warbixin ku saabsan - bayer healthcare pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda...

12
Warbixin ku saabsan östradiolvalerat och dienogest

Upload: phungxuyen

Post on 29-May-2018

227 views

Category:

Documents


4 download

TRANSCRIPT

Page 1: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Warbixin ku saabsan

östradiolvalerat och dienogest

Page 2: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Buugan yar wuxuu warbixin kaa sinayaa p-piller kaaga cusub ee Qlaira.

Waana muhiim in aad akhriso inta aadan bilaabin kharidadda ugu horeeya ee p-pillerka. Warbixin kale haddii aad u baahan tahay waxaad ka heli warqadda ku lasocota baakadda.

Page 3: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

P-piller

– doorasho caaqil ah

Waxaad dooratay in aad isticmaasho p-piller si aad uga taxadadho in aadan uur yeelan. P-pillerku waa mid ka mid ah kuwa la hubo ee uurka aan lagu talagelin la isaga difaaco, waa haddii aad isticmaasho sidda saxa ah ee loogu talagalay. Si aad u hesho caawimaad ayaan warbixintaan kuu diyaarinay, warbixintaan oo ka hadlaysa waxyaabaha ugu muhiimsan ee in aad ogaato ay tahay khuseysana Qlaira ama p-pillaradda kale iyo sida ay jirkaaga raad ugu yeelanayaan. Haddii aad su’aalo qabtidna la xiriir umulisaddada ama dhakhtar.

P-pillerka waxaa la isticmaalayey muddo dhan 50 sanno oo hadda ka hor qiyaasta hoormoonka ku jira aad buu uga badna kuwa maanta la isticmaalo. Hoormoonka ku jira p-pillerka waa östrogen iyo gestagen (hoormoonka aan dabiiciga ahayn ee gulkroppshormon). Hoormoonadda waa kuwa xukuma caadadada joogtada ah (akhriso warbixinta ku qoran qeybta hoormoonada xukuma cadadada ee bogga 9). Sannadihii la soo dhafay oo dhan ayaa hoormoonka horumar wayn laga gaaray si loo sii wanaajiyo oo saameyn yar ku yeeshan jirka, isla markaana kaa difaaca in uur aan lagu talagelin yimaado.

Page 4: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Faa’iidada p-pillerka la isugeeyay

P-pillerka haween badan ayaa u arka in uu yahay mid waaqici ah kuna faraxsan isticmaalkiisa sababto ah:• wuxuu keenaya caado waqti go’an leh• wuxuu keenaya dhiigbax yar, taaso yarayneysa dhibatadda birta dhiiga oo yarata• keenayana in uu yareyo xanuunka caadadda• suurtagelinaya in caadaddu dib u dhacdo• baddanana keena wanaajin finanka wajiga kuwaas oo kaa yaranaya haddii dhibatadda finanka aad qabtid

Difaacidda cuduraddaP-pillerka wuxuu difaaca cuduro badan, Wuxuu yareya tusaale ahaan khatarta:• kansarka ukun galenka iyo ilmo-galenka ku dhaca• xanuunka ukun mareenka• ka soo baxa ukun galenka• buroyinka adag ee aan khatarta ahayn oo naasaha haweenka

Maaddama qaar ka mid ah cuduraddan keeni karaan in haweeneydu madhalays noqoto, ayaa iskugeynta p-pillerka u fududeynayaa karaanka haweenka sidii ay mustaqbalka ilmo u dhali lahaayen.

Miyaa Qlaira leedahay dhinac-waxyeelloSidda p-pillerka kale ayaa Qlaira keeni kartaa waxyeello kale. Wax yeelladda caadiga ah waa isbeddelka wakhtiyadda caadada, naasaha oo gigsanadda ama dareen xanuun leh yeesha, caadada oo xanuun keenta, finan, miisankaga oo kor u kaca iyo madax xanuun. Dhibaatoyinkaa oo dhan waa kuwo aan khatar ahayn waxayna baabaayaan bilo kooban oo aad marka aad joogto u isticmaasho. Haddii dhibaatoyinka ay joogsan waayan la xiriir umulisadda ama dhakhtar.

Dhamaan isugeynta dawadda uurka la isaga difaaco waxay keenan woxoga kordhin dhibatadda dhigga oo xinjiro yeesha. Dhibatadda xinjiradda dhigga waa mid aad u yar oo ka yarna kana yar haddii aad uur yeelato.

