20thoctober, 2014...3 mufakkir samiik: “daahiro bulsho weeye *social phenomenon* in gabooyaha lagu...

35
1 20 th October, 2014 FURFURIDA MAQAALKA “Maqaalkan: Qoraagu “Mr.Samiik” wuxuu si qotodheer kaga faaloonayaa daahiro kudhisan aragti- bulsho *Social Phenomenon* taasoo kutimid cilmibaadhis uu sameeyay; qadiyadan, sinnaba xaqiiqadeeda iyo ogaalkeeda lama dafiri Karo, indhaha lagama qarsan Karo, aadna way u mudantahay wax ka dhihideeda, sixideeda iyo weliba dejinta qorshaheeda. Waajib diineed iyo qaddiyad ummadeed weeye in la tirtiro haybsooca qariban ee dad badani ku dhaqmaan; sidaasoo kale, dhaqanxumada kuwa la haybsooco waa waajib diineed iyo qaddiyad ummadeed ka digideeda, baabi’inteeda iyo ka ilbaxnimadeeda.

Upload: others

Post on 29-Dec-2019

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

  • 1

    20thOctober, 2014

    FURFURIDA MAQAALKA

    “Maqaalkan: Qoraagu “Mr.Samiik” wuxuu si

    qotodheer kaga faaloonayaa daahiro kudhisan aragti-

    bulsho *Social Phenomenon* taasoo kutimid cilmibaadhis

    uu sameeyay; qadiyadan, sinnaba xaqiiqadeeda iyo

    ogaalkeeda lama dafiri Karo, indhaha lagama qarsan Karo,

    aadna way u mudantahay wax ka dhihideeda, sixideeda iyo

    weliba dejinta qorshaheeda. Waajib diineed iyo qaddiyad

    ummadeed weeye in la tirtiro haybsooca qariban ee dad

    badani ku dhaqmaan; sidaasoo kale, dhaqanxumada kuwa

    la haybsooco waa waajib diineed iyo qaddiyad ummadeed

    ka digideeda, baabi’inteeda iyo ka ilbaxnimadeeda.

  • 2

    HORDHAC

    Mid lawada ogyahay weeye xaqiiqada jiritaanka haybsooca qaldan ee badi

    dadyowga Soomaalida dhexdooda kajirta; markhaati ogaalkeeda cidi ka

    qarsooneyn weeye; habayaraatee marnaba lama heli-karo macquulna meysan

    ahaanin suuragalnimada dhiraan-dhirinta abtiirsiinyo gunnimo lagu sunto.

    Soomaalidu, waa bulsho: dhaqan, dal iyo dad wadaaga, jiritaanka mabda’a

    aadannimo iyo diintana ka simanyihiin (Soomaalida: Muslimiin 100%) kudarsoo, ku

    hadla af-qudha kaasoo, Nasteexada joogta Zeylac, Nashaada joogta Hargeysa,

    Naaleeye-ha jooga Laascaanood, nayruusta Gaalkacyo joogta, Naamirta Beydhabo

    joogta, Nuur-ka jooga Kismaayo iyo Najmada Banaadir ku noolba wada fahmayaan,

    “loo kala tarjumeynin”.

    Lixdaas sifooyin cid laga helaa dunida maanta oon Soomaali ahayn majirto,

    taariikhyahanadii hore/dambe siweyn ayey kutubada taariikhda iyo ilbaxnimada ugu

    faah-faahiyeen. Su’aal taala madal-walboo axad Soomaaliya iyo mid kaloo ajnabiya

    ku kulmaan, “Horta idinkoo hal qowmiyada, diintiinu mid keliya tahay _ Islaam _ ,

    dhaqankiinu hal midab leeyahay, af-qudha ku hadla, dal Soomaaliya loogu yeedhana

    degan, hal taariikhna leh, maxaad isku haysataan oo illaa hadda tihiin kuwo ku

    dagaalamaya!!!???.

    Maqaalkan oo noqon-doona mid inbadan si qotodheer, farshaxannimo iyo

    cabqarinnimo saa’ida huwan, ka faaloonaya mid kamida qadaayaatka xasaasiga ah _

    Sensitive Issues _ adagtahay in laga hadlo ama aragti lagu yeesho. Qabaa’il badan

    oo Soomaaliyeed ayaa tirsada in Isir-sooc xoogbadan lagu hayo sida: Madhibaan,

    Midgaan, Tumaal ama guud ahaan “Gabooye”, qaarkalena dhaqaale-caburin,

    deegaan-balaadhsi iyo taariikh-sameys ayey ka cawdaan.

  • 3

    Mufakkir Samiik: “Daahiro bulsho weeye *Social Phenomenon* in Gabooyaha

    lagu hayo haybsooc nooceedoo kale lagu tilmaami karo “Xasuuq Bulsho/Social

    Genocide”; sidoo kale, iyagu dhaqanxumooyin badan … “Qolo kastaa

    dhaqanxumo way leedahee laakiin, heerarkeedaa kala rogan” oy leeyihiin oo laga

    hadlin ayaa jira, qaarkood lagayaabo in loogu qiil-bixin karo xanuunkay

    dareemayaan”.

    Bulshada Soomaaliyeed oo weli ku wareersan xaqiiqadan, (Qof-walboo dhalinyaro

    ah maanta markaad weydiiso, maxaad ku yaseysaa Madhibaan Amase Maya u

    leedahay inaad ka guursato? Jawaabta: Garanmaayo – Garanmaayo -

    Garanmaayo!!!!) Mufakkir Samiik wuxuu dareemay baahida weyn ee laga

    maarmaanka in walaalaha Soomaaliyeed aragtidan loo cadeeyo, cashar buuxa iyo

    xal waarana laga siiyo; saasoo tahay, ma dareensani inaan ahaan-doono ama

    qoraalkani noqon-doono xalkii ugu dambeeyay.

    Gebagebada: Afar qaybood ayaan qoraalkan ku naqshadeeyay, gadaalna waxaa lagu

    lifaaqiyey faalooyin, suugaan qadiyada la xidhiidha, Kaftan Cilmiyeysan iyo hees

    qoraagu ka sameeyay qiso dhacday oo arintan xidhiidh la leh (3+1): (1) Sugitaanka

    Xaqiiqadan “Yasitaanka iyo Isirsooca beelaha Gabooye” ka taarikhinteeda iyo

    weliba soo gudbinta dacaayadaha loogu aaneeyo gunnimadooda “Sidey Soomaalidu

    ku Andacoodaan Weeye”. (2) Qabaa’ilka Gabooye Maxaa Ka Khaldan (3)

    Soomaalida Maxaa Ugu Wacan. (4) See Xal Loo Heli-karaa…

    Doodda qoraaga “Samiik” inbadan waa suuragal inaad ku dhex-aragtaan qaybaha

    qoraalku ka koobanyahay. Labo afeefa ayaan dhiganayaa: (1) Cilmibaadhe, qoraa

    iyo mufakkir madaxbanaan ayaan ahay, qoraalkanna maahan mid cidkale dangaara

    kaga doonayo, waxa ku qoran waa mid maskaxdeydiyo maanka ka timid, ka fog

    eexasho, been, dacaayad iyo waxaan jirin buun-buuninteeda iyo caadifad (2) cid

    walboo qoraalkan ka biyo-diida, dhibsata ama siyaalo kale u maleeya ama u fahma

    dulucdiisa/ujeedadiisa, way u furantahay radintiisa iyo naqdintiisaba, labo siyaalood

    muhiim weeye laakiin: (1) Hanoqdo radigu mid cilmiyeysan, run ku dheehan, kana

    fog caadifad, jahli iyo xamaasad. (2) Qoraagu feker uusan aaminsaneyn, odhaah iyo

    hadal uusan dhihin, yaan lagu iltizaaminin, halasoo xigto qoraalkan laftirkiisa,

    fasiraaduna yeysan daahirka hadalka ka baxsaneyn”.

  • 4

    Sida la ogsoonyahay oo page-keyga aaladda Facebooga ee Warbaahinta Bulshada

    ku leeyahay, sawirka Cover-ka ii saran waxaan ku xardhay tix aan curiyay oo aan

    kaga waramayay falsafadeyda nolosha adduunyada iyo doorkayga xumaan-suulinta

    iyo wanaag-ilaalinta. Waxaan si xoog badan u aaminsanahay inaanan ahayn nin fuley

    ah oo ka gabanaya cardinta xaqiiqada iyo bandhigida sirta qarsoon, si lamida, ma

    ahi mid moogan cabsida iyo dareen-celiska. Tixdiina waa tan: _

    Linkiga-Page-keyga: https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-

    Mohamed-Samiik/543082142505150?ref=bookmarks

    Mufakkir Ummadeedoo,

    Maalin Iyo Habeen,

    Maskaxdiisu Dareerayso,

    Quwwad Muuqatiyo,

    Muraayad Ayaan Ahay,

    Madafiro Xaqaa’iqda,

    Maqariyo Dulmiga,

    Ma-Asturo Xumaha,

    Maqaarsaar Ma Ahi,

    Runtaan Muujiyaa,

    Maxastaan U Hiiliyaa,

    Garashadaan Mahadiyaa,

    Bulshadaan Metalaa,

    Manoole Intaan Noqon,

    Manhajkeygu Waa Kaas.

    https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-Mohamed-Samiik/543082142505150?ref=bookmarkshttps://www.facebook.com/pages/Mufakkir-Mohamed-Samiik/543082142505150?ref=bookmarks

  • 5

    QAYBTA KOWAAD:

    “XAQIIQADA YASITAANKA IYO ISIR-SOOCA BEELAHA GABOOYE”

    Shaki iyo mugdi, sinnaba iyo marnaba, maahan in la geliyo sugnaanshaha

    xaqiiqadan: “Yasitaanka & Isir-sooca Beelaha Gabooye”, saddex-daliiloo xoog

    badan owgeed: (1) Iyaga *Gabooye* oo markasta qiraya, sheegaya in cudurkan

    yahay mid jira, xanuun badan ku haya, ayna doonayaan in xal looga helo. (2)

    Bulshada oo siweyn u sugeysa xaqiiqadan, cadeynaya in yasitaan iyo quursi isir iyo

    hayb kudhisan jiro, Gabooyana u arkaan inay mudanyihiin sidaas walowba

    aragtidaas yeysan isku raacinbee. (3) Shaqsi walboo cilmibaadhe ama suxufiya

    amase indha-indhayn suubiya, way ii muuqataa aragtidaas inuu sugayo jiritaankeeda,

    walibana ay u fududahay ogaalkeeda, kuna culustahay garashada raadinteeda,

    innahaas doodayda way u tahay tiirar ay ku dhaqaaqi karto.

