farriinta agaasimaha daryeelka carruurta - oregon.gov

9
Qaybta 4, Luulyo 2019 Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Oregon, Daryeelka Carruurta Daabacaadani waxaad ku ogaan doontaan: Farriinta Agaasimaha Daryeelka Carruurta Waalidiinta Wax Korsanaya iyo Daryeel Bixiyayaasha Qaraabada ah ee qaaliga ah: Labadii sano ee la soo dhaafay, Hay’adda Every Child Oregon waxay u shaqeysay si aan nasasho lahayn si loo abaabulo dadka reer Oregon oo tiro badan iyo in hab gaar ah iskaashi loola yeesho DHS. Sanadkii 2018, Hay’adda Every Child waxaa soo xushay Microsoft in ay noqoto cidda heshay maalgelinta dhanka tiknoolajiyada si loo dhiso waayo-aragnimada dhanka adeega macmiilka oo casri ah oo loogu talagalay waxyaabaha ay weydiinayaan qoyska wax korsanaya, iyo nidaamka Maamulka Xiriirka Macmiilka (CRM) oo lagula socdo heerarka ka qayb qaadasho ee dadka, qoysaska, ganacsiyada, iyo bulshada diimeed ee bulshooyinkooda degaanka. DHS dhexdeeda, shaqaaleysiinta qoyska wax korsanaya waxay dhacdaa doorarka xafiisyo kala duwan oo ku yaala gobolka. Waqtigan la joogo, Aqoonsi bixiyayaasha, Dadka Shaqaaleysiisa Waalidka Wax Korsanaya, iyo Waalidka Wax Korsanaya ee Cusub & Hormoodka Ka Qayb qaadashada Bulshada ayaa dhammaantood isticmaalaya habab gaar ahaaneed iyo nidaamyo si wax loola socdo isla markaana loo sii dabagalo waxyaalaha la filayo in ay dhacaan. Iyada oo la dardar-gelinayo dadaalkeena shaqaaleysiinta, waxaan ka fogaan doonaa wixii xumaan ah ee ka dhex jirta guud ahaan hay’adda. Fiirso fiidiyaheena ku saabsan dadaaladani, oo ay ku jiraan Brooke Gray, Agaasimaha Sare ee Hay’adda Every Child Si mahadnaq leh, Marilyn Farriinta Agaasimaha Daryeelka Carruurta Macluumaadka barnaamijka Daryeel bixiye diirada la saarayo Bulshada Talooyin

Upload: khangminh22

Post on 26-Jan-2023

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Qaybta 4, Luulyo 2019 Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Oregon, Daryeelka Carruurta

Daabacaadani waxaad ku ogaan doontaan:

Farriinta Agaasimaha Daryeelka Carruurta

Waalidiinta Wax Korsanaya iyo Daryeel Bixiyayaasha Qaraabada ah ee qaaliga ah: Labadii sano ee la soo dhaafay, Hay’adda Every Child Oregon waxay u shaqeysay si aan nasasho lahayn si loo abaabulo dadka reer Oregon oo tiro badan iyo in hab gaar ah iskaashi loola yeesho DHS. Sanadkii 2018, Hay’adda Every Child waxaa soo xushay Microsoft in ay noqoto cidda heshay maalgelinta dhanka tiknoolajiyada si loo dhiso waayo-aragnimada dhanka adeega macmiilka oo casri ah oo loogu talagalay waxyaabaha ay weydiinayaan qoyska wax korsanaya, iyo nidaamka Maamulka Xiriirka Macmiilka (CRM) oo lagula socdo heerarka ka qayb qaadasho ee dadka, qoysaska, ganacsiyada, iyo bulshada diimeed ee bulshooyinkooda degaanka.

DHS dhexdeeda, shaqaaleysiinta qoyska wax korsanaya waxay dhacdaa doorarka xafiisyo kala duwan oo ku yaala gobolka. Waqtigan la joogo, Aqoonsi bixiyayaasha, Dadka Shaqaaleysiisa Waalidka Wax Korsanaya, iyo Waalidka Wax Korsanaya ee Cusub & Hormoodka Ka Qayb qaadashada Bulshada ayaa dhammaantood isticmaalaya habab gaar ahaaneed iyo nidaamyo si wax loola socdo isla markaana loo sii dabagalo waxyaalaha la filayo in ay dhacaan. Iyada oo la dardar-gelinayo dadaalkeena shaqaaleysiinta, waxaan ka fogaan doonaa wixii xumaan ah ee ka dhex jirta guud ahaan hay’adda.