Page 5: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Horumarku wuxuu surageliyay Qlaira® – p-piller kii ugu horeeyay oo keenaya östrogen caadi ah

Qlaira waxay ka kooban tahay östradiolvalerat iyo gestagenet dienogest. Östradiolvalerat waxa uu ku dheefshiidmaya mindhicirka oo uu isubedeleya östrogen iyo östradiol caadi ah.

Muddada u dhaxeysa caadada hoormoonka jirku qiyaastisu waa kala duwan tahay. Kala duwananshaha ayaa la isku deyay in Qlaira ay la midnoqoto. Si markiibana loo gaaro dhiigbax qiyaasan aya cilmi baarista keentay si loo helo dhaqdhaqaaq waxoga ah oo ka kooban 26 midab oo kala duwan ee kiniiniga hormoonka iyo 2 kiniini oo cad hoormoona lahayn.

Hoormoonadda caadadada maamulahSi loo fahmo sidda Qlaira jirkaaga u saameyneyso waa fiican tahay in aad wax ka ogaatid jirkaaga iyo caadadda soo noqnoqoshaddeda. Isla marka aadanuhu uurka ku jiro ayuu abuurmayaa ukungalenka iyo ukumaha dhaxalka. Markuu aadanuhu qaangaarayo ayaa ukumahaasi korayan oo bilwalba caadi ahaan mid soo go’aysaa, oo ay ilmo ku tallalmayan haddii ay la kulanto unugga ragga. Ukumo galenka waxaa ka aasaasma dhacaanka haweenka ee östrogen iyo progesteron (hoormoonka caadiga ah ee la yirahdo gulkroppshormon). Hoormoonka wuxuu keena in xuubka ilma-galeenka uu koro oo uu isu diyaariyo si uu uqaabilo ukun ilmo ku tallaalmeen.

Haddii ilmo tallaalku surageli waayo qeyb ka mid ah xuubka ilmo-galenka ayaa jirku dibadda u soo sarayaa kadibna dhiigbaxa caadada ayaa bilabanaya. Sidaa ayaa ukunta iyo koriinkedu u soconayaa, ukun soo saaridda iyo caadadu u soconayan bil walba si joogto ah. Waana sababtaa awgeed waxa loo yiraahdo caadada bilwalba joogto u timaddo (menstruationcykel). Haweeney walbana waxay leedahay caado soo noqnoqota ah oo u gaar ah, muddo u gaar ah iyo dhiigbixid ka duwan haweenka kale.

Sidee Qlaira udifaacda uur aan lagu talagelin?Qlaira waxay kuu difaaceysa saddex nooc oo kala duwan:

1. Ukun soo saaridda oo maqnaaneya.2. Xuubka ilmo-galeenka oo khafiifkisa ahanaya, si aysan ukun abuurmatay u qabsan xuubka.3. Dhacaanka ku jira luqunta ilmo-galeenka oo adeyg noqonaya si unuga jinsiga ragga u gelin.

Page 6: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Qlaira waxay kaa difaaceysa uurka maalinta ugu horeysaba, waa laakiin haddii aad keniiniga si sax ah u qaadatid. Sida awgeed raac warbixinta lagu siiyay.

Haddii aadan qaadan p-pillar bilihii ugu dambeyay:Bilow in aad qaadato Qlaira maalinta kowad ee caadada kugu dhacdo, macnaheedu waa maalinta ugu horeysa ee dhiigu kaa yimaado. Haddii maalinta ugu horeysa ee caadadu kugu dhacdo ay tahay maalin jimca ah ku dhaji faliiqa leh jimce malinta bilowga ah meesha ugu koreysa ee kharidadda kaniiniga oo qaado kaniiniga ugu horeya. Kadibna sii wad in aad qadato kaniiniga sida falartu ku tusayso.

Haddii aad iska bedeleysid p-piller kale oo aad ku bedeleysid Qlaira: Isticmaal kan aad isticmaashid hadda ilaa kaniiniga kiisa firfircoon uu dhamaado. Haddii hadda ka hor aad isticmaali jirtay mid 21-kharidad, bilaw Qlaira maalinta ugu dambeysa ee kan ugu dambeya ee kaniiniga firfircoon oo kagi hore ee kharidadda p-pillarka uu dhamaado. Haddii aad isticmaali jirtay mid 28-kharidad, kabood toddobadda ugu dambeya ee kaniiniga hoormoon la’aanta ah oo bilaw Qlaira si toos ah marka kan ugu dambeeya ee kaniiniga firfircoon dhamaado.

