxaa la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay inuusan midkeen awoodi

karin inuu arko fartiisa.Munaafiqiintii waxay bilaabeen

inay dagaalka ka fasax qaataan, iyagoo Rasuulka (scw) ku leh: “guryaheena ayaa cidla ah oo cadoowgii ayaa soo geli kara”.

Dhab ahaantiina cidlo ma ahan, ee waxay doonayaan inaynan ka qayb gelin dagaalka. Sidaas oo ay tahay Rasuulka (scw) ruuxii ka fasax qaata wuu ka aqbalayay, iyagoo sidaas munaafiqiinta mid mid u dusaya, ilaa ay tiradeena ka noqoto ilaa 300 qof ama wax leeg.

Markay arrintu halkaa mareyso ayaa Rasuulka (scw) istaagay isagoo dhinac maraya asxaabta dhexdooda ilaa uu yimaado anniga agteyda, markaas iyada ahna jirkayga ma saarnayn wax aan ka ahayn go ay lahayd xaaskayga, goaasoo aan dhaafeynin jilbahayga.

Rasuulka (scw) wuu ii soo dhowaaday anniga oo dhulka jilba-jooga, isla mar ahaantaana aan waardiyo ka hayo cadoowga, markaasuu Rasuulka (scw) igu yiri: “waa kuma ninkan?”, markaasaan ku iri: “waa Xudeyfa”.

Mar kale ayuu yiri: “ma Xudeyfaa?”, anniguna dhulka ayaan isku sii gaabiyay annigoo kahanaya ama dhibsanayo inaan istaago gaajada iyo qaboowga i haya awgeed. Waxaan iri: “haa waa annigii Rasuulkii Alloow”.

Rasuulka (scw) ayaa Xudeyfa ku yiri: “waxaa ciidanka cadoowga dhexdiisa dhici doona khabar, sidaas darteed iyaga intaad u dustid oo ku dhex dhuumatid noola imoow khabarkooda”. Xudeyfa wuxuu yiri: “waxaan tagey annigoo dadka ugu cabsi iyo qaboow badan.

Rasuulka (scw) ayaa isagoo u duceynaya Xudeyfa yiri: “Ilaahoow Xudeyfa xaggiisa hore ka ilaali, xaggiisa danbena ka ilaali, midigtiisana Alloow ka ilaali, bidixdiisana Alloow ka ilaali, xaggiisa horena Alloow ka ilaali, xaggiisa hoosena Alloow ka ilaali”. Xudeyfa wuxuu yiri, markii uu Nebiga (scw) ii duceeyay ka dib, wuxuu Ilaah siibay dhammaan wixii cabsi ah ee igu jiray, sidoo kalena qaboowgii darnaa ee i hayayna Ilaah jirkayga wuu ka tirtiray. Markii aan doonay inaan xagga ciidanka gaalada u dhaqaaqo ayaa Rasuulka (scw) ii yeeray, isagoo igu yiri: “Xudeyfoow ciidanka dhexdooda wax ficil ah ha ku dhex sameynin jeer aad iiga timaado”, waxaana iri haye. Intaa ka dib, waxaan tagay annigoo ku gabanaya mugdiga bartamihiisa ilaa aan ka dhex galay gudaha ciidamada mushrikiinta (gaalada), kana mid noqday sida inaan ahay mid iyaga ka mid ah oo kale.

Halkaana waxaa ka soo baxday fahmadii iyo kartadii Xudeyfa ee aan hore u xusnay. Wax yar Xudeyfa maba uusan sii joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka dhex istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay ciidanka, wuxuuna bilaabay khudbad isagoo leh: “Qureysheey waxaan doonayaa inaan idin iraahdo hadal, isla markaana waxaan ka cabsanayaa

inuu hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa darteed ha eego ruux kasta qofka uu la fadhiyo.

Markii uu Abuu Sufyaan uu sidaas yiri, ayaan anniga ku hormaray ninkii ila fadhiyay oo aan ku iri: “war adigu kumaad tahay?”., markaasuu wuxuu yiri: “waxaan ahay hebel ina hebel, sidiina ayaana ku badbaaday.

Markii nin weliba iska hubsaday ninka kale, ayaa Abuu Sufyaan yiri: “qureysheey dhageysta, wallaahi baan ku dhaartaye ma joogtaan meel la degganaan karo, maxaa yeelay wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa ballantii nagaga baxay reer Banuu Qureythah, dhibkii aan kala kulanay dabeyshii xoogga badnaydna waad aragteen ee sidaa darteed hala rarto oo hala guuro, anniguna waan raraniye.

Markii uu sidaas yiri Abuu Sufyaan, ayaa wuxuu u kacay awrtiisii, wuxuuna ka furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay ratiga, ka dibna usha ayuu ku dhuftay, ratigiina sidii ayuu ku istaagay.

Xudeyfa wuxuu fadhiyay markaas iyada ah meel aan ka fogeyn meesha uu istaagnaa Abuu Sufyaan oo wuxuu awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu fulinayay amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil qaadin, wuxuuna yiri: “hadduusan Rasuulka (scw) i amri lahayn inaanan ku dhaqaaqin wax ficil ah, waxaan Abuu Sufyaan ku gani lahaa hal leeb.

Markaa ka dib, waxaan u soo noqday Rasuulka (scw) oo tukanaya, wuxuuna Rasuulka (scw) qabayay go ay lahayd mid ka mid ah xaasaskii Rasuulka (scw), markii uu i arkayna xaggiisa ayuu ii soo dhoweeyay, waxaana uga waramay wixii aan la kulmay.

Nebiga (scw) aad iyo aad ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah wuuna ammaanay. Xudeyfa wuxuu ahaa kii lagu sir aaminay siraha munaafiqiinta intii uu noolaa, xitaa khulafada waxay u noqon jireen Xudeyfa sida tusaale ahaan Cumar Binu Khadaab (rc) wuxuu ahaa haddii uu doono inuu ku tukado mid ka mid ah muslimiinta wuxuu weydiin jiray inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale, haddii lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku tukaday, isna wuu ku tukan jiray, haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka shakin jiray inuu qofkaas ka mid yahay munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan jirin.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Cumeyr wuxuu Xudeyfa weydiiyay in shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna Xudeyfa u sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu ka codsaday inuu u sheego, hase ahaatee Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa uu yahay.

Xudeyfa wuxuu yiri, wax yar maba uusan sii joogin Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu hanuuninayay oo kale. Dad aad u yar ayaa og in Xudeyfa Binu Al-yamaani uu muslimiinta u furtay magaalooyinka ay ka midka yihiin Nahawandi,

WAA SOCOTAA....

SIDEE LOOGA GUULEYSAN KARAA FIKIRKA ARGAGIXISADA ?

QISADA SAXAABIGII WEYNAA EE XUDAYFA BINUL YAMAAMA

Page 7: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 7WARGEYSKA DALKA ARRIMAHA BULSHADA

ARRIMAHA BULSHADA

AWOODDA SHACABKA

BURCAD BADEED

CAAFIMAADKU WAA TAAJ

NAGALA SOO XARIIR:

Email: [email protected] Tell: 25261562132/ 252615193738

In qofka uu caafimadkiisu fiican yahay mecnaheed waa in uu caafimaad qabo oo ka fiyow yahay jiro nooc kasto ay tahayba, Maskax ahaan iyo Jir ahaan intaba. Caafimaadkaada waxaa saameeyn ku yeelan karo tusaale ahaan, waxaad cunto, kadeedka, hurdada, sigaar cabidda, khamriga iyo maandooriyaha. Waxaa kale oo caafimaadka saameeyn ku yeelan karo waa in aad isku faraxsan tahay, dadka agagaarkada joogo iyo haddii aad uu aragto in noloshaada micno lee dahay.

Sido kale bulsahadaada aad lajoogto caafimaadka wax badan ayey ugu fadhisaa, tusaale ahaan habka aad uu degan tahay, shaqada aad ka qabato iyo haddii aad dareensan tahay in aad qeyb ka tahay bulshada.

Caafimaadka dadweynaha

Caafimaadka dadweynuhu waxuu kusaabsan yahay caafimaadka dhammaan dadweeynaha joogo dalka, Xaqqa helidda caafimaad fiican waxeey ka mid tahay xuquuqda aadanaha. Dowlada waxey mas’uul ka tahay in dadka oo dhan ay helaan Caafimaad balaash ah (lacag la’aan ah) tusaale ahaan, Ruux walbo oo muwadin ah waa inuu helaa kaar caafimaad oo u sahlaya inuu tagi karo Isbitaal markastoo u baahdo caafimaad. Xukuumadda iyo hey’addaha dowladda ee kala duwan ee u xilsaaran, waxey howl ka qabtaan sida ay dadka caafimaad fiican uu heli lahaayeen.

Hey’adda caafimaadka dadweeynaha waa hey’ad dowladeed oo qaranka mas’uul looga dhigay arimaha ku saabsan caafimaadka dadweeynaha. Waxey hey’addan uu shaqeysaa si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u helaan caafimaad fiican. Hey’adda caafimaadka dadweeynaha waxeey si gaar uga shaqeeysaa qeybo kala duwan oo kala ah:

• In qofka ka qeyb qaato iyo in saameyn ku yeesho bulshada.

