hubineedka dhexgelinta ilaalinta ee kutlada haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee...

16
Dhexgelinta Ilaalinta ee waxqabadyada haq- ab-beelka cuntada ee Soomaaliya Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya SOMALIA

Upload: others

Post on 04-Apr-2020

4 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Dhexgelinta Ilaalinta ee waxqabadyada haq-

ab-beelka cuntada ee Soomaaliya

Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya

SOMALIA

Page 2: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 2 ee 16

Xuquuqda daabacaaddu waxaa ay u dhawrsan tahay Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee

Soomaaliya/ WFP. Dhammaan ama qayb ka mid ah dukumeentigan lama badin karo, dib looma

daabici karo ama lagama faa'iidaysan karo ayadoon la haysan oggolaanshaha qoran ee

soosaaraha.

Si aad u heshid xog dheeraad ah oo ku saabsan dukumeentigan, la xiriir:

La Taliyaha Ilaalinta Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya, Mudane. Dher Abbas Ali,

[email protected]

Disclaimer:

The original copy of this document is written in English language. While any reasonable efforts

were made to provide accurate translation, portions maybe incorrect. No liability is assumed by

the cluster for any errors, omissions, or ambiguities in the translation of this document. If you

would like to report a translation error or inaccuracy or suggest a more appropriate contextual

understanding, please contact us.

WAXAA DIYAARIYEY KULTDA HAQAB-BEELKA

CUNTADA EE SOOMAALIYA

Page 3: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 3 ee 16

KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA

Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta

ILAALINTA LA DHEXGELINAYO WAXQABADYADA HAQAB-BEELKA CUNTADA OO AY

FULIYEEN XUBNAHA KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA

I. GOGOLDHIG:

Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta waa hagis farsamo la sameeyay si loogu taageero xubnaha

Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya (FSC) si ay u dhexgeliyaan ilaalinta

waxqabadyadooda habaq-beelka cuntada ee Soomaaliya. Qalabkan waxaa loo qaabeeyay oo

kaliya si uu u caawiyo xubnaha inta lagu guda jiro Geeddi-socodka Codsiyada Iskujira (CAP)

2013-2015 iyo waxqabadyada soo raaca. Qalabkan waxaa la diyaariyay kadib markii

wadatashiyo qoto-dheer oo isdabajoog ah lala yeeshay xubnaha Kutlada Haqab-beelka Cuntada

(FCS) ee Soomaaliya.

Ayadoo la caddaynayo daruuri ahaanshaha dhammaan xeerarka guud ee dhexgelinta ilaalinta

ee caalamka, liis-hubineedkan wuxuu ku dadaalayaa in uu u qaabeeyo mabda'a dhexgelinta

ilaalinta la dhexgelinayo waxqabadyada haqab-beelka cuntada ee xaaladda Soomaaliya. Sidaas

awgeed, waxyaabaha uu ka koobmo daruuri ma aha in ay ka hadlaan dhammaan mabaadiida

dhexgelinta ilaalinta balse ilaa xad waxay xoogga saarayaan aragtiyada la xiriira xaaladda gaarka

ah ee Soomaaliya.

Page 4: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 4 ee 16

II. WAA MAXAY “DHEXGELINTA ILAALINTA EE KUTLADA HAQAB-BEELKA

CUNTADA”?

Ayadoo loo eegayo xubnaha Kutlada Haqab-beelka Cuntada (FSC), Dhexgelinta Ilaalinta waxaa

loola jeedaa hirgelinta waxqabadyada gargaarka cuntada, beeraha, nafaqada iyo maciishada

qaabab aan takoor iyo eex lahayn oo dhiirrigeliya bedqabka, sharafta, iyo karaamada dadka

helaya gargaarka. Habka ilaalinta waxqabadyada maciishada iyo gargaarka cuntada wuxuu

raaci karaa mabaadiida bani'aadamnimda iyo barnaamij–dejinta ku saleysan xuquuqda-

