ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 ka mid noqo si aad u...

16
etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu uga qayb-qaatan waxbarashada ilmahooga

Upload: others

Post on 16-Mar-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

etudier-en-francais.ca 613 742-8960

Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu

noqdo mid kobcaWehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu uga qayb-qaatan waxbarashada ilmahooga

Page 2: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Conseil des écoles publiques de l’Est de l’Ontario (CEPEO) waxay ku farax-sanyihiin himilada iyo aragtida dheer ee ay sameeysay iyada oo la kaashaneysa ardayda, waalidiinta, shaqaalaha iyo beesha. Himilada iyo aragtida dheeriba waxay si dhab ah uga turjumayaan jihooyinka muhiimka ah (CEPEO) ee dugsiga beesha. Kuwaas oo u fidinaya waxyaabaha soo socda dhammaan ardayda raadinaysa waxbarasho heer sare ah oo luqada- faransiiska ah :

Him

ilad

a iy

o A

ragt

i fo

g

• Deegaan/jawi waxbarasho oo Af-faransiis ah oo firfircoon oo wax tar u leh ruuxa/ qofka,tacaliinta iyo gaadhitaanka horumar bulsho-ba;

• In la helo habkii lagu heli lahaa xirfado iyo aqoon lagama-marmaan u ah horumarka ardayda iyo siday ugu najixi lahaayeen adduunkan is beddelaya.

• Deegaan/jawi waxbarasho oo aqoonsan, raallina ka ah siina socodsiinaya kale-duwanaanta;

CEPEO waxay u adeegtaa tiro arday ah oo ka badan 11,100 kana kooban 39 dugsiyada hoose iyo kuwa sare oo ku baahsan Bariga Ontario.

2

Page 3: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Si ay u sii waddo dadaalkan kan socda ee lagu raadinayo in la helo waxbarasho heer sare ah, Conseil des écoles publiques de l’Est de l’Ontario (CEPEO) waxay aaasaastay saddex arrimood oo ay mudnaan siinayso oo dhiirri-geliya wax-qabadkooda mar kasta: hagaajinta waxqabadka ardayga; hoos u dhigida gol -daloolada ka jirta sida waxbarashadu u socoto; iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha.

Gaadhitaanka saddexdan ujeedo laguma guuleysan karo hadii aan la helin taageerada buuxda ee waalidiinta kuwaas oo kaalin muhiimah ka qaata horumar ka ilmahooga.

Cilmi-baarisyo badan ayaa xoog saara ahmiyadda ay leedahay ka qayb-qaadashada waalidiintu waxbarashada ilmahooga. Waxa kale oo diraasado kale oo badani ay tilmaamayaan in hadii waalidiintu si toos ah u taageeraan, iyo hadii si joogto ah looga qayb-qaato hawlaha dugsiga,iyadoo isla-markaa lagu dhiiri-gelinayo inay la haadaan dareen masuuliyadeed,waxay si toos ah saameyn ugu yeelanayaan arimahani ku najixida dugsiga waxa kale oo ay hoos u dhigi doonaan tirada ardayda dugsiga ka saaqida.

U jeedada tilmaamehani waa inuu u fidiyo talo-siin ka caawiya waalidiinta xoojinta kaalintooda macalinimo si ay uga caawiyaan ilmahooga dhinaca tacliinta iyo koritaan-kooda shakhsi ahaaneed. Hawlaha la soo jeediyay waxa ka mid ah dhinacyo kala-duwan oo u dhaxeeya ahmiyadda caawimada iyo ka kaalmeynta shaqda guriga (homework), abuurista deegaan/jawi hoy oo aad ugu roon ilmahaaga wax-garadkiisa,shucuurtiisa,muuqaalka iyo horumarka bulsho-ba.