• Ammaan ku aadan dhaqaalaha iyo bulshada.

• Xaalada-korrinka caruurta iyo dhalinyarta.

• Caafimaadka shaqaalaha.

• Bey’addaha iyo badeecada.

• Sii hagaajintaa daryeelka caafimaadka iyo bukaanka.

• Ka hortagida cudurada faafo.

• Galmada iyo caafimaadka.

• Jimicsiga jirka.

• Cinida Cunto isu dheeli-tiran

Ayadoo ay jirto hey’ad dowladeed oo u xilsaaran ka shaqeynta daryeelka Caafimaadka dadweynaha, waxaa jiro farqi uu dhaxeeyaa caafimaadka afraadda kala duwan oo ka tirsan bulshada. Dhanka dakhliga qofka iyo waxbarshada waxey inta badan saameyn kuleeyihiin caafimaadka qofka.

Cuntada iyo qaab wax cunidda

Waxa aad cunto iyo waxa aad cabto waxey micno weyn ugu fadhiyaan caafimaadkaaga, sidaa daraadeed mar walba iska hubi waxad cuneysid iyo waxaad cabeyso intaba. Wanaajinta cunto cunida iyo dhaqdhaqaaqa waxey yareynayaan khatarta cuduro badan oo ka mid yihiin cudurada wadnaha iyo xiddidada, cudurka sokorrowga, kansarka iyo xanuunyo maskaxeed.

Jirka waxuu uu baahnyahay maadooyin kala duwan. Si aad u hesho dhammaan maaddooyinka jirku u baahan yahay waxaa muhiim ah in aad cunto cuntooyin kala duwan. Haddii aad cunto quraacda, qadada iyo cashada waqtiyo go’an, waxaa fududaaneyso in aad cunto in kugu filan.

Talo ku aadan cuntada u fiican Caafimaadka

Hey’adda arrimaha raashinka (Livsmedelsverket) waa hay’ad dowladeed oo ka shaqeysa arrimaha la xiriira cuntada. Hey’adda arrimaha raashinka waxay ku siineeysaa talooyin badan oo ku saabsan cuntada u wanaagsan caafimaadka, tusaale ahaan:

• Waxaad badsataa oo cuntaa khudaarta iyo cagaarka. Dooro khudradda waaweyn iyo kuwa salka leh, kaabashka nuucyadiisa kala duwan, digir iyo basal. Faa’iido caafimaad oo badan ayey leedahay cunidda khudaarta.

• Waxaad cuntaa raashinka laga sameeyey daqiiqda firida qabadinka oo galkii lagu ridqay markii aad cuneyso rootiga, baastada, bariska iyo wixii lamid ah.

• Cun Mallaayga ama kallunka marar badan, qiyaastii labo illaa saddex mar toddobaadkiiba. Isku dheelli tir cunto subag leh iyo mid aanan laheyn waxaadna doorataa cuntada aan la bacriminin.

• Isticmaal subagga faa’iidada leh marka aad cunto karineyso, sida ooliyada geed gaabka iyo subagga faa’iidada leh.

W/D: Ibraahim Warsame Xuseen

Shacabka waa awooda koowaad ee Dowladda Federalka Soomaaliya, dowlad kastana waxa ay ku dhisan tahay shacabkeeda, sida dowladdeenuba ay Shacabka Soomaaliyeed ugu tiirsan tahay.

Shacabka waxa uu awood u leeyahay in uu aqbali karo ama diidi karo waxa markaasi taagan, qaadan karana awaamirta Dowladda maamusho.

Shacabka Soomaaliyeed kuma baraarugsana umana nugla awooda uu heesto, sidaa darteed waxa ka lunsan awoodi uu lahaa.

Marki ay Dowladdu amar soo saarto waxaa la rabaa qofka Shacabka ahi

in uusan sugin Cadaadis uga yimaado dowlada, uu garto doorka uu ka qaadan karo sharcigaas ama amarkaas ay Dowladda soo saarto.

Dowladda waxa ay xaq u leedahay in ay qanciso Shacabkeeda, sida ganacsaduhuba uu macaamiishiisu u qanciyo.

Haddii Dowladda doorkeeda laga waayo shacabku waxa uu xaq u yeelanayaa in uu soo gudbiyo cabashadiisa.

Shacabka Soomaaliyeed waxeey qeyb ka yihiin hormarrada kala duwan ee uu dalku sameenayo.

Waxaana lagama

maarmaan ah in muwaadin kasta uu taageero dowladdiisa, dowlad kastana waxaa looga fadhiyaa daryeelka shacabkeeda.

Awoodda shacabka oo mideysan waa awoodda qaran xooggan, markay shacabka iyo dowladdu meel qura u wada socdaan ayey gaari karaan halka hiigsigu yahay, taageerada muwaadinka uu u hayo dowladdiisa ayaa waxay dhiirigelin u tahay dowladdiisa.

W/Q: Xuseen Xasan Rooble Shadoor

Barigii ay burcad badeeddu ku xooganeed qaar kamida xeebaha dalka ayaa nin iska reer miyi ah , oo magaciisa "cali" la yiraahdaahi ,wuxuu ku biirey qolo badda u socatay oo rabay inay markab soo qafaashaan.

Cali miyiga wuxuu ugu soo tagey hooyadii oo xanuunsan, da'deeduna aad u wayneed ilmana asaga kaligii ka dhashay, xoolana aan laheyn markii laga reebo bidhaan yaroo ari ah, xilligu wuxuu ahaa jiilaal kal-dambeed ah oo ay xooluhu badi ruqdeen, dadkuna macaluul iyo gaajo la dacdaraysnaa oo qadyaan la taagnaa, hay'adaha deeqaha bixiyana loo qayla-dhaaminayay oo gargaar la haybinayay.

Cali iyo kooxdiisii markii ay dhowr casho badda ku jireen ayay markab arkeen , isla markiiba intay weerar ku ekeeyeen bay soo afduubteen.

Markii ay xeebaha soomaaliya keeneen ayay

madax-furasho waydiisteen qoladii markabka la hayd.

In si deg-deg ah loo siiyo, waxaana kheylo dhaan afka labadiisa daan yeeray kabtankii isagoo leh war joojiya war joojiya oo hana wax yeeleeynina, waa laydiin siinaya waxaa rabtaan.

Intaasi kadib burcaddii waxay kabtanka u sheegeen in amarku yahay mid afduub ah, loona baahan yahay in markabku iska bixiyo qidmada afduubka.

Kabtanka oo ay ka muuqato cabsi daran ayaa yiri, waa imisa lacagta aad naga rabtaan, waxayna jawaabtu noqotay $ 50,000,000 (Konton Milyan oo Doollor) kabtankii ayaa arrinkaasi ka qaaday sas iyo argagax, wuxuuna garan waayay si uu uga jawaabo weydiisashadaasi aadka u culus, wuxuuna yiri bal fursad isiiya waxaan la hadlayaa milkiileyaasha markabka.

Markii ay kheyla dhaantu gaadhay milkiileyaashii markabka ayaa waxay burcadda ka codsadeen inuu la hadlo afhayeenka kooxda si ay arrinta isula meel dhigaan.

Burcaddu way akhbaleen arrinkaasi, waxayna u xilsaarteen doonistooda hal afhayeen oo aan laga daba hadli Karin, wuxuu soo qaado.

Sheekadu markii ay halkaasi mareysay ayaa waxaa leysaga dhax baxay afhayeenkii burcadda iyo milkiileyaashii markabka, waxaana lagu ballamay in maalinta talaadada ah ee soo socota ay isugu yimaadaan warar sugan iyo sidii wax meel la isula dhigi lahaa, waxayna milkiileyaasha codsadeen in la nabad geliyo kabtanka iyo shaqaalaha markabka, loona fududeeyo wixii baahidooda ah, burcaddiina way aqbaleen intaasi.

La soco qeyb kale.W/Q: Osman Dhiblaawe.

Page 8: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 8WARGEYSKA DALKA DHAQAALAHA & GANACSIGA

DHAQAALAHA & GANACSIGA

RAADIYO MUQDISHOCodka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Sahan ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in Idaacadda Raadiyo Muqdisho ay tahay tan loogu dhageysiga badan yahay idaacadaha magaalada Muqdisho.

Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad na siiseen.Raadiyo Muqdisho… Ka dhageyso 90.00MHz saacadaha 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe.

Dayn cafin si loo yareeyo faqriga

Mashruuca dalalka faqiirka ah e aad u daymaysan waxaa howlgaliyay Sanduuqa Lacagta caalamka iyo Bangiga Adduunka sanadkii 1996-kii, Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la hubiyo in dal faqiir ah uusan wajahin culeys deymeed oo uusan maareyn karin. Wixii ka dambeeyay waqtigaas, Bulshada dhaqaalaha caalamka, oo ay ku jiraan ururrada wadaagga ah (multilateral organizations) iyo dowladuhu, si wada jir ah ayay u shaqeeyeen si hoos loogu dhimo heer ay maareyn karaan culaysyada deymaha dibadda looga leeyahay dalalka faqiirka ah ee aad u deymoobay.

