dayax magazine kk s 1 november 2009 - hiiraankk s 1 page 1 1 november 2009 dayax magazine hordhac...

37
kk s 1 Page1 Page1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la mideeyo ururada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Sweden. Ujeedooyinka Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed ee Sweden waxaa ka mid ah: § In lagu dhiirigeliyo dhalinyarada in ay ka qayb qaataan horumarka dalka Sweden, § In lagu barbaariyo dhalinyarada habka ama hanaanka demoqradiyada, § Ka shaqaynta sinaanta xagga xuquuqda ay leeyihiin mujtamac kasta ee dalka Sweden ku nool, islamarkaas dar dar gelinta habka isla noolaashaha bulshooyinka kala duwan, § La dagaalanka ama ka hortagga dhibaatooyinka lagu hayo haweenka iyo soo celinta xuquuqdooda, § Abaabulida ciyaaraha kala duwan, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dhalinyarada si ay dhalinyaradu u helaan fursad ay ku tijaabiyaan himiladooda ku aadan ciyaaraha, § Agaasinka kulammo ama xaflado ku saabsan hirgelinta hiddaha iyo dhaqanka aan asal u leenahay, si dhaqankeena soo jireenka ah loogu gudbiyo jiilka cusub, § Ku dhiirigelinta dhalinyarada dhanka waxbarashada, iyo § Kor u qaadida wada shaqeynta naga dhaxeysa ururada Caalamiga ah. Organisationen SSUF har avsikt att publicera en tidning på Somaliska språk per kvartal, med syfte på underlätta somaliska grupper och inte minst ny anlända somaliska flyktingar att får samhällsinformation av lika slag på sitt eget modersmål. Vi prioriterar att somaliska grupper hänga med de aktuella förordnigar, regler, och direktiv som verkställs av statliga myndigheterna liksom skolverket, migrationverket, försäkringskassa, arbetsmarknadsstyrelse, socialstyrelsen etc. Samhällsinformationen gäller i olika områden liksom sociala, politiska, kultur, sport, modell, nya teknologi, internationella, regionnala och lokala samhällsaktuella frågor, samt sport. Organisationens styrelse anser att alltfler den somaliska gruppen växer och samtidigt flyktingströmmar med somalisk bakgrund ökat, vilket efterfråga om en Somalisk tidning kom från målgruppen somalier i Sverige, då vi tog initiativet att satsa på publicering av Somalisk tiding, som kom ut varje kvartal. Vi fokuserar dels att skriva aktuella samhällsfrågor liksom demokratis spelregler grunderna för vårt demokratiska statsskick, hur världsamfundet fungerar FN och EU. AHMED HASSAN Somalisk-Svenska Ungdomsriksförbund (SSUF) 1

Upload: others

Post on 25-Jan-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

1

Pa

ge1

P

age

1

1

November 2009 Dayax Magazine

Hordhac

Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta,

ujeedada loo aas aasayna waa in la mideeyo ururada

dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Sweden.

Ujeedooyinka Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada

Somaliyeed ee Sweden waxaa ka mid ah:

§ In lagu dhiirigeliyo dhalinyarada in ay ka qayb

qaataan horumarka dalka Sweden,

§ In lagu barbaariyo dhalinyarada habka ama

hanaanka demoqradiyada,

§ Ka shaqaynta sinaanta xagga xuquuqda ay

leeyihiin mujtamac kasta ee dalka Sweden ku

nool, islamarkaas dar dar gelinta habka isla

noolaashaha bulshooyinka kala duwan,

§ La dagaalanka ama ka hortagga

dhibaatooyinka lagu hayo haweenka iyo soo

celinta xuquuqdooda,

§ Abaabulida ciyaaraha kala duwan, kaas oo

ay ka qayb qaadanayaan dhalinyarada si ay

dhalinyaradu u helaan fursad ay ku

tijaabiyaan himiladooda ku aadan ciyaaraha,

§ Agaasinka kulammo ama xaflado ku saabsan

hirgelinta hiddaha iyo dhaqanka aan asal u

leenahay, si dhaqankeena soo jireenka ah

loogu gudbiyo jiilka cusub,

§ Ku dhiirigelinta dhalinyarada dhanka

waxbarashada, iyo

§ Kor u qaadida wada shaqeynta naga

dhaxeysa ururada Caalamiga ah.

Organisationen SSUF har avsikt att publicera en tidning på Somaliska språk per kvartal, med syfte på underlätta somaliska grupper och inte minst ny anlända somaliska flyktingar att får samhällsinformation av lika slag på sitt eget modersmål. Vi prioriterar att somaliska grupper hänga med de aktuella förordnigar, regler, och direktiv som verkställs av statliga myndigheterna liksom skolverket, migrationverket, försäkringskassa, arbetsmarknadsstyrelse, socialstyrelsen etc. Samhällsinformationen gäller i olika områden liksom sociala, politiska, kultur, sport, modell, nya teknologi, internationella, regionnala och lokala samhällsaktuella frågor, samt sport. Organisationens styrelse anser att alltfler den somaliska gruppen växer och samtidigt flyktingströmmar med somalisk bakgrund ökat, vilket efterfråga om en Somalisk tidning kom från målgruppen somalier i Sverige, då vi tog initiativet att satsa på publicering av Somalisk tiding, som kom ut varje kvartal. Vi fokuserar dels att skriva aktuella samhällsfrågor liksom demokratis spelregler grunderna för vårt demokratiska statsskick, hur världsamfundet fungerar FN och EU.