Marka laga saaro kuwa aan ku soo bandhignay halkan, waxa jira siyaabo kale oo uu waalidku uga qayb-qaadan karo waxbarashada ilmahiisa.Markaa ha ka-shakiyin inaad la wadaagtid waxyaabaha aad qabatay ee aad horumar ku gaadhay si ay (CEPEO) du ula wadaagto waalidiinta kale.

Waxan kugu mahadnaqaynaa doorashada aad u dooratay CEPEO inay noqoty mid ka qayb-qaadata waxbarashada ilmahaaga.Dhammaanteen ,waxan u fidinaa ilmahaaga kaalmada uu u baahanyahay si uu si fudud uga mid noqdo deegaanka dugsiga iyo inuu awood dheeraad ah u helo si uu ugu najaxo dugsiga iyo nolosha.

Dokomantigan waxa diyaariyay xubnaha CEPEO da Gudiga Ka-qaybgalka waalidka (2009)

Soo

-dhaw

oo

w

3

Page 4: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Max

aad

u d

oo

rata

y? Maxaad u dooratay Dugsiga Dadweynaha ee Af-faransiiska?Wuxuu ilmahaagu wax ku baranayaa deegaan Af-faransiis lagu hadlayo oo ah goob diiran oo kaalmeynaysa koritaanka shakhsiyadeed ee ilmahaaga iyo ku najixida waxbarashadiisa.Waxa kale oo intaas u dheer inuu ilmahaagu:

• Kor u- qaadi-doono hal-abuurnimadiisa ama hal-abuurnamadeeda iyo ogaanshaha iyada oo la horumarinaya farsamooyinka dhageysiga iyo xidhiidhka hadalka iyo xal u helida iska-horimaadka;

• Ku barbaarida deegaan/jawi qadariya Faransiiska oo kaalin muhiim ah ka qaadata koritaanka is aqoonsi ee ilmahaaga iyo kobcinta dareenkiisa ka mid noqoshada dhaqanka Faransiiska ee Ontario;

• Wuxu heli doonaa deegaan/jawi cafimaad iyo nabad galyo leh uu wax ku barto, oo la baro qiyamka ah is-xaq dhawrk, inuu wadani fiican noqdo,madax banaanida,masuuliyada,wax-wada qaybsiga iyo dareen u yeelashada dadka kale waxyaabahaas ayaa la barayaa wuxuuna ku darsani waayo aragnimadiisa ama waayo aragnimadeeda dugsiyeed;

4

Page 5: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

• Wuxu ku sugnaanayaa deegaan run ahaantii ah kan bulshada Kaneediyaanka oo kale oo dhaqamada kale geddisani ay jawi kal-gacal leh oo is-ixtiraama oo hirgelinayana kala duwanaanta;

• Dhammaystay dugsiga sare d xirfado sare u leh labada luqadood, waxanan heer kaas sare ku mahadinaynaa duruusta Af-ingriisiga oo la heerka ah kuwa lagu bixiyo dugsiyada Af-ingriisiga ah waxa la hubaa inay awood siinayaan mustaqbalka in ay ku horumaraan dhinaca shaqooyinka.

• Wuxu ka helayaa ilmahaagu faa´iido waxbarashada wadani-nimada taas oo xoojisa oo kuna dhiiri-gelisa inuu kor u qaado dareenkiisa/ ama dareenkeeda bulshanimo iyo dhaqammeed, iyaga oo isla markaa kaalmeynaya koritaanka beesha;

Waxbarashada dadweynaha ee Af-faransiisku: waa baasaboor aan xadaysnayn oo kuu jihaynaya mustaqbal wacan !

5

Page 6: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Max

aad

uga

qay

b-q

aada

ney

saa?

Waxbarashada carruurtu waxay

bilaabantaa ka hor inta aysan

iman dugsiga.Marka ay maalin

kasta u fariistaan oo ay is-

dhexgalaan waalidkooda, ayaa

carruurto ay horumariyaan

fiiradooda gaar ahaaneed una

hamuumaan waxbarashada.

Xidhiidhkan gaar ahaaneed ee

guriga iyo beesha ayaa kaalmeeya

koritaanka dadnimo ee carruurta.