Sanadkii 1999kii, Dib-u-eegis dhammaystiran oo lagu sammeeyay mashruucaan ayaa oggolaaday in sanduuqu uu bixiyo dayn-cafin degdeg ah, qoto dheer, islamarkaana ballaaran, xoojiyayna xiriirka ka dhaxeeya dayn cafinta, hoos u dhigidda faqriga iyo siyaasadaha bulshada.

Sanadkii 2005tii, si loo saacido dardargelinta horumarka ku saabsan Hadafyada Horumarka Qarniga ee Qaramada Midoobay, mashruuca waxaa lagu xoojiyay Mashruuca Dayn Cafinta Wadaagga ah (Multilateral Debt Relief Initiative (MDRI). Mashruucan dambe (MDRI) ayaa oggolaanaya in saddexda Hay’adood ee Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika ay 100% (boqolkiiba boqol) ka cafiyaan dalalka ka faa’iideysanaya Mashruuca HIPC ee dalalka faqiirka ah ee aad u daymaysan isla markaana soo gaaray heer daymaha laga cafin karo (eligible). 2007dii, Bandhiga Horumarinta ee dalaka Ameerika (IaDB) ayaa sidoo kale go’aansaday in uu bixiyo dayn cafin dheeraad ah oo la siiyo shan dal oo ka faa’iideysanayay HIPC kuna yaalla Hemisphere-ka Galbeed.

Hannaanka Labada Tallaabood

Dalalku waa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah, la yimaadaan faqri dhimis ay u marayaan Siyaasad beddelid, iyo in ay muujiyaan pand demonstrate a good track record over time. Sanduuqa iyo Bangiga ayaa heerka billowga ah bixiya dayn cafin ku-meel gaar ah, marka dalku uu ka ka dhabeeyo heshiiska waxaa laga wada cafiiyaa dhammaan daymaha.

Tallaabta Koowaad: Barta go’aanka. Si loogu tixgeliyo taageerada Mashruuca HIPC, dalku waa inuu soo buuxiyaa shuruudaha soo socda:

Waa inuu u furan yahay in uu dayn ka qaato Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka oo bixisa daymo aan dulsaar lahayn iyo deeq ay helaan dalalka ugu faqiirsan caalamka, iyo Sanduuqa IMF ee Faqri yaraynta iyo koboca, taas oo daymo dulsaarkooda la yareeyay siisa dalalka dakhliga yar.

Wajaha Culeys dayn oo aan la xakamayn karin taas oo lagu maarayn karin hannaanka caadiga ah ee deyn cafinta;

Bud dhigay hannaan lagula socon karo dib-u-habaynta iyo siyaasadaha ay ku xaqiijiyeen fulinta Barnaamijyada ay taageereen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunku.

Sammeeyay Istiraatiijiyad Lagu yaraynayo Farqriga oo Qoran (PRSP) iyada oo loo marayo geeddi-socodka ka-qaybgalka ballaadhan ee waddanka.

Marka dal uu shuruudahaas soo buuxiyo ama uu sammeeyo horumar ku filan in lagu xaqiijiyo shuruudahan, Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa si toos ah u go’aamiya in dalkasu uu soo buuxiyay shuruudihii dayn cafinta,

kaddib beesha caalamka ayaa ballan qaadda yaraynta daynta heer u qalanta mid la xakamayn karo. Heerkaan koowaas ee lagu gaaro mashruuca HIPC waxaa loo yaqaanaa Barta Go’aanka. Marka dal uu gaaro barta go’aanka, waxaa suurta gal inuu islamarkiiba billaabo inuu helo deyn cafin ku meel gaar ah

Tallaabta labaad: Barta Dhammaytirka. Si uu u helo in si dhammaystiran oo aan ka noqosho lahayn looga yareeyo daynta u taalla mashruuca HIPC, dalku waa in

Uu bud dhigaa hannaan dheeraad ah oo lagu soconayo waxqabadkiisa wanaagsan ee barnaamijyada lagu taageeray daymaha uu ka qaatay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Caalamka;

Inuu dhaqan galiyo dib-u-habaynta muhiimka ah oo lagu qanci karo ee lagu heshiiyay waqtigii barta go’aanka; iyo

Inuu dhaqan galiyo Istiraatiijiyaddiisa faqri yaraynta ee qoran ugu yaraan muddo hal sano ah.

Marka dali uu soo buuxiyo shuruudahaan, waxa uu gaari karaa Barta Dhammaystirka, taas oo u oggolaanaysa in uu helo deyn cafintii lagu ballan qaaday barta go’aanka oo dhammaystiran.

Dalalka helaya in deynta laga cafiyo.

Dalalka 39-ka ah ee gaaray ama mutaystay in ay gaaraan in ay helaan taageerada Mashruuca HIPC, 36 ka mid ah ayay si buuxda daynta uga cafinayaan IMF iyo kuwa kale ee daynta ku leh kaddib markii ay gaareen barta dhamaystirka. Saddex ka mid ah oo loo aqoonsaday in ay ku dhow yihiin in ay mutaystaan taageerada mashruuca HIPC, wali ma aysan gaarin barta go’aan gaarista, Laakin Soomaaliya waxa ay sammaynaysaa horumar ku aaddan xaqiijinta hadafkaan bilaha soo socda.

Deyn Cafintu waxa ay fasaxdaa dhaqaale lagu maalgaliyo arrimaha bulshada

Dayn cafintu waa qeyb ka mid ah dadaal ballaaran, oo ay ku jirto deeq, si wax looga qabto baahida horumarineed ee dalalka dakhligoodu hoose islamarkaana loo hubiyo in xamiladdaada daynta la xakameeyo muddo. Dayn

yarayntu waxa ay saammayn la taaban karo ku leedahay faqriga, lacagta dheeriga ah waxaa loo baahan yahay in loo isticmaalo mashaariic ay ka faa’iideysanayaan dadka faqiirka ah.

Kordhinta maalgalinta arrimaha bulshada.

Mashruuca HIPC ka hor, Dalalka mutaystay, celcelis ahaan, waxa ay kharashka daynta ku bixin jireen lacag ka badan tan ay caafimaadka iyo waxbarashada ku bixiyaan oo la isku daray. Hadda, waxa ay kor u qaadeen kharashka ay ku bixinayaan caafimaafka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada. Celcelis ahaan, kharashkan -ay ku bixinayaan arrimaha bulshada- waxa uu shan jeer ka badan yahay lacagtii ay ku bixin jireen kharashka daynta looga rabay.

Yaraynta adeegga Daynta. Dalalka 36da ah ee helaya deyn cafinta, kharashka daynta (dulsaar) ee ay bixiyaan hoos ayuu u dhacay dhibco dhan 1.5 boqolkiiba oo GDP-gooda ah intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2015-kii. Muddadii dambe, ayadoo uu jiray Kor-u-kac daynta guud ee dalalka daynta yar lagu leeyahay, lacagta adeegga daynta (dulsaar) wuxuu u kacay kor, inkastoo wali uu joogo dhibco 1 boqolkiiba ka hoose heerkii

ka horreeyay HIPC ee 2017-kii.

Caqabadaha dhimman

Dalalka ay barta go’aanku u dhimman waxa ay wajahaan caqabado isku mid ah, oo ay ku jiran ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, iyo xoojinta dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Wax ka qabashada arrimahaan waxa ay u baahan dadaallo ay joogyeeyaan dalalkaan si ay u xoojiyaan hay’adaha iyo siyaasadaha, taageerona uga helaan bulshada caalamka.

Caqabad kale waxaa ah in in la hubiyo in dalalka mutaystay ay helaan dayn cafin dhammaystiran oo ka timaada dhammaan dhinacyada ku leh. Inkastoo kuwa leh deynta ugu badan (sida Bangiga Adduunka,Bangiga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Ameerika, iyo dhammaan kooxda Paris) ay bixiyeen dhammaan saamigooda deyn cafinta si waafqsan HIPC, kuwo kale ayaa dhimman. Hay’ado yaryar, dalal aan ku jirin kooxda Paris iyo ganacsato deynt leh oo wadartoodu ay dhan tahay 26 boqolkiiba kharashka mashruuca HIPC ayaa ilaa iyo hadda bixiyay qeyb yar oo ka mid ah saamigii laga sugayay ee deyn cafinta.

Kuwa aan ku jirin kooxda Paris waxa ay wadar ahaan bixiyeen 51 boqolkiiba saamigoodii deyn cafinta mashruuca HIPC, laakin qiyaastii saddex meelood kuwaan kooxdaan deynta lihi ma bixin wax cafis ah. Inkastoo ay jireen xoogaa sare u kac ah oo la bixiyay sanadihii la soo dhaafay, heerka bixintu wali waa mid si niyad jab leh u hooseeya.

Ayadoo maanka lagu hayo dabeecadda ay sida mutadawacnimada ah ay kuwa dayn lihi uga qeyb qaadanayaan mashruuca HIPC, Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunku waxa ay wadi doonaan ka dhaadhicin si ay ugu baraarujiyaan kuwa daynta leh in ay ka qeyb qaataan mashruuca islamarkaana si buuxda u bixiyaan saamigooda mashruuca deyn cafinta ee HIPC.

Qoraalkaan oo qeexaya hannaanka loo maro dayn cafinta waxaa lagu daabacay bogga Hey’adda lacagta Aduunka.