Haddii aad iska bedeleysid mini-piller:Waad joojin kartaa maalinta aad rabtid mini-piller oo aad bilaabi kadha Qlaira. Laakiin waa in aad isticmaasha sagalka maalmood ee ugu horeya wax kale oo aad isaga difaacdo uurka sida kondoom.

Kaddib marka aad qaadatid p-pillerka gargaarka degdegga ah:Bilow Qlaira isla maalinta aad qaadatay p-pillerka gargaarka degdegga. Laakiin waa in aad isticmaasha wax kale oo aad isaga difaacdo uurka sidda kondoomka sagaalka maalmood ee ugu horeeya.

Foosha kadib, dhicin ama ilmo soo ridin.Waa in aad raacda umulisadda iyo dhakhtarka taladooda.

Marka aad bilabeysid

isticmaalka Qlaira

Page 7: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Marka aad isticmaleyso Qlaira

Khariidad walba ee kaniiniga waxaa ku jira 26 kaniini oo hormoon firfircon iyo 2 cad oo hormoon la’aan ah. Mid walba oo kharidadda kaniiniga waxaa la socda calaamad ku tilmaameysa maalinta toddobaadka. Ka bilaw faliiqa maalinta toddobadka aad bilaabeyso in aad qaadato kaniiniga ugu horeeya. Faliiqana ku dhaji meesha ugu koreysa ee kharidadda kaniiniga.

• Qaado hal kaniini maalin walba ilaa kharidadda ay dhamato, kadibna bilow khariddada ku xigta. Waa in aadan kala joojinna. Dhiig u dhigma caadada ayaa bilaabanaya si caado ah muddada labbada kaniini ee ugu dambeya ama bilowga kharidadda kale ee aad bilabeysid.

• Kharidadda kale waxaad bilaabi isla maalinta tododdobadka aad bilawday kharidaddii hore, haddii uu dhiig kaa socdo ama haddii kaleba waa in aad bilawda. Haddii aad tusaale ahaan bilawday kharidadda ugu horeysay maalin jimce ah waxaa kharidadda kalana aad bilaabeysa maalin jimce ah kharidad kasta oo aad bilabeysidna wuxuu noqonaya in aad bilawdo maalin jimce ah.

• Qlaira waxaay kaa ilaalinaysa uurka maalinta ugu horesya ee aad bilawdid haddii aad si sax ah u isticmaashid. Waad ka difaacan tahay uur in aad qaadid xitaa marka aad qaadanayso kaniiniga cad ee hormoon la’aanta ah.

Qlaira waa kan keliya ee p-pillerka iskugeynta ah kanna kooban 26 kaniini oo firfircoon iyo 2 kaniini oo booskoda gelaya. Kuwa kale ee isugeyta p-pillerka ah waxay ka kooban yihiin 21 ama 21 kaniini firfircoon kharidaddiba. Qlaira waxa ay ka kooban tahay gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan).

Page 8: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Sidee baan u daahin karaa caadadda?Waad daahin kartaa caadadda haddii aad ka tagtid afarta kiniini ee ugu dambeeya kharidadda (labadda casanka madow iyo labada cad cad ee ugu dambeya) iyo adigoo aan qaadan 7 ugu horeeya (labo jaale ah iyo shanta casanka khafiifka ah) khariddada kale ee aad bilabeysid oo aad bedelkeed qaadanaysid kharidadda kuwa ay ka bilaabato ee jaalaha cad cad ah malinta siddedaad keninigeeda. Ka dibna sii wad kaniiniga in aad qaadatid maalin walba sidii caadiga ahayd ilaa kharidadda ay ka dhamaato. Kadibna waxaa kugu dhici caado maalmaha soo socda. Waa keniiniga jaalaha cad cad (kaniiniga 8 – 24) kuwa aad isticmaaleysid si aad caadadada u daahisid. Mararka qaarkood waxaa laga yaaba in dhiig kaa yimaado muddada aad dib u dhigaysid.

Maxaa dhici haddii calool xanuun igu dhaco?Haddii aad matagayso ama aad shubmayso muddo 3-4 saac kaddib markii aad qaadatay mid ka mid ah kaniiniga kuwa firfircoon ee hormoonka, markaa waxaa suuragal ah in Qlaira aysan kaa difaacin in aad uur yeelato. Markaa waxaa suragal ah in aad qaadato kaniini kale oo aad ka qadataa kharidad kaniini ee keyd kuu ah sida ugu dhaqso badan, si kasta ha ahaate muddo 12 saac waa in aad ku qaadata. Haddii waqtigu dhaafay wax ka badan 12 saac waa in aad raacda warbixinta ”Maxaa dhici kara haddii aan iloobay hal ama dhowr kaniini ee Qlaira”.