Si firfircoon uga qayb-

qaadashadau waxay

kordhisaa kalsoonida ay

waalidiintu ku qabaan

waxbarashada ilmahooga.

6

Marka ay muujiyaan waalidiintu inay u hayaan xiiso dhab ah tacaliinta ilmahooga iyagoo ku muujiyay siday ula dhaqmaan ama u barbaariyaan iyo kaalmada tooska ah ee ay u fidiyaan, ilmuhu dadaal dheeraad ah ayuu la imanayaa si uu u najaxo.

Hadii ay waalidiinta si firfircoon uga qayb-qaataan waxbarashada ilmahooga, kuwa dugsiga hoose iyo kan sareba,waxa ka dhasha wax yaabo fiican oo micno leh sida:

inay ilmaha xili fudud ku qaadato inuu kula qabsado dugsiga;

wax fiican ayuu ardeygu ka keenaa waxbarashada;

way yaraataa maqnaanshihiisu/heedu;

akhlaaqdiisa/deeda dugsigu iyo tan guriguba way fiicnaataa;

dareenkiisa shucuurtiisu wuu kordhaa;

Waxa aad u yaraada heerka ka saaqidida dugsiga.

Page 7: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Maadaama kalinta waalidiintu ka qaataan waxbarashada ilmahooga iyo ku najixida wabarashadu ay aad iskugu xidhanyihiin ,waxay CEPEO du soo jeedinaysaa dhawor farsamo,fikrado ku haboon siday waalidiintu u kordhin lahaayeen ka qayb-galka waxbarashada ilmahooda.

Ka qayb-qaadashada waxbarashada ilmuhu wuxu qaataa dhawr nooc waana ay kale duwanaan kartaa siyaabaha ay waalidku uga qayb-qaadanayaana.

Sideed uga q

ay-qaadan

?

Guriga Dugsiga Golaha dugsiga

Conseil des écoles publiques de l’Est de l’Ontario

Parents partenaires en éducation

7

Waxan kuu xaqiijinaynaa si kastoo

aad ku tashatid inaad uga qayb-

qaadatid waxbarashada ilmahaaga,

waxay ku yeelan kartaa raad fiican

tacaliinta ilmahaaga, shakhsiyaddiisa

iyo horumarka bulshada-ba.

Page 8: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Guriga “Aniga ayaa ah macalinka ugu horeeya ee ilmahayga.”

Shaqada guriga

• U diyaari meel deggan oo aan qaylo jirin oo ilmahaagu kaga shaqeeyo shaqda guriga (homework) una samee wakhti joogto ah maalin walba oo ilmuhu ka shaqeeyo hoom-weeragiisa.

• Caawi ilmahaaga si uu si fiican iskugu habayn lahaa una diyaarsan- lahaa wixii u muhiima iyo qalabka lagama maarmaanka ah si wakhtiga hoom-weeragiisu ugu fududaado.

• Kaalmee ilmahaaga. Danaynta aad daneynaysidi waxay keenaysaa inuu ilmahaagu jeclaado inuu najaxo.

• Wakhtiga shaqada gurigu waxay kuu awoodsiin inaad ogaatid wuxuu ilmahaagu daneynayo iyo meelaha uu ku fiicanyahay iyo wixii ku adkaan kara.

• Ka caawi ilmahaaga siduu xalal ugu heli lahaa mashaakiladiisa / keeda.

• Hadii loo baahdo, ku qor ilmahaaga ururada ardayda ka caawiya hoom-weeragooga. Dugsiga ayaa kuu tilmaami meel adeegaas ku haboon.

Xusuusnaw in ilmuhu ka masuul

yahay/tahay shaqadiisa/deeda guriga

(hoom-weeragooda). Laakiin, caawinta,

dhiirigelinta iyo kormeerka waxa iska

leh waalidiinta.