Fiirso fiidiyaheena ku saabsan dadaaladani, oo ay ku jiraan Brooke Gray, Agaasimaha Sare ee Hay’adda Every Child

Si mahadnaq leh,

Marilyn

Farriinta Agaasimaha Daryeelka Carruurta

Macluumaadka barnaamijka

Daryeel bixiye diirada la saarayo

Bulshada

Talooyin

Macluumaadka barnaamijka

La kulan Hormoodkeena Taageerada ee Waalidka Wax Korsanaya & Ka qayb qaadashada Bulshada!

La kulan Magda Bejarano iyo Christina KarsenGray, Hormoodkaada Taageerada ee Waalidiinta Wax Korsanaya & Ka qayb qaadashada Bulshada ee degaanka! Hormoodka Taageerada ee Waalidiinta Wax

Korsanaya & Ka qayb qaadashada Bulshadu waxay la shaqeeyaan degmooyinka degaanka si loo fududeeyo, la iskugu duwo, isla markaana loo horumariyo ilaha gaarka u ah meelahooda kala duwan, iyada oo lagu dadaalayo sidii loo taageeri lahaa qoysaska wax korsanaya ee degaanka. Magda waxay haysaa shaqada Degaanka Xafiiska Qaybta Bari ee Multnomah (DHS District 2) iyada oo Christina ay hayso shaqada degaannada Coos iyo Curry (DHS District 7).

Waxay u badan tahay in aad maqashay oraahda ah in ay magaalo dhan ku qaadatyo in la koriyo ilme. Magda iyo Christina waxay u arkaan in taasi dhab tahay marka la eego qoysaska wax korsanaya, waxay ku qaadataa magaalo dhan si loo quudiyo isla markaana loo taageero iyaga! Mid ka mid ah hadafyada Hormoodka Taageerada ee Waalidiinta Wax Korsanaya & Ka qayb qaadashada Bulshada ahaan waa in la dhiirigeliyo wada shaqeyn ka dhaxaysa ururada badan ee raba in ay taageeraan qoysaskeena wax korsanaya. Hormoodka Taageerada ee Waalidiinta Wax Korsanaya & Ka qayb qaadashada Bulshadu waxay si toos ah ula shaqeynayaan kooxo kala duwan oo ka dhex jira Daryeelka Carruurta ee DHS, iyo qoysaskeena wax korsanaya iyo daryeel bixiyayaasha qaraabada ah, si loo aqoonsado farqiga dhanka adeegyada isla markaana loo abuuro waxyaabo beddel ah oo loogu talagalay taageerada ay iyagu u baahan yahay. Mashaariicda qaarkood waxaa ka mid ah xoojinta Barnaamijka Nasashada ee Degaanka Multnomah, taageerada qoysaska wax korsanaya inta lagu jiro qiimeynta adeegyada badbaadinta carruurta, bixinta taageerada lagu bixinayo waqtigii loogu talagalay marka waalidiinta iyo carruurtu la kulmaan murugo iyo qof ka dhintay iyo kordhinta ilaha la taaban karo ee ay heli karaan qoysaska wax korsanaya si baahiyahooda si buuxda loogu dabooli karo. Magda iyo Christina waxay rajeynayaan in ay gacan ka geystaan haysashada iyo shaqaaleysiinta qoysaska wax korsanaya oo dheeraad oo ka turjuma kala duwanaanshaha dhaqan ahaaneed, jinsiyaddeed iyo guud ee carruurteena ku jirta daryeelka. Magda iyo Christina waxay soo dhaweeyaan qoysaska wax korsanaya si ay iyaga ugu xiraan qof ay iskaashi ka yeeshaan dadaaladani ama sidii ay wax uga ogaan lahaayeen waxa ka dhacaya goboladooda gaarka ah.

Ha ka gaban in aad si toos ah xiriir ula sameyso Magda iyo Christina wixii su’aalo ah ee ku saabsan mashaariicda ay hawshooda ku jiraan, ama, fikradaha laga yaabo in aad hayso!

