wargeyska gobollada dhexe - disember 2014

6
Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]). Kala xariir: [email protected] WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Isniin, 01 disember 2014, Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad QORAALLO KALE Munaasabad dhaqaalo loogu deeqay Jaamacadda Galguduud ...ka akhri bogga 4aad. HOURMARKA GANACSI EE GOBOLLADA DHEXE W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi ...ka akhri bogga 5aad. QADAWGU GEEDKA WAA DILAA! W/Q: C/raxmaan Faarax Xaashi Sh, So Qiimaha 3000 Columbus: Xaflad dhaqaale loogu uruurinayey Jaamacadda Galgaduud (Galguduud Univer - sity) ee ka dhisan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Ganacsato, dhallinyaro, haween iyo dhammaanba qaybaha ee Bulshada Jaaliyada gobolkan Ohio ayaa lagu qabtay magaalada Ohio, ee carriga Ma- raykanka. Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoon- yahanno iyo Culimada Awdiin ku dheeraaday ahmiyadda ay .....ka sii akhri bogga 3aad. DEKADDA HOBYO OO DIB LOO HAWLGALINAYO Hobyo: War naga soo gaaray magaalada Hobyo ayaa sheegaya in doon nuuca xamuulka qaaddo ay ku soo xirtay dekadda magaaladaas. Doon- taan ayaa la sheegay in ay hor u dhac u tahay doomo kale oo la filayo in ay xilliyada dhow ku soo xirtaan dekadda. Doontaan ayaa kolkii hore ka timid dhanka Muqdisho. Wararka ayaa intaa ku daraya in doontaan u raran tahay ganacsato deegaanka ah, ayno siddo badeecado kala duwan, furitaanka dekedda Hobyo ayaa yididiilo galinaysa ganacsata iyo dad weynaha gobollada dhexe, taas oo ay uga maarmi doonaan dekedaha dalka gudihiisa.....ka sii akhri bogga 2aad.

Upload: wargeyska-gobollada-dhexe

Post on 06-Apr-2016

237 views

Category:

Documents


5 download

DESCRIPTION

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dahar Dheer (Dhuusa Mareeb).

TRANSCRIPT

Page 1: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]).

Kala xariir: [email protected]

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEBIsniin, 01 disember 2014, Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad

QORAALLO KALEMunaasabad dhaqaalo loogu deeqay Jaamacadda Galguduud

...ka akhri bogga 4aad.

HOURMARKA GANACSI EE

GOBOLLADA DHEXE W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi

...ka akhri bogga 5aad.

QADAWGU GEEDKA WAA DILAA!

W/Q: C/raxmaan Faarax Xaashi

Sh, So

Qiimaha 3000

Columbus: Xaflad dhaqaale loogu uruurinayey Jaamacadda Galgaduud (Galguduud Univer-sity) ee ka dhisan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Ganacsato, dhallinyaro, haween iyo dhammaanba qaybaha

ee Bulshada Jaaliyada gobolkan Ohio ayaa lagu qabtay magaalada Ohio, ee carriga Ma-raykanka. Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoon-yahanno iyo Culimada Awdiin ku dheeraaday ahmiyadda ay.....ka sii akhri bogga 3aad.

DEKADDA HOBYO OO DIB LOO HAWLGALINAYOHobyo: War naga soo gaaray magaalada Hobyo ayaa sheegaya in doon nuuca xamuulka qaaddo ay ku soo xirtay dekadda magaaladaas. Doon-taan ayaa la sheegay in ay hor u dhac u tahay doomo kale oo la filayo in ay xilliyada dhow ku soo xirtaan dekadda. Doontaan ayaa kolkii hore ka timid dhanka Muqdisho. Wararka ayaa intaa ku daraya in doontaan u raran tahay ganacsato deegaanka ah, ayno siddo badeecado kala duwan, furitaanka dekedda Hobyo ayaa yididiilo galinaysa ganacsata iyo dad weynaha gobollada dhexe, taas oo ay uga maarmi doonaan dekedaha dalka gudihiisa.....ka sii akhri bogga 2aad.