Waxaana tarjumay: Yuusuf Sheekh Ciise

DAYN CAFINTA LAGA HELO MASHRUUCA (IMF) EE DALALKA FAQIIRKA AH EE AAD U DEYMAYSAN

Page 9: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 9WARGEYSKA DALKA MURTI & MAAWEELO

MURTI IYO MAAWEELOWaxaa diyaariyey

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta

MA GOOGAALEYSANAAXayawaanka marka uu madaxa la soo baxo

horey ka daaqa marka uu dhashana horey ka socdo?

Cayayaanka labkiisa iyo dhedigiisa markay isu tagaan dhedigiisa uu cuno labkiisa?

Beer la abuurayo aan badar laga sugeyn?Markaan keynta galaba aabahey

gabooyihiisa ayaa guska taaga?Soo xeydo?Xayawaanka gugiisa wax keydsada

jiilaalkiina cuna?Mir bariis ah oo beel dhan deeqda?Dameer daad cududaha kula jira oo haraad

la danaanineysa?Waxaan dheeftiisa laga maarmin

dhaxantana laga soo hoyn?Habro iyo odayaal cunaha is wada haysta?

FURAHA GOOGAALEYSIGAWaa geriga.

Ayeeyo gacmo dheerta.

Waa jarta ama shaxda.

Waa surta ama shinida.

Waa musqusha ama suuliga

Waa quraanjada.

Waa taraqa

Waa doonida

Waa hangoolka

Waa dhegaha iyo udbaha aqalka

Waxaadan hureyn habaar laguma doorsado

Macno: macnaha Murtidan waa qofka ay tahay in uusameeyo wax lagamamaarmaan ah waa in aanu ka warwareeginilaa laga yaabo in uu habaar ku muto.

Dulucdu: waa in qofkuwixii hawl ah ee laga ma maarmaan ah ama adeeg iyo gacanqabasho ah uu waqtiga looga baahan yahay sameeyo.

Kabo subag ah iyo kalaam waalidba kaama haraan

Macno: macnaha Murtidan waa duxda aad ka hesho subagaad mar kabatay iyo ducada waalidka labaduba qofka markadambe ayuu u aayaa oo ay dib ugu soo

duxaan.

Dulucdu: waa inqofku ku dadaalo in uu ka kasbado waalidka duco uu markadambe u aayo.

A B A B I Y E : MAAHMAAHDA IYO NOLOSHA

Duco waa dhurow, habaarna waa dhimo

Macno: macnaha Murtidan waa duco oo dhan waxa ay kuidishahay dhurow oo ah bado oo barakow, habaar oo dhana waxauu ku idil yahay cimrigaagu ha gaabto oo dhimo.

Dulucdu: waain qofku ku dadaalaa sidii uu ku heli lahaa ducada dadka si uuIlaahey u dhureeyo.

Nin habaaran ma harsado

Macno: macnaha Murtidan waa qofka habaar waalid amahabaar kale ee aadami qaba nolol qabow ma helo. Dulucdu: waain habaarku uu hadhka ama qabowga nolosha uu kaa saaro qofka,ka dibna cadceed u gaar ah ku shido.

Ul dameer ku dhacday akhiray ku sugtaa

Macno: macnaha Murtidan waa haddii qofku xayawaanka uuku manafaacdsado usha uga turi waayo, sida dameeraha iyo awrtala rarto oo Ilaahey ayaa aakhiro uga jaasiinaya oo ku ciqaabaya.

Dulucdu:waa in loo naxariisto xayawaanada la gaadiidsado sidadameeraha iyo Awrta.

MAAHMAAHDA IYO NOLOSHA

⦁ Dood: muran,akeekan,cilaaq,jecfad⦁ Ged: caado,falaad,shacni⦁ Alalad: hambabar , riyo, dhadhab,qarow⦁ xad,seere,soohdin⦁ Araajo: Areebo,basari,goonbaar,baali⦁ Asaag: lamid,lafil,lafac,eyni, laag⦁ Asay: Hengef,hangel,weer⦁ Asqo: oon haraad.⦁ Awaalid: faalin,malayn,sugid.hilaadin⦁ Baadil: dulmi.gardaro,jiddro⦁ Bah: tol,qolo,beel

HODANT IN IMADA AFSOOMAAL IGA

Beri baa Askari waxa uu ku yidhi Saaxiibkii goobta dagaalka, waxaa iga dhammaatay rasaastii oo dhan ee sideen yeelaa? saaxiibkii ayaa ugu jawaabay ha cabsanin waxba ma ahee, marka uu caddowgu yimaado, isagaa rasaas badan kugu shubi doonee.

Maalin kale ayaa nin tuug

ah waxaa laga soo daayey xabsiga, isaga oo waddada sii maraya ayaa gaari jug siiyey wuu ka cararay. Booliiskii ayaa soo gaaray oo ku yidhi sidey wax kuu gaareen.Ma qabatay taargada gaariga, tuugii ayaa ugu jawaabay booliiska maya ma qaban taargada gaariga ee waxaan qabtay boorsadii darawalka.

Maalin kale ayaa haweenay waxa ay taleefan u dirtay saldhiga booliiska waxa ayna ku tidhi Gurigeena waxaa ku jira tuug ee na soo gaara. Taliyihii booliiska ayaa markaa ku yidhi ma hubtaa marwo in tuug guriga ku jiro.Naagtii ayaa markaa waxa ay ku tidhi inyar isug aan kuugu soo yeeree tuuga si uu kuula hadlo.

Main web:www.moi.gov.sowww.sonna.sowww.radiomuqdisho.netwww.dalka.sowww.sntv.so

Social Facebook:https://www.facebook.com/sntvnews/https://www.facebook.com/dalkajournalhttps://www.facebook.com/sonnalivehttps://www.facebook.com/RadioMogadishu/https://www.facebook.com/moisomalia/

SHEEKADA TODOBAADKA

Gabaygaan waxaa tiriyey Cali Xuseen Xirsi sanadkii 1954-kii iyadoo gumaysiga Itoobiya Hawd gacanta ku dhigin, Gumaystaha Intiriiskuse ka ballan qaaday, ciil iyo caro awgeed wuxuu gabaygaan ku tilmaamay inuu lix waxyaabood la mid yahay, wuxuuna ummadda soomaaliyeed tusaale ka siiyey inay gunnimo weyn tahay iyagoo gorodda rogta oon Soomaalidooda kale u sara kicin wuxuuna yiri:-

-Gabaygaan rakibay iyo dhulkaan xalay garaacaayey

Gurxanka iyo reenkaad libaax go’aya moodeysay

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sidii oday gablamayaan wuxuu dhalay gar-gaaraynin

Oo fiid karkiyo labada law mel isugu geeyey,

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sida gaari kii qabay dhintoo galab la sii qaaday

Oo gorodda loo suray midaan gabadhu dooneynin

Oo geeridiisii ilmada gabax ka siinaysa

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sidii geel harraadoo mudkii geri ka dhuubnaaay

Oo goray ninkii maali jirey godol ka soo waayey

Oo gologol waa lugu hubaye gabanta diidaaya

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sida aar gumuun lagu dhuftoo gubayo waabaygu

Aan geesta ka arkayn wixii nabarka gaarsiiyey

Oo meel gawaana u baxoo miciyihii giijey

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sida geed nimaan garab lahayn lagu gurraynaayo

Oo waxaan gartiisii ahayn guudka laga saaray

Oo ciil la goodaadsadoo gorodda laalaadshay

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Sida dooni maal lagu guroo gurada loo buuxshay

Oo ay shukaantii gab tiri gobolna naafoobey

Oo geesigii wadey hamiyey guuldarada haysa

Gam’i waayey S o o m a a l i y e e y gocashadiiniiye,

Afartaa guntaye tala waxaan idinku gawdiidshay

Goldalooladiinaan arkaa garanna maysaane

Waxay nala gudboon maanta waad garab maraysaane,

Gurigaaga aad leedehee gogoshu kuu taallo

Gawraha adoo uga bxaa waa gunnimo weyne

Godkii nagu daboollaan jiree nalaku gaadaayey

Garaad yelannoo Eebahay goofkii naga saarye

U guntada xornimadii haddaad gacan ku haysaane,

Gaadiidku heeryada mar buu gudub u tuuraaye

Nin guhaad qabaa maalin buu dabarka hooyaaye

Biciidkuba ka soo guluf dameer geesa loo xiraye

Geeddiga miyaydaan arkayn la isu soo guurye,

GAM’I WAAYEY (GABAY)

ILA QOSOLILA QOSOL

MA GOOGAALEYSANAA

RAADIYO MUQDISHOCodka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Sahan ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in Idaacadda Raadiyo Muqdisho ay tahay tan loogu dhageysiga badan yahay idaacadaha magaalada Muqdisho.

Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad na siiseen.Raadiyo Muqdisho… Ka dhageyso 90.00MHz saacadaha 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe.

NAGALA SOO XARIIR:

Email: [email protected] Tell: 25261562132/ 252615193738

Page 10: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 10WARGEYSKA DALKA DHAQANKA & SUUGAANTA

DHAQANKA & SUUGAANTA W/D: Cabdisalaan Axmed Gabeere.