aadanaha wuxuuna xambaarsan yahay xuquuqaha-aadanaha kala-gaddisan ee sida caalamiga

ah loo aqoonsan yahay, kaliyana ma aha xaq u yeelashada cunto, xaq u yeelashada in laga

xuroobo gaajada iyo xuquuqaha sida tooska ah ula xiriira ayaga. Xubnaha FSC waxay

higsanayaan ka fogaanshaha, yareynta ama dhimidda cirib-xumada/saameynta xun ee aan lagu

talogalin ee gargaarku keeno waxaana ka go’an habka barnaamij-sameynta ee ah “dhibaato ha

geysan". Sinnaanta, u xisaab-celinta dadka dhibaatadu saameysay, ka qaybgalka iyo

awoodsiinta ka faa'iideysteyaasha ayaa ah mabaa'dii la dhexgeliyay dhammaan marxaladaha

higelintada wixii waxqabad, barnaamij, mashruuc ama faragelin ee haqab-beelka cuntada ah.

Page 5: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 5 ee 16

III. WAA MAXAY SABABTA AY DHEXGELINTA ILAALINTU MUHIIM UGU TAHAY

HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA?

1. Dhexgelinta ilaalintu waxay wanaajinaysaa habboonaanta iyo tayada barnaamijyada

haqab-beelka cuntada, waxayna sii ballaarinaysaa saameynta waxqabadyada. Waxaa

intaa sii dheer, in ay keenayso beegsiga habboon ee ka faa'iideysteyaasha waxayna

awood noo siinaysaa ka fogaanshaha dhibaatooyinka ka dhalan kara gargaarka haqab-

beelka cuntada iyo kor uqaadista bedqabka shaqaalaha, iyo ka-faa’iideystayaasha inta

uu waxqabadku socdo. Soo ogaanshaha halisaha ilaalinta waxaa ay awood inoo

siineysaa in aan is-waafajinno oo aan saxno waxqabyadeenna haqab-beelka cuntada si

wax looga qabto, loo qaboojiyo loona yareeyo halisahan.

2. Waxqabadyada haqab-beelka cuntada noocooda way kala-duwan yihiin waxayna u baahan

yihiin aqoon farsamo oo ku saabsan cilmiga farsamada ee la xiriira haqab-beelka cuntada.

Sidaas awgeed, waa daruuri in aan taasi isxasuusino:

Culesyka farsamo ee hawlaha haqab-beelka cuntada waa in aaney

naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta

deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo

muhiim ah oo laga leeyahay hawlaha haqab-beelka cuntada ee

Soomaaliya.

Page 6: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 6 ee 16

Si loo gaaro heerarka Tilmaan-bixiyahan, dhammaan hay'adaha bani'aadamnimada ka

shaqeeya waa in ay hagaan Mabaadiida Ilaalinta, xataa haddii aysan haysan awood

ilaalineed oo waadax ah ama awood ilaalin ee takhasus leh. (Mashruuca Wareegsan –

Xeerka Bani'aadamnimada iyo Heerarka Ugu Yar ee Jawaabta Bani'aadanimo – Dhaqan-

gelinta Mabaad'iida Ilaalinta - soosaaristii 201 - Bogga 31)

3. Guddiga Joogtada ee Hay'adaha Ka-Dhaxeeya (IASC) wuxuu ku amarayaa in dhexgelinta

ilaalintu ay ku waajibto dhammaan kutladaha wuxuuna ku tusmaynayaa jaantuskan is-

sharxaya oo muujinaya kala duwanaanshaha u dhaxeeya waxqabadyada ilaalinta

kaligood taagan iyo dhexgelinta ilaalinta.

4. Tilmaan-bixiyaha wareegsan wuxuu xoogga saarayaa aasaas-ahaanshaha dhexgelinta

ilaalinta:

Page 7: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 7 ee 16

IV. GOORMEE AYAAN DHEXGELINEYNAA ILAALINTA?

Dhexgelinta ilaalinta waa in loo tixgeliyaa nidaam socda oo raaci kara dhammaan marxaladaha

waxqabad kasta ee haqab-beelka cuntada.