Page 2: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

2 Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad WARARKA Isniin 01, disember 2014

DEKADDA HOBYO OO DIB LOO HAWLGALINAYOHobyo: War naga soo gaaray magaalada Hobyo ayaa shee-gaya in doon nuuca xamuulka qaaddo ay ku soo xirtay dekadda magaaladaas. Doontaan ayaa la sheegay in ay hor u dhac u tahay doomo kale oo la filayo in ay xilliyada dhow ku soo xirtaan de-kadda. Doontaan ayaa kolkii hore ka timid dhanka Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in doontaan u raran tahay ganac-sato deegaanka ah, ayno siddo badeecado kala duwan, furi-taanka dekedda Hobyo ayaa yididiilo galinaysa ganacsata iyo dad weynaha gobollada dhexe, taas oo ay uga maarmi doonaan dekedaha dalka gudihiisa. Dekadda magaalada Hobyo waxaa ku soo xirtay doon shix-nado ganacsi u waday gobollada dhexe, iyadoo todobaadkaan la

sugayo 10 doon oo kale.

Gudoomiyaha gudiga ganac-satada Galmudug ee Hobyo Shariif Wadaad Cadde ayaa warbaahinta ku yiri “Howshatan oo hordhac ah ayaa waxey kamid tahay qorshe ballaaran oo lagu hormarinayo deegaanka gobol-lada dhexe iyo Soomaali oo dhan”.

Dekaddaan ayaa si KMG ah how-sha usii wadi doonta, inta laga dhameystiri doono dhismaha de-kadda weyn ee magaalada Ho-byo. Waxaana Hobyo ka socda dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Maamullada Galmudug, iyo Xi-man & Xeeb ee gobollada dhexe ee dalka ayaa xubno ka kala socda waxay ku kulmeen ma-gaalada Gaalkacyo, ee xarunta

gobolka Mudug, halkaas oo ay uga wada hadleen arrimaha de-kadda Hobyo.

Warmurtiyeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in

labada maamul ay isla meel dhigeen qodobbo wax ku ool ah, si guud in labada maamul ay ujeedooyin fara badan oo horu-marinta deegaanka ah leyskula meel dhigay.

Waxaa sidoo kale looga wada

hadlay kulanka hirgalinta maamulka cusub ee gobollada dhexe, kaas oo ay gooshiisa taallo magaalada Cadaado. Maxamed Xaaji Xuseen Biir, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in waxyaabaha ka soo baxay shirkaas ay mira dhal no-qon doonaan, isagoo sheegay in la dhiirri gelinayo guud ahaan cid kasta oo dooneysa in ay mas-haariic ka fuliso deegaanadaas.

Todobaadkii tegay ayay ahayd markii dekadda magaalada Hobyo muddo dheer kadib ay ku soo xiratay dooni ganacsi, taasoo macnaheeda ay maamullada go-bollada dhexe ku sheegeen in ay si toos ah u shaqeyn doonto wixii markaa ka dambeeyay.

Ceelbuur: Degmada Ceelbuur oo muddo 7 bilood ah ku jirta gacanta Dowladda ka dib markii laga sifeeyey qawlaysatda AlShabaab oo sanado badan talideeda xoog ku haysta ayaa maanta la gaarsiiyay gaargaar banii Aadamnimo oo ay ka mid yihiin Matooorka lagu qodo Ceel-biyoodyada.

Gaargaarka la gaarsiiyey degamda Ceel oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo yimid ka dib baaqii loo jeediyay dowladda iyo Hey’adaha Sama falka in gargaar lala soo gaaro deg-mada, oo ay ka jiraan dhibatooyin abaaro iyo biya la’aan.

Degmada oo la gaarsiiyey raashin iyo ma-toor dabka dhaliya oo biyaha soo saari, ayaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/qaadir Xuseen Jaahweyn oo ah Guddoomiyaha Gurmadka degmada Ceelbuur uga mahadceliyay cid kasta oo ka qeybqaadatay matoorkan iyo raashinka loogu talagalay dadka deegaanka.

“Waxaan marka hore si weyn uga mahadce-linayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha (..), Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo Jaaliy-adda UK ee ka soo jeeda degmada Ceelbuur oo dhammaantood si weyn uga wadaqeyb qaatay gar-gaarkan maanta la gaarsiinayo

degmada Ceelbuur oo uu ugu horreeyo Matoorkan weyn ee Ceelbiyoodka ah, kaasi oo ah mid baahi weyn loo qabay” ayuu yiri Jaahweyn.

