geeddi-socodka siyaasadda qaran ee dhalinyarada...
TRANSCRIPT
1
GEEDDI-SOCODKA SIYAASADDA QARAN
EE DHALINYARADA SOOMAALIYEED
(WARBIXIN HOR U DHAC AH)
2
Mahad-naq
Waxaanu u mahad celinaynaa dhammaan dadkii ka qayb-galay kulamadii wada-tashiga iyo xog
ururinta ahaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu yagleelayay sidii siyaasad qaran
loogu samayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ugu horrayn waxaanu u mahadnaqaynaa Shirkadda Ceprad oo kaalinweyn kageysatay Dhanka
farsamada ee Sameynta Siyaasada Qaran ee Dhalinyaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,
La Taliyaha Horumarinta Dhalinyarada ee Wasaaradda, iyo Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee
Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga.
Waxaanu kale oo si gaar ah ugu mahad celinaynaa Daladda Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee
Badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliyaa (SOSCENSA) oo runtii kaalin mug weyn ka qaatay sidii
aanu heli lahayn xogta la soo ururiyay taasoo meelo badan noo iftiimisay maadaama ay SOSCENSA
metesho dhammaan jilayaasha aan dawliga ahayn ee badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliyaa.
Waxaanu kaloo u mahad-celinaynaa Ururka Qaranka ee Haweenka Soomaaliyeed, Garabka
Abaabulka ee Dhalinyarada, Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka ah u Baahan, Daladda Ururada
Dhalinyarada.
Ugu dambayntii waxaanu u mahad-celinaynaa Dhamaan cid walba oo ka qeyb qaadatay
qabsoomida howshan baaxada leh ee Sameynta Siyaasada Qaran ee Dhalinyaradda.
Hon. MP. Mohamed Abdullahi Hassan “Nuux”
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga
3
GOGOL-DHIG
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortigu
Markay u kuur gashay dhibaatooyinka baahsan ee dhalinyarada haysta sida shaqo
la'aanta, amni darrada, caddaalad darro ay dhalintu ka cabanayso, waxbarasho
la’aan, waxbarasho xumo, gar-gaar la’aan dhinaca caafimaadka ah, tahriibka,
tababar la’aan xirfadeedka;
Markay garwaaqsatay inaanay dhalinyaradu helin adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u
baahnaayeen;
Markay aragtay inay lagama maarmaan tahay in xaaladda cakiran ee dhalinyarada
wax laga qabto;
Markay aragtay inaanay jirin siyaasad cad oo ka tarjumaysa baahiyaha dhalinyarada
ayna garwaaqsatay in ay muhiim tahay in la sameeyo siyaasaddii lagu hagi adeegyada
dhalinyaradu u baahan yihiin;
Waxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortigu go’aansatay
- In la sameeyo siyaasad qaran oo dhalinyarada lagu hago taas oo si buuxda uga
tarjumaysa baahiyaha dhalinyarada iyo adeegyada ay u baahan yihiin si ay
dhalinyardu u hesho adeegyadaa.
- In siyaasaddani noqoto mid gundhig u ah barnaamijyada caaawimo ee dhalinyarada
wax loogu qabanayo;
- In siyaaddani noqoto hab u fududeenaya hay’adaha dawladda oo dhan inay iska
kaashadaan adeegyada aasaasiga ah ee ay dhalinyaradu u baahan tahay si loo
kobciyo noloshooda iyo mustaqbalkooda.
Haddaba, si loo dar-dar geliyo hawshaa lagama marmaanka ah, waxay Wasaaradda
Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo hay’adda UNFPA baahiyeen ogeysiis lagu baadi goobayo
4
cidda shaqadan la qaban karta wasaaradda. Waxaa baahintaa qandaraas ku guulaystay
shirkadda CEPRAD. Wasaaradda iyo CEPRAD sidaa ayay ku amba-qaadeen oo ku
bilaabeen geeddi-socodkii yagleelka siyaasad qaran oo u gaar ah dhalinyarada
Soomaaliyeed.
Ujeeddada laga lahaa hawshan waxay ahayd in laga baraan-dego lana ogaado baahiyaha
dhalinyarada iyo adeegayada ay u baahan yihiinba isla markaana la abuuro dhokumenti
soo koobayo adeegyada dhalinyaradu u baahan yihiin. Waxaa la sameeyay kulamo is daba
joog ah oo wada-tashi iyo xog-ururin isugu jira kuwaas oo lala yeeshay ururo kala duwan
sida Garabka Abaabulka Dhalinyarada, Daladda Ururada Dhalinyarada, Dhalinyarada
Baahida Gaarka ah leh, Ururka Haweenka Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir,
Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliyaa (SOSCENSA).
Haddaba xogtii iyo lafa-gurkii lagu sameeyay fikradihii ka soo baxay talo ururintii
kulamadii lala yeeshay ururadaa kala duwan waxaa lagu soo koobay dhokumentigan
waxaana lagu faah-faahin doonaa qaybaha soo socda.
5
WAR BIXINTII KA SOO BAXDAY
KULAMADII WADA-TASHIGA IYO
XOG-URURINTA
EPRAD, mogadishu, soomaaliya, 2015
6
AFEEF:
Warbixintan soo socotaa waxay soo koobaysaa fikradihii ka soo baxay kulamadii
wada-tashiga ahaa ee lala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada kulamadaas oo
ujeedadoodu ahayd in la ogaado dhibaatooyinka haysta dhalinyarada si loo sameeyo
siyaasad qaran oo si buuxda uga tarjumaysa baahida dhalinyarada looguna sameeyo
adeegyadii aasaasiga ee ay dhalintu u baahnayd.
Haddaba dhammaan fikradaha soo socda waa aaraahdii iyo fikradhihii laga soo
ururiyay dadkii ka qayb-galay kulamadaa oo dhalinyaro u badnaa. Qorayaasha
warbixintan iyo hay’adda ay ka tirsanaayeenba waxay shaqadoodu ku koobnayd xog
ururuin iyo lafa-gur lagu sameeyo xogta la soo ururiyay. Sidaa daraadeed, warbixintani
kama tarjumyso mana muujinayso fikradaha qorayaasha soo diyaariyay warbixinta.
7
1. SHAQO LA’AAN
Dhibaatada ku habsatay dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan intii ka dambeesay
dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa mid aad u qalafsan oo tiiraanyo iyo naxdin leh.
Muddadaa 25ka sannadood ah ee ka soo wareegtay burburkii dawladdii dhexe ee
Soomaaliya waxaa gaadhay dhalinyarada hagardaamooyin aan baaxad lahayn oo aan kala
go’ lahayn mana ay arkin dhalinyaradu cid u gargaarta oo miciin u noqota. Waxaa la soo
dersay dhalinyarada shaqo la’aan aan ka dhicin Abaartii Daba-Dheer ah oo aanay
ummadda Soomaaliyeed hore u arag una maqal. Masuubooyinkaa waaweyn ee
dhalinyarada haleelay waxay keeneen cawaaqib xumo aad u qalafsan oo aynu ku faah-
faahin doonno warbixintan qaybaheeda soo socda.
Markii lafa-gur lagu sameeyay xogtii la soo ururiyay, waxaa soo baxay in shaqo la’aantu
tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysata dhalinyarada intii ka
dambeesay 1991 oo ah markii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Maadaamaa
dadka badankiisu u shaqeenayeen dawladdii dhexe ee dhacday, subax qudha ayaa
indhaha lagu kala furay iyada oo dadkii oo dhami bilaa camal la wada yihiin maadaama ay
hay’adihii dawliga ahaa la dumeen dawladdii meesha ka baxday. Dawladdaa duntay iyo
colaadihii waddanka ku habsadayna ee muddada dheer jiitamayay waxay dhaleen in
dhalinyaradu maanta ay 70 – 80% shaqo la’yihiin oo ay fadhiyaan derbiyada iyaga oo wer-
wer, walaac, iyo cadho xooggani ay muuqato kana niyad jabsan nolosha waddankoodii.
Haddaba waxaynu hoos ku faah-faahin doono waxyaabaha keenay shaqo la’aanta, waxa
uu noqday dhaxaly shaqo la’aanta iyo talobixin laga soo ururiyay bulshadii ka qayb-
qaadatay wada-tashiyadii la qabtay. Waxyaabahaa waxaynu ugu horraysiinaynaa habka
shaqo abuurka oo aan soomaali 25 sannadood arag noqdayna wax la iska ilaaway.
8
1.1 SHAQO ABUUR LA’AAN:
Dadkii qayb-galay kulamadii la qabtay, waxay si aad ah ugu soo cel-celiyeen in shaqo
la’aantu umadda haysa gaar ahaan tan dhalinyarada haysata ay tahay arrin khatar ku ah
jiritaanka waddanka haddii aan wax aan la qabanna ay noqon doonto mid dhalisa
khasaarooyin waaweyn oo ay adag tahay in laga soo kabto. Waa tan kowaade markii
hay’dihii dawliga ahaa ay waddanka ka dumeen, dadkii suuqa ayay is wada tageen; waa
tan labaade colaadaa dilaacay oo firdhad baa dhacay; waa tan saddexaade dawladihii ka
dambeeyay dawladdii kacaanka iskuma dayin inay dhidibada u dhigaan sidii shaqo abuur
umadda loogu samayn lahaa, hadday doonto xaddiga shaqooyinka la abuuray haba
yaraadeene.
Shaqo abuurka ma aha wax mucjiso ah oo xadka bani’aadamka ka baxsan, waxayna ahayd
in dawladihii waddanka ka talinayay ee ka dambeeyay dawladdii militariga ahayd ay
bilaabaan hawsha shaqo abuurka maantana cidi ka yeelimayso inay ku marmarsiiyoodaan
amniga ayaanu la lagdamaynay muddada intaa le’eg. Ma sax baa in dawladdi waktigeedii
iyo malaayiintii doolar ee loogu deeqay oo dhan ay tiraahdo amniga oo qudha ayaanu
gelinay? intee in le’eg ayuu gaadhayaa amnigu haddii dadku bilaa shaqo wada yihiin ma
socon karaa?
Xasilooni Haysata Siyaasiyiinta Dalka Gabadh ka mid ah dadkii kulamada ka soo qayb-galay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeedii
‘haddaan dhalinyarada la jiheyn iyana waa is baabi’inayaan dadka iyo dalkana way
baabi’inayaan’.
Gabadhaasi intaa keliya kuma joogine waxay kaloo tiri:-
‘Siyaasiyiintu maanta joogaa ma haystaan xasilooni siyaasadeed mana oga in isku
shaandaynta soo socota lagu beddeli doono taasina waxay keentay in aanay wasiiradu isku
dhibin inay wax ka qabtaan wasaaradaha ay joogaan’.
9
Sidaa gabadhaasi kaga dhawaajisay waxaa habboon in inta ay goori goor tahay la
cawaaqib xumada kharriban ee afka inagu soo kala haysa. Xasilooni la’aanta
siyaasiyiintana waa arrin muddan in wax laga qabto haddi la rabi in umaddan wax u
hagaagn.
Hase yeeshee arrinta xaqiiqda ah ee aan dhinacna loo dhaafi karin waxaa weeye inaan
dawladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray dawladdii kacaanka ka dib arrimaha
amniga oo qudha loo igman ee waddanka dhibta ka jirta oo dhan ayay ahayd inay
maareeyaan. Nasiib darro taasi ma dhicin kuligoodna waxay gabeen hawsha shaqo
abuurka ummadda gaar ahaan dhalinyarada oo xasiloonida qayb weyn ka qaadan lahayd.
Sidaa ayaa jiilba jiil ku soo gaadhay oo safka shaqo la’aanta gadaal ka soo qabsaday. Shaqo
abuur la’aantu waxay ka mid tahay mushkiladhaha ugu waaweyn ee dhalinyarada maanta
haystaan. Welina waxay u egtahay in arrintaa laga cago-jiidayo.