Qaybaha soo-socda ee dukumeentigan waxay bixinayaan haggista sida loo dhexgelinayo

ilaalinta waxqabadyada haqab-beelka cuntada ee ka jira Soomaaliya.

Box No: 1

Sanduuq Lambar : 1

Page 8: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 8 ee 16

“MARXALADA QIIMEYNTA BAAHIYADA

WAA GUNDHIGGA JAWAAB

GUULEYSATEY. QIIMEYNTA SI FIICAN LOO

QORSHEEYAY WAXAY HAGEYSAA

WAXYAABAHA KALE EE WAREEGA

QORSHAHA UU KA KOOBMO WUXUUNA

XAQIIJINAYAA IN UJEEDDOOYINKA AY

CAD YIHIIN LANA CABBIRI KARO

DHAMMAAN MARXALADAHA.”

IV.1.1 QALABKA QIIMEYNTA (HABYAAL):

Qaabaynta qalabyada qiimeynta waa in ay ka baxsanaataa farsamada waana in ay

dammaanad qaaddaa in qalabka uu qorshaynayo boos lagu qanci karo si uu u

oggolaado qiimeynta xaaladda ilaalinta salka aasaasiga ah.

Qaybta Wada-hadalka Kooxda La Soo Xulay (FGD) ee qalabyada waa in ay si sax ah u

muujisaa asalka iyo haybsashada ka qaybqaataha waana in ay sheegtaa kala-

duwanaanshaha da'da iyo jinsiga ee ka qaybqaatayaasha.

Qaybta xog-wareysiga shakhsiga waa in ay soo gudbisaa da'da iyo jinsiga qofka xog-

wareysiga lala yeeshay.

Qalabyada qiimeynta waa in ay siiyaan tixgelin gooni ah dadka laga tiro badan yahay

(sida dadka waayeelka ah, dadka baahiyada gaarka ah qaba, dadka qowmiyad ama

diin ahaan laga tiro badan yahay.)

Dhibaatooyinka imaan-kara ee laga yaabo in ay ka dhashaan gargaar siinta waa in la

sii ogaan karaa.

U qorshee boos lagu sheegayo hababka khalad sixidda deegaanka ee laga yaabo in loo

isticmaalo sidii talooyinka mashruuc ahaan. Waxqabadyada waa in lagu dhisaa

khayraadka laga heli karo goobta iyo beesha kahor inta aanan la keenin khayraadka

dibadda.

Sanduuq Lambar: 2 Sanduuq Lambar: 3

I. DHEXGELINATA ILAALINTA INTA LAGU GUDA JIRO QIIMEYNTA

Page 9: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 9 ee 16

IV.1.2 DHISMAHA KOOXDA:

Hubso in kooxdaada ay awoodo in ay u gaarto dhammaan shakhsiyaadka iyo beelaha

si isku mid ah.

Waxaad dhistaa kooxdaada ayadoo lagu saleynayo baahiyo kala duwan fursado isku

mid ah ayadoo la tixgelinayo dayacsanaanta iyo weecsanaanta ka dhexjirta bulshada la

beegsanayo. Arrimaha caadiga ah ee la tixgelinayo waa luuqad, dhaqan, dheddig ama

lab, dadka waayeelka ah, dadka naafonimada qaba iyo kala duwanaanshaha

qabiil/qowmiyadeed.

Hubso in aad ku dartid xubno dheddig ah kooxda qiimeynta.

Warbixin kooban sii kooxda qiimeynta oo ku saabsan muhiimadda muujinta dadka,

kooxaha iyo beelaha ugu nugul.

Xasuusi kooxda in warbixinta qiimeyntooda la filayo in ay noqoto heerka ugu

hooseeysa, waxaadna hoosta ka xariiqdaa welwellada ilaalinta ee ugu muhiimsan.