Sidoo kale, mudane Jaahweyn wuxuu uu ugu baaqay in dadka kale ee ballanqaaday inay ka qeybqaadanayaan horumarinta deegaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aas aasiga inay ka soo baxaan balan-qaadkooda, oo ay fuliyaan.

“..WAA HORUD-HAC LAGU HO-RUMARINAYO DEEGAANNADA G/DHEXE..”

Gargaar la gaarsiiyay Ceelbuur

MAAMULKA & QORAYAASHA WARGEYSKA EE BISHANAxmed Xaayow (Dulmidiid), Maxamed C/casiis Ciyow, Layla Qaali Cabdullaahi, Cabdiraxmaan Faarax Xaa-shi (Cawaale), Bashiir M. Xersi, iyo Maxamed B. Midnimo. Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala

shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga [email protected]

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYA-DAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR:

[email protected]

Page 3: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad 3WARARKAIsniin 01, disember 2014

Cadaado: Munaasabada gabangabo u ahayd mashruuca la yiraa; “Quraca Nabadda” oo magaalada Cadaado ka socday sadexdii bilood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay in ka badan 600 oo qof oo lab iyo dheddig leh, oo mashruucan loo tababaray, waxaana munaasabadda ka soo qaybgalay maamulka degmada Cadaado, mad-axda hay’adda tababarkan flisay ee SOYDEN iyo marti sharaf kale.

Mashrucan “Quraca Nabadda” oo laga hirgalshay magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa lagu ayaa Proff C/llahi Xirsi Diirshe Daacad oo ka mid ah barayaasha tababarkan soo waday muddada sadex bilood ah wuxuu sheegay inay ka faa’iideysteen ku dhawaad 700 (todobo boqol) oo qof, oo qaybaha bulshada ka kooban, kuwaas oo bartay muhiimadda dib u heshiisiinta iyo qiimaha Nabadda.

Madaxa Hay’adda Somali Youth Development Network (SOYDEN) Cismaan Muxyaddiin Macallin ayaa isna munaasabadda ka sheegay in mashruucan uu waddada u xaarayo hannaanka dib u sheshiisiinta buls-hada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan Tootoole oo mu-naasabadda soo xiray ayaa sheegay in ka degmo ahaan uu mashruucan ka saacidayo in wacyiga bulshada sara loo qaado.

Wajiga labaad ee “QURACA NABADDA” oo Cadaado lagu soo afmeeray

FARIIN

KA SHAQEE NABADDA OO NOQO XALLIYE, OO HA NOQON XASARAD

ABUUR!

Caabudwaaq: Madaxa ar-rimaha bulshada degmada Caabudwaaq ee gobolka Gal-gaduud mudane Khaliif Cabdi-samad Cali, ayaa ka warbixiyay kulan ka dhacay degmadaas oo looga arrinsanayay xal u helidda khilaafka u dhexeeya mallees-hiyo beeleedyo dhowaan gobol-kaas ku dagaallamay dhawr kol.

Mudane Khaliif wuxuu shee-gay in kulanka uu u dhexeeyey odayaasha labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, maamulka gobolka iyo kan degmada, uj-eedkuna yahay in gabi ahaanba

la soo afjaro colaadda beelahan walaalaha ah dhexmartay.

Madaxa arrimaha bulshada degmada Caabudwaaq Khaliif Cabdisamad, wuxuu tilmaamay in labada dhinac haatan ay yihiin kuwo u bisil wada hadalka, wa-dahadalladuna yihiin kuwo heer gaba gabo ah maraya.

Dhowaan ayey eheed markii malleeshiyo beeleedyo walaalo ah ay diriri ku dhexmartay deegaanka Balan balle ee gobolka Galgaduud, in kasa-too xallintoodu wali odayaasha

gobolku ku mashquulsan yihiin, haddana, wali lagama gaarin xal kama dambays ah.

Hore ayey u dhacday dhawr mar sanadkan dhexdiisa in ay dirirro ka dheceen deegaanka Balan-balle, oo dad tiro ah ku dhin-teen. Wada xaajoodka furmay, ayaa maamulka gobolka, gud-doonka degmada Caabudwaaq iyo dadka deegaanku waxay ka rajaynayaan inay noqdaan mid lagu soo afjaro xaaladdan cakiran.

