wargeyska fsanfsan.nl/docs/20180724110618_fsan_nieuwsbrief_juli_2018.pdfda xubnaha ka ah fsan ay...

8
Wargeyska FSAN WAR-SIDE 3 BILE AH OO KA FAALLOODA ARRIMAHA JAALIYADDA SOMALIDA NEDERLAND 15 LUULYO 2018 | CADDADKII 13AAD | DAABACADII 13AAD 15 LUULYO 2018 #13AAD AMSTERDAM NEDERLAND TABABARKA URURADA FSAN Waxaa loo tababar fulinta mashruuc wacyi-gelin bulsho Tababar sare loogu qaadayey aqoon- ta ururada Soomaalida ee ka dhisan dalka Netherlands, ayaa 8-dii bishan July ku soo dhamaaday Hotel ku yaalla magaalada Doorn ee gobolka Utrecht. Tababarkan oo ay ka faa’iideysteen 20 tababarayaal oo ka socday 10 urur oo ka tirsan dallada FSAN, taasoo urur kasta ay soo wakiisheen 2 qof, ayaa waxa uu soconayey 2 cisho (7-8 July 2018. Tababarkan waxa uu ku saabsanaa mowduucyo la xiriira arrimaha fa- hamka guud ee kala duwanaanshaha jinsiga, sharciyada ka yaalla faquuqa iyo kalsoonida qof ahaaneed iyo fahamka laga haysto dhaqan celinta Soomaalida dhexdeeda iyo dhibaa- tooyinka ka dhalan kara. Aqoon isweydaarsigan waxaa casha- ro ka bixinayey Zahra Naleie, Drs Suad Abdulrehman, Avv. Muse Hersi, M. Gure, Mohamed Said iyo Ali Ware. Tababarayaasha ayaa loo diyaarinay- ey sida ay u fulin lahaayeen mashruuc socon doona ilaa 3 sanno uu jaali- yadda Soomaalida logu fahmsiinayo arrimo laga gaabsado marka loo eego dhaqanka Soomaalida laakiin ah wax ka jira dalkan Netherlands, sida kala duwanaanshaha dhinaca jinsiga. Zahra Naleie, madaxa mashaariicda horumarinta FSAN ayaa ugu horeyn ka qeyb galayaasha u sharaxday barnaamijkan lagu qaadan doono seminaarkan, iyadoo si gaar ah u taabatay in ay ku jiraanmowduucyo xasaasi ah oo loo baahan yahay in wax badan laga fahmo arrimaha kala duwanaashaha jinsiga iyo waxyaa- baha ay Soomaalida ka xishooto dhaqan ahaan (Taboe). Arrintaasi ayaa waxaa si cilmiyeysan u sharaxday Drs. Suaad Abdulreh- man oo ah dhaqtarad ku taqasustay cilmiga (Sexology), waxayna si qoto dheer u faahfaasiyey jiritaanka iyo nolosha labeebka iyo noocyo kale oo baxaali ah oo baniáadamka qaar ay ku dhashaan abuuristooda hore. Mohamed Said, xoghayaha maam- ulka FSAN, oo isna tababarkan qeyb ku lahaa ayaa tababarayaasha siiyey casahar ku saabsan farsoomiyinka iyo Tabaha ay adeegsan karaan marka ay qabayaan aqoon-isweydaarsiyada wacy-gelineed. Muse Hersi, tababare madaxbanaan, ahna khabiir xaga sharciyada, isna casharada wax ka bixinayey ayaa ka qeyb galayaasha tababarkan u sharaxay mowduuc ahaa, sharciyada, faquuqa iyo kalsoonidaiyo goáan gaarista qof ahaaneed, isagoo si cilmiyeysan u faahfaahiyey noocyada sharuucda ka jirta dalkan Nether- lands, gaar ahaan kuwa loo sameey- ey in looga hortago faquuqa. Waxa uu is gaar ah u soo qaatay Art. 12 oo ah qodob sharciyeed siinaya xaquuq qoa ay booliska faquuqaan oo ay dacwadiisa ka hoos qaadi waayaan. Sidoo kale, Mohamed Osman Gure, ayaa isna bixiyey cashar ku saabsanaa sharciyada ka degsan in waaladiinta ay ubadkooda uga soo tagaan dalkii ay ka soo jeedeen, taasoo uu shee- gay in ay xadgudub lagu sameeyey xaquuqda caruurta. Waxa uu sharaxay sharci dhowaan soo baxay oo sheegaya in ay dembi tahay in caruurta la qasbo, looga- na soo tago dalka ay waaladiinta ka soo jeedaan, isagoo soo qaatay kiisas badan oo horey u dhacay oo ay ku dayacmeen caruur badan oo Soomaaliyeed oo laga kaxeeyey Netherlands. Intii uu tababarkaasi socday waxay ka qeyb galayaasha is weydaarsadeen fikrado kala duwan oo ku saabsan sida loo waji karo arrimaha u baahan in laga hadlo. Ugu dambeyntii, Ali Ware, guddoom- iyaha dallada FSAN ayaa u mahad- celiyey ka qeyb galayaasha oo ku amaanay sida ay isu soo xilqaameen iyo dadaalka u muujinayaan in jaali- yaddahii ay ka yimaadeen ay gaarsii- yaan waxyaabahii ay ka korarsadeen mudadii uu socday tababarkan Soo-saare: Mohamed Abdi U adeegaha jaaliyadda Soomaalida Nederland xogta howlaha ururada xubnaha ka ah FSAN Ku hel si bilaash ah ! Tifaftiraha: Zahra Naleie Sawir: Ka qeybgalayaasha tababarkii labada cisho ee Doorn 7-8 July 2018