AHMED HASSAN

Somalisk-Svenska Ungdomsriksförbund (SSUF)

1

Page 2: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

2

Pa

ge2

P

age

2

2

Tidningen blyser ungdomaras enagemang i samället, informera om hur man övergår från en passiv medborgare till en aktiv politiskt engagerad aktör, som kan påpverka beslutfattarna och deltar utformande av de politiska processerna. Tidningen visar hur man kunna tillämpa ett källskriftiskt argument. Vi följer upp också sportartiklar som skrivs av välkända Europeiska tidingar, och översätta dem till Somaliska för att informera målgruppen sportaktiviteterna som pågår ute i Europa. Det handlar om att uppmuntra ungdomarna att satsa på sport detta är ett sätt att bekämpa narkotika spriding bland ungdomara, eftersom det är viktigt att sysselsätta ungdomarna anars de kommer får mer tid till destruktiva handlingar. Tidningen ges också en väldetaljerad bild om hälsoinformation, som innebär dels information om aktivitetera som utförs i Barnvårdcentralen, samt informationen om vaccinering mot olika sjukdomar. I Sverige har alla barn mölighet att vaccinera sig enligt ett särskilt program, som ger skydd mot olika sjukdomar. Denna grundvaccinering är kostnadsfri och frivillig. Anledingen till allmän vaccination är att förhindra vissa sjukdumar som kan ge allvarliga skador. De minsta barnen vaccineras på Barvårdscentralen medan skolbarnen får sina vaccinationer genom skolhälsovården. Det svenska vaccinationsprogrammet följer Rekomandering från Landstinget.

ANIJA JOHANSSON

MUBARAK A/RAHMAN

Dayax Magazine

November 2009

2

Page 3: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

3

Pa

ge3

P

age

3

3

waqtiyada fasaxa, Qoddobadii ka soo baxay shirkaasi waxaa ugu muhiimsanaa in ururka (SSUF) uu furi doono xarun cusub oo loogu talo galay dhallinyarada Soomaaliyeed, goobtaasi oo door weyn ka qaadan doonta horumarinta iyo wacyi gelinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo muddooyinkan dambe lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen kalintooda, iyadoo laga dareemi karro goobaha qaldan ee ay ku qaataan wakhtiga sida hareeraha halka looga soo baxo tareenka.

Goobtaasi oo ay ku ahayd caqabad dadweynaha socotada ah, iyadoo inta badan ay ka caban jireen dhallinyarada hor tuban albaabka laga galo tareenka, iyadoo inbadan lagu rajo weyn yahay iney suuli doonto caadadaasi wakhti aan fogeyn, si tartiib tartiib ah, oo ay u gudbi doonaan inay qabatimaan goobaha cusub ee loo diyaariyay haddii ay helaan xarunta laga furi doono xaafadda Rinkeby. Masuuliyiintii shirkaas ka soo qayb gashay waxay ballan qaadeen in ay gacan ka geysan doono furitaanka xaruntaasi.

Shir uu soo qaban qaabiyay ururka SSUF oo looga hadlay

baahiyaha dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan Rinkeby

8 Febraury 2009 Stockholm) Shir ay iskugu yimaadeen dhinacyada kala duwan ee ururada, bulshada rayidka, iyo madax ka socota maamulka dowlada Sweden oo uu metelayo ku xigeenka duqa magaalada Stockholm Mr. Joakim Larsson, waxyaabihii looga hadlay shirkaasi waxaa ka mid ahaa dhallinyarada baahida ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Rinkeby iyo sidii ay u heli lahaayeen xarun ay ku nastaan

November 2009

Delete text and place photo here.

Dayax Magazine

3

Page 4: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

4

Pa

ge4

P

age

4

4

Waxaa laga xusay isla goobtaasi in ay shaqadii iskaga tagtay guddoomiyihii hore ee ururka Xamdi Cali Yuusuf, oo booskeedii lagu beddelay guddoomiye cusub ee lagu magacaabo Amaal Cabdi Cali, iyadoo Xubnihii kalena ay sidoodii u sii wadan doonaan shaqadii ay u hayeen bulshada.

Isku dubaridaha ururka SSUF Axmed Xasan wuxuu u soo bandhigay xubnaha maamulka ururka uu ka mid noqon doono Xasan Saciid ”Xasan Waqooyi”, kaas oo ahaan doona hagaha, jiheeyaha, hawlaha arrimaha dhallinyarada iyo horumarinta ururrka.

Waxaa halkaasi uu soo bandhigtay maamulka ururka (SSUF) codsi ku saabsan baahida ururka uu u qabo in loo fidiyo kaalmo dhaqaale iyo waxbarasho ku saabsan habka mashaariicda loo maamulo, mashruucyada waaweyn iyo kuwa yar yar, iyo qaabka loo dalban karro.

INSERT TEXT OR LOGO HERE.

Ururka SSUF oo soo qaban qaababiyey aqoon is wey daarsi socday labo maalmood

13-14/02/2009) Waxaa ka furmay Hotel Ibis Spånga (SSUF) Aqoon Is weydaarsi socday mudo labo maalmood waxaana soo agaasimay isu duwaha ururka SSUF (Mr Ahmed Hassan), kulankaasi oo ku saleysnaa u gogol xaarida qorsheyaasha wax qabad iyo hawlaha u yaal ururka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ururrada xubnaha ka ah ururka, waxaa la isku dhaafsaday doodo ah qorsheyaasha horyaal ururka iyo inay soo gudbiyaan ururrada xubnaha ka ah ururka waxqabadkooda iyo xisaabxirka ururka. Waxaa la isku wargeliyay kulankaasi in uu jiri doono dhisme cusub ee loo furi doono ururku taas oo loogu tala galay dhallinyarada taas oo ay u qabaan baahi carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Rinkeby iyo agagaarkeeda.

Ujeedadka loo dalbaday xaruntan oo ah in ay dhallinyaradu fursad u helaan inay daboolanto baahidooda, taas oo ay ugu horreyso in laga saacido duruusta ay ku soo qaataan dugsiyada iyo in loo agaasimo xafladaha qalin jabinta sannad dugsiyeedka schoolka, inay noqoto meel la isku gudbiyo fikradaha saxda ah, iyadoo la igu ilaalin doono kobcinta luuqada afka hooyo, iyo erey bixinta, waxaana iman doonta inay ka mid noqon karto Meelaha Marjaca u ah luuqada somaliga, oo laga heli karro waxyaabaha astaamaha u ah hidahadhaqanka, iyadoo ay u noqoto bulshada Somaliyeed goob la isku waaniyo oo lagu faro wax kasta oo wanaaga.