Columbus: Xaflad dhaqaale loogu uruurinayey Jaamacadda Galgaduud (Galguduud Uni-versity) ee ka dhisan magaal-ada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, Cu-lumaa’udiin, Ganacsato, dhallin-yaro, haween iyo dhammaanba qaybaha ee Bulshada Jaaliyada gobolkan Ohio ayaa lagu qabtay magaalada Ohio, ee carriga Maraykanka.

Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoonya-hanno iyo Culimada Awdiin ku dheeraaday ahmiyadda ay waxbarashada iyo aqoontu u leeyihiin Aadanaha, ayagoo car-rabka ku adkeeyay taageeridda Jaamacada G/guduud.

Boqollaal jaaliyada reer Colum-bus ah oo soo buux dhaafiyay goobta dhaqaalo aruurinta ayaa u riyaaqay tallaabada lagu doonayo in lagu dhiso dhisme ay leedahay Jaamacadda Gal-gaduud oo dhismaheeda lagu sheegay in uu ku kacayo lacag dhan Hal Milyan ($ 1000,000) oo Hal malyan oo dollar, oo Howl wadeennada qorshaha dhismaha Jaamacadda ay xuseen in wajiga hore ama dhis-maha ugu horreeya uu ku kici doono dhaqaalo lacageed oo dhan, ($ 750,000) oo dollar.Ar-rintan markii ay soo bandhigeen waxay si weyn u taabatay jaaliy-ada Ohio, oo aad ugu istaagay isla markaana kuna taageeray jaamacadda dhaqaale, oo isla goobta ku ballan qaadeen bixinta lacag dhan Boqol iyo Konton Kun iyo Todobo boqol

($ 150,700), iyaga oo sheegay inay sii wadi doonaan bixinta dhaqaale kale marka looga bahdo. Xafladda oo ay ka had-leen Masuuliyiin ay ka midyihiin Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Cabdinur Sheekh Maxamad, Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka, Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Safiirkii hore ee soomaaliya ee dalka Maraykanka, Danjire Abdirkariim Comar, Abwaanka caankaa ee Kabiirka Kooxda Qaylodhaan Cbdi Shire Jaamac “Ciyaarjecel” oo xafladdan awgeed uga yimid magaal-ada Muqdisho iyo masuuliyiin kale oo hadallo dhiirrogalin iyo taageero isugu jira ka jee-diyay xafladda, iyaga oo uga mahadceliyay dadaalka isku dayeed ee jaamacad dhidibada loogu taagay. Kabiirka Kooxda Qaylodhaan Cabdi Shire ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyadda waxbarashada, aqoonta iyo ogaalka, isaga oo ka war bixiyey heerka waxbarasheed ee dalku marayo iyo baahida Gobollada Dhexe u qabaan jaamacado, macaahiddo iyo waxbarasho tayo leh.

Xafladan waxaa lagu soo band-higay Sheekooyin, Gabayo, Riwaayado, Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, halka dad dha-waan ka soo laabatay Soom-aaliya gaar ahaan Caabudwaaq ay ka sheekeeyeen nolosha iyo isbadalka adeegyada Bulshada ee deegaanka. Jamacadda Gal-gaduud oo hadda howlgasha waxa ay ardada oo dhan 208 ay ku dhigtaan Dhismayaal kiro ah, iyada oo dadka magaalada Caabudwaaq ay ballan qaad-een in kaalintoodana ay qaadan doonaan.

Kulan dib u heshiisiin ah oo ka dhacay degmada Caabudwaaq

Lacago loogu deeqay Jaamacadda Galguduud

MA TAHAY GABYAA? AMA QORAA JECEL INUU MAQAALLO KU QORO WARGEYS?

WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE WAXA UU FURSAD KUU SIINAYAA INAAN GABAYGAAGA, MAQAALKAAGA IWM. KUUGU DAABACNO WARGEYSKA. KU SOO DIR QORAALKAAGA AMA GABAYGAAGA CIWAANKA [email protected]

WARGELIN!