    Doodayda aan sii xoojiyo, intaan cilmibaadhista qadiyadan ku sameynayey, 200 oo

    ruux kabadan ayaan la kulmay _ Si toosa ama dadban/Social-Media _ kalana

    sheekeystay arrintan, saddex kuwaas kamida, hadaladooda aan soo guuriyo:

    saddex-degmoo kala duwan; saddex-qabiiloo kala duwan; iyo saddex da’ oo kala

    duwan ayay kasoo kala jeedaan..

    (1) Ahmed Abdi Omar, wuxuu ku noolyahay (Lagasoo bilaabo 1980)

    yahayna haatan mid ka shaqeeya gobolka Ohio, USA. Aqoonyahan cilmiga

    caafimaadka bartay, haystana shahaadada Masterka ee cilmigaas, ahna

    cilmibaadhe inbadan ka shaqeynayey hey’adaha cilmibaadhista ee Ohio,

    Su’aashan ayaan hordhigay, “Makuula muuqataa xaqiiqada jiritaanka

    haybsooc lagu sameeyo beelaha Gabooye?” Jawaabtiisii: “Haa maxaa yeelay,

    maahan mid hadda mudan is weydiinteeda, waayo! xaqiiqo cidna aysan ka

    qarsooneyn weeye, adiga miyey kaa qarsoontahay? Ma u maleynayo iney

    jirto axad aan ogeyn arintan”.

  • 6

    (2) Amina Abdillaahi Warsame, haweenay ka shaqeysa hey’adda AAPT,

    xafiiskeeda Hargeysa, Somaliland. Ka qalin-jabisay Golis University, baratay

    cilmiga xisaabaadka (Accounting), ka shaqeysa shirkadda Telesom. Su’aashan

    ayaan hordhigay, “Amina, matahay oo ma rumeysantahay mase dhihi karnaa

    in qabaa’ilka Gabooyaha isir-sooc lagu sameeyo amase la takooro?”

    jawaabteeda, “Walaal Samiik, adigu matahay mid moogan amase dhacdadaas

    ogayn, haa, si adag ayaan rumeysnahay, xattaa afka hadii inbadan laga war-

    wareejiyo, qalbigay ku duugantahay:

    (3) Professor Abdicator Abdi Dahie, barre wax ka dhigi-jiray “Simad

    University” Mogadishu, Somalia. Haysta shahaadada Masterka, cilmiga

    siyaasadda, qoraa sare iyo cilmibaadhe caana. Su’aashan ayaan hordhigay,

    “Intee in la’eg ayaad Abdiqaadirow tahay mid si xoogbadan u sugaya

    xaqiiqada Gabooye in la hayb-takooro?” Jawaabtiisa, “Haday iyagu sidaas

    sheegaan amase bulshadu tahay mid ku sheekaysaneysa; xaqiiqadaa waxkasta

    ka weyn, mudanna in la tixraaco, way jirtaa, haa si adag oon shaki kujirin

    ayaan u aaminsahay daahiradaas jiritaankeeda, waase loo heli kara xal hadii

    laga wada shaqeeyo”.

    Maxaa Lagu Yasayaa:

    Labo midba meysan sugnaanin: (1) In ummadda lasoo hordhigo taariikh abtiirsiinyo

    taasoo, gunnimo iney u dhasheen iyo haybsoocan mudanyihiin lagu xaqiijinayo, la

    heli waa, rag horaa waayo ku taamayoo, ka talaabsan waayey askari-jiifkaas. (2)

    Khuraafaadka iyo khuzacbalaatka odayaashu akhriyaan, daliil cadoo lagu sugo ama

    lagu yaqiinsado jiritaankeeda iyana la waa, wixii intaas kasoo hadha, ninba fekerkii

    iyo meeshuu la maro, aragtida adeeradii iyo tolkii iyo falsafaday akhriyaan bay ku

    caano-shubatay. Ninkii xujjo hayow, xagashu way qaloocantahee, xageed ka owdi,

    mase xaal-ogtahay rag iyo xaajadii waayo-waayo!

  • 7

    Maadaamaynu sheegnay ineysan jirin abtirsiinyo la raaco oo “Gabooye” lagu sugo

    iney gunnimada u dhasheen oo ilma-gumeyd yihiin, wixii kaloo la akhriyo saasaay

    ila tahay iyo waa baan adeeraday oo ku sheekeysanaya sheekadaas ka maqlay ama

    awoowgay ayaa iga faalooday oon ka dhageystay, gunaanadku saasuu kusoo

    khatimay. Sheekooyinka khuraafiga ee la dal-dalo, ta ugu khariban uguna qaabka

    daran, ta bakhtiga ka waranta ee dhahda beri ayuu bakhti cunay, iskamuusan

    matajin kolkay gaajadu ka ba’day oo dhereg la ashqaraaray, waase been iyo rag

    wuxuu dhoob-dhoobay, haku daalin kuwo maskax-faluuq qaba iyo sheekooyinka

    murqaanka leysku dhaafiyo ikhtiraaceeda, jiritaankeedana aysan sugmin, ay tahay

    mid habayaraatee beyd runa ku jirin.

    Markaad dabagasho sheekooyinka khuraafiga iyo dadka raba iney doodooda

    “Yasitaanka Gabooye” uga dhigaan markhaati iyo daliil weynoo cuskan xaqiiq

    dhaba, weydiiyoo sidan kudheh, “Adiga sheekadan yaa kaaga sheekeeyay, seese ku

    xaqiijin kartaa sugnaanshaheeda” kama jawaabi karaan, markay u badantahay waa

    haduu kudhaho Aabaa beri igu yidhi ama adeeraan ka maqlay oo sidaas lahaa.

    Dacaayadaha ugu waaweyn ee qadiyadan loo cuskado, siweyn ayaan filayaa inaad

    ila aragteen baadilnimadeeda iyo falsafad aan habayaraatee cuskaneyn wax xattaa

    xoogaa la dhihi karo waa shubho; sidaa daraadeed, haatan waxaad moodaa iney

    kusii dhowaaneyso iney tirtiranto maxaa wacay, been aan jirin sameynteeda, intey

    dhaqaaqdaba hadhow xaqiiqadeeda waa la gaadhaa, maanta waxaan qabaa halgan

    ummadeed hadii howshan lageliyo, natiijo ii muuqata weeye in arrintaas gebi-

    ahaanteedaba laga takhalusi karo, xalna loo heli-karo.

    Sookoobid: akhriste, hadda iyo horeyba, si adag ayaa loo sugayaa xaqiiqadan

    jiritaankeeda iyo dhaqangelinteeda; cilmibaadhista intaan wadeyna maanan arag

    ruux yidhi, “Ma umaleynayo, ismalihi ama ma dareensani … sugitaanka daahiradan”

    sidaas la ajligeed, cadeyn buuxda ayeynu u haynaa hayb-takooridan qaldan ee ku

    dhisan falsafadan baadilka ah “Kor kusoo xusnay” tahay midaan jirin; siweyn loo

    wada arkayo, hadii la doono yaan laga sinnaan habka loo camaliyeynayo, laakiin

    waa leysku raacsanyahay ogaalnimadeeda.

  • 8

    QAYBTA LABAAD:

    “QABAA’ILKA GABOOYE: MAXAA KA KHALDAN”

    Qaybtan oo shaki kujirin xasaasiyadnimadeeda; “nin ku dhiiradaa aad geesi u

    yahay”, waan ku dhiiran-karaa ka jawaabideeda, si cilmiyeysan kuna qoran

    luuqadda xaqiiqada iyo soo bandhigista aragti caafimaad qabta, ka fayow cudurka

    badi inbadan ay la tacaalayaan ka fayow-bidiisa; doodayda afartan qodob ayaan

    saldhig uga dhigayaa:_

    (1) Dhaqan-Xumo: Waxaan sinnaba loo qarin-karin ka hadalka qaar kamida

    xumaantay caadeysteen Gabooyuhu; haday doonaan keli yey ku ahaanin

    amase iyagu wada sameynin; way kala duwantahay markaad cudur ama

    xanuun marmar kugu dhaco ama balwad joogto ah kuu noqoto, tusaale:

    (A) Dhageysiga Heesaha: Ma dhaheyno iyagaa ku keliyoobay

    dhageysiga heesaha ama kulligood way dhageystaan, bulshadoo

    dhan ayaa dhageysata inyaroo Rabbi u naxriistay maahanee;

    iskumana hayno heesuhu sharci ahaan xaaraantinimadooda;

    mushkiladuse, hanaankiyo habkay iyagu u dhageystaan iyo sida

    bulshadu u dhegaysato ayay furuuqi u dhaxeysaa.

    Tusaale: Maqaaxi iyagu ku qayilayaan markaad timaado,

    dhammaantood hal hees ayaa u wada shidan, midkastana rikoodh

    sameecadiisa codbaahiye-weyn inuu ku rakibanyahay aad moodo buu

    sitaa una shidan, gebigaaba madax-xanuun iyo jahwareer maskaxeed

    oy u dheertahay daal iyo welwel badan baad ka qaadeysaa, keliya

    wakhtigaad ku bixisay indha-indhaynta howsha madashaas ka socota.