Xaruntan waxaa loogu tala galay dhallinyarada da´doodu u dhexeyso 12 – 24 jir, kuwaas oo u baahan gargaar dheeri ah, waxaana loogu talagalay inta ay joogan xarunta, in la baro dhaqanka iyo hiddaha Soomaliyeed si ayan u ilaawin hidihii wanaagsanaa ee uu lahaan jiray somalida, waxaana u diyaar ah dad takhasus ku ah waxyaabaha oo u heelan iney u hagar baxaan rabitaankooda.

AMAL ABDI

Dayax Magazine

November 2009

4

Page 5: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

5

Pa

ge5

P

age

5

5

November 2009

SSUF oo Shir gaaban la qaatay ku-xigeenka gudoomiyaha golaha

degaanka

2009-02-16 Stockholm) madax ka socoto ururka SSUF ayaa ku booqday, shirna kula qaatay halkaas gudoomiye ku-xigeenka gudida golaha degaanka ee magaalada Stockholm Ann Margarethe.

Shirkan waxaa laysku waydaarsaday loogana hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa xalinta dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaafadda Rinkeby deggan.

Ann Margarethe waxay halkaas ka soo jeedisay talooyin uu ku xalin karro mashaakilaadka ururka isla markaana uu uga hortegi karo dhibaatooyinkan, waxaana ka mid ahaa in ururku uu xafiis u furo dhallinyarada, midkaas oo loogu diyaarin doono waxyaabaha ay ka heli karran dhalinyarada ee ay u qabaan baahida, isla markaasna ururka lagala shaqeeyo sidii uu u heli lahaa mashaariic uu ku daboolo arrimahaasi, iyadoo ballan qaaday Ann Margarethe, iney la garab joogto wax walba oo dhallinyaradan wax loogu qabanayo.

Dayax Magazine

5

Page 6: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

6

Pa

ge6

P

age

6

6

khibradooda aqooneed bulshadda ay la nool yihiin, oo ay ugu degi lahaayeen degaan (meydaan Al camali) oo ay ugu qabtaan aqoontoodii braktically, iyagoo bartilmaameedsan doona qof walba Majaalkiisa waxbarasho, tusaale ahaan caafimaadka, ama ha noqdo dhinaca siyaasadda iyagoo la shaqeynaya standerka dalalka yurub. Dhallinyaradii ka soo qeyb gashay dood cilmiyeedkan ayaa tiradooda waxa ay gaareysey ilaa 50 dhallinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, iyagoo ka kala yimid dalal kala duwan sida Holand, Danmark, Finland, Ingiriiska iyo dalal kale oo yurubta ka mid ah. Waxaa ugu horeyntii furitaankii xafladdaas hadallo koo-kooban ka soo jeediyay xoghayaha waxbarashada ee ururka SSUF Mubaarak Cabdiraxmaan oo sheegay sida maanta loogu baahan yahay in dhallinyaradu ay uga dhex muuqdaan bulshada ayna wax la qeybsadaan asagoo caddeeyay in ay dhallinyaradu yihiin kuwa bulshada haga. Sidoo kale waxaa iyagana halkaas ka hadlay mus'uuliyiin ka socday dowladda Swedan, Ann Margarethe, Amineh Kakabareh, Bo Sundin, waxayna dhamaantoodba sheegeen iney lagama maarmaan tahay sidii ay dhallinyaradu bulshada ay la nool yihiin uga cayaari lahaayeen door muuqda, ayna

Dood Cilmiyeed uu soo abaabulay ururka SSUF oo lagu qabtay hotel Ibis

25-02-2009) Dood cilmiyeed ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka SSUF oo ka furmay magaalada stockhlom ee dalka swedan.

Dood cilmiyeedkan oo si weyn loo soo agaasimay wuxuu socday mudo saddex maalmood ah, waxaana soo qabanqaabiyay ururka Somali Swedish Youth Association (SSUF), waxaa uu ka dhacay kulankaasi hotelka Ibis Stockhlom Swedan.

Dood cilmiyeedkaan ayaa looga dooday sida dhallinyarrada Soomaaliyeed ee ka baxday jaamacaddaha iyo dugsiyada sarre sidii ay ugu faaideyn lahaayeen

CAPTION YOUR PHOTO HERE

Dayax Magazine November 2009

6

Page 7: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

7

Pa

ge7

P

age

7

7

aad ugu faraxsan yihiin dadaalka ay sameeyeen ururka dhalinyarada ee SSUF oo isku taxalujiyey sidii ay isugu keeni lahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku kala nool waddamo kala gedisan isla markaasna ay uga doodi lahaayeen sidii ay bulshada kale ee ku nool Yurub ay wax ula qeybsan lahaayeen. Dhanka kale dhallinyaradii halkaas isugu timid oo kala kala socday ururro dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo ka dhisan waddamada Yurub ayaa ahaa gebi ahaanba kuwa ku faraxsan kulankooda ay uga hadlayeen arrimahaan iyaga dhallinyaro ahaana ah khuseysa, sidii ay kaalintooda uga soo dhalaali lahaayeen isla markaana ay bulshada sugeysa wax ugu qabtaan. Ma aha markii ugu horreysey ee uu ururkan SSUF uu qabto kulamo noocaan oo kale ah oo lagu qabto sannad walba dalka Swedan. Dood cilmiyeedkaan oo ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay isla markaana ay dhallinyaradu ku lafo gureen dhibaatooyinka ay ku jiraan dhallinyarada iyo sida looga bixi karo, ayaa waxay ku soo gabagabowday sidii loogu talo galay, iyadoo mar kale dib la isugu soo noqon doono maalinka maanta ah haddii Allaha awoode leh uu idmo.

