information till dig som är nyanländ i halmstad och sverige - somaliska

40
Välkommen! XOGTA SOO GALAYTIGA CUSUB EE HALMSTAD IYO ISWIIDHAN GUDAHEEDA Soo dhawaw!

Upload: halmstads-kommun

Post on 25-Jul-2016

226 views

Category:

Documents


2 download

DESCRIPTION

XOGTA SOO GALAYTIGA CUSUB EE HALMSTAD IYO ISWIIDHAN GUDAHEEDA

TRANSCRIPT

Page 1: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

Välkommen!

XOGTASOO GALAYTIGA CUSUB EE HALMSTAD IYO ISWIIDHAN GUDAHEEDA

Soo dhawaw!

Page 2: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2Halmstad gudaheeda waxaa ku taala dagmo layidhaahdo ”Kärleken” = Jacayl

Page 3: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

3

26 16

20

13

28

Waxaa daabacay: Dawlada hoose ee HalmstadQaabka sawirka: Mecs Waxaa daabacay: Taberg Media GroupSawirada: Patrik Leonardsson, Jesper Molin, ShutterstockXog uruurinta iyo isku xidhka bogaga: arbetsförmedlingen.se, bibliotek.halmstad.se, forsakringskassan.se, gamedifacket.nu, halmstad.se, halmstadarena.se, hfab.se, hh.se, hlt.se, informationssverige.se, kommun.redcross.se/halmstad, korkortsportalen.se, krosatagen.se, kvinnojourenhalmstad.se, landguiden.se, migrationsverket.se, oresundstag.se, regionhalland.se, riksdagen.se, svenskakyrkan.se/halmstad, sweden.se, umo.se.

Tusmada

SOO DHAWAW 4

HALMSTAD

Lambarada muhiimka ah 7Khariirada Halmstad 11Isboortiga 12Xamuulka 14Ururada mutadawiciinta 15Daryeelka caafimaad 16Iskuuladda iyo waxbarashada 19Dhaqaalaha Halmstad 21

ISWIIDHEN

Xaqiiqooyinka ku saabsan Iswiidhen 23Badbaadada wadada 26

OGOLAANSHAGA DAGANAANSHAHA

Sugitaanka ogolaanshaha daganaanshaha 30Marka aad hesho fasaxa daganaanshaha 34

SHARCIYADA AAN QORAYN 39

Page 4: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

44

Maadaama aad soogalayti ku tahay Iswiidhan iyo Halmstad waxaa laga yaabaa in aad qabto su’aalo badan. Waxaan ku rajo wayna-hay in macluumaadkan qoraalka ahi uu kaa caawin doono in aad wax badan ka ogaato wadankaaga cusub iyo agagaarkaagaba. Xaalad noocee ah ayaad ku sugantahay maadaama aad timid halkan? Halkeed tagaysaa hadii aad u baahato in lagaaga jawaa-bo su’aalo aad qabto? Nidaamka iskuulada Iswiidhishku siduu u shaqeeyaa? Halmstad maxay kuu qabankartaa? Waxaad ka heli jawaabaha su’aalahan iyo kuwo kale oo badanba.

Dawlada Hoose ee Halmstad way ku soo dhawaynaysaa!

Ku soo dhawaw Iswiidhan iyo Halmstad

Page 5: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

5

Halmstad

Stockholm

5

Page 6: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

6Halmstad

Page 7: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

7Halmstad 7

112 SooS. Khatarta halista ah ee nafta – Booliska, adeega dab damiska iyo ambalaasyada.

114 14 Booliska – gargaarka aan dag dag ahayn.

1177 Xogta daryeelka caafimaad, 24 saac maalinkasta.

113 13 Xogta la xidhiidha shilalka ama masiibooyinka.

0771-235 235 Wakaalada socdaalka ee Iswiidhan. Xogta ku saabsan daganaanshahaaga ee Iswiidhan.

035-13 70 00 Dawwladda hoose ee Halmstad. Xogta bulshada ee guuud iyo su’aalaha.

Lambarada Muhiimka ah

Page 8: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

Storgatan oo ku taala Halmstad – waa wadada dadku maro oo leh dukaamo iyo hudheelo.

Page 9: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

9

Astaanta Halmstad waa sadex wadno oo taaj loo xidhay. Mala awaalada mid ka mid ah ayaa wuxuu leeyahay waxaa laga soo xigtay boqor Dhaanish ah oo xukumi jiray halkan qarnigii 13aad. Wuxuu lahaanjiray shaambad ay ku taalo sadex wadno. Waayadan danbe, sadexdan wadne ee Halm-stad waxay matalaan himila-deeda lagu abuurayo caas-imada ugu aqoonta fiican, ugu khibrada badan uguna soo dhawaynta fiican.

HALMSTAD

Caasimada Halmstad waxay jirtaa in ka badan 700 oo sano waxayna qani ku tahay taariikh. Ilaa 1658dii caasimadau waxxay ka mid ahayd Dhenmaarki. Halmstad waxay leedahay dhis-mayaal isugu jira kuwo qadiimi ah iyo kuwo cusubba, iyo wabiga Nissan oo caasimada u kala qaybiya qaybta bari iyo qaybta galbeed. Waxaa jirta dakad wayn oo loo adeegsa-do dhoofinta iyo soo dajinta waxsoo saarka warshadaha. Halmstad waxaa lagu yaqaanaa jaamacadeeda, shaqo abuurkeeda gooboheeda aadka u fiican ee madadaalada. Xeebeheeda gaagaabani waxay soo jiitaan dalxiisayaal aad u tiro badan xiliga xagaaga.

IL QABATOOYINKA

Norre port, albaabaka caasimada oo jiray ilaa qarnigii 17aad, oo ah bartilmaameed ku yaala caasimada Halmstad badhtankeeda. Dhinac kamida dhinacyada albaabada waxaa ku yaala wadada dukaamada dadku maraan dhinaca kalena waxaa ku yaala goobta nasashada ee Norre katts oo leh dariiq qurux badan oo ku ag yaala Nissan. Dhulka aadka u koreeya ee ka danbeeya Isbitaalka waa Galgberget oo uu ku yaalo muusiyamka korka ka banaan ee Hallands-gården – waa goob dhaqan iyo taariikh oo u dhisan qaab quruxbadan. Meelaha ka baxsan magaalada waxaa ku yaala waxyaabo aad u quruxbadan oo leh khibrad dabiici ah iyo dukaamada beeralayda deegaanka.

DHAQANKA

Laybereeriga caasimada, oo leh qaab dhis-meed soo jiidassho leh kuna yaala meel aad u quruxbadan oo ah badhtamaha magaalada, ayaa isaga laftiisu yahay khibrad u baahan in labooqdo. Waxay martigalisaa hawlaha laxidhiidha caruurta iyo dadka waawayn, maqaaxiyaha, qolalka wararka, guriga shirarka iyo qolka bandhiga sawirada ee Halmstad. Halmstad waa magaalo dhaq dhaqaaq oo leh farshaxano badan iyo khubarada farshax-ankaba. Waxaa kale oo ku yaala tiyaatar iyo shaneemada ”Röda Kvarn”.

Page 10: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

10

XEEBAHA

Xeebaha Halmstad waxay ka koobanyihiin gebiyo, waraaro iyo kiiloomitiro bacaad ah oo leh qaab maydhasho quruxbadan. Waxaa kale oo jira xeebo loogu talo galay dadka laxaadka la’ sida ta ku taala Östra stranden iyo Svärjare-hålan oo ku dhaxtaala Tylösand.