Upload: others

Post on 25-Mar-2020

5 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

Wargeyska FSANWAR-SIDE 3 B ILE AH OO KA FAALLOODA ARRIMAHA JAALIYADDA SOMALIDA NEDERLAND15 LUULYO 2018 | CADDADKII 13AAD | DAABACADII 13AAD

15 LUULYO 2018#13AAD AMSTERDAM NEDERLAND

TABABARKA URURADA FSANWaxaa loo tababar fulinta mashruuc wacyi-gelin bulsho

Tababar sare loogu qaadayey aqoon-ta ururada Soomaalida ee ka dhisan dalka Netherlands, ayaa 8-dii bishan July ku soo dhamaaday Hotel ku yaalla magaalada Doorn ee gobolka Utrecht.

Tababarkan oo ay ka faa’iideysteen 20 tababarayaal oo ka socday 10 urur oo ka tirsan dallada FSAN, taasoo urur kasta ay soo wakiisheen 2 qof, ayaa waxa uu soconayey 2 cisho (7-8 July 2018.

Tababarkan waxa uu ku saabsanaa mowduucyo la xiriira arrimaha fa-hamka guud ee kala duwanaanshaha jinsiga, sharciyada ka yaalla faquuqa iyo kalsoonida qof ahaaneed iyo fahamka laga haysto dhaqan celinta Soomaalida dhexdeeda iyo dhibaa-tooyinka ka dhalan kara.

Aqoon isweydaarsigan waxaa casha-ro ka bixinayey Zahra Naleie, Drs Suad Abdulrehman, Avv. Muse Hersi, M. Gure, Mohamed Said iyo Ali Ware.

Tababarayaasha ayaa loo diyaarinay-ey sida ay u fulin lahaayeen mashruuc socon doona ilaa 3 sanno uu jaali-yadda Soomaalida logu fahmsiinayo arrimo laga gaabsado marka loo eego dhaqanka Soomaalida laakiin ah wax ka jira dalkan Netherlands, sida kala duwanaanshaha dhinaca jinsiga.

Zahra Naleie, madaxa mashaariicda horumarinta FSAN ayaa ugu horeyn ka qeyb galayaasha u sharaxday barnaamijkan lagu qaadan doono seminaarkan, iyadoo si gaar ah u taabatay in ay ku jiraanmowduucyo xasaasi ah oo loo baahan yahay in wax badan laga fahmo arrimaha kala duwanaashaha jinsiga iyo waxyaa-baha ay Soomaalida ka xishooto dhaqan ahaan (Taboe).

Arrintaasi ayaa waxaa si cilmiyeysan u sharaxday Drs. Suaad Abdulreh-man oo ah dhaqtarad ku taqasustay

cilmiga (Sexology), waxayna si qoto dheer u faahfaasiyey jiritaanka iyo nolosha labeebka iyo noocyo kale oo baxaali ah oo baniáadamka qaar ay ku dhashaan abuuristooda hore.