Dayax Magazine

November 2009

7

Page 8: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

8

Pa

ge8

P

age

8

8

Ururka SSUF oo ka Furay Rirkebay Xarun Cusub Waxaa la furay 3 March 2009 xarun cusub oo loogu tala galay dhallinyarada Soomaaliyeed, iney uga faaideystaan kor u qaadida aqoontooda, isla markaa ay kaga kaaftoomaay dibad istaaga centerka oo muddooyinkan dambe ay caadeysteen Furitaanka xaruntan waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa la socodka waxqabadka iyo u kuurgelidda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxayna loogu diyaariyay goobtaasi in ay ka helaan waxyaabo badan oo maaweelo ugu filan marka ay nasashada ku jiraan. Xaruntaan furitaankeeda, waxaa ka soo qayb galay mas´uuliyiin badan oo ka kala socday hayadaha dawliga ah, waxaa isla goobtaasi ku soo dhoweeyay mas´uuliyiintaas ururka, oo ay ugu horreyso Amaal Cabdi oo ah guddoomiyaha ururka, Axmed Xasan oo ah Iskuduwaha ururka SSUF iyo Anija Johansson oo ururka u qaabilsan isku agaasinka hawlaha mashaariicda, waxaana ka mid ahaa mas´uuliyiintaas:- Joakim Larsson ku xigeenka duqa magaalada Stockholm, Ann-Margarethe Livh ku xigeenka duqa magaalada ee dhinaca mucaaradka golaha deegaanka, Ditte Berglund Madaxa qaybta Booliska Gobolka, Johnny Lindh Madaxa Booliska degmada. Susanne Tengberg Madaxa waxqabadka degaanka, Cawad Xersi oo ka socday Xisbiga Bay´adda (Miljöparti) iyo Mustafa Ismaaciil oo ka socday Suuqa shaqada Kista. Masuuliyiintaas oo dhan waxay ka hadleen muhiimadda ay u leedahay xaruntan cusub dhallinyarada Soomaaliyeed oo muddooyinkan dambe aan lahayn meel ay waqtiyada firaaqadaha ah ku qaataan, ayna dhacdo is fahan waa soo kala dhex gala jirtay mar walba isku dhaca hayadaha nabadgelyada iyo iyaga. Marti sharaftii halkaas isugu timid waxaa lagu soo dhoweeyay cabbitaan iyo cunto khafiif ah.

Dayax Magazine

November 2009

8

Page 9: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

9

Pa

ge9

P

age

9

9

si ay isu dhaafsadaan fikradaha iyo talooyinka, waxaa aad looga dooday sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyada waddamada Reer Galbeed, gaar ahaan dalka Ingiriiska oo ay ku xiran yihiin dhallinyaro aad u badan, kuwaas oo u baahan dhaqan celin iyo tarbiyad cusub oo looga suulinayo dhaqan xumida iyo fal dambiyeedka joogtada ah si looga hor tago dhaqan xumida iyo jahawareerka ku imaan karra dalka iyo bulshadaba. In loo cayimo gudi sameeysa xoojinta cilaaqaadka da’a yarta asal ahaan somaliyeed ee ku wada nool dalalka reer galbeedka, si loo sii kobciyo wada shaqeynta oo la siyaadiyo kalsoonida, si loo helo dan caam ah, waxaa tusaale loo soo qaatay tartannada ka dhaca Yurub iyo Waqooyiga Ameerika xilliyada xagaaga, kuwaas oo loo arkay in ay muhiim tahay in la mideeyo, loona sameeyo nidaam ka duwan kuwa hadda ay ku socdaan, iyagoo lagu kordhinayo arrimo kale oo ku saabsan wacyi gelinta iyo kobcinta garaadka aqooneed ee dhallinyarada, loona abuuro jawi ay ka muuqato soo jiidasho iyo xiiso gelin joogta ah. Wafdigii ururka SSUF shirkaas uga qayb galay wuxuu soo jeediyay in la mideeyo waxqabadka ururrada ku shaqada leh dhallinyarada ee ka diiwan gashan waddamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, loona sameeyo guddi joogta ah oo isku xira dhammaan ururrada qaban-qaabiya tartannada ka dhaca Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, si looga fogaado isjiid-jiid iyo kala fogaasho abuuri karta jawi colaadeed ee ka dhex dhasha bulshada qurbo joogta Soomaaliyeed

Ururka SSUF oo Lagu Casumay Shirka Dhacay Canada

10 March 2009, Ururka SSUF wuxuu ka qayb galay Nadwo aqoon kororsi ah, barnaamijkaasi oo laga hirgelyay dalka Canada, waxaana saami fiican ka qaatay kulankaas dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool waddamada Nourth America. Shakhsiyaad ka kala socda dalal badan ayey u suurtogashay iney ka soo qayb galaan kulaankaas Shakhsiyaadkii masuuliyiinta ahaa ee ka soo qeyb galay shirkaasi waxay muujiyeen inuu jiro rabitaan badan oo ku saleysay kulamo is dabo joog ah oo lagu qabto waddamo kale, si loo derso dhibaatooyinka iyo waxqabad la´aanta ka jirta waddamada ay ku nool yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

CAPTION YOUR PHOTO HERE

Dayax Magazine November 2009

9

Page 10: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

10

Pa

ge1

0

Pa

ge1

0

10

INSERT TEXT OR LOGO HERE. www.website.com

Ururka SSUF oo xiriir la sameyay dowlada Djibouti

24 Maarso 2009) Axmed Xasan oo ah agaasimaha iyo isku xiraha ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Sweden (SSUF) oo shalay warfidiyeennada kula hadlay Hotelka Shareton ee dalka Jabuuti ayaa sheegey in arrimaha safarkiisa ugu weyn ee uu Jabuuti ku joogo ay ka mid yihiin siddii ay xariir ula sameysan lahaayeen urur ahaan hay'adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha dhallinyarada iyo is-dhexgalka bulshada ee ka jira dalkaan Jabuuti, sida Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo waliba ururrada dhallinyarada, waxaana uu Mr, Xasan sheegey in uu xiriirkaasi bilawday haatanna uu marayo meel wanaagsan.