Page 4: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

4 Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad Isniin 01, disember 2014QORAALLADA WARGEYSKA

HORUMARKA GANACSI EE GOBOLLADA DHEXE

Sida la wada ogyahayba dha-waanahan waxaa laga daree-mayay dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u ballaaran guud ahaan Goballada Dhexe ee dalka, gaar ahaan gobalka Galgaduud, oo ah barta ama xudunta isku xirta goballada Waqooyi iyo kuwa Koofureed dalkeenna hooyo Soomaaliyaa. Taa waxaa barbar socdey olole nadaafadeed oo ay bulshada gobalku wadeen, iya-doo si habsami leh ay uga wada qeybqaadanayeen dhammaan bulshada gobalka, taasoo ififaalo wanaagsan mujineysa, hors-eedna u noqon karta in ay iyana ku daysadaan goballada kale ee asaaggooda ah isla markaana dariska la ah gobalka Galgaduud.

Nadaafaddu waxey kaalin mug-leh ka qaadataa guud ahaan adeegyada bulshada in si hab-san ay u socdaan, dadkuna uga faa’iideystaan si wadareed, iyaga oo aan dareemin shaxnad iyo wax ciriiri iyo hakad galiyo naf-tooda marka ay dhex marayaan

goobaha gancsiga si ay u du-kaamaystaan ama ay maareey-nayaan howlahooda ku aaddan dhanka ganacsiga.

Marka aad dhexmarto suuqyada gobalka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka: Ceel Buur, Dhuuso Mareeb (Dahar Dheer), Cadaado iyo Guri Ceel waxey indhahaagu qabanayaan muuqaallo aad u quruxbadan oo ganacsi, dham-maan degmooyinkana ay ka siman yihiin, taas oo ay bulshada deegaanku ku haystaan maher-ado ganacsi, oo kala duwan.

Dhanka kale, waxaa jira habsami u socod wanaagssan oo laga dareemayo guud ahaan gobalka, iyadoo la oran karo nadaafaddu waxey gacan ka geysatay horu-marka ganacsiga iyo kobaca ku aaddan dhaqdhqaqa dhaqaalaha bulshada deegaanka.Intii aan dhex maquuranayay suuqyada gobalka waxaa indha-heyga soo jiidanayay muuqaal-lada qurxan ee dhismooyinka

ganacsi iyo baaxadda horumarka ay ku tallaabsadeen bulshada gobalka. Waxyaabaha sida gaarka ah ii soo jiitana waxaa ka mid ah kaalinka shidaalka Cadaado, taaso markii ugu hor-reysay laga hirgaliyay gobalka Galgaduud. Dadka ka shaqeey-nayo kaalinka shidaal waxaad mooddaa qubaro in mudda ahba ku dhexjiray ganacsiga noocaan ah sida kartida iyo hufnaanta ah oo ay bulshada ugu adeegay-aan ugana haqabtirayaan hadba baahidooda, iyaga oo qanacsanna ku sii sagootinayo hadal macaan oo hindise ganacsi ku saleysan.

Tartanka ganacsi ee ka jira guud ahaan gayiga soomaaliyeed ayey qeyb ka qaadanayaan bulshada Goballada Dhexe, iyaga oo sameysatay bar ama degmo ay ugu magac dareen iney saldhig u tahay GANACSIGA GOBALADA DHEXE, ahna bar ay ku kulmaan ganacsatada Gobalada Dhexe oo idil, dagmadaas oo ah deg-

mada Guri Ceel ama degmada ganacsiga Gobalada Dhexe. Waa meesha ay ku kala qaatan wa-rarka iyo talooyinka gacansiga, kuna kala wareejistaan ganacsiga iyo agabka kale, iskuna wey-daarsadan afkaarta hadbo sida wax cusub ay ugu soo kordhin lahaayeen Gobalada Dhex iyo bulshada ku nool intaba.

Waxaa magaalada ka billawday tartan xagga ganacsiga ah oo u dhaxeeya maalqabeennada waxeyna magaaladu ay noqotay rug ganacsi oo ay ku xiran yihiin degmooyin iyo deegaanno kale, waxaana ganacsiga maaglada si toos ah looga keenaa wad-dammada Iskutagga Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha,. Cadee-cadaasi waxaa laga soo dajiyaa dekadaha Muqdisho iyo Boos-aaso iyo waliba garoonka diyaar-adaha ee magaalada Guri Ceel oo noqday mid maalin walba mashquul ah.

W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi | [email protected]

Sheeko ka hadleysa nolosha haasaawaha dhallinyarada.