Christina KarsenGray Magda Bejarano

Waa maxay sheekadaadu? Wax ka ogaanshaha Waayo-aragnimada Carruurnimo ee aan Wanaagsanayn

Waxaa laga yaabaa in aad maqashay Waayo-aragnimada Carruurnimo ee aan Wanaagsanayn (ACE), balse weli ma haysaa su’aalo ama ma isweydiinaysaa waxa uu mihiimka u yahay? Ama ma garanaysaa waxa ay tahay ACE oo ma rabtaa in aad ogaato siyaabo aad aqoontaada ugu adeegsan karto si aad si fiican u fahamto carruurta gurigaaga? Haddii ay sidaas tahay, markaa daabacaadani waa mid adiga laguugu talagalay! Fiiri daabacaadeena adiga oo riixaya halkan.

Ilaha Waalidka Wax Korsanaya: Naga fiiri internet-ka!

Website-keena Daryeelka Carruurta ee Oregon ee DHS wuxuu bixiyaa oo laga helaa noocyo kala duwan oo maqaalo la xiriiro ilaha degdega ee jira iyo boggaga internet-ka oo ka hadlaya mawduucyo badan oo xiiso leh. Boggeena internet-ka fiiri maanta! Waxaanu mar walba raadineynaa siyaabo aan ku wanaajino liiska ilaheena.

Ma haysaa fikrad loogu talagalay mawduuc cusub oo ilaha ka hadlaya? Email noo soo dir!

Shaqaalaha Dukaanka Adidas

Mid ka mid ah saaxiibadaada waalidiinta wax korsanaya ayaa u ololeeyay in waalidiinta wax korsanaya ee la aqoonsan yahay ee dhammaan Daryeelka Carruurta iyo daryeel bixiyayaasha qaraabada ah ay helaan martiqaadka Shaqaalaha Dukaanka Adidas oo gaaraya lacag dhimis dhan 50% oo kaliya ka soconaya goobta ku taala Portland! Martiqaadkii u horreeyay waxaa la diray Juun 2019 iyada oo Adidas ay si naxariis leh u fidisay martiqaad labaad oo loogu talagalay bisha Ogoosto 2019-ka!

Si loo isticmaalo lacag dhimistani, tus Shahaadadaada Oggolaanshaha isla markaana keen sawir aqoonsi oo sax ah. Haddii aad u baahan tahay koobiga Shahaadadaada Oggolaanshaha, la xiriir aqoonsi bixiyahaaga. Lacag dhimista kaliya waxaa laga helayaa dukaankani, ma jiraan wax gadasho dhanka internet-ka ah, iyada oo kuwa ku qoran Shahaadada Oggolaanshaha ay tahay in la is tuso.

Waxaa mahad celin weyn leh Adidas taasi oo la xiriirta taageerada wareega labaad ee wax la helayo ee loogu talagalay daryeel bixiyayaasheena. Noocyadani wada shaqeyneed waa hab weyn oo lagu muujiyo sida ay bulshadeenu u tahay mid daryeel leh!

Maktabadda Deyminta oo Cusub isla markaana La wanaajiyay!

Bal qiyaas waxa jira ee la xiriira Waalidiinta Wax Korsanaya iyo Daryeel Bixiyayaasha – wax xiise leh ayaa dhacaya! Waa adeeg cusub & la wanaajiyay si lagaaga caawiyo saacadahaaga tababarka, aqoonta ku saleysan, iyo horumarinta xirfadda ee hadda jirta. Daryeelka Carruurta ee Oregon ee DHS waxay wada shaqeyn la yeesheen Xarunta Ilmo Korsashada Ka dib ee Oregon (ORPARC) si daryeel bixiyayaasha loo siiyo waayo-aragnimo la wanaajiyay oo maktabadda la xiriirta.

Riix si aad u akhrido wararkeena dhanka maktabadda!

Fiirinta Maktabadda Deyminta laga fiirinayo internet-ku waa mid sahlan! Waxaad codsan kartaa in shay laga gato isla markaana laguugu soo diro gurigaaga. Ama, haddii aadan hubin waxa aad u baahan tahay waxaad email u diri kartaa, wici kartaa ama la sheekaysan kartaa shaqaalaha maktabadda ORPARC!

