somaliland investment book guide

140
An Investment Guide to Somaliland Opportunities and Conditions August 2013 SOMALILAND HAGAHA MAALGASHIGA SOMALILAND Fursadaha iyo Shuruudaha 2013 – 2014 www.SomalilandInvest.net MINISTRY OF TRADE AND INVESTMENT 

Upload: moctar-hashi

Post on 05-Jan-2016

1.039 views

Category:

Documents


51 download

TRANSCRIPT

  • An Investment Guide to SomalilandOpportunities and ConditionsAugust 2013

    Somaliland

    HagaHa maalgaSHigaSomalilandFursadaha iyo Shuruudaha2013 2014

    www.SomalilandInvest.net

    MINISTRY OF TRADE AND INVESTMENT

  • 2013 - 2014Hagaha Maalgashiga SomalilandFursadaha iyo Shuruudaha

  • Maxjarka xoolaha lagu baadho ee ku yaala Berbera waxa lagu baadhaa xoolaha oo lagu siiyaa shahaado caafimaad inta aan la dhoofin.

    XUSiTaan:

    Samaynta Hagaha Maalgashiga ee Somaliland 2013-2014 wuxu ka dhashay is-kaashi. Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Xukuumada Somaliland waxay u mahad celinayaan dhammaan Wasaaradaha, hayadaha iyo baadhayaashii lugta ku lahaa sida Rugta Ganacsiga, Wasaaradaha Wershedaha iyo Beeraha; Wasaa-rada Qorshaynta Qaranka; Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Hayada Qurba-Joogta; Wasaarada Beeraha; Wasaarada Xannaanada Xoolaha; Wasaarada Macdanta iyo Tamarta; Wasaarada Kalluumaysiga; Wasaarada Arrimaha Gudaha; Jaamacada Camuud; Hayada Tababarada iyo Baadhista (TRG) iyo AIMS.

    Waxa kaloo ay dawladu uga mahad celinaysaa hayada Maraykanka u qaabil-san horumarka caalamiga ah, ee USAID, taageerada dhaqaale ee ay ka geysatay hawlgelinta iyo soo saarista Hagaha Maalgashiga.

    afeef:

    Qorayaashu qodobada ay halkan ku qoreen ma aha kuwo metelaya aragtida Hayada Maraykanka u qaabilsan Horumarka Caalamiga ah ee USAID ama Dawlada Ma-raykanka.

    Hagaha Maalgashiga Somaliland waxa kale oo laga helayaa shebekada internet ka: www.SomalilandInvest.net oo leh luqadaha Ingiriisiga iyo Soomaaliga.

  • III

    HagaHa maalgaSHigaJaanTUUSka gUUd

    01. BARASHADA SOMALILAND 11. Fikrad guud12. Dadka 13. Taariikh 15. Horumarka Dhaqan Dhaqaale16. Kaabayaasha 17. Baaxada Suuqa Ganacsiga iyo Galaangalkiisa18. Waaxaha ugu Mudan ee Maalgelineed

    02. FIKIRKA SHARCI EE MAALGASHIGA SOMALILAND

    23. Qaabdhismeedka Hayadaha23. Sharciga iyo Xalinta Khilaafka25. Ilaalinta Maalgashiga Shisheeye25. Ka Damaanad-qaadka La wareegida Hantida 26. Xeerarka Shaqada iyo Ruqsadaha Shaqada28. Lahaanshaha Dhulka iyo Kiraysiga 30. Ilaalinta Maalgashiga 31. Tasiilaadka Dhulka iyo Cashuur Dhaafka

    03. WAAXDA XOOLAHA33. Hordhac ku Saabsan Taariikhda 33. Macluumaad guud37. Sharciga la Xidhiidha Xoolaha 38. Caqabadaha ugu waawayn42. Suuqa Xoolaha 45. Talooyin ku ocda Maalgashiga Xoolaha

    04. WAAXDA BEERAHA53. Macluumaad Guud 54. Doorka Wasaarada Beeraha 54. Lahaansho Dhul Beereed55. Caqabado55. Baahida Suuqa 57. Fursadaha Maalgashiga Beeraha59. Daraasado la Xidhiidha Maalgashiga Beeraha

    V Fariinta Madaxweynaha Somaliland VI Fariinta Wasiirka Ganacsiga and MaalgashigaVII Milicsiga Somaliland

  • IV

    Somaliland

    05. QAYBTA TAMARTA73. Warbixin guud 74. Jiilka imika iyo fikrado cusub 75. Maalgashiga Tamarta Dabka76. Heshiisyada Saamilayda77. Tignolijiyada Tamarta

    Saliida MashiinadaShidaalka Warshadaha CulusTamarta DabayshaTamarta CadceedaDhalinta iyo Qaybinta LaydhkaShooladaha Wax Karinta

    06. WAAXDA KALLUUMAYSIGA89. Kalluumaysiga 90. Deegaanka93. Suurtagalnimada maalgashi99. Mashruuc

    07. WAAXDA MILIXDA107. Warbixin Hordhac ah107. Waxsoo Saarka Milixda108. Maalgashiga Milixda

    08. CAQABADAHA KU XEERAN MAALGASHIGA IYO WARSHADAYNTA

    117. Adeeg Maaliyadeed118. Isgaadhsiinta 118. Gaadiidka 120. Suurta galnimada Ganacsi 122. Dabka

    LIFAAQYADA125. Liiska Qiimaynta126. Kala Horaysiin, Xadidaad iyo Mamnuucid126. Halka laga Helayo Macluumad Dheeraad ah127. Fasaxyada Guud128. Xiliga Shaqada

  • VXukuumada Somaliland aad bay sharaf ugu tahay inay bilowdo Hagaha Maalgelineed (Investment Guide) oo ah kii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato. Abuurida hagaha oo isugu jira buugan iyo kan bogga internetka wuxu tusayaa dadwaynaha Somaliland gudo iyo dibadba iyo waliba dadka shisheeyaha ah in Somaliland ay tahay mid u furan ganacsiga. Tani sidoo kale waxay muujinaysaa gaadhitaanka horumarka ee aynu samaynay inagoo kasoo gudubnay colaad iyo xasilooni dari una gudubnay horumar koriin dhaqaale oo waara.

    Hagahu wuxuu soo koobayaa habka loo maal-gashanayo Somaliland, wuxuuna bixinayaa xog iyo macluumaad ku saabsan fursadaha maalgashi ee waaxyaha wax soo saarka leh ee Somaliland dhexdeeda sida; xoolaha, beeraha, tamarta iyo kalluumaysiga.

    Xukuumadaydu waxay diyaar u tahay inay soo jiidato maal-gashiga loogu baahanyahay dib u dhiska iyo koboca dhaqaale si loo abuuro fursado dhaqaale iyo kuwa shaqo iyadoo u jeedaduna tahay in laga qayb-qaato in la gaadho horumar iyo koboc dhaqaale oo waara. Si himiladaa loo rumeeyo dawladayda waxa ka goan inay abuurto jawi ganacsiyo oo dhiirigalinaya hal-abuur cusub oo dar-dar galinaya xidhiidhada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo balaadhiyo fursadaha ganacsi, iyadoo isla markaana la xaq dhawrayo lana ilaalinayo hantida maalgaliyayaasha.

    Waxaan u hanbalyaynayaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Wasaaradaha kale, hayadaha, cilmi baadhayaasha, kuwaas oo taageero ay ka heleen USAID dartii, soo saaray Hagahan Maalgashi ee aadka loogu baahnaa.

    Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)Madaxweynaha Somaliland

    faRiinTamadaXWaYnaHa JamHUURiYada Somaliland

  • Bulshada reer Somaliland waxay ka marag kacayaan horumarka weyn ee la sameeyey 20kii sano ee la is maamulayey.

    Nabadii waxa la soo celiyey ka dib markii dadaal aynu leenahay loo sameeyey, waxa la hirgeliyey hanaan

    dimuqraadiyadeed kaas oo suurogeliyey shan doorasho oo u dhacay si guuli ku dheehantahay kuwaas oo isugu jirey

    tii Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose; waxa kale oo dhacday in la asaasay ciidamo tababaran oo

    amniga adkeeya kana hortaga argagaxisada iy danbiyada abaabulan. Haddaba haddii dhidibada loo taagay arrimahaas

    imika waxa la gaadhay wakhtigii hore loo sii wadi lahaa horumarkaa la gaadhay iyada oo la isticmaalayo maalgalin

    shisheeye si loo kobciyo koriinka dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

    Somaliland waxay kordhisay kala shaqaynta dhaqaalaha wadamada dibeda haday tahay gobolka iyo meelo kaleba.

    Itoobiya waxay Somaliland kula jirtaa wada hadalo ku saabsan sidii loo wada geli lahaa wax wada qabsi qoto dheer

    oo ah kii ugu horeeyey ee ay labada dal wada yeeshaan. Jabuuti waxay si wayn u maalgalisay dhaqaalaha Somaliland,

    waxaana ka mida maalgashiga shirkada Coca-Cola oo ku kacay lacag ku dhow $15 million oo dollar. Somaliland

    waxay isticmaashaa hab diblamaasiyadeed si ay u fududayso una caawiso maalgashiga shisheeye ee tooska ah oo ka

    imanaya Turkiga, Emaaraadka Carabta, Masar iyo China iyo waaxyaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Somaliland sida

    xoolaha iyo kalluumaysiga.

    Waxa mahad leh sida loo adkeeyey maamulka maaliyada dawlada ee loo kordhiyey dakhliga cashuuraha iyo ilaalinta

    lagaga soo horjeedo musuq maasaqa. Miisaaniyada qaranka ee sanadkan 2013 waxay tahay miisaaniyadii ugu

    balaadhnayd uguna dheelitirnayd ee taarikhda Somaliland. Waxa kale oo jirta inaan dawlada wax dayn ah lagu

    lahayn. Caruurtayadu waxay helaan waxbarashada hoose oo bilaasha; waxaanu kordhinay adeegyada caafimaadka,

    biyo gaadhsiinta magaalooyinka iyo miyigaba; iyo shirkadaheena mobile ka lacagta lagu diro iyo xawilaaduhu waxay

    inoo ogolaadeen inuu ganacsigeenu si weyn u fido.

    Dhoofinta xooluhu waxay ka yihiin ilaa 60% dakhliga dalka soo gala, inta ugu badana waxa la geeyaa xoolaheena

    wadamada gacanka, lakiin waxa jirta suurtagalnimo baladhan oo Somaliland ku kasban karto saami suuqyo kale oo

    caalami ah iyo marxalado kala duwan oo leh qiimo isku xidhnaaneed. Waxaan leenahay waaxda kalluumaysiga taas

    oo wax soo saarkeeda joogtada ah sannadkii lagu qiyaaso 40,000 oo tan. Iyadoo la isticmaalayo tegnoolajiyo casri

    waxa la beeray geed abaareed waxa kale oo la sameeyey tababaro wax ku oola iyo cilmi baadhis taas oo kor u kicin

    karta beeraha. Kaydka Somaliland ee saliida qaydhin, gaasta iyo dhuxul dhagaxdu wuxuu soo jiitay dareenka

    maalgashadayaal caalamiga ah, heshiisyana waxaa lala gaadhay shirkadaha, Genel, DNO, Ophir iyo qaar kale si

    loogu siiyo fasax shidaal baadhis iyo soo saaris. Heshiisyadani waxay tusayaan malgashadayaasha awooda kalsoonida

    ay ku qabaan xasiloonida wadankeena.

    Waxa kale oo ay ka jiraan fursado balaadhani tamarta la cusboonaysiin karo. Waxa la bilaabayaa mashaariic tijaabo

    ah oo ku saabsan tamarta laga curiyo hawada iyo qorraxda waxana la habaynayaa toosinta xeerarka oo hore loogu

    yiqiin debec laaan si kor loogu qaado maalgashiga. Jawi maalgashi oo midaysan ayay abuurtay wasaarada ganacsiga

    iyo maalgashigu taasi oo lagu fududaynayo diwaangalinta ganacsiga. Muhiimada sharci dajinta sida sharciga

    maalgashiga shisheeye, sharciga habka dhaqaalaha islaamka, xeerka tamarta dabka iyo xeerka ganacsiga bangiyada

    oo la ansixiyey ama hadda uun baarlamaanka la hordhigayo ayaa muujinaya dibu habayntaas.

    Somaliland waxay qaaday talaabooyin badan oo ay ku abuurayso soo jiidashada maalgashiga, waxana ka mid ah

    samaynta Qaybta Jawiga Maalgashiga si loo sahlo diiwaangelinta. Laakiin caqabada ugu weyn ee ka hor timid waa

    aqoon darada bulshada caalamku aanay ogayn nabada iyo xasiloonida Somaliland iyo awooda dhaqaale, Somaliland

    horumar wayn ayay samaysay oo ay tahay in maalgashadayaashu xaqiiqsadaan arintaa.Dawladayadu waxay diyaar

    u tahay soona dhawaynaysaa in maalgashadayaashu yimaadaan ayna arkaan fursadaha dihin ee aan hore loo taaban

    VI

    faRiinTa WaSiiRka ganaCSiga iYo maalgaSHiga

  • VII

    miliCSiga gUUd

    magacaBadkaCaasimadaDhererka XeebtaTirada DadweynahaTirada Dadka Magaalooyinka ku nool LacagtaGDPDakhliga DadkaSarifkaIstandarka Wakhtiga

    DiinXaddiga aan wax qorin LuuqadaMadaaradaDakadaMagaalooyinkaWaaweyn

    Jamhuuriyada Somaliland137,600 Km2Hargeisa850 Km3.5 Million1.6 Million

    Somaliland ShillingsUS $1.5 BillionUS $4291 US$: 6500 Sl ShGMT+3

    Sunni Islam43%Somali, Arabic and EnglishHargeisa & BerberaBerberaBurao, Borama, Berbera, Laasnood and Erigabo

    ee Somaliland

  • 2013 - 2014Hagaha Maalgashiga SomalilandFursadaha iyo Shuruudaha

  • 1

  • 11

    1 / HoRdHaC

    gUUd maR

    Jamhuuriyada Somaliland waxay ku taalaa Geeska Afrika xuduudaheeduna waxay kala yihiin sidan: Gacanka Cadmeed ayaa ka xadeeya waqooyiga, koonfur iyo koonfur bari waxaa ka xadeeya Somaliya, galbeed iyo koonfur waxa ka xadeeya Itoobiya waxaana xaga waqooyi galbeed ka xadaysa Jamhuuriyada Jabuuti. Waxay dhacdaa inta u dhaxaysa loolka 8 00 iyo 11 27 waqooyi iyo dhigta 42 35 iyo 49 00 bari, waxaana ku yaala dhanka bari ee wadanka buuro dhererkoodu gaadho 2000 mitir. Badka dhulka Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 137,600 km, dhererka xeebtiisuna waxay gaadhaa 850 km, cimilo ahaan Somaliland waa oomane ama oomane u eke.