    Jareerta ayaa la wadaagta caadadaas jaahiliga ah, cid kaloo saddexaysa

    weli maanan arag, baxthi baa igu laaban.

  • 9

    (B) Dhaqangelinta Zinnada: Ma dhaheyno dhaqankaas xun *Zinnada*

    iyaga uun baa sameeya ama yaqaan, sidoo kale ma sheegayno dad

    qabaa’ilka kale (Haybtaas Ku Abtirsan) katirsan ineysan dhileysan;

    rabbi SWT inyaroo u naxriistay mooyaanee, inta maanta

    nafahooda ka dahiri karta xumaantaas magaranayo, dooduse

    waxay u lutineysaa, hab dhaqangelin ah ayaa caadadooda noqotay.

    Tusaale: Guri dhismihiisu socdo lagana shaqeynayo ayaan booqday,

    shaqaaluhu Gabooye iyo Jareer ayey u badanyihiin, marka laga reebo

    labo wastaad iyo injineerka; siday shaqadu u socoto, mid shaqaalaha

    kamida ayaa siibanaya/lawaayayaa, kuwii kale shaqada intey gacmaha

    ka qaadaan ayaa midkasta gurigiisa qabanayaa, asagoo u maleynaya

    kaas baxsaday inuu xaaskiisii u dabamaray. Xaasasku ineysan kala

    lahayn, iyaguna qaabilaan kay doonaan ayaad bartaas ka fahmeysaa,

    markaan weydiiyay-na saasay ii sheegeen oo ii xaqiijiyeen; jareerta

    ayaa dhaqanxumadaas la wadaagta.

    (2) Jahli Badan: Maahan kuwo ku tarbiyeeya dhallaankooda barashada

    cilmigiyo raadinta aqoon sare; sababtaasi, shaki kuma jiro iney abuurtay soo

    saarista jiilal badan oo dhammaantood kasiman jahliga iyo garasho la’aanta

    taasoo, aysan axad insaana ka qarineynin iney yeelanayaan “Jiilashaasi”

    dhaqanxumooyin badan maadaama, awoodii caqiido iyo tii dhaqanba lagu

    tarbiyeyn, waxa keliya ee la barayna tahay farsamo gacan.

    Dooda Samiik: “Ma ahi mid inkiraya ama sawir qaldan farsamada gacanta ka

    bixinaya, waan ogahay aas-aaska ilbaxnimo ummadeed inay tahay iyo waxa

    maanta dunidu ku kala hormareen; qaar dayaxa ku gaadheen; qaarna dawarsi

    iyo qaliin aan joogsaneyn kujiraan. Muhiimaduse, shaqsiga muslimka waxbaa uga

    horeeyaa farsamada gacanta inuu barto, diinka rabbi iyo dhaqanka bulshaduu ku

    abtirsado ayaa laga maarmaana barashadeeda iyo ku dhaqankeeda in laga

    caawiyo, farsamada gacanta inta markiiba lagu gardaadinayo”.

  • 10

    (3) Keli-ahaanshaha Mihnado Gaara: Sida inbadan ay ogtahay, shaqooyin

    sinna xirfado u ah oo ayagu gaar kuyihiin ama kuwa ku shaqeysta u

    badanyihin ayaa jira sida: Timajarida, Kabo-tolista Iyo IWM.

    Dooda Samiik: “Shaqooyinkaas iyo kuwo kaloo badan ood sameysaan

    uma arkayo shaqooyin xun-xun, inay wanaagsanyihiin oo mudanyihiin

    qabashadeeda ayaan ictiqaadsanahay; suubanaheena SCW dardaaranadiisii

    ayayba kamid aheyd shaqooyinka wanaagsan ee ruuxu gacantiisa ka qabto,

    una dhidido, kuwa ugu xalaasha badan yihiin; mushkiladuse, qabiil dhan oo

    kumanaan qofa, deegaamo dhanka masaafada ku kala fog degan,

    dhammaantood shaqooyin gaara qabtaan, maahan wax lagu farxo amase

    lasoo dhoweeye; nooc takoorid ah ayaaba kujirta, waaba loo arki karaa

    shaqooyinka kale agtiina ineysan qiimaba ka lahayn; kuwan keliya ay muhiim

    dhaqangelintooda idiin tahay. Maxaa shaqooyinka kale idiin diiday? Maxaase

    u soo saari-waydeen aqoonyahano, culima-awdiin, jaamiciyiin, ganacsato

    caana, siyaasiyiin siyaasadda magac kuleh iyo weliba mulkinta awoodda

    dhanka saxaafadda, ganacsiga iyo waxbarashada”???

    (4) Mooganaanta Awoodaha: Dunida maanta, fardi ama jamaaci, koox ama

    gaashaanbuursi, awoodo mulkinteeda lyo ka shaqeynsiinteeda leysku hayo,

    lagu dagaalamo, kii adkaadaana siyaasadiisa iyo barnaamijyadiisa ku fushado

    ayaa jiree, idinkuse “Gabooyow”ma moogantihiin!!?

    Dooda Samiik: “Soomaalidu habkay ku kala warqaadan jirtay, horeyba iyo

    haddaba, warkay ahayd “Oral Society”. Awoodda saxaafadda, waa mid

    haboon una nugul dantaada inaad kusoo gudbiso, adigoo luuqado iyo

    midabyo kala duwan isticmaalaya; aaway kaalintiinii?? Awoodda dhanka

    waxbarashada, jaamacadaha iyo soo saarista jiilalka cusub; kaalintiinii aaway??

    Awoodda dhanka diinta; culimo waaweyn maxaad u yeelan-weydeen??

    Awooda dhanka suugaanta; fanaaniin marka laga tago iyo dhowr odoy oo

    qarniyo iyo sanawaad hore la duugay; haatan, maxaad u soo saari weydeen

    Abwaano cabqariyayaal ah?

  • 11

    Soo Koobid:

    Akhriste, kadib afar amuurood oo qoraagu *Mufakkir Samiik* sheegay, jawaabta

    “QABAA’ILKA GABOOYE: MAXAA KA KHALDAN” aan soo koobo:

    “Si fudud aan kuugu qodobeeyo, qaybtan labaad qodobooyinkii ugu

    waaweynaa ee qoraagu qalinkiisa ku qoray, mudan inaad qadariso, fahamto,

    dhadhan iyo macne gaara kusameyso fekradaada.

    # Dhaqanxumo: Cunsurkani waa midka ugu weyn ee la dhihi karo

    bulshada, saameyn weyn ayuu kuleeyahay sababta loo takoorayo _ Qaybta

    Saddexaad ayaad ku arkeysaa doodan _ tusaalayaal labo ah ayuu qoraagu u keenay

    dhiraan-dhirinta qodobkan _ sidoo kale wuxuu xusay Jareertu inay shuraako kula

    yihiin qodobkan.

    # Jahli Badan: Habayaraatee midaan shaki la gelin Karin weeye, badi

    ubadkooda inaysan la jeclayn geynta iskoolada, barida culuumta sida: Diinta iyo

    Maadiga; intaa waxaa dheer, sabab kale oo xoogbadan weeye taasoo, si muuqata u

    sababaysa inay sameeyaan dhaqanxumo aan loo bogin, kadib aqoon yari iyo

    xadaara-insaaniya oo maqan aanna jirin.

    # Kali-ahaanshaha Mihnado Gaara: Timaha oo lajaro ama kabaha oo la

    tolo ceeb iyo caado xun maahan; qoraagu si adag ayuu u tibaaxay markuu doodiisa

    dhiibanayey; ceebtuse waxay imaaneysaa markaad iyaga uun gaar ku ahaato,

    ilowdo ama iska jaahil tirto dhammaan shaqooyinkii kale; aragti keeni karta weeye

    in qiil loogu helo in Gabooyuhu laftirkooda bulshada iska dhex-sooceen.

    # Mooganaanta Awoodaha: Dunidu halgan badan baa kajira, qolo kastaa

    waxbay tabanaysaa ama dalbeysaa, awoodo baa jira mudan in la fahmo, kaa

    caawinkara gaadhitaanka yoolkaaga. Sida qoraagu cadeeyay/tibaaxay beeshani way

    iska indha-tirtay awoodahaas, saameyn iyo falgelid badan xattaa kooban kuma leh,

    waana sabab keentay in halgankoodu daciifo, codkooduna dhawaaq sare ku bixin.

    FG: Xumaantan iyo Dhaqanxumooyinkan walaalaha aan u tiiriyey,

    dhammaantood kama sinna, dad wanaagsan oo ka fayow way leeyihiin.

  • 12

    QAYBTA SADDEXAAD:

    “SOOMAALIDA: MAXAA UGU WACAN”

    Qaybtii labaad, akhriste waxaad kusoo dheehatay afar qodob oo qoraagu ku

    sababeeyay inay yihiin waxa ka khaldamay Gabooyaha, si kale, Mufakkir Samiik,

    “Carabaabid kooban ayuu ku sameeyay cunsurada la dhihi karo inay sabab u yihiin

    qadiyadan falgalkeeda; gaar ahaan walaalaha waxa la dhihi karo inay ku

    khaldanyihiin”. Qaybtan, iyada si urursan waxaan ku eegaynaa dadyowga

    haybsoocan qaldan sameynaya, waxa la dhihi karo inay ku khaldanyihiin, doodan

    intaan u amba-bixin labo muqaddima aan ka hormarsiiyo.

    Muqaddimada Koowaad

    Allaah SWT qur’aankiisa wuxuu noogu sheegay, suuratul-xujuraat, aayadda 13-aad

    sidatan, “War dadow, anagu waxaan idin ka abuurnay lab iyo dhedig,

    dabadeed idin ka yeelnay shucuub iyo qabaa’il, si aad isugu aqoonsataan,

    ilaahey agtiisa waxaa idin ku karaamo badan, kiina idin kugu cabsida

    badan”.