Page 10: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 10 ee 16

IV.1.3 HABKA WADATASHIGA:

Habka wadatashiga: Ka qayb-qaadashada waxqabadka leh ee bulshada la beegsaday

waxay u oggolaanaysaa ka faa’iideysteyaasha, kaliya sare uma qaadeyso baahiyadooda

balse waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa marxaladda qorshaynta jawaabta.

Mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee xog aruurinta ka jirta Soomaaliya waa Wada-

hadalada Kooxda La Soo Xulay (FGDs). Xusuusnow in aad ka qaybgalisid wakiillo ka

socda qabaa’illada laga tiro badan yahay hadba inta aan awoodin Wada-hadaladan

Kooxda La Soo Xulay (FGDs).

Waxaa sida badan dhaca in xubno yar oo ka tirsan bulshada ( sida haweenka, carruurta,

qabaa’illada/qoysaska laga tiro badan yahay, dadka da’da ah iyo dadka baahiyada

gaarka ah qaba) ay awoodi waayaan ka qaybgalka Wada-hadalada Kooxda La Soo Xulay

(FDGs) , sidaas awgeed, waxaad u baahan tahay in aad qabato wada-hadalada koox si

hoosaad ah loo soo xulay iyo kulamo/ xog-wareysiyo gaar ah oo lala yeelanayo kuwa

aan awoodin in ay ka soo qaybgalaan Wada-hadalada Kooxda La Soo Xulay (FGDs) ee

guud.

La hadal kuwa aanan awoodin in ay kula hadlaan (sida carruurta, dadka naafada ah,

shakhsiyaadka waayeelka ah, dadka baahiyada gaarka ah qaba, kuwa laga tiro badan

yahay)

Mabda’a “Dhibaato Ha Geysan” waa in lagu adeegsadaa marxalada qiimeynta ayadoo

laga qaybgalinayo “ka faa'iideysteyaasha aan tooska ahayn” sida bulshada

martigelinaysa. Tani waxay gacan ka gaysaneysaa qaboojinta dhibaatada suurtagalka ah

ama wixii ficil khaldan ah ee laga yaabo in mashruuca uu keeno.

Isku day in aad ballaarisid wada-hadalka ku saabsan baahiyada iyo jawaabta adigoo

wayddiinaya “MAXAY NOQON KARAAN DHIBAATOOYINKA KA IMAAN KARA

GARGAARKEENNA?”

Ka qaybgalka waxqabadka leh ee beesha ka qaybgaleyso qorsheynta jawaabta waxay

wanaajinaysaa saameynta, sii wadeysaa habboonaanta, sare u qaadeysaa dareenka

lahaansho waxayna kordhinaysaa bedqabka ka faa'iideysteyaasha iyo shaqaalaha inta

lagu guda jiro waxqabadka. Sanduuq Lambar: 4

Page 11: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 11 ee 16

Jawaab-celinta caadiga ah ee baahiyada waxaa laga yaabaa in kooxba kooxda kale ay

ka duwanaato; hubso in dadka ugu nugul iyo kuwa aadka loo xaqiray ay wax ka

dhahaan.

Hubso in maamulada ka jira dalka ee shaqeynaya inay ka war hayaan qiimeyntaada si

ay kuu garab istaagaan aadna u yarreysid halista:

Xasuusi maamulada in ay mas'uul ka yihiin bedqabka iyo amniga ka faa’iideysteyaasha

iyo shaqaalaha samafalka ee jooga meelaha maamulkoodu uu ka taliyo- ilaa heerka la

samayn karo – ku dhiirrigeli kana dhaadhici maamulada rasmiga ah in ay u qaataan

mas'uuliyadda waajibaadyadooda si buuxda*heerarka xirfadle ee loogu talagalay ilaalinta ICRC

Page 12: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 12 ee 16

Marxaladan waxaad sameynaysaa dhaqamada ugu wanaagsan, waxaadna fulinaysaa

sameynta baaritaan halis ah si aad u muujisid halisaha iyo nugulaanta waxaadna sii

wadeysaa caqligalka u dhaxeeya aqoonsiga baahiyada iyo marxaladaha gargaarka.