    Dhulka Somaliland wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood juquraafi ahaan: dhul xeebeed (Guban), dhul buureed (Oogo) iyo dhul siman (Hawd). Guban waxay dhacdaa inta u dhexaysa Badda iyo silsilada buuraha ee Golis, waa dhul dhuuban isla markaana aad u kulul. Guban xaga bari way usoo yaraataa xaga galbeedna way usii balaadhataa. Silsilada buuraha Golis waxay dhererantahay laga soo bilaabo koonfurta Guban ilaa xeebta waqooyi ee dalka , Silsiladan buurta ugu dheeri waa buurta Surad oo dhererkeeda lagu qiyaaso ilaa 2,633 m (7000 ft) marka

    laga cabiro badda meel saman. Silsilada buuraha Golis waxay fidsantahay xaga galbeed laga soo bilaabo Itoobiya ilaa iyo bari oy gaadho gobolka Sanaag. Somaliland malaha wax wabiyo ah balse waxay leedahay togag iyo dooxyo engagan. Dooxyadaasi inta badan waa bilaa biyo marka laga reebo xili roobaadka oo biyaha roobku buuxiyaan.

    Sida ay muujinayso khariidada cimilo roobeedka Somaliland xadiga roob ee helaa waa uu kala duwanyahay dhul xeebeedka guban waxa uu gaadhaa 150 mm halka uu gaadho 500mm gobolada koonfurta-galbeed iyo silsilada buuraha golisba. Xaga heer-kulka iyada laftirkeeda gobolada Somaliland way ku kala duwany ih i i n i yadoo ay ka l a duwanaanshahaasi guud ahaan ku xidhanyahay jooga dhulka. Buuraha Golis celcliska heer-kulkeedu waa 18o C halka dhul-xeebeedka sida Berbera iyo saylac uu yahay 31oC. Guud ahaan wadanka oo dhan celceliska heer kulka Xagaagii waxa uu u dhexeeyaa 34o C ilaa 38oC, Heer-kulkii ugu sareeyay ee Somaliland la diwaangaliyo waxa uu ahaa 48o C.

    Halka celceliska heer kulka jiillaalkii uu yahay 15o C ilaa 24o C, isla markaana heer-kulka ugu hooseeya ee la diwaan galiyay waa -2o C magaalada Ceerigaabo ee u dhaw buurta Surad.

    Djibouti

    Eritrea

    Ethiopia

    Kenya

    Somaliland

    Somalia

    Tanzania

    Mogadishu

    Nairobi

    Djibouti

    Addis AbabaHargeysa

    550'0"E

    550'0"E

    500'0"E

    500'0"E

    450'0"E

    450'0"E

    400'0"E

    400'0"E

    100'0"N 100'0"N

    50'0"N 50'0"N

    00'0" 00'0"0 30060 120 180 240 Miles

    0 400100 200 300 Kilometers

  • 12

    1 | Hordhac

    dadka

    Tirada dadka Somaliland waxaa guud ahaan lagu qiyaasaa 3 Milyan iyo Badh (3.5 Million). Inta badan (50%) waxa ay ku noolyihiin miyiga iyaga oo ah xoola dhaqato iyo beeralay, 35% waxay ku noolyihiin magaalada halka 15% ay yihiin qurba jog ku nool badi qaaradaha Yurub iyo Waqooyi Ameerika. Sidoo kale bilowgii 1980kii tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa magangelyo ka raadsaday meelo badan oo aduunka ah, sidoo kale tiro wax ku ool ah ayaa degan

    wadamada khaliijka carabta. Qurba-jooga Somaliland waxay dadkooda u soo diraan lacago ay ku maareeyaan nolol maal-moodkooda isla markaana ay ganacsiyo ku furtaan. Korodhka tirada dadka Somaliland waxa lagu qiyaasaa 3.14%. Dada ay dadka reer Somaliland badanaa ku geeriyoodaan waxa ay u dhexaysaa 49-55. Cufnaanta tirada dadku waa in 1 kilo mitir ee isku wareega ay ku noolyihiin 22 qof. Somaliland waxa aad ugu badan dhallinyarada. 68% tirada dadku waxa ay dadoodu ka hoosaysaa 30 sano jir1.

    1 Capacity Needs Assessment for Economic Actors in Somaliland, UNDP Commissioned Research Conducted by ECOTRA, May, 2011, Somaliland.

    Veterinarians and lab technicians at a newly opened livestock fattening facility in Burao.

  • 13

    TaaRiikH

    Somaliland waxa ay dhul mareenadii hore ugu yeedhi jireen si aan kala duwanayn dhulkii Cawaanka, Punt land, Xeebtii Fooxa lahayd iyo Dhulkii Uduga. Magaalo xeebeedyada sida Berbera iyo Saylac taariikh ahaan waxaa lagu noolaa ilaa qarnigii 1aad ee taariikhda miilaadiga. Qoraal la magac baxay Periplus of the Erythraean Sea oo uu qoray ganacsade Giriig ah ayaa muujinaya in dadka reer Somaliland ee deganaa magaalo xeebeedyadaasi ay xidhiidh ganacsi la lahaayeen Masaar ida, Shi inaha, Iiraaniyiinta, Hindida iyo Carabta. Waxyaabaha ay ka ganacsan jireen waxaa ka mid ahaa Beeyada, Fooxa, Xawaashka, Malmalka, Fool-maroodiga iyo Xabagta. Qarnigii 2aad xidhiidhka ganacsi ee dadka Somaliland iyo carabtu aad ayuu u xoogaystay.

    Somaliland Wixii ka Horeeyey (1869 1960)Si la mid ah wadamada kale ee gobolka, Somaliland waxay mihiim u noqotay danaha reer Yurub ka dib furitaankii Marinka Suways 1869kii. Somaliland gumaystaha ingiriisku wuxuu qabsaday wax yar uun ka dib shirkii Baarliin ee Afrika lagu qaybsaday 1884, isla markaana Ingiriisku wuxuu la saxeexday heshiis cuqaal reer Somaliland ah 1887 si ay Somaliland u noqoto maxmiyad Ingiriis ah. Somaliland waxay ahayd maxmiyad ingiriis ilaa laga soo gaadhay 26 Juun 1960 markaas oo ay xornimada ka qaadatay ingiriiska, Somalia iyana waxay xornimada ka qaadatay Talyaaniga 1dii July 1960 isla 1dii Julyna labada dawladood way midoobeen waxaanay

    sameeyeen wax la odhan j iray Jamhuuriyada Somalia.

    Somaliland Wixii ka Dambeeyey Xornimada (1960 1991)Sagaalkii sano ee u horeeyay xornimada ka dib (1960-1969) baarlamaan iyo dawlado si diimuqraadiya loo soo doortay ayaa wadanka u kala danbeeyay. Intaa ka bacdi waxaa wadanka ka dhacay af-ganbi milateri oo uu hogaaminayey General Mohamed Siyaad Barre, ka dib milatarigu wuxuu laalay dastuurkii dalka isla markaana wuxuu soo rogay xukun (sharci) milatari. Maamulkii milatari sidoo kale wuxu sameeyay tiro siyaasado kala sooc sooc ah taas oo dadka reer Somaliland si gooni ah u saamaysay dhaqaala ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba. Siyaasadihii cabudhinta ahaa ee nidaamkaasi waxay sababeen samaysanka ururkii hubaysnaa ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaliyeed ee SNM oo lagu aasaasay London 6dii April 1981. Toban sano oo halgan hubaysan ah, oo si daran oo gaar ah u saameeyay labada magaalo ee Burco iyo Hargaysa, hal milyan oo qof in kabadana bara kiciyay. Markuu milatarigu meesha ka baxay Oday dhaqameedyada Somaliland ayaa abaabulay dhawr shir beeleed, iyaga oo taageero ka helayay SNM, si ay u xoojiyaan nabada iyo heshiisiinta qabiilooyinka kala duwan, isla markaana shir beeleedkii ugu balaadhnaa ayaa la qabtay muddadii u dhaxaysay 25kii March ilaa 26kii May 1991, waxaana shirkaa lagu goaamiyay ka noqoshada midawgii lala galay Somaliya iyo gooni isku taaga Somaliland oo la taageeray.

  • The famous Las Geel cave paintings, located between Berbera and Hargeisa, are estimated to be over 5,000 years old. They continue to attract attention from tourists and archeologists worldwide.

    14

    1 | Hordhac

  • 15

    HoRUmaRka dHaQan-dHaQaale

    Marka la eego dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale, Somaliland laguma sheegin war-bixinta Qaramada midoobay laanteeda horumarinta ee UNDP soo saarto ee loo yaqaan Warbixinta Horumarka Baniaadamka (Human Development Report) sababtuna waxay tahay Somaliland oon weli haysan ictiraaf caalami ah ka dawlad ahaan. Haddana, taasi soomaliland kamay hor joogsan inay ahaato mid nabdoon, xasilan isla markaana haysata dawlad dhexe oo la soo doortay si fiican u shaqaysa. Intaas waxa dheer inay hirgalisay hanaanka xisbiyada badan iyo weliba inay ka jiraan ururada bulshada oo si wax ku ool ah u shaqeeya. Marka la eego wadan hadda uun ka soo doogsaday xasilooni daro iyo dagaalo isla markaana aan helin caawimo caalami ah haddana xukuumadahii kala danbeeyay ee Somaliland waxay ku guulaysteen, si kala duwan, inay aasaasaan maamul shaqeeyay, kor u qaadeen nabada iyo heshiisiinta dadka Somaliland waxaanay suurta galiyeen masrax ku haboon horumarka bulsho iyo koboca dhaqaale.

    QiYaaSTa koRodHka dakHli GDP $1.5 billionDakhliga dadka $429WaaXaHa dHaQaalUHU ka YimaadoBeeraha 65%

    Warshadaha 10%Adeega 25%

    Ka sakow in beesha caalamku aanay aqoonsan somali laland, haddana

    Somaliland marka laga yimaado nabada ay ku naaloonayso waxay horumar balaadhan ka samaysay baahiyaha daruuriga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka laga soo bilaabo 1991kii. Marka la eego bur-burkii baaxada lahaa ee dagaaladii sokeeye ay dalka u gaysteen iyo waliba xaqiiqadii ahayd in xukuumadihii kala duwanaa ku shaqaynayeen miisaaniyad aad u yar iyagoon wax mucaawina toos ah ka helayn deeq-bixiyayaasha caalamiga ah iyada oon la aqoonsanayn awgeed haddana run ahaantii Somaliland waxay ku talaabsatay horumar balaadhan. .Laamaha Qaramada Midoobay iyo Ururada Dawliga ahi hadda si balaadhan ayay u joogaan ugana hawl-galaan Somaliland. Tusaale ahaan, laamaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Somaliland waxaa ka mid ah: UNICEF, WFP, UNDP, WHO, WFP, ILO, IOM, FAO, UNHCR, UNIDO, UNESCO iyo UNFPI. Ururada Caalamiga ahna waxa ka mid ah: NRC, DRC, Progressio, Action Aid, OXFAM, Health Unlimited, PSI, Care International, World Concern, World Vision, Caritas iyo kuwo kale. Deeq-bixiyayaasha kale ee wadanka ka hawl-gala waxa iyana ka mid ah: World Bank, EU, DFID, USAID, DANIDA. Dhammaan hayadahan, ururadan iyo deeq-bixiyayaashani gacan kama gaystaan hawlaha samafalka aadami-nimo oo kaliya laakiin sidoo kale waxay gacan ka gaystaan hawlaha shaqo-abuurka, sare u qaadka dakhliga dalka iyo maalgashigaba.

    Sida caadadu ahayd 80% fursadaha shaqo waxay ka jireen wax-qabadka reer miyiga. Wax soo saarka xoolahuna waa

  • 16

    1 | Hordhac

    shaqooyinka ugu mihiimsan ee wax-qabadka xoolo dhaqatada, hase ahaatee, beryahan dambe reer miyigii waxay si balaadhan ugu soo guurayaan magaalada, waxaana lagu qiyaasaa 6-10% inay u soo guurayaan magaalooyinka. Lacagta ay soo diraan qurba joogta iyo wax soo saarka xoolahu waa labada arimood oo soo geliya dalka dakhliga ugu muhiimsan ee bulshada Somaliland isla markaana ay ku maalgaliyaan dhismayaasha iyo ganacsiga. Isku darka lacagta ka timaada xawaaladaha iyo tan xoolaha nool waxa loo baahan yahay in si hagaasan loo jiheeyo si loo abuuro dhaqaale rasmi ah.

    kaaBaYaaSHa

    Horumarinta kaabayaasha dhaqaale waa siyaasada ugu mudan ee Somaliland u marayso koboca, dib u dhiska iyo horumar waara. Xukuumadu si wanaagsan ayay u fahansantahay arintaa waxaanay isku dayaysaa inay abuurto jawi ku haboon maalgashiga iyo wax soo saarka isla markaana ku dhisan kaabayaal la isku halayn karo si loo gaadho koboc dhaqaale iyo horumar. Khibrada Somaliland ee tobankii sano ee u danbeeyay ayaa noo sheegaysa in koboca dhaqaale iyo horumarkuba ku xidhan yahay helitaanka kaabayaasha dhaqaale ee wadanka oo dhan. Run ahaantii, waxaa jira wadanka fikrad la isku wada raacsanyahay oo ah baahida loo qabo in la dhiso kaabayaasha si loo abuuro shaqooyin loona horumariyo koboca dhaqaale iyo s inaanta muwaadiniinta. Kaabayaasha ugu muhiimsan in wax laga qabto waxa ka mid ah: wadooyinka, guriyaynta, w a x b a r a s h a d a , c a a f i m a a d k a ,

    isgaadhsiinta, iyo dakadaha kuwaasi oo muhiim u ah waaxyaha maalgashi ee xaga sare aynu kusoo xusnay sida Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Tamarta.

    # WaaXYaHa/ QaYBaHa

    fURSadaHamaalgaSHi

    1 Wadooyinka iyo Gaadiidka

    In la horumariyo wa-dada dekada Berbera ka timaada; In la abuuro heer amni oo wadooy-inku yeeshaan, in la horumariyo dayactirka wadooyinka lana dayac-tiro wadooyinkii jiray, in la dhiso wadooyin cusub oo muhiim ah.

    2 Boosta iyo Isgaadhsiinta

    In la abuuro cabirka maaraynta is gaadh-siinta, la suurogaliyo is-dhexgalka mobilada, in la dhiso habkii boosta iyo kaabayaasha kale ee isgaadhsiinta.

    3 Cilmiga isgaadi-inta Kum-buyuutarada iyo Inter-netka

    In laga guuro tiknoolo-jiyada analoga ah loona gudbo ta dhijitaalka ah, in la balaadhiyo awooda Raadyowga iyo TVga, in la abuuro hab sha-bakad internet ah oo ay ku wada xidhiidhaan hayadaha dawladu.