Isku soo duuboo dawladda ayaa looga fadhiyaa inay shaqo abuur xoog leh samayso oo
weliba si dhakhso u samayso. Waayo sida hoos ku qoran hore ayaa arrimahan loo
sameeyay waana lagu guulaystay.
Taariikh dib u dheehasho mudan
Waxaa xusid mudan in dawladdii dhexe ee dhacday 1991kii ay waddanka ka hirgelisay
shaqo abuur la yaab leh oo ayba yarayd in la helo qof dhalinyaro ah oo shaqo la’. Xitaa
ilmaha fasalka 8aad ka soo baxa waxaa laga dhigi jiray macallin (PP ah oo) wax ka dhiga
dugsiyada hoose; kii fasalka 12aad ka baxana ama jaamacad buu geli jiray ama shaqo ayaa
dawladdu siin jirtay. Kii jaamacad dhamaysta oo takhasus raba inuu sii watona dibedda
ayaa dawladdu u diri jirtay markuu soo noqdono shaqadiisu miiska ayay u sii saarnayd oo
dawladda u sii diyaarin jirtay.
10
Waxaa la yaab leh waxbarashada qofka laga soo bilaabo fasalka 1aad ilaa jaamacadda
heerka ugu sarreeya waxay ahayd bilaash oo qofka waxbaranaya shillin lama weydiin jirin.
Dawlo ayaa arrimahaa dhabarka u ridatay sidaa ayaana soomaali badani ku aflaxday. Xitaa
ilaa heer ah in reer miyigii la baro sida wax loo akhriyo waxna loo qoro ayay gaadheen
nimankaa askarta ah ee waddanka xukumi jiray. Runtii waxay ku talaabsadeen arrimo
badan oo la yaab leh laguna xusuusan doono kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inay
dhalinyaradii u jiheeyeen si la yaab leh oo farsamo ku dheehan tahay dhalinyaro badanina
ka faa’idday jiheentaa loo sameeyay.
Dhalinyaradii soomaaliyeed ee ugu badnaa uguna aqoonta badnaa waxay barteen xiligii
dawladdaa kacaanka; jaamacadaha, dugisyada, isbitaalada, wershadaha, waddooyinka
waddanka isku xidha waxaa sameeyay oo ku faro-yareestay dawladdii kacaanka. Afka
soomaaligana iyadaa qortay oo hirgelisay. Isboortiska iyo fanka soomaaliyeedna waxay
hana-qaadeen intii dawladdaasi jirtay. Hadday dawladdii kacaanku samaysay guulahaas
oo dhan, waxa cad in dawlad kasta ay samayn karto intaa iyo in ka badan. Waxa loo
baahan yahay waa karti, daaacadnimo iyo qorshe cad lagu haw-galo.
Waxaana iyana xusid mudan in marna laga tegoi karin in dawlad kasta oo dunida jirtaa
hadday awood leedahay iyo hadday taag-daran tahayba uu waajib ka saaran yahay inay
shaqo u abuurto dadkeeda, gaar ahaan dhalinyada waayo waxay fahmeen in waddanka
aayahiisu uu ku xidhan yahay dadkiisa ee aanu ku xidhnayn kheyradka ku duugan
dhulkooda iyo inta u le’eg yahay toona.
Haddaba dawladihii ka dambeeyay dawladdii kacaanka maxay dawladdaa kacaanka ugaga
dayan waayeen waxyaabihii fiicnaa ee kacaanku waddanka ka qabtay, haddii kale maxay
dawladahaa kale dambeeyay iyagu fikir u keeni waayeen oo ummadda shaqo ugu samayn
waayeen?
11
Maanta umadda soomaliyeed gaar ahaan dhalinyarada waxaa haysa shaqo la’aan aan
xad iyo baaxad toona lahayn. Waxay u baahan yihiin waa shaqo; uma baahna balanqaad
aan meela gaadhayn. Dawladda ayaana looga fadhiyaa shaqo abuurka.
1.2 TABABARRO XIRFADEED LA’AAN
Arrinta kale ee shaqo la’aanta qayb libaax ka qaadatay waa iyada oo aanay jirin
tababarro–xirfadeed oo la siiyo dhalinyarada taas oo wax weyn ka tari lahayd shaqo
la’aanta maanta taagan. Caqli gal ma aha in dhalinyarada ay wada barato ECONOMICS,
BUSINESS ADMINISTRATION iyo ICT (computer science) mana jirto cid shaqo siin karta
intaas oo qof oo isku wax soo bartay jaamacadahuna way iska wadaan koorasyadan haddii
shaqo lagu helayo iyo haddii kaleba.
‘Dawlad wada karaani ah dunidaba ma joogtee; iyana waa tabaalaha aduunyada taynu maanta
aragnaaye’ Xaaji Aadam Af Qalooc
Sidaa xaajigu inoo sheegay 1960dii arrintu waxay ku macdahay oo kheyr badan loogu
tegayaa in dhalinyarada la jiheeyo oo farsamada gacanta lagula dedaalo. Noloshu shaadh
cad iyo xafiis la fadhiisto oo kursiga la isku wareejiyo way ka weyn tahay siyaabo badan
baana nimcada Ilaahay lagu gaadhi karaa. Nin farsamo yaqaan ah shaqo ma waayo oo
gacmihiisa ayaa ilaahay u barakeeyaa. Waa muhiim in dawladdu samayso machaddo fara
badan oo lagu barto farsamooyinka gacanta kuwaas oo aad uga fursad badan
shahaadooyinka laga soo qaato jaamacadaha. Sidaa ayaa shaqo la’aanta xun ee maanta
waddankeena ka taagan lagu yarayn karaa.
Sidaa darteed, waxaa wanaagsan shaqo la’aantana lagu yarayn karaa in dhalinyarada la
baro xirfado sannad ama laba sanno ah oo ay ku shaqaystaan oo xitaa suuqa ay kaga
12
shaqaystaan haddii ay dawlad iyo hay’ado wax ka waayaan. Waa arrin mudan in siday
tahay loo qiimeeyo qaddarinteedana la siiyo laguna dhaqaaqo si shaqo la’aanta xad-
dhaafka loo furdaamiyo.
Arrinta oranaysa wax walba ha loo dhaafo shrikadaha gaarka loo leeyahay (private sector)
waa ‘adhax ka jab’ sidiisa ah mana aha fikir lagu liibaanayo oo umaddan kheyr u
horseedaya. Waddamada Laatin Ameerika ayay ahaayeen kuwii 1990madii lala jiidhay
fikirka ku qotoma qiirada hawaawiga ah ee loo yaaqaan ‘Privatization, privatization,
privatization’. Tii ka dhacday iyo halaaggii ay fikraddaasi u horseeday reer Latiin Ameerika
waaba la ogaa. Sidaa darteed, uma baahnin wadiiqooyin hore loogu fashilmay inaynu sii
raac-raacno maadaamaa waxbarashada dhalinteena iyo horumarinta ubadka
waddankeenu ka weyn yahay wax lagu aamino dugsiyo iyo jaamacado gaar loo leeyahay
oo faa’ido doon ah. Waxbarashada dhalinteena iyo ubadkeena waa waajib dawladeed
waana la samayn karaa haddii niyad wanaag, dhiiranaan iyo waddaninimo la isla helo
daacadnimadana la badiyo.
1.3 Qabiilkii oo Aqoontii ka Xoog Weynaaday:
Shaqo abuurkii umaddu sugaysay wuxuu isu rogay hab qabyaalad iyo garab ah taasoo
keentay in qofkii qabiilkiisu awood leeyahay oo keliya uu xaabsado wuxuu xaq u leeyahay
iyo waxaanu u lahaynba. Waxaad arkaysaa xarumo dawladeed oo dadka ka hawl-gala
boqolkiiba 90% ay ka soo jeedaan hal qabiil, waxaadna dareemaysaa dadkaa qabiilka lagu
hawl-geliyay inaan qaarkood aqoonba lahayn ee ay magac qabiil lagu keenay waxayna
arrintaa yaq-yaqsiga leh kuu iftiiminaysaa in qabyaaladdu sideedaba ay indho la’dahay oo
caqligiina dooni laga saaray.
Dadkaan la hadlayaan lahayn dux iyo iimaanee ….. Dugsi ma laha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Cabdulaahi Suldaan Timo-cadde
13
Alla ha u naxariistee marxuum Cabdulaahi Suldaan Timo-cadde konton sannadood ka hor
ayuu ummaddan qaylo iyo gubaabo kala dhex kacay markuu arkay cawaaqib xumada ay
qabyaaladdu keento. 55 sannadood ka dib waxaynu aragnaa in qabyaaladdii Cabdulaahi
Suldaan Timacadde ka hadlayay ayba sii taraqaysay oo baalal yeelatay. Wax qarsoon ma
aha in maanta qabyaaladdii ay marayso heer aad u xun oo keentay inaan lala gabbanba
oo aan laga xishoon waxayna noqotay wax lagu xaragooda (fashionable trend). Si kale
haddaynu u dhigno aqoontii waxaa ka xoog-weynaaday QABIILKII oo noqday dulmiga
ugu weyn ee maanta lagu hayo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaad arkaysaa xafiisyo dawladdeed oo u ekaaday xarumo qabiil waxaana caado
noqotay in marka ma’suuliyiinta qaarkood meel loo dhiibo ay dareeriyaan shaqaalihii ay
xafiiska ugu yimaaddeen kuna soo beddelaan qaar reerahooda ah. Cid la xisaabtanta
mas’uuliyiinta sidaa u dhaqmaya ma jirto, taasina waxay sii dhiiri-gelisaa in eexdii iyo
qabyaaladdii ay sii bararto oo dadkii sidaa xaqdarada ah u wax waday ayba isu qaataan
inaanay wax dembi ahba gelin.
Waxaa jira dad shaqadoodii si qabyaaladaysan lagaga eryay iyadoo lagu yiri ‘adigu reer
hebel baad tahay’ ee iska tag ama qaar loogu diido shaqo hab qabiil ku salaysan oo lagu
yir ‘wasiir hebel baa reerkiina ah ee u tag’. Shaqooyinka qaar lama baahiyo ee si hoos ah
ayaa loo siiyaa cid ka tirsan reeraha qaarkood. Kuwa la baahiyona baahintaasi macno
weyn ah kuma fadhido ee waa qiiq-isku-qarin. Halkaa ayuu fawaaxishka qabiilku maanta
marayaa. Sidaa ayaana dhalinyaro badan xaqeedii lagu duudsiiyay, caddaalad daraduna
cirka ayay isku shareertay. Arrimahaasi waxay markhaati u yihiin heerka caddalaad
xumada maanta waddankeena ka jirta waxayna inoo tilmaamaysaa in waddanku mar
labaad dumi karo haddaan si deg-deg ah arrimahaa wax looga qaban.
14
Nasiib darrada ugu weyn ee meesha taalaa waa iyadoo aan la hayn madax dawladeed
ama xubin baarlamaan ama qof ilaahay ka xishooda oo mar keliya ka hadla arrintan
foosha xun iyaadoo la wada oogsoon yahay inay wax aad u xun tahay in qof miskiin ah oo
shaqo doon ah shaqada loogu diido hab qabyaalad xambaarsan ama lagagaba eryo
shaqadii uu haystay. Aamusnaantaasi waxay keentay in dulmigii uu sii fido oo uu noqdo
gafane xaq darro ku naax ah oo geeso leh.
Arrinta shaqo la’aantu waa arrin aad u xasaasi ah (ticking time-bomb) oo aan la
dhayalsan karin una baahan in loo maareeyo si habsami ah oo caddaalad iyo daacadnimo
ku jirto loona dhiibo hawshaa dad aqoon u leh daacadna ah.
Waxbarasho la’aantii oo sare u kacday: Waxyaabaha kale ee shaqo la’aantu keentay
waxaa ka mid ah in carruur badan ay waalidkood ka bixin kari waayaan kharashkii
waxbarashada sidaana uu ilmihii waxbarsho ku waayo jahlina uu ehel u noqdo taas oo
aayaha qofka iyo kan waddankaba u xun.
Ajnebiga oo mudnaanta la siiyo: Waa wax lala yaabo laakin waa wax maalin walba dhaca.