Soo ogow kuna samee qiimeyn dadka uu khuseeyo gargaarka midba midka uu la xiriiro,

doorarkooda, saameyntooda iyo raadka suurtagalka noqon kara in ay ku yeeshaan

waxqabadka. Xaddid isgaarsiinta iyo hababka wadatashiga si aad ugu qaybgalisid ama

aadan ugu qaybgalinin ka qaybqaateyaasha marxaladaha barnaamijka.

Soo ogow ilaha gudaha iyo dibadda ee laga filan karo rabshad, halis, khasab iyo xoog

waana in aad qaadid tallaabooyin lagaga hortagayo ama wax looga qabanayo, lagu

qaboojinayo ama lagu yarreynayo halisahan.

Hubso in halisaha iyo welwellada ilaalinta ee hoosta loogaga soo xariiqay qiimeynta

lagu tixgeliyay qorshahaaga.

Hubso in qorshaha uu muujinayo dadka dhibaatadu ay saameysay, kaliya ma aha sidii ka

faa’iideysteyaal balse sidoo kale sidii ka qaybqaatayaasha waxqabadka leh ee

gargaarka.

Xaddid halisaha laga yaabo in mahsruuca uu uga tago ka faa’iideysteyaasha iyo bulshada

martigelinaysa waxaadna qaadaa tallaabooyin aad lagu qaboojinayo halisahan inta lagu

guda jiro marxaladaha hirgelinta iyo ka warbixinta.

Hubso in qorshaha uu wax ka qabanayo baahiyada gaarka ah ee kooxaha iyo

shakhsiyaadka ugu nugul , arrimaha khuseeya jinsiga waa baahiyada daran ee mudan in

la siiyo tixgelin gaar ah marka la joogo marxalada qorshaynta, xusuusnow in dadka

waayeelka ah iyo dadka naafonimada qaba la texgaliyay laguna daray qorshahaaga. .

Haddii loo baahdo, qaabey kadibna ku dar habka beegsashada u nuglaanta qorshahaaga

gargaarka.

Hubso in shaqaalaha hirgelinta mashruuca ay saxiixeen asluubta hab-dhaqanka iyo,

haddii loo baahdo, abaabul fadhiyo dib u eegiis oo ku saabsan mabaad'iida

bani'aadinimo ee aadanaha, madaxbannaanida iyo eex-la’aanta.

II. DHEXGELINTA ILAALINTA MARXALADA QORSHAYNTA

Sanduuq Lambar: 5

Page 13: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 13 ee 16

Hubso in “sinnaanta helitaanka” ee kooxaha ugu nugul ay helayaan adeegyada ay yihiin

kuwo la taaban karo oona la hirgeliyay.

Xubin kasta oo ka mid ah shaqaalaha hirgelinta waa in uu ogsoonaadaa baahiyaha

gaarka iyo dareenka aadka ah ee jinsiga, qabiilka, iyo da’da ee ka dhexjirta bulshada la

beegsaday.

Ka faa'iideysteyaasha iyo bulshada ku hareeraysan waa in ay ogsoonaadaan

TAARIIKHDA/AHA IYO GOOBTA/AHA ee waxqabadka.

Hababka jawaab-celinta (ashtakada) waa in ay shaqeeyaan oo ay dhammaan ka

faa’iideysteyaashana ogsoonaadaan. Habka waa in si fudud loo isticmaali karo waana in

ay u gaari karaan dhammaan si eex la'aan ah oo ay ka mid yihiin kuwa la xaqiray iyo

dadka waxna akhrin karin waxna qori karin.