    4 Dekadaha In la balaadhiyo shaqada dekada, in la sameeyo marso (terminal) gaar u ah koontiinarada, in la aasaaso goob ganacsi oo xor ah, in la qodo goob la joojiyo maraaakiibta waawayn lana helo qal-abka dekada wax lagaga qaado ama lagu dhigo.

    Dawlada waxa ka goan inay abuurto jawi ku haboon inay ka hawlgalaan shirkadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba kuwaas oo doonaya inay ka fuliyaan mashaariicdooda horumarineed iyaga oo galaya heshiisyo. Maalgaliyayaasha iyo

    Iyadoo ay ugu wacantahay goobta istraatiijiga ah ee ay ku taalo ee u dhaxaysa gudaha bariga afrika iyo bariga dhexe iyo weliba dhererka xeebta Somaliland ee gaadhaysa 850 km oo ah marinada maraakiibta iyo dekada Berbera iyo guud ahaan iyadoo ku ku sifowday mid amnigeedu xoogan yahay, Somaliland waxay awood u leedahay in ay ka hirgasho koboc dhinaca suuqa xorta ah, fududaynta ganacsiga, noqotona wadada

    taraansitka ee wadamada geeska, bariga iyo badhtamaha Africa

  • 17

    deeq bixiyayaashu waxay ka wada shaqayn karaan si ay usoo jiitaan shirkadaha waawayn, dawladuna waxay ka warqabtaa in haddii loo baahan yahay in dhaqaaluhu kobco, in la helo maalgashi lagu sameeyo wadanka oo ay ku sameeyaan maalgashadayaashu sida (kuwa maxaliga ah, qurbajoogta iyo ajaanibkuba).

    Maalgashiga Tobankii sano ee u danbeeyay maalgashiga Somaliland si tartiib tartiib ah ayuu u kordhayay gaar ahaan maalgashiga qurbajooga Somaliland. Sidoo kale waxaa jira danayn ugub ah oo maalgashadayaal kalena danaynayaan tii ugu cadaydna tahay warshada Coca-Cola ee sanadkii hore wadanka laga furay. Iyadoo ay ugu wacantahay goobta istraatiijiga ah ee ay ku taalo ee u dhaxaysa geeska afrika iyo iyo bariga dhexe iyo weliba dhererka xeebta Somaliland ee gaadhaysa 850 km iyo dekada Berbera iyo guud ahaan Somaliland ee ku sifowday mid amnigeedu xooganyahay, Somaliland waxay awood u leedahay in ay ka hirgasho koboc dhinaca suuqa xorta ah, fududaynta ganacsiga, noqotona wadada taraansitka ee wadamada geeska, bariga iyo badhtamaha Africa.

    Tani waa sababta Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu iyada oo la kaashanaysa rugta ganacsiga Somaliland ay u soo saartay Hagaha Maalgashiga Somaliland kaasoo loogu talogalay inuu macluumaad ku saabsan wadanka, dadka, ganacsiga, amniga wadanka IWM uu siiyo maalgashadayaasha. Shaki kuma jiro in

    maalgashi wadan shisheeye ay culays ku tahay maalgashadayaasha gaar ahaan xaalada Somaliland oo ah wadan aan la aqoonsanayn taas oo ay u arkaan maalgashadayaashu inay tahay mid khamar ah, Dawlada Somaliland waxay iyada oo adeegsanaysa wasaaradeeda ganacsiga iyo maalgashiga doonaysaa in hagahani uu beda lo f ik i rka qa ldan ee maalgashadayaashu ka qabaan Somaliland tusana in Somaliland tahay meel ganacsiga u furan isla markaana ay yaalaan fursado maalgashi oo ka faaiidaysi mudan. Waxa kale oo hagahu muujinayaa waxyaabaha damaanad qaadka u noqonaya maalgashadayaasha sida amniga, shuruucda maalgashiga, shaqaalaha, gaadiidka iyo tamarta. Sidoo kale haguhu waxa uu qeexayaa fursadaha maalgashi iyo kuwa koboca dhaqaale ee dalka.

    BaaXada SUUQa ganaCSi iYo galaan-galkiiSa

    Tirada dadka Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 3.5 milyan iyaga oo dakhliga dadkana (GDP per capita) lagu qiyaasay ilaa $429, tani waxay sheegaysaa korodh xaga dakhliga ah $290 oo ay 2003 kii maraysay, korodhkan waxaa loo nisbaynayaa xasiloonida iyo nabada oo keentay koboc dhaqaale. Dada u dhaxaysa 15-64 ayaa ah inta shaqaysa ama shaqayn karta, marka loo eego warbixinta Baanka Adduunka 2011 dadka dadaa ihi waxay ka yihiin bulshda 56.4%, tani waxay noqonaysaa 1.6 million tirada guud ee ahayd 3.5 milyan dadka

  • 18

    1 | Hordhac

    Somaliland. Tirada guud ee dadka shaqeeyaa waa 52.6%, guud ahaan tirada shaqaalaha ee daadii shaqada waxaa lagu qiyaasaa 38.5% meelaha magaalooyinka ah, dhulka miyigana waxa lagu qiyaasaa 59.3% sidaa daraadeed xadiga shaqa laaanta meelaha magaalooyinka ahi waa 61.5% miyigana waa 40.7%. Baaxada suuqu aad bay u yartahay lakiin bulshada Somaliland si tartiib tartiib ah ayay ugu guuraysaa dabaqada dhexe ee dakhligeedu kordhaayo.

    Isku halaynta bulshada soomaliland ee lacagta dibada lagasoo diro iyo dhoofinta xoolaha nool ayaa la mida isku halaynta cuntooyinka iyo alaabta dibada lagala soo dego, taas macnaheedu waxa uu yahay in bulshada Somaliland ku tiirsantahay waxyaalaha dibada laga soo dajiyo iyagoo ka doorbidaya isla markaana cuntooyinkii wadaniga ahaa aan loo hayn warshado wax ku biiriya. Taasi waa sababta uu hagahan maalgashi cilmi baadhista ugu sameeyay meelaha looga baahanyahay maalgashiga. Waxa la filayaa mar kasta oo maalgashadayaasha la siiyo xogta saxda ah ee ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ku jira waaxyaha kala duwan waxay sahlaysaa inay ka gaadhaan goaan siday u samayn lahaayeen maalgashi.

    WaaXYaHa UgU mUdan in la maalgaliYo

    Marka la eego qorshaha horumarinta shanta sano ee Somaliland 2012-2016 waxaa jira lix waaxood oo loo tixgaliyay inay yihiin muhiim marka laga hadlaayo dhaqaale, dawladuna waxay ku dhiiri galinaysaa maalgashiga shisheeye lixdan waaxood:

    # WaaXo fURSadaHa maaalgaSHi1 Bangiyada

    iyo Maali-yadae

    Casriyaynta sida bangiyadu u shaqeeyaan, marin cusub oo adeeg dhaqaale ah in la abuuro oo gaadhaya miyi iyo magaalaba, samaynta fursado maaliyadeed oo ah hab islaami ah.

    2 Beeraha In la abuuro xarumo cilmi baadhiseed; In la sameeyo barnaamijyo tababaro ah; in la dhiso tayada hayadaha ka shaqeeya beeraha; in la horu-mariyo adeegyada kaabayaa-sha; in sare loo qaado ka ga-nacsiga beeraha lana taageero ururada beeralayda.

    3 Xoolaha In la horumariyo adeega caafi-maad ee xoolaha; la kordhiyo qiimaha xoolaha dibada loo dhoofinayo; in la horumariya suuqa iyo suuqaynta; in la aasaaso xarumo cilmi baadhi-seed; in la raadiyo suuq cusub.

    4 Kalluu-maysiga

    In lagu sameeyo kayd kal-luumaysi biyaha soke ee xee-bteena; in la dhiso suuq kal-luun; in la sameeyo dariiqada ugu wacan ee kalluunka lagu keeno suuqa; in loo raadiyo suuq cusub kalluunka.

    5 Warsha-daha

    In kor loo qaado ganacsiga iyadoo la kaashanayo dalalka jaarka ah; in la sameeyo xarumo ganacsi; in dib loo dhiso warsheda sibidhka ee Berbera iyo in kor loo qaado tayada dadka ku lug leh.

    6 Tamarta In kor loo qaado maalgashiga waaxda tamarta; in la kordhiyo tamarta la cusboonaysiin karo iyo in la aasaaso dab-dhaliyay-aal awood fiican leh meelaha magaalooyinka ah.

  • 19

    Meelaha kale ee la Maalgashan karo

    Marka laga yimaado lixdaa waaxood ee xaga sare ku xusan, kuwaas oo qorshaha horumarinta shanta sano ku suntan, Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu waxay u aragtaa in qaybahan soo socdaa ay iyana mudantahay in maalgashi lagu sameeyo.

    Dhoofinta

    Meelaha ugu muhiimsan ee dawladu dhiirigalinayso in la maalgashado waxa ka mid ah shirkadaha wax ka dhoofiya wadanka si waxyaabaha wadanka laga dhoofinayaa u kordhaan loogana maarmo waxyaabo badan oo dibada inooga yimaada. Sidaa daraadeed waxa jira waxyaabo cusub oo la warshadayn karo sida in Milixda la habeeyo. Sidaa daraadeed dawladu si ay u dhiiri galiso arimahaa waxay qaadaysaa talaabooyin

    Mid ka mid ah shaqaalaha wershadaha biyaha la cabo

  • 20

    1 | Hordhac

    ay ka mid yihiin cashuur dhaaf iyo wax la mida, tani waxa lagu sii faah-faahin doonaa qaybta lagaga hadlayo shuruucda la xidhiidha maalgashiga.

    Qodida Shidaalka Waaxda kale ee muhiimka ah in la maalgashado taas oo isubadali karta mustaqbalka dhaqaale wada gaadha wadankan waxay tahay qodida macdanta oo ay ku jiraan saliida iyo gaastu, iyo waliba dhuxul dhagaxda oo si fudud lagu soo saari karo. Iyadoo la eegayo indha indhaynta iyo baadhis lagu sameeyay ayaa dhawr sano ka hor la ogaaday in qaybo badan oo dhulkeena ah laga heli karo shidaal iyo gaasba, qaar ka mida baadhitaankaas waxaa shaaca laga qaaday 1950aadkii iyo 80kii sidoo kalena waxa jira macluumaad cusub. Shaki kama taagna baahida adduunyadu u qabto shidaalka oo sii kordhaysa inay sabab u tahay baahida waddamada Aasiya ee dhaqaalahoodu kordhayaa u qabaan shidaalka, taasina Somaliland shidaal in laga soo saaro ayay ka dhigaysaa mid si xooga loogu baahanyahay, dawladuna waxay hada ku hawlantahay sidii loo samayn lahaa hayadihii wadada u sii xaadhi lahaa soo saarista shidaalka si wixii khayraad ah ee ka soo baxa loo wada gaadhsiin lahaa dadka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

    Dalxiiska Meesha kale ee mudan in la maalgashado waxa weeye in la aasaaso shirkado dalxiis, si dadka ina soo booqda loogu dhiirigaliyo inay soo dalxiisaan soona arkaan hogaga buuraha ku yaala ee taariikhiga ah, xeebaha quruxda badan iyo weliba buuraha la yaabka leh ee Somaliland,

    markaa waaxda dalxiiska in la maalgaliyaa aad bay uga qaybqaadan kartaa koboca dhaqaale, waaayo waxaa jira dad badan oo qurbajoogta Somaliland ka mid ah oo dibadaha ku dhashay ama mudo ku maqnaa isla markaana u soo boholyoobay wadanka. Hadababhadii la sameeyo hudheelo wanaagsan iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalxiiska waxa ku soo dhiiranaya qurbajoogta. Taasina waxay taageeraysaa waaxaha kale ee dhaqaalaha iyadoo kordhinaysa inay qurbajoogtu ku soo dhiiradaan maalgashiga. Waxana loo baahanyahay in si wada jira loo kiciyo dalxiiska.

    Madaarada iyo Duulista Hawada Waaxdani waxay korodh dhaqaale u horseedi kartaa Somaliland mustaqbalka dhaw isla markaana sida Wasaarada Duulista Hawadu sheegtay dadka ka dhoofa ama ka soo daga Madaarka Hargaysa waxay sannadkii 2010 iyo 2012 kii kordheen ilaa 18% marka loo eego labadii sano ee ka horeeyay halka xamuulka diyaaraduhuna kordheen 29%. Intaa waxa dheer tirada qurbajoogta wadanka ku soo noqota sanad kasta oo iyana korodhay. Sidaa daraadeed maalgashiga qurbajoogta iyo ka shisheeyaba waa looga bahanyahay waaxdan oo la rajaynayo inay 10% ilaa 15% ay korodho sanad kasta, saddexda sano ee soo socda. Waxaana calaamad wanaagsan oo horumar muujinaysa inoo ah in shirkado sida Shirkada Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethopian Airlines) oo kale ay maalgashi ku samaynayaan waaxdan ayna bar tilmaameed ka dhigtaan dadka dhoofaya ee reer Somaliland.

    Waxa la filayaa mar kasta oo maalgashadayaasha la siiyo xogta saxda ah ee ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ku jira waaxyaha kala duwan waxay sahlaysaa inay ka gaadhaan goaan siday u samayn lahaayeen

    maalgashi

  • 2013 - 2014Hagaha Maalgashiga SomalilandFursadaha iyo Shuruudaha

  • 2

  • 23

    2 / dUlmaR kU SaaB-San Xaga SHaRCiga maalgaSHiga dalka QaaB dHiSmeedka daWliga aH

    Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa Qaab maamul oo ka kooban saddex waaxood, Fulin, Sharci Dajin iyo Garsoor. Waaxda Fulinta waxa madax ka ah Madaxweyne isagu soo magacaaba Wasiiro uu la xisaabtamo.

    Waaxda Xeer dajintu waxa ay ka koobantahay laba Aqal oo la isku yidhaa Baarlamaan. Aqal waa ka Wakiilada waxaanu ka kooban yahay 82 Xubnood iyaga oo matala dhammaan dagmooyinka dalka. Aqal-ka kalena waa ka Golaha Guurtida, waxaa uu ka kooban yahay 82 xubnood, waxaana laga soo xulaa qabaailka Somaliland, waxaanay yihiin Aqalka Sare baarlamanka JSL.

    Waaxda Garsoorka waxa madax ka ah Maxkamada sare iyada oo isla markaana ah Maxkamada Dastuuriga ah oo ay u gaar tahay Fasiraada Dastuurku. Maxkamada Sare waa ta ugu saraysa Saddexda Darajo ee Garsoorka. Maxkamda Heerka koobaad waxa ay u sii kala baxdaa maxkamada Dagmada oo awood u leh dacwadaha Qoyska iyo dacwadaha fudud ee Madaniga ah iyo ta Gobolka oo awood u leh in ay dhagaysato dhammaan dacwadaha kale. Maxkamada Sare iyo ta Heerka koobaad waxa u dhexeeya kuwa rafcaanka.