Dhalinyaradu waxay is weydiinayaan ‘maxay ku dhacday in annagoo shaqo la’ dad laga
keeno Kenya, Ethiopia iyo Yururb oo weliba lacag aad u fara badan la siiyo. Aaway habkii
dawliga ahaa ee noo hiilin lahaa?’ Waa war xaqiiq ah oo 20kii sannadood ee u dambeeyay
dulmi weyn u geystay dhalinyaradii soomaaliyeed. Raggaa la soo waariday qaar badan oo
tacbaaniin ah oo aan wax weyn aqoon baa ka buuxa laakin waxay gashan yihiin shaadh
been iyo buufis ah oo la yiraahdo ‘Expert Expatriate, oo la macno ah khabiirkii ajnebiga
ahaa’ walow khabiirnimadaa la sheegayo aanay wax sidaas u sii buuraniba kaba jirin
markaad u kuur gasho arrintaa.
15
Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalmiga ahba gardarro halka ay gaadheen
waxay ku hadaaqaan ‘somali rate iyo expatriate rate (qiimaha soomaalida la siinayo iyo
kan ajnebiga la siinayo)’ waa yaabe sowtii ay ina lahayeen hay’adahani dunida cidna lama
cunsirayadayn karo. Waxaad mooddaa in Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa
caalmiga ahba sheekadoodu tahay ‘la jiifiyaana banaan’ in laga yeelona ma aha sheeko
xariirkaa ay wadaan qolyahani waayo sheekdani waa mid ku salaysan in dhalintii
soomaaliyeed xaqeedii la duudsiiyo.
1.4 Musuq-maasuq Baahsan oo Aafeeyay Waddanka:
Waxa kale oo dhalinyaradii iyo dadkii kale ee lala kulmay intii wada-tashiyadu socdeen ay
ku cel-celiyeen in musuq-maasuqa yahay mid ka mid ah tiirarka halaagga ah ee keenay
shaqo la’aanta dhalinta haysata iyagoo sheegay in hay’adaha dawladda oo dhan uu aad u
aafeeyay musuq-maasuq xadh-dhaaf ah.
Ka-qayb-galayaaasha qaarkood ayaa waxay ka dhawaajiyeen in New_deal_kii lagu bixiyay
lacago aad u badan ($2.4 Bilyan) oo loogu talo galay in loogu sameeyo dhalinta 50,000
(konton kun) oo shaqo, hase yeeshee aan la garanayn meel ay lacagtaasi ku dambeesay,
dawladdiina ay weli leedahay wax yar baa lacagtaas naga soo gaadhay. Waxaa kale oo
intii kulamadaasi socdeen la isla soo qaaday in 2013kii xabsiga dhexe ee Muqdisho loogu
deeqay lacag badan oo loogu talo galay dayac-tir in loogu sameeyo laguna balaadhiyo
xabsiga. Hase yeeshee, wax weyn oo iska beddelay ma jiraan xabsiga dhexe xaaladdiisuna
sidii ayay u xun tahay. Waxaa iyana murugo leh in maanta dunida oo dhami ku tilmaanto
inay Soomaaliyaa tahay waddanka dunida ugu musuq-maasuq badan (eeg warbixintii
Transparent Group).
Waxa kale oo la yaab leh in Qaramada Midoobay iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah ee
ka shaqeeya Soomaaliyaa ay noqdeen kuwo musuq-maasuqa iyo is-daba marinta caado
16
ka dhigtay si badheedh ahna u lunsada wixii ummaddan tabaalaysan loogu soo dhiibay.
Mushkiladda ugu weyn ee ku dhiiri-gelisay hay’adahaa inay sidaa u dhaqmaan waa iyadoo
dawladdii aanay marnaba haba yaraate la xisaabtamin hay’adahaa, la xisaabtankaa oo ah
mid dawladdu xaq u leedahay maadaama ay waddanka dawladdu xukunto. Ciddii xaqa
masaakiinta ku takri fashana in mar hore albaabada loo laabo ayay ahayd welibana xabsi
loogu daro. Nasiib darro talaabadaa lama hayo musuqii hay’adaha Qaramada Midoobay
iyo kuwa caalamiga ahba sidii ayuu u socdaa. Waa in la dabagalo Qaramada Midoobay
iyo kuwa caalamiga ahba lana ogaado halka ay baxday lacagtii loo soo dhiibay.
Arrimaha kale ee qayb ka qaatay dhibaatadaa shaqo la’aanta ah haysata dhalinyarada
waxaa ka mid ah:
Tayada waxbarashada waddanka oo aad u liidata
Dhalinta oo aan is abaabulin iyo weliba dhalinta oo aan isku xidhnayn oo gidaar QABIIL
la yiraahdo lagu kala xidhay.
Yasid la yaso dhalinyarada maadaama aan loo oggolayn inay ka qayb-qaadato
siyaasadda dalka.
1.5 DHALINYARADA U BAAHAN ADEEGYADA GAARKA AH:
Dhalinyarada u baahan adeegyada gaarka ah way la qabaan dhalinyarada kale ee
Soomaaliyeed dhibaatooyinka haysta oo dhan. Laakin dhalintani waxaa intaa u sii dheer
inay haysato duruuf u gaar ah oo ay kaga duwan yihiin dhalinyarada inteed kale: waxay u
baahan yihin adeeg gaar ah maadaamaa ay yihiin dad indho la’ ama dhego la’ ama naafo
ah. Dhalintani ma awoodan inay tagaan meel kasta oo ay u baahdaan mana awoodaan
inay wax ku bartaan dugisyada caadiga ah dhalinyarada kale wax ku bartaan. Sidaa
darteed waxaa dhalintan haysata culays iyo darxumo badan maadaamaa aanay haysan
adeegyadii aasaasiga ahaa ee lagama maarmaanka ahaa sida waxbarasho, gar-gaar
caafimaad, hoy iyo xarumo ay ku hawl-galaan, ulihii ay ku socon lahaayeen, waddooyin u
17
gaar ah oo ay maraan, qalabkii ay wax ku baran lahaayeen (praille equipment) iyo meelo
ay ku ciyaaraan.
Intaa waxaa u dheer dhalinyaradaa cunsiriyad lagula kaco waxaana jirta in had iyo jeer
bulshadu faquuqdo hadday ahaan lahayd xag shaqo iyo xag waxbarasho iyo xag xuquuq
kaleba. Waxaa jirta in bulsho-weyntu yasto dadkaa walaalaheen ah oo xitaa maah-
maahyo been ah loo samaystay.
Xarumihii ay dhalintaasi lahaayeen ee ay ku hawl-geli jireen wakhtigii dawladdii kacaanka
waxaa maanta haysta dad dadkaas oo leh ‘annagaa iska leh meeshan’. Ma jirto wasaarad
qudha oo uu ka shaqeeyo qof ka mid ah dhalintaa baahiyaha addeegga gaarka qaba mana
helaan dhalintaasi xaqii ay dawladda iyo dadweynaha ku lahaayeen. Sida ay noo sheegeen
dhalintani 3 wasaaradood ayay ahayd inay la shaqeeyaan dadka adeegga gaarka ah u
baahan kuwaas oo kala ah: Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo
Wasaaradda Arrimaha Bulshada. Nasiib darro, wasaaradahaasi ma laha agaasimayaal
isku xidha wasaaradahaa iyo bulshada u baahan adeegga gaarka ah.
Dhalintani ma heelaan naxariistii ay ka filayeen shicibka Soomaaliyeed gaar ahaan
ixtiraamka waddooyinku ma jiro maadaama qofkii indhaha la’aa ama kii curyaanka ahaa
aan laga leexanayn gadhigana laga joojinayn ama dushaba laga marayo. Sida adduunka
kalena, dhalintani ma haystaan waddooyinka qofka indhaha loogu talo galay waayo
waddankaba kama jiraan waana wax muhiim ah oo noloshooda wax weyn ka beddeli
lahaa madaama aanay dadkii waddooyinkan kale uga leexanayn. Dhalintani way haystaan
ushii laakin waxaa ka maqan waddooyinkii loogu talo galay ushaa lagu adeegsado.
Mid ka mid ah dhalintaa ayaa yiri :-
Bulshada macaamilkeeda waa adag yahay waayo dadka badankiisu waxay aaminsan yihiin inaan
qofka naafada ah waxba qabsan karin. Shaqo haddaad weydiisatidna wayba kula yaabayaan.
18
Weliba dawladda waxaa ka sii daran shirkadaha gaarka loo leeyahay (private companies) waayo
iyaga waxaaba ku adag inay ku dhegeestaan.
Macalin wax ka dhiga dugsiga dhalinyarada u baahan adeegyada gaarka ah isla markaana isaga
lafiisu ah dadka adeeggaa gaarka u baahan ayaa isna intaas ku daray kelmadahan soo socda: ‘Mar
haddii aanad ku qeexnayn dastuurka macnaheedu waa ma jirtid.’
- Mid ka mid ah dhalinyaradaa ayaa yiri
- ‘Dadka Dawladda arrrimaha dhalinyaradan u qaabilsanna maalin walba dugsiga ayay hor
maraan weligoodna ma soo gelin dugsiga gudihiisa.’
- March 23, 2015: Madaxweynaha ayaa maalintaa sheegay in dadka u baahan adeegga
gaarka ah loo samayn doono agaasime u gaar ah oo fadhiya Madaxtooyada. Hase
yeeshee weli wax la hirgeliyay ma jiraan haba yaraatee.
- Oct. 9, 2015: Maalintan Dawlada Soomaaliya waxay saxeexday heshiiska caalamiga ah
ee Naafada (International Convention for the Rights for Disable). Laakin arrintu saxeex
ayuun bay ku egtahay mana jiraan wax arrintaa la xidhiidha oo dawladdu hirgelisay
intii ka dambeesay saxeexa heshiiskaa.
Dad kale oo dhalintan dhibaataysan wax u qabtay ma jiraan in kastoo dad badani u
yimaaddeen waraysiyona ka qaadeen haddana waraysiyadaas waxba kama soo noqon.
19
Saamaynyta Guud ee Shaqo La’aanta:
Isku soo duuboo cawaaqib xumooyin aad u fara badan ayaa laga dhaxlay shaqo la’aantii
kuwaas oo noqday kuwo ma-hadhaan ah dadkii iyo dalkiina khasaare ba’an gaadhsiiyay.
Waa marka horee waxaa laga dhaxlay shaqo la’aantii in qaar dhalinyarada ka mid ah ay
ka faa’idaystaan maganna u noqoto dad aan dantooda wadin oo si xun u adeegsaday
dhalinyaradaa maran-habaabina weynna ku sameeyay dhalinyaro badan iyaga oo ka
faa’idaysanaya baahida shaqo la’aanta ah ee dhalintaa la soo gudboonatay. Waxaa ka mid
ah kheyr laawayaasha dhalinta sidaa u adeegsaday hoggaamiye kooxoodyo, ururo si
khaldan diinta u tarjuma, horjoogayaal qabiil, iyo siyaasiyiin aan u naxayn dhalinyarada
oo danahooda gaarka ah ku fushada. Kooxahaasi waxay geyeysiiyeen dhalinyaradii
dhibaatooyin ma hadhaan ah oo god dheer ku riday mustaqbalkii dhalinyarada waayo
dhalinyaradii waxay ka dhigeen:-
Qaar dilaa ah oo aan waxba ka xishoon cidnana u nixin,
Qaar xabsi ku abaadan oo isugu jira qaar aan wax cad lagu hayn balse ay ku xidhan
yihiin TUHUN iyo qaar dembiyo cad lagu hayo
Qaar tahriiba, iyo
Qaar waasha oo ay la soo derseen xaalado caafimaad darro ah gaar ahaan cudurka
dhimirku oo maanta heer aad u xun maraya dhalinyaro badanina la il-daran yihiin
cudurkaas oo ay keenay shaqo la’aanta iyo ammaan darada haysata dhalinyarada..