Mohamed Said, xoghayaha maam-ulka FSAN, oo isna tababarkan qeyb ku lahaa ayaa tababarayaasha siiyey casahar ku saabsan farsoomiyinka iyo Tabaha ay adeegsan karaan marka ay qabayaan aqoon-isweydaarsiyada wacy-gelineed.

Muse Hersi, tababare madaxbanaan, ahna khabiir xaga sharciyada, isna casharada wax ka bixinayey ayaa ka qeyb galayaasha tababarkan u sharaxay mowduuc ahaa, sharciyada, faquuqa iyo kalsoonidaiyo goáan gaarista qof ahaaneed, isagoo si cilmiyeysan u faahfaahiyey noocyada sharuucda ka jirta dalkan Nether-lands, gaar ahaan kuwa loo sameey-ey in looga hortago faquuqa. Waxa uu is gaar ah u soo qaatay Art. 12 oo ah qodob sharciyeed siinaya xaquuq qofk a ay booliska faquuqaan oo ay dacwadiisa ka hoos qaadi waayaan.

Sidoo kale, Mohamed Osman Gure, ayaa isna bixiyey cashar ku saabsanaa

sharciyada ka degsan in waaladiinta ay ubadkooda uga soo tagaan dalkii ay ka soo jeedeen, taasoo uu shee-gay in ay xadgudub lagu sameeyey xaquuqda caruurta.

Waxa uu sharaxay sharci dhowaan soo baxay oo sheegaya in ay dembi tahay in caruurta la qasbo, looga-na soo tago dalka ay waaladiinta ka soo jeedaan, isagoo soo qaatay kiisas badan oo horey u dhacay oo ay ku dayacmeen caruur badan oo Soomaaliyeed oo laga kaxeeyey Netherlands.

Intii uu tababarkaasi socday waxay ka qeyb galayaasha is weydaarsadeen fi krado kala duwan oo ku saabsan sida loo waji karo arrimaha u baahan in laga hadlo.

Ugu dambeyntii, Ali Ware, guddoom-iyaha dallada FSAN ayaa u mahad-celiyey ka qeyb galayaasha oo ku amaanay sida ay isu soo xilqaameen iyo dadaalka u muujinayaan in jaali-yaddahii ay ka yimaadeen ay gaarsii-yaan waxyaabahii ay ka korarsadeen mudadii uu socday tababarkan

Soo-saare: Mohamed Abdi

U adeegaha jaaliyaddaSoomaalida Nederlandxogta howlaha ururadaxubnaha ka ah FSAN

Ku hel si bilaash ah !

Tifaftiraha: Zahra Naleie

Sawir: Ka qeybgalayaasha tababark i i labada c isho ee Doorn 7-8 Ju ly 2018

Page 2: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

02 DOORASHO

Ururada Soomaalida ee ku mideysan dalladda guud ee FSAN ee dalka Nether-lands ayaa 7-kii bishii June 2018 magaa-

lada Amsterdam ku yeeshay kulankii doora-shada guddiga dallada oo afartii sanno mar la qabto.

Guddiga maamulka FSAN ayaa codeynta ka hor waxay ka warbixiyeen waxqabadkoodii muddadii afarta sanno aheyd ee ay xilka soo hayeen, sida mashruucyadii FSAN ayaa fulisay iyo sida ay u maamushay dhaqaalahii mashruu-cyadaasi loogu talagalay.

Guddiga waxa uu si qoto-dheer uga warbixiyey wada-shaqeynta ka dhaxeysa dallada iyo urura-da ay xubnaha ka ah.

Ali Ware, guddoomiyaha FSAN ayaa ku wargeli-yey xubnaha in 3 ka mida guddigooda ay soo gudbiyeen cudurdaar ah inaysan sii hayn karin masuuliyada oo ay codsadeen in xilalkooda dad kale loo doorto.

Intaasi ka dib waxaa madaxda matalyey urura-

da xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar ka mida guddiga oo goob joog ahaa; Ali Ware, Mahad Ahmed, Mohamed Osman Guure iyo Mohamed Said.

Jagooyinka bananaan ee guddiga maamulka waxaa buuxiyey oo loo doortay saddex dhalin-yaro oo cusub, oo aan ka magacaabi karno Ahmed Barise iyo Amal Omar.