    Waaxda Fulintu waxa ay u hawlgashaa heerka koowaad ee Maamul daadajinta marka ay hirgalinayso siyaasadaha kala duwan iyada oo shaqooyinka qaar loo wakiisho Lixda Gobol. Gobol kastaa waxa uu leeyahay Badhasaab uu magacaabo Madaxweynuhu shaqo ahaana hoos taga Wasaarada Arimha Gudaha. Dawladaha hoose ee Goboladu ma leh siyaasada fulinta Qaranka ee Gobolka.

    Dawladaha Hoose ee JSL waxa ay leedahay awood wayn oo ay ku maamulaan shaqooyinka ganacsi ee Gobolada. Dawladaha hoose waxa shaqadooda dusha kala socda Golayaasha Deegaanka oo lagu soo doortay Cod toos ah. Dawladaha hoose waxa ay awood u leeyihiin in ay abuuraan sharciyo ku eega awoodooda. Waxa kale oo ay awood u leeyihiin in ay soo saaraan Siyaasado la xidhiidha Nadaafada, siinta Liisanada ganacsatada yar yar, qoondaynta Dhulka caamka ah, gacan ku haynta nabadgalyada iyo danta caamka ah ee Xuduudahooda, Dugsiyada Hoose IWM. Dawladaha Hoose iyo maamulada Goboladu ma laha awood la xidhiidha shaqada Garsoorka waxaana taas loo gaar yeelay Dawlada Dhexe.

    SHaRCiga iYo HaBka XalinTa kHilaafaadka

    Habka sharciga waa qaybo isku dhafan oo ka kooban dhaqanka Somaliland, shareecada Islaamka (Waliba Mad-habta Shaafici ) iyo sharciga Xeer-dajinta ee ka soo kala jeeda dhaqanada Nidaamka Roomaanka iyo kan Madaniga ah. Marar badan muranada sharci iyo wax is

  • 24

    2 | Sharciga Maalgashiga

    waydaarsashadu waxa ay ku xidhan tahay sida ay isku waaqafsan yihiin dhaqanadaa sharciyada kala duwan iyada oo ay ku xidhan tahay ujeedada dhinacyada dacwadu ama shayga uu muranku ka taaganyahay.

    Iyada oo aanay jirin in si cad loo kala saaray dhaqanada sharciyada kala duwan laakin xalinta murano badan ama wax is waydaarsashadu waxa ay inta badan raacdaa habkan soo socda; Shareecadu waxa ay inta badan ku xooga badan tahay Garsoor ahaan arimaha la xidhiidha shakhsi iyadoo waliba ay kabto sharciyada dhaqanku. Sharciyada dhaqanku waxa ay u badantahay Garsoor ahaan dhacdooyinka yar yar ama kuwa waaweyn ee aanay dhinacyadu diyaarka u ahayn in ay u hogaansamaan sharciga Baarlamaanka ka soo baxay. Sharciga Baarlamaanka ka soo baxayna waxa uu u badan yahay Garsoor ahaan dhacdooyinka waaweyn iyo kuwa Casriga ah. Sharaxaadan guud waxay tahay tilmaan laakiin muran kastaaba waxa lagu xalin karaan marka loo baahdo dhammaan sharciyada kala duwan oo dhan ( Shareecada, dhaqanka iyo Xeerka ka soo baxay Xeer-dajinta)

    Marka loo hadlaayo sida dhabta ah, muranada ka dhaca Somaliland waxa loo xaliyaa laba hab oo kala duwan. Habka kooban waxa weeye habka dadban ee ay hogaamiyaan Dadka dhaqanku. Xitaa marka labada dhinac uu mid kood dacwad ka furto Maxkamada heerka koobaad waxa ay u baahdaan in habka dhaqanka lagu soo xaliyo inta aan dacwada la dhagaysan.Habka dhexdhexaadinta dhaqanka waa hab aad looga isticmaalo wadanka

    gudihiisa waxaanay u baahan tahay ogolaanshaha labada dhinac laga helo inta aan goaanka kama dambaysta ah lagu dhawaaqin. Marar badan waxa laga doorbidaa xalinta habka dhaqanka kan Maxkamadaha caadiga ah. Haddii la buuxiyo shuruudaha loo baahan yahay waxa laga yaaba in Dawladu fuliso goaamada lagu gaadho habka dadban. Haddii habka dadban ee xalinta muranadu shaqeeyo waa in heshiiska ama goaanka laga diiwaan galiyaa Maxkamada Heer Gobol muddo 10 cisho gudahood ah laga bilaabo maalinta uu soo baxay. Waa haddii uu qoran yahay isla markaana uu waafaqsan yahay habka kale ee loo baahan yahay si Maxkamadu u hirgaliso heshiiska lagu gaadhay habka dadban. Habka labaad ee muranada loo xaliyaa waxa weeye Maxkamadaha tooska ah iyadaa ah habka inta badan la maro marka uu guulaysan waayo habka dadban. Dacwadaha la hor keeno Maxkamadaha waxa loo raacaa Xeerka Madaniga ah isagaana sheegaya dhammaan sharciga salka u ah hawlaha ganacsi oo dhan. Dacwadaha Madaniga ah waxa maamula Maxkamadaha tooska ah iyada oo labada dhinacna ay waakiishaan Qareeno u dooda.

    Qareenada waxa loo ogolaadaa in ay ka shaqeeyaan Maxkamadaha hortooda marka ay haystaan shahaado sharci ama ay leeyihiin khibrad dheer. Ma jiro Isu-tagii-Guud ee maamulayay Qareenada. Laakiin Ururka Qareenad ayaa ka doodaya arinkaa sidii loo heli lahaa iyo sharcigeedii waxaana la filayaa in dhammaadka 2013 horumar dheeraad ah laga sameeyo arinkaa laguna guulaysan doono

    Lahaanshaha dhulka waa la ogal yahay Gudaha Somaliland. Ajinabiga iyo dadka Somaliland u dhashayba way iibsan karaan isla markaana iibin

    karaan hanti sidii ay doonaan.

  • 25

    hawlgelinta ururkan.

    Wixii Macluumad ah ee dheeraad ah halkan eeg: http://www.somalilandlaw.com/somaliland_lawyers_association.html.

    Arinka la xidhiidha Shirkadaha iyada oo ay ku jirto sharciga maamulaya maalgashiga waxa maamula xeerka ay soo saaraan Xeer-dajintu. Labada xeer ee ugu mihiimsan ee la xidhiidha shirkadaha iyo maalgashigu waxa weeye xeerka Shirkadaha iyo ka maalgashiga Dibada.

    ilaalinTa maalgaSHiga

    Somaliland waxa ay leedahay nidaam leh xuquuq maalgashi iyo sharci ganacsi iyada oo maalgashadayaashu ay u heli doonaan maal-gashigooda ilaalin iyo magdhaw:

    Iaalinta Maalgashiga Dibada Xeerka Maalgashiga Dibadu wuxu leeyahay dhammaan habka iyo xuquuqaha ay doonayaan Maalgashadayaasha dibadu. In kastoo faahfaahinta xeerkan weli laga shaqaynaayo. Imikana waxa wax laga badalaayaa habka maalgashiga dibada iyo xuquuqda ay leeyihiin maalgashadayaasha ajinabiga ahi.

    Si ay u helaan maalgashadaasha dibadu xuquuqda uu sheegayo Xeerka Maalgashiga Dibadu waa in ay ka diwaan galiyaan Golaha Maalgashiga Dibada. Habka diwaan galintu waxa uu sheegayaa in maalgashadayaashu faahfaahiyaan

    maalgashigooda isla markaana ay dalbadaan in Goluhu u ansixiyo maalgashigooda. Codsiga waa in la soo diraa ka hor inta aan la soo gudbin hantida la maal gashanaayo. Qaabka uu Goluhu u raacayo marka uu eegayo codsiga waa la hor marinayaa. Sharcigu waxa uu farayaa Golaha in ay maalgashadaha siiyaan Shahaadada Maalgashi Shisheeye ee la Diiwaangeliyay iyadoo waliba loo ansixinaayo shirkada haddii la ogalado maalgashiga.

    Diwaangalinta Shirkad waxa loo raacaa hab laba talaabo ah. Marka hore waxa ay ka bilaabantaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyada oo la soo gudbinaayo codsi iyo Xeerka Shirkada ama Xeer-hoosaadka la socda waxaana loo diraa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud si uu ugu soo saaro Shahaadada diwaan galinta. Diwaan galinta Shirkada Ajinabiga ah waxa ay u baahantahay in ay Gudida Maalgashigu Ogolaadaan. Wakhtiguna waxa uu inta badan qaataa laba ilaa Saddex Usbuuc.

    Haddii Gudidu ogalaato Maalgashiga, maalgashaduhu waa in uu buuxiyo codsi kale si uu u dalbado in uu is diiwangaliyo maalgashiga marka uu ku soo wareejiyo Somaliland Hantida uu maalgashanaayo. Gudidu waa inay siiyaan Shahaadada Diwaangalinta Maalgashida Dibada haddii la ogaaladay inta aanu soo wareejin hantida uu maalgashanaayo. Marka maalgashaduhu helo shahaadada waxa uu helayaa dhammaan Xuquuqaha uu siinaayo Xeerka Maalgashiga Dibadu.

    Takoorid Laaanta Maalgashiga Maalgashiga loo diiwaangaliyay si waafaqsan sharciga isla markaana uu ansixiyay Gudida Maalgashigu waxa loola dhaqmayaa sida kawa shirkadaha

  • 26

    2 | Sharciga Maalgashiga

    wadaniga ah. Lama kala soocayo maalgashiga wadaniga ah, ka qurba joogta ah iyo ka dibada ka yimi midna.

    damaanada la WaReegida HanTida la maalgaSHadaY Maalgashiga loo diiwaan galiyay si waafaqsan sharciga isla markaana uu ansixiyay Gudida Maalgashigu lalama wareegi karo iyada oo aanay jirin hab kale oo lagu ilaalin karo danta caamka ah mooyee.

    Xuquuqda Dib ula Noqoshada Hantida la Maalgashaday

    Hantida la maalgashaday waa in ay ku baaqi noqotaa gudaha Somaliland ugu yaraan Saddex sano laga bilaabo maalintii la diiwaangaliyay ilaa laga helo ogolaasho Gudida Maalgashiga. Dhinaca kale, Macaashka laga helay maalgashiga waa la celin karaa wakhti kasta iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhayn. Xeerka Maalgashiga Shisheeya waxa uu siinayaa Maalgashadaha in la siiyo Shahaadada Maalgashiga Shisheeye haddii uu doonayo in uu dib u maalgashado dalka gudihiisa

    Habka sharciga waa qaybo isku dhafan oo ka kooban dhaqanka Somaliland, shareecada Islaamka (Waliba Mad-habta Shaafici) iyo sharciga Xeerdajinta ee ka soo kala jeeda dhaqanada Nidaamka Roomaanka iyo

    kan Madaniga ah

  • 27

    Faaiidadii uu ka sameeyay maalgashigiisa isaga oo la imanaayo cadayn ku filan in uu jiro maalgashigaasi.

    SHaRCiYada SHaQaalaHa iYo ogolaanSHaHa SHaQada

    Shaqaalaha Somaliland waxa ay leeyihiin xuquuqo iyo waxtar uu siinaayo Xeerka Shaqaalaha Somaliland. Xuquuqda Shaqo-siinta ka Hor iyo Shuruudaha Shaqaalaysiinta

    Xeerka Shaqaaluhu waxa uu dhigayaa habka uu raacayo looshaqeeyuhu marka uu doonayo in uu shaqaale qorto: Shaqada furan waa in lagu xayaysiiyaa Saxaafada gudaha laba Usbuuc. Loo shaqeeyuhu waa in uu sameeyaa Gudi ka masuula shaqaalaysiinta oo ka kooban ugu yaraan saddex qof- laba waxa ay ka imanayaan shirkada shaqada qoraysa midina waxa uu ka imanayaa Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Gudidu waa in ay eegaan codsiyada la soo gudbistay iyo waliba haddii uu jiro imtixaan qoraal ah ama afka ah hadba sida ay shirkadu u baahantahay. Ugu yaraan waa in laba qof in ka badani ay isku raacaan qofka shaqada la siinaayo isla markaana ay saxeexaan cadayn qoraal ah. Xeerka Shaqaaluhu waxa uu aad uga soo horjeedaa takoorida waxay doontaba ha ku salaysnaato. . Maalgashadayaasha cusubi waxa ka ogaan karaan siyaasadaha shaqaalaysiinta iyaga oo kala xidhiidhaya Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada halkan :http://molsa-slgov.org/

    Heshiisyada Shaqaalaysiinta

    Xeerka Shaqadu waxa uu u ogalaanayaa loo shaqeeyaha in ay s i iyaan shaqaalahooda heshiis shaqo. Heshiisku waxa uu siin karaa shaqaalaha xuquuq dheeraad ah oo aan ku qornayn Xeerka Shaqaalaha. Heshiisyada shaqaalaha waxa loo isticmaalayaa si loo cadeeyo loona mideeyo xuquuqaha aan u sheegayn habka loogu talagalay in uu la socdo xuquuqda shaqaalaha.

    Goaan ka Gaadhida Xidhiidhka Shaqo Somaliland waxa ay hormarinaysaa imika habkii loo kala saari lahaa qofku in uu haysto heshiis shaqo oo kaliya iyo in uu qofku yahay shaqaale joogta ah isla markaana isaga oo haysta heshiis shaqo. Ka hore waxa lagu maamulayaa heshiiska ka labaadna waxa loo raacayaa heshiiska iyo Xeerka shaqaalaha oo wada jiro.

    Anshax marinta iyo Shaqo ka Eryida Shaqaalaha Wasaarada Shaqada iyo Xeerka Shaqaduba waxa ay ku dhiirigalinayaan loo shaqeeyaha in ay abuuraan waax ka tirsan shirkada oo ay shaqaaluhu u soo gudbiyaan cabashooyinkooda. Taasi waxay sare u qaadaysaa niyada shaqaalaha isla markaana waxay ka badbaadinaysaa khatarta in dacwado badan oo lagu furo shirkada.

    Xeerkashaqaaluhu waxa uu siinayaa loo shaqeeyaha ilaa xad awood ay ku anshax mariyaan shaqalahooda. Labada hab ba ee anshax marinta inta badan loo adeegsadaa waxa weeye in mushaharkooda hoos loo dhigo iyo in la hakiyo heshiiska shaqo. Talaabada anshax marinta shaqaalaha waa in si fiican loo nidaamiyo.