TALO BIXIN:
Dawladdu waa inay bilowdo hab ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinka haysta
dhalinyarada waana in dawladdu qorshe cad la timaaddaa oo ah inta qof ee ay
sannadkiiba shaqo siinayso.
Waa in la sameeyo hay’ad ka madax-banaan dawladda oo eegta sida dawladdu
shaqada u bixiso iyo inta qof ee sannadkiiba dawladdu shaqo u abuurtay.
20
Waa in dhalinyarada shaqo loo abuuro waana inay shaqada u sinnaadaan
dhalinyaradaasi oo qabyaaladda iyo qaraaba-kiilka shaqooyinka lagu bixinayo la
joojiyo. Hay’adaha gaarka loo leeyahayna waa in lagu khasbo inaanay qabyaalad wax
ku shaqaalaysiin karin. Waa in dhalinyarada shaqooyin laga siiyaa dhammaan
hay’adaha dawladda.
Dawladdu waa inay hawl walba u dhiibta dadka aqoonta u leh oo si xaq loo siiyo iyadoo
aan reer hebelnimo loo eegayn.
Waa in la tayeeyo waxbarashada dalka gebi ahaanteedaba.
Waa in la sameeyo dugsiyo soo saara dadka farsamo yaqano ah waddanka oo dhanna
waa in laga dhisaa dugsiyadaa si ay shao la’aantu u yaraato.
Waa in dhalinyarada loo sameeyo dakhli abuur (income generation).
Waa in hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobayna lagu khasbaa inay si
caddaalad ah dhalinyarada shaqada u siiyaan isla markaana ay joojiyaan dadka
ajnebiga ah ee ay shaqo walba dibedda uga keenayaan iyo sheekadan cunsuriyadda
ku dhisan ee oranaysa ‘somali rate and expatriate rates’
Waa in waxbarasho bilaash ah loo abuuro ubadka Soomaaliyed.
Waa in la xoojiyo Isboortiska waana in la soo celiyo ciyaarihii gobolada
Waa in la xoojiyo fanka, suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortisku waa inay xidhiidh joogto ah la yeelataa
ururada dhalinyarada ee waddanka ka jira waana inay wasaaraddu ka taageertaa
ururada dhalinyarada waxyaabaha u baahan yihiin isla markaaana samaysaa waax u
gaar xidhiidhinta ururada dhalinyarada.
DHALINTA QABTA BAAHIYAHA GAARKA AH
Si loo daboolo baahida dhalinyarada adeegyada gaarka ah u baahan, waa inay
Dawladda iyo Baarlamaanku si deg-deh ah u soo saaraan una dhaqan-geliyaan
siyaasad ka tarjumaysa dhammaan baahiyaha dhalinyaradani u baahan yihiin.
21
Waa in dhalintan loo dhisaa maktabad weyn oo wax lagu akhristo; waana in dhalintan
la siiyo gargaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Waa in Xarumihii hore ee ay lahaayeen dhalinyarada adeegyada gaarka ah u baahan
loo banneeyo oo looga saaro dadka ku jira.
Waddooyinkii ay mari lahaayeen dhalinyarada (ama dadka) indhoolayaasha ah waa in
la sameeyo.
Waa in wasaarad kasta iyo hay’ad kasta uu joogaa qof ka mid ah dadka adeegga gaarka
u baahan si uu ugu doodo xuquuqda dadka isaga la mid ah waana in xafiis walba oo
dawladeed lagu sameeyo meelo ay maraan baabuurta dadka curyaamiinta ahi wataan
maadaama aanay jaran-jarooyin kori Karin.
Waa in la dawladdu soo saartaa sharci adag oo dhigaya inay dhalinyaradani ka mid
noqoto golayaasha qaranka sida wasiirada iyo xildhibaanada.
Waa in la sameeyo wacyigelin balaadhan oo ku aaddan dhammaan dadka iyo
dawladda soomaaliyeed oo ka hadlaysa xuquuqda dadka u baahan adeegyada gaarka
ah iyo ixtiraamka ay umadda ka mudan yihiin.
Waa in xuquuquda dhalinyarada adeegyada gaarka ah u baahan lagu daraa dastuurka.
Waa dawladdu u baadi doonto dhalinyaradaa u baahan adeegyada gaarka ah qalabkii
iyo muqararaadkii ku qoraa afka loo yaqaan PRAILLE oo loogu talo galay
dhalinyaradan.
Waa dugsiyada iyo jaamacadaha lagu amraa inaanay waxbarasho u diidi karin qof ka
tirsan dhalinyarada adeegyada gaarka ah u baahan waana in la soo saaraa sharci
xaaraan ka dhigaya in la faquuqo dhalinyaradaa.
22
2. AMMAAN DARRO IYO CADDAALAD XUMO:
Marka xagga amniga dhalinyarada laga hadlayo waxaan shaki ku jirin in qaar badan oo
ka mid ah dhalinta maskaxda laga xaday loona adeegsado falal amni darro ah oo ay soo
abaabulaan kooxo dhalinyarada baahideeda ka faa’idaysta. Dawladdu wixii dalka khal-
khal gelinaya inay wax ka qabato xaq ayay u leedahay isla markaana xaq ayay dawladdu
u leedahay inay xabsi kaga riddo ummadda wixii dhibaataynaya.
Hase yeeshee waxaa hadda muuqata in hawsha niyad wanaagga ahayd ee dawladda ee
ku saabsanayd inay ummadda ka qabtaan wixii hagardaamo wada ay wax ka khaldameen
oo wax aan loogu talo gelin ay meeshii ka soo baxeen. Waxaa marar badan dhacda in
marka dhibaato dhacdo hay’adaha amnigu ay xaafadaha iyo jidadka ka soo qabtaan
dhalinyaro badan iyaga oo aan wax cad ku hayn dhalinyaradaa kuna socda TUHUN. Waxaa
lagu guraa xabsiyada halkaas oo ay ku jiraan muddo dheer iyadoo aan wax maxkamad ah
la hor keenin. In TUHUN keliya qof lagu xidho maxkamadna aan la hor geyn muddo
dheerna xabsiga lagu hayo waa mid maanta wax caadi ah ka noqotay xabsiyada dalka.
Mid ka mid ah dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba oo la xidhay:
‘Anniga waxaa la i xidhay 7 habeenimo musqulna waxaa la ii ogolaaday 9kii subaxnimo
oo dambe. Markaan iri war nin indho la’ baan ahayna waaba la igu qoslay oo la igu yiri
inaad sidaa ka fakatid baad rabtaa meesha la iga qabtayna waa gurigii aan deggenaa
waxaana la igu eedeeyay inaan ahay Shabaab. Laba maalmood ayaana sidaa ku xidhnaa.
Runtii si xun oo dadnimada ka baxsan ayaa la iila dhaqmay mana aan filayn in waxaas oo
kale igu dhacayaan oo weliba waddankaygii igaga dhacayaan.’
23
Ninkaa dhalinyarada ah ee tabaalaysan waad aragtaan wax qabsaday iyo sida xun ee
loola dhaqmay. Haddaba boqolaal kale oo sidaa loola dhaqamo oo weli xabsiga ku jira
ayaa jira cid u gargaartna la’.
Waxaa intaa weheliya in xabsiyada dhalinyarada lagu xidho ay yihiin kuwo aad u liita
marka laga hadlayo dhinaca cuntada, biyaha, hurdada, daawada, iyo weliba habka
maxaabiista loola dhaqmo oo aad u liita. Xabsiyada waxaa ka taagan cunto xumo iyo
macaluul aad u xun oo haysata dhalinyarada xabsiyada ku jirta. Taasi wxay keentaa in
dhalinyaro badan oo xabsiyada ku jiraa ay ku dhacdo nafaqo-darro aad u xun, cuduradana
ay u nuglaadaan. Hadday xanuunsadaana ma helaan daawo iyo daryeel toona. Biyo ku
filan ma helaan dhalinyarada xabsiyada ku jira.
Musqulaha Naxdin leh: Xaaladda musqulaha xabsiyada waa mid aad u liidata oo
bani’aadanimada ka baxsan. Tusaale ahaan, hadduu qofku musqul u baahdo waa inuu
xoog albaabka u garaaca waana inuu muddo aad u badan garaacaa. In askartu qofkaa
garaacaya albaabka ka furto iyo in kale waxay ku xidhan tahay hadba askariga wakhtigaa
joogaa sida xaaladdiisu tahay (inuu faraxsan yahay iyo inuu cadhaysan yahay). Mararka
qaarkood waxaaba dhacda in dadku meesha ay seexanayaan ku kaadshaan ama ku
saxaroodaan. Cuduro aad u xun ayay khatar ugu jiraan dhalinyarada xabsiyada ku sugani
haddii aan xaaladda xabsiyada si deg-deg ah wax looga qaban. Sidoo kale waa in la joojiyo
dhalinyarada tuhunka lagu soo xidhayo si dadku xabsiga uga kala yaraado .
Xabsiyo buux-dhaaf ah: Intaa waxaa dheer in meelaha la seexdaa aanay lahayn gogol lagu
seexdo oo shamiitadu gogol tahay waana meel yar oo cidhiidhi ah, mana laha meelahaasi
dariishado ay hawadu ka soo gasho taasoo ay ka dhalato caafimaad xumo xag jismi iyo
xag maskaxeedba ah.
24
Jidh-dil: Waxaa maxaabiis badan loo geystaa jidh-dil sidaa ayaana dhaawac xagga jidhka
iyo xagga maskaxda ahiba ku soo gaadhaa. Maxbuus il laga soo tuuray ayaa isna laga
sheegay intii kulamadu socdeen. Dhalinyarada jidh-dilku ku dhaco ma helaan gar-gaar
caafimaad, cunto, iyo biyo ku filan.
Dembilihii waa la sii daayay!
Xogta la soo ururiyay intii lagu gudo jiray wada-tashiyada waxay tibaaxayaan in mararka
qaarkood ay dhacdo in inta qofkii dembiga galay laaluush lagu sii daayo isla markiiba qof
dhalinyaro ah oo aan dembi gelin waddooyinka laga soo qabto oo lagu sheego inuu yahay
kii dembiga galay sidaana qof aan wax galbasan lagu xidho muddo dheer, qaarkoodna
tiirka la geeyo oo la toogto. Waxaa dhacday boqolaal goor in dhalinyaro imtixaan ku
socda la iska qabtay oo xabsi la geeyay muddona lagu hayay xabsigaa iyadoo waxaa markii
horeba lagu xidhay uu ahaa tuhun.
Dhibaatooyinka Dumarka u Gaar ah:
Gabdhihii xabsiyada ku jiray ma helaan waxyaabihii ay u baahnaayeen marka ay caadada
helaan. Taas oo khatar gelisa caafimaadkoodii oo markii horeba nafaqo darro, wel-wel iyo
murugo wiiqday. Waxaa intii daraasaddani socotay na loo sheegay inay jiraan gabdho
cudurkii loo yiqiin isnadaamisku uu ku dhacay oo xabsiga ku jira lana il-daran cudurkaa
isla markaana aan hayn cid u gar-gaartaa. Cudurkaasi xawliga uu ku fido iyo dhibta uu
qofka gaadhsiiyo weynu wada naqaan. Gabdho badan ku waashay intay xabsiga ku jiray.
Waxaa ka mid ahaa hadaladii dadka ka soo qayb-galay kulamada
$3 million ayaa 2013 la bixiyay oo la siiyay xabsiga dhexe wax lagu qabtayna ma
jirto.
Hadaladii qaar ka mid ah dadkii kulamada ka soo qayb-galay:-
25
La taliyeyaasha madaxda dalku ma aha dad u war-haya dhibka dhalinta dalka haysta
waayo qaarkood 20 sannadood ayay dalka ka maqnaayeen.
Berigii hore xabsiyada waxay ahaayeen dadka lagu dhiso, laakin hadda xabsiyada waxay
noqdeen kuwo dad aan dembi gelin lagu hayo iyadoo aan wax tababar xirfadeed ah loo
samayn weliba jidh-dil loogu daro.