“Halkaan waxaan u nimid waxaa ka mid ahaa in aan xiriir la sameyno dowlada Jabuuti gaar ahaana hay'adaha guud ee arimahaasi ku lugta leh oo aan isla shaqeyno, qeybta dumar oo kale hadda annaga aad ayey muhiim noogu tahay, qeybta dhaqanka, sidoo kale tan ciyaaraha hay'ada dhallinyarada, ayuu yiri agaasime Axmed Xasan”.

Masuulkaan ka tirsan ururka dhallinyarada Soomaalida ee dalka Swedan ayaa sheegay in shalay ay la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Soomaaliya Suleemaan Colaad Rooble, isla markaasina ay kala hadleen qaabkii urur ahaan ay ula shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaana uu Axmed Xasan sheegey in wasiirku uu soo jeediyay in ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya u soo diraan guddi ka socda ururka USSUF, kaasi oo soo qiimeeya wixii ka urur ahaan ay musaacadaad ka geysan karaan howlaha dib u dhiska dalka, sida garoomada ciyaaraha Muqdisho oo uu burbur xooggani ka soo gaaray 19kii sano ee ay dagaallada ka socdeen dalka Soomaaliya.

Agaasimaha ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Swedan waxa uu sheegey in ay qorshaha ugu jirto haddii ay degto xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho, in ay ka furtaan xarun, taasi oo halkaasi ka fulisa howlaha wax qabad ee USSUF oo hadafkiisu yahay gacan qabashada danyar iyo weliba is-dhexdexgalka dhallinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Agasimaha ururka SSUF ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha ururkani iyo weliba wixii ay qabteen intii ay jireen, waxaana uu sheegay in dhidibada loo aasay ururka SSUF sannaddii 2004tii ayna ku midaysan yihiin 38 urur dhallinyaro ah oo ka jira dalka Swedan, isagoo daboolka ka qaaday in ay wax weyn ka qabteen howlihii ururkaan loo furay oo ay ka mid tahay sidii loo gacan qaban lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha u soo cararay xilliyaddii dagaallada gaar ahaana sidii looga caawin lahaa

Dayax Magazine

November 2009

10

Page 11: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

11

Pa

ge1

1

Pa

ge1

1

11 11

dhinaca luuqadaha waxbarashada inta ay ku guda jiraan waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiga laga bilaabo fasalka 4aad ilaa kan 9aad arrintaasina ay gacan lixaad leh ka geysteen, isagoona intaasi ku raaciyey in ay waxqabadkooda qeyb ka tahay qaybaha ciyaaraha Soomaaliyeed ee dalkaasi Sweden ka jira. Wuxuu hadda ururku qayb ka yahay wafdiga ciyaaraha ee qurbo joogta ee dalkan u yimaada sannad walba ciyaar saaxibtinimo, wuxuuna door weyn ka qaataa ka qayb galka dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna bixiyaa sannad walba kharajka ku baxaya safarka iyo labiska kooxaha ka qayb gelaya tartanka.

Axmed ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ururkaan intii uu jiray gaar ahaan markii la aas-aasay oo ay dhib fara badan kala kulmeen sidii loo fahamsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed iyo waliba dowlada Swedan oo uu ururkani ka dhex shaqeynayo, waxaana uu ugu dambeyntii sheegey in ay arrintaasi ku guulaysteen oo SSUF uu mideeyay dhallinyarada Soomaaliyeed, kuna dhiirigaliyey in ay wax la qeybsadaan dhallinyarada ka kala yimaada qowmiyadaha kala duwan ee dalka Swedan ku nool, sidoo kalena uu ku guulaystay ururkaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (SSUF) in ay aaminto dowlada Swedan oo uu xubin ka noqdo 93 urur ee dalkaasi ka jira, dowladana ay gacan weyn ka geysato iyadoo bixisa dhaqaale sannadeedka ku baxaya howlaha ay fulinayaan.

Dayax Magazine

November 2009

Page 12: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

12

Pa

ge1

2

Pa

ge1

2

12

kuwaasoo oo ay ka mid yihiin kuwa awood u leh

iney gaarsiiyaan aqoonta caqliga ardeyda iyo

qadarka fahankiisa, iyadoo ay noqon karto sifo in

macalimiinta badankood ay yaqaaniin afar

luuqadood marka lagu darro midka hooyo, Arabic,

English, Swedish, Somalia.

Ardayda halkaas caawinaad ka heli doonta waxay ka kooban ardayda dhigata fasalka 4aad ilaa kan 9aad, iyagoo heli doono kaalmo dheeri ah oo dabooli doonta baahidooda. Waxaa kale oo halkaas ka heli doonaan waxbarashada luqadda afkooda hooyo, dhaqankooda iyo sheehooyinka soomaalida ay hiddaha u leeyihiin, kuwaas oo ay soo diyaarin doonaan dad aad u yaqaan sheekooyinkii soo jireenka ahaa ee ka koobnaa kuwo mala-awaal ah (khiyaali) iyo kuwo run ah oo jiilba-jiil u soo gudbiyay. Waxaa kale oo halkaasi lagu qaban doonaa muxaadarooyinka, shirarka iyo aqoon kororsiga maaddooyinka iyo khibradaha kala duwan. Waxaa jiri doona maalmo loogu tala galay gabdhaha kaliya, kuwaas oo qabsan doono howlo iyaga u gaar ah, waxaana ka mid ah maalmahaas maalmaha arbaca iyo axadaha. Waxaa kale oo jiri doona casharro ama muxaadarooyinka ku saabsan sinaanta iyo isdhexgalka bulshada, kuwaas oo ay bixin doonaan khabiiro ku soo takhasusay maadooyinkaas oo jaamacado iyo machadyo kale wax ka dhiga, waxaa kale oo jiri doono waxbarasho loogu tala galay dhallinyarada, kuwaas oo ku saabsan ka hortagga maandooriyeyaasha iyo dambiyada dhallinyarada u horseedi kara mustaqbal xumo iyo niyad jab ku timaada mustaqbalkiisa iyo talooyin kale oo ay soo jedin doono waalidiinta.