  • 28

    2 | Sharciga Maalgashiga

    Waraaqaha digniinaha iyo sababteeda waa in lagu siiyo shaqaalaha mudo 7 cisho gudaheeda isla marka uu dhaco falka laga anshax marinaayo isla markaana waa in la siiyo ogaysiis Wasaarada Shaqada si ay ula socdaan habka anshax marintu u dhacayso haddii loo baahdo.

    Haddii loo shaqeeyuhu doonayo in uu shaqada ka joojiyo shaqaalihiisa waa in la raacaa shuruudahan oo si sax ah loo soo gabagabeeyo xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac:

    Shaqo ka joojintu sida digniinaha kale ama talaabooyinka kale ee anshax marineed waa in la ogaysiiyWasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

    Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in loo shaqeeyuhu uu u soo bandhigi karo Wasaarada Shaqada shaqo ka joojinta halka ay goaan hore ka qaadan lahaayeen.

    Wasaaradu waxa ay shaqeeyaha shaqada ka joojin kartaa ilaa 90 cisho.

    Haddii shaqaalaha lagu soo eedeeyo dambi ciqaab ah ama loogu yeedho shaqo Qaran, shaqada waa laga jooj in karaa i laa inta ay dhamaanayso xaaladaasi iyada oon wax kharash ah lagu lahayn loo-shaqeeyaha.

    Xeerka Shaqaaluhu waxa uu ogalanaayaa in isla markiiba la caydhiyo shaqaalaha haddii si xun loogu xad-gudbo xeerarka shaqada iyo in lix wiig oo digniin ah la siiyo shaqaalaha inta aan la caydhin. Sababaha caydhinta degdega ah waa inay ku taalaa Xeerka shaqaalaha ama

    heshiiska shaqo.

    Socdaalka iyo ogolaanshaha daganaanshahaShuruudaha socdaalka Somaliland si fudud ayaa loo buuxin karaa. Marka ganacsi loo socdo Dal-ku gal hal mar ah ayaa laga codsan karaa Safaaradaha Somaliland ee Dibada ama in toos loo dalbado marka la yimaado meelaha laga soo galo dalka. Laba sawir baasaboor, warqad martiqaad oo laga helo shirkad Somaliland ah haddii ay jirto, cinwaanka uu ku socdo qofka fiisaha dalbanayaa, warqada dalabka saxda ah oo la buuxiyo iyo lacagta dalabka weeye waxa loo baahan yahay marka la dalbanaayo Dal-ku-gal hal mar lagu soo gali karaayo. Qofka dal-ku-galka dalbanayaa waa in uu la yimaado cadayn tusaysa kharash ku filan safarkiisa iyo Tigidh noqosho. W a r a a q a h a D a l - k u - g a l k a i y o macluumaadka kale ee loo baahanyahay waxa laga helayaa Waaxda Socdaalka Somaliland ee ciwaankeedu yahay halkan: (http://slimmigration.zzl.org/Visa.html).

    Maalgashadayaashu waxa kale oo ay heli karaan Dal-ku-gal marar badan lagu soo gali karo dalka. Shuruudii looga baahnaa dal- ku -galka halka mar ayaa loogaa baahanyahay dal-ku-gal marar badan ah laakin waa in la buuxiyo waraaqaha lagu dalbanaayo visa lagu gali karo in ka badan hal mar gaar ahaan maalgashadayaasha doonaya in ay si joogta ah dalka u yimaadaan. Waxa laga yaabaa in aan dibada laga soo bixin dal-ku-gal ka in ka badan hal mar oo wadanka lagu soo gali karo.

    Waraaqaha lagu dalbanaayo dal-kugal

    Maalgashiga sida saxa looga diiwaangeliyey lagana dhammeeyey guddiga diiwaangelinta ganacsiga waxa loo tixgelinayaa sida ganacsiyada

    maxaliga ah

  • 29

    hal mar ka badan waxa laga heli karaa Wasaaraadaha kala ah Arimaha Dibada, Shaqada, Arimaha Gudaha iyada oo ay dheertahay mid laga soo qaadanaayo Waaxda Socdaalka Somaliland. Ilaa imika lacagta laga qaado dal-ku-galka ka badan hal mar waa $500 sanadkii. Waaxda Socdaalka Somaliland waxa ay diyaarinaysaa siyaasadii lagu taageeri lahaa daganaansho sharci ah. Laakiin imika waxa jira dal-ku-gal muddo dheer dhacaaya isla markaana lagu soo gali karo dalka in ka badan hal mar haddii maalgashadayaashu u baahan yihiin.

    laHaanSHaHa dHUlka iYo iSTiCmaalka HanTida

    Lahaanshaha dhulka waa la ogalyahay gudaha Somaliland. Ajinabiga iyo dadka Somaliland u dhashayba way iibsan karaan isla markaana iibin karaan hanti sidii ay doonaan. Marka hantida la kala wareejinaayo waxa laga diiwaan galiyaa Maxkamada Rafcaanka heer Gobol hadba halka uu heshiisku ka dhaco. Waxa kale oo cashuurta kala wareejinta la siiyaa dawladaha hoose oo dusha kala socota dhulka iyo 3% cashuurta kala wareejinta oo la siinaayo Wasaarada Maaliyada. Maalgashadayaashu waa in ay la socdaan in la wado diwaangalinta dhammaan dhulka Somaliland oo dhan sidaa awgeed ma sahlana in si fudud lagu ogaado cida leh dhulka. Maal gashadayaashu waxa ay ka hubin karaan lahaanshaha dhulka Dawladaha Hoose.

    Marka laga diiwaangaliyo hantida Maxkamadaha Rafcaanka isla markaana

    la bixiyo cashuurta kala wareejinta mulkiiluhu waa u xor in uu u isticmaalo hantida sida uu doono. Dawladaha Hoose ayaa ka masuul ah in ay siiyaan lahaanshaha marka heshiiska laga diiwaangaliyo Maxkamadaha Rafcaanka.

    Hantida waa la isku wareejin karaa iyada oo muddo la isticmaalayo Somaliland dhexdeeda. Shuruudo kooban ayaa ku xidhan in hanti lala wareego iyada oo la isticmaalayo haddii ay tahay maalgashade Ajinabi ah iyo mid Muwaadin ahba. Xuquuqda iyo waajibaadku waxa ay ku xidhan yihiin heshiiska labada dhinac iyada oo Maxkamadu ay ogolaanayso sida ay ku heshiiyaan labada dhinac.

    Shirkadaha iyo Tixgalintooda Noocyada Shirkadaha Shirkadaha waxa loo diiwaangalin karaa mid ay xadidantahay masuuliyada ay ku leedahay saamiga ama damaanada la balan qaadayo. Somaliland Shirkadaha Gaarka ah iyo kuwa guudba waa la diiwaangalin karaa. Haddii shirkadu leedahay in ka yar 30 saamiley ah waxa la odhanayaa waa Shirkad Gaar ah, kuwa leh in ka badan 30 saamiley ah waxa la odhanayaa waa mid guud. Shuraakada iyo Ganacsiga maalgashadaha Kaliyaata ah waa la ogol yahay Somaliland waxaana loo raacayaa sida uu sheegayo Xeerka Madaniga ee dalka.

    Hantida ugu yar ee la maalgashan karoHantida ugu yar ee la maalgashan karo waxa loo dhaafayaa Diwaangaliyaha Shirdaha oo ku dhex yaala Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud sida uu dhigaayo Xeerka

  • 30

    2 | Sharciga Maalgashiga

    Shirkaduhu. Sida dhabta ah ee la raaco inta ugu yar ee la maalgashan karo imika maaha mid ku adkaan kar ta maalgashadayaasha iyada oo ay ku xidhan tahay hadba nooca ganacsi ee shirkadu wado.

    Masuuliyada Golaha Hogaaminta Xubnaha Golaha Hogaaminta Shirkad si sharci ah u diiwaangashan waxa ay leeyihiin awood fiican marka la eego Xeerka Shirkadaha Somaliland. Iyaga ayaa leh goaan qaadashada ganacsi isla markaana waxa ay ka gaashaaman yihiin dacwadaha ay ku soo oogaan Saamilayda ay saamayso goaanada ganacsi ee ay sameeyaan. Waxa kale oo ay goaan ka gaadhaan dhinaca ganacsigu u soconaayo iyaga oo eegaya hadba danta Shirkada kana duulaaya ujeedooyinka Shirkada. Waxa kale oo ay goaan ka gaadhaan macaashka loo qaybinaayo saamilayda haddii shirkadu macaash samaysay sannadkii tagay. Si aad u ogaato wixii macluumaad ah ee dheeraad ah raac halkan hoose:

    http://www.somalilandlaw.com/somaliland_company_law.html

    dHiiRigalinTa maalgaSHiga Sida in dHUlka iYo CaSHUURTaBa la dHaafo

    Haddii maalgal in shisheeyo la diwaangaliyo iyada oo la maraayo Golaha Diwaangalinta Maalgashiga Shisheeye

    sida xaga sare lagu soo sharaxay waxa laga dhaafayaa cashuurta saddex sano. Saddexda sano waxa ay bilaabmayaan marka shirkadu bilawdo shaqadeeda. Marka uu dhammaado muddada laga dhaafay cashuurtu haddii faaiidada dib loo maalgaliyo waxay helayaa in 50% laga dhimo cashuurta caadiga ah ee saarnayd macaashkaa dib loo maalgaliyay.

    Sharciyada Xeerarkan ayaa lagu maamuulaa noocyada ganacsi ee Somaliland ka dhex jira:

    Xeerk Shirkadaha ( Xeer L: 25/2004).

    Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga (Xeer L:26/2005).

    Xeerka Xoolaha Dalka (Xeer L: 29/2004).

    Xeerka Bangiyada ( Xeer L: 34/2012).

    Xeerka Isgaadhsiinta ( Xeer L: 50/2011).

    Xeerka Kalluumaysiga ( Xeer L. 24/1995).

    Xeerka Shaqaalaha Shirkadaha Gaarka ah ( Xeer L. 31/2004).

    Xeerka Madaniga ah. Xeerka Macdanta. Xeerka Badda. Xeerka Dhulka.

  • 2013 - 2014Hagaha Maalgashiga SomalilandFursadaha iyo Shuruudaha

  • 3

  • 33

    TaaRiikH aRagTiYeed kU SaaBSan XoolaHaSomaliland Baridhiga dhexe intiisa badani waa saxare engegan kaas oon saacidayn taranka xoolaha; sidaas darteed wadanka Somaliland wuxuu u ahaa isha xoolaha nool kumannaan sannadood. Qarnigii labaad, xidhiidh ganacsi ayaa si fiican uga aasaasmay gobolada Somaliland ee dheraran xeebaha.

    Xajku waa tiirka islaamka ilaa xiligii la aasaasay. Dhaqanka gawraca (hadyiga) xooluhuna inta xajka lagu guddo jiro waxa ay salka u dhigtay dalab joogto ah oo sannadle ah oo ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay u qabaan xoolaha laga soo bilaabo ilaa qarnigii 7aad. Qisadii Nebi Ibraahim lagaga codsaday inuu sadqeeyo inankiisii Ismaaciil, laakiin uu ilaahay kaga furtay wanka Somaliland ee madaxa madaw, dhaqanka gawrucuna waa ka joogto dhammaan wadamada muslimka ah. Sidaas darteed, nooca Somaliland ee loo yaqaan maxali ahaan Berberaawi ayaa ilaa hadda laga xiiseeyaa Muslimka, gaar ahaan, inta Xajka lagu gudo jiro.

    Dekada Berbera waxa ay ka mid ahayd safka hore dhoofinta xoolaha nool ee dunida ilaa horaantii iyo badhtamihii 1970 kii; si kasta ha ahaatee sannadkii 1976kii waxa meesha ka saaray Ustaraaliya, taas oo safka hore sii ahayd ilaa 34 kii sanno ee ku xigay. Ustaraaliya waxa ay tartamaa wayn ku tahay xoolaha Somaliland ee Wadamada Gacanka Carabta, gaar ahaan suuqa faaiidada leh ee Bortooyada Sucuudi Carabbiya Si kastaba ha ahaatee, 2012 waxay ahayd

    markii ugu horaysay ilaa 1976 ee wadarta tirada xoolaha Somaliland ka sareeyaan ta Ustaraaliya.

    aRagTi gUUdXooluhu hadda waa waaxda hogaaminaysa dhaqaalaha Somaliland. Wax soo saarka xoolaha waxa lagu xisaabiyaa in ay yihiin 60-65% ee Wax Soosaarka Guud (GDP). Iyada oo uu sal u yahay qiimayntii FAO ee 1998 iyo heerka kordhka ee hore, waxa ay Somaliland leedahay qiyaas dhan 1.69 milyan oo geel ah, 0.40 milyan oo lo ah, 8.4 milyan oo riyo ah iyo 8.75 milyan oo ido ah sannadkii 2011. Xoolahaa 75% waxa ay ku nool yihiin gobolada Sool, Sanaag, iyo Togdheer.

    Xoolaha ugu badan ee ay Somaliland dhoofisaa waa idaha iyo riyaha, kuwaas oo noqda 91% dhammaan xoolaha la dhoofiyay. Sannadkii 2010 dhexdiisii waxa dekeda Berbera laga dhoofiyay wadar dhan 2.352 milyan oo adhi ah (kuwaas oo ay ku jireen xoolo ka yimid Itoobiya). Wadartan, 1.612 milyan (69%) waxa la dhoofiyay intii u dhexaysay Sebtembar iyo Noofambar oo ahayd moosinkii xajka. Qiyaas ahaana celceliska qiimaha dhoofku waxa uu ahaa $70 doolar, qiyaasta wadarta qiimuhu waxa ay ka saraysay 160 milyan oo doolar. Iyada oo ay la socoto cashuurta dawladu oo qiyaas ahaana ah $ 3.60 doolar neefkiiba, taa macnaheedu waa dakhli cashuureed oo qiyaas ahaan ah $ 8.5 milyan doolar, ama 10% wadarta dakhli ee dawlada Somaliland ka hesho.

    Somaliland, ilaa xad iyo dhoofiyayaasha kale ee Geeska Afrika, waxa ay ku tiirsan

    3 / WaaXda XoolaHa

    2Shoat is a common term in the Somali regions inclusive of both sheep and goats.