Maxaa dhici kara haddii aan iloobay hal ama dhowr kaniini ee Qlaira?Ujeedada Qlaira si ay wax u tadho oo ay u noqoto mid nabad ah oo uurka la isaga ilaaliyo waa muhiim in aad qaadato kaniinigaga waqti walba ee loogu talagalay, tusaale ahaan subax walba ama habeen walba. Haddii adigoo sidaa samaya ay dhacdo in aad ka tagto oo aad ilowdo hal ama dhowr kaniini waa in aad kaniiniga si dhaqso ah u qaadataa ka dibna aad sii wadda sidii qaadashadooda waqtigii aad qaadan jirtay. Waxaa caado ah in haddii aad ka tagto mid ka mid ah kiniiniga in aad muddo 9 maalmood ah isticmaashid kondoom si aad isaga difaacdo in aadan uur yeelan.

Dhowr su’aalood iyo jawaab oo caadi

ah khuseyanna p-piller iyo Qlaira?

Page 9: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Haddii aad ka tagtid oo aadan qaadan kiniiniga oo aan dhiigna kugu dhicin waqtigii aad sugaysay caadada waxaa suragal ah in aad uur yeelatay. La xiriir umulisaddada ama dhakhtar inta aadan bilaabin kaniiniga khariddadda kale.

• Haddii waqtiga aad qaadan lahayd kaniiniga la dhaafay oo muddo 12 saac ka yar ay tahay qaado kaniiniga sida ugu dhaqsaha badan, muddada ka yar 12ka saac waad ka difaacan tahay in aad uur yeelato. Kaniiniga ku xiggana qaado waqtigii caadiga ahaa ee aad qaadan jirtay.

• Haddii waqtiga aad qaadan jirtay kaniiniga laga joogo muddo ka badan 12 saac waa suragal in aadan ka difaacneyn uur. Qaado kaniini sida ugu dhaqsaha badan – haddii aynoqoto xataa in aad labo kaniini isku mar qaadato. Ka dib se waa in aad kaniiniga waqtigiisi go’naa aad qaadataa. Isticmaal kondoom si aad isaga ilaaliso in aadan uur yeelan sagaalka maalmood ee soo socda.

• Haddii hal kaniini ka badan iyo kharidad kaniini aadan qaadan, la xiriir ummulisada ama dhakhtar si aad u hesho talo.

Miyaan iskumar qaadan karaa Qlaira iyo daawoyin kale?Daawooyinka qaarkood waxay keeni karaan in waxtarka p-pillarka ay wax u dhimaan taaso keeni karta in aad uur yeelatid. Tusaale ahaan daawooyinka keeni kara waxaa ka mid ah daawadda antibiotikada, epilepsi ama qalalka iyo daawooyinka qaaxadda TB iyo dhirta ”Johannesört”. U sheeg ummulisaddada ama dhakhtarka haddii daawoyin kale aad isticmaasho. Haddii aad dhakhtar la kulanto sababo kale waa muhiim marwalba in aad u sheegtid in aad isticmaashid p-piller.

Caado aan joogto ahaynBilaha ugu horeeya oo aad isticmaaleysid p-piller waxaa laga yaaba in dhiig yar mararka qaarkood kaa yimaado. Laakiin waa mid muddo kaddib joogsanaya, haddii uu dhiigu sii socdo muddo dheer waa in aad la xiriirta ummulisadda ama dhakhtar. Waa muhiim in aad kaniiniga si joogto ah u isticmaashid oo aadan kala joojin.

Waxaa caado ah in haddii aad ka tagto

mid ka mid ah kiniiniga in aad muddo

9 maalmood ah isticmaashid kondoom si

aad isaga difaacdo in aadan uur yeelan.

Page 10: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Haddii aan waayo caadada muddada aan qaadanayo kaniiniga hormoonka aan lahayn miyaan uur yeelan karaa?Haddii aad ogtahay in aad kaniinigaga si sax ah u qaadanaysey oo aad raacday tilmaanta lagu siiyay oo aan dhiig kugu dhicin wakhtiga aad isticmaaleysid kaniiniga hormoon la’aanta ah (ama bilowga khariidadda kale) uma baahnid in aad walwasho. Baaritaan la sameeyay oo quseeya Qlaira ayaa wuxuu muujinayaa in ay caadi tahay in caadaddu ay kugu dhicin (ugu dhawaan boqolkiiba 15% muddada caadaddu way ka baaqataa).