Xarunta Cusub ee Ururka (SSUF) oo loo Dooray Goob lagu Dhiso Da’yarta Dhigta

digsiyada Hoose/Dhexe iyo sare

Xarunta laga furtay xaafadda Rinkeby, goobtaas oo loo qorsheeyay in lagu daboolo baahidii ka haystay dhallinyaro somaaliyeed gabaad la’aanta iyo dibad istaagii xiliyada qabowga ama kuleylaha Ibadan, waqtiyada ay dugsiyada lahayn.

Xaruntan waxaa loogu agaasimay

dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka helaan

Tutors ka dhisa madooyinka ku adag

kuwaasoo u leh khibrad wax dhigitaan ugu

yaraa 4 sanno, Waxaa sahal ah iney ku

arkaan macalimta oo heegan ugu ah

xiliyada duruusta la bixiyo,

Dayax Magazine

November 2009

12

Page 13: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

13

Pa

ge1

3

Pa

ge1

3

13

www.website.com

Waxaa dhallinyarada halkaas loogu diyaarin doono dhaqdhaqaaqa ciyaaraha kala duwan oo loo sameyn doono jadwallo u gaar ah iyo meelo kale oo ay ku ciyaaraan noocyada ciyaaraha kala duwa. Wuxuuna qaban-qaabin doona tartamo joogta ah oo loo sameyn doono dhallinyarada, kuwaas oo u tartami doono koox-koox iyo keli-keli, waxaana halkaas loogu diyaarin doono tababarayaal ka caawini doono nooca ciyaareed ee ay doonayaan. Ururka SSUF wuxuu ku dadaalayaa asaga oo maaligelinaya carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliiyed oo ku nool agagaarka Stockholm iyo kuwa kale oo u baahan in la caawino. Waxaa kale oo uu ururku ku faanayaa sida ay isugu xiran yihiin saddexda awoodood oo ay muujiyeen muddadii yareyd ee uu ururka jiray, waxaana ka mid ah isku xirnaashada joogtada ah, waaya-aragnimo iyo khibrad isdhaafsi, horumarinta awood xirfadeed muhiim u ah howlaha uu qabanayo ururku. Kulan ay yeesheen madaxda Ururka SSUF iyo Mr. Magnus oo ah Maamulaha Mashruuca Jarva Lifte

26 April 2009, Stockhlom Fadhi ay yeesheen madaxda ururka (SSUF) iyo Magnus oo ah horjoogaha mashruuca Järva Fältet, waxyaabihii shirkaasi arrimo badan oo ku saabsan sidii dhaqaale loogu heli lahaa xarunta cusub ee laga furay xaafadda Rinkeby. Masuulkan wuxuu ballan qaaday in uu kaalmo ka geysan doono intii karaankiisa ah , hase yeeshee looga baahan yahay masuuliyiinta ururka wacyi gelinta iyo baraarujinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo beryahan dambe ashtakooyin badan laga soo gudbiyay. Xafiiskan wuxuu dhallinyarada ula diyaar yahay, in uu ka caawino shaqo raadinta dhallinyarada soo dhameystay dugsiyada sare iyo kuwa kale oo la siin doono tababarro joogta ah oo ay ku dalbadaan shaqo ama sii wadasho waxbarasho.

Intaas ka dib, ururka SSUF wuxuu mahad ballaaran u soo jeediyay masuulkaas, asagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan oo uu u tixgeliyay, iyagoo u rajeeyay in ay yeelan doono xiriir joogta ah, si loo wanaajiyo ka wada shaqeynta dhismaha iyo horumarinta degaannada Järva Lifte hoos yimaada.

Dayax Magazine

November 2009

13

Page 14: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

14

Pa

ge1

4

Pa

ge1

4

14

Madax Ka Socota Ururka SSUF oo ka Qeybgashay shir ururada ka dhisan

dalalka Scandanavianka Waxaa la iskugu yimi kulan 9 march 2009 Ururka ka dhisan yurub oo uu ku jiro ururka (SSUF) wuxuu ka qayb galay shir lagu qabtay dalka Denmark, ayna ka soo qayb galeen ururrada dhallinyarada ee ka jira waddamada Scandanavian-ka, kaas oo ku saabsanaa isdhexgalka iyo wada shaqeynta ururrada ka jira waddamadan. Ururradii ka soo qayb galay shirkan, waxay ka doodeen dhibaatooyinka ay la kulman dhallinyaradan iyo qaabkii looga badbaadin lahaa dhaqan xumada iyo fal dambiyeedka joogtada ah ee ku soo badanaya muddooyinkan dambe. Waxaa halkaas laga muujiyay in ay saameyn weyn ku leedahay ticknologyada casriga ah oo ku soo korortay adduunka, taas oo u sahasha dhallinyarada in ay si fudud ula milmaan. Sidaa awgeed, waxaa la isku raacay in la diyaariyo daraasaad ku saleysan aqoon heer sare oo ubadkan ka badbaadin kara dariiqa khaldan, looguna beddelo brograme xiiso leh, midkaas oo ku hagi doonta kara wadada wanaagsan oo looga badbaadin karo inuu ku fogaado ku fekerka sameynta waxyaabaha aan u wanaagsaneyd akhlaaqda isla markaana wax u dhimi karta mujtama sida iney galaan fal danbiyeed .