Fiiri bogga SU’AALAHA INTA BADAN LA ISWEYDIIYO wixii faahfaahin dheeraad ah!

Maktabadda Waalidka Wax Daryeelaya & Korsanaya ee ORPARC | Maktabadda ORPARC 2950 SE Stark Street, Suite 130, Portland, OR 97214 1-855-496-2665 (BOOK) | [email protected]

Barnaamijka Northwest Resource Associates

Daryeel bixiye Diirada la saarayo

Qoys Mashquulka oo Xoog Badan!

Sandy iyo Jim ayaa sheegay sida wanaagsan ee qoyskoodu yahay! Iyaga dhexdooda, waxay soo koriyeen saddex carruur ah oo (hadda) dad waaweyn noqday, iyo lix carruur ah oo hadda ku nool gurigooda.

Sandy iyo Jim waxay waalidiin wax korsanaya oo la aqoonsan yahay soo ahaayeen muddo 16 sano ah. Waxay bilaabeen iyaga oo ah daryeel bixiyayaasha qaraabada ah. Waqtigaasi, waxba kama aysan garaneyn daryeelka ilmo korsiga waxayna xusuustaan waayo-aragnimo lahayd dareenka sidii jahwareer oo kale “whirlwind”. Ka dhex shaqeynta xafiisyada labada laamood ee DHS (kiiska koowaad ee shaqadiisu ka socotay hal xafiiska laanta ah iyo shaqada nidaamka aqoonsigu ee ka socotay xafiiska laanta oo kale oo qoysku deganaayeen) waxay lahayd dhibaatadeeda, laakiin iyada oo la adeegsanayo wax u doodid iyo taageero, waxay awoodeen in qaraabadooda meel isku mid iyaga lagu wada meeleeyo.

Iyada oo laga duulayo halkaasi, Sandy iyo Jim waxay sii wadeen in ay sii ahaadaan codsadayaal guud oo la aqoonsan yahay markii ay carruurtooda qaraabada ah ay ka tageen guriga. Meeleynta badan ka dib, waxaa caddaatay in ay doonayaan in ay ballaariyaan qoyskooda iyaga oo adeegsanaya wax korsi. Iyada oo ay jirtay afar carruur ah oo ay dhammeysteen korsashadooda iyo laba korsashada carruurta ah oo hawshooda lagu jiro. Qoyskani waxaa jirtay in ay lahaayeen in ka badan 200 carruur oo gurigooda joogay – ha noqto hal habeen, ama joogitaan muddo dheer ah. Sandy waxay sheegtay in ay sii wadaan ilmo korsiga sababta oo ah waxay doonayaan in ay sii wadaan caawimaada carruurta ku nool bulshadooda dhexdiisa. “Waxaa jirta maalmo mar aan isweydiiyo ‘maxaan sameynayaa’ ka dibna mid ka mid ah carruurtu uu dhoola cadeeyo isla markaana aan arko in ay awoodaan in ay horumar sameynayaan, isbeddel ku imaanayo isla markaana korayaan iyada oo sababtu tahay iyaga oo ku nool guri degan, waxayna ka dhigtaa mid qiime leh maalin kasta.” Sandy waxay sidoo kale dadka la wadaagtay in fiirsashada isbeddelka qoyska la xiriirta iyo waxa kooxda qoyska oo idil sameeyaan si ay dib iskugu imaanshaha ‘reunification’ dhacaya uga dhigaan mid ka awood badan maalmaha adag.

Sandy iyo Jim waxay leeyihiin guri mashquul ah! Marka aysan carruurtu ku jirin dugsiga, qoysku waxay inta badan u jihaystaan dhacdooyinka dhanka ciyaaraha, 4-H ama waxay waqti ku qaataan bannaanka sida aadista xerada teendhada leh ‘camping’, ku lugaynta duurka ‘hiking’ iyo kayaking. Sandy waxay sidoo kale hoggaamisaa kooxaheeda dhanka taageerada ee daryeelka ilmo korsiga ee degaanka ee bishiiba dhaca oo iyada iyo nin ka qabaa ay la taliyaan waalidiinta wax korsanaya ee cusub.