Haddii dhiiga caadadda udhigma uu kaa maqnaado muddada aad qaadanayso kaniiniga hormoon la’aha (ama bilowga khariidadda kaniiniga kale) iyo haddii aad ogtahay in aad ilowday kaniini ama calool xanuun kugu dhacay, waa in aad la xiriirtaa ummulisadda ama dhakhtar si baaritaan lagaga qaado oo loo hubsaddo in aad uur leedahay iyo in aadan lahayn. Haddii aad uur leedahay waa in aad joojisaa isticmaalka Qlaira.

Sidee baan sameynayaa haddii aan rabo in aan uur yeesho?Haddii aad go’aansatay in aad uur yeelato waa in aad dhamestirtaa khariidadda kaniiniga ee aad bilowday.

Maxaa in aan ka fekero ah inta aan bilaabin Qlaira?Ma jiro baaritaan dheer oo lagu sameeyay waxyeeladda p-pillerka ka kooban östradiol/ östradiolvalerat.

Guubaabintan iyo foojignaantan soo socota waa baaritaan socda iyo mid waxyeeladdisa weli la raadinayo markii ugu horeysayna ay tahay isticmaalka p-piller ka kooban ”etinylöstradiol”. Haddii guubaabinta iyo foojignaantaan ay khuseyso Qlaira lama oga weli.

Marwalba waa muhiim in aad kala haddasho ummulisadda iyo dhakhtarka inta aadan bilaabin Qlaira haddii:

• hadda ka hor uu kugu dhacay xinjir dhiig ama aad hubtid in uu kugu dhici karo (waxaa loola jeeda haddii waalidka ama walaalaha uu ku dhacay

hadda ka hor xinjir dhiig)

• aad qabtid cuddurada beerka ama kelyaha

• aad qabtid dhiigkar khatar ah

• aad qabtid sokorow waxyeelo badan kuu keenay

• aad qabtid madax xanuun araggaga wax udhima/aragti la’aan kuu keena

• aad cigaar cabtid oo da’daadu ka weyntahay 35 sanno

Page 11: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Goormey muhiim tahay in aan ummulisadda ama dhakhtarka la xiriiro?Waa mid aan caadi aheyn in p-piller uu dhibaatoyin halis ah ama joogto ah uu keeno. Laakiin waa muhiim in aad ummulisadda ama dhakhtarka deg deg ula xiriirtid haddii aad calaamaddaha hoos ku qoran isku aragtid:

• Barar iska yimaada oo kubku ku bararo lehna xanuun

• Madax xanuun soo noqnoqda oo aad hadda ka hor isku arag

• Xanuun dhinac kaa qabta ama neefta oo ku dhibta

• Cuncun farabadan

• Wareer

• Haddii cagaarshow kugu dhaco ama aad u malayneso in aad uur leedahay

WAXAA MUHIIM AH!• Usheeg in aad p-piller isticmaashid mar walba oo aad dhakhtar la kulantid• Ku xafid p-pillerkaga meel ay ilmuhu gaari karin• P-pillerku waa kaniini shaqsiga u gooni ah. Waana mamnuuc in aad qofkale aad ku wareejisid.

P-pillerku kaa difaaci maayo isqaadsiinta

HIV-xanuunka isqaadsiinta ama cuduradda

laga kala qaado galmadda, taa daraadded

taxaddar oo mar walba hayso kondoom.

Qlaira waa daawo in dhakhtar kuu qoro ay tahay oo isticmaalkeed waxaa qori kara oo keliya ummuliso ama dhakhtar.

Page 12: Warbixin ku saabsan - Bayer HealthCare Pharmaceuticals gestagenet dienogest oo leh calaamadda antiandrogen (oo dhimi kara baruurta qanjiradda soo saaraan). Sidee baan u daahin karaa

Calaamad: Antikonception G03ABakadeynta: 3 x 28, Rx. Warbixin dheerad ah fi iri www.fass.seSPC 2009-03-06

Bayer AB, Box 606, 169 26 Solna, tel 08-580 223 00

L.SE

.04.

2010

.008

0

eke

lund

&w

ik

apr

il 20

10