    Saddex xikmadood oo waaweyn ayaaa kujira aayadan gudaheeda:

    (1) Bani-aadamka ideylkiis, nooc makhluuqaatka Eebe SWT kamida weeye, laga

    abuuray ciida, tarankiisuna kayimid Nebi Aadam CS iyo hooyo Xaawo

    kulankooodii. Qofkasta oo maanta jiritaankaas ku abtirsada “Insaaniyadda”

    shaki kuma jiro natiijadii aabihii iyo hooyadii kulankood inuu yahay marka

    laga reebo Nebi Aadan CS iyo Nebi Ciise CS, amarka rabbi ayay la

    keliyoobeen.

  • 13

    Faa’ido ayaan ogaanay muhiim inoo ah taasoo, si weyn inoo fahamsiinaysa in

    qofkastoo bani-aadam ah kayimid hooyo iyo aabe natiijadood; hooye iyo aabena ka

    yimaadeen Aadam CS iyo Xaawa kulankood; Xaawana katimid feedhii Nebi Aadan

    CS, isaguna ciida ka yimid.

    Hab-tarankaas bani-aadamku ku hanaqaaday “Human Development”, waxaynu

    si cilmiyeysan u fahmi karnaa in asalku iskumid yahay oo gun iyo gunnimo loo kala

    dhalan, dadkoo idilna ubadkii Nebi Aadam CS yihiin, asalkoodii horeyna ciid laga

    abuuray. “Haday ilma-aadan dhaqankooda iyo midabadooda kala duwanyihiin,

    waxay katimid ciida oo midabo iyo dhaqamo kala duwan leh”.

    Hebel waa madow ama casyahay, ama hebel aabe Faarax ayaa dhalay aniga aabe

    Cali ayaa i dhalay taasi, sinnaba maahan mid la dhahi-karo way mudantahay In lagu

    faano, waayo? Adiga aabe haduu ku dhalay isagana aabe kalaa dhalay, hadaad

    madowdahay isna waa casyahay, dhibaato majirto ciida ayaa sidaas u naqshadeysan,

    rabbibaa sidaas gartay, maahan inaad isku mashquuliso...

    Awlaadu waa nooc arzaaqada rabbi ku galadeysto adoomadiisa kamida, ciduu

    doono ayuu siiyaa; ciduu doonana waa ka qadiyaa. Sidaa owgeed, labo walaalo oo

    isku aabe iyo hooyo ah, waad arki midna tarankiisu inuu badanyahay oo 30 caruura

    rabbi siiyay, Kan kalena madhaleys goblan ah yahay; rabbi baa sidaas gartay ee haku

    daalin; hadaad awlaad badan isku aragtay, jaceyl lagu jecelyahay maahee, imtixaanka

    arladiyo dareen laguugu eegayo jawaab-falkaaga weeyaan.

    Ilma-aadan sinnaba iskuguma faani karaan aabayaasha “Haybta” ay kasoo kala

    jeedaan, tiro ama midab, waayo asalkuba iskumid ayuu ahaa, waxa keliya ee lagu

    faantami karo, qolo walbaa nafcigeeda, camalkeeda iyo dhaqankeeda weeyaan.

    Mesalan, anigu hadaan nin wanaagsan ahay, martida waji farxadeed iyo sooryo

    qiime-sare leh ku casuuma, waajibaadka iyo sunnaha ka adag, adiguna waraabe

    dhaqankiis leedahay, matukade wajigiisa dhulka aan dhigin tahay, sidee igu qancin

    kartaa inaad iga wanaagsantahay adoo i leh waan kaa tiro-badnahay ama kaa midab

    wanaagsanahay? Haddaba, quruxdu tirada iyo midabka kuma jirtee, camalka iyo

    qalbiyada kheyrarka ku duugan weeye.

  • 14

    (2) Danta keentay sameysadka qabiilka iyo shucuubta, rabbi ayaa si kooban

    inagu fahamsiiyay, sheegayna inay muhiimaddu tahay in laysku garto. Sideynu

    ognahay, shareecada islaamku nasabka axkaam farabadan ayay ku xidhay oo

    la’aanteed shaqeyn-karin; wayna ilaalisay walibana ku dartay maqaasida

    shareecadu xifdisay.

    Mesalan, axkaamta guurka iyo dhaxalka, nasabka ayaa lagu xidhay, isagoo la

    ilaaliyana waajib diineed weeye, sababta, khaladaad farabadan oo fasaad aan sinnaba

    loo koobi Karin wata ayaa suuragala timaadadeeda. Sidaas la ajligeeed, shareecadu

    way ilaalisay, si xoogbadanna u xifdisay.

    Tusaale kooban, qabiilku haduu lumo, ruux walba eedadii, hooyadii iyo walaashii

    ayuu guursan lahaa, sabab: “Maba garanayo ruuxan uu guursanayo haybtiisa”, taasi

    khalad diineed, kharaab adduuniyo fasaad aakhiro sow maahan? Tusaale kale aan

    kuugu daro, dhaxal ayuu aabihiin idin kaga tagay gaadhaya 100, 000 oo US dollars,

    hagaag, see loo garan cidii dhaxalkaas xaq ahaan lahayd iyo cidii kale, kawaran

    anigoo qoys kale ka socda hadaan dhaho anna intayda halay-siiyo, sow wareer

    adduun iyo kadeed aakhiro maahan?

    Dad badan qabiilka iyo qabyaaladda ayaa iskaga qaldan. Qabiilka: “Waa mid

    kamida tilmaamooyinka waa-weyn ee rabbi addoomadiisa dhex-dhigay si ay u

    fududaato inay isku aqoonsadaan, waa haybaha kala duwan ee ilma-aadan kasoo

    kala jeedaan ee, ku dhisan nadaamka-usrada, hadhowna qaraabo iyo shucuub isku

    bedela” Qabyaaladdu: “Isticmaalka qaldan ee qabiilka weeyee taasoo, keeneysa

    gaashaan-buursi cunfi qabiileed iyo xasuuq shacbiyadeed, natiijadeeduna tahay

    midaan loo bogin iyo qaraar adagtahay hadhow macaan in laga muunsado”

    Dooda Samiik: “Muhiim ayaan u arkaa bani-aadamku inay fahmaan, qabaa’ilkan

    iyo shucuubtan kala gedisan dhanka midabka iyo isirka, ujeedada loo unkay inay

    ahayd kala soocista ilma-aadan iyo inaysan isku dhex-milmin, sidaa daraadeed,

    halagu ekaado tilmaanta rabbi ina siiyay ee ahayd “Si leyskugu Aqoonsado”

    taasi waa inoo muhiim, haday keento in laysku gaashaan-buureysto iyadoo la

    doonayo cid in dulmi, dabargo’ iyo dekenooyin loo gaysto, isticmaalka qaldan ee

    qabiilka weeye, diintu aad bay uga digtay calaamadaas aadka u ceebaysan”.

  • 15

    (3) Ilaahey agtiisa waxaa ugu karaamo badan, ka bani-aadamka alle agtiisa ugu

    cabsida badan, xikmadan si balaadhan waxay u tibaaxaysaa in Alle SWT bani-

    aadamkiisa kala jeclayn, adoomo makhluuqaatkiisa kamida yihiin, ku kala

    sharfeyn jinsiga qabiileed ay yihiin, ku kala jeclayn laandheernimada iyo

    baaxadda deegaan, keliya iimaanka iyo cabsida tixgelinta siiyo.

    Inaad Alle u dhowaato, agtiisa karaamo ka yeelato, kuma xidhna nooca qabiileed

    aad kasoo jeedo, camalka aad sameyso inta wanaagiisu dhanyahay ayey ku

    lifaaqantahay rabbi agtiiisa karaamadaad ka qaadanayso. Qadiyadaas oo la fahmo,

    aad bay bani-aadamka uga caawinaysaa qaladkan weyn ee jinsi-sooca ay

    samaynayaaan.

    Sikale oo waaqiciya, inaad kasoo jeedo Qabiilka Daarood macneheedu maahan

    inaad kan kasoo jeeda Madhibaan aad Alle SWT uga dhowdahay, jannadana kahor

    galeyso. Cagsigeeda, way dhici-kartaa adoo Daarood kasoo jeeda inaad Jahannama

    ku waarto, kii aad dulmisay eed lahayd Madhibaan weeye jannada ku waaro; maxaa

    dhacay? Bal adba! Anigoo akhriste/walaal Allaah SWT dartiisa kaaga jawaabaya

    niyadaada ii fur, qalbigaaga ku weelee, maskaxdana ii salax. Sababta, “camalka aad

    shaqaysato ayaa la eegi, jinsiga lama eegayo, lagumana badbaadayo maalinta

    xisaabta, falsafadda runta ah walaal tan weeye”.

    Soo koobid Fasiraada Aayadda: Aayadda oo fiqhiyaad iyo istinbaadooyin

    badan kujiraan, hadda saddexdan xikmadood ayaan kasoo qaatey. Xikmadda

    kowaad, waxay ina fahamsiisay in bani-aadamku asalkiisu iskumid yahay, wax uu ku

    kala duwanyahayna sinnaba aysan u jirin, ceebna tahay asalkaas in laysku duro oo

    siyaalo qaldan loo ta’wiilo. Xikmadda labaad, rabbi shucuubtan iyo qabaa’ilka

    wuxuu u sameeyay in bani-aadamku isku jahwareerin ee kala soocmo, iskuna

    garto, noqotana tilmaan siweyn uga caawisa ku noolaanshaha arligan. Xikmadda

    saddexaad oo u dambeysay, karaamada rabbi ood heshaa iyo fardowza ood orod

    ku-gashaa kuma xidhna qabiilkaaga, “camalka aad shaqaysato ayay ku xidhantahay

    inaad rabbi ugu dhowaato ama kaga fogaato”.