  • 34

    3 | Waaxda Xoolaha

    yihiin wadamo yar oo keliya oo ay u dhoofiyaan xoolahooda. Tusaale ahaan 2.585 milyan ee ahaa idaha iyo riyaha laga dhoofiyay Dekada Berbera 2010 kii, qiyaas ahaan 78% waxay tegeen Sacuudi Carabiya, 20% Yeman iyo baaqigii oo kala tegay Masar iyo Cumaan.

    figURe 1:

    Sanadka geel ido/RiYo lo WadaR2002 18,864 341,711 37,547 398,1222003 21,874 563,107 84,312 669,2932004 5,147 859,404 131,852 996,4032005 5,069 1,023,795 148,151 1,177,0152006 22,810 1,017,242 85,631 1,125,6832007 14,245 1,350,054 88,143 1,452,4422008 26,515 1,219,519 80,051 1,326,0852009 20,206 1,556,003 88,005 1,664,2142010 92,651 2,584,810 133,021 2,810,4822011 96,181 3,104,684 150,934 3,351,7992012 102,664 3,219,584 190,354 3,512,602

    Maalgashigan kordhay, sharciyadan isku duba ridan, horumarka kaabayaasha dhaqaale, isku dubarid waaxeedka astaameed ee kordhay, Somaliland waxa ay haysataa fursad wayn oo ay kaga faaiidaysato korodhka waaxda xoolaha ee Bariga dhexe iyo gobolada kale ee Dunida Muslimka,

    iyadoo xoojinayaan dalabka koraya ee maxaliga ah.

    figURe 2: Wadarta dhoofka billaha ah ee Idaha iyo Riyaha ah ee ka baxa Berbera Source: Berbera Port Authority (BPA)

    Tirada Xoolaha (Neef) ee laga dhoofiyay Berbera ilaa Dalalka Gacanka Carabta laga bilaabo 2004 2012 (Ka Timid: Wasaarada Xannaanad Xoolaha)

    2,000,000

    1,500,000

    1,000,00 0

    500,000

    Jan-06 Jan-07 Jan-08 Jan-09 Jan-10 Jan-11 Jan-12

    78171938,22 8

    1,219,771 5

    1,564,48 4

    Sheep & goat monthly exports2006-201 2

  • 35

    figURe 4: Xadiga Idaha iyo Riyaha ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii Source: BPA

    figURe 5: Xadiga Loda ah ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii Ka Timid: Maamulka Deked Berbera (MDB)

    Sheep & goats exports2008-2012

    2008 2009 2010 2011 2012

    500,000

    1,000,000

    1,500,000

    2,000,000

    3,000,000

    2,500,000

    3,500,000 70.0%60.0%50.0%40.0%30.0%20.0%10.0%0.0%-10.0%-20.0%

    % GrowthNumber of Heads

    2008 2009 2010 2011 2012

    200

    150

    100

    50

    60%50%40%30%20%10%0%-10%-20%

    % GrowthNumber of Heads

    num

    ber of Hea

    dsin Tho

    usan

    ds

    figURe 3: Celceliska ascaarta suuqa ee idaha iyo riyaha iyo xaddiga lagu dhoofiyo neefkiiba Ka Timid: Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Rugta Ganacsiga Somaliland

    $80$70$60$50$40$30$20$10$0

    2005 2006 2007 2008 2009 2010 2011 2012

    500,000

    1,000,000

    1,500,000

    2,000,000

    3,000,000

    2,500,000

    3,500,000

    average Prices of Sheep & goats

    Number of Heads Exported Average Market Price per Heads

  • 36

    3 | Waaxda Xoolaha

    figURe 6: Xadiga Geel ah ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii Source: BPA

    figURe 7: Idaha iyo Riyaha Meelaha ugu Muhiimsan ee looga Dhoofiyo Suuqa Khaliijka Ka Timid: FAOSTAT, MLA, BPA. *2011 & 2012 kii tirada shaxdan ee ku saabsan Suudaan waxay ka timid Wasaarada Beeraha ee Suudaan Khaliijka, ** Dhinaca Suuriya 2011 & 2012 kii shaxdan laguma darin.

    Camel Exports % Growth

    250%200%

    150%100%

    50%

    0%-50%

    2008 2009 2010 2011 2012

    120,000100,00080,00060,00040,00020,000

    Camel exports 2008-2012

    1994

    1995

    1996

    1997

    1998

    1999

    2000

    2001

    2002

    2003

    2004

    2005

    2006

    2007

    2008

    2009

    2010

    2011

    2012

    8000

    7000

    6000

    5000

    4000

    3000

    2000

    1000

    Australia

    Syria

    Sudan

    Somaliland

    Sheep & goats annual exportsSudan*, Somaliland, Syria** & australia

    1998-1999: First Somali livestock ban 2001-2009: Second

    Somali livestock ban2008: Australia passes animal welfare law

    num

    ber of Hea

    ds - in

    tho

    usan

    ds

  • 37

    SHaRCiga kU gedaaman XoolaHaSi looga shaqeeyo dhoofka xoolaha, qofku waa inuu liisan ka soo samaystaa Wasaarada Ganacsiga isagoo bixinaya kharashka la rabo. Dhoofka xoolaha waxa lagu maamulaa Xeerka Xanaanada Xoolaha. Sharcigan haddaba, xoolaha dhedigi waa mamnuuc in la dhoofiyo, dhoofka ka horna, waa in la mariyaa baadhitaan caafimaad oo adag si loo hubiyo caafimaadkiisa. Waxa mamnuuc ah in la dhoofiyo xoolaha iyadoon ugu horayn la baadhin lana hubinin xaaladooda caafimaad. Qofka codsanaya ee doonaya liisan waxa uu u soo qorayaa waraaq codsiya Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha waxaanu ku cadaynayaa tafaasiilahan soo socda waraaqda codsiga ah dhexdeeda:

    Magaca qofka doonaya kawaanka; Ujeedada uu ka leeyahay kawaanka

    ama hawlaha la xidhiidha; Raasamaalka shirkada, qaab-

    dhismeedka, iyo faahfaahinta lahaanshaha shirkada;

    Habraacyada sh i rkada iyo faahfaahinta xeerarka shirkada ama dokumentiga sharciga oo uu la socdo faahfaahinta cidda loo filaayo inuu noqdo maamule;

    Tirada shaqaalaha ee la filaayo; Goobta la filaayo inay noqoto oo

    la socdo faahfaahinta lahaanshaha ama sharciga heshiis ee dhulka;

    Faahfaahinta haddii uu jiro wax horumar ah oo laga dhisaayo dhulka sida xogta injineernimo ee dhismayaasha, haddii ay jirto qi imayn la sameeyay ama dhaqdhaqaaqa dhulka la rabo, iyo wixii faahfaahimo kale ku xidhan

    ee ah horumarinta dhulka; Heerarka wax soo saarka ee laga

    f i laayo agabka marka uu dhamaystirmo.

    Waraaqda codsiga ah ee ku socota Wasaarada waa inay la socotaa warqad kale oo ka socota dawlada hoose oo xakamaynaysa goobaha loo filaayo in la dhigo fududeeyayaasha si loo hubiyo in dawlada hoose haysato fursad ay ugu dhex dari karto hawlahooda qorshayneed.

    Marka codsiga laga qabto codsadaha, Wasaaradu waxay haysataa (30) maalmood in ay dib ugu eegto codsiga iyo inay goaan ka gaadho in la siiyo liisanka iyo in loo diido codsiga. Marka ay Wasaaradu qaadato inay ogolaato codsiga, liisanka lagaga hawlgelayo goobta ganacsi waxa soo saaraya Wasaarada waxaanu shaqaynayaa laba iyo toban (12) bilood.

    Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay dejinta qaab dhismeedyo sharciyo ah kaas oo lagu maamulaayo caanaha, hililbka, iyo hawlaha dhoofka (Sharicga caanaha oo qabyo ah, Baadhitaanka Hilibka iyo Sharciga Xakamaynta iyo anshaxa daryeelka xoolaha); iyo udejinta halbeeg manhaj Daryeelayaasha Caafimaadka Xoolaha ee Bulsho (DCXB) kaas oo hoos imanaaya anshaxa Xanaanada Xoolaha oo ay kormeerayaan Golaha Xanaanaynta Xoolaha. Dhammaan xeerarka maamulaya waaxda xoolaha iyo sharciyada cusub ee ay ogolaanayaan Baarlamaanku waxa laga heli karaa halkan: www.SomalilandLaw.com.

  • 38

    3 | Waaxda Xoolaha

    CaQaBadaHa U WaaWaYn ee Soo WaJaHa dHoofka XoolaHa Somaliland ee SUUQa BaRiga dHeXe Somaliland

    1. Tartanka : Somaliland waxay wajahaysaa tartan adag oo ah dhoofka xoolaha nool, gaar ahaan adhiga, kaas oo ka imanaaya wadamada sida UUstaraaliya iyo Suudaan. Suuqa u danbeeya, xoolaha Somaliland waxa ay helaan qiimo hoose sababta oo ah dhamaystir liita (yaryaraan, xoolo daciif ah). tusaale ahaan, sicirka xoolaha Somaliland waa $90 120 doolar neefkiiba xagga uu ka yahay adhiga Swakin ee ka imanaaya Suudaan sicirkoodu $ 170 180 doolar neefkiiba. Xoolaha sida fiican u dhammayska tiran ee nooca xoolaha maxaliga ee Gacanku (Njadi, Neami, Hari iyo Awasi) waxa ay goosanayaan qiime sare oo ah $320-350/neefkiiba. Celceliska miisaanka xoolaha ka imanaaya Somaliland waxa lagu qiyaasay 20 ilaa 22 kg, kaas oo ku dhow ilaa kala badh miisaanka xoolaha UUstaraaliya iyo Suudaan.

    Taranka Ustaraaliya: Badhtamihii 2010 ka, Ustaraaliya

    waxa ay meel marisay Xeer ballaadhan oo ah daryeelka xoolaha (Nidaamka Hubinta Silsilada Dalabka Dhoofka) kaas oo lagu dhaqaayo i ibka, gaadi idka, kaawaanada ee xoolaha nool maxali ahaan iyo kuwa loo dhoofinaayo suuqyo kale. Halkaas oo ay Ustaraaliya gacan ka gaysatay

    kawaanada Cumaan, Qadar iyo Kuwayd si ay ula jaan qaadaan Xeerarkan, kamay fulinin Sacuudi Carabiya sidoo kale xoolihii ay u soo dhoofin jireen Sacuudi Carabiya si wayn ayuu hoos ugu soo dhacay. Tusaale ahaan, badhtamihii 2008 UUstaraaliya waxay u dhoofisay suuqa dihin ee BSC in ka badan 870,000 oo neef, 2011 waxa ay u dhoofisay 24000 neef oo keliya. Si kastabe ha haatee, ganacsiga xoolaha ee UUstaraaliya waa kuwa aad u shilis, si aad u saraysana u diyaar garaysan, oo ay daba socdaana xafiisyo ka mid ah kuwa h o g a a m i n a a y a d h a q a a l a h a adduunka s idaas dar teed Ustareeliya waxay ahaanaysaa tartame adag suuqyada Bariga Dhexe.

    Tartanka Suudaan: Suudaan hadda waxa ay tartame

    wayn ku tahay xoolaha Somaliland ee suuqa Sacuudi Carabiya, gaar ahaan inta lagu jiro moosinka Xajka. Dhoofka xoolaha Suudaantu waxa uu u koraayay si joogto ah sannadahan dhawaa. Saamiga Suudaanta ee suuqa Sacuudigu waxa uu ka koray 27% 2006 ilaa 40% 2010 dhexdiisa. Qiimaha wadarta xoolaha dhoofay Jan Noofanbar 2012 waxay ahayd $408 milyan, korodh dhan 20% ilaa sannadkii hore. Hoos u dhaca Suudaan ee dakhliga Saliida iyo kasbashada lacagaha qalaad, kana dhashay goitaankii Koonfurta Suudaan, waxa uu ku qasbay xukuumada Suudaan inay daaha ka

    Saylada caalamka ee hilibka xalaasha ah waxa lagu qiyaasaa ilaa US$2.77 oo Trilyan.

    3 Note: In the livestock industry, meat only refers to slaughtered animals carcasses, boneless, with bones, various cuts that are either frozen or chilled

  • 39

    rogto fursado kale oo ay ku hesho lacag adag taas oo ay ku jiraan beeraha iyo dhoofka xooluhu. Waaxda xoolaha ee Suudaan guud ahaan aad ayuu iskugu duba ridan yahay (gaadiidka, kaydka quudinta, adeega daryeelka xoolaha) taas oo uu jiro korodh ah maalgashiyada ay sameeyaan.

    Tartamayaasha kale: Waxa jira wadamada sida Hindiya,

    Iraan, Baakistaan iyo wadamo kale oo ah Bariga Fog waxa ay ka helayaan saami Bariga Dhexe ee xoolaha nool, dhoofka xoolaha wadamadani waxa uu ku kooban yahay qaybo gaar ah oo suuqa ah, marka loo eego ah baaxad yar; xoogana saaray dhoofka hilibka. Natiijo ahaan, dhoofka xoolaha Somaliland waxa uu ku fiican yahay inuu soo korayo sannadada soo socda.

    2. Nadaafada iyo sharciyada la xidhiidha nadaafada: Wadamada Gacanka Carabtu waxay dejiyeen shuruuc xagga caafimaadka xoolaha nool ah oo midaysan. Gobolada Somaliland waxay u baahan yihiin in la hubiyo xoolaha laga soo dhoofinayaa inay waafaqsanyihiin halbeega. Cunaqabtayntai xoolaha ee Heerka Caalamiga ah ee ay hirgeliyaan Xafiiska Cudurada Faafa waa uu ku dhici karaa xoolaha Somaliland. Tusaale ahaan, dhaqaalihii ku lumay cunaqabtayntii xoolaha 1998 waxa lagu qiyaasay $100 Milyan oo dollar, halka cunaqabtayntii Sebtember 2000 -2009 lagu qiimayay $ 326 Milyan.

    Halka ay xoolaha Somaliland ee la dhoofiyaa ay buuxin karaan hadda halbeegyada Caafimaadka Xoolaha ee Wadamada Gacanka Carabta, waxa la rabaa in la kordhiyo dabagalka, iyo baadhitaanka caafimaad ee xoolaha Somaliland Somaliland si ay u galaan suuqa dhoofka hilib xalaalka ee suuqa Bariga Dhexe.

    3. Tayo l i idata iyo gaadiidka maraakiibta oo awood ahaan hoosaysa: Laaanta gaadiidka badda xiliyada oo dhan ee ah Berbera ilaa Salalah iyo dekadaha kale waxa ay caqabad adag ku tahay xoolaha loo iib gaynaayo Yeman, Masar iyo Wadamada Gacanka Carabta. Gaadiidka badda ee aan ku haboonayn xoolaha waxa ka dhashay in ay xooluhu sii lumiyaan miisaan muuqda inta safarka lagu jiro waxaana ay gaadhaan bart i lmaameedkii u danbeeyay iyagoo uskag ah si aad ahna u caatoobay taas oo si taban u taabanaysa iibkooga. Tusaale ahaan, neefka riyaha ee kaga baxa Berbera miisan dhan 22kg. marka uu todobaad ku sii jiro safar, ee uu saran yahay gaadiid xun, waxa uu gaadhaa Dubia isagoo miisaan kiisu yahay 16 - 18 kgs (miisan lun dhan 22% - 38%).