Dhiiri-gelin iyo maal-gelin la’aan ayaa haysata dhalinyarada.
Waxaa jira hoggaamin la’aan/hoggaamin xumo
Cidina ma daryeesho dhalinyarada
Dadka 30 sanno iyo wixii ka hooseeya maba arag nidaam dawli ah
Xeerka caalamiga ah ee maxaabiistu muxuu ina farayaa?
Xeerarka caalamiga ee maxaabiistu waxay ina farayaan in dumarka lagu xidho meel u gooniya isla
markaaana ay meeshaa ka shaqeeyaan dumar saraakiil oo aqoon leh. Waxay kaloo ina farayaan
xeerarkaasi in daryeel buuxa maxaasiibta la siiyo sida cunto, biyo, daawo, waxbarasho, dhakaatiir
gaar ah, waxbarasho. Mana ogola xeerarkaasi in jidh-dil, kufsi, handadaad, cay, hurdo la’aan,
lagula tacaddiyo maxaabiista.
Laba Muwaaddin oo Darxumada Xabsiga ka Dhiidhiyay:
Warbixin uu dhawaan qoray weriye YUUSUF GARAAD oo booqday xabsiga dhexe ee
Muqdisho ayaa muujinaysa waxyaabo aad looga naxo oo ku saabsan xabsiga dhexe iyo
maxaabiista halkaa ku sugan. Warbixinta Yuusuf Garaad waxay sheegtay in xabsiga ay ku
jiraan 1200 oo maxbuus waxaana loogu talo galay 400 oo qof. Taa macnaheedu waxaa
weeye in xabsiga lagu hayo saddex laab tiradii loogu talo galay. Taasoo keentay in
maxaabiistu kala sugaan booska yar ee shamiitada ah ee la seexanayo iyadoo qofna
seexanayo midna uu taagan yahay oo sugayo waayo xitaa meel qofku istaagi karo ma jirto.
Sida Yuusuf Garaad sheegay dhalintaa qaar baa xidhnaa 3 sannadood iyadoo aan
maxkamad la geyn. Arrintaa Yuusuf Garaad ka dhawaajiyay waa ku-tumasho xuquuq
26
bani’aadam mana jiro sharci iyo caqli oggolaanaya in qof bani’aadam ah (xitaa hadduu
dembiile yahay) saddex sanno xabsi lagu hayo iyadoo aan maxkamad caadil ahi xukumin.
Muddo yar ka horna intaanu Yuusuf Garaad warbixintaa qiimaha badan qorin ayaa Xeer
Ilaaliyaha Guud ee Qaranku booqday xabsiga dhexe wuxuuna soo arkay xaalado aan
fiicnayn aadna wuu uga xumaaday. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuuna soo saaray
QAYLA DHAAN isagoo aad uga xun tahay xaaladda xabsigaa wuxuuna sheegay inaan loo
baahnayn in dadku iska xidhnaadaan haddaan dembi cad lagu hayn
Labadaa farriimood ee ay inoo soo gudbiyeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo weriye
Yuusuf Garaad waxay ka soo baxeen laba qof oo bulshada Soomaaliyeed ku dhex leh
sumacad weedhooduna culays leedahay. Waxaa labadaa muwaaddin fikraddoodu ka
markhaati kacaysaa in xabsiyadeenu yihiin meel lagu hoogay oo dadnimo ku dhimatay.
Geesinimo, dedaal iyo waajihid la waajaho dhibka dhalinyarada haysta ayaa maanta loo
baahan yahay waayo waxaynu ka hadlaynaa xuquuq muwaadiniyiin Soomaaliyeed
xuquuqdaas oo muwaadiniintaa lagu duudsiiyay iyagoo jooga waddankoodii ayna
duudsiiyeen dadkoodii, taas oo ah wax naxdin leh oo aan sinaba loogu baahnayn inay hal
maalin oo kale sii jirto.
Ma jiro hab lagu hubinayo sida qofka loo soo xidhay waayo hadduu jiro dad badan si
khaldan looma soo xidheen muddo dheerna xabsiga kuma jireen iyadoo aan maxkamadi
xukumin. Ma dhacdeen in qof dembi galay la sii daayo mid aan galabsana la soo xidho oo
lagu beddelo kii la sii daayay ee dembiilahaa ahaa. Sidoo kale, dhalinyarada xabsiyada ku
sugani ma helaan qareen u dooda tau sameeyo.
27
Tababaro Xirfadeed: Ma jiraan waayo hadday jiraan dhalinyaro badan ayaa xabsiga ka
soo bixi lahayd iyaga oo wax la soo baray dabdadeedna way xoogsan lahaayeen.
Tuuganimo iyo falal xuna may sameeyeen lamana duufsadeen oo maskaxda lagama
xadeen
Ma jiraan xabsiyo u gaar ah dhalinyarada ee waxaa lala xidhaa dembiilayaal ka waaweyn
oo dhalinyardaa dib u soo bara waxyaabo wixii hore ka sii xun. Shuruucda addunkuna ma
oggola in carrur yaryar lala xidho dad waaweyn... Mana jiraan xarumo dhaqan-celin loogu
sameeyo dhalinyarada dembiyada gala. Taas oo keenta in ilmihii la duufsado ama uu falal
dembiya mar labaad gacanta la galo.
Yaa loo Dacwoodaa?
Niyad jabka weyn ee haysta ee dhalinyarada ku sugan xabsiyada waa iyada oo aanay jirin
cid ay u dacwoodaan oo arrimahooda danaynaysa. Dhalinyaradu waxay is waydiiyaan yaa
looga dacwoodaa caddaalad daradda baaxaddaa leh? Ilaa iyo hadda ma hayaan
dhalinyaradu cid ka naxda oo caddaalad daraada ka gubata. Dhalinyaradaasi ma hayaan
cid ay miciinsadaan taasoo mararka qaarkood keenta in qaar badan oo dhalinyaradaa ka
mid ah ay maskaxiyan wax u noqdaan iyadoo dhibaatooyinkii kale ee ay xabsiga kala
kulmaanna ay u dheer tahay aakhirkiina ay arrimahaasi badeen dhalinyaro badan inay
maskaxiyan wax u noqdaan oo caqligoodii waayaan cid ilaa garawshiiyo ku siisay
dhalinyarada dhibtaa gaadhayna lama hayo. Waxaa mooddaa inaan dhalinyaradani
lahayn waddan iyo dadba waayo dhibtani 24 sannadood ayay haysatay oo lagu
fiirsanayay.
28
XAQIIQOOYIN KHADHAADH OO KA JIRA JIRA XABSIYADA
Dhalinyarada qaarkood ayaa xidhan 7 sannadood.
Waxaa dhacda in qofkii dembiga galay inta lacag laga qaato la sii daayo, qof kale
oo la soo qabtayna lagu bedelo oo laga dhigo kii dembiga galay. Dad badan oo
arrintani ku dhacday ayaana xabsidayada ku jira. Waa arrin u baahan in dawladdu
baadho si ay u uga gun-gaadho heerka caddaaladeed ee maanta waddanka ka jira.
Dembiyada ugu badan ee lagu xidho dhalinyarada: SHABAABNIMO
Daraasad la sameeyay ayaa tilmaamaysa in 50-80% ay dhalinyaradu tahriibaan.
2.1 Dhalinyarada sida khaldan loo xidho maxaa laga dhaxlay:
Hagardaamooyinkaa loo geystay dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ku abuureen
dhalinyaradii nacayb dawladeed waayo waxay ku andacoonayaan inay waayeen dawlad
sugta xaqooda. Fikraddaasi waxay keentay inay dhalintaasi u gacan gasho dad aan dal iyo
dadtoona u naxayn oo siyaabo xun-xun u adeegsada dhalinta. Su’aashu waxaa weeye
haddii dhalintaa hab wanaagsan loola dhaqmi lahaa oo aan tuhun lagu xidheen ama
xaqooda aan la duudsiiyeen sidan ma u fogaan lahaayeen?
Waxaa cad in laga badbaadin kari lahaa dhalinyaradaa halaaggaa ay afka ka galeen
haddii si xaq ah loola dhaqmi lahaa oo wixii ay xaq leeyihiina la siin lahaa wixii dembi ay
galeena si sharciyaysan looga goyn lahaa.
2.2 TALO BIXIN
Dawladdu si deg-deg ah wax ha uga qabato dhibaatooyinka xasbsiyada ka taagan ee
dhalinyarada haysta sida tuhunka la isku xidhayo, dadka muddada dheer xabsiga lagu
hayo iyadoo aan maxkamadi xukumin, jidh-dilka; waana in dawladdu wax ka qabato
caafimaad daradda iyo daawo la’aanta, cunto xumida, biyo la’aanta, musqulo
xumaanta, buux-dhaafka ka taagan xabsiga, dadka dembiyada gala oo la iska sii
daynayo kuwo aan waxba galabsana lagu soo beddelayo.
29
Waa in uu jiraa hab cad oo sharci ah oo wax lagu xidho (arresting and detention
procedures) waana inay caddaato inta qofka lagu hayn karo xabsiga. Waa inaan qof
dembi galay la sii dayn mid aan waxba galabsana lagu beddelin.
Dawladdu waa inay xabsiyada ka sii deysaa dadka tuhunka ku xidhan ee ka buuxa
xabsiyada maadaamaa aanay jirin sabab qof muwaadin ah oo aan wax lagu hayn loogu
hayo xabsi.
Dawladdu waa inay shaqada amniga u dhiibtaa dad aqoon iyo waayo aragnimo leh
waana inay dadkaa bartaa xuquuqda muwaadinka. Dadkaasi waa inay noqdaan kuwo
ummadda oo dhan ka kooban oo reer keliya ka soo jeedin. Waana in la baraa dadkaa
habka dembiyada loo baadho (waayo qaar badan ayay muuqataa inaanay firkrad ka
haysan dembi-baadhista); waa in dadkaa amniga ka shaqaynaya laga dhaadhiciyo inay
wax aad u khaldan tahay in qof tuhun lagu soo xidho, iskaba daa xabsi bilo ama
sannado lagu hayee. Waa in ilaalin iyo daba-gal xoog leh lagu sameeyo dadka la xidho
lana baadhaa inta ay xabsiga ku jireen, waxa loo soo xidhay, in maxkamad la hor-
geeyay iyo in kale iyo weliba ciddii soo xidhay. Saraakiisha dadka iska soo xidha waa in
ciqaab adag la marsiiyaa shaqadana laga fadhiisiyaa.
Waa in ciidamada ammaanka la baro xuquuqda uu muwaadinka iyo maxbuusku
leeyahay sida inaan maxaabiista jidh-dil lagu samayn karin, loona diidi karin cuntada,
biyaha, musqusha, daawada, hurdada, meel ku filan oo uu seexdo; inaan reernimo
lagu dhaqmi karin, inaan laaluush la weyddiin karin, inaan lagu khasbi karin inuu
saxeexo wax been abuur ah, inaan xabsiga lagu hayn maxbuusna inta ka badan inta
sharciga oggol yahay iyo weliba inaan wax xadgub ah – noocuu doonaba ha ahaadee-
lagu samayn karin maxaabiista.
Sidoo kale, waa qofka loo akhriyaa wixii uu xuquuq leeyahay sida inaan jidh-dil lagu
samayn karin, loona diidi karin cuntada, biyaha, musqusha, daawada, hurdada, meel
ku filan oo uu seexdo, inaan reernimo lagu dhaqmi karin, inaan laaluush la weyddiin
karin, inaan lagu khasbi karin inuu saxeexo wax been abuur ah, inaan xabsiga lagu hayn
30
karin hadday dhaafto muddada sharcigu qorayo iyo weliba inaan si xadgub oo kale
lagu samayn karin.
Dhalinyarada xabsiyada ku xidhan waa in loola dhaqmo si naxariis iyo dadnimo leh
wixii adeeg ah ee ay u baahan yihiin xabsiga dhexdiisa loogu sameeyo.