Xubnaha cusub ayaa balan qaaday inay ka soo dhalaalayaan masuuliyada ay qaadeen.

DOORASHADA FSANAfar ka mida guddiga maamulka oo mar kale la doortay

FSAN | LUULYO 15, 2018

Page 3: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

03 WARBIXIN

Waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium ku soo dhama-aday aqoon-isweydaarsi laba cisho socday oo ku saabsanaa tayeynta hanaanka isgaarsiinta si loogu guuleysto mashruuca lagu joojinayo gudniinka gab-

dhaha.Tababarkan oo ay soo qaban qaabi-say hay'ada END FGM ayaa ka qeyb qaadanaya xubno ka socda ururada bulshada rayidka ee dhisan wad-amada Belguim, France, Nether-lands, UK, Italy, Spain iyo Finland.

Waxaa casharo ka jeediyey Chris Burnstorm oo ah khabiir saxaafadeed oo fadhiisu yahay dalka Belguim.

Intii uu aqoon-isweydaarsigan

XIRFADA ISGAARSIINTAIsgaarsiinta & doorkeeda ka hortaga gudniinka gabdhaha

socday ayaa ka qeybgalayaa-sha waxay ka doodeen arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii loo sii xoojin lahaa mashruuca la dagaalanka gudniinka gabad-haha.

Waxaa sidoo kale si qoto dheer loo wada gorfeeyey kaalinta baraha bulshada ay ku leeyihiin hanaanka warbaahinta iyo sida ugu fudud bulshada loo gaarsiin karo fariimaha la xiriira arrima-ha xaquuqda dumarka, gaar ahaan gudniinka gabadhaha oo weli wadamo badan oo ku yaala Africa iyo Asia laga istic-maalo.

Aqoon-siweydaarsigan waxaa wax ka maalgeliyey barbaamij-ka muwaadanimada, xaquuqda iyo sinaanta ee Midowga Yurub.

GURMADKA FATAHAADA WEBIGA BELEDWEYNE20-ka May 2018, waxaa magaalada Amsterdam kulan isugu yimid guddiga samafal-ka Soomaalida Netherlands, kaasoo looga tashanayey sidii gacan looga geysan lahaa gurmadka loo fi dinayo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay fatahaadaha ku dhuftay gobol-ka Hiiraan, gaar ahaan magaa-lada Beledweyn.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay howl lacag aruurin ah oo guddiga beryahan ay ka wadeen qaar ka mida magaalooyinka dalka Nether-lands.

Guddiga ayaa kulankaasi isugu keenay lacago hordhac ah oo laga soo aruurshay qaar ka mida jaaliyadda Soomaali-da, taasoo cadadkeeda dhan yahay € 4970.Qaar ka mida xubnaha gud-

diga ayaa soo bandhigay in marka dhibaato dhacdo keliya aan la isku imaado, laakiin ay haboon tahay in guddiga ay yeeshaan kulamo joogto ah oo looga tashanayo sidii jaa-liyadda Soomaalida Holland la la isugu xiri lahaa, magaalo kastana Soomaalida ku dh-

aqan ay isaga war qabi lahaay-een.

Waxaa lagu balama kulan kale oo la isugu yimaado Rama-danka ka dib si loo sii vado gurmadka loo fi dnayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaada webiga magaalada Beledweyne.

Guddiga oo ka arr insanaya s id i i loogu wax looga qaban lahaa dhibaatada

FSAN | LUULYO 15, 2018

Page 4: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

04 TABABARO

Bisha luulyo 6 & 14 FSAN waxay ku qabatay tababaro magaallooyin-ka Utrecht, Den Bosch & Denhaag. Ujeedada tababarada waxay ahayd dib u eegista Hawlihii la soo qabtay guulihii laga gaaray, caqabadihii jiray iyo ka gudubkooda mus-taqbalka.

Ka qaygalayaasha guulaha ay tilmaamayn waxaa ka mid ahaa in wacyigelinta arrimaha ka hortagga gudniinka uu aad u baahay sidaadarteedna ay inta badan dadka ogyihiin tusaale in dalka Nederland nooc kasta oo gudniinka ka mid ah oo mamn-uuc ka yahay sharci ahaan.