    Caqabadaha Waawayn ee Haysta Waaxda Xoolaha Gobolada Somaliland

    1. Kaabayaal Liita: Hadda, waxa ka jira Berbera laba maxjar oo si gaar ah loo leeyahay iyo goob lagu hayo xoolaha oo ku taala Burco (kaas oo uu ku socdo dib u dhis). Si kasta ha ahaatee, suuqyada xoolaha ee

  • 40

    3 | Waaxda Xoolaha

    magaaloyin badan oo Somaliland ahi aad ayuu u liitaa. Qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha waxa ay bilaabeen in ay sare u qaadin iyagoo siinaaya k a a b a y a a s h a a a s a a s i g a a h dalacayaasha iyo dejiyayaasha laakiin ilaa hadda waxa jira baahiyo kale oo u baahan in wax laga qabto sida gaadhs i in ta b iyaha , dayr id , baadhitaanka daryeelka xoolaha iyo sidoo kale agabka kale. Ururinta xoolaha gobol ahaan iyo suuqyada kale waxa ay qaadataa dhawr maalmood, weli waxa loo baahan yahay garoono tayo sare leh oo lagu hayo xoolaha.

    2. Qiimayn dadban: Marka la barbar dhigo wadamada dhaqda xoolaha, Somaliland waxa ay ladahay qiimayn halbeegaysan. Natiijaduna tahay, dihnaanta faaiidada uu leeyahay tartanku (tusaale ahaan, iswaydaarsiga xogta suuqa, awoodaynta wax kala i ibs iga suuqaya iyo tayada halbeegyada) taas oo suuro gal ka d h i g a y s a q i i m a h a s i l s i l d a daneeyayaasha waana ay xadidan tahay Soomaliland. Heerarka loda ee ay isticmaalaan dhoofiyayaasha Soomaliland, tusaale ahaan waxay ku xidhantahay hadba sida loo qaado si buuxdana uma raacdo dariiq cad iyo heerar cad.

    3. Seerayaasha oo hoos u dhacay iyo caqabadaha kale ee haysta Xoolo dhaqadtada: Waxa jira seerooyinkii oo si muuqata hoos ugu dhacay dhammaan gobolada Soomaliland, kaas oo saamaynaya ka la duwanaanshihii daaqa, hoos u dhac

    iyo yaraansho tirada cawslayaasha gaar ahaan loda iyo adhiga. Cimilada isbedeshay waxa ay badisay abaarihii soo noqnoqonaayay, waxa batay dhismayaashii riigaga /berkadaha taas oo si xun u saamaynaysa goobihii daaqsinka ee soo jireenka ahaa. Intaa waxa dheer, xoola dhaqatadu waxay wajahayaan dhibaatooyin badan sida xogta suuqa oo aanay haynin, sicirka ay dejinayaan dhoofsatadu/loo dhoofiyayaasha/ ganacsatada /dilaaliinta oo aan fadhiyin iyo suuqyada oo loo soconaayo masaafado dhaadheer. Xoolo dhaqato si fiican wax u soo saarta oo habaysani waxa ay keeni kartaa tartan ay xoolaha Somaliland ka galaan waaxda dhoofka.

    4. Fidinta adeega oo xadidan: fidinta adeega xoolaha iyo adeegyada caafimaad ee xoolaha ee Somaliland wuu xadidan yahay, dhakhaatiirta xooluhu inta badan waxa ay joogaan Hargaysa iyo Berbera waxana ay ka tegeen waaxdii fidinta shaqaalaha daryeelka xoolaha ee bulsho iyo kalkaal iyayaashi caaf imaadka xoolaha. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkani waa uu fidayaa waxa uu noqonayaana maalgelinada tooska dhawaan ee Wasaarada Xoolaha iyo dhawr deeq bixiyayaal iyo ururo maxali ahi ay ku tababareen hawl wadeeno daryeelka xoolaha ah una dejiyeen manhaj isku mid ah.

  • 41

    aSCaaRTa SUUQ dHamaadYada

    idaHaUS$ / neefkiiBa

    RiYaHaUS$ / neefkiiBa

    geelUS$ / neefkiiBa

    loUS$ / neefkiiBa

    Bahrain $180 $180 N/A N/A

    kSa $130 $130 700 N/A

    kuwait $150 $150 N/A N/A

    Qatar $140 $140 N/A $505

    oman $110 $110 N/A $600-$650

    Uae $104 $104 N/A $700-$750

    egypt $500 $500 $2000 N/A

    Yemen $140 $140 N/A $500-$800

    figURe 8: 2013 Daraasad ay maalgelisay hayada USAID oo ku saabsanayd suuqa ay ku dambeeyaan xoolaha Somaliland

  • 42

    3 | Waaxda Xoolaha

    dHaQdHaQaaQa SUUQYada dHamaadka ee U WaaWaYnDhaqdhaqaaqa Guud ee waxaada xoolaha ee Bariga Dhexe1. Dalabka kordhaya, ascaarta sare

    ee ka abuurmaysa Bariga Dhexe: Mar haddii ay ascaartu sabaynayso sannadka oo dhan, waxa jira jiho ah inuu kordhaayo ascaartu suuqyada dhamaadka ee Bariga Dhexe mar haddii uu dalabka xooluhu kordhaayo, gaar ahaan, dadka ka qayb gelaaya Xajka sannad kasta waxa uu kordhaa (60% ayuu kordhay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2011). Waxa jirta qiyaas ah in 4.8 milyan oo qof inay ka soo qayb gelayaan sannada 2020 taas oo ku laban laabmaysa tii tiradii 2008. Shan sanno ka hor, celcelis ahaan neefka adhiga ahi waxa lagu iibinaayay Burco qiime ah $ 37/neefkiiba. Hadda, waxa lagu iibiyaa qiime ah $87 neefkiiba Burco dhexdeeda. Xiliga Xajka, neefka Sacuudiga waxa lagu iibinayaa $ 200, Masarna waxa uu goosan karaa $ 500 doollar. Hoos udhaca ku yimid xoolaha laga soo dhoofin jiray UUstaraaliya 2011 way saamaysay ascaarta taas oo ah caqabadaha soo gaadhsiintii suuq dhamaadka.

    2. U soo janjeedhsasho Caalami ah ee suuqa hilibka ee koraya ee Wadamada Gacanka Carabta: 20 kii sanno ee tegay, isticmaalayaasha iyo sii iibiyayaashuba waxa hagaayay habraacyada shahaadada tayada oo furtay suuqa wershadaynta hilibka. Cuntada xalaasha ee suuqyada

    caalamiga ah waxa lagu qiyaasay $ 2.77 Tirilyan, waxaanu ku socdaa inii sii fido sidoo kale. Isticmaalayaasha Bariga Dhexe, gaar ahaan, suuqyada sare, iyo isticmaalayaasha yar yar waxa ay u soo jeesteen dhankan. Somaliland waxa ay ku taalaa meel fiican oo ay ka faaiidaysan karto suuqan koraya, si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahay yahay isku xidh ah kuwa soo saara, ganacsada, suuq geeyaasha, iyo sharci u dejiyayaashuba in ay xaqiijiyaan gelitaanka suuqan.

    3. Isbedelka doorbidida dhandhanka waxa ay keenaysaa in la iibsado adhiga yar yar: Sannad guuradii labada kun ka hor, adhiga la iibiyay waxa uu ubadnaa saddex jir iyo wax ka wayn. Taa lidigeed, intii lagu gudo jiray 10 kii sanno ee u danbeeyay, iibka adhiga jiray sannad iyo wax ka yar (tusaale ahaan, hilibka rooska ah waxa laga sameeyaa 6 bilood jir ama ka yar) waxa uu ku qasbay xoolo dhaqatadii iyo xoolo beeralaydiiba in ay hore u iibiyaan xoolahooda. Isbedelkan adhiga yaryar waxa dhiiri geliyay isbedelka ku yimid Dawladaha Gacanka ee ah hilibka xoolaha yar yar, kaas oo ah mid aad loogu soo jeestay.

    Sacuudi Carabiya1. BSC ilaa hadda waa suuqa keliya

    ee ugu wayn ee la geeyo xoolaha Somaliland(ku dhawaad 80%). Waxaana caawiyay doorbidida uu isticmaalaha Sucuudiga ahi bidayo adhiga Somaliland (waxa maxali ahaan loo yaqaanaa Berberawi) waxaanu ka qayb qaatay wanaajinta

    Waxa jira dareen guud oo ah qiimaha kor u kacaya suuqyada waaweyn ee dhammaadka ah maadaama baahida xoolaha ee Bariga Dhexe ay sii

    kordhayso gaar ahaan tirada dadka Xajka tegaya sannad kasta.

  • xidhiidhka ganacsi.

    Si kasta ha ahaatee, si wayn ugu tiirsanaanta suuqan keliyi waa mid si wayn werwer ugu haysa dhoofsatada Somaliland iyo Waxa jira jacayl badan oo loo qabo xoolaha

    yaryar, caadi ahaan 3 jir. Xooluhu waa in ay ka caafimaad qabaan xannuunada iyo in uu yahay geelu mid uu kuruskiisu taagan yahay (marka uu geelu uu kurusku janjeedhsado ama uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo xun)

    3. Soo dhoofsadayaasha BSC waxay xoolaha u iibsadaan iyagoo eegaya dadooda. Waxa jira jacayl badan oo loo qabo xoolaha yaryar, caadi ahaan 3 jir. Xooluhu waa in ay ka caafimaad qabaan xannuunada iyo in uu yahay geelu mid uu kuruskiisu taagan yahay (marka uu geelu uu kurusku janjeedhsado ama uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo xun) Hal caqabad oo haysata dhoofsatada Somaliland ahi waa maraakiibta oo aan waafaqsanayn dalabka macaamiisha, waxa dhacda in ay u iishaan ama u janjeedhsadaan in ay isku soo dhex daraan xoolo

    dadoodu isku jirto, taasi ay keenayso isku mid laaanta kuwa kale ee soo dhoofiya.Waxa muhiim ah in aad ogaatid heerka faaiido ee hooseeya, gaar ahaan adhiga iyo geela, dhimashada hal neef ama diidmada neef xanuunsanaya ee ganacsatada

    Somaliland ahi waxa uu waayayaa faaiidada 10 15 neef oo caafimaad qaba.

    Imaaraadka Carabta Midoobay (uae)1. UAE waxa uu ahaa suuq firfircoon

    oo xoolaha iyo hilibkaba ah ka hor cunaqabatayntii 2000. Sidaas darteed waa muhiim suuqan u danbeeya in lagu daro dhoofka xoolaha Somaliland si uu kor ugu qaado istaraatiijiyada kala duwista.

    2. UAE sidoo kale waxa uu u yahay suuq dhammaad qayb wayn oo ka mid ah suuqa loda Somaliland kaas oo dib loogaga soo dhoofiyo Cumaan. Loda waxa baabuur laga soo saaraa Dekeda Salalah ilaa Imaaraadka.

    3. Waxa jirta fursad si loo kordhiyo xoolaha Somaliland ee u dhoofaaya

    43

    lR. nooCa XoolaHa

    aSal aHaan miiSaankU inTa UU U dHeXeeYo kg

    SiCiRka RS SiCiRka dollaRka dm

    1 Adhi Ustareeliya 40-45 700-750 180-200

    2 Adhi Itoobiya 20-24 430-450 115-120

    3 Adhi Somaliland 16-24 300-420 80- 112

    4 Adhi Suudaan 20-24 520-550 140-145Qiyaasta xadiga faaiidada ay ka helaan ganacsatada xooluhu suuqyada waa:

    a) Adhiga: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu waa $8 doolar neefkiiba.b) Geela: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu waa $50 - $80 doolar neefkiiba. c) Loda: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu $106 - $133 doolar neefkiiba.

    figURe 9: Isbarbar-dhiga Sicirka Suuqa ee Sacuudiga

  • 44

    3 | Waaxda Xoolaha

    UAE iyadoo la adeegsanaayo gaadiidka bada iyo gaadiidka cirka sababtoo ah waxa la helayaa duulimaad joogto ah maalinlena ah oo toos ah, Berbera ilaa Dubai.

    4. Isticmaalka hilibku waxa la filayaa in si joogto ah u kordho sannadadan soo socda sababtoo ah korodhka dadka, heerka dhaqaalaha oo sare u kacaya, iyo xooga shaqaalaha khibrada leh ee jooga Imaaraadka.

    Qadar1. Somaliland si toos ah uguma

    dhoofiso xoolo Qadar. Si kastaba ha ahaatee, waxoogaa xoolaha Somaliand ah waxa si joogto ah dib loogu dhoofiyaa Qadar iyagoo uga imanaya wadamada kale ee ka midka ah Gacan Carabta sida Sacuudi Carabiya iyo UAE.

    2. Qadar waxa ay ka mid tahay wadamada Gacanka Carabta, s idaas awgeed waxa ay u hogaansamaan sharci isku mid ah oo soo dejinta ah. U dhoofin laaanta xoolaha Somiland Qadar si tooska ah laguma sifayn karo xanibaad sharci. Guud ahaan waa fashilaad ka timid dhanka xoolo dhoofiyayaasha Somaliland inay daah rogaan oo ay geeyaan suuqa Qadar iyo sidoo kale xidhiidh ganacsi laaanta labada dawladood.

    Cumaan1. Cumaan waxay ku jirtaa darajada

    Saddexaad ee loda nool iyo ta labaad ee dhoofka xoolaha yaryar ee saylad dhammaadka xoolaha loo

    dhoofiyo Dawladaha Gacanka Carabta. Wadanku waxa uu ku jiray koriin degdeg ah oo ah dalabka suuqa xoolaha afartii sanno ee ina dhaafay, gaar ahaan dalabka loda. Cumaan sidoo kale waxay muujisay inay tahay suuq degdeg u koraya una balaadhanaya oo ay tahay in ay daah rogaan dhoofiyayaasha xoolaha Somaliland.