Waa in la siiyo daawo iyo daryeel wixii ay u baahan yihiin dhalinyarada xabsiyada ku
xidhan. Waa dhalinyarada xabsiyada ku xidhan loolla dhaqmaa si bani’aadanimo ku
dheehan tahay oo aan la jidh-dilin, cuntada, biyaha iyo hawdana loo diidin. Waa in in
la dhiso musqulo ku filan xabsiyda waana inaan qofka loo diidin markuu musqul
codsado.
Xabsiyada waa inaan la buux-dhaafin inta ay qaadi karayaana aan laga badin waayo
taasi waxy keenaysaa cuduro jismi iyo nafsiba ah iyo weliba cuduro kale oo ah kuwa
faafa.
Waa in dhalinyaradu heshaa caddaalad buuxda waana in la joojiyo in dhalinyarada
lagu xidho TUHUN isla markaana waa inay meesha ka baxdo dadka xabsiyada la iskaga
xidho muddada dheer iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn.
Waa in dhalinyarada la baro xirfado ay ku shaqaystaan hadhow marka xabsiga laga soo
daayo.
Waa in la sameeyo ururo u dooda xuquuqda dhalinyarada waana in la taageero
ururadaa oo aanay dawladdu u arag kuwo iyada liddi ku ah oo wax u dhimaya. Ururada
noocan ah wanaag badan ayaa ugu jira dawladda iyo ummadda soomaaliyeedba. Waa
marka horee ururadani xuquuq dhalinyarada ayay u doodayaan maddaamaa
hay’adihii dawligu ku guul-daraysteen inay xuquuqdii dhalinyarada ilaaliyaan. Waa
mar labaade qof kasta in qof kale qiimeeyo shaqadiisa ayay ku fiican tahay, sumcadda
qofka la qiimeenayona sidaas ayaa u fiican oo kalsooni lagu qabi karaa, waayo waxaa
hubaal ah inay adag tahay in qof si daacad ah isu qiimeeyo oo si daacad ah shaqadiisa
u qiimeeyo. Waa muhiim in dawladda iyo ururada u dooda xuquuqda dhalinyarada ay
wada shaqayn yeeshaan si dhalinyarada looga samato bixiya dhibk haysta.
31
Waa in ummadda qabayaalada lagala dagaalamo haddii la rabo in waddankani
hagaago dhalinyaradana dhibta ay ku jirto laga saaro
Waa in dhalinyarada laga wacyi-geliyaa waxyaabaha aayahooda khatarta ku ah nooca
ay doonaanba ha noqdeene. Wacyi-gelintaasi waa inay noqotaa mid joogto ah oo aan
ahayn ku-dhifo oo ka-dhaqaaq waayo taasi waxba ma soo kordhinayso.
32
3. TAHRIIB
Markii ay dhalinyaradii la soo deristay shaqo la’aan baahsan, amni darro, iyo caddaalad
xumo ay weheliyaan niyad jeb iyo wer-wer ayaa waxay ku kaliftay dhalinyaro badan inay
ka tahriibaan dalkoodii hooyo oo miciin bidaan magan-gelyo iyo nolol u raadsadaan
ummad ajnebi ah maadaama ay dalkoodii hooyo ku waayeen arrimahaa aynu soo
sheegnay ayna waayeen wax ixtiraam ah, cid wax u qabata ama xitaa cid dhiiri-gelisa.
Tahriibkaasi wuxuu dhalintii Soomaaliyeed gacanta u geliyay kooxo dhiig-miirato ah
(crime syndicates) oo uu ka mid yahay orgobaha weyn ee loo yaqaan Aw MA-GAFE oo
isaga saaxibadii ku taajireen dhiigga iyo dheecaanka dhalinta Soomaaliyeed ayna u
noqotay fursad aanay weligood arkin taasoo keentay in kooxahaa budhcadda ah ay ka
xod-xotaan (ka kaxaystaan) dhalinta Soomaaliyeed magaalo iyo tuulo kasta oo waddanka
ka mid ah. Jid dheer oo dayac badan ayay dhalintaasi sii jeexaan waxayna la kulmaan
gaajo, dayac, harraad, kufsi, addoonsi, iyo dil. Saxaaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibya
waxaa wadhan oo si cad loo arkayaa lafihii dhalintii soomaaliyeed wiilal iyo gabdhoba.
Di’ibkii (yeydii) ku noolaa lama-degaankaa ayaa xitaa bartay waddooyinka ay
dhalinyaradaa muhaajiriinta ah maraan oo u sii fadhiista halkaa. Waxaa intaa dheer in
kufsigii gabdhaha soomaaliyeed lagula kaco uu noqday mid aad u fudud oo ayba ku sii
xisaabtamaan kuna tartamaan ragga cawaanka ah ee bilaa naxariista ah ee ku nool lama-
degaanka Liibya iyo Suudaan u dhexeeye (dadka loo yaqaan Badowda Saxaaraha).
Dhalintaa waxaa waddankoodi ka eryay ee ay ka cararayaan waa shaqo la’aan, amni darro
yo caddaalad xumo, rajo xumo iyo niyad jab kaga yimi xaaladda waddankooda taal. Waxay
door bideen inay is-biimeeyaan oo ama ku dhintaan tahriibtaa ama Yurub galaan. Yurub
markay galaana sidii ay wax moodayeen arrintu ma noqoto oo waxay la kulmaan faquuq,
darxumo iyo dayac hor leh waxaana ku dhaca iyo aragagax ay ka qaadaan dhaqanka
meesha yaala (Cultural Shock).
33
Waxaa nasiib darro ah in dhalintaa tahriibaysaa ay tahay kuwii aqoonta lahaa ee shaqada
ka weyday waddankooda. Ma ahayn in dad aqoon leh ay koox koox ugu dhintaan lama-
deegaanka Waqooyiga Afrika iyo badda Midhitereeniyanka mana ahayn in gabdhaha
Soomaaliyeed lagu kalifo in iyaga oo og in kufsi ku dhacayo ay haddana doorbidaan
kufsigaa si ay noloshan adag uga baxsadaan. Waxaa hubaal ah in waddan walba
da’yartiisa ula dhaqmo sida ugu fiican ee qof bani’adam ah loola dhaqmo wixii tansiilaad
iyo adeega ahna ay dawladdu u sii diyaariso intaanay uba baahan.
Qaar dhalintaa ka mid ah ayaa waxay ku andocoodaan inay u baahan yihiin inay soo
qaataan baasaboor ajnebi ah si loo ixtiraamo markay waddankooda ku soo noqdaan
iyagoo intaa raacinaya qofkii baasaboor ajnebi aha sita ay dawladda iyo ummadduba
jeceshahay waayo gabdhihii wanaagsanaa oo dhan baa daba yaacaya ninka baasaboorka
ajnebiga ah lulaya, qabiilka oo dhan baa hor-boodaya, wasiiradii iyo xildhibaanadii baa
dhinac cararaya, maal-qabeenkii baa hadba meel ula boodaya, shaqooyinkii lacagta
badnaa iyaga ayaa la siiyaa oo Hay’adaha iyo dawladduba dadka baasaboorka ajnebiga
sita ayay la taliyeaal ka dhigtaan, madaxda waddanka oo dhan iyaga ayaa la taliya in
kastoo qof waddanka 20 sannadood ka maqnaa aanu waxbaba ka talin karin. ‘Sidaa
ayaanu rabnaa innaanu noqono markaanu baasaboor ajnebi soo qaadano’ ayay ku
hataaqeen dhawr dhalinyaro ah oo u yagleelaa inay tahriib cagta ku dhuftaan goor aan
sidaa u sii fogayn.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibta waxaa la aaminsan yahay in 50% ay ku dhimato
tahriibkaa ay galaan mana jiro guri soomaaliyeed oo aan maanta laga ooyeen. Xabsiyada
Liibya ay noqdaan xeryo sidii adhigii loogu xereeyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Walow
aan tiro sax ah la hayn waxaa loo maleenayaa in 10kii sannadood ee la soo dhaafay ay
tahriibta ku dhinteen dad ku dhow toban kun oo dhalinyaro ah.
34
Waxaa taa ka sii daran oo wax lala yaabo ah in dhammaan umaddii Soomaaliyeed
(dawlad, baarlamaan, culimo, shicib, guurti) ay arrintan naxdinta leh ka yihiin
daawadayaal qiimo leh oo iska daawanaya dhibta dhalintoodii haysata iyo gabdhahooda
lagu kufsanayo lama-degaanka aadna moodidba inaan iyaga xil ka saarayn dhibtan oo
ayba sugayaan cid kale oo arrintan wax ka qabata! Taasi waxay inoo caddaynaysaa sida
ummaddii soomaaliyeed gebi ahaanba damiirkoodii u dhintay maadaama qof waliba uu
eryanayo dan yar oo aad u liidata oo hunguri iyo qabiil iyo waxaan dhaamin ku fadhida.
3.1 Maxaa laga dhaxalay tahriibta:
Baroor, murugo iyo naxdin waalidiinta Soomaaliyeed ku habstay
Cudurka dhimirka oo ku sii kordha dhalinyarada kuwaas oo ay ka mid yihiin xitaa kuwii
debedaha tegay iyo kuwa u hanqal taagaya inay tahriibaanba .
Saboolnimo hor leh oo ba’an: Tahriibku wuxuu sii kordhiyay saboolnimadii madaama
reer walba ay iibiyeen boosaskii yar yaraa ee ay lahayeen oo ay markii horeba rafaad
ku keeneen, amaba ayba deyntii ay AW MA-GAFE u direen weli lagu leeyahay maalin
walbana keena la leeyahay looguna hanjabayo in ilmahoodii qudha laga goynayo
haddanay hadda kharashka iska keenin; bal ogow oo waa ilmihii uu qoysku is
lahaayeen waxbuu idin tari doonaa markuu Yurub gaadho, waxaase in badan oo
rajadaa qabtay ay ku soo baraarugaan war naxdin iyo murugo ma guuraan ah leh
marka loo soo tebiyo in ilmahoodii uu qashay AW Ma-Gafe amabase uu lagu yiraahdo
badda ayuu ku qaraqmay ama Saxaaraha ayaa di’ib (YEY) ku cunay.
In Dawladihii iyo dadkii reer Yurubba ay karhaan qaxootiga ku soo qulqulaya
qaaraddaa (oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka mid tahay) iyadoo hadda
dawladahaas iyo dadkooduba ay u arkaan in jiritaankii waddamadoodu khatar ku jiro.
Kooxaha cunsiriyiinta oo weligoodba Yurub ka jiray ayaadba mooddaa inay iyana
beryahan dambe aad u taraqeeyeen oo awooddoodii, tiradoodii, iyo sumacaddoodiiba
35
ay aad u sii korodhay iyagoo ka faa’idaysanaya qaxooti-nacaybka beryahan dambe ka
dilaacay Yurub.
Waxaa iyana la ogaaday in guurkii uu yaraaday tahriibata awgeed.
Soomaaliyaa oo sumcaddeedii dhulka gashay duniduna la yaaban tahay sida ay u
dayacday dadkeedii, dalkeedii, iyo ubadkediiba.
1.2 TALO BIXIN
Waa in shaqo abuur xoog leh ah loo sameeyo dhalinyarada si deg-deg ahna loogu
sameeyo.
Waa in ammaanka dhalinyarada la xoojiyo waana in la joojiyo dhalinta
waddooyinka laga qabanayo oo tuhunka lagu xidhayo.
Waa inay dhalinyaradu dareentaa inay joogaan dhulkoodii hooyo ixtiraam iyo
debecsanaanna waa in lagula dhaqmaa oo si gaar ah oo naxariisi ku jirto loola
dhaqmaa.
Waa in qabyaaladda la mamnuuco dembina laga dhigo ku dhaqankeeda waayo
ilaa qabyaaladda dagaal lagu qaado waxba ma hagaagayaan. Musuq-maasuqa iyo
eexashada qabiilka salka ku haya, shaqooyinka qabiilka la isku siinayo, hiilka
indhaha la’aanta ah, deeqaha waxbarasho ee laga cabanayo in siyaabo khaldan
loo maamulo, khilaafaadka ummadda dhex yaala iyo waxyaabaha dhalinyaradu
ka cabanayso oo dhan qabyaalad baa ka mas’uul ah. Maadaamaa qabiilkii isu
beddelay SANAM la caabudo oo umaddii iyo waddankiiba ka dhigay wax aan
meelna dunida kaga tirsanayn isla markaana dib inoo riday 500 oo sannadood way
habboon tahay in isticmaalkeeda dembi laga dhigo.