RÅDHUSET

Rådhuset waxaa ku dhaxyaala Xafiiska Dawla-da Hoose ee Halmstad wuxuuna ku ag yaalaa Stora Torg. Rådhuset waa goobta ay siyaasi-yiinta dawlada hoose iyo madaxdu ay saldhig ka dhigtaan. Halkani waa meesha aad tagayso hadii aad qabto wax su’aal ah ama aad rabto in aad lakulanto siyaasiyiinta deegaanka.

Saacadaha booqashada: Isniin–Khamiis 08:00–17:00, Jimce 08:00–16:00 waad la hadli kartaa ama iimayl ayaad u diri kartaa. Tal: 035-13 70 00

Saacadaha taleefaada: Isniin–Khamiis 08:00–19:00, Jimce 08:00–16:00

Iimayl: [email protected]

LA XIDHIIDH DAWLADA HOOSE EE HALMSTAD

Halmstad waxay si toos ah kaagaga jawaabay-saa su’aalahaaga ku saabsan sida ay wax uga socdaan dawlada hoose ee ku taala Rådhuset gudeheeda.

Page 11: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

11

Halmstads kommun ligger i

Hallands län på svenska väst-kusten. Med sina drygt 96 000 invånare är Halmstad Sveriges 19:e största kommun. I norr gränsar Halmstad mot Falkenberg och i söder mot Laholm. Halmstad ligger mitt i mellan Göteborg och Malmö.

Halmstads kommun 11

Page 12: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

12

IsboortigaHalmstad waxaad ku ciyaarikartaa noocyo badan oo isboortiga

ka mid ah. Xataa meelaha ugu yar yar ee ka midka ah dawlada

hoose waxaad inta badan ka heli kubada iyo jimicsigaba. Caas-

imadda waxay leedahay sadex kooxood oo waawayn: Kooxda

kubadda cagta ee HBK waxay ku ciyaartaa tartamadeeda Örjans

vall, kooxda kubada gacanta ee HK Drott iyo kooxda kubada

Barafka ee Halmstad Hammers labadooduba waxay tartamadoo-

da ku ciyaaraan Halmstad Arena.

DALADAHA

Isboortiga iyo waxyaabahaa madadaalada ee ka jira Iswiidhen waxay u habaysanyihiin dalado, kuwaas oo iyana ay maamulaan mutadawiciin shaqsiyaad ah xiliyada ay firaaqadda yihiin. Tani waxay ka dhigantahay hawlaha intoo-dabadani waxay qabsoomaan niska danbe, fiidkii iyo maalmaha fasaxa ah.

HAWLAHA

Halmstad waxaa ka jira dalado kaladuwan sida, jaaska, jimicsiga, kaarateega, kaluumaysiga ama kubada goolfiga – halkan qofwalba wax ku haboon ayuu ka heli. Halmstad waxaa kale oo ka jira goobo lagu jimicsado kali ama koox ahaan. Dhamaan caruurta Iswiidhan waa ku waajib in ay dabaasha ku bartaan iskuulada. Cashirada la xidhiidha dabaasha waxaa loo dhigaa dhamaan caruurta iyo dadka waawayn-ba – xiliga xagaaga waxaa loogu dhigaa guryaha dhaxdooda, xiliga jilaalkana waxaa loogu dhigaa banaanka.

HAWLAHA BANAANKA

Ma rabtaan in aad jimicsato, baaskiil wado, ama aad deegaanka agaheena ah ku lugo bax-sato? Ama aad barafka ku dul simbiririxaysato ama ku dul orado xiliga xagaaga? Iswiidhan dhaxdeeda waxaad xor u tahay in aad tagto meel kasta oo aad rabto kaynta iyo dhulka-ba in dayr ku xidhnayn mooyee. Halmstad waxay leefahay meelo badan oo lugta lagu socdo, jimicsato baaskiil lagu wado oo aad arki karto. Intooda badan waxaad ka aadi kartaa badhtamaha Halmstad, laakiin waxaa kale oo aad ka heli kartaa meelo badan oo soo jiidasho leh goobaha ka baxsan caasimada kuwaas oo leh adeegyada banaanka.

Page 13: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

13

ÖRJANS VALL

Örjans vall wuxuu ka midka ahaa mid ka mid ah garoomadii loo isticmaalay tar-tankii kubada cagta ee aduunka ee 1958. Hada wuxuu noqday hoyga kooxaha HBK iyo Halmia.

HALMSTAD ARENA

Halmstad Arena waa saldhiga in ku dhaw 30 daladood oo noocyada kala duwan ee isnoortiga ah. Waxaa ku dhaxyaala hoolal badan oo isboortiga kala duwan ah. Ciyaarta buulka ee raaxada, barkada dabaasha, garoonka simbiriraxaysiga, garoomada kubada, suryooyinka barafka, goobaha jimicsiga iyo kuwo kale oo badan. Hoolkan wayn ee ku yaala gagida waxaa kale oo ku yaala, goobo lagu dhigo riwaayadaha, carwooyinka ganacsi, tartamada ganacs, IMW.

Page 14: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

14

GaadiidkaHalmstad waxaad ku tagi kartaa kanagana iman kartaa

gaadhi, bas tareen ama diyaarad. Habka ugu haboon ee

caasimada lagu kala baran karaa waa lugta, baska dee-

gaanka ama baaskiil. Halmstad waxay aad u maalgalisay

nabad qabka baaskiilka, waxayna leedahay waddooyin iyo

dhudhubo aad u fiican oo baaskiilku maro. Xafiiska xogta

dalxiiska waxaad ka heli kartaa khariirada baaskiillka.

www.destinationhalmstad.se

BASHalmstad gudaheeda waxaad ka heli kartaa basaska deegaanka iyo kuwa gobalada kuwaas oo u kaca magaalooyinka iyo caassimadaha kale ee gobalada. Qaabka ugu raqiisani waa in aad iibsato kaarka socdaalka, kaas oo aad ku shuban lacag. Waxaa kale oo aad baska ka iibsan kartaa tigidh ama aad isticmaali kartaa barnaamijka moobaylada ee Hallandstrafiken. Baska gudihiisa waxaa kaliya oo aad noolka ku bixin kartaa kaarka bangiga ama kaarka socdaalka. Kuwa da’doodu u dhaxayso 0–6 sano waxya ku raacayaan baska bilaash marka uu la socdo ruux wayn oo noolka iska bixiyay. Kuwa da’doodu u dhaxayso 7–20 waxxay iska bixinayaan noolka dhalinyarada, cidii ka saraysa 20 jir waa ruux wayn. Tigidh kasta wuxuu shaqaynayaa inta u dhaxaysa 1–2.5 saacadood, iyada oo loo eegayo inta aag ee aad u kala gooshayso. Ha socdaalin in ka badan tigidhkaagu inta uu ku wadi karo. Hadii aadan wadanin tikidh shaqaynaya, waa in aad bixiso kharash dheeraad ah hadii uu jiro baadhitaan. Si aad uga dagto gaadhiga goobta uu istaago ee soo socota, taabo batanka cas ee joojinta. Waxaa jira xog dhamaystiran oo ku saabsan basaska boga Hallandstrafiken.

www.hallandstrafiken.se

0771-33 10 30

Page 15: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

15

Ururada Mutadawiciinta ahDawlada Hoose ee Halmstad waxaa ka jira ururo badan oo ay maamulaan mutdawiciin badan. Waxay diyaaariyaan goobaha soo dhawaynta dadka ku jira xaaladaada oo kale.