Waxaa kaloo la sheegay in bar-naamijka daryeelka caafi maad-ka haweenka gudan ee haween badan ka faaiidaystayn.

Caqabadaha la sheegay waxaa ka mid ahaa: In mashruuca ka hortagga gudniinka uu waqti ku salaysanyahay.,In dadka ku hawlahan dhibaatooyin la kulmaan gaar ahaan raga oo ah war lagu bahdilayo qofka

hawshiisa.

In weli dad badan aaminsany-ihiin gudniinka nooca ka mid ah Sunna kuna xiraan dhinaca diinta.In barnaamijka daryeelka caafi maadka kharash wato(ei-genbijdrage) gaar ahaan markii laguu gudbiyo dhakhtar takha-sus ah.

Waxaa Lagu yarayn karaa caqabadaha jira in arrintaani si dhab ah loo joogteeyo laguna daro barnaamijyadda socda ee ka hortagga ah sida kuwa carruurta iyo barnaamijyadda loogu tala galay horumarinta xuquuada haweenka.

In la taageero lana dhiiri geliyo waxqabadka wacyigeliyaasha iyo Ururadda arrintaan wado, In bilaash laga dhigo barnaami-jka daryeelka caafi maadka haweenka gudan(zorg).

Ka dib munaaqashada waxay ka qaybgalayaasha qaatayn casharadii loogu talagaly oo lagu dhisayey aqoontooda sida xirfadaha cashar bixinta iyo qaababka kala duwan oo loo hadlo.

Tababar wacyigeliyaasha arrimaha ka hortagga gudniinka gabdhaha

Dallada FSAN ayaa 1-kii bishii April ee sanadkan waxay ay tababar u soo xirtay ilaa 12 qof oo dumar ah oo loo diyaariyey inay noqdaan wacyi-geliyayaal dadkooda uga diga halista gudniinka gabdhaha.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Amsterdam maalmahii 24-kii bishii Maarso iyo 21-ka bishan April, ayaa waxaa ka faa'iideystay dad ka kala soo jeeda jaaliyadaha wadamada Somalia, Guinee, Eritrea, Egypt iyo Sudan.

Ujeedada tababarkan ayaa ah sidii wacyi-geliyayaalshan cusub ay u dhexfeli lahaay-een jaaliyadahooda degan dalkan Netherlands, ayna kala hadlaan sidii loo badeli la-haa dhaqanka gudniinka, isla markaana ay u bixin lahaayeen macluumaad la xiriira qaabka gabdhaha gudan u heli lahaay-een daryeel caafi maad.

Dalkan Netherlands waa ka mamnuuc nooc kasta oo gud-niinka gabdhaha ah, iyadoo qofkii lagu helo dembi ah in gabadhiisa/gabadheeda ay/uu guday uu muteysanayo 12 sanno oo xabsi ah.

Wacyi-geliyayaal cusubWaxaa loo diyaariyey inay bulshada ka wacyi-geliyaan halista gudniinka

FSAN | LUULYO 15, 2018

Page 5: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

05 HORUMAR

HORUMARINTA MASHAARIICDATababar loo qabtay urrurada

X u b n a h a u r u r a d a o o k a q e y b q a a d a n a y a t a b a b a r k a F S A N 2 3 J u n i 2 0 1 8

Sabtidii, 23-kii bishii June 2018, FSAN ayaa qabatay tababar ku saabsan horu-marinta mashruuca iyo agaa-simida dhinaca maaliyadda.

Waxaa ka faaíideysteen 16 qof oo ka kala socday 8 ururada oo FSAN kala shaqeeya ar-rimaha ka hortaga gudniinka gabdhaha

Barnaamijka tababarkan ayaa qeybtiisa hore waxaa casharo ka bixiyey Wouter Veenhoven oo ka tirtsan xafi iska Inzicht Bureau, isagoo halkaasi ku sharaxay xeeladaha iyo wa-dooyinka loo maro marka mashruuc laga dalbanayo hayádaha dowladeed ee dh-aqaalaha ku bixiya barnaami-jyada horumarinta, iyadoo ururka looga baahan yahay masuuliyad dheeraad ah iyo inuu si muuqata wax u qabto.

Masuul kasta oo mataleyey urrurada tababarka ka qeyb galay waxaa loo qeybiyey warqado ay ku qeexan yihiin tusaalooyin ku saabsan sida mashruuc loo dalbado.