SHEEKADII DADKA IYO WARAABAHA

Oday guure waxaa uu ahaa oday ku dhashay, kuna dhaqmay miya ama badiyaha

Waxa uu dhalay labo iyo taban carruur ah todobo wiil iyo shan gabdhood.

Guure wuxuu ahaa macalin dugsi Qu’aan

Oo si wayn looga yaqaano deegaanka uu ku noolaaa .

Macalin guure wax hanti ah malahayn lkn waxaa uu iimanka ku qabay inta yar ee xeradiisa ku jirta .

Malin maalmaha ka mid ah, waxa yimid Yuusuf oo ah nin la dhashay macalin Guure

Yuusuf waxa uu daganaa magalada Mogadisho.

Laakiin waxa uu u soo saxo iyo caano doontay miyaga. Isaga oo soo martiyay walaalkii Guure.

Guure ayaa u yeeray, Baahila oo ahayd

Afadiisa kuna yidhi” waxaa inoo marti ah walalkay Yuusuf oo aad ogtahay in aanu dadka ila mid ahayn “ taas oo ahayd fadhi kuuma yaallo.

Baahilo waxa ay soo qabatay oo dhagta dhiga ku daray wan joogaa ah

Kaas oo kaligii xerada ka bidhaamayay wax ishu qabotana ku jiray .

Bahila waxay durbaba kunbad ka soo dhigtay wixii cad iyo caano ay haysay

Waxayna ugu dhiibtay wiilkeeda Nuur oo ah curadka reerka.

Oday Guure ayaa sheeda kala soo wareegay halkii uu joogay yuusuf kuna yidhi”

Asalamau calaykum “ salan iyo is gacan qaad ka dib waxa bilowday kaftan iyo sheeko is xog waraysi ah.

Muddo markii uu yuusuf joogay miyiga ayuu u yeeray walalkii Guure una sheegay in uu u labanayo halkii uu ka yimid. Isagoo u raaciyay waxad keentaa labo ilmood oo aan waxbarasho kugu daro.

Guure waxa uu isgu yeeray afadiisa iyo carruurtii dhammaantood kuna yidhi.”waxan raba in aan labo idinka mid ah raaciyo adeer Yuusuf ,waxana go’aansaday in aan raaciyo mahad iyo muuna “ isga oo ku xushay labadan, labada kawayn in aan ciidan looga maarmin.

Yuusuf waxa uu ka xeeyay labadoodii kuna daray wax barasho.

Kadib waxa dhacay dagalkii sokeeye

Ee sababay qaxa iyo barakaca ba’an.

Waxay u hayameen wadamada reer galbeedka oo qaxooti ahaan u dageen.

Waxa iswaayay Guure iyo ubadkiisii.

Baafin badan ka dib waxa is helay,

Guure iyo walaalkii Yuusuf una sheegay in ay nabad qabaan isaga iyo carruurtiisiiba.

Malmo ka dib waxaa Guure lagu soo wargaliyay, in gabadhiisii Muuna ay keensatay ,nin layirahdo Axmed oo ka mid ah dadka lahayb sooco oo soomalia ah.

Balse waa loodiiday.

Kadib waxay u keentay ku caadaan ah,

Oo u dhashay wadanka ay daganayeen ee ingiriiska. Oo aan hayb, Diin, dhaqan iyo dhalasho toona lawadaagin.

Oday Guure oo qoomameeyay diidmadii

Wiilkii uu haybta ku eryay ayaa yiri.

Alahayow gacmahan

Taagayoo tooba baan iriye

Nin towxiidka qiray baan

Ku takooray reernimo

Malintaan talada diidaybaan

Tacab qasaarobay

Nin walalkii tiirka geeyay

Oo toogtay baan ahaye

Tartan kala sarayn dheeridaan

Yaa tiriyay codadkeeda

Yaa yidhi adaa taam ahoo

Taashka qolo saaray

Yaa yidhi ada maal lohoo

Muuqa reer hebela

Yaa yidhi adaa maamuloo

Talin ku maamuusan

Markii suuban gaal qatay

Baan Inan gumooboobay

Gobonimo waxan duugay oo

gacal walalaal wayay

Nin gayaana maantan

Ku idhi gaasir baad tahaye

W/D: Nimco Cabdifataax Maxamed ( Nimco Sagal)

HEYB-SOOCU MA YAHAY WAX FIICAN?

DEGMADA QANSAX-DHEERE EE G/BAAY WAA MAGAALO CEYNKEE AH WARBIXIN

Dadka iyo Waraabaha ayaa wada sheekeysta mararka qaarkood, waliba mararkii hore waxaa jiray Odayaal aad u af yaqaana waraabuha. Waraabuhu waa abwaanka habar dugaag marka loo eego s’aalaha iyo xujjooyinka lagula sheekeysto iyo qaabka uga jawaabo, waxaana kamid ah Su’aalahan:

Waxaa la weydiiyey oo su’aasha koowaab ay aheyd waraabow ma dharagtaa? Wuxuuna ku jawaabay maya, waligay maan dhargin, laakiin waa maqlay dharag waxa ay tahay, markaas ayaa waxaa la yiri war ma ninkaaga neef geela dila keligiis miyaan dhargin! Haddii aadan waligaaga dhargin goormaa ayaad dharag uga dhawdahay? Wuxuuna yiri waxaan dharag ugu dhawahay markii kururus iyo mudka geela iyo sararahiisa xeeri layga dhigo oo laygu raro hilbo badan oo mandharaariga laygu hogaamiyo oo xarig laygaga dhigo oo raq layga wado mid kalena aan kusii socdo ayaan ugu dhawahay dharag, markaas ayey odayaashi qosol la daateen oo yiraahdeen waxay soomaalidu ku maah maahdaa nafta aadanuhu waxay ugu jaceshahay intaan hadda hoo intan kalena meel dhigo adigaa iskaleh waraabana waa sida dadka oo kale naftiisa haddiiba sidaa yiri.

Su’aalo kale ayaa dib loogu celshay oo waxaa lagu yiri waraabow dhago maleedahay? Markaas ayuu wuxuu yiri waraabihii maqalka aad baan uga liitaa oo dhaguhu waa iga culusyihiin, laakiin habeenkii kolkan dheelmanayo oo aan howdka ka ugaarsanayo oo indhuhu

aysan wax dheexa arkin waxay dhagaheygu maqlaan goortaas atoorka sagaaroo daaqaya afar doox meesha u xageysaa goos qaadkiisa waan maqliyaa. Odayaashii aadbay u yaabeen dhaga culeyska uu sheeganayo iyo meesha uu wax ka maqlo. Su’aal kale ayey dib ugu celiyeen oo waxay yiraahdeen: Indhaha ka waran see wax ugu aragtaa? Wuxuuna ku jawaabay: Indho dheexaa ma lihi lakiin mugdi roob ah cirbad ceel ku dhacday wan kasoo saari lahaa. Su’aal bay dib ugu celiyeen iyagoo la yaaban deyradiisa iyo Indhahiisa sida ay wax u arkaan. Su’aal kale ayey weydiiyeen oo waxay yiraahdeen: waraabow immisa ayaa jirtaa oo sanadkee ayaa lagu dhalay? Wuxuuna ku jawaabay anagu sanad ma tiriyo ee markan dhaco uun ban arkaa. Waraabe su’aalo kaloo badan baa la weydiiyey markii ay ogaadeen odayaashu geedku inuu yahay nin haasaawo badan ayaa waxaa usoo baxday waraabuhu inuu deeqsi yahay xoolo badanna uu heysto, iyagoo odayaasha aysan heysan wax xoolo ah ayey u martiyeen waraabihii oo waxay iska xaadiriyeen meeshii uu joogay waraabuhu oo goor fiid ah ayey u tageen wuxuuna u goglay gogol aad u wanaagsan oo lagu soo dhaweeyo dadka martida ah oo magaceedana la yiraahdo waylaalis wuxuuna ku yiri maxaa doonaysaan caawa oo aad iga doonaysaan? Wuxuuna uga jawaabeen inaad na marti geliso ayaan doonaynay oo gaajo daranbaa naheysa caawa. Wuxuuna ugu jawaabay way fiicnaan laheyd inan idin marti sooro si wanaagsan wax la cunana way dhooban yihiin laakiin

dab ayaan laheyn, waxayna odayaashi u sheegeen in bil soo baxayso oo shan iyo tobanna joogto inuu dab ka doono haddii ay dhab ka tahay marti soorka caawa oo uu sheegayo inuu u sameyn lahaa. Islamarkiiba waddada ayuu cagta saaray siduu martida u sooro. Markuu muddo sii maqnaa daalna uu bestiis yahay ayuu meel buura fuulay wuxuuna arkay dayaxii oo dushiisa maraya, asigoona soo ordaayey illaa iyo galabkii asigoo ka wal walsan martidiisa qadaysa maadaama uu dab soo waayey wuxuuna yimid xeryihii oo haawanaya oo hal neefna aysan u joogin xoolihiisa dhammaanna la watay. Markuu raadka fiiriyeyna martidii ayaa ka xeysatay xoolihii oo idil wuxuuna yiri? Dadow ina dadbane waa inoo dagaal duuyana waa inoo aragti halkaas ayeyna kukala aamin baxeen waraabe iyo dadku, waxaana ka dhashay cadaawad ka dhexeysa dadka iyo waraabaha abaal darrada isugu jirta dhaca iyo khiyaamada lagula kacay waraabaha, waxaana jiray sidookale bin’ aanka kuwo sidaa oo kale ugu kaca khiyaano markii la aamino. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa abaal nin galaa wuu badan yahay balse nin gudaa wuu yaryahy, iska ilaali waligaa ha noqon abaal laawe.