Goobta, SII SOCODKA iyo SOO NOQODKA ee halka mashruuca laga hirgeliyay waa in ay

ahaataa mid bedqabta oo qof kastana uu gudbi karo. Dhamaanshaha mashruuca

micnaheedu ma aha in ay dhamaatey mas’uuliyada, gargaar siinta waa in aysan u

keenin ka faa’iideysteyaasha halis nooc kasta ah.

Yaree Halisaha oo Dhibaatona Ha Geysan: hubso in kuwa ugu nugul iyo kuwa AANAN

WOODIN IN AY MARAAN HABRAACYADA KA FAA’IIDEYSASHADA CAADIGA AH la siiyay

fursado is ku mid ah.

Hubso in kooxaha iyo shakhsiyaadka nugul ay awoodaan in ay u helaan adeegyada si

isku mid ah oo aan takoorid lahayn – hubso in geedi-socodka bixinta adeegga uusan

keenin wax Ka-faa'iideysi galmo la xariira ama xad-gudub loo geysto gabdhaha, wiilasha,

haweenka ama ragga. Adeegso mabdaad'iida ah “baahiyo kala duwan fursado isku mid

ah."

Sanduuq Lambar: 6

Dhammaan welwellada ilaalinta ee la muujiyay, lagu taliyay, la qaabeeyay ama la

qorsheeyay waa in LA DHAQAN GELIYAA marka la joogo marxalada hirgelinta. Liis ku qor

dhammaan welwellada ku jira qaabka iyo qorshaha gargaarka waxaadna hubsataa in

dhammaan khuseymahan la tixgeliyo laguna darayo marxalada hirgelinta.

III. DHEXGELINATA ILAALINTA WAQTIGA FULINTA MASHRUUCA

Page 14: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 14 ee 16

Xusuusnow in aad ka soo warbixisid dhacdooyinka ilaalinta gaarka ah ee dhacay ama la arkay

inta lagu guda jiray hirgelinta iyo sida ay kooxda uga hadashay xaaladahan. Ka digtoonow in

dhacdooyinka ilaalinta ay yihiin kuwa dareen aad ah leh ayna tahay in loola tacaalo si qarsoodi

ah oo xad dhaaf ah.

Marxaladaha Korjoogteynta, Qiimeynta iyo ka warbixinta waa in ay dib-u hubin ku sameeyaan

warbixinnada jawaab-celinta waana in ay aruuriyaan jawaab-celinta ku saabsan hirgelinta ee

dadka ay khuseyso (oo ay ka mid yihiin maamullada degaanka, bulshada martigelinaysa iyo

beelaha nugul iyo kuwa la xaqiray).

Qaabka guud ee macquulka ah iyo isku-xirnaanta arrimaha ilaalinta: xaqiiji haddii arrimaha la

soo hadal qaadey inta lagu guda jiray marxaladda qiimeynta lagu darey marxaladda qorshaynta

iyo in dhab ahaantii lagu hirgeliyay goobta.

Ururi tusaalooyin yar oo muujinaya habka mashruuca uu wax ugu qabtey “Dhibaato Ha Geysan”

waxaadna diiwaangelisaa wixii welwello ah ee la xiriira amniga ee laga yaabo in ay saameeyeen

ka faa'iideysteyaasha inta lagu guda jiray marxaladda hirgelinta.

Hubso in warbixinadaada ay ku jiraan casharro iyo talooyin la bartey .

Dhexgelinta Ilaalinta waxqabad kasta ee haqab-beelka cunto waa geeddi-socod

dhaqdhaqaaq badan leh oo adag in la fahmo. Qalabyada warbixinta iyo korjoogeynta

iyo qiimeynta qaarkood waxaa laga yaabaa in aysan u qoondayn boos kaafi ah si

looga warbixiyo, loo korjoogteeyo ama loo qiimeeyo arrimaha ilaalinta. Sidaa

awgeed, qalabyadan waxay u baahan yihiin in loo sameeyo hab ku xisaabtamaya

arrimaha ilaalinta sida hoose lagu sharxay Sanduuq Lambar: 7

IV. ILAALINTA OO LA DHEXGELINAYO MARXALADAHA KA

WARBIXINTA, KORJOOGTEYNTA IYO QIIMEYNTA

QIIMEYNTA GUUD WAA IN AY GO'AAMISAA HADDII:

MASHRUUCA UU GACAN KA GAYSTEY IN LAGA DHIGO DADKA KUWO U DHABAR ADAG HALISAHA ILAALINTA EE

AY KU SUGAN YIHIIN.