Waa inaanay waalidku ka yeelin in carruurtoodu tahriibaan
Waa in la sameeyo wacyi-gelin joogto ah oo aan ahayn ku-dhifo oo ka dhaqaaq
waana in wacyi-gelintaasi noqotaa mid dhinac walba taabanaysa oo aan loo kala
hadhin.
36
37
4. CAAFIMAAD DARRO
Caafimaad darro ba’an ayaa la kulatay dhalintii soomaaliyeed intii ka dambeesay burburkii
dawladdii kacaanku ee hoyatay 1991. Walow caafimaad darrooyinka maanta
dhalinyarada haysta aan la soo koobi karin oo ay aad u badan yihiin waxaa ka mid ah kuwa
ugu waaweyn cudurka DHIMIRKA oo heer xad-dhaaf maraya.
Intii dagaalada sokeeye socdeen dhalinyaro badan ayuu ku dhacay cudurka dhimirku
taasoo ay keentay shaqo la’aanta, amaan darada, daryeel la’aanta la xidhiidha marka
qofka cudurku asiibo, caddaalad darrada joogtada ah, wer-werka iyo walaaca wada haysta
dhalinyarada iyo rajada xumada ka wada muuqata dhalinyarada. Qof kasta oo da’diisu ka
weyn tahay wuu ogyahay in cudurka dhimirku aad u yaraa wakhtiyadii 1991 ka horreesay
waana la wada ogyahay inay jireen xarumo badan oo lagula tacaalo cudurka dhimirka.
Dad badanina way ku libaaneen xarumahaa waayo daawada iyo xanaanada qofka
xanuunsanayaa ayaa bilaash ahaa.
Ma jiraan maanta goobo caafimaad oo lagu daryeelo dhalintaa xanuunadaasi la soo
derseen. In badan ayaa la arkay dhalinyaro suuqa gaaf-wareegaya oo xiska wax uga
dhiman yihiin dayac iyo darxumona ka muuqato. Magaalo kasta oo Somaaliya ka mid ahna
waa arrin ay ka siman yihiin. Ilaa iyo hadda lama hayo dawlad, shicib, culimo, guurti,
siyaasiyiin ama hay’ad (mid caalami ah iyo mid maxali ahba) arrintaa sidii looga baahnaa
uga hadlay. Waana arrintaa tan naxdinta leh waayo waxay u muuqataa inaan
dhalinyarada waddanka cidiba dan ka lahayn. Kharashka shirarka qabiilka lagu bixiyo iyo
hantida umadda ee la lunsado ayaadba mooddaa inay daawo iyo daryeel ugu filaan
lahaayeen dhalintan dayacan.
38
Waddan dhalinyaradiisii dayacay halka uu ku dambeeyo taariikhdu waxyaabo badan oo
argagax leh ayay ka dhiraan-dhirisay. Dawladaha iyo baarlamaanada dunidu waxay ku
tartamaan inay dhalinyaradooda mustaqbal wanaagsan uga tagaan.
Haddaba miyaanay habboonayn inay dawladdu xilkeeda gudato oo dadkan soomaaliyeed
ee dayacan ee aan cidina u maqnayn maadaamaa taasi tahay waajib dawladda lagu
leeyahay?
Waxa xusid mudan in cudurkii AIDS/HIV sii fidayo inanna aynu si u dhoohanahay. Waxaa
iyana bar-bar socda cudurkaa fidaya mukhaadaraadkii sida xaashiishada iyo kuwa la isku
mudoba (oo irbadaha la wada isticmaalo) ay ku soo kordhayaan waddanka haddii aan laga
gaashamana aynu arrinta meel dheer ka raadin doono.
4.1 TALO BIXIN
Dhalinyarada la liita cudurka dhimirka ah loo gurmado oo ha lala gaadho isbitaalo,
dhakhtaro takhasus ku leh arrintaa, dugsiyo, garoomo, maktabado, dawooyin iyo
wixii kale ee ay u baahan yihiin.
Dhalinyaradan inta badan waxaa cudurkan u keenay shaqo la’aan, amni darro, iyo
waxbarasho la’aan. Markaa arrimahaasna waa in si talan-taali ah wax looga qabto.
Tababarro xirfadeed ha la baro dhalinyaradaa marka la daweeyo ka dib.
Waa inaan qof maskaxda wax qaba lagu hayn xabsi
Waxyaabaha lagu madadaasho sida isboortiska ha loo sameeyo dhalinyardadn.
Waa in dhalinyaradan inta shaqayn karta dawladdu u samaysaa shaqooyin.
39
5. WAXBARASHO LA’AAN IYO TAYO-XUMO WAXBARASHADA
“Aqoon la’aani waa iftiin la’aan” maahmaah soomaaliyeed oo can-baxday
“Jahligu waa cadowga koowaad ee aadamuhu waajaho casri kasta oo uu nool
yahay, wuxuuna dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka nololeed kaga gayoodaa
amaba kaga guulaystaa hadba inta ay aqoontiisa iyo garaadkiisa gaadhsiisan
yihii”… Axmed Xassan Aqoonyahan Da’yar ah oo Soomaliyeed.
Tan iyo kolkii burburku ka dhacay dalka 1991 waxaa hoos u dhac weyni ku yimi
waxbarashadii dalka xag tayo iyo xag kaleba maadaama gebbi ahaanba ay meesha ka
baxday dawladdii dhexe ee maamulka dalka hoggaaminaysay oo hormoodka u ahayd
adeegyada bulshada, kobocii tacliinta, aqoonta umadda soomaaliyeed iyo dhammaan
horumarkii umadda soomaaliyeed gaadhay. Muddadaa ay maamulka dalka hoggaanka u
haysay dawladdaa burburtay waxaan shaki ku jirin (oo ay ka marag kacayaan dhallintii
waayadaas dalka wax ku baran jirtay) in aqoonyahankii ugu tirada badnaa ee bulsho-
weynta soomaalidu waxbarteen isla mar ahaantaana aqoonta iyo higsiga da’yarta
soomaaliyeed gaadhay heerkii ugu sarreeyay.
Hase yeeshee, intii ka dambeesay burburkii dawladdi dhexe ee soomaaliya waxaa ku
dhacay dhammaan da’yartii waddanka waxbarasho la’aan baahsan oo ay gayeysiiyeen
dhibaatooyinkaas colaadeed oo ay kala siman yihiin guud ahaan bulshada soomaalida ah.
Arrinta waxbarashadu waa laba arrimood oo is-huwan ah. Tan kowaad waa iyada oo
carruur iyo dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ay wayeen waxbarasho maadaama
colaado iyo qax dheceen qof walbana uu meel u cararay iyo iyadoo hay’adihii
waxbarashadu la dumeen dawladdii gacanta ku haysay ee dhacday 1991. Waa arrintan
waxbarasho la’aanta ah tan saamaynta xoogga leh yeelatay maadaama malaayiin carruur
ahi ay ku dhacday waxbarasho la’aan ayna sidaa ku weynaadeen iyagoo aan waxna qorin
40
waxna akhriyin dhibaatooyin badanna ay arrintaasi keentay kuwaaas oo ay ka mid yihiin
arrimaha ammaan-darrada maadaama si yar loo duufsan karo qof bilaa aqoon ah
saamaynna loogu yeelan karo hab-fikirkooda. Tan labaad waa iyadoo maanta ay inna
haysato waxa loo yaqaan ‘tayo-xumo waxbarasho’ oo wada saamaysay soomaali oo idil
maadaamaa tayadii waxbarashadii ay dhulka gashay oo hoos u dhac weyni ku yimi.
Labadaa arrimood ee is-huwanta ah iyo dhaxalkii ay ka tageen ayaynu ku qaadi dhigi
doonaa cutubkan.
Duruufaha qalafsan ee soo food-saaray da’yarta ayaa sababay in dhalinyaro aad u badani
muddo 25 sannadood aanay helin waxbarashadii aasaasiga ahayd ee ay u baahnaayeen,
marka laga reebo in yar oo magaalooyinka nabdoon ku helay waxbarasho lacag ah oo ay
waalidkood ku dhibtoodeen si ubadkoodu u helaan cilmigii ay ku kaabi lahaayeen
qoyskooda iyo bulshadoodaba. Maadaamaa markay ay burburtay dawladdii ee
Soomaaliya ay colaado fool-xumi ku habsadeen umadda dhaqaale bur-bur ba’anina
wehiliyay, waxaa dhacday in carruurtii ay waxbarashoba weydo maadaamaa nabaddiba
aanay jirin in muddo ah. Waxaa taa ku xigtay in la furay dugsiyo waxbarashadu lacag
tahay oo si gaar ah loo leeyahay (private). Hase yeeshee dadka waxaa haysatay shaqo
la’aan baahsan awoodna uma lahayn waalidiintu inay carrurtooda dugsiyadaa lacagta ah
u diraan ilaa in yar oo dhaqaale haysatay mooyaane. Taasina waxay keentay in malaayiin
carruur ahi ay waayaan waxbarasho sidaana ay ku weynaadaan. Dhibtii waxbarasho
la’aanta waxaad mooddaa inaynu maanta midhaheedii waxyaabo badan oo aynu aragno.
Intaa ka dib jaamacado lacag ah oo si gaar loo leeyahay ayaa la furay. Jaamacadahaa
dadkii awoodi karayay kharashka waxbarashada ayaa carruurtooda u diray. Hase yeeshee
xaqiiqdu waxa ahayd in dadka soomaaliyeed intooda badani aanay awoodi karayn inay
carruurtooda jaamacadahaa u diraan maadaamaa dalka ay ka jirtay – welina ay ka jirto-
shaqo la’aan aad u baaxad weyn oo aan dunida hore uga dhicin. Halkaana dhalinyaro
41
badan baa ku waayay waxbarasho jaamacadeed arrintaas oo sii kordhisay waxbarasho
la’aantii dalka ka jirtay. Waxaa dhacday inaanay jirin cid lacagta waxbarashada xaddidday
oo dugsiyadii iyo jaamacadihii noqdeen dukaamo markii ay doonaan kordhiya
qiimahooda iyaga oo aan ku xisaabtamayn in dadkoodu awood u leeyahay inay qiimahaa
bixiyaan iyo in kale.
Waxaa iyana jirtay in nidaamkii tacliimeed ee da’yarta soomaaliyeed ka baaba’ay wixii
lagu beddeli lahaa aan la qorshayn si buuxdana loogu hawl-gelin taasoo ay sababeen
xaaladaha dalka ka jira ee amaan-darradu kow ka tahay. Haddiiba la raadin lahaa
aqoonyahankii dhalinta waxbari lahaa waxaan iyana la helayn goobihii wax lagu bari lahaa
iyo dhaqaalihii arrintaa lagu bixin lahaa.
Haddaba xitaa dhalinyaradii waalidkood u awooday inay gaadhsiiyaan ilaa heer
jaamacadeed waxaa maanta muuqata in tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidato.
Waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo sita shahaadadda kowaad (Bachelor) ama tan
labaad (Masters) oo aan curis ama warbixin bog badhkeed ah ku qori karayn af ingiriisi.
Ujeedaddu ma aha in ingiriisidu ka fadilan tahay afkeena hooyo ee hodonka ah, laakin
aqoontii dunidu maanta waxay ku qoran tahay afkaa ingiriisada inaguna ma aynu gaadhin
heer aynu ingiriisida ka maaranno oo afkeena hooyo cilmigii oo dhan ku qorano. Xitaa
ardayga haddii ay luqaddiisa ingiriisidu liidato ma fahmayo bugaagtii uu akhriyayay oo uu
wax ka baranayay. Markaa arrintaa luqad la’aantu xitaa ardaygu wuxuu baran lahaa ma
wada baranayo maadaama aanu afkii wax lagu baranayay garanayn.