Qeybaha danbe ayan idin kugu soo gudbin doonaa sheekooyinka dadka iyo waraabaha iyo xikmadaha ku dhex jira ee todobaadkaana halkan ha inoo joogto.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.

RAADIYO MUQDISHOCodka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Sahan ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in Idaacadda Raadiyo Muqdisho ay tahay tan loogu dhageysiga badan yahay idaacadaha magaalada Muqdisho.

Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad na siiseen.Raadiyo Muqdisho… Ka dhageyso 90.00MHz saacadaha 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe.

Ciidamada xoogga Dalka Soomaliyeed oo howlgallo muddooyinkan dambe ka waday gobolada Dalka ayaa dhul ballaaran ka qabsaday maleeshiyada Alshabaab,sida degmooyin,uulooyin iyo meelo badan oo kooxdaasi ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen.

Degmada Qan-saxdheere ee gobolka Baay ayaa ka mid ah degmooyinkii horey looga saaray argagixisada Alshabaab,waxaana haatan ka jira isbedell,inkastoo weli ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada bulshad ah,sida uu Wakaaladda Wararka(SONNA) uu u sheegay guddoomiyaha degmadaasi C/risaaq Cabdi Ibraahim(Sanka).

“Degmada Qansax-dheere oo ka mid ah magaalooyinka Qadiimiga ah ee gobolkay Baay Baydhabo waxay U Jirtaa 90 Km Waxayna Ka Kobantahay 4 Xafadood Oo Kala ah, Wadajir,Garsoor,Towfiiq iyo October,degmada Waxay Kamid tahay Degmooyinka Qadiimiga ah Ee Gobolka Baay,Waxa Hoos Yimaada in Ka Badan 100 iyo Dhowr Degaan Ama Tuulo,iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana degmada waxaa kajirta baahiyo dhanka adeegyada Bulshada ah”.sidaasi ayuu SONNA u sheegay Guddomiye(Sankuus)

Marka laga hadlayo adeegyada Bulshada,heerka Waxbarasho Ee Degmada Waxaa kuyaala Dugsi Hoose iyo Dhaxe,balse waxaa Dhawaan la hirgeliyay dugsi Sare,iyadoo wixii intaasi ka horeysayna ay ardaydu

waxbarashada dugsiga Sare ay u doonan jireen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,taasi oo caqabad weyn ku ahayd xagga dhaqaalaha iyo musaafo ahaan intuba.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay C/risaaq Cabdi Ibraahim (Sanka) oo SONNA u waramay ayaa Sidoo kale, sheegay in degmadu ay leedahay xarumo caafimaad sida isbital guud,balse Wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka iyo kuwa dowliga ah in laga caawiyo sidii loo horumarin lahaa guud ahaan adeegyada ay helaan Bulshada.

Ammaanka degmada iyo deegaanada hoosetaga ayuu sheegay in ay wanaagsan yahay,waxaana ka howlgala ciidanka Xoogga Dalka, oo howlgalo joogto ah ka sameeye deegaanadaasi,si looga hortago dhagar kasta oo ay shacabku u soo maleegaan maleeshiyada Alshabaab.

Xalada Amniga Ee Degmada Waxa Habeen iyo Maalin u Taagan Guud ahan Maamulka Degmada Oo Kashanaya Ciidamada Dowlada Qeeboohada Kala Duwan.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala deegaanada ayaa isku sii fidinaya deegaano hor leh,si loo furo meelaha ay go’doomiyeen maleeshiyada Alshabaab.

Xigasho: SONNA

Page 11: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 11WARGEYSKA DALKA CAYAARAHA & DHALLIN’YARADA

DHALLINYARADA & CAYAARAHA

KOOXDA INDEPENDIENTE OO RAJO KA QABTO SOO LAABASHADA AGUERO

FABREGAS OO MAGACAABAY LABADA TABABARE EE UGU FIICNAA OO UU KA SOO HOOS SHAQEEYAY IYO PEP GUARDIOLA OO LAGA WAAYAY

Laacibka reer Spain ayaa qirtay inuu nasiib u yeeshay inuu la shaqeeyo tababbarayaasha adduunka ugu fiican balse waxa uu ka doortay labo magac .

Cesc Fabregas ayaa u magacaabay Arsene Wenger iyo Jose Mourinho labada macalin ee ugu fiican ee uu ka hoos shaqeeyay intii uu ku guda jiray waayihiisa ciyaareed.

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda AS Monaco ayaa sidoo kale horay ugu soo ciyaaray kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea halkaasoo uu kula guuleystay koobab.

Sidoo kale Cesc ayaa xulka Spain kula guuleeystay koobab badan, isga oo kor u qaaday Koobkii Adduunka ee 2010-kii, oo uu wehliyay

koobkii Euro ee 2008-dii iyo 2012-kii.

“Waxaan la soo shaqeeyay tabaro-yaasha adduunka ugu fiican, sidaa darteed ma caban karo,”

ayuu Fabregas ku yiri barta Instagram Live.

Laakiin markii lagu riixay in uu sheego labada macalin ee ugu fiicnaa, ayaa waxa uu yiri,”Wenger iyo Mourinho.”

Xulashadaas ayaa la micno ah in tababarihii hore ee Barcelona iyo haatan tabaro Manchester City Pep Guardiola uu seegay, iyo macalinkii xulka qaranka ee Vicente del Bosque, oo Spain u horseeday hanashada Koobka Adduunka 2010-kii iyo labo sano oo Euro ah.

GUARDIOLA AYAA GO’AANSADAY INUU KA TAGO MAN CITY HADII GANAAX CHAMPIONS LEAGUE UU HIRGALO.Xiddigii hore ee Barcelona

iyo Arsenal Emmanuel Petit ayaa qaba in macalinka reer Spain uu go’aansan karo inuu fasax ka qaato maamulka

Pep Guardiola ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester City hadii ganaaxiisa labo xilli ciyaareed ee Champions League lagu dhabaqo, sida uu sheegay Emmanuel Petit.

Guardiola ayaa si weyn loogu ixtiraamayaa inuu yahay mid ka mid ah maamulayaasha ugu fiican kubada cagta adduunka, isagoo ku guuleystay guulo aan horay loo arag intii uu joogay Barcelona iyo Bayern

Munich.

Wuxuu ku hogaamiyay Blaugrana labo koob oo yurub ah iyo seddex La Liga, ka hor inta uusan seddex koob oo isku xigta oo Bundesliga ah la qaadin Bayern.

Tababaraha reer Spain ayaa ka tagay Allianz Arena 2016-kii si uu tartan cusub uhelo waxa uuna iska xaadiriyay England isagoo EPL-ka kula guuleystay City, guud ahaan waxa uu ku guuleystey todobo koob oo waa weyn intii uu City joogay.

City ayaa ayaa ku guuleeysatay labo xilli ciyaareed oo isku xigta horyaalka Premier League

intii uu maamulayay Guardiola, waxayna dejiyeen heerar cusub oo heer sare ah

marka loo eego dhibcoihii laga helay iyo goolasha la dhaliyay.

W e e r a r y a h a n k a Manchester City ayaa dib loogu doonayaa naadigiisii yaraantiisa, in kasta oo soo laabashadiisa waqti dhow aysan macquul aheyn

Madaxa kooxda Independiente Lucas Pusineri ayaa rajeynaya in xiddiga Manchester City Sergio Aguero inuu maalin uun ku soo laabto kooxda.

Aguero wuxuu soo maray safka dhalinyarada markii uu ku sugnaa Independiente ka hor inta uusan ku biirin kooxda Atletico Madrid 2006-dii isagoona u dhaqaaqay City shan sanao kadib.

Saaxiibkiisii hore ee kooxda Independiente, Pusineri, wuxuu hadda mas’uul ka yahay naadiga reer Argentine wuxuuna

doonayaa Aguero iyo qadka dhexe ee AC Milan Lucas Biglia –in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.

“Aniga iyo Sergio Aguero iyo Lucas Biglia waxaan leeyahay xiriir qurux badan,” ayuu u sheegay InfiernoRojo salaasadii.

“Waxaan nahay lamaanayaal waxaana ixtiraam weyn u hayaa himilooyinkii ay ku soo qaateen Argentina iyo Yurub sidoo kale.”

Pusineri wuxuu raaciyay: “Dabcan way fiicnaan laheyd in berrito la helo.

Dhanka kale Aguero ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu ku laabto Independiente, in kasta oo qandaraaskiisa City uu ku egyahay illaa 2021.

Weeraryahanka Xulka Qaranka Portugal iyo Kooxda Juventus Cristiano Ronaldo, ayaa dadaal ugu jira inuu Garab ka gaysto Dagaalka lagula jiro xakameynta cudurka Safmareenka ah ee Covid-19.

Cristiano Ronaldo ayaana Aqbalay in laga Jaro Mushaarkiisa Lacag dhan Afar milyan oo euros sanadkii.