Aqoonsi bixiyaha ay leeyihiin Sandy iyo Jim, ee Lori O’Conner, oo aqoonsi bixiyaha qoyska soo ahayd 13 sano ee la soo dhaafay, ayaa sheegtay in Sandy iyo Jim ay yihiin “ dad la jecel yahay, wax xanaaneeya, dabacsan, isla markaana wax la qabsan kara. Qoysku wuxuu ku ballan qaaday oo ka go’an carruurta ay daryeelaan iyo u doodis xoog leh oo la xiriirta xaqiijinta in la buuxiyo baahiyaha dhanka dareenka iyo korriinka.”

Haddii Sandy ay isbeddel ku sameyn kari lahayd nidaamka Daryeelka Carruurta, hal isbeddel oo ay jeclaan lahay in ay aragto waa dhacdooyinka waalidka wax korsanaya oo dheeraad ah oo ay DHS maalgeliso, halkaasi oo waalidiinta wax korsanaya, carruurta la korsanayo iyo waalidka wax korsanaya carruurta uu dhalay ay isku imaan karaan isla markaana is booqan karaan/midba mid kale u taageeri karo. Waxay sidoo kale caawimaad ka geysataa dareenka ah in aysan carruurtu keli ku dareemin bulshadooda dhexdiisa.

Markii la weydiiyay Sandy iyo Jim waxay ay noqon lahayd talo loogu talagalay waalidiinta wax korsanaya ee laga yaabo in dareemayaan daal, Sandy waxay sheegtay “noqo qof kaftan badan leh!” isla markaana “Xusuusnoow’ in ay dhammaantood carruur yihiin. Ma aha ahaanshaha ilme la korsanayo, ee kaliya waa ilme carruur ah. Waxay soo mareen dhibaato adag; iyada oo la siiyay fursad, ay ku noqon karaan kuwo wanaagsan.”

Sandy iyo Jim, waxaan idinku mahadinaynaa dadaalkiina ku aadan carruurta iyo qoysaska ka tirsan bulshadiina!

Bulshada

Mashruuca Oregon ee Mar dambe Ma Dhacayso Ururinta baaggaga wax lagu rito

Seema Steffany, Aasaasaha iyo Madaxweynaha Mashruuca Mar dambe Ma Dhacayso ‘Project Never Again’ Inc., ayaa ku dhawaaqay sanad-guuradoodii koowaad!

Mashruuca Mar dambe Ma Dhacayso ‘Project Never Again’ waxaa la sameeyay isaga oo ujeedadiisu tahay in carruurta soo gelaysa nideemkeena daryeelka ilmo korsiga, ama waqti kasta ay u wareegaan meelo la isku meelaynayo la siiyo, baagga wax lagu rito ‘duffel bag’ si aysan mar dambe alaabta ay leeyihiin ugu qaadan bacda qashinka. Baaggagan wax lagu rito ‘duffel bag’ waxa ay caawimaad ka geysan karaan in ay sheekada jirta beddelaan isla markaana tilmaamaan qiimaha ay leeyihiin carruurtani. Baaggaga wax lagu rito ‘duffel bags’ waxay ku yimaadaan calaamad ku dhegan boorsada oo si gaar ah loo sameeyay si carruurta loo siiyo dareen ah lahaansho iyo wax ay ugu yeeraan in ay iyagu leeyihiin. Kaar gacanta lagu qoray ayaa ku jira oo carruurta xasuusiya in la jecel yahay.

Iyada oo la eegayo taageerada Oregon, sanadkii la soo dhaafay Mashruuca Mar dambe Ma Dhacayso ‘Project Never Again’ wuxuu baaggaga wax lagu rito ‘duffel bags’ oo dhan 1,100 siiyay dhammaan 36 degaan ee gobolka. Hadafka la hiigsanayo sanadkani waa baaggaga wax lagu rito ‘duffel bags’ oo dhan 2,000.

Safarkooda ilmo korsigu waxaa dhici karta in uu weli yahay mid adag, laakiin waxaan u fidin karnaa sharaf isla markaana xiriir u sameyn karnaa si naxariis leh iyada oo la siinayo baaggagan wax lagu rito ‘duffel bags’. Aan ka dhigno Oregon gobol halkaasi oo carruurta soo gelaysa daryeelka ilmo korsigu aysan mar dambe bacaha qashinka u isticmaalin in ay ku qaadaan alaabta ay leeyihiin. Ogow waxyaabo dheeraad oo ku saabsan http://www.neveragainnpo.org

Ma raadinaysaa Fursadaha Tababarka Daryeel Bixiyaha oo Hadda Jira?