MASHRUUCA UU SII XOOJIYEY XUQUUQDA AADANAAHA, UUNA XAQIIJIYAY HELITAANKA SINNAANTA EE KA

FAA'IIDEYSTEYAASHA U YEELANAYAAN ADEEGYADA.

KOOXAHA IYO SHAKHSIYAADKA UGU NUGUL IYO DADKA BAAHIYADA GAARKA AH QABA LAGU DAREY,

BAAHIYAHA KALA DUWAN EE HAWEENKA, RAGGA, GABDHAHA IYO WIILASHA SI ISKU MID AH LOO TIXGELIYAY

IYO IN XUQUUQAHOODA AANAN LAGU XADGUDBIN.

MASHRUUCA UUSAN DHIBAATO U GEYSAN BULSHADA IYO WAXA AY YIHIIN CASHARADA LAGA BARTEY

MUSTAQBALKA.

Page 15: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 15 ee 16

Waxaan la hadalnay, oo aan tixgelinay baahiyaha dhammaan dadka ay khuseyso iyo

kuwa aanan nala hadli karin. Waxaa na heli karey oo nasoo gaari karey qof kasta.

Waxaan qorshaynay oo aan qaabeynay barnaamijkeena annagoo hubinayna in qofna

laga tagin ama loo geysan dhibaato ay sababeen waxqabadyadeena. Waxaan

sameynay oo aan baarnay doorarka iyo waajibaadyada kuwa laga yaabo in ay

saameyn ku yeeshaan mashruuca, waxaana sidaa daraadeed ka qaybgalinay

waxqabadyadeena. Waxaan yareynay suurtagalnimada ah in aan wajahno caqabado

aanan la filayn inta lagu guda jiro marxalada hirgelinta.

Hirgelinta waxaa loo sameeyay si bedqabta; qofna lama dayacin, laguma xadgudbin,

lama takoorin, lagumana danaysanin sida dadka waayeelka ah, haweenka, ragga,

gabdhaha iyo wiilasha. Kooxaha laga tiro badan yahay, qabiilada, shakhsiyaadka iyo

dhammaan dadka kale ee aadka loo danaynayo ee lagu muujiyay qiimeynta baahiyaha

waa lagu darey waana la caawiyay. Waxaan si firfircoon uga qaybgelinay bulshada

waxaana sii xoojinay dareenka lahaansho iyo mas'uuliyadeed. Waxaan hubsaney in

jawaabteenna ay tahay Jawaab ku saleysan Baahiyada.

Warbixinadeena, Korjoogeynta iyo Qiimeynta waxay caddeeyeen haddii

shakhsiyaadka iyo beelaha ugu nugul la caawiyay iyo in qofna dhibaato loo geysanin

ama laga reebin in uu ka faa'iidaysto waxqabadka. Ma aanan ku lug yeelanin wax

khilaaf ama ismaandhaaf ah. Shaqaalaheenna waxay ku dhegganaayeen mabaadiida

bani'aadanimo. Waxaan baranay casharo loogu talagalay waxqabadyadeenna xiga.

WAXAA MAHAD ISKA LEH WAXQABADKEENNA

HAQAB-BEELKA CUNTADA, BULSHADA WAXAY

NOQOTAY MID AAD U XOOGGAN OO AWOOD U

LEH IN AY IS ILAALISO.

Page 16: hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo muhiim

Bogga 16 ee 16

KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE

SOOMAALIYA

LIISTO-HUBINEEDDA DHEXGELINTA

ILAALINTA

SOMALIA