Ururka laanqayrta cas ee Iswiidhen ee Halmstad Laanqayrta casi waxay ka shaqaysaa dhamaan dunida oo dhan waxaana ka go’an in ay caawiso dadka gar gaarka u baahan. Waxaad ka heli halkan fahan iyo soo dhawayn badan.

035-17 88 65

Amnesty Halland Amnesty International waxay ku hawlantahay taageerida xuquuqul insaanka oo dhan.

0430-223 64

Kvinnojouren Viktoria Kvinnojouren waxay caawisaa haween-ka iyo caruurta ay soo gaadhay dhiba-ato ama la kulma xad gudub guriga dhaxdiisa ah. Waxaa jirta dhawrsanaan sir iyo shaqsiba oo heer sare ah.

035-12 88 88

RFSL Halland RFSL waxay ku hawlantahay matashaana dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, dadka labeebka ah, iwm. RFSL waxay rabtaa in qof walba uu helo xuquuq siman, fusrado iyo waajibaaddyo.

0722-63 20 42

DHR Halmstad – Hylte – LaholmDHR waxay u halgantaa in la helo bulsho aan dhaq dhaqaaqeeda wax hor istaagayaa jirin. Waaxay ka caawiyaan dadka xaaladaha ay ka midka yihiin laxaad la’aanta bulshada dhaxdeeda.

035-15 22 75HAWADA Waxaad ka duuli kartaa gagida caasimada Halmstad una duuli kartaa magaalooyinka Stockholm Arlanda, Stockholm Bromma and Kalmar.

TAREEMADAWaxaa jira isku xidhka tareemada taga kana yimaada Halmstad oo aad u fuucan, oo socdaaladu ay aad ugu bada yihiin Malmö, Göteborg iyo Stockholm. Waxaa kale oo jira tareemo taga caassimadaha yar yar sida Jönköping, Växjö amaa Värnamo. Adeega waxaa bixiya kambaniyada taree-nada oo kala duwan, kuwaas oo u baahan in aad niyada ku hayso marka aad iibsanayso tigidhada. Waxaad xog baddan ka heli kartaa boga intarnatka ee Kambani kasta.

www.sj.se

www.krosatagen.se

www.oresundstag.se

Page 16: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

16

Daryeel caafimaad

BARASHO WANAAG-

SAN

*Waxaa jira xog ku saabsan kaarka LMAga oo ku taala boga 31.

Daryeelka caafimaadka dadwaynaha ee Halmstad waxaa bixiya Region Halland. Hadii aad raadinayso magangalyo, aad ruux wayn tahay, waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaad ee dag daga ah iyo daryeelka ilkaha, iyo waliba wixii gar gaar ah ee aan la sugi karin. Balan qabsashada waxaa kaaga bixi SEK 25–50. Caaruurta iyo dadka da’da yar waxay helaan daryeel caafimaad oo bilaash ah ilaa laga gaadho xafladooda dhala-shada ee 20 jirka iyo daryeelka ilkaha oo ay helayaan ilaa ay ka gaadhaan 19 jir.

QABSO BALAN Waxaa loo baahanyahay in aad balan u qabsa-to daryeelka caafimaad ama daryeelka ilkaha. Waa muhiim in aad horay ugu timaado balanta aad qabsatay. Hadii aad dib u dhacdo wac oo tir tir.

TAAGEERADA TURJUMAANKA

Hadii aad u baahantahay taageerada turju-maanka, sheeg marka aad soo wacayso si aad u qabsato balanta.

SII QAADO KAARKAAGA LMAga

Waa muhiim in aad sii qaadato kaarkaaga LMAga * marka aad booqanayso dhismo daryeel caafimaad.

MASUULIYADA DHAWRSOO-NAANTA SIRTA

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo turjumaanada waxaa hagaya masuuliyada ilaalinta dhawrsoonaanta sirtaada caafimaad. Tani waxay ka dhigantahay looma ogola in ay banaanka soo dhigaan xog ku saabsan caafimaadkaaga adigoon u ogolaanin. Xaaladaada caafimaad iyo wax kasta oo aad ku tidhaahdo shaqaalaha daryeelka caafimaadku ma saamayndoono fursadaada joogitaan ee Iswidhen.

Page 17: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

1717

XARUMAHA CAAFIMAADKA

Hadii adiga ama ruux kamid ah qoyskaaga uu xanuuunsado una baahdo daryeel, marka ugu horaysaba waaa in aad tagto Xarun-ta Caafimaadka (Vårdcentralen). Xarunta caafimaadku waxay u adeegtaa sidii Isbitaal yar oo kale oo leh dhakhaatiir, daryeelayaal iyo shaqaalaha kale ee caafimaaka. Xarun kasta oo daryeelka caafimaadku waxay leedahay xarunta daryeelka khaaska ah ee caruurta (Barnavårdscentralen – BVC), hal-kaas oo aad ilmahaaga gaynayso si uu u helo daryeel caafimaad ilaa inta uu ka gaadhayo lix jir. Waxaaa kale oo aad ka heli kartaa xarunta daryeelka caafimaadka maskaxda. Hadii loo baahdo waxaa kale oo laguu heli Kiliinigyada ku takhasusay waalida maskaxda.

DARYEELKA ILKAHA

Hadii adiga ama mid ka mid ah qoyskaaga ay la soo daristo xanuun ilko, waxaa jira Kiliinigyo gaar ah oo aad ka helayso daryeelka caafimaadka ilkaha.

HALKEE LA TAGAA

Page 18: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

18

DARYEELKA CAFIMAADKA HAWEENKA

Xarunta daryeelka Caafimaadka Haweenku (Kvinnohälsovården) waxay leedahay umuli-sooyin siinaya hubinta caafimaadka hooy-ooyinka uurka leh iyo talo bixinta ku saabsan caafimaadka haweenka. Qabsashada balanta xarunta daryeelka caafimaadka hooyooyinku waa bilaash.

KILIINIGA DHALINYARADA

Dhalinyarta da’doodu u dhexeeyaan 13 jir ilaa 23 jir waxay leeyiihiin Kiliinig u gaar ah. Waxaad halkan la tagi kartaa wixii su’aal ah ee aad qabto. Waxaa jira dhakhaatiir, umuli-sooyin iyo la taliyeyaal ka shaqeeya kiliiniga dhalinyarada. Qabsashada balanta Kiliiniga dhalinyaradu waa bilaash.

WAC 1177 SI AAD U HESHO TALO BIXIN KU SAABSAN DARYEELKA CAAFIMAAD

Waaxaad mar walba wici kartaa 1177 saacad-walba si ay talo bixin caafimaad kuu siiyaan Daryeelayaasha caafimaadka oo ku hadlaya luuqadaha Ingiriiska iyo Iswiidhishkaba. Waxaa kale oo ay kaa caawinayaan in aad la xidhiidho kiliiniga ugu haboon ee daryeelka caafimaad ee aad u baahantahay.

WAC 112 HADII AAD SI AAD AH U XANUUNSAN AMA UU NABAR KU SOO GAADHAY

Waxaad tagi kartaa goobaha shilalka iyo gar gaarka dag daga ah (Akutmottagningen) ee ku yaala Isbitaalada hadii aad si aad ah u dhaawa-cantahay ama xanuunsanayso. Wac 112 hadii baahi gar gaar dag dag ahi jirto!

XOGAHA DHEERAADKA AH IYO FAAH FAAHINTA XIDHIIDHADA Ka raadi xog dheeraad ah oo ku saabsan boga www.1177.se/Halland/other-languages.Bogu waxaa kale oo uu leeyahay faah faahinta xidhiidhada daryeelka caafimaad.