  • 16

    Muqaddimada Labaad

    “Intii laysku yasi lahaa shay asalkiisa ideylkeen ka simannahay, armay

    wacnaan lahayd in acmaasha iyo dhaqamada laysku yaso; si loo qiimeeyo ka

    camalkiisu iyo dhaqankiisu wanaagsanyahay ama xunyahay”

    Muqaddimadan labaad, sidii tii koobaad kusoo aragnay oo runtii inoo noqotay

    baxthi cilmiyeed oo qawaacid iyo aragtiyo badan ku fahamnay, tan labaad, waxaan

    jeclaan lahaa inaan hordhigo bulshada, “Inaysan banaanayn marnaba walaalkaa inaad

    ku yasto keliya haybta uu kasoo jeedo, adigoon haysanin habayaraatee wax

    cadaymo ah oo arrinkaas aad ku doodayso xujjo u noqon kara”.

    Qofkasta waa inuu yeeshaa hammi iyo hididiilo ku dhisan aragti dhow, dhexe iyo

    fog iyo waliba istiraatiijiyad qorshaysan oo ahdaaf iyo ujeedooyin badan ku

    xardhanyihiin. “Hadii qof walba camalkiisa iyo dhaqankiisa la qiimayn lahaa, kii

    wanaagsanaadana dhiiregelin iyo ammaan loogu abaal-gudi lahaa, kii xumaadana

    ceeb iyo takoorid loogu abaal-gudi lahaa, shaki iigagama jiro in bulshadoo dhan

    noqon lahayd mid isjecel, midnimadeedu xoogantahay, nolosheedana rabbi raali

    kanoqon lahaa *Theory Of Motivation*”.

    “Haddii ka Diinta, Malaa’igta, Nebiyada iyo Eebe-weyne SWT caayaya la takoori

    lahaa, ka dhaqanxumada zinnada, tuugada, kufsiga, kadeedka ummadda, barakaca

    iyo dilka samaynaya la takoori lahaa, bulshadoo dhan caafimaad ayay heli lahayd,

    nabadgelyay heli lahayd, degenaansho iyo xasilooni dhanwalba ayay heli lahayd,

    nasiibdaraduse, kii wanaagsanaa ayaa la takoorayaa, kii xumaansanaa waa la

    amaanayaa, ayadoo qabiilku meesha ka marnayn *Negative Tribalism

    Interim*”!!!.

    Soo koobid: Caado-dhaqameed ayay ahayd weligeed jirtay, ruuxii xishood badan,

    edebtiisu iyo akhlaaqiyaatkiisu wanaagsanyihiin in la dhaho dhiig maleh, damqasho

    maleh, miskiin weeye, inan-rageed geesiya maahan; halka ka waalan, qal-qaaliga ah,

    bulshadu magaciisa markay maqasho ama muuqaalkiisa aragto ka naxdo in la dhaho

    xiniinyaa gubaya, geesi-geesi dhalay weeye, inan rageed dirac ah weeye. Illaa intay

    tolkay (Soomaalida) falsafadani shaqeenayso ma noqonayno kuwo ilbaxa, garta oo

    fahma xumaanta iyo samaanta, ilbaxnimada iyo dib-u-dhaca.

  • 17

    Labadaas muqaddimo markaan kasoo talaabsaday, aynu kusoo noqono qaybteena

    saddexaad iyo Soomaalida waxa ugu wacan samaynta hayb-takooridan qariban ee

    qaldan taasoo, sinnaba loo heli Karin daliil diineed iyo mid dhaqan oo taageeraya.

    Hase-ahaatee, cilmibaadhista intaan ku guda-jiray, su’aalahaygii waxaa kamid ahaa

    “Research Questions”, “Hadaad kamid tahay kuwa sameeya dhaqankaas,

    maxaad ku doorbiday oo ugu wacan eed isleedahay way tahay Gabooye in la

    haybsooco”, jawaabihii su’aashaas laga bixiyey, saddex-qaybood ayaa loo

    qaybsamay:

    (1) Qoloda Kowaad: waxaanu maqalnay oo sheeko ahaan ku haynaa, laba

    oday inay magaalo ka tageen, ayagoo meel kaymo iyo duur ah maraya, baad

    iyo biyo toonna aan laheyn, gaajadii iyo oonkii ayaa ku dillaacay, wax ay

    cabaan oo cunaan ayay waayeen; dantu waxay doorbiday inay bakhti-neef

    isku aaminaan, noloshooda kaga horjoogsadaan dhimasho; soo noqodkii

    magaalada, odaygii kale wuu iska matajiyey bakhtigii, odaygii Madhibaan isagu

    calooshiisa ayay ku ciroobeen, yacni iskamuusan hunqaacin, maalinkaas kadib

    takoori ayaa la saaray isaga iyo dhashiiisa. Aragtidaas 45% dadkii jawaabta

    bixiyay ayaa aaminsan.

    (2) Qoloda Labaad: saddex-dhaqan ayaan ku aragnay taasoo, si aada

    qaluubtayada u dhaawacday, waxayna kala yihiin: (A) Waxaa ku badan

    zinnada, hadaad gabadh ka guursato, naftaadu kuma siinayso kalsoonida

    inaad aaminto inaysan gogol-dhaaf aqoonin, hadaadba mid wanaagsan hesho,

    qoyskeeda ayaad ka dareemi kartaa dhaqankaas sida walaalaheed,

    ilmaadeeradeed iyo eedooyinkeed. (B) Aqoonta diineed iyo maadi ayaa ku

    yar. (C) Way is urursadaan, dhaqan lagu yaqaano weeye magaalo walbay

    degaan, xaafado gaara ayay ku badanyihin tusaale, Hargeysa, xaafadda

    Daami ayay ku badanyihiin. Aragtidaas 40% dadkii jawaabta bixiyay ayaa

    aaminsan.

    (3) Qoloda Saddexaad: Waanu yasnaa, laakiin ma garanayno waxaan ku

    yasno, sheekooyin waan maqalnaa, magaranayno inay xaqiiq yihiin iyo inkale.

    Aragtidaas 15% dadkii jawaabta bixiyay ayaa aaminsan.

  • 18

    Soo koobid: Saddexdaas nadariyadood waa kuwa ugu waaweyn uguna muhiimsan

    ee la dhihi karo si cilmiyeysan, xaqiiqada iyo waaqicana ka tarjumeysa waa sababta

    Soomaalidu Isir-takooridan haybeed ee qaldan u sameynayso.

    # Qoloda kowaad: Waxay ku andacoodeen sababtay u takoorayaan inay tahay

    falsafadii adeeradood iyo awoowayaashood ka maqleen, aniguna aan sheegay inaan

    illaa iyo hadda cadaymo lagu sugayo oo taarikheed loo haynin, keliya kusoo

    urursatay dacaayad iyo waxaan xaqiiqo ahayn oo xaqiiq laga dhigayo.

    # Qoloda labaad: Waxay ku doodeen saddex-dhaqan inay jiraan taasoo, si weyn

    ugu kalifaysa takoor inay saaraan Gabooyaha, sababta kowaad waxay ka dhigeen

    Zinnada oo kubadan, sababta labaad, jahliga ayey cuskiyeen, sababta saddexaad,

    waxay ku cadeeyeen inay jirto goonisooc ay iyagu magaalo walboo degaan dacal

    kaga bataan, waxayna tusaale usoo qaateen magaaladda Hargeysa, xaafadda

    Daami, waxaa ku badan oo xattaa la dhihi karaa 90% iyagaa degan, daahiradaas

    anigu waan ku raacsanahay, labada qodob ee kale waa anagii kusoo marnay qaybtii

    koowaad ee: “Qabaa’ilka Gabooye Maxaa Ka Khaldan” (FG: Dib Ugu Laabo)

    # Qoloda saddexaad: Iyagu meel dhexe ayay ku go’doomeen, labadaas aragti

    ayay u dhaxeeyaan, maba garanayaan sababtay takoorida u sameenayaan. Sida

    daraasaddu cadeenayso qoloda aragtidan aaminsan, waxay dhasheen kadib 1996-

    dii, waxaan qiyaasayaa qolodan saddexaad, 10 sanno kadib inay noqon-doonaan

    aragtida ugu balaadhan ee aragtiyooyinka Soomaalida ee qadiyadan (Saadaasha

    Qoraaga).

    Dooda Samiiik: “Saddexdaas aragti: Aragtida koowaad waxaan u arkaa mid

    baadil ah, taariikh la dhoob-dhoobay oo beyd run ah kujirin, una baahan sidii loo

    tirtiri lahaa in laga wada shaqeeyo. Aragtida labaad, waxaan sugayaa si Akaadeemi

    ahaan inay jirto weliba tahay mid xoogan daliilkeedu, arkaantii ay ku dhaqaaqi

    lahayd doodaas ay dhameystirantahay, waaqicuna markhaati buuxa ka yahay.

    Aragtida saddexaad, si Akaadeemiya way jirtaa, dhallaankii 1996-dii kadib dunida

    yimid, mabayaqaaniin cudurkan iyo rag miisaankuu ku hayo, sheekooyinka baadilka

    ee khuraafigana, waxba kama jiraan ayay iyagu kasoo qaadaan. Gunaanadka, sidee

    loo xalin-karaa qadiyan, qaybteena 4aad ee qoraalka ayaynu inbadan kaga

    hadlaynaa”.

  • 19

    QAYBTA AFRAAD:

    “QADIYADAN: SEE XAL LOOGU HELI-KARAA”

    Xuluusha ugu wanaagsan ee qadiyan lagu cilaajin karo intaanan soo gudbin, dhowr

    qawaacid aaan qodobeeyo: _

    I. Isir-sooc beelaha Gabooye lagu sameeyo, jiritaankiisa waa mid

    muran iyo doodi ka taagneyn.

    II. Iyagu dhaqan-xumooyin inay leeyihiin, shaki iyo dood kama

    taagna.

    III. Xanuunkan ummaddoo idil inuu dhibaato kuhayo, marag

    madoonto cidna wax laga weydiineyn weeye.