    2. Xoolaha nool ee ay Cumman ka soo dhoofsan jirtay Ustaraaliya waxa ay istaageen sannadkii hore sababtuna ay tahay, a) adhiga Ustaraaliya oo qiimihiisu qaali yahay; b) Ustaraaliya oo dalbanaysa in lagu dhaqo xoolaha sharciyo u gaar ah daryeelka xoolaha; c) jiritaaanka xoolo aad uga jaban, walow xoolaha Somaliland miisaan ahaan ay ka yar yihiin kuwa Ustaraaliya. Qiimaha adhiga Ustaraaliya waxa uu ka booday 65 Cumaani Riyaal ah ($168) neefkiiba badhtamihii 2011. Waxaanu gaadhay 85 Cumani riyaal (220) badhtamihii 2012 xiligii Ramadaanta. Qiimo korodhkan joogtada ah ee xoolaha ka imanaaya Ustaraaliya, maamulka ilaalinta isticmaalayaasha wuxuu dhiiri geliyay in lagu soo rogo qiimo fadhiisin adhiga Ustaraaliya. S idaad dar teed is t icmaalaha cumaaniga ahi waxa uu doorbidayaa xoolaha Somaliland ee qiimo ahaan jaban. Celcelis ahaan qoyska reer Cumaan waxa uu awoodi karaa in uu iibsado lax ama ri ah xoolaha Soomaalida marka loo eego adhiga laga soo dhoofiyay Ustaraaliya, Suuriya iyo ka maxaliga ahba.

  • 45

    Yaman

    1. Yaman waxa ay la lahayd xidhiidh ganacsi oo taariikhi ah waana ganacsi la wadaage xoogan oo Somaliland leedahay. Yaman waxa ay isticmaashaa istaraatiijiyad ka faaiido badan suuq dhammaadyada kale ee Wadamada Gacanka Carabta e e xoo l aha Soma l i l and u dhawaanshaha Juquraafi ahaan awgeed.

    Yaeman kama mid aha xubnaha Wadamada Gacanka Carabta waxaana uu ahaa wadada u furan iibka xoolaha

    Somaliland intii lagu guda jiray cunaqabatayntii uu Sucuudigu soo rogay 1998 iyo markii danbe ee ahayd 2001-2009.

    Masar1. Masar waxa ay ahayd soo dhoofsade

    xoogan oo xoolaha, inta badan geela, isagoo soo maraya dariiqyo kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Jabuuti, laakiin xayiraad ka qaadistii Sucuudigu ku sameeyey xoolaheena ka dib, waxa jiri kara daaqad cusub oo fursadeed taas oo keeni karta soo dhoofin sharci ah/ oo toos ah oo geela Somaliland lagu keenayo Masar,

  • 46

    3 | Waaxda Xoolaha

    halkaasna waxa hoos u dhacaaya kharashka gaadiidka.

    2. Masar waxa ay dib uga iibisaa Liibiya geela Somaliland, waana albaab uu kaga fidi karo iibku Waqooyiga Afrika.

    Suuqyada kale ee dihin1. Malaysiya: Wershada Hilibka

    Xalaalka ee Maleeshiyaanku waxa ay muujisay xiise wayn oo ah inay ka soo dhoofsato xoolaha Somaliland. Wefdi heer sare ah oo uu hogaaminayay Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland ayay casuuntay Dawlada Maleeshiya si ay wada xaajood u galaan 2007dii waxaana xigay booqashooyin dhawr ah oo ahaa ganacsato Maleeshiyaan ah iyo saraakiil dawlada ah ay ku yimaadeed badhtamihii 2010 iyo 2011. Shirkad ku taala Burco, tusaale ahaan, waxa ay wada shaqayn la yeelatay Maleeshiyaanka dhoofsada hilibka si ay u maalgeliyaan Maxjar / goob xoolo naaxin ah.

    2. Turkiga: Turkigu waxa uu ka mid noqonayaa suuqyada dihin ee bixin kara fursad ah inuu ku fido dhoofinta xoolaha Somaliand. Wadanku waxa uu soo dhoofsaday 140,000 oo neef oo lo ah badhtamihii 2011, inta u badan waxa uu ka soo dhoofsaday Ustaraaliya. Masaafada ugu dhaw Somaliland ee uu ku samayn karo dhoofka lodu waa Berbera oo ah mid geli karta tartanka.

    fURSadaHa maalgaSHadaYaa XoolaHa

    1. Idaha iyo riyaha Somalida, kuwaas oo yaryar kana miisaanyar kuwa Ustaraaliya, Suuriya, iyo adhiga Suudaantu, waxa ay la kulmeen suuq muhiim ah oo ku haboon isticmaalayaasha uu dakhligoodu hooseeyo/dhexdhexaadka uu yahay ee Bariga Dhexe; ganacsatada Somalilandna waa in ay joogteeyaan ku fiditaanka saamigooda ee qaybta suuqan. Koboca tartamayaasha ee suuqa sida Ustaraaliya taas oo si xoogan u luminaysa saamiga suuqa Wadamada Gacanka Carabta waxa ay muujinaysaa in ascaarta saraysa / aad u cayilnaanta xoolaha inta badan ma doorbidaan isticmaalayaashu. Isticmaalayaal badan oo ah kuwa uu dakhligoodu dhexdhexaadka yahay waxa ay doorbidaan xoolaha Somaliland kuwaas oo xajmi ahaan yar yar/ qiimuhuna hooseeyo (tusaale, in ka yar 30kg). Sidaas darteed, maalgeliye kasta oo Soomali ah baadhayana fursado maalgelineed waa inuu dammaanad qaataa suuqa qaybtan muhiimka ah oo ay qabsan karaan Somaliland. Xaqiiqo ahaan, badhtama 2013, markii ay Suuriya bilawday in ay mar labaad u soo dhoofiso Wadamada Gacanka Carabta, waxa ay toos ula tartamayeen adhiga Suudaanta iyo Ustaraaliyaanka, laakiin dalabkii Somalidu hoos umuu dhicin iyo sicirkii adhiga Somalilandba waxa ay ina siinaysaa tani tilmaan cad oo ah inta badan adhiga la dhoofiyay ee Somaliland uu haysto suuq sooc ah oo uu keli ku yahay dadka iibsadayaasha ah.

    There is a general trend of increasing prices in major Middle East end markets as the demand for livestock increases, and particularly as the

    number of people attending the Hajj each year increases.

  • 47

    2. Si kastaba ha ahaatee, fursado maalgelineed oo waawayn oo ah nafaqaynta dhammayst irka/ beeraha naaxinta iyo soo saarka cawska ee jira inay ku tartamaan suuqyada dhammaadka: Suuqyada dhammaadka waxa ay daraasadi si cad u tilmaamaysaa fursado ah qaybta xoolaha Somaliland in ay aad u m a a l g e l i y a a n n a a x i n t a / dhammaystirka si ay u qabsadaan qayb aad u qiimo wayn oo ah isticmaalayaasha Bariga Dhexe ee ay hadda haysataan Suuriya iyo Suudaan. U dhawaanshaheeda Bariga Dhexe, saamigeedu waa xidhiidh iyo ganacsi, iyo astaan aad loo yaqaano (tusaale ahaan, Berberaawi adhiga Somaliland ee madaxa madow), adhiga Somalidu waxa uu haystaa fursad uu ku qabsan karo qaybo waawayn oo suuqa ah.

    Maalgeliyayaashu waa in ay baadhaan fursado maalgelineed oo kala duwan oo ah nafaqaynta iyo cawska si loo ilaaliyo caafimaadka xoolaha ee sannadka oo dhan. Adhiga Somaliland ee la geeyo Sucuudiga, tusaale ahaan, waxa lagu haynayaa beeraha naaxinta muddo ilaa laba toddobaad ah, waxaana lagu celinayaa suuqii maxaliga ahaa laftiisa, caadi ahan waxa lagu iibiyaa $ 100 - $130 dollar in ka badan qiimihii hore iibka. In ka mid ah ama dhammaan qiimahan lagu kordhiyay waxa lagu samayn karaa beeraha naaxinta ee Soomaliland iyo daneeyayaasha ku xidhan wadadan dhoofineed.

    Marka lagu daro, daraasad ayaa t i lmaamaysa in doorb id ida

    isticmaalayaasha Bariga Dhexe doorbidoodu in ay tahay kuwa u sareeyaa ay ku doorbidaan dhammaystirka xoolaha - cilmi baadhis ayaa waxa ay tilmaamaysaa inta u badan iibsadayaasha u danbeeya in ay doortaan neefka goobta xoolo naaxinta lagu xanaaneeyay xaalad caafimad darteed intuu ahaan lahaa mid reer guuraa ka yimid. Xoolaha lagu naaxiyay beeraha muuqaal ahaan way ka fiican yihiin, miisaan ahaana way ka waaweyn yihiin markay dada yar jiraan socsocod laaanta darteed, waanu ka biyo badan yahay, hilib ahaana way ka daryeelan yihiin. Waa muhiim in la ogaadaa in fursadaha jira ee naaxinta xoolaha, waaxda xoolaha Somaliland waa in aanay luminin muhumida uu leeyahay xoolaha xajmi ahaan yar waxa jira dad badan oo danaynaya kuwa da lkhl igoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah ee isticmaaaa Bariga Dhexe.

    3. Waxa jirta baahi loo qabo in loo kala duwo suuqyo cusub: ku tiirsanaanta xoolaha Somaliland loo dhoofiyo wadamo xadidan (inta badana xoolaha la geeyo Sacuudi Carabiya) waxa ay ku keentay saamayn aad u daran markii cunaqabatayn badan lagu soo rogay muddo 10 sanno ah. Ganacsatada Somaliland sidaas darteed waa inay soo daah furaan suuqyo kale oo loo dhoofiyo si loo yareeyo ku xidhnaanshaha meelo kooban oo qadiimi ah. Jiritaanka suuqyo dihin iyo ka faaiidaysi laaanta suuqyada Carabta sida Masar, ama Maleesiya

  • 48

    3 | Waaxda Xoolaha

    iyo Turkiga waa mid u baahan in wax laga qabto iyagoo waddamadaasi ay bixinayaan suuqyo waawayn oo xoolaha iyo hilibka xalaasha ah.

    Sidoo kale, aad ugu tiirsanaanta saddex bilood oo keliya in la dhoofiyo ( ku dhawaad 70% dhoofka waxa la iibiyaa inta lagu jiro Ramadaan iyo moosinka Xajka) taas oo ka dhigaysa in ay xoola dhaqatadu la kulanto xaalad ah qulqul lacageed oo dheeli tirnayn, sidaas oo uu yahay iibka xooluhu isha dakhli ee ugu wayn qoyska. Waxa loo baahan yahay in la soo helo suuqyo kale oo ka baxsan ka moosinka Xajka si ay xoola dhaqatadu u helaan fursado dakhli sannadka oo dhan.

    4. Sare u qaadida iyo maraakiib tartan geli kara waxa ay keenaysaa fursado maalgelineed. Hadda waxa jira cidhiidhi ah maraakiib ku haboon oo loo qaabeeyay xoolaha dhoofka ah ee ka tagaaya Somaliland. Xoolo dhoofiyayaasha Somaliland waxa ay isticmaalaan doonyo taas oo aan loo qaabaynin sabbaynta badaha sare dhammaan xiliyada qaar oo ay gaadiid u ahaato xoolaha tegaya Gacanka Carabta. Intaa waxa dheer, ganacstadu waxa ay xoolaha ku hayaan muddo dheer dekeda marka aanu gaadiid jirin. Waxa ay ku hayaan goob, quudin, biyo iyo shaqaale oo laga qaadayo kharash maalinle ah( tusaale ahaan, $ 1 dollar neefkiiba taasina waxa ay burburinaysaa faaiidadii toddobaad gudihii). Awood laaanta awgeedd, doonyaha gaadiid u noqda xoolaha oo lagu gaadhsiiyo

    Salalah bilaha xagaaga waxa ay abuurtay jawi aan la isku halayn karayn iyo joogtayn laaan xoolaha laga qaadaayo Somaliland ee la gaynaayo Cumaan.

    Maal gelin wayn oo lagu sameeyo maraakiibtu waxa ay keenaysaa faaiido wayn oo dihin iyo badbaado saraysa oo ah socodka xoolaha Somaliland ee dhammayska tiran. Tusaale ahaan, maalgelinta $ 1 milyan oo gaadiidka xoolaha waxa uu soo saarayaa faaiido dhan 3 milyan oo doolar sannad gudihii.

    Ganacsatada xoolaha ee Somaliland hadda ma awoodaan in ay la saxeexdaan heshiisyo shirkadaha waawayn ee Cumaan ama xafiisyada dawlada maxaa yeelay waxaan jirin gaadiid maraakiib ah oo xiliyadda oo dhan shaqeeya. Intaa waxa dheer, in aad loo habeeyo hawlaha maraakiibta hubisa in ay u qaado xoolo isku daah isku meel iyo in ay waafaqdo baahiyaha iibsadaha ee suuqa Bariga Dhexe waxa ay xoojinaysaa xidhiidh ganacsi oo la isku halayn karo.

    5. Dihnaanta dhoofinta hilib daray ah oo la barafeeyay. Somaliland waxa ay dhoofin kartaa hilib daray ah oo la talaagadeeyay oo lagayn karo Wadamada Gacanka Carabta waxaanu siinayaa ganacsatada in ay samaystaan kawaano leh halbeegyo iyo qaabab caalami ah. Diyaarada ka duusha Berbera ilaa Salalah, Cumaan, tusaale ahaan waxa ay ku gaadhaysaa 2 saacaadood in ka yar taa macnaheeduna waa xoolihii la qalay aroornimada

  • 49

    hore Berbera dhexdeeda waxa uu gaadhayaa Salalah inta aan la furin Supermaarkedyada iyo Booshariyada isla maalin isku mid ah.

    6. In laga faaiidaysto dookha dadka ee u janjeedha waxyaabaha dabiiciga ah, ahna mid si xor ah u daaqay. Hilibka Somaliland soo saaraan waa mid dabiici ah (organic), laakiin weligii sidaa laguma iib gaynin . In taa waxa dheer , waafaqsanaanta caalamka u jeestay waxyaabaha dabiiciga ah, ee sida xorta ah u daaqay, xoolaha dabiiciga ah waa qayb aad u koraysa oo ah suuqa u danbeeya ee Dawladaha Gacanka. Si kastaba ha ahaatee, in la galo suuqan haboon, waxaa loo baahan yahay gacan saddexaad oo xaqiijisa daa, meesha laga keenay, xaaladaha dabiiciga ah, inuu daaqay waxyaabo dabiici ah, , in loola dhaqmay qaab daryeel leh iyo in la hubiyo in aanay ahayn qaar hormoono ahaan loo farsameeyay. Arimahaasi waxay taageerayaan suuqan koraya.

    7. Waxa jirta baahi loo qabo in dhoofiyayaasha xoolaha la yeeshaan xidhiidh xoogan oo toos ah iibsadayaasha Bariga Dhexe ee aan ahayn kuwa taqliidiga ahaa ee Dekeda: Qaababka taqliidiga ah ee jumladlayaasha iyo suuqyada tafaariiqdu waa qaybo muhiim ah oo ah silsilada suuqa ee ah beerta ilaa isticmaalaha. Si kastaba ha ahaatee, horumarka casriga ah ee dejinta suuqa cuntada ee isku xidhan waa suuq dhammaad muhiim ah oo u baahan in ganacsatada Somaliland ee Xooluhu

    aw