Jaamacadda Gobolka Portland, Iskaashiga Daryeel Bixiyaha Carruurta ayaa la shaqeeya laamaha Daryeelka Carruurta ee degaanka si laguugu keeno tababaro shakhsi ahaaneed oo casri ah iyo tababarada meesha fog/internet-ka Netlink laga bixiyo. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan bixinta

tababarada harsan ee 2019 ee gobolka iyo internet-ka, fadlan booqo boggooda internet-ka ee Kooxda Tababarka ee Daryeel Bixiyah isla markaana riix halka ay ku qoran tahay Jadwalka Tababarka ee Hadda “Current Training Schedule”.

Mashruuca Isku xirka – Barnaamij dhanka internet-ka oo loogu talagalay ayeeyooyinka ‘grandmothers’ korinaya dhallinyaro ay ayeey u yihiin ‘grandchildren’

Haddii aad daneynayso ka qayb qaadashada Daraasadda Qaranka ee ku saabsan sida barnaamijyada tababar ee dhanka internet-ku ay ayeeyooyinka ‘grandmothers’ iyo dhallinyarada ay ayeeyda u yihiin ‘grandchildren’ ay u siin karaan macluumaad iyo xirfado si loo wanaajiyo caafimaadka iyo fayo-qabka, fadlan fiiri muuqaalka.

Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Oregon ayaa gudbinaysa macluumaadkani ilaa iyo inta uu ka yahay mid la xushmaynayo isla markaana aan cid lagu taageerayn ama aanu ku lug yeelanaynin daraasadan cilmi-baariseed. Dadka daneynaya in ay ka qayb qaadaan waxaa laga codsanayaa in ay la xiriiraan 855-260-2433 ama [email protected]

OFPA Corner

Farriin ka socota Ururka Waalidka Wax Korsanaya ee Oregon: Waxaan hadda uun ka soo laabtay laba kulan oo isku xiga oo leh xiriir la sameynayo, fikrado iyo istiraatijiyado. Waxaan dareemayaa tamar iyo xiise aan u qabo taageerada iyo u doodista waalidiinta wax korsanaya ee Oregon.

Tababarku ma aha oo kaliya shuruudo la iskaga baahan yahay balse, waa fursad lagu baranayo xirfaddo cusub, lagu wanaajinayo kuwii hore u jiray, iyo inta badan fursad weyn oo ku aadan nidaamka iyo isdhaafsiga fikradaha. Miyaad ogeyd in aad raadsan karto tababar kuu gaar ah isla markaana laguugu xisaabin doonaa saacadahaaga credit-ka ee muhiimka ah.

Tirada credit-ku way kala duwaan doontaa sida ay ku cad hawsha. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan waxyaabaha la kala dooranyo iyo credit-ka, fiiri Shuruudaha Tababarka Waalidka Wax Korsanaya.

Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa buugaag isla markaana fiirsan kartaa DVDs. La xiriir aqoonsi bixiyahaaga si aad u xaqiijiso in wax kala doorashadaadu ay buuxinayso shuruudaha. Tababarkaaga ikhtiyaariga ah ka dhig mid buuxinaya baahiyahaaga. Sidoo kale yeelo waxbarasho farxad leh.

Jessica L. Lloyd-Rogers [email protected]

Madaxweynaha, Ururka Waalidka Wax Korsanaya ee Oregon

Tababarka Hoggaamineed ee Waalidka – Portland Oregon – Sibtambar 19 iyo 20, 2019

Xarunta Ilmo Korsashada Ka dib ee Oregon (ORPARC) iyo Golaha Waqooyiga Maraykanka ee Carruurta La korsan karo (NACAC) waxay bixinayaan tababar la iska kaashanayo oo loogu talagalay hoggaamiyayaasha waalidka ee wax daryeelaya/korsanaya oo ku saabsan sida loo hoggaamiyo kooxaha dhanka taageerada waalidka oo wax ku ool ah iyo taageerada meeleynta ka dib.