Page 19: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

19

Iskuulada iyo waxbarasshadaNidaamka waxbarashada iskuulada ee Iswiidhishka (grundskolan). Waxaa la siiyaa caruurta ay da’doodu u dhaxayso 7–16 jir. Waxaa kale oo jira goobaha iskuulka hortii la geeyo caruurta yar yar iyo wax barashada heerka sare ee dhalinyarada ka wayn 16 jir. Dadka waawayn waxaa la siiyaa kharashka waxbarashada ee iskuula-da Iswiidhishka qaab SFI (Iswiidhiska soo galaytiga) ah.

WAXBARASHADA ISKUULADA – CARUURTA U DHAXAYSA 1–5 JIR

Dawlada hoose ee Halmstad waxay caruurta da’doodu u dhacayso 3–5 mudo 15 saac ah siisaa todobaad kasta waxbarashada iskuulka ka hort. Xataa hadii uuna waalidku shaqo haynin. Waxaa jira wakhti la sugayo.

Page 20: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

20

WAXBARASHADA WAAJIBKA AH – CARUURTA DA’DOODU U DHAXAYSO 7–16 JIR

Iskuulka waajibka ahi wuxuu khasab ku yahay caruurta da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 16 sano. Waxay ka koobantahay 9 sano oo waxbarasho ah lehna teeramka guga iyo teeramka dayrta. Iska xaadirinta iskuulku waajib kuma ah xaruurta aan helin ogolaanshaha daganaan-shaha, laakiin waxaa la siiyaa wabarasho la wakhti ah tan kale.

HALMSTAD JAAMACADA

Waxbarashada heer jaamacadeed ee ka dan-baysa dugsiga sare, waxaaa kuu dhaw jaamaca-da Halmstad .waxaa dhigta in ku dhaw 8,900 arday oo dhigata halkan waxayn dhigtaan in ka badan 40 barnaamij oo si hufan laguugu dhigayo. Waa in aad haysato ogolaansho daganaanshoo si aad u codsato una dhigato waxbarashada sare ee heer jaamaacadeed.

www.hih.se

FASALADA ISKUULKA KA HOR – CARUURTA JIRTA 6

Laga bilaabo xiliga guga ah ee ilmuhu gaadho lix jirka, waxaa jirta fursan aan qasab ahayn oo uu ku bilaabi karo iskuul dhigashada. Tani waxay ilamha u sahlayssaa isbadal dabic ah oo uu kaga gudbayo waxbarashada iskuulka ka hor una gudbayo waxbarashada iskuula-da isaga oo lagu bar baarinayo ciyaaro iyo farsamooyin isku jira si loo dar dar galiyo koritaanka iyo barashada. Waxbarasshada iskuulka kahor waxay aas aas u tahay sii wadi-da waxbarashada sanadka 1aad ee waxxbara-shada waajibka ah.

WAXBARASHADA DUGSIYADA SARE/ KU BILAABIDA LUUQADA-DHALINYARTA DA’DOODU U DHAXAYSO 16–19 JIR

Waxbarashada dugsiga sare dhigashadeedu waa mid ku salaysan rabitaanka qofka mar hadii uu ka soo dalacay waxbarashada waajibka ah ee lagu bixiyo dugsiyada hoose. Waxbarashada dugsiga sare waxay qaadataa sadex sano waxaana suurto gal ah in la kala doorto farsamada gacanta ama diyaargarawka waxbarashada sare. Waxaa jira barnaamij hor-shac ah oo lasiiyo dhalinyarada aan haysaninn dhibcaha gudbtaanka ee iskuulada waajibka ah. Waxbarashada luuqada waxaa loogu talo galay dhalinyarta soo galaytiga ah ee da’doodu u dhaxayso 16–19 jir. Hadii aad ka wayntahay 18 jir, waa in aad haysato ogolaansho daga-naansho si aad u bilawdo iskuulka. Waxbarashada luuqadu waxay tababartaa dhalinyarta gaar ahaan luuqada Iswiidhis-ka iyo maadooyinka kale. Si ay sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbaan waxbarashada dugsiga sare ama waxbarashada kale ama shaqo galida.

www.svenskaskolan.se

Page 21: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

21

Dhaqaalaha HalmstadHalmstad waxay leedahay dhaqaale fur furan iyo shirkado yaryar iyo kuwo dhax dhaxaad ah. Ku dhawaadd 75% waxay leeyihiin ilaa 10 shaqaale ah. Waxaa ugu muhiimsan bahda adeeg bixinta ganacsiguna aad ayuu u korayaa. Goobata ay ku taalo Halmstad waxay sababtay in kambaniyo badan oo ku hawlan wax soo saarka iyo xamuulka ay ka dhigtaan saldhig. Ganacsiga khibrada ee uu ka midka yahay dalxiisku waa mid muhiim ah – dadwaynaha ku nool Halmstad xiliga xagaagu way laba jibaarmaan! Badhtamaha gobal ahaan, Halmstad waa hoyga gudiga maaraynta dagmada, Golaha dagmada iyo Isbitaalka dagmada. Cida ugu badan ee wax shaqaalaysiisaayi waa Dawladda hoose iyo Golaha dagmada. Ciidanka Xooga ee Iswiidhishku waxaa kale oo uu ku leeyahay xarun halkan.

ISKUULKA DHAQANKA EE HALMSTAD

Iskuulka dhaqanka ee Halmstad wuxuu dhalinyarta iyo caruurta da’doodu u dhaxayso 0–19 siiyaa fursad xiliyadooda firaaqada ah ay ku bartaan tumida qalabka muusiga, heesida, jaaska matalaada barashada muuqaalada iyo qaababka. Si kor loogu qaado miyuusiga caasimada muusiga ee Halmstad, iskuulka dhaqanku waxay muhiimada siiyaa gaar ahaan baanbay-da cod dhuubanku qaadida heesaha. Waxaa jira wakhti la sugi doono.

Halmstads kommun

Box 153

301 05 Halmstad Tal. 035-13 70 00 [email protected]

WAXBARASHADA DADKA WAA-WAYN / LUUQADA ISWIIDHISH-KA EE DADKA WAAYN (SFI)

Islamarka aad hesho ogolaanshaha daganaan-shaha, dawladda hoose ee Halmstad waxay la wareegaysaa masuuliyadaada barashada luuqada Iswiidhishka ee barnaamijka soo ga-laytiga (SFI). Cidkasta oo luuqadiisa koobaad ayna ahayn Iswiidhish way isu diwaan galin kartaa SFIka. Waa in aad ka diwaangashanta-hay diwaanka dawlada hoose ee Halmstad ee tirakoobka dadwaynaha. SFI waa bilaash. Waa muhiim in aaad bilawdo barasshada SFIka sida ugu dhakhsaha badan si aad u barato luuqada Iswiidhishka.

Arjiga SFIka iyo Iskuulka dhaqanka waxaa la sii mariyaa Dawlada Hoose ee Halmstad.

Page 22: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

22

Iswiidhan waxay caan ku tahay miyigeeda quruxda badan ee kaymaha badan iyo laagahaba leh, laakiin waxaa kale oo ay caan ku tahay miyuusi-ga, xidigaha isboortiga, daahfurida iyo kambaniyada waawayn. Iswiidhan oo ku taala waqooyiga Yurub waxay leedahay cimilo ka duwan oo fudud, diiran xiliga xagaaga iyo qabaw madaw xiliga dayrta oo baraf dhado ah leh.