Ajendaha

• Akhri maalin kasta ajendada ilmahaaga , isagaa ah farsamada wada xidhiidhka ee idin dhex taal adiga iyo macallinka.Waxad arki casharka guriga ee laga rabo in la sameeyo.Waxaanad ogaan doontaa wixii dhacay maalintaas.

• Xor baad u tahay inaad qoraal ku qortid ajendaha si aad ula xidhiidhid macallinka.

• Hadii aad wakhti siisid inaad akhridid ajendaha ilmahaaga,ilmahaagu wuxu arki doonaa inaad danaynaysid hormarkiisa/keega iyo horukiciisa / ama keeda , taasina waa kuu muhiim adiga.

8

Page 9: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Hawlaha Qoyska

• Si gaar ah u hubi ,si caafimaad qabtana u wajah xilliyada kala-guurka ee muhiimka u ah ilmahaaga: marka ugu horeysa ee ilmahaagu dugsiga bilaabayo iyo goorta uu ilmahaagu ka gudbayo xanaanada ee uu u gudbayo dugsiga hoose, iyo marka uu ka gudbayo dugsiga hoose una gudbayo ka dhexe iyo ugu dambayn dugsiga sare.

• La ciyaar ilmahaaga - ilmaha ciyaaraa waa ilmo wax barta.Ka qab-qaado koox ciyaarta ama ka diiwaangeli ilmahaaga meelaha loogu talo galay beesha ama xaafadaada ee lagu qabto ciyaaraha kala duwan.

• Ku dhiiri wax akhriska adoo u akhriyaya ilmahaaga kutubta.Mithaal ku tus ilmahaaga adigoo hortiisa ku hor akhriyaya. Gee ilmahaaga laybareeriga ku yaal xaafadiina si aad uga deynsataan buugta ugana qayb-gashaan hawlaha uu laybareerigu qaban-qaabinayo.

• Habee xilliyo gaar ah; xilli wax la cuno, shaqo guri laga shaqeeyo, la hurdo, iwl.

• Hubi inuu qaato ilmaaagu cunto nafaqa leh iyo hurdo ku filan si uu xoog u saaro waxbarashadiisa.

• Waxaad ku diiri-gelisaa wada hadalka kalana faaloo ama kala sheekayso ilmahaaga maalintiisa / teeda.Tus ilmahaaga inuu dugsigu muhiim kuu yahay.

• Ku hambalyee ilmahaaga marka uu gaadho guul yar, jeclaw dadaalka uu ilmahaagu sameeyo iyo xamilaadiisa,waxbarashadu ma sahlana had iyo jeer.

99

Page 10: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Dugsiga“Inaad ka warqabtid wixii ka dhacay dugsiga wuxuu xaqiijinayaa in ay waxbarashadu fiicnaanto.”

Kulannada

• Ka qayb-qaado habeenka macluumaadka si aad ula socotid barnaamijyada iyo adeegyada dugsigu bixiyo.

• Ka qayb-gal kulannada waalidka –macallinka sida habeenada kaadhka natiijada.Ka faiideyso fursadda si aad u ogaatid darajada iyo akhlaaqda ilmahaaga ee dugsiga.Hadii uu ilmahaagu arko ka qayb-galkaaga, isagu ama iyadu waxay dareemi in la qadariyo waxbarashada taas oo ka muuqan doonta wuxuu ilmuhu jecelyahay iyo inuu ku dadaalo inuu najaxo.

• Ka qayb-qaado kulannada golaha dugsiga, shirka sannada iyo doorashooyinka bilawga sannadka.Si aad u ogaatid marka golaha dugsiga uu kulmayo, siyaaro website- ka dugsiga ama la xidhiidh dugsiga.

La xidhiidh ka

• Xidhiidhka fiican ee adiga iyo dugsiga shaqaalihiisa idinka dhxeeyaa waa mid labada dhinac- ba ah.Mcluumaad korodhso oo waydii suaalaha ah wuxuu ilmahaagu ku najaxay iyo waxyaabaha ku adag sannad dugsiyeedka oo idil.