    IV. Si deg-dega xal in loogu helana, dadkoo idil waa miday

    dareemayaan oo sugayaan.

    V. Jahli diineed iyo taariikh beena oo la firdhiyey sababtay kutimid

    inay tahay, waa lawada ogsoonyahay.

    Xanuunka kuhayaa ood dareento amase garato inaad xanuunsantahay, bilowga

    caafimaadka weeye; noocuu xanuunka yahay inaad garatana furihii caafimaadka

    weeye. Sidaa owgeed, qadiyadan isir-sooca waa xanuun-bulsho (Social Disease),

    waana mid faafaya (Common Disease), si deg-dega tahay in xal kumeelgaadha

    iyo mid waara loo raadiyo.

    Aragtida Samiik ee xalka qadiyadan: “Hayb-takoorida Gabooye labo ilood ayay ka

    imaaneysaa: (1) Isha Kowaad: Iyagaa isku samaynaya, markaad shaqooyin gaara

    ku ekaataan ama magaalo walba xaafado gaara ka degtaan, miyaysan xaqiiqadu

    ahayn inaad bulshada ka dhex-baxdeen oo gooni-dhaqan sameyseen. (2) isha

    Labaad: Soomaalidu, iyaguna waxay sameeyaan isir-takoorid taasoo aysan daliil

    cad iyo xujjo lagu qanco u haysanin. Xalku wuxuu ka imaanayaa labada daraf oo

    mid walbaa siweyn qadiyadan u lafagura, doorkiisa iyo kaalintuu xalka ka ciyaari

    karo la baro. Si aan xalka u faah-faahiyo, hoos ayaan ku qodobaynayaa”

  • 20

    Aragtida Samiik Ee Xalka Qadiyadan

    # Fariin Kusocota Gabooye

    *An Open Message To Gabooye Community”

    (1) Cidhiidhiga aad isgeliseen haday noqoto magaalooyinka aad doc kaga

    nooshihiin iyo dhaqamada xun-xun, joojiya hawlahaas, magaalooyinka si

    balaadhan u dega, bulshadana dhex-gala, wanaagana badiya.

    (2) Shaqooyinka gaar-ahaaneed sida: Timajarida iyo Kabo-tolista ceeb maahan,

    aas-aaska ilbaxnimada weeye; ceebtuse waxay imaanaysaa qabiil dhan oo

    kumanaan qofa, deegaano dhanka masaafada kala fog degan inay xirfado

    gaara gooni u yeesheen; joojiya dhaqankaas, barta xirfadaha kale

    dhammaantood si iskumida.

    (3) Ubadkiina ku tarbiyeeya wadaniyadda iyo barashada cimiga diiniga iyo

    maadiga, geeya iskoolada, soo saara jiilal aqoon diineed oo funuun kala

    duwan leh, aqoon maadi oo takhasusaad kala duwan leh, jiilal dhaqankii iyo

    hidihii bulshadan xambaarsan.

    (4) Awoodaha dalka, dhanka dhaqaalaha, warbaahinta, caafimaadka,

    waxbarashada iyo siyaasadda gala. Muhiim weeye inaad soo saartaan

    aqoonyahano siyaasiyiin ah oo siyaasadda magac kuleh, ganacsato

    deegaamada Soomaalidu degto laga wada yaqaan, yeesha idaacado,

    websitesyo iyo Tv-yo inbadan halgankiina idinka caawiya.

    (5) Afartaas qadiyadood ee kor kusoo xusay dhaqan-gelintooda kadambow,

    halgan dheer oo xoogbadan ayaa la idin kaga baahanyahay, dhan inaad

    luuqad diineed ku hadashaan idinkoo culimadiina adeegsanaya, dhan luuqad

    maadi idinkoo barreyaashiina adeegsanaya, dhan luuqad suugaaneed idinkoo

    abwaanadiina adeegsanaya, kadib awoodii aad yeelateen ee dhanka iclaamka,

    waxbarashada iyo ganacsiga ayaa idin ka caawinaysa halgankiinu deg-deg

    miradhal inuu ku yeesho.

  • 21

    Aragtida Samiik Ee Xalka Qadiyadan

    # Fariin Kusocota Soomaalida

    *An Open Message To Somalis Performing*

    (1) Dad walaalihiin ah dhanka aadannimada iyo Soomaalinnimada; diin iyo

    dhaqan, dhul iyo dad, af iyo taariikh wadaagtaan, sheekooyin iyo falsafado

    been-abuurad ah oo la cadayn Karin sugnaanshaheeda inaad ku yastaan waa

    diin xumo, dhaqan xumo iyo damiir xumo. Waajibkiinu waa inaad ka

    tanaazushaan dhaqankaas xun eed tadbiiqineysaan har iyo habeen.

    (2) Halganka lagu cidhib-tirayo xanuunkan waa inaad kawada qayb-qaadataan,

    saameyn weyn iyo kaalin weyn ka ciyaartaan, waajibkiinu, jinni ninkii keenaa

    saaree, inaad dabargoysaan Viruskii aad dorraad abuurteen weeye.

    (3) Waa in la bilaabaa barnaamijyo-wacyigelineed taasoo warbaahintu door

    weyn ka ciyaarayso: lagu waraysanayo culima-awdiinka ugu caansan

    ummaduna cilmigooda ictiraafsantahay; lagu waraysanayo abwaaniinta

    cabqariyiinta ee caalamiga, waxgaradka bulshada, oday-dhaqameedyada iyo

    dhalinyarada cudurkan ka fayow, waxaan sidaa u leeyahay oo qodobkan

    xuluusha ugu daray, Soomaalidu (Oral Society) weeye, warka ayaa ahaa

    haatanna ah habkay Soomaalidu fariimaha, macluumaadka iyo xogta ku kala

    qaadan-jirtay, iclaamkuna waa dhegihii, dhaayihii iyo dhambaalkii bulshada.

  • 22

    FAAllO: WAAN DIIDANAHAY

    Afar-waxyaalood oon diidanahay

    Four things which I rejected

    (1) Isir-takoorida: Waa caado qadiimiya oo boqolaal sanadood Soomaalidu ku

    dhaqmaysay, haddii maanta ay noqoto in la xaliyo; xalku wuxuu ka

    bilaabanayaa ayadoo mes’aladan cilmibaadhis lagu sameeyo, si weyn loo

    darso ilaha (Sources) ay ka imaanayso jinsi-soocan; si lamida, daraasad lagu

    sameeyo sababta iyo saamaynta; qadiyadu markan waxay ahaanaysaa mid si

    fudud loo gaadhi-karo xalkeeda. Xalka haddii meel kale laga baadi-goobo,

    waan diidanahay.

    (2) Isir-takoorida: xadgudub mabda’a insaaniyadda ah weeye, sanadahaas oo

    dhan inay jirto waxaa sababay wacyi-gelin la’aan iyo bulshada qaybaheeda

    kala duwan sida: Culimada, Waxgaradka, Abwaaniinta, Qalinleyda iyo Bahda

    Saxaafadda oo doorkoodii iyo kaalintoodii dayacay; si lamida, bulshada oon

    u bislayn arrintas. Sidaa owgeed, sababtaas in la fahmo waa muhiim, waan

    diidanahay hadii layska jaahil-tiro.

    (3) Isir-takoorida: Kadib Baraarugii Islaamiga iyo biseylka duruufaha nololeed

    iyo wacyiga adduun, waxaa jirta ifa-faalo weyn oo muujinaya in dhaqankan-

    xumi saameyntiisu yaraanayso. Balse, si adag waxaan u aaminsanahay

    haddaan la helin midnimo iyo wacyigelin dhamaystiran hadda, way fududaan

    kartaa halkeedii inay kusoo laabato. Fekerkaas oo aan la qiimeyn, waad

    diidanahay.

    (4) Isir-takoorida: Ninkii haya dhiraan-dhirinta abtirsiinyo lagu sugayo in

    qabaa’ilka la hayb-sooco ay xaq tahay oo mudan-yihiin, waxaan ku leeyahay:

    “Fekerkaaga iyo aragtidaada waan soo dhoweynayaa walaal, waxa keliya een

    kaa doonayo, ma igu qancin kartaa aragtidaada adigoo i soo hordhigaya

    xujooyinkaaga iyo adilada aad u haysato doodaada”, Hadaadan ogolayn in

    laguula doodo, arrintaa waan diidanahay.

  • 23

    FAAllO: IYAGU MIYAY WAALANYIHIIN?

    Comment: Are They Mad?

    SU’AAL KU SOCOTA SOOMAALIDA: Kadib burburkii iyo qaran-jabkii Soomaaliya,

    waxay bulshadu la noolaatay wacyi, duruuf iyo xaalado aad iyo aad u jahwareersan,

    kadeed iyo waali ka muuqato. Dad baa taajiray, qaar baa faqiiroobay, kuwaa

    dhintay, kuwaa tarmay, qaar baa waxkasta oo dalku lahaa oo dhaxal taarikheed

    ama cilmibaadhiseed mooday Aabe Siyaad AUN inuu lahaa. intaasoo xaalado ah

    mid kadaran baa timid, dadkii shalay ka faanayay Midgaan, Tumaal, Madhibaan ama

    Gabooye, shalay markuu dhoofayay oo Nairobi, Addis-ababa iyo meelo kale

    joogay wuxuu ku dhoofay magaca Gabooye oo waliba abtirsiinyada caruurta la

    xifdisiiyay, talow miyay waasheen mise anaa garanee way soo toobad-celiyeen?

    Dadkan bal ha u jawaabeen Abwaan Maxamed Cismaan Guuleed maansadiisan!!!!