Iswiidhan

Page 23: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2323

Iswiidhan

XAQIIQOOYINKA ISWIIDHAN

Dadwaynuha: 9.7 Milyan (2015) Badka: 407,340 km2 (bariga) Caasimadaa: Stockholm Distuurka: Boqortooyo distuureedLacagta: Ginida Iswiidhiska (SEK) Raysalwasaare: Stefan Löfven (Xisbiga dimuqraadiga bulshadda)Madaxa Dalka: Boqor Carl XVI Gustav

Page 24: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

24

DISTUURKAIswiidhan waa boqortooyo dastuuri ah, taas oo ka dhigan boqorku waa madaxwaynaha dalka laakiin wuxuu leeyahay awood aad u kooban. Awooda waxaa iska leh Riksdag, kaas oo ah shirwaynaha la doortay, iyo dawla-da, taas oo iyana fulisa waxa uu ansixiyay Riksdag. Riksdag ayaa go’aamisa nooca sharciga ee ay Iswiidhan yeelandoonto. Go’aankoodu wuxuu ka hirgalaa dhamaan wadanka oo dhan, xataa sida miisaaniyaha Kilalada loo qoondeeyo.

WAXYAABAHA LA

MAMNUUCAN• Ciqaabta waalidka waa laga mamnuucay wadanka Iswiidhan laga soo bilaabo 1979. Tani waxay ka dhigan tahay waalidka ama ruux wayn oo kale kuma xad gudbi karo ilmo ,jidh ahaan ama maskax ahaan.

• Gudniinka Fircooniga ah waa laga mam-nuucay wadanka Iswiidhan laga soo bilaabi 1982dii.

• Ka ganacsiga mukhaadaraadku waa ka mamnuuc Iswiidhan. Waxaa kale oo mamn-uuc ah in jidhkaaga laga helo mukhaadaraad. Khamrida iyo sigaarku way u fasaxanyihiin dadka da’doodu ka wayntahay 18 jir.

• Sigaar qiijintu waa mamnuuc goobaha ay joogaan caruurta iyo basaska dhaxdoo-da iyo huteelada iyo goobaha dadku isugu yimaadaanba.

www.informationsverige.se

DISTUURKA SHARCIYEED Iswiidhan waxay leedahay afar sharci oo dastuuri ah kaas oo ilaaliya dimuqraadiyadee-na. Waxaa kale oo aan leenahay sharciyo la xidhiidha cudurada la kal qaado iyo takoorka.

SHARCIYADEENA DASTUURIGA AH:

Nooca dawlada ayaa go’aamiya sida wadanka loo maamulayo, waxa ay xuquuqaheena dimuqraadiyadeed yihiin iyo sida awooda la isu siinayo.

Xeerka xoriyada saxaafada Xeeerkan wuxuu ka dhiganyahay waxaad xaq u leedahaay in aad faafiso ama daabac-do wixii xog ah. Madaxdu xaq uma leh in ay baadhaan waxa aad qortay kahor inta aadan daabicin.

Sharciga aas aasiga ah ee ku saabsan xoriyatul qawlka waxaad xaq u leedahay in aad tiraahdo waxaad ku fikirayso oo u faafiso xogta adi-goon is cadaynin adigoon lagu ciqaabin, laakiin cidkale wax kuma yeeli kartid.

Xeerka gooni isu taaga iwaxaa ku jira sharciyada sheegaya cida noqonaysa Boqorka amaa boqorada. Boqorka iyo bo-qoradu waxay matalayaan wadanka mana laha wax awood siyaasadeed ah.

Page 25: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2525

SHARCIGA ISWIIDHISHKA EE XAQA HELITAANKA ADEEGA DADWAYNAHA Sharciga Iswiidhiska ee helitaanka adeega dadwaynaha (Allemansrätten) wuxuu kuu sahlayaa in aad sida aad doonto meesha aad doonto miyiga iyo in aad qaadato ubaxa duur-ka ku yaala ee aad rabto, likaha iyo waarigta. Laakiin waxaa jira xadidaado ku saabsan xuquuqdan adeega dadwaynaha. Cid kasta waxaa saaran masuuliyada ilaalinta deegaanka iyo duur joogta iyo in uu tixgalin tuso hantii-leyaasha dhulka. Ma rabshi kartid ma bur burin kartid mana qaadi kartid dhirta la ilaaliyo.

www.naturvardsverket.se

XadigaXadiga da’du way ka duwantahay wadanba wadanka kale. Wadan-ka Iswiidhan hadii aaad jirto 18 jir waxaad ku jirtaa da’dii sharciga ahayd waadan codayn kartaa.

15 sano jir Gaadhitaanka da’da 15 sano. Sharci ahaan waxaad masuul ka tahay wixii danbi ah ee aad samayso waana laguu ciqaabi danbiga aad fasho. Sida uu dhiga sharciga galmada ee dalka Iswiidhan laguu ma ogala in aad galmo la samayso cid ka yar 15 jir. Waxaa kale oo aad bi-laabi kartaa in aad wado baabuur (heerka 1aad).

16 sano jir Waxaad bilaabi kartaa shirkad aad iska leedahay, codsankartaa kaarka wadaha ee ururka midawga Yurub, mootada yar yar, iyo ama aad bilaabi kartaa in aad barato wadida.

18 sano jirWaxaa laguu tixgalin ruux wayn oo ku jira da’dii sharciga ahayd marka aad gaadho 18 sano jir, waxaad gadan kartaa sigaar ama codayn kartaa. Marka aad ku jirto da’da sharciga ah waxaad qaadan kartaa imtixaanka wadaha gaadhiga yar, ka culus, mootooyinka waawayn. Waxaad iibsan kartaa khamri ama biir.

20 sano jir Marka aad gaadho da’da labaatan jirka waxaad khamrida ka iibsan kartaa Systembolaget.

CIIDAHAMaalmaha fasaxa ee Iswidhishka intooda badani waxay ka soo jeedaan Diinta masiixiga ah. Inkasta oo uuna wadanku ahay wadan diin isku maamula. Ciida masiixigu waa ta ugu wayn ee qoys waliba u dabaal dago iyada oo ay bilaabato habeenimada ay soo galayso. Iistarka, Sanadka Cusub, habeenka Waalbur-giis, badhtamaha xagaaga marka uu soo galayo waa ciido muhiim ah oo ay bulshadu ku kula kulanto eleladooda iyo asxaabtooda. Maalinta qaranka ee Iswiidhaanku waa 6da Juun.

Page 26: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

26

Nabad qabka

wadadaJIDKA LAMAROBilaha dayrta waa mugti wadanka Iswiidhan. Isticmaal firdhisoonyinka iftiinka marka aad socoto meelaha gaaddiidku socto. Marka aad socoto waa khasab in aad martaa dariiqa lugta ama dhinacyadaa hadii ay jiran hadii kale mar wadada baasskiilka ama wadada garab raratada. Hadii aad marayso dhinacyada ama wadada garab raratada, waa khasab in aad martaa dhinaca bidix si aad u aragto wixii kaa hor imanaya. Hadii aad rabto in aad gudubto wadada isticmaal meesha istalawda ah. Baabuurtu waa in ay kuu ogolaadaan in aad dhaafto. Lama ogola in lug lagu gudbo wadada hadii laydhka casi shidanyahay. Baaskiil lagu gudbo, ama mooto lagu gudbo sida E4, E6 ama E20.