Qeybtii dambe ayaa wax-aa isna halkaasi casharo ka bixiyey Philip Kok oo ka tirsan xafi iska Toekomst Perspec-tief. Waxa uusi faahfaahsan uga hadlay dhinaca diyaarinta qoraalka xaga maaliyadda ee ururka looga baahan yahay.

Philip waxa uu ka qeyb ga-layaasha tusay noocyada kala duwan ee miisaaniyadaha jira iyo kuwa loogu talagalay in lagu bixiyo mashruucyada horumarinta bulshada.

Waxa uu si cad u sharax-ay qaabka loo sameyn karo

xisaab-celinta iyadoo la ca-deenayo sida wax loo qarash gareeyey.

Ka qeyb galayaasha ayaa ig-una dhinacooda suaalo badan ka keenay mowduucan, iyagoo aad ugu qancay sharaxaada.Tababarka ayaa soo dhamaa-day 17:00 galabnimo, iyadoo FSAN ay u rajeeysay ururada ka qeyb galay inay si ma-suuliyad ku dhisan tahay ay u gutaan howlahooda dhi-naca maamulka, gaar ahaan xisaab celinta oo muhiim u ah mashruuc kasta la fulinayo.

FSAN | LUULYO 15, 2018

Page 6: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

Jaaliyadda Soomaalida Ned-erland ayaa dii bishan Luulyo dabaal degay 58 guuradii ka soo

wareegatay maalinta madaxbanaani-da Soomaaliya oo aheyd 1960-kii.

Munaasibadan oo lagu qabtay magaalada Den Haag, ayaa waxaa soo wada qaban qaabiyey dallada FSAN, ururka Dalmar, Sayid Cali Caseyr iyo qaar ka mida dhalinyara-da magaalada Den Haag, waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dad ah oo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkan, waxaana halkaasi heeso wadani ah ka qaaday kooxda Qaran-Kaab oo ay horkacayaan fanaaniinta Bashir Ali Hussein oo ka yimid dalka Norway, Abdi Baadil oo ka yimid Germany iyo Fowsiyo oo ka timid Sweden.

Waxaa sidoo kale munaasibadan ka qeyb galay Bert van Alphan oo ah masuul ka tirsan maamulka dowlada hoose ee Den Haag, kaasoo shee-gay inuu ku faraxsan yahay inuu Soomaalida kala qeyb galo maalinta xoriyadooda.

Waxa uu amaanay kaalinta dumar Soomaalida ay ku leeyihiin nolosha

qoysaskooda, isagoo Soomaalida Den Haag ku booriyey inay horumar ka sameeyaan noloshooda, iyadoo dowlada hoosena ay diyaar ula tahay inay gacan qabato.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay buuggaag uu qoray qoraaga Hussein Wadaad, kuwaas-oo ka hadlayey daruufaha uu dalka Soomaaliya soo maray iyo sheekoo-yin kale oo quseeya nolosha dadka Soomaaliyeed.

Ali Ware, gudoomiyaha dallada ururada Soomaalida Nederland ee FSAN, ayaa isna halkaasi la hadlay dadweynahii ka soo qeyb galay, isa-goo sharaxay qiimaha maalinta xori-yada iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Dr. Ali Said Faqi, danjiraha safaarada Soomaaliya ee wadamada Benelux iyo wakiilka Soomaaliya ee Midowga Yurub, ayaa isna munaasibadaasi ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, qiimaha maalinta xoriyada, dhibka ay leedahay qabylaada iyo siyaasada dowlada Soomaaliya ee ku qaadan

maamul wanaaga.

Waxa uu sidoo kale si fi ican uga hadlay tuhunka ku saabsan heshi-iska is fahamka ah ee dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia. “ Waxaan idiin cadeenayaa in heshiiskaasi uu faa’ido badan ugu jiro Soomaaliya, Ethiopia waxay u baahan dekado ay wax kala soo dagto, anaga waxaan ka helaynaa faa’iido dhaqaale oo badan. Ethiopia waa suuq aan u baa-hanahay,” ayuu yiri safi irka.

Waxaa sidoo kale goobta ka had-lay Eng. Xandule oo ka mid ahaa wasiiradii soo maray dowlahii hore ee Soomaaliya, waxana ka sheekeeyey muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay maalinta madaxbanaan-ida iyo sida loogu baahan yahay in jiilka cusub ee qurbaha ku dhashay la baro.