Maalin ha ahaato ama habeen ha ahaatee waxaa Habboon u caada ah in aaney guri-gooda ka maqnaanin wax ka badan saacad ama laba saacadood. Meel aan ka aheyn Dugsiga haddeey u baxdo waxaad mooddaa inay tebeyso inay wax ka maqan yihiin. Ma jecla filimmada, haddey aaddana madaxaa ku soo xanuuna. Saaxiibkeed Bashiir wuxuu rabaa inay firaaqo isku helaan ulana sheekey-sto si xur ah, si uu u barto ayadana ay u barato. Wuxuu rabaa inuu ogaado farqiga u dhexeeya Khadiija iyo Haboon, oo quruxda ka siman walow ay Habboon ka yar tahay Khadiija. way u muuqataa inay joogitaanka guriga ka siman yihiin iyo dhegaysiga afkiisa hadallada ka soo baxaaya, balse, aanu ogeyn erayada kala ah “Haa” iyo “Waa yahay” ay wada siman yihiin inay dhab ka tahay iyo in kale. Waayoo, Khadiija weli hadal uu ku yiri kuma soo celin, Habboonna waxay ula muuqataa sideedi oo kale.Waxay Habboon u sheegtay inay xur u tahay gurigeeda inay kula sheekeysan karto qofkey doonto, sidaas ay tahayna waxaa Bashiir ka xirnaa inuu weydiiyo inuu Maxamuud ugu imaan jiray guriga ayna ku sheekeysan jireen. Sababtoo ah jiritaanka xiriir inuu ka dhexeeyay ayuuba weydiin wali, markaana uma furna su’aalaha noocaas ah. Waxay noqotay inuu habeen walba aado guriga Habboon intuu xal kale ka imaanaayo, sidaa daraadeed, ayuu u soo aaday gurigi oo uu markan yimid albaabkii

oo furan. Markuu gudaha soo galayna waxaa soo dhaweeysay Habboon. Hooyo Faaduma waxay ku maqneyd islaamo madax shub qabay oo xaafadda degan. Habeenkaas ayuu Bashiir weydiiyay inay suuragal tahay ban-naanka inay ku kulmaan markey ballan leey-ihiin. Waxay Habboon ku tiri; “Mar mar haa, haddii aan ku soo daaheyn” Bashiir oo ku farxay jawaabtaas ayaa u sheegay inay qaa-daneyn wax ka badan intii filin laga daawado. Wuxuu habeenkaas ka soo tegay ayagoo ku ballamay inay habeen dambe Shaneemo isu raacaan, ayna ugu timaaddo buundada Ugaandha dusheeda.

Bashiir markuu ka soo baxay guriga ayay Hooyo Faaduma uga hor timid meel al-baabka guriga aan ka fogeyn, markey isi salaameen ayay ku tiri “Bashiir ileyn habeen walba xaafadda waa timaaddaa?” Wuxuu yiri “Xaafadda cusub ee aan degnay weli si fiican dad ugama baran, sidaa darted, ay-aan u soo aadaa xaafaddaydi hore” markay xoogaa reerka ka wareysatay kadib ayay kala tageen. Bashiir markuu cabbaar socday wuxuu dib ugu soo ceshaday hadalkii Hooyo Faaduma ay ku tiri oo ahaa “Illeyn xaafadda habeen walba waa timaaddaa!” Wuxuu is weydiiyay; “Ma xaafadda ayay ula jeedday? Mise gurigooda ayay ula jeedday?” Waxaa uga soo baxday inay Habboon hooyadeed wax dareensan tahay, xataa haddii aan loo sheegin xiriirka curdunka ah ee ka dhexeeya asaga iyo gabadheeda, kaasoo markhaati u ah soo noqnoqashadiisa, Hooyo Faadumana ay is leedahay (Bashiir soo noqnoqoye ma gabadhiinna ayuu arkooday!).