• Si aad u caawisid ilmaha,hubi inaad taqaanid wuxuu dugsigu ka filayo iyo sharciyada.Dib u tixraac ajendaha oo idil.

• Akhri jariidada dugsiga ee sitimaankii ama bishii soo baxda si aad ula socotid waxyaalaha dugsiga ka socda.

• Xilli kasta, dib u raac (albaabka weyn ee waalidka) adoo ka helaya website ka etudier-en-francais.ca.Qalabkan oo Af-faransiis ah,waxay kuu awoodsiinaysaa inaad la xidhiidhi kartid rikoodhka maqnaanshaha iyo wixii macluumaad ah ee isaga khuseeya.

10

Page 11: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Tabarucida

• Tus ilmahaaga ahamiyada ay leedahay in beesha laga qayb-qaato adigoo u tabarucaya dugsiga.Caawi laybareeriga, ka qayb-qaado dugsiga marka dibada loo baxayo, ama caawi si aad u habaysid hawlaha dhaqanka iyo bulshada. Ka qayb-qaado xarunta Ottawa ee cilmi-baarista (OCRI) U tabaruc barnaamijyada Waxbarashada adiga oo kala xidhiidhaya dugsiga ilmahaaga.

• Ka qayb-qaado maalinta dugsiga ee shaqada si aad ula wadaagtid ardayda nooca shaqadaaada. Adoo isticmaalaya waayo aragti-nimadaada iyo khibradaada,waxanad tusi iyaga faiidooyinka ay leeyihiin maadadaha lagu dhigo dugsiga.

Hawlaha dugsiga

• Ku dhiiri-geli ilmahaaga inuu si firfircoon uga qayb-qaato dugsiga: ururada iyo guddiyada,kooxaha ciyaaraha, hawlaha ka baxsan manhajka iyo safarada loo baxo banaanka.

• Ku la dadaal inuu ilmahaagu ka qayb-qaato hawlaha ay dugsigu habeeyaan iyaga oo tagaya safarada loo baxo banaanka, ciyaaraha dugsiga iyo riwaayadaha, kulanada aqoon korodhsiga,wixii la daawanayo,iwlm.

11

Page 12: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Golaha dugsiga

Si kale oo aad si firfircoon uga qayb-qaadan kartid dugsiga ilmahaagu waa adoo kamid noqda xubin golaha dugsiga. Adoo ah xubin golaha dugsiga,waxad awoodi inaad:

• Ka qayb-qaadatid lana wadaagtid ujeedooyinka kor u qaadaya waxqabadka ardayda;

• inad la socoto wararka ugu dambeeyay ee hawlaha dugsiga, kan CEPEO da iyo arrimaha gobalka ee la xidhiidha waxbarashada;

• Taageer barnaamijyada dugsiga ee ku hawlan la xidhiidhka beesha;

• Muuji fikrada-haaga;

• La shaqeysid cid kale si aad u hubisid in ay shaqadu u socoto sida ugu haboon ee suurta-gal ah;

• Ka qaado kaalin muhiim ah nidaamka waxbarashada dadweynaha ee luqada-faransiiska.

12

Si aad waxyaabo badan uga ogaatid kaalinta la talinta ee golayaasha dugsigu ay ka qaatan nidaamka waxbarashada Ontario,tixraacdukumeentiga “School Councils: A Guide for Members ”, wxay ku daabacday Wasaarada Waxbarashada Ontario websiteka soo socda:

edu.gov.on.ca/eng/parents/publications.html

Page 13: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Sannad kasta CEPEO du waxay martiqaad u fidisaa si ay waalidiintu uga mid noqdaan guddiga ka qayb-galka waalidka.Guddigu wuxu kulmaa afar jeer sannadii oo ay xubna-hoogu:

• Isku xidhaan waalidiinta,maamulka dugsiga iyo ammaan-haye yaasha dugsiga;

• La xidhiidhi kartaa ammaan-hayha dugsigaaga si aad ugu sheegtid dugsigu wuxuu ku najaxay,ama waxaad ka walaacsan tahay, ama wixii faalooyin ,iyo baahiyo ahba.