Run ahaantii waxay ahayd in dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxaysa luqadda
ingiriisada aad loo baro aana shahaadadda la siin ilaa ay gudbaan imtixaankaa ingiriisada
oo ay si fiican wax u qori karaan. Taa waxaa ka hor yimi jaamacadihii oo ah meelo gaar
loo leeyahay (private entity) iyaga oo aan rabin in ardaydu ka tagto darteed, waxayna ku
42
kaliftay jaamacadihii inaanay cidna ku xidhin barashada afka ingirisiida. Taasina waxay
dhashay inay jaamacadihii ka soo baxaan dad tayadooda waxbarashdu aad u liidato.
Xitaa af soomaaligii ayaanay qori karayn dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxdaa.
Tusaaale waxaa inoogu filan inaan intooda badani aqoon xarfaha laba-laabma ee afka
soomaaliga. Qaar badani ma kala yaqaaniin labadan calaamaddood ee soo socda (,) iyo
(;). Waxaad arkaysaa qaar badan oo erayga lo’ u qoray lo. Markaa arrintu ma aha in
dhalinyaradu afka qalaad oo keliya ay ku liidato ee afkoodii hooyo ayayba la liic-liicayaan
waana arrin naxdin leh oo aan loo baahnayn inay sii socoto.
Maanta hadday jiri lahaayeen kuliyadihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ma ay
dhacdeen inuu arday soomaaliyeed qaato shahaadad isaga oo tayada waxbarashadiisu
aad u liidato waayo dawladdu tiro doon ma aha ee waa tayo doon. Markaa rajada keliya
ee inoo taal waa iyadoo dhammaan kuliyadihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed la soo
celiyo aadna loo tayeeyo ardaydana waxbarashada lacag la’aan looga dhigo.
Isku soo duuboo 70% dadkii ka kulamadii wada-tashiyada ahaa waxay aaminsan yihiin in
carruurta iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay maanta u baahan yihiin waxbarasho lacag
la’aan ah maadaamaa aan dadka badankiisu awood u lahayn inay awoodaan kharashka
waxbarashada taas oo ah sida qudha ee ummaddani ku badbaadi karto. Markaa si kasta
oo ay arrintaasi u adag tahay waxaa ka weyn in ubadka soomaaliyeed loo sameeyo
waxbarasho aan lacag ahayn. Waayo haddaan taa la samayn waxay beddelkeedu noqon
doonaa in malaayiin ka mid ah carruurta Soomaaliyeed ay noqdaan dad aan waxna qorin
waxna akhriyi karin taasina ma aha arrin waddanku maanta awoodi karo.
43
5.1 SABABAHA KEENA WAXBARASHO LA’AANTA
Way badan yihiin sababaha waxbarsho laan’ta ku keenay dhalinyarda intii ka dambeesay
burburkii dawladdii dhexe ee 1991 waxaase ugu mihiimsan oo ka mid ah:
Xarumuhii waxbarashada da’yarta oo burbrur ba’ani ka soo gaadhay waxyeeladii
dalka ka dhacday.
Tacliintii dawliga ahayd oo aan heerkii loo baahnaa gaadhsiisnayn gaabis badanina
ka muuqdo marka loo eego xawligii iyo xawaarihii ay ku socatay wakhtigii ka
horreeyay 1991kii
Wasaaraddii Waxbarashada oo aan sidii xilayadii ka horreeyay 1991kii u eegin una
kormeerin tayada waxbarashada iyo manhajka la raacayoba.
Waxbarashadii oo noqotay mid lacag laga baxsho oo muwaadiniin soomaaliyeed si
gaara u leeyihiin oo aanay bulshada badideedu awoodin inay bixiyaan wixii adduun
ah ee ay waalidiintu wax ku bari lahaayeen ubadkooda da’da yar, saboolnimada ka
jirta waddanka awgeed.
Amni-xumada iyo colaadihii soo noq-noqonayay ee sida isdaba jooga ah dalka uga
dhacayay 25kii sanno ee tegay haddana raadkoodii ka muuqdo dhammaan dalka oo
idil, oo iyana keentay inaan ardaydu si xidhiidh ah u aadin goobaha waxbarashada oo
xusiddeeda mudan.
Kab dhaaqale, farsamo iyo horumarineed oo aanay si buuxda ilaa hadda bulsho-
waynta caalamku ku gaargaarin tacliinta da’yarta soomaaliyeed iyadoo haddana ay
jiraan dadaalo ay beesha caalamku ku doonayso inay Soomaaliya ka caawiso xalka
arrintan.
Manhajyo kala duwan oo midba waddan laga keenay
Kormeerayaashii dugsiyada iyo jaamacadaha oo aan tayo lahayn
Dhalinta maanta oo aan la barin waddan jaceylka, kana rajo dhigay dalkooda.
44
5.2 Dhaxalkii waxbarrasho la’aanta iyo tayo xumada
Iyadoo ay aad u badan yihiin dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka umadda dhaxalsiiyay
jahliga iyo aqoon-la’aanta, haddana marka si gaara loo fiirsho saamaynta tacliin la’aantu
ku yeelatay dhalinyarada soomaaliyeed waa mid culayskeeda iyo muggeedaba leh
waxaana ka mid ah:
Markay saboolnimadii baahday in waalidiintii ay awoodi kari waayeen inay ubadkooda
ku daraan oo geeyaan dugsiyada iyo xarumihii waxbarashada. Waalidiinta
badankoodu waxaa la kaacaa kufayaan quudintii carruurta iyo inay u helaanba hoygii
ay hadhsan lahaayeen taasi oo keentay in da’yar aad u tiro iyo tayo badani ka
dheeraadeen aqoontii ay baranayeen ee ay waxna ku taransan lahaayeen,
qoysaskooda iyo bulshadana wax ku tari lahaayeen
Markay waayeen tacliin sare oo mug leh oo dalka taala ayaa dhalinyaro badani waxay
ay door-bideen inay tahriibaan iyagoo ku andacoonaya inay raadsanayaan aqoon ay
naftooda iyo tan qoyskooda wax u taraysa.
Hase yeeshee badidoodii waxay ku naf waayeen oo ku halaagmeen iyagoo is leh
xaqiijiya hamigoodaa, waxayna ku idlaadeen safarkaa tacliin raadsiga ah.
Haddayba suurta gasho inay aadaan dalalkaa ay is leeyihiin wax ka soo bartana kuma
haystaan qunsilayadihii Soomaaliya ee ka war-hayn lahaa waxaana dhacday in qaar
badan oo ka mid ah dhalinyaradaa xaquuqdoodii dadnimo lagu xadgudbo oo xitaa
dalalkii ay miciinka bidayeen kala kulmaaan xaalado aad u adag oo argagax leh.
Tusaale ahaan waxaa dhacday in dalalka khaliijka, Liibiya iyo Suudaanba lagu
addoonsaday oo lagu shaqaystay xooggoodii iyo maskaxdoodiiba; markay
mushahaaradoodii waydiiyeen dadyowgii dalalkaa ku gumaysanayay waxaa loogu
hanjabay in la xidhi doono waxaana loogu cago-jugleeyay in la gaadhsiin doonaan
waxyeelooyin aanay ka soo kaban; sidaa ayaana wiilal iyo gabdho badan oo
soomaaliyeed ay ku wiiqmeen.
45
Da’yartii oo markay waayeen tacliintii iyo xirfadihii shaqo ee ay baran lahaayeen
noqday kuwo qas iyo qalalaase u ban baxay iyagoo u malaynayaa inay nolashooda
sidaa ku wanaajin karaan taasina waa arrinta ay maalin walba arragno ee ah in si
khaldan looga faa’iidaysto dhalinyaro badan tacliin la’aanta haysata awgeed.
Rajo xumo iyo waji gabax aad u ba’an oo soo food-saaray guud ahaan dhallintii
soomaaliya.
Aqoondarro baahsan oo ka muuqata inta yar ee shaqooyinka ka haya dalka maadaama
aanay helin waxbarasho hufan oo ay ku kaafiyaan hawlaha ay qabanayaan xag farsamo
iyo xag maamulba.
Awooddii ugu muhiimsanayd horumarka dalka oo ah dhallinta soomaaliyeed oo aan
gebi ahaanba si buuxda u muuqan waxqabadkii laga sugaayayna noqday mid aan jirin
oo salka ku haya cilmi la’aanta iyo xirfad la’aanta jirta. Halkaasna waxaa mugdi ku gelay
mustaqbalkii la rabay in la gaadho iyo horumarkii lagu taamayay.
5.3 Talo-Bixin:
Si looga samata-bixiyo da’ayarta soomaaliyeed dhibaatada waxbarasho la’aanta ah waxaa
laga maarmaan ah arrimahan hoos ku xusan:
In la mideeyo manhajka ay wax ku baraan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa
dawliga ah lana tayeeyo;
In kor loo qaado lana kobciyo tayada aqooneed ee barayaasha dugsiyada iyo
jaamacadahaba tabobarro barenimona loo fidiyo si loo helo aqoonyahan da’yar ah oo
aad uga dhisan xagga tacliinta.
In dib loo hagaajiyo dugsiyadii iyo kuliyadihii waxbarasho ee hore u jiri kuwo cusubna
la dhiso
In dib loo dhiso xaruntii naadiga dhalinyarada SYL oo noqon karta xarun ay ku wada
macaamilaan iskuna dhex galaan kuna wadaagaan horumar iyo aqoon.
46
In wasaarada waxbarashada iyo wasaaradaha kale ee la hal-maalaaba ay xidhiidh
joogta ah iyo wada-shaqayn dhow la yeeshaan wasaaradda dhalinyarada iyo
cayaaraha si loo sugo hannaan wanaaggii maamulka dawladnimo oo kor loogu qaado
aqoonta dhallinta soomaaliyeed.
In kab dhaqaale oo hor leh loo raadsho sidii tacliinta looga dhigi lahaa mid lacag la’aan
ah oo dawladdu damaanad qaaddo iyadoo la kaashanaysa bulshada caalamka sida
Bankiga adduunka, kan Islaamka, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo
urururada kale ee caalamiga ah ee danaynaya in ay soomaaliya arrintan ka taageeraan.
Madaama ay dawladiihii hoggaanka hayay intii ka horaysay 1991kii ay aad u
horumariyeen waxbarashada waxaa habboon in nidaamyadaas laga soo dheegto
hannaanadii ay u dejiyeen si aan wakhti badan inooga dhumin iyadoo aynu wada
ogsoonahay in wakhti badan la dayacay isla mar ahaantaana la darso manaahijtaa
hore iyo nidaamyadaa iyadoo laga qaadanayo wixii xog ah ee maanta anfici karta
da’yarta soomaaliyeed.
47
LIFAAQA 1AAD
SU’AALIHII XOG-URURINTA IYO WADA-TASHIGU KU
SALAYSNA
48
49
LIFAAQA 2AAD
FORMS
50
51
LIFAAQA 3AAD
Adeegyada ay dhainyaradu u baahan yihiin ee maanta ka maqan
1) Waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay
2) Shaqo abuur aad u baaxad weyn
3) Tababarro xirfadeed
4) Shaqo bixin salaysan ku caddaalad
5) Caddaalad iyo amni buuxa
6) Siyaasadda oo dhalinta laga qayb-geliyo
7) Caafimaad tayo leh oo bilaasha ah
8) Naadiyo dhalinyaro oo degmo walba oo waddanka ka mid ah laga
hirgeliyo
9) Wacyi-gelin joogto ah oo dhinac walba taabanaysa
10) Hab fikir cusub oo ku salaysan inaan dhalinta la sharaysan loona
arkin belo-wadaal ee loo arko ubaxii waddanka loolana dhaqmo si
xushmad iyo qaddarin leh.
11) Waraaqo aqoonsi
12) Youth commission
52
Lifaaqa 5aad: Caqabadaha