WAREEGTADA ISGOYSKAHalmstad waxaa ka jira wareegtooyin isgoys oo farabadan. Baabuurtu waxay u wareegaan dhinaca bidix waana waajib in aad sugtaa inta ay ku dhaafayaan baabuurta wareega ku jira.

Sabbrada dadku ka talaabaanBaabuurta yar yari waa in ay ka istaagaan dadka gudbaya wadada.

Jidka SiiJidka sii dhamaan wixii wadada gudbaya.

Ka istaagMarkasta si buuxda u istaag.

Hal-DhinacBaabuurtu waxaa kaliya oo ay u socotaa hal dhinac oo lugta lid ku ah.

WADIDASi aad u awoodo in aad wadanka Iswiidhan gaadhi ku dhax wado waa in aad jirto 18 sano ugu yaraan oo aad haysato kaarka fasaxa wadaha. Hadii aad haysato kaarka wadaha oo aad ka qaadatay wadan kale, wakhtiyada qaar kani wuxuu shaqaynayaa mudo hal sano ah Iswiidhan dhaxdeeda. Laakiin marka loo eego wadanka Iswiidhan sharciga u yaala, waxaanu ku wadnaa wadada dhinaceeda midig. Xadiga khamri cabida wadaha baabuurka ee laga ogolyahay Iswiidhan waa 0.2 mg/l oo dhiiga ku jira. 1.0 mg/l waxaa loo tix galiyaa xad ka bax xiliga wadida baabuurka. Ciqaabta wadida baabuurka adiga oo sirkhaansani waa lacag ama xadhig.

Dariiqa lidka/Dariiqa BaaskiilkaDariiqa lugta oo gaar ah/ dariiqa baaskiilka.

Page 27: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2727

Jidka SiiJidka sii dhamaan wixii wadada gudbaya.

Dariiqa lidka/Dariiqa BaaskiilkaDariiqa lugta oo gaar ah/ dariiqa baaskiilka.

BAASKIIL WADIDAHadii uuna jirin dariiq u gaar ah baaskiilada, waa in markasta aad ku wadaa baaskiilka dhi-naca midig ee wadada garab raratada. Shar-cigani wuxuu khuseeyaa wixii laba lugood leh ee darajada 2aad. Cid kasta oo ka yar 15 sano waa in ay xidhato koofiyada bad baadada marka ay baaskiil wadaan, xataa hadii ay cid kale ku wado baaskiilka. Hadii aad ka wayntahay 15 sano waxaad ku wadi kartaa ilmo ka yar 10 sano hadii uu ilmuhu si nabad galyo ah oo haboon u fadhiisan karo. Caruurta ka yar da’dan u isticmaal kursiga caruurta ee baaskiilka. Baaskilku waa in uu lahaado jalas, ama iftiin bikaaciye ku yaala taayirka dhinacya-diisa. Marka aad ku wado mugdiga, waa in uu jir laydh cad oo xaga hore ku yaala iyo mid cas oo xaga danbe ku yaala oo labaduba shaqaynayaan.

Caruurta looma ogola in ay wadada baabuurta ku wadaan baaskiil kaligood ilaa inta ay ka gaadhayaan 12 jir.

Page 28: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2828

Page 29: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

2929

Ogolaanshaha daganaanshaha

Page 30: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

30

Suggida ogolaanshaha daganaanshaha

MAGANGALYO DOONKA Wakhti xaadirkan waxaa dawladda hoose ee Halmstad ku yaala hoyyo badan oo loogu talo galay kooxaha magan galyo doonka ah. Waxaa kale oo jira tiro magan galyo doon ah oo ku noo hoy ay iyagu leeyihiin. Hoyga iyo waxa dhaxyaala labaduba way kala duwanaan karaan. Mararka qaar cunta ayaa la soo dhax dhigi, mararka qaarna waa in aad adigu diyaarsataa cuntadaada. Cida u qaabilsan hoyga ama wakaalada socdaalka ayaa bixin xogta ku saabsan wixii la dhigayo hoy kasta. Magangalyo doonka Maamulka dawlada hoose ayaa u diyaariya saaxiibo luuqadeed, lacagta luuqada iyo waxyaabaha faakihaysiga ah oo lagu helayo nidaam mutadawacnimo ah.

DHALINYARTA IYO CARUURTA AAN WEHELKA LAHAYN Ilmo ajnabi oo da’diisu ka yartahay18 jir kaas oo Iswiidhan soo galay waalid la’aan ama ruux kale oo wayn oo aan la soconin ayaa la yidhaahdaa wehel laawe ama ruux yar. Islamarkaaba waxaa la gayn nidaamka waaxda daryeelka adeega bulshada ee dawlada hoose. Waaxda daryeelka adeega bulshadu waxay diyaarin waxyaabaha ay ka midka yihiin hoyga, iyo ruux wayn oo masuul ka ah. Ruuxa wayn ee masuulka ka ah wuxuu matalayaa masuulka sharci wuxuuna leeyahay xuquuqda sharci ee uu go’aan kaga qaadanayo dhamaan hawlaha la xidhiidha ilmaha ama ruuxa yar. Maamulka dawlada hoose ee Halmstad wux-uu leeyahay tiro hoyyo ah oo loogu talo galay caruurta qoxootiga ee aan weehelka haysanin iyo dhalinyarta ay u adeegaan waaxda adeega bulshadu.

Page 31: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

31

KAARKA LMAga Marka aad codsato magan galyo wadanka Iswiidhan waxaad marka ugu horaysa heli mahad naq. Dhawr cisho ka dib waxaad heli kaarka LMAga, kaas oo aad isticmaali doonto badalkii mahadnaqa. Kaarka LMAgu ma aha Taysaro, laakiin wuxuu ku tusayaa in aad magangalyo doon tahay oo tahay in aad wadanka joogto mudada aad sugitaanka lu jirto.

Wakaalada socdaalku waxay haysaa xogtaada ku saabsan arjigaaga magangalyada. Waana wakaaladan mida go’aan ka gaadhaysa arjigaaga. Nidaamka magangalyo doonku wuxuu qaadan mudo dheer hadii aadan is cadaynin adigu, sheegin sababta aad u rabto magangalyada ama waxaa jira arjiyo badan oo kaa horeeya adiga. Dad badan ayaa magan galyo ka dalbada waddankan Iswiidhan waxayna qaadan kar-taa mudo dheer ka hor inta arjigaaga la baadhayo. Marka waa muhiim in aad wakhti-gaagi soo xaadirto! Dad badan oo magan galyo doon ah ayaa xaq u leh in ay helaan taageero sharci, taas oo wakaalada socdaalku bixiso kharashkiisa. Cid kasta oo ka shaqaysa wakaalada socdaalku waxay leedahay masuuliyada ilaalinta iyo dhawrsoonaanta sirtaada umana sheegayaan cidna cida aad tahay ama sababta aad u dalbatay magangalyada.

Tal: 0771-235 235

Saacadaha shaqada: Isniin–Jimce, 09:00–15:00

www.migrationsverket.se

Inta aad magang-alyo doonka tahay masuuliyadu waxay

saarantahay wa-kaalada socdaalka Wakaalada socdaalka

Page 32: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

32

TAAGEERADA SHARCIWakaalada socdaalka waxaad ka dalbankar-taa taageero dhaqaale. Dabadeed waxaa laga yaabaa in lagu siiyo yoomiye maalmeed kaas oo ku filan dharkaaga, kabahaaga, dawadaadaada, daryeelkaaga caafimaad, daryeelkaaga ilko, qalabkaaga nadaafaddeed, cuntadaada iyo hawlahaaga faakihaysi. Lacag-

tan waxaa la dhigi akawn ku yaalabangiga ICA Banken. oo lagu furay magacaaga. Kaliya wakaalada socdaalka ayaa akawnkaaga lacag ku ridi karta. Lacagta ku jirta akawnkaaga waxaad kagala bixi kartaa kaarka bangiga kaas oo aad ka heshay wakaalada socdaalka Kaarka bangiga waxaa loo isticmaali karaa in wax lagu iibsado ama lagagala boxo lacagta ATMyada leh calaaamada Maestro.