• Ka qayb-gali kartaa kulamada joogtada ah ee Gudoonka iyo kulamada dadweynaha ee waxbarashada.ganacsiga iyo guddiyada Waxbarashada ee gaar ka ah.

• U soo-bandhigi kartaa, ama suaali kartaa Gudoonka ama guddiyadooda mid kood adigoo raacaya habka wax loo qabto ee u degsan CEPEO da. Nidaamkaas la raaco waxa lagu soo bandhigay website ka etudier-en-francais.ca cinwaankuna waa Réunions du Conseil (kulamada gudoonka) cinwaan kiisuna waa Conseil.

• U soo jeedin talooyin CEPEO da arrimaha muhimada u leh waalidiinta;

• Ka helid talo bixin iyo fikrado xubnaha golaha,waalidiinta, iyo cidii kale ee ay iskaashadaan;

• Samee oo hirgeli istraatijiyo lagu dhiiri-gelin karo ka qayb-qaadashada waalidka iyo ka qayb-galka heerka gobolka.

Conseil des écoles publiques de l’Est de l’Ontario

Waali ahaan,waxad kalood adigu:

13

Page 14: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Parents partenaires en éducation

Hadaad wakiil uga noqotid CEPEO da Gudoonka Agaasima yaasha ee heerka Gobalka waxad adkaysay kaalin-taada waalidnimo.

Ururkani wuxu xaqiijiyaa inuu nidaamka waxbarashadu u jajabsanaado oo uu dareen badan u leeyahay horumarinta baahiyaha ardeyda Af-faransiiska wax ku barata ee Ontario iyagoo:

Hadii aad rabtid inaad heshid sharaxa hantiyada ama aad rabtid in Golaha Dugsigaagu uu noqdo xubin Waalidiinta Iska kaa-shaday waxbarashada, siyaaro reseauppe.ca ama wac 613-741-8846.

• Ula shaqynaysa si fiican cid-yawga kale ee ku hawlan waxbarashada;

• Tababarista , war-gelinta, qalabaeynta iyo kor u qaadida dareemada waalidiinta si ay u adkeeyaan kaalintooda ah inay yihiin waxbaraha ugu horeeya ee ilmihiisa;

• Inay noqdaan kuwa waalidiinta u matala gobalka.

Waa kuwan qaar kamid ah farsamooyin kii iyo hantiyada u diyaar ka ah waalidiinta:

14

• “Mon enfant va à l’école de langue française so does mine!”• “Starting at birth, from home to the classroom in French” • “Fusion – I’m with you 2 – Raising a bilingual child in a two-language household.”• “Noisette Takes Flight – From Home to the Classroom in French” (DVD) • “Outil de littératie pour les parents des jeunes de la 7e à la 12e année” • “La corde à linge PPE - Pratiques exemplaires de participation des parents” • “Devenir e-Parent: un tutoriel en français pour suivre vos enfants en ligne” • “My Child is in a French School” • “L’incontournable c’est PPE! Partenariats, Ressources, Outils” (DVD)• « www.lechoixdesparents.on.ca »

Page 15: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

Daniel MinsoAmaan-hayaha Ardayga ah 2010-2011

[email protected]

Guylain LaflècheSoonka 5: Russell (Russell, Clarence-Rockland, Casselman and Nation)

[email protected]

Gilles FournierSoonka 4: Prescott (Hawkesbury, Hawkesbury-East, Champlain, Alfred and Plantagenet)

[email protected]

Denis M. ChartrandSoonka 7: Orleans

[email protected]

Lucille CollardSoonka 10: Rideau-Vanier

[email protected]

Chantal LecoursSoonka 8: Innes and Beacon Hill–Cyrville

[email protected]