Shir ay iskugu yimaadeen Xiddigaha waa weyn Ee Kooxda Marwadda Duqda sida Buffon, Chiellini iyo Cristiano Ronaldo ayaa isku raacay inay mushaarkoodda qayb kamid ah Ku caawiyaan dadaalka loogu jiro Ka hortadda Fayraska coronavirus.

Xog aruurin lagu daabacay ProFootballDB ayaa lagu

sheegay in Cristiano uu sanadkii lacag dhan 34.7 milyan inuu mushaar ahaan u qaato balse dhammaadka sanadkan 2020 ayuu weyn doona lacag dhan 30.9 milyan oo Yuuro.

Xiddigaha qaar ee aan awooddin inay lacag badan iska jaraan ayaa ku andacooday “ lama mid ahin Cristiano Ronaldo, kaas oo samayn kara wax kasta mushaarkiisa la’aantiis laba billod iyo wax ka badan asagoon xaaladdisuna aysan waxba iska badalaynin, haddii aan bixino mushaarkeena qeyb kamid ah waxaa inuu imaan doona milkiilayaasha Guryaha aan kiridda ku daganahay waxayna na weydiin doonan Inaan bixino kiradda”

SAGNA OO TALO KA SIINAYAA POGBA KU SOO LAABASHADA SERIE ASagna oo ninka ay

saaxibada ku ahaayeen xulka France ugu baaqay in uu aado Serie A, daafaca buuxa ayaa aaminsan in hadii ninka Man United u ciyaaro uu go’aansado inuu dhaqaaqo sannadkan markaas aysan ku xirnaan doonin kaliya dhanka Real Madrid.

Paul Pogba ayay u badan tahay inuu ku biiro Juventus halkii uu tagi lahaa Real Madrid hadii uu go’aansado inuu ka tago Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taasi waa aragtida Bacary Sagna, daafacii hore ee Arsenal iyo Manchester City kaasoo Pogba la wadaagayay xulka France intii u dhaxeysay 2013 iyo 2016.

Warka ku saabsan

ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United ayaa muddo bil ah kacsanaa, iyadoo wakiilkiisa Mino Raiola uu qirtay sannadkii hore inuu doonayay inuu ka

tago Old Trafford.Raiola ayaa yidhi:

“Qofkasta oo ka tirsan kooxda United Ciyaartoy maamule ilaa milkiilaha wuu ogyahay waxa Paul doonayo,

Qof walba wuu ogyahay rabitaanka Paul ee inuu ku sii socdo tartan cusub. Qof walba wuu ogyahay dareenka Paul.

KOOXDA JUVENTUS OO DHIMAYSA MUSHAARKA

CRISTIANO RONALDO, MAXAY TAHAY SABABTO?

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel

Arteta ayaa ka hadlay habka uu

ula tacaalay COVID-19.

Macalinka Kooxda Arsenal Mikel Arteta, ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee uu so ritay Fayraska coronavirus, gudaha England Gaar ahaan dhinaca kubadda Cagta ee Horyaalka Premier League.

Macalinka reer spain ayaa sharaxaad ka bixiyey

hanaanka uu ula tacaalay Cudurka-19, oo uu hadda si dhamaystiran uga soo bogsaday.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta, ayaa muuqaal kooban oo usoo dhigay baraha bulshadda Ugu sharaxay dad qaab ka ay tahay inay u mareeyaan

Cudurka-19."si aad ula dagaalantaan

Coronavirus, ku dadaala Nadaafadda iyo Jimicsiga, Iskarantiila si aad u badbaadisaan Ummadda kale, Guryihiina jooga si aad bogsatan dadka kalana u badbaadisaan." Ayuu yiri Mikel Arteta.

Page 12: WARGEYSKA DALKA Isniin 06 April 2020 Wargeyska DALKA · 2020. 4. 19. · saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul

Isniin 06 April 2020 12WARGEYSKA DALKA OGEYSIIS & KARTOON

FAAFINTA RASMIGA AHQodobka 23aad

Wareejinta Danta Shirkadda

1. Danta shaqsigu ku leeyahay shirkadda waa hanti shaqsi oo saamiluhu leeyahay ciddii uu doonana waa u wakiilan karaa ama ku wareejin karaa. Haddii aan idmanaha ama loo wareejiyaha laga dhigin saamile ka mid ah shirkadda, wuxuu xaq u yeelanayaa oo keliya in uu helo faa’iidada saamiga iyo wixii kale oo dheef ah. Balse xaq uma laha in uu ka qayb qaato maamulka ganacsiga iyo hawlaha shirkadda.

2. Saamiluhu waa luminaya mulkiyadda saamiga, marka uu shaqsi kale u wareejiyo dantii Saamiga, shaqsiga danta saamiga loo wareejiyay ayaa yeelanayo goorta uu aqbalo, xuquuqdii daneed, awoodihii iyo masuuliyaadkii ayuu la wareegayaa shirkaduna uma raacan karto wareejiyaha saamiga wax masuuliyaad ah.

3. Shaqsiga qeyb saamiga ka mid ah loo idmaday ama loo wareejiyay goorta uu oggolaado, wuxuu xil qaaday dhammaan xuquuqihi iyo waajibaadkii wareejiyaha shirkadda iyo dadka kale ay ku lahaan lahaayeen.

Qodobka 24aad

Deynta Shirkadda iyo Saamile/Saamileyda

1. Shaqsi deyn ku leh saamile oo codsi cabasho u soo gudbiyay maxkamadda looguna xukumay, maxkamaddu, waxay go’aamin kartaa in laga sii bixiyo danta Saamilaha deynta qabay inta aan la gaarin xukun fulinta una magacaabi kartaa wakiil ka qabta faa’iiadada saamiga saamilaha deynta qabay dheef kasta uu ka heli lahaa Saamiga shirkadda.

2. Wakiilkaasi waa ka bixin karaa amarro, tilmaamo iyo baaritaanno xisaabaadka Saamilaha deynta qabay. Shaqsiga deynta lahaa oo loo fuliyay, wuxuu xaq u yeelanayaa oo kali ah danta saamiga ee loo wareejiyay. Danta Saamile deynta qabay oo maxkamaddu ka qabatay waa la gala soo noqon karaa waqti kasta intii la siiyay ka hor inta aan la gaarin xisaab xirka.

3. Maxkamaddu haddii ay amarto iibinta danta Saamilaha deynta qabay waa la iibsan karaa, waxaana dhici karta in arintaas ay sabab u noqoto kala dirid shirkadda, marka ay oggolaadaan dhammaan saamilaydda aan dantooda Saamile la haysan ama la iibin. Sharcigani kama qaadi karo Saamile faa’iido iyo dan ay siiyeen xeerar kale oo gaar ah.

Qodobka 25aad

Saamilaha Geeriyooda iyo Shirkadda

1. Haddii qof Saamile ka ah shirkad uu dhinto oo ay maxkamadi u magacawdo daryeele u fuliya danihiisa maamul ama ku adeega awoodihii uu lahaan lahaa saamilaha geeriyooday, daryeelahaas ayaa ku adeegayo dhammaan inta sharcigu ama maxkamaddu u idantay.

2. Haddii Saamiluhu yahay shaqsi sharci oo shirkaddu kacdo ama baaba’do, wakiilka sharci shaqsigii dan ku lahaa saamilahaas ama dhaxalkiisa lahaa ayaa la wareegayo dhamaan awoodahii uu lahaan jiray Saamiluhu.

Qodobka 26aad

Xilka Saamilayda iyo Maamulka

1. Saamilaha iyo maamulka shirkaddu masuul kama ahan xukun, go’aan ama amar maxkamaddeed oo shirkadda ka dhan ah, deyn iyo waajibaadka masuuliyadeed ee shirkadda saaraan.

Qodobka 27aad

Codaynta Saamileyda

1. Go’aanada shirkadda waxaa lagu meel mariyaa cod aqlabiyad ah ama oggolaansho mideysan, codbixin shirkadeed kama reebana in lagu saleeyo qiimaha saamiga saamile kastaa leeyahay haddii aysan jirin si ka duwan oo dhammaan saamileydu isla oggolaadeen.

2. Codbixinta waxaa ka mid noqon kara saamile iyo wakiilo joogta ah ama hal mar uu saamile soo dirsaday si uu cod bixinta ugu metalo.

Qodobka 28aad

Dacwad Saamile

a) Saamiluhu, wuxuu xaq u leeyahay in uu bilaabo dacwad ka dhan ah cid kale ama sii wado, isagoo ka wakiil ah shirkadda si waafaqsan nidaamka iyo sharuucda dalka marka:

b) Saamiluhu waa in shirkadda ka ahaa Saamile waqtiga falka laga cabanayo uu dhacayey.

t) Saamilahana ugu muuqatay in uu xaq u leeyahay metelaada danaha saamilayaasha kale si la mid ahna u taabanayso fulinta xaqa shirkadda.

b) Dacwad oogidda saamile, waxa loola jeedaa dacwadaha madaniga ah oo la xiriira xuquuqda saamileyda shirkadda.