Kaarka bangigu waa mid shaqsi waana masuuliyadaad in aad ilaaliso. Haddii kaarku lumo ama laxado. Waxaa kale oo aad ka xanibi kartaa ICA Banken taleefankiisa 033-47 47 90. Si aad u awoodsiiso ICA Banken in uu xanibo kaar kaaga, waa in aad u sheegtaa lambarkaaga tixraaca ama lambarka kaarka. Lambaradani waxay ku yaalaan warqada ama baqshada lambarka sirta ahi ku jro ee aad ka heshay Bangiga markii kaarka lagu siinayay. Waxaa kale oo masuuliyadaada ah marka kaarku kaa lumo in aad wargaliso booliiska kana wacdo lambarka ah 114 14. Dabadeed waxaad warbixinta booliska la tagi wakaalada socdaalka, halkaas oo aad mid cusub ka heli doonto.

Page 33: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

33

SHAQAYNTA XILIGA MAGANGALYO DOONKA Marka hore waa in aad istaageerrtaa inta aad sugayso aqbalaada arjigaaga magangalyo doon. Waxaad u samayn kartaa tan laba qaab midkood, in aad isticmaasho kaydkaaga ama in aad shaqaysato. Si aad u hesho xaqa shaqo ee magangalyo doonka, Dukumiintigaaga Taysaro waa in la aqbalo waana in arjigaagu yahay mid caqli gal ah laguna soo gudbiyay dalka Iswidhan gudihiisa. Hadii aad buuxiso shuruudaha, waxaa lagu siin kaarka LMAga oo leh fasax shaqo (AT-UND) oo ay samaysay wakaalada socdaalka shaqadu, kaas oo shaqaynaya inta aad ka helayso go’aanka ogolaanshaha daganaanshaha ama wadanka kaga baxayso. Nidaamka shaqaalaysiinta hay’adaha dawladu (Arbetsförmedlingen) wuxuu kaa caawin in aad shaqo hesho hadii aad haysato AT-UND. Marka aad shaqo hesho, waa in aad tustaa cida ku shaqaalaysiinaysa in aad haysato AT-UND (dhibicda 7aad ku taala LMAgaa-ga). Shaqaalaysiiyahaagu wuxuu diwaangalin xiliga ay shaqadaadu bilaabmayso iyo xiliga ay dhamaanayso. Shaqaalaysiiyahaagu waxaa kale uu wargalinayaa waaxdaada in aad shaqo heshay.

KHARASHKA KIRADAHadii aad shaqo meelkale ka heshay waxaad codsan kartaa kharashka kirada guriga. La xi-dhiidh wakaalada socdaalka xogta casriga ah.

www.migrationsverket.se

Page 34: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

34

Marka aad hesho fasaxa daganaanshaha

Page 35: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

35

FASAXA DAGANAANSHAHA Wakaalada socdaalku waxay iska leedahay go’aanka fasaxaaa ee daganaanshaha. Haddii lagu siiyo ogolaanshaha fasaxa. Waxaa lagu siin kaar ay ku yaalaan sawirkaaga iyo farahaa-guba taas oo cadaynaysa in aad ku nooshahay Iswiidhan. Kaarkani wuxuu shaqaynayaa mudo shan sano ah waana la cusboonaysiin karaa. Kaarkani ma aha dukumiinti taysaro. Marka lagu siiyo ogolaanshaha daganaan-shaha, waxaad xaq u leedahay dhamaan xuquuqaha uu leeyahay muwaadinka ku dhashay Iswiidhan ee ay bixiso Dawlada hoose, tusaale ahaan diyaargarawga iskuulka, kharashka barashada afka Iswiidhishka ee dad-ka waawayn iyo taageero dhaqaale oo lagugu caawinayo in aad si dhakhso ah guuri u hesho iskuna quudiso. Mararka qaar wakaalada socdaalku waxay diidaa arjiga ogolaanshaha daganaanshaha. Tani waxay keeni eryid. La xidhiidh wa-kaaladaa socdaalka wixii xog dheeraad ah.

KALA NOQOSHADA OGOLAANSHAHA DAGANAANSHAHAOgolaanshaha daganaashahaaga waxaa lagaala noqon karaa hadii aad bixisay xog been ah wakhtigaad codsanaysay. Haddii aad been sheegtay ama aad sheegi wayday xog saamayn ku leh fasaxaaga daganaansho, ama aad gashay danbi. Waxaa kale oo lagaala noqon karaa hadii aad socdaal gasho oo aadan joogin Iswiidhan mudo labo sano ah. Ogolaanshahaaga daganaasho waxaa xaataa lagaala noqon karaa hadii aad dhawr sano daganayd Iswiidhan.

HOYGAAGAMarka aad hesho ogolaansho daganaan-sho,waxaad joogi kartaa hoyga wakaalada socdaalka ilaa xiliga lagaa siinayo nidaamka shaqaalaysiinta adeegbixinta dawlada ama ilaa inta aad ka helayso boos aad ku noolaato adiga laftaadu. Hadii aad hesho meel aad ku noolaato, waa in aad hubiso in kiradu ay macquul tahay oo xidhiidhkuna uu yahay mid sharci ah. Ogsoonoow aad ayay u dagtahay in guri laga helaa Halmstad waxayna qaadankar-taa mudo dheer. Hadii aad ka tagtay hoyga wakaalada socdaalka oo aad heshay hoy aad adigu diyaarsatay hadii ay dhibaato kaa soo gaadho ama aad ku qanci waydo waxaad ku soo noqon hoyga wakaalada socdaalka mudo hal bil gudaheed ah. Hadii ay bil dhaafto waa masuuliyadaada in aad raadsato meel aad ku noolaato oo cusub.

Page 36: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

36

DAMAANAD QAADKA BULSHADAMar hadii wakaalada canshuuraha Iswiidhish-ku kugu diwaangalisay buuga diwaanka. Waxaad iska diwaan galin wakaalada caymiska bulshada si aad u hesho adeega nidaamka damaanad qaaddka bulshada. Tani waxay taageero siin bulshada Iswiidhishka ah. Damaanad qaaddka bulshadu wuxuu bixiyaa daryeel maaliyadeed oo la siiyo qoysaska iyo shaqsiyaadka laxaadka la’. Si aad uga fogaato in dacwadaadu qaadato in ka badan itii loo baahnaa, waa muhiim in aad haysato dukumiinti cadaymo ah oo dha-maystiran inta karaankaaga ah marka aad la xidhiidhayso wakaaladda caymiska bulshada. Hadii aad hawlgab noqotay marka aad tim-id Iswiidhan, isla marka aad hesho ogolaan-shaha daganaanshaha waa in aad la xidhiidhaa wakaalada hawlgabka (Pensionsmyndigheten) si aad uga dalbato dayactirka taageero ee hawlgabka.