Linda SavardSoonka 12: Bell-Nepean South, Kanata, West Carleton, Goulbourn, Bay, Baseline, Knoxdale-Merivale and Rideau

[email protected]

Jean-Paul LafondSoonka 11: Somerset, Kitchissippi, Rivière and Capitale

[email protected]

Marielle GodboutSoonka 9: Rideau-Rockliffe, Alta Vista

[email protected]

Lise Benoit-LégerSoonka 3: Stormont, Dundas and Glengarry and the City of Cornwall

[email protected]

Colette StittSoonka 1: Lanark and Renfrew

[email protected]

Am

aan-h

ayaha D

ugsiga

15

Georges OrfaliSoonka 6: Gloucester-Southgate, Cumberland and Osgoode

[email protected]

Marc BissonnetteSoonka 2: Hastings, Prince Edward, Lennox, Addington, Frontenac, Leeds and Grenville

[email protected]

Page 16: Ka mid noqo si aad u noqdo mid kobca · etudier-en-francais.ca 613 742-8960 Ka mid noqo si aad u caawisid inuu Ilmahaagu noqdo mid kobca Wehelka tusaha caawiya sida ay waalidiintu

OTTAWADugsi Hoose Charlotte-Lemieux / Ottawa - 613 225-1113Des Sentiers / Orléans - 613 834-4453Francojeunesse / Ottawa - 613 232-0020Gabrielle-Roy / Gloucester - 613 733-8301Jeanne-Sauvé / Orléans - 613 824-9217Kanata / Kanata - 613 270-1043L’Odyssée / Orléans - 613 834-2097Le Prélude / Orléans - 613 834-8411Le Transit / Ottawa - 613 747-3838Le Trillium / Vanier - 613 744-8523Marie-Curie / Ottawa - 613 523-4975Maurice-Lapointe / Ottawa - 613 591-5384Michaëlle-Jean / Barrhaven - 613 247-1853Séraphin-Marion / Gloucester - 613 748-7636Trille des Bois / Vanier - 613 746-6911

Dugsi Sare De La Salle / Ottawa - 613 789-0053Gisèle-Lalonde / Cumberland - 613 833-0018L’Alternative / Vanier - 613 745-0369Le Transit / Ottawa - 613 747-3838Louis-Riel / Gloucester - 613 738-1683Omer-Deslauriers / Ottawa - 613 820-0992

École des adultes Le Carrefour / Ottawa - 613 731-7212

MILLE-ÎLESDugsi Hoose Madeleine-de-Roybon / Kingston - 613 531-8160

Dugsi Sare Mille-Îles / Kingston - 613 544-7252

RENFREWDugsi Hoose and Dugsi Sare L’Équinoxe / Pembroke - 613 732-1525

STORMONT, DUNDAS & GLENGARRYDugsi Hoose Horizon Jeunesse / Cornwall - 613 932-8083Rose des Vents / Cornwall - 613 932-4183Terre des Jeunes / Alexandria - 613 525-1843

Dugsi Sare L’Héritage / Cornwall - 613 933-3318

PRESCOTT & RUSSELLDugsi Hoose Carrefour Jeunesse / Rockland - 613 446-1248De la Rivière Castor / Embrun - 613 443-2226L’Académie de la Seigneurie / Casselman - 613 764-0550Nouvel Horizon / Hawkesbury - 613 632-8718

Dugsi Sare L’Académie de la Seigneurie / Casselman - 613 764-0550Le Sommet / Hawkesbury - 613 632-6059

QUINTEDugsi Hoose Cité Jeunesse / Trenton - 613 394-1398

Dugsi Sare Marc-Garneau / Trenton - 613 394-0617

BARIGA ONTARIOXarunta waxbarashada iyo macluumaad ka ee Barig OntarioCasselman - 613 764-7332Cornwall - 613 932-3376Hawkesbury - 613 632-4100Rockland - 613 446-1685

DUSIYADA YADA