La soco Q.8aad

RUN MISE BEEN?! | Q7AADW/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

HALKAAN KU XAYAY-SIISO GANACSIGAAGA,

OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD

JECLAAN LAHEYD. NA-GALA SOO XARIIR:

[email protected]

Page 5: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

Cadadka 021-aad, Sanadka 2-aad 5QORAALLADA WARGEYSKAIsniin 01, disember 2014

QADAWGU GEEDKA WAA DILAA!Bal malee laba suuradood oo kala cayn ah: midi waa geed harac leh oo inta barrin barwaaqa ah ka baxay, oo abaar iyo omos Ilaahay ka dhawray, godin garaacda iyo bahal qodana aan arag, oo haraca uu bixiyey marka aad hoos fariisato aad hurdo la lulmoonayso, oo garcaddaaga iyo guurtidu talo ku hoos gooyso, oo aan waligii gar-eexeed iyo dulmi guntiisa la goyn, oo gartii lagu galaana aysan abid dhalin guluf colaad iyo dagaal lagu hoobto.Midka kalena malee, inta dabayl xa-gaa ku dhacday geedkaas qurxda badan, oo qolofkiisii gariiray, oo xabagi ka soo badxday, markii naqi dambe yimid roobkiisii xabagtii mayray, oo qadaw ka soo dhashay geedkii, oo markii muddo yar uu joogay uu billaabay in uu qalallo.

Muddo gaaban ka dib geedkii wuu isbada-lay wuuna gamaaray, dabadeedna waxaa ka daatay caleenti, wax uuna noqday meel ay quraanjadu gasho oo ay ku ilma dhasho. Qadawgii geedka ka dulbaxay waxa uu saba-bay in geedku dhinto taasina waa macnaha “QADAW”.

Waxaan oga gol leeyahay oo aan labadaas suuradood u soo qaatay waa in dadka u tusaaleeyo farqiga weyn ee u dhaxeeya dadka wax tarka leh iyo kuwa gocorrada ah (wax ma tare yaasha) ee aan qiimaha iyo anfaca midna aan u lahayn, oo u jeedkoodu noqday in ay dadka ku dul noolaadaan, oo ay dhiigga ka nuugaan sidii Gafanihii. Waxaa la yiraahdaa: “Awr xamuulkiisa ayuu qaadaa, ee xarig qalloocan ma qaado!”. Nidaamka maamul waxa uu la jaad yahay Awrka gurgurshaaga ah, haddii si qaab darran loo raro, waxba kuu qaadi mayo, oo reeriga oo dhan waa ridayaa, maamulkana haddii dad aan aqoon iyo cilmi midna u la-hayn ay garka qabtaan waxay ku hoggaamiy-

aan oo geeddigaas ku furan sabo carro xun, dadkaasna way ka haraan dadka qayrkood ah, haddii aysan colaad, dagaallo iyo dirir ugu darin.

Adduunyada maanta waxaa la ogaaday qiimaha uu nidaamku u leeyahay bulshooy-inka calaamka ku nool, maxaa yeelay, waxaa gunteeda la soo taabtay fadqalallaha iyo faw-dada. Waxaa la garwsaday in kooxo yar yar oo dhul fog ka jira ay xididada u rujin karaan dawlado waa weyn oo awood milatari iyo mid dhaqaalaba leh, isla markaan dhabbada u xaari kara in ay bulsooyinka isbedal baxaad weyn leh ku dhaco.

Anaga haddaan Soomaali nahay waxaan filayaa waan soo dhadhaminnay qaraarka iyo xumaanta ay leeyihiin kooxahaas yar yar, waana dareennay isbedalka dhaqsiyaha badan ay mujtamacanaga ku sameeyeen iyo dhalan-guurkii ku habsaday dhallinyaradii waddanka mustaqbalkiisa u soo kacaysay.taasi waxay keentay in halgan xoog badan lala galay dhul (muslim iyo gaalba) sidii la isaga moosi lahaa daadkaas xaaqaya wax walbo oo dadku haystaan (jiritaanka dad, dhaqankooda, fikir diimeedka ay ab ka ab haystaan iyo dhaqan-siyaasadeedka ku aad-dan maaraynta noloshooda).

Gobalada Dhexe waa meelihii ugu horreeyey ee halgankaas dhimbilhiisu ka bagageceen, oo loollan kii xaq u dirirku difaaca ka galeen siday u dhawran lahaayeen dhaxalladii awoo-wayaashood, wax aynna ku guuleysteen in ay dhulkooda ka xureeyaan cadowgii ku soo duulay ka dib markii loo huray dhiggii dhallin-yarada qiimaha badnaa ee u dhalatay dhul-kaas, oo ay hoggaan u noqdeen waxgarad qiimo iyo leh qaayo bulsheed, ee gartay inaan la sugin intan ka badan am aka dibba.