Ugu dambeyn FSAN ayaa halkaasi sharaahdo sharaf ku gudoonsiiyey 3 qof oo kala ah; safi irka Somalia ee Brussels Dr. Ali Said Faqi, madax-asha mashaaciida FSAN Zahra Naleie iyo Sayid Ali Caseyr, weriye u shaqeeya TV-ga Horn Cable.

XUSKA 1DA LUULYO 2018 & NEDERLANDSoomaalida Nederland oo aan u kala harin dabaaldega maalinta xoriyadda dalkooda

06 DABAALDEG FSAN | LUULYO 15, 2018DABAALDEG

Page 7: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

07 AQOON KORORSI FSAN | LUULYO 15, 2018

Kororso aqoontaadaTimaha dadka Waa xaqiiq in timaha bani adamku ku jiraan Furunka (rootida) oo shirakado ka faaíidaysta-an,waxana dhoofi ya 15 dal kuwa ugu badan dhoofi ya waxa ka mid ah India, Bra-zil ,Peru waxaa soo raaca Maraykanka iyo Vietnam.

Inta ugu badana waxaa loo dhoofi yaa wadanka China. Timaha waa la gubaa dam-baska ka soo baxa ayaa laga sameeya maado dareere iyo adke ah, waxaa lagu daraa maado kale ka dibna waxa ka soo baxa maxsuulka maado la dheho L-Cysteine maadadan.Xitaa mararka qaar waxaa laga

sameeyaa baadadka shimbira-ha, waxayna ka dhigtaa roofi da jileec yara jiidma oo rootidu ma kala daadato.

Sidoo kale timaha waxa laga sameeya timaha samayska ah ee qof waliba sida uu u yaqaan ee kartiibad ama Buruko.

Waa arrin ka qarsoon dadka in daqiiqda Furunka ama rooti-ga lagu qaso maado laga soo maan guuriyay timaha dadka iyo baadadka shimbiraha.

Hadaba timaha Soomaalida laga jaro ha laga faaidaysto nimcaa fadhida dhulkeena.

Faa’iidada timaha baniaadamka MAHDI FARAH ADENQoraa Soomaaliyeed

Xabagta Dhirta: Xabagta(X-amag) waa qadhaabka dhul-keenu uu hodanka ku yahay caalamkana loo yaqaan Arabic Gum ( Xanjo Carbeed) wax ay leedahay manaafacaad badan, waxayna ku jirtaa tirada tixraa-ca wax soo saarka ee E414 iyo dhadhanka heerka (A) waana koolhydraten, iyadoo jaamud ka dhigtaa cuntooyinka qarkood.

Waxa ay aad uga baxdaa wad-amada Senegal, Sudan, Chad, Ethiopia, Eretria iyo Somalia, inta ugu badan waxaa caalam-ka u dhoofi ya Sudan 80% oo badanaa laga soo guro gobolka Darfuur iyo Senegal oo ah ka labaad.

Faa’iidooyinka laga helo waxaa ka mida;

Waxay xoojisaa cunista Xabagtu caafi maadka Xanjada Ciridka iyo ilkaha.Waxay nadiifi saa caloosha, ayna yarysaa baruurta jidhka.

Waxayna dhalaalisaa dufanka raaca xididada dhiiga ee hal-bowlayaasha aroorayaasha iyo tiftifyada.

Sidoo kale waxay caawisaa dheefshiidka caloosha iyo da-riiqada qashin saarka jidhka.

Warbixinta aan la yabay waxa ka mid ah midhaha geedka galoolka ee himbiliisha ay ku jiraan diiwanka xabagta oo wal-iba uu aad u dhoofi yo wadanka Senegal.

Haddaba yaa iibsada, xageese loo suuq geeyaa?

Xabagta waxaa aad u iibsada shirkadaha cabitaanka iyadoo caawisa xumbada cabitaanka sida Coc-Cola, Pepsi Cola.iwm

Sidoo kale waxaa isticmaala shirkadaha sameeya warqa-daha sawirka iyo fi limada .iyo kuwa sameeya Chocolatada iyo waliba shirkada sameeya

buqshadaha( Anvelops) oo ka dhiga koolo, waana ay yartahay cunto ay ka maqantahay, halka wadamada carabtuna qaarkood u isticmaalan qurxinta iyo cunis-ta jalaatada.