Qodobka 29aad

Dacwad Oogid Saamile

1. Saamilihu ma bilaabi karo dacwad uu wakiil uga noqonayo shirkadda hadii aan;

b) Codsi u soo gudbin maamulka shirkadda si uu ugu metelo fal dacwo.

t) Inta lagu guda jiro (30) maalmood taariikhda codsigiisa uu u gudbiyay maamulka, marka laga reebo in dhicitaanka soddonka maalmood aysan shardi ahayn marka;

I. Saamilahana la ogaysiiyay mudada dhicitaanka soddonka maalmood ka hor in codsigiisa shirkadu diiday.

II. Arintu tahay dhacdo shirkadda halis ku ah, haddii la sugo dhicintaanka xiliga sodonka maalmood ah.

Qodobka 30aad

Asbaabta Hakinta Dacwadaha

1. Si loogu ogolaado in la siiyo shirkadda waqti ku filan oo ay ku baarto eedeymaha dacwo ee laga soo gudbiyay ee ku xusan cabashada loona bilaabay si waafaqsan sharcigaan, Maxkamaddu waa hakinaysaa dacwadda wakiilka looga yahay shirkadda ilaa inta ay ka baaraan degeyso, waxayna siineysaa muddo maxkamaddu u aragto in ay ku habboon tahay.

Qodobka 31aad

Diidmada Dacwada

1. Dacwad lagu metelayo shirkad aan laga haysan fasax lana bilaabay, Maxkamaddu waa diidi kartaa.

Sidoo kale maxkamaddu waa diidi kartaa marka ay hesho war gelinta shirkadda oo hubsatay in sii socoshada dacwaddaas ay dani ugu jirin.

2. Danta shirkadda, haddii saamileyda ama maamulku isku afgaran waayaan, maxkamaddu waxay go’aan ku gaaraysaa talada qof khabiir ku ah howshaas oo ka madax bannaan maamuulka iyo saamilayda shirkadda.

3. Maxkamadda ayaa magaacbeysa guddi go’aan ka gaara marka shirkaddu diiddo

wakiil dacwadda ku metela, guddigaas waa in ay san dan gaar ahi ugu jirin dacwadda, tahayna mid maangal ah awoodna u leh sii wadid dacwo iyo xalinteeda oo ay siisay maxkamaddu.

Qodobka 32aad

Joojinta Dacwadda

1. Dacwad la bilaabay lama joojin karo kamana heshiin karan dhinacyadu maxkamadda oo aan ogeyn. Maxkamaddu marka ay go’aansato in talo jeedinta joojinta ama heshiisku ay saamayn wayn ku leedahay saamileyda shirkadda waa in ay war gelisaa dhamaan saamileyda shirkadda oo ay dacwadu saamaynayso si ay u ogaato fikradooda.

Qodobka 33aad

Kharashka Dacwadda

1. Saamile arrimo macquul ah ku soo dacweeyay isla shirkadii uu saamiga ku lahaa, balse maxkamaddu go’aamiso si u dan ah shirkadda, waxay amri kartaa in shirkaddu u celiso dacwoodaha kharashka macquulka ah ee uu ku galay dacwadda oo ay ku jirto xushmadda qareenada. Hadiise shirkad lagu soo oogo dacwad maxkamaddana ugu muuqatay in ay san ku fadhin sababo macquul ah, waxay amri kartaa in dacwooduhu u celiyo shirkadda kharajkii ay ku gashay dacwadda si ay isku difaacdo oo ay ku jirto xushmadii qareennada.

Qodobka 34aad

Dhowridda Sirta Diiwaanada iyo Xisaabaadka

1. Saamile kasta oo shirkadda ka mid ah, wuxuu xaq u leeyahay in uu raaco halbeegyo macquul ah oo saamilayaasha ama maamulayaasha in uu baarto waqti kasta saamileyaasha, maamuleyaashaba iyo diiwanada diiwan hayaha nuqulna ka sameysto. Bixiyaanna kharajka adeegga baarritaankaas, balse waa in marka hore ku soo sheegaa codsigiisa ujeedada iyo danta uu ka leeyahay arintaas, soona codsadaa Xogtaan:

b) Xog buuxda oo run ah kuna saabsan xaalada ganacsi iyo maaliyadeed ee shirkadda oo ay ku jiraan go’aanada iyo hadal qoraalada shirarka iyo nuqulka cashuuraha shirkaddu bixisay sanadkaas.

t) Tixda magacyada saamileyda iyo maamulayaasha shirkadda iyo cinwaanada goobaha ganacsi, deeganada saamileyda, maamuleyaasha iyo cinwaanadooda waraaqaha loogu diro.

2. Maamule kasta xaq uma laha in uu ogaado dhamaan xogta saamileyda iyo maamuleyaasha kale, shirkaddu waxay diiwanadeeda ku keydsan kartaa qaab kale oo aan qoraal ahayn, hadii si fudud loogu bedeli karo qoraal mudo gaaban gudaheed.

CUTUBKA 6aad

MAAMULKA

Qodobka 35aad

Magacaabista Maamule

1. Saamileyda shirkadda ayaa qoraalka aasaaska ama qoraalka diiwaan gelinta shirkadda ayaa dhigayo in shirkaddu madax maamul yeelato. Maamule ama in ka badan oo fuliya howsha shirkadda, waxaase shardi ah in uu ahaado qof caadi ah, da’diisuna ka yareyn 18 sano. Maamuleyaasha, waxaa xilka loogu dhiibi karaa loogana qaadi karaa go’aan aqlabiyad ah oo ay wada gaareen saamileydu.

Qodobka 36aad

Awoodda Maamulka Shirkadda

1. Go’aanada ku saabsan maamulka shirkadda, waxaa gaara saamileyda ama maamulayaasha si aqlabiyad ah, shirkadda uu maamulo hal maamule awoodiisa, waxa lagu sheega qoraalka aasaaska inta ay gaar siisan tahay.

2. Oggolaanshaha saamile kasta waa qasab in la helo marka, qoraalka aasaaska iyo qoraal kasta oo diiwaan gashan, xeerka iyo howlaha ganacsi ee shirkadda wax laga bedelayo.

Qodobka 37aad

Howl-wadeennada iyo wakiillada

1. Shirkaddu waxay yeelan kartaa hal ama ka badan oo howl-wadeenno ah iyo wakiilo shaqo oo leh xuquuqda, waajibaadka iyo awoodda ay siisay shirkaddu.

Howl-wadeenka ama wakiilka shirkadeed waxaa noqon kara qof caadi ah oo aan ka yareyn 18 sano.

Howl-wadeennada iyo wakiilada waxaa xilka loogu dhiibi/loogana qaadi karaa aqlabiyadda saamileyda shirkadda.

Xilkooda, xuquuqdooda iyo waajibaadkoodana waxaa lagu kasbadaa oggolaanshaha saamileyda.

2. Howl-wadeennada iyo wakiillada kale waxay qaban karaan howlo kale goorta ay wada oggolaadaan saamileydu hawlo ka baxsan midda caadiga ah ee ganacsi ee shirkadda u diiwaan gashan.

Qodobka 38aad

Waajibaadka Saamilayda iyo Maamuleyaasha

1. Waajibka shirkaddu ku leedahay saamile kasta waa in uu wada bixiyaa hantida uu ballan qaaday in uu ku darsanayo shirkadda, haddii maamulka shirkaddu gacanta ugu jiro saamileyda iyo maamuulayaasha, shirkadda hantideeda, faaidadeeda ama dheefta ay soo saarto shirkaddu, waxay ka yihiin amaane haye. Lagana filayaa in ay ka dhowrsadan in ay kula beretamaan shirkadda ay maamulayeen hawlo ganacsi kala dirka shirkadda ka hor.

2. Dayacina hantida shirkadda Kana dhowrsadaan falalka taxadir xumo iyo kuwa qaldan oo ku talo gal ah meel ka dhacna ku ah howshii lagu aaminay kana dhalan karto xad gdub sharci.

3. Saamile ama maamule waa ka amaahan karaa shirkadda lacag lana samayn karaa macaamil kale ganacsiga shirkadda. Saamilaha iyo maamulahaba, marka ay timaad arrimo mucaamil, sida dayn iyo macaamil kastana, waxa loola dhaqmayaa labadaba si la mid ah dadka aan Saamilaha ama maamule ka ahayn shirkada iyadoo la raacayo hab dhaqanka khuseeya.

Qodobka 39aad

Reebanaanta Wakiilnimada Saamilayda

1. Haddii qoraalka aasaaska shirkadda ama qoraalka diiwaan-gelinta shirkadu dhigayo in maamulka shirkadda ay leeyihiin saamilaydu, saamile kasta, wuxuu wakiil uga yahay shirkadda ganacsigeeda. Falkii uu sameeyo saamiluhu isagoo gudanaya hawlihiisa caadiga ah oo ku jiray qoraalada magaca shirkadda ama ganacsi nooca shirkadu qabato, waxa loo qaadanayaa howl shirkadda loo qabanayay. Waxaase ka reeban in saamiluhu wax uu san awood u lahayn ku metelo shirkadda arrin gaar ah isla markaana qofka uu la maacaamilay uu ogyahay in aan Saamiluhu lahayn awooddaas.

LA SOCO QEYBTA KALE

LA SOCO SHARCIYADA DALKASHARCIGA SHIRKADAHA