Haddaba, wax aan la qaadan karin in hal-gankii dadkaas ay galeen ee ay naftooda u hureen in aysan ilmahoodii ku naaloon, maxaa yeelay, waxa gayllan loo gala waa in aad dadkaada ka saarto xaalad saxariireed, oo markaa taagan, si aad u gaarto xaalad sareedeed oo aad hiigsanaysid. Sideedana, marka isbadel yimaado dadku labo qeybood ayey u kala baxaan:

1. Dad way ka hor yimaadaan isbedalka loo hanqal taagayo, maxaa yeelay, dadkaas wax-bay khasaarayaan; ama ayagu waa kuwa ay talada markaas gacanta ugu jirto, oo wax ay doonayaan in wadciga markaa taagan (status quo) sii socdo; ama waa dad ku hoos nool dadka markaa talada haya, oo way ka hoos qaraabtaan, oo luflufka ka soo hara ayey cunaan;

2.Waa dad doonaya in uu is badal yimaado, maxaa yeelay, dadkaas ma haystaan wax ay lumiyaan, oo wax ayna u arkaan isbadalku inuu yahay mustaqbal, waxa ayna ku raja weyn yihiin in xaalkoodu wax iska badalayo.

Dadka aqoonta iyo caqliga wax ku maamula waxay la mid yihiin geedka qurac ah ee harka qaboob, qof kastana waa uu ku soo hiranayaa, himilada dadkoo idilna waa ay hanaqaadaysaa, danahooduna way hirgalay-ayaan.

Kuwa aan maamul waxba ka ogeeyn waxa ay la mid yihiin Qadawga geedaha ka dulbaxa ka dibna kallifa in geedkii uu ka dulbaxay qal-lalo oo dhinto, kuwa noocaas oo kale waxa ay ku dul-noolaadaan nidaamyada markaa meel ka jira ugu dambayna wax ay sababaan in nidaamkaasi baaba’o.

W/D: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi (Cawaale) | [email protected]

Waa maxay cudurka EBOLA? Ebola waa, cudur keena qandho dhiig. Cudurkaan asal ahaantiisa waxaa laga helay Afrika, haddana, waxaa uu ka dillaacay waddam-mada dhaca galbeedlka afrika. Cudurkan ma lahan daawo iyo ka hortag ba ama tallaal, balse, wuxuu leeyahay la tacaalid hadba qofka uu ku dhaco xaalkiisa lala falgalo.

Sideebaa lagu kala qaadaa cudurkaan?Marka hore cudurkan waxaa laga helay daanyerka shinbiraha, had-daba, waxaa lagu kala qaadi karaa qaar kamid ah hilibka xoolaha duur joogta ah, sidoo kale, waxaa lagu kala qaadi karaa taabashada sida (dhiigga qofka qabo iyo dheecaan kasta oo qofka jirkiisa ka soo baxa iyo cirbadaha la isticmaalay ama sakiinta qofka qabo istic-maalay.

Calamadaha cudurkan lagu karto:● Qandho badan ● Madax xanuun

● Murqa xanuun ● Kala baxyo xanuun● Tabardarri ● Matag iyo shuban ● Nabro jirka ka soo yaaco ● Dhiig ka yimaada afka, sanka, indhaha IMK.

Sidee looga hortagaa cudurkan?● Waad inaad ka fogaataa waddammada iyo meelaha uu ka dillaacay

cudurka● Waad inaad ka fogaataa dhiigga iyo qofka qaba ● Waad inaad ka fogaataa hilibka duurjoogta iyo xoolaha duurjoogta● Waad inaad gacmahaaga mar waliba mayrtaa/dhaqdaa● Waa inaad ka fogaataa dadka dhintay oo qaba cudurkan.

FG: Cudurkaan daawo iyo talaal ma lahan, ee had walba si fiican uga taxaddar. Haddii aad isku aragtid calamadahaas fadlan xarunta caafimaad ee kuugu dhaw aad sida isbitaalka IWM.

Ka digtoonaaw cudurka EbolaW/Q: Maxamed C/casiis Ciyow | [email protected]

FARRIIN CAAFIMAAD

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha.

Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: [email protected]

Page 6: Wargeyska Gobollada Dhexe - Disember 2014

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!