    Dhalashii mudnaydee

    Lagu kala dhaqaaqee

    Dhudaheeda farabadan

    Ninba laan dhufsadayee

    Ana la igu dhaafee

    Dhalad ma ihid la iyiri

    Ruux dhiig is galiyoo

    Xaqa dhab u haleeloo

    Dhiidhiyaan sugaayoo

    Dhawaaq iigu hiishee

    Nabsi dhimasho diidyoo

    Dhulka laguma aasee _________________

    Waaryaa dhilowyahan

    Dhirta Sare kunoolaa

    Adigoo nin dheeroo

    Ciida iska dhowraa

    Taariikh dhigaysee

    Yaa dhaadhac kugu yiri

    Markaad dhoof u yaacdeen

    Muuse dhariyihii iyo Yibir isugu dhiibteen?.

  • 24

    Gabay Uu Curiyay Abwaan: Abdirahman M. Ali

    (Ubaxle)

    1. Cir godladay gudgude soo onkoday dirir guyoo hooray

    2. Mayay gaaxday gufaaciyo qayood gaydhe iyo foore

    3. Fad galbeedka guurguurayoo galalac nuuraaya

    4. Guulaamo roob soo kiciyo maayad garab joogta

    5. Qorraxdoo shinkeedii galiyo godadka nawriishka

    6. Danab guday gantaalaha sunta ah gabaygu weeyaane

    7. Salaanbaa ku gaamuray murtida gacanna loo taagye

    8. Ninka gabayo ciilkood tirshoow waad ilaab garane

    9. Mar haddaan girgeydhkii tixdana galabta soo joojay

    10. Galowga iyo fiintaa ka kici geed labkoo idile

    11. Nin garaad lehbaa laga xushaa goob la dhiidhiyo e

    12. Ragna geesibuu leeyihiyo hebed la gooyaaye

    13. Sayidkii col guubaabiyee galiyay duulaanka

    14. Raagihii gammaankiyo fardaha luuqda garansiiyey

    15. Cal dhuuxii guba weerarkiyo gulufku heenseeyey

    16. Ismaaciilkii guuguulihiyo guga la haasaaway

    17. Godkii maxamed nuur fadal galaan cidina gaadhayne

    18. Gabyaaye iyo cali jaamicii geesinimo sheegtay

    19. Garba wayntii feedhoole iyo guutadii caynab

    20. Gadh castii gammuutiyo qammaan guud caddiyo yawle

    21. Guubaabshihii saahid iyo gabannadii raacay

    22. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin

    23. Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo

    24. Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena

    25. Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada

    26. Qaasinbaan garoocdiyo aqoon geed isugu beege

    27. Xalleefbaa ku guurayn jiriyo gun iyo baar eege

    28. Faytibaa gartiisana yaqaan loo golayn jiraye

    29. Ina nuurkii geed loo sudhuu guunyadiis yahaye

    30. Gacma dheere goof iyo cilmiyo guulwadiyo muuse

    31. Xaajigii guhaantiyo lahaa maxamed guuleedba

  • 25

    32. Geeraarshihii daalinbaan gooruun tebayaaye

    33. Ina godane geydh iyo libaax garab salaaxayga

    34. Gamuumaale guray faarax iyo geelle iyo qaaje

    35. Garqaniinyo gaaggaale iyo kumankii geeryooday

    36. Kuman gaannan kuman geesiyo ah Kuman gadaahiiba

    37. Iyo kuman kaloo gabay xaddi leh iyo galaydh miidhan

    38. Kumanaan gundhiddin miidhaniyo guure iyo huube

    39. Gama’diid iyo dhoodaanba waa noocad gooniyahe

    40. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin

    41. Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo

    42. Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena#

    43. Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada

    44. Garbo duubka wuu diidi jiraya geesi dhiiraniye

    45. Gaashaanka wuu qaadan jirey goob la yuururo e

    46. Gobonimadan iyo timacaddii libi ku geeraaray

    47. Xaajigii guyaal iyo guyaal meel walba u gooshay

    48. Xasan ganayo guurtida culculus gaarriyiyo aadan

    49. Gadhle iyo hadraawi iyo qays gacalka suugaanta

    50. Gaanniyo arbii caligeriyo geeddi iyo yuusuf

    51. Gargaar iyo gadh yare iyo hurriyo gole ka fuulkoodhan

    52. Gabyow iyo waraabiyo amiin goohyadii bacadle

    53. Yamyam iyo garaad xaaji iyo galayaxoow soofe

    54. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin

    55. Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo

    56. Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena

    57. Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada

    58. Garcadaawihii ina xuseen garanmawaayeene

    59. Gabooyuhu raggiisii malaa waanu garanayne

    60. Geel jire ushuu goostaybuu goobayaa waliye

    61. Guri nabad ahbaa lagu gam’aa waa guduutaba e

    62. Ummaddaad guhaad kula kacdeen way gabbanayaane

    63. Inkastoo gumaystuhu ka kacay guushii may heline

    64. Garawshiiyo looguma hanbayn garab la’aantiiye

    65. Geed joog gartii waa yaqaan godob la’aaneede

  • 26

    66. Iyagaa ka gaabsaday halkay guban lahaayeene

    67. Gardarrada yagaan kaba gilgilan gooru yaalayle

    68. Imikayse geesiyo kaceen lagu gam’aayaaye

    69. Gumaysiga haddaa laga bixiyo dhiisha gorofkaaye

    70. Ayax iyo garnayl uur gubiyo gudiyo aw geeddi

    71. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin

    72. Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo

    73. Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena

    74. Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada

    75. Godobtooda maqanbay maruun daba galaayaane

    76. Gallad eebahay siiyayoo gaar ah bay heliye

    77. Gurrac iyo bakhtina idinka dheer guullahay marage

    78. Inta gaan lakala ootay baa goosan noqoteene

    79. Gobol qudha yagaan kaga tageen gaajadaa darane

    80. Hadday idinku gaar yeelayaan geeri loo simane

    81. Godka aakhiraan buuxsamayn oo la galyaaye

    82. Allaylehe gefkaa idin qabsaday gaaladaa naxaye

    83. Gurigaan haween joogin waa ceelki soo gudhaye

    84. Hablahaa gabooyuhu dhalaan gaadanahayaaye

    85. Goonbaarta waa laga tagaa goobay joogtaba e

    86. Naagtii gidaar taaganbaan guurba kuu qabane

    87. Gabadh reer dhalaa lala sugaa gaaxda kugu taale

    88. Gomosh lama xantoobsado haddaa gabow ku iimayne

    89. Waxa gaari lagu diidan yahay waanan garanayne

    90. Waxbase arartu yey ila gudbine waxan ku soo gooyay

    91. Ninka gudinta ii jarahayee timaha ii gaabshey

    92. Ee guriga ii oodayee ii gundhiyey jaanta

    93. Bal maxaan gumaysiga u badi waa garaad xumo e

    94. Oo maan ka guursado habluhu waaba gacalkaye

  • 27

    MAANSADA HAYB-SOOC IYO ABWAAN MAXAMED HIIRAD

    Gabaygan Waxaa la curiyey: 18th April, 2012.

    Waxaa Curiyey: Abwaan Maxamed Hiirad.

    _____________________________

    Caliyow ninkii subaxya badan, soo jiraye nooli

    Wuxuu soo ogaan jiray hadduu , sabab u raadceeyo

    Oo samada eegoo wax badan, sananiyoo reemo

    Waxaan laba sugayn buu mar uun, sahal u sheegaaye

    Marka hore salaan iyo walaal , duco san aamiinso

    Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni

    Midkii aad ku sugan tahay Ilaah, kugu salaameeye

    Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo, kuu yeelye

    Kuu sakhir sareedada adduun saami waafiyahe

    Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel, suubban baarriyahe

    Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e

    Dabadeedna sowdkayga weri, iyo su’aashayda

    Siday tahay Calow inan rag waa inuu sinnaadaaye

    Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey, sharaf weyne

    Sinjigoodu waa Aadan iyo, sawjadduu qabaye

    Sagaal bay kusoo wada dhashaan, bila sid hooyaade

    Sargooyada diyada qoonta iyo, siman qisaastiiye

    Sad bursiiyo weyn iyo ammaan , saayid lagu yeesho

    Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye

    Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene

    War Soomaali badankeed xaqii, seege oo naca e

    Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide

    Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye

    Surinkaad walaalkaa dhigtaa waa ku sugayaaye

    Dulmigaa la saaciday xaqaa, sula la waydaartay

    Waa waxa surkii ina jariyo, seedihii dhabare. Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gale.

  • 28

    Dad sokeeye saafiya ahoo soo jireen nala ah

    Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi

    Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya

    Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka

    Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya

    Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh

    Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay

    Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda

    Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay

    Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado

    Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah

    Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba

    Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro

    Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus?

    Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?

    Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin? Waa su’aal dadweynaha jawaab laga sugaayaaye

    Sax inaynu nahay iyo inaan saaruf nahay waalan

    Kala saari waayoo anigu waan sahwiyayaaye

    Haddii seere guur jiro hablaha sumalxad loo diiday

    Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu saami ugu yeeshay?

    Yaa siiyey madaw saaqidiyo sal iyo hoy laawe? Waa su’aal dadweynaha jawaab, laga sugaayaaye

    Afartaa salaan sharaf leh iyo saarid calankeen dheh

    Suugaan aan sir iyo xeel lahayn soo bandhigiddeed dheh

    Sayid Aadan Carab iyo sidii Samatar maw sheegay

    Samadoon xaqoodii sugnaa siin ma ka higaadshey

    Sadar kalana waa xaajo aan sabab u soo waayey

    Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye

    Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane

  • 29

    Safan cidhibta saafiyo ragaad suulka jabinaaya

    Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo

    Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan

    Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey

    Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa

    Ee socod ammaniyo xarrago soo dejay ee keenay

    Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo

    Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa

    Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan

    Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh

    Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo

    Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey

    Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda

    Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran

    Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya?

    Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay?

    Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye

    Afartaana saymaha gugiyo sagal aruuryaad dheh

    Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo sadaradii hawd dheh

    Xaq la seegay qaar laga sir galay saani ma u sheegay

    Ma seegaa la yidhi wiil abtigii suu ahaan jiraye

    Saxaafaddii Ismaaciil Miriyo sawdkii Cali dhuux Dheh Sawd kalena waa xaajo aan sax u malayn waayay

    Duulkii salleeliya murtidu waa ka sibiqdaaye

    Been bay sad moodaan runtuna waw sun iyo hooge

    Waxaan suura gelin bay waqood kuu sawirayaane

    Sab haddii la yidhi sooma galo magaca Soomaali

    Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura

    Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa

    Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay

    Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh

    Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday

    Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah

    Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro

    Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye

  • 30

    Anigana siday ila tihiyo maan salkaba gaadho

    Maan soo gunaanado murtida sii wad lagaroone

    Kala soconayaa oo dad kale sidig ku raacnaaba

    Kala soocannaa oo badhkeen sabo ku sheegnaaba

    Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo sawdka hadalkeenna

    Iyo magacan uu sugay intuu soohdin nagu beeray

    Cid uu siiyey may jirin horteen sugina maysaane

    Innagaa wax kala saar wadniyo kala sarrayntaase

    Innagaa midkii sebiyo badan kibir sarkhaamaaye

    Innagaa midkii seben dhergaa talada seegaaye

    Innagaa midkii sado helaa seef la kacayaaye

    Innagaa midkuu seegay calaf samir darraadaaye

    Innagaa sokeeyaha nacnoo waabna geed sare e

    Siinleydan aan daabiciyo sadaradaan qeexay

    Mar haddaan sadriga loo furayn samo ninkii doona

    Soomaali weyntii haddii laga sabool haaday

    Sugi maayo calan lay sudhiyo sidasha faankiise

    Sugimaayo xeer loo sinmiyo diin la saacido e

    Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu waa sad qaaliya e

    Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto

    Ubadkaad siddaan iyo kuwaa soo socda u meersha Anigana sawaab iyo ajraa Eebbe igu sine.

    >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

    # Halkaasu Gabaygu Ku Dhammaaday.

  • 31

    # KAFTAN CILMIYEYSAN:

    Qaybtan gaarka ah, waxaan damcay oo dareen aan doorbiday ila noqotay, qoraalka

    maadamuu xasaasi ahaa, akhristuhuna ay macquul tahay ku daalida daalacashada,

    inaan kusoo gunaanado kaftan aan kaga jawaabayo su’aal mudan oo miiska

    marwalba taala, la weydiiyo cidkastoo sheegata cudurkaas inay ka fayowdahay una

    taagantahay halganka loogu jiro cidhibtirka iyo baabi’inta dhaqankan ceebaysan, “

    Hadaad run sheegaysaan oo aad ka fayowdihiin cudurkan, maxaad u guursan

    weydeen inan Madhibaan ah si xalka idinku u bilowdaan, bulshaduna idin kaga

    dayato”, su’aashaas cidwalba ayaa la weydiiyaa sida: Culimada, aqoonyahanada,

    abwaaniinta iyo dhalinyarta. Walaaha “GABOOYE” ayaa na weydiiya..

    Samaaxatul Mufti, Alcallaamah: Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo rixlo-

    dacwo mudo dheer qaadatay kumarayay deegaamooyin aad u kala fog-fog, lagasoo

    bilaabo kiilka shanaad, Somaliland illaa uu kasoo gaadhay dowlad-goboleedka

    Puntland. Mid kamida muxaadaraadkiisii aadka looga faa’iday ee Masjidka Al-Rowda

    ee magaaladda Bosasso ka jeediyay, fataawida ayaa su’aashan lagu weydiiyay,

    “Shiyuukhdu/wadaadadu maxay uga guursan waayeen qoyskaas si xalka ay iyagu u

    bilaabaan, bulshaduna kaga dayato”, jawaabtiisa, “Adigu ma ii sheegi kartaa wadaad

    Soomaaliyeed oo la siiyay inan reerkaasa, dabadeed diiday”. Kaftankaas Shiikh

    Umal afeef ayaan ka dhiganayaa.

    Mufakkir Samiik: “Qoraaga maqaalkan ayaa su’aashan la hordhigay, “War

    Samiik, hadii gabadh Madhibaan ku abtirsata lagu siin lahaa ma guursan laheyd, si

    dhalinyartu kaaga daydaan” Jawaabteyda, “ Buugga *My Background Profile* oon

    nafteyda ka diyaariyey, qaybta shukaansiga iyo tilmaamooyinka gabadha xaaskeyga

    noqonaysa ku dooran-lahaa oo 20 gaadhaya (Personal Partner Lists),

    kumaanan darin haybta ay kasoo jeedo, hadaan helo gabadh 50% sifaadkaas aan

    buugga ku qortay buuxisa, walowba Jareer, Madhibaan ama Daaroodba hanoqotee

    waan guursanayaa, mana garanayo sabab iga hortaagan, aniguna cudurkan waan ka

    caafimaad qabaa, mahadaasna Rabbigay ayaan u tiirinayaa” Alxamdulil-laah.

  • 32

    Qisada Heesta Xaalmarin

    Heesta Xaalmarin oo kamida heesahaan curiyey kadib imaatinkeygii Bosasso,

    waxay heestaasi ku taarikheysantahay qiso dhaba oo dhacday, waxaana curiyey

    habeen Khamiis ay soo galeyso, taariikhduna tahay 10th September, 2014.

    Aniga iyo saaxiibkay Asad oo ku caweenayna mid kamida kafateeriyooyinka ugu

    weyn ee magaalada Bosasso “Jubba Caffeteria”, sidaan u sheekeysanaynay ayuu

    ii sheegay inuu ii hayo qiso dhaba oo asaga ku dhacday xilli sanad iyo lixbilooda

    Bosasso aan ka maqnaa, Hargeysa iyo meelo kale aan joogay.

    Sookoobid hadaan qisada kusameeyo, “Saaxiibkay Asad wuxuu jeclaaday inan

    magaceeda uu igu sheegay Farxiya, si nasiiba ayay isku barteen, kadib kaftan

    dhalinyaro oo haasaawe fiican ku ladhantahay ayaa bilowday iyo inay sifiican isku

    bartaan, nambarada kala qortaan, si qotodheer u sheekeystaan”.

    Wuxuu intaas ku daray in labadoodu is jeclaadeen, mudo sanad gaareysana ay

    sifiican u wada socdeen. “Jaceyl dhaba oo noociisoo kale la arag ayaan sameenay”

    ayuu hadalka igu daray, intaas kadib, waxay isku afgarteen inay is guursadaan,

    wayna ku heshiiyeen, warbaa ka dambeyn!!!.

    Asad wuxuu ku abtirsadaa mid kamida qabaa’ilka ay Soomaalidu yasto kuna

    sameyso hayb-takoorida “Madhibaan”, Farxiya way ogeyd inuu wiilku reerkaas

    ku abtirsado, sidaasna way ku dooneysay kuna jeclayd kuna guursan laheyd, laakiin

    balaayadu waxay ka timid in Asad jaceylkiisii saddexeeye saameeyay oo loogu

    sheekeeyay, “Ma adigoo reerkan laandheeraha kasoo jeeda, qoyskiinu sharaf,

    magac iyo meeqaam leeyahay ayaad dooneysaa wiil Madhibaan ah inaad nolol la

    wadaagto, ninna ka dhigato”.

    Farxiya aad bay u xumaysay Asad kagadaal markii la nacsiiyay, laguna diray.

    Walaahow iyo wel-wel xanuun badan ayaa saaxiibkay soo food-saaray, karaankiisa

    intuu awooday si uu jaceylkiisii usoo ceshto wuu sameeyay, waxkasta oo uu

    sameeyo saddexeeyeyaashii ayaa burburiyay. kadib Heesta Xaalmarin ayaan

    habeenkaas curiyay si saaxiibkay qalbiga aan ugu dajiyo.

  • 33

    _________________________________

    Hadaad i xumeysay,

    Waliba Farxiyaay,

    Qalbigeyga xanuujisay,

    Markaan ku xasuustaba,

    Niyadaa I xawilantoo,

    Xumaantaad igu sameysay,

    Baan ka xanaaqaa.

    >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

    Markastoon is- xantoo,

    Xasilooni doorbidoo,

    Xanuunkaa igu siyaadee,

    Xanaanaan u baahnahay,

    Xasadkiyo naceybka jinsigu,

    Xaqiiqdii ma wacnee,

    Xillimaad I xaalmarin.

  • 34

    >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

    Jaceylkaa I haleeloo,

    Xorriyada iga qaadee,

    Waase xaal adduuniyoo,

    Xilkasnimo Garaad dumaroo,

    Hubaashii xumaadee,

    Xumaantaad igu sameysay,

    Baan ka xanaaqaa.

    >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

    Markastoon is- xantoo,

    Xasilooni doorbidoo,

    Xanuunkaa igu siyaadee,

    Xanaanaan u baahnahay,

    Xasadkiyo naceybka jinsigu,

    Xaqiiqdii ma wacnee,

    Xillimaad I xaalmarin.

  • 35

    ------------------

    Tixraac

    FG: Maansada Hayb-sooc waxaan kasoo qaatay linkigan hoose:

    http://wardheernews.com/Suugaan/June_17_Haybsooc_Khaliil.html

    FG: Gabayga Abwaan Abdirahman Ubaxale linkigan ayaan kasoo qaatay:

    http://dulmane.com/blog/?p=1820

    FG: Tixda Abwaan Maxamed Cismaan Guuleed linkigan ayaan kasoo qaatay:

    http://www.somalitalk.com/takoor/olole2.html

    >>>>>>>>>>>>>>>>>>

    Dhammaad

    W/Q: Mufakir & Ustaad:

    Mohamed Abdirizak Saeed Elmi “SAMIIK”

    [email protected]

    Independent Researcher

    Former Chairman “Action Against Poverty & Tribalism”

    http://wardheernews.com/Suugaan/June_17_Haybsooc_Khaliil.htmlhttp://dulmane.com/blog/?p=1820http://www.somalitalk.com/takoor/olole2.html