Wakaalada caymiska bulshada ee Halmstad: 0771-524 524

www.forsakringskassan.se/sprak

Barnaamijka isbarashadu wuxuu ka kooban-yahay hawlo kaa caawinaya in aad dhaxgasho bulshada Iswiidhishka, in aad bilawdo shaqo oo aad is quudiso. Barnaamijka isbarashada waxaa loola jeedaa soo galaytiga da’doodu u dhaxayso 20–64 jir kuwaass oo haysta fasax daganaansho qoxootinimi ama shaqsi u baahan ilaalin. Barnaamijkani waxaa kale uu khuseeyaa dadka u dhexeeya 18–19 jirka. Hadii aad la xidhiidho ruux yimid Iswiidhan mudo hore oo mar hore galay barnaamiijkan, waxaa suurto gal ah in lagugu daro. Xaq uma lihid in aad ku biirto barnaamijka isbarashada hadii aad shaqaynayso wakhti buuxa (40 saac wiigii). ama aad iskuul sare aadayso, aad fasax waalidnimo ku jirto ama aad ka wayntahay 65 sano ama aad u jilicsantahay in aad ka qayb qaadato.

Ku marti qaadida shaqaalaysiinta adeeg bixinta dadwaynaha

Mar hadii aad hesho faasax joogitaan, waaxaa lagugu marti qaadi shir isbarassho oo uu soo diyaariyay xafiiska shaqaalaysiinta adeeg bixin-ta dawlada. Xafiiska shaqaalaysinta adeeeg bixinta dawladu waa xafiis dadwayne oo isu keena shaqo doonka iyo shaqaalaysiiyaha. Ha-dii aad dareento in martiqaadku kugu raagay waxaad adiga laftirkaagu la xidhiidhi kartaa xafiiska shaqaalaysiinta adeeg bixinta dawlada. Kulankan Isbarashada ah, adiga iyo latal-iyahaaga shaqo raadinta ayaa qorshaynaya mustaqbalkaaga Iswiidhan. Hadii aad ka haysato wax sartifikeed ah ama dukumiinti

DIWAANKA DADWAYNAHAIsla marka aad hesho ogalaanshahaaga daga-naansho, waa in aad la xidhiidho wakaalada canshuuraha eee Iswiidhishka (Skatteverket) si aad isaga diwaangaliso diwaanka dadwaynaha. Qaado kaarkaaga ogolaanshaha daganaan-shaha iyo go’aankii ogolaanshaha ee aad ka heshay wakaalada socdaalka waxaa kale oo aad qaadataa wixii dukumiinti ah ee aad kala tim-id wadankaaga oo cadaynaya cida aad tahay. Marka lagaa diwaangaliyo diwaanka dadwaynaha, waxaa lagu siin kambar taysaro oo gaar ah kaas oo cadaynaya cida aad tahay. Lambarka Taysarada shaqsigu waa muhiim xiliyada aad la xidhiidhayso maamulka ama marka aad rabtoo in aad Bangiga akawn ka furato ama aad codsanayso dukumiintiga taysarada. Waa muhiim in aad ka diwaan galshantahay diwaanka dadwaynaha si aad u adeegsati nidaamka damaanadqaadka bulsha-da Iswiidhishka. Wakaalada Iswiidhishka ee Canshuuruhu waxay wada shaqayn leeyihiin wakaalada caymiska bukshada (Försäkring-skassan) waxayna kaa caawin hadii aad wax su’aal ah qabto.

Wakaalada canshuuraha ee Iswii-dhishka ee ku taala Halmstad: 0771-567 567

www.skatteverket.se

Page 37: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

37

shaqooyinkaagii hore ama waxbarashadaadii hore, waa in aad la tagtaa shirka. Shirka waxaa ka soo bixi qorshe wakhti buuxa leh. Qorshu-hu wuxuu shaqaynayaa mudo labo sano ah. Waa muhiim in aad tagtid shirka isbarashada maadaama aad dib u dhigi karto bilawga shaqo waxaadna khatar galin kartaa waay-itaanka magdhawga la xidhiidha ka qaybgalka barnaamijka.

Barnaamijka

Inta aad ku shaqaynayso qorshaha waxaad xaq u leedahay magdhaw. Magdhawgu waa isku mid Iswiidhan oo dhan waxaana bixiya wakaalada caymiska bulshada. Inkasta oo ay tahay xafiiska shaqaalaysiinta adeegbixinta dawlada cida go’aaminaysa cadadka helaayso ee lacag ah. Waxaa jira nidaamyo magdhaw ah oo sigaar ah ugu xidhan barnaamijka isbarashada. Midi waa kharashka kirada guriga kuwa ku nool gurigooda kana diwaan gashan diwaanka dadwaynaha. Ka kalena waa taageerada isbar-ashada kuwa leh caruur ku nool guriga. Laa xidhiidh xafiiska shaqaalaysiinta adeeg bixinta dawlada si aad u codsato kharashyadan.

Xafiiska shaqaalaysiinta adeeg bixinta dawladda ee Halmstad: 0771-60 00 00

www.arbetsformedlingen.se

Waa muhiim in aad markasta ogaysiiso xafiiska shaqaalaysiinta adeeg bixingta dawlada iyo wakaalad caymiska wixii isbadal ah.

Page 38: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

Sida wadamada kale oo dhan Iswiidhan waxay leedahay sharciyo aan qorayn marka ay dadku kulmaan. Tusaale, waa in aad gacanta midkig ku gacan qaadaa qofka aad salaamaysid.

Page 39: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

39

Sharciyada aan qorayn• Ugu yeedh dadka erayga Iswiidhishka ah ee ”du” hana ugu yeedhin kan caadiga ah ee ”ni” xataa hadii aadan la kulmin waligaa.

• Balamadda aad qabsatay ku imaw wakhti haboon.

• Qaado lambar oo wakhtigaaga ku sug laynka. Gaar ahaan meelaha ay bulshadu wada sugayaan hal adeeg in midba ko isticmaalo. Hadii uuna jirin lambar sug faylkaaga.

• Xiliyadda caadiga ah ee la kulmaa waa qureecda qiyaas ahaan 06:30–09:00, qadada, qiyaas ahaan 11:30–14:00, casshada qiyaas ahaan 17:00–20:00 maalmaha fasaxa. Saaxaduhu way ka dduwan yihiin maalmaha fasaxa.

• Waxaa iska caadi ah in nasasho yar lagalo galabtii si bun loo cabo qiyaass ahaan 15:00.

• Si aad uga fogaato in aad boodh galiso iska biixi kabaha marka aad galayso guryaha dadka.

• Iska ilaali in aad taleefan kala hadasho ama aad garaacdo albaabka dadk ka hor 09:00 ama ka dib 21:00.

ERAYADA CAADIGA AH

Som IswiidhishkabaHaa Ja Maya NejHaye HejNabad galyo HejdåSubax wanaagsan GodmorgonHabeen wanaagsan GodnattIs arag danbe Vi sesMahadsanid TackSoo dhawaw VarsågodFadlan SnällaIga raali ahaw UrsäktaHagaag BraXun Dåligt Gargaar Hjälp

ODHAAAHYADA CAADIGA AH

Sideed tahay? Hur mår du?

Xaguu…?Var ligger…?

Waa imisa saac? Vad är klockan?

Waan xanuun sanayaa Jag har ont

Waxaan jecelahay...Jag skulle vilja ha...

Page 40: Information till dig som är nyanländ i Halmstad och Sverige - somaliska

Dawlada Hoose ee HalmstadBox 153, 301 05 Halmstad · Ciwaanka booqashada: RådhusetTal. 035-13 70 00 · [email protected] · www.halmstad.se