Dayax Magazine

November 2009

14

Page 15: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

15

Pa

ge1

5

Pa

ge1

5

15 15

dayasho muhiim ah, la iskuna raacay in la qabto shirar badan oo ka tayo wanaagsan shirkan, loona diyaariyo guddiyo soo diyaariya ajandayaashii looga hadli lahaa shirka soo socda.

Siminaar Qaatay Hal maalin oo uu bixiyey Ururka SSUF

15 June 2009, Ururka SSUF waxaa u furmay siminaar maalin ah ururrada xubnaha ka ah ururkan (SSUF), kaas oo loogu tala galay horumarinta howlaha ururrada. Waxaana casharro ka bixiyay mas´uuliyiinta iyo Tabobareyaal u diyaariya dhalinyarada xubnaha ka ah sidii ay udardar gelin lahaayeen hawlaha adeega ah waxaana ugu muhiimsaneyd waxbarashadaasi qaabka saxda ah ee u u shaqeeyo ururka iyo sida loo dalban karro mashaariicda. Ururradii ka soo qayb galay waxbarashada, waxay aad u ammaaneen ururka SSUF, sida uu ugu heelan yahay in uu kobciyo tayada ururrada hoos yimaada maamulka, iyagoo sheegay in ay ka faa´iideysteen waxyaabo badan oo muhiim u ah ururradooda. Ururka SSUF waxay u soo jeediyeen ururradaas in wixii ay ka faa´iideysteen maalintaas waxbarashada ah in ay ku dabbaqaan waxqabadkooda joogtada ah, si ay u kordhiyaan taya ururradooda. Ugu dambeyn waxay mahad u soo jeediyeen ka qayb galayaashii munaasabaddan, ururka SSUF-na oo ay ku amaaneen qaabka ay u soo diyaariyeen barnaamijkan iyagoo u rajeeyay in ay sii kordhiyaan, si looga wada faa´iideysto.

Ururradii shirkaas ka soo qayb galay waxay isku raaceen in la sii xoojiyo, horumarinta garaadka dhallinyarada, iyadoo loo diyaarinayo xarumo iyo meelo kale oo ay isugu yimaadaan, taas oo loogu diyaarinayo dad ku takhasusay isdhexgalka iyo hormarinta bulshada ee ku xeel dheer cilmi nafsiga iyo daraaseynta basharka. Ururka SSUF wuxuu halkaas ka soo jeediyay in ay muhiim tahay in dhallinyarada dugsiyada kaliya ayan waxbarashadoodu ku ekaan ee loo diyaariyo meelo kale oo looga caawino waxbarashada iyo haqabtirka baahidooda joogtada ah. Waxay mahad balaaraan u soo jeediyeen dhammaan ururradii ka soo qayb galay shirkan ururkii soo qaban-qaabiyay shirkan, waxayna u rajeeyeen in ururrada kale ay muujiyaan ku

Dayax Magazine

November 2009

Page 16: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

16

Pa

ge1

6

Pa

ge1

6

16

16

Siminaar ku Saabsan Arrimaha Bulshada oo lagu qabtay Xarunta Ururka SSUF

Waxaa lagu qabtay xarunta ururka SSUF seminaar soconayay hal maalin, waxaana ka soo qayb galay dhammaan ururrada xubnaha ka ah iyo dadweynaha xiiseeya arrimaha ururrada iyo adeega bulshada. Seminaarkan oo ahaa wejigiisii koowaad, wuxuu ku saabsanaa sinnaanta iyo caddaaladda, kaas oo xanbaarsanaa in ay u siman yihiin ragga iyo dumar howlaha mujtamaca loo qabanayo. Intii uu socday barnaamijkan, waxaa casharro ka jeediyay mudarrisiin u leh takhasus arrimaha mujtamaca bulsahada iyo qoyska. iyadoo sida wada jir ah loo wada lafa guray sidii wax looga qaban lahaa kobcinta xirfadaha iyo mihnadaha dumarka iyo ka qeyb qaadashada dowrka shaqo isgarab jooga iyo ka wada qeyb qaadashada hawlaha ragg iyo dumar, iyagoo ku gudanaya hawlaha joogtada ah ee si gaar ah ugala siman yihiin ragga, dumarkana laga adeejiyo shaqooyinka ka socda xafiisyada oo ay ka muuqdaan dumarka iney yihiin dad hufan oo xasiloon isla markaana ka soo dhalaali karra shaqo kasta oo lagu qaybasho . Seminaarkaas lagu muujiyay in doodahaasi oo kale ay bulshada somaliyeed ay u yeelan karto wax tar ay ku dabiibi karraan khaladaadka ka jiri karra nolosha, iyagoo ka dalbaday ururka (SSUF) in ay dar dar geliyaan hawlaha muhiimka u ah dhalinyarro iyo duqooshinba, isla markaana ay soo wargeliyaan waqtidayada danbe ee uu dhici doono shirarkan oo kale, iyadoo loo sameeyn doono schedule joogto ah, u soo gudbiyaan akhbaarta ku saabsan wejiga labaad ee seminaarkan, waxay u soo jeediyeen in ay ku dadadaalaan in la gaarsiiyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Stockholm, oo aad ugu baahan arrimahan oo kale. Ururka SSUF wuxuu u ballab qaaday dadweynihii ka soo qayb galay seminaarkan in ay la soo xiriiri doono waqti fiican oo la gaarsiin doono, dadweynaha xiiseeya barnaamijkan, iyagana looga baahan yahay in ay u sii gudbiyaan waxyaabihii ay ka korosadeen intii ay joogeen seminaarkan.