Tababarka waxaa ku jiri doona macluumaad ku saabsan:

• Wax u sahlid Kooxeed • Ka qayb qaadashada Waalidka • Dhibaatooyinka naxdinta leh/ACEs • Xanuunka Uur-jiifka Ka Soo Gaara Hooyada Aalkolada Cabta (FASD) • Hoggaaminta

ORPARC waxay raadinaysaa 35 hoggaamiyayaasha waalidka oo ka tirsan bulshooyinka OREGON OO IDIL si ay mataalaan bulshooyinkooda! Hoggaamiyayaasha waalidku waxay heli doonaa tababarkan oo LACAG LA’AAN AH. Miyaad daneynaysaa? La xiriir ORPARC si aad u ogaato waxyaabo dheeraad ah! (800) 764-8367 ama [email protected]

Talooyin

Talooyin iyo Waxyaabo Waqtiga Xaggaaga Loogu Talagalay si Looga Dhigo Carruurta Kuwo Badbaado Qaba

Iyada oo sanad dugsiyeedkii dhamaaday isla markaana xagaagii si buuxda u socdo, halkan waxaa ku qoran talooyin iyo waxyaabo la bixiyo iyada oo la isticmaalayo Child Welfare Information Gateway. Sida caadada ah, haddii uu shaki kaaga jiro, la hadal shaqaalaha kiiskaaga ama aqoonsi bixiyaha.

Ma hubtid miyaa sida loo qiimeeyo in diyaar loo yahay carruurtu in ay guriga joogto iyada oo aan kor lagala socon? Fiiri xaashidan xaqiiqda. Mar kasta xiriir la yeelo shaqaalka kiiska ee ilmaha taasi oo ku saabsan baahiyaha hore kor kala socoshada shakhsi ahaaneed ee ilmaha.

Carruur badan ayaa xiiseeya in ay waqti la qaataan asxaabta iyo qoysaska kale. Ka caawi carruurta aad daryeelayso in ay fahmaan sida loo aqoonsado isla markaana jawaab looga bixiyo astaamaha in uu jiro xadgudub iyada oo la adeegsanayo buugan wax tilmaamaya. Buugan wax tilmaamaya waxaa si gaar ah loogu sameeyay carruurta yar yar.

Akhrinta Waqtiga Xagaaga ah

Waqtiyada galabtii ee xagaagu waa waqti wanaagsan oo la yeesho waqti aan qaabeysnayn “wax la fiirinayn” isla markaana diiradda lagu saaro dadaalada si loogu mashquulo buuga! Dr. Laura Markham of Aha! Parenting.com ayaa bixiya qaar ka mid ah talooyin si carruurta loo caawiyo in ay jeclaadaan wax akhriska. Ha ilaawin, way fiican tahay in ay carruurtu ku arkaan adiga oo akhrinaya buug sidoo kale!

Sesame Street – Introducing Karli

Sesame Street in Communities ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu taageerayo, carruurta la korsanayo, waalidiinta wax korsanaya iyo daryeel bixiyayaasha bulshada ee u adeega daryeelka ilmo korsiga. Daabacadii ugu dambeysay, Karli, oo ah ilme ku jira daryeelka ilmo korsiga, waa qayb ka mid ah bandhiga Sesame Street. Dareenada adag iyo xaaladaha lagala kulmo daryeelka ilmo korsiga ee marka ilmaha la yahay iyo ka hadalka dhibaatooyinka naxdinta leh waxay noqon

doonaan qayb ka mid ah Sesame Street oo lagu dhiirigeliyo siyaabo looga wada hadli karo waxna looga qaban karo dareenkaasi.

Si aad u ogaato waxyaabo dheeraaad ah oo ku saabsan qorshahani fiiri fiidiyahani.

Nala soo xiriir

Email-ka: [email protected] Website-ka: Waalidiinta Wax Korsanaya iyo Daryeel Bixiyayaasha Qaraabada

Waxaad heli kartaa dokumentigan oo ku qoran luqaddo kale, far waaweyn, farta dadka indhaha aan qabin wax ku akhriyaan ee braille ama qaabka aad doorbidayso. Kula xiriira Barnaamijka Daryeelka Ilmo Korsiga email ahaan [email protected].