Waa la ridqaa waxa lagu daraa caanaha , dhayda iyo kuwa dhanan waxayna ka dhigta jalaato ama isgriin mararka qaarkodna biyaa lagu qasaaaa oo sideeda ayaa loo cabaa oo ma laha dhadhan la sheego ma laha ur waa dabiici.

Haddaba ha moogaan Xabagtii dhulkeena nimcaa fadhidee hadaba xabagtu waxa ay ku badbaada geedka oo laga ilaali-yo gudinta.

Faa’iidada xabag-dhireedka

Page 8: Wargeyska FSANfsan.nl/docs/20180724110618_FSAN_nieuwsbrief_Juli_2018.pdfda xubnaha ka ah FSAN ay guda-galeen doo-rashada guddiga cusub, waxaana halkaasi mar kale lagu doortay afar

08 XUKUN MAXKAMAD

Maxkamad ku taalla magaalada Neuchâtel ee dalka Switzerland ayaa hotaantii bishan July xukun 8 bil oo xabsi ah ku riday hooyo Soomaa-liyeed oo lagu helay dembi ah inay guday laba gabdhood oo ay dhashay.

Waxa uu ahaa xukun ee abid ka dhaca Switzerland, halkaas-oo gudniinka gabdhaha oo ka noqday dembi weyn laga so bi-laabo sanadkii 2011-kii, sida ku cad qodobka sharciyeed 124.

Gabadhahan ayaa lagu sa-meeyey gudniinka mar ay hooyadod kula noolaayeen Somalia iyo Ethiopia intii u dhaxeysay 2013 iyo 2015, iyadoo hooyadu ay maxka-mada ka hor qiratay dembi ay sameysay.

Qodobka 124, ayaa qeexaya “Qof kasta gabadh gudniin ku sameeya oo wax ka bade-la sida ay ku dhalatay, waxa uu muteysanayaa 10 sanno oo xarig ah.” Sharciga waxa uu intaa ku darayaa “Qof walba oo dembigaasi xitaa ku sameeya meel ka baxsan Switzerland uu qabanayo.”

“Uma maleenayo in aan wax badeli karo, laakiin ugu yaraan xukukan waxa uu gacan ka geysanayaa in baabiíyo dhibaatada ku imaan karta malaayiin gabadhood.” Ayey tiri Nathalie Kocherhans, oo ah

xaakinka maxkamada xukunka riday.

Maxkamadu waxay garowsa-tay in hooyada oo aan aqoon laheyn, ay la kulantay cadaadis kaga yimid xaga bulshada oo ku qasbay in gabadhaheeda ay guddo, hase ahaatee max-kamada kama baaqsan in ay xabsi ku xukunto hooyadan.

“Kiis kasta oo ku saabsan gudniinka gabadhaha waxa uu si cad ugu xadgudbayaa xaquuqda baniáadamka.”ay-ey tiri Fiona Coyle, aggaasi-maha hayáda End FGM Euro-pean Network – oo fadhigeedu yahay Brussels.

Coyle waxay sheegtay in ka hayád ahaan ay soo dhow-eenayaan xkunkan, kastoo ay sheegtay in ka hortaga uu aad

muhiim u yahay.

Sanadkii hore, 180,000 oo haween iyo gabdho ah oo ku nool Europe la qiyaasayo inay khatar ugu jiraan halis caafi maad kaga imaanaysa gudniin horey loogu sameeyey, sida ay sheegtay End FGM European Network.

Gudniinka gabdhaha ayaa saameyey inta u dhaxesya 130 ilaa 200 million oo haween ah oo ku nool dunidan, kuwaasoo ku baahsan ilaa ugu yaraan 28 wadan, sida ay sheegtay Q.M.

Dhaqankan gudniinka ayaa sidoo kale weli ka jira meelaha tuulooyinka iyo miyiga oo qa-labka wax lagu gudo ay yihiin midiyo, sakiino iyo dhalooyin jaban, sida ku cad baaris ay sameysay UNICEF.

Hooyo lagu xukumay xabsi Waxaa gashay dembi ah inay guday gabadhaheeda

FSAN | LUULYO 15, 2018