Dayax Magazine

November 2009

Page 17: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

17

Pa

ge1

7

Pa

ge1

7

17 17

Xaflad ku saabsan xiritaanka dugsiya Hoose dhexe Stockholm oo lagu qabtey

xarunta cusub ee Ururka SSUF 16 June 2009) Rinkbey (Ururka SSUF) ayaa si habsami leh u soo agaasimay xaflad xiritaan, Waxaana goobtaasi ka muuqday waalidiinta ubadka wax ku barta goobta, iyo dad weyne soomaliyeed oo kasoo qeyb galay munaasabadaasi, Waxaa ka soo qayb galy dadweyne oo aad u fara badan, Intii aan la bilaabin xafladda waxaa khudbad qiimo leh ka jeediyay munaasabadaasi, Iskuduwaha ururka Axmed Xasan. Wuxuu ka hadlay faa´iidada laga dhaxlay furitaankii xarunta iyo muhiimadda uu leeyahay Deegaanka xaafadda. Wuxuu waalidiinta u ballan qaaday in howlo kale lagu soo kordhin doono xarunta, kuwaas oo ubadka xiiso gaar u yeelan doona marka la bilaabo. Waxaa halkaas ka hadlay mid ka mid ah waalidiintii ka soo qayb gashay xafladda, asagoo xusay muddadii uu furnaa xafiiskan faa´iidada ay heleen ubadkooda, taas oo uu mahad gaar u celiyay mas´uuliyiintii ururka oo isku xil qaanta isla markaana guntiga xiratay sidii loo heli lahaa access ama wax kasta oo kor u qaadi karra aqoonta da,a yarta somaliyeed ee wax ka barata sweden furitaanka, waxaana mahad gaar ah ay u jeediyeen dadkaasi qof kasta o oo isu taagay in ka badbaadiyo umada Jahliga, oo ay ugu horeeyso dowlada sweden ee u fidisay shacabka somaliyeed soo dhoweyn dhab ah, ururada deeq bixiyeyaasha, iyo shakhsiyaadka soomaaliyeed ee muujiyay howl karnimada ah iney u adeegaan walaalohooda dhibaateysan, Waxaa la isku gudoonsiiyay farxadaas Gabagabadii munaasabadan Jawaa,iz iyo abaal marrino, ay muteysteen ardeydii ugu ku cad cadeyd waxbarashada, iyagoo ay bixinayaa abaal gudkaasi mas,uuliyiin ka kala socota degmada iyo ururada dowliga ah.

Dayax Magazine

November 2009

Page 18: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

18

Pa

ge1

8

Pa

ge1

8

18

Haddaba ururka SSUF, wuxuu halkaas ka jeediyay hindisaha iyo qorshada loogu tala galay dhallinyaradan, wuxuu aad ugu dheeraday in loo sameeyo barnaamijyo soconaya in muddo ah, ayna ka qayb qaataan hayado kala duwan oo ku soo takhasusay ama ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada, iyagoo ka soo diyaarinaya qaabkii loo wajihi lahan barnaamijkan guddina loo soo saaro la yimaada shirka labaad ee ururradan. Intii uu joogay shirkaas, wuxuu ururku xiriir wax wada qabsi la yeeshay urur badan oo shirkaas ka soo qayb galay, iyagoo isdhaafsaday dukumiintiyo labada ururka ay leeyihiin, kaas oo uu ugu horreeyo buug laga diyaaruyay waxqabadka ururka ee sannadkii tegay iyo qorshada fog ee ururku hiigsanayo.

Shir ay soo Abaabuleen Ururka LSU oo lagu marti geliyey qarka mid ah

madaxda SSUF 26 June 2009) Waxaa lagu marti geliyay ururka SSUF shir ka dhacay magaalada Götland ee dalka Sweden,shirkaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka LSU, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin dhammaan ururrada dhallinyarada ee ka jira dalka Sweden. Ururkan wuxuu u soo diyaariyay xubnihii ka qayb galay shirkan ajandeyaal aad muhiim ugu ah dhalliyarada Sweden, waxaana ka mid ah qoddobada ugu muhiimsan, sidii loo mideyn lahaa fikradaha iyo waxqabadka dhallinyarada ku nool waddamada Yurub. Urur walba oo goob ka ahaa shirkaas, wuxuu soo gudbiyay qaabkii loo mideyn lahaa awoodda ururrada dhallinyrada ee ka dhisan Yurub.

Dayax Magazine

November 2009

18

Page 19: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

19

Pa

ge1

9

Pa

ge1

9

19

Tartan Ciyaaro oo lagu maamuusayo munaasabada sannadguurada ka soo

Wareegtay qaadashadii Xorrinmada shacabka Somalia

26 June ---5 July 2009) Ururka SSUF iyo Ururka Banaadir IF ayaa iska kaashaday sidii uu u qabsoomi lahaa tartan ciyaaro ah kubada cagta ah oo lagu xusi doono maalinta xorriyadda Soomaaliyeed ee 1da Luulyo. Tartankan waxaa ka soo qayb galay 8 kooxood oo ka kala yimid gobollada Sweden, kaas oo loogu tala galay munaasabaddan in ay la qaybsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sannad walba ugu dabbaaldega magaalo madaxda Swedan ee Stockholm. Kooxaha ka soo qayb galay tartankan, waxaa lagu wargeliyay muddo hore si ay isugu diyaariyaan tartankan, waxaana loo sameeyay qori-tuur sida ay isu arkayaan koox walba. Wuxuu soo gabagaboobay 5 July 2009. Ciyaaraha lagu qabto magaalo madaxda Stockholm sannad walba waxaa door weyn ka qaata hirgelintiisa ururka SSUF oo mar walba xagga dhaqaalaha ka kaalmeeya, wuxuuna sannadkan si weyn uga qayb qaatay dhammaan wixii kharaj ah ee lagu fuliyay barnaamijkan, haddii ay noqon lahayn garoomadii, ama garsoorayaashii hayey ciyaaraha, cabbitaankii kooxaha iyo gunnooyinkii gudiga sharci yaqaanada tartanka. Gabagabadii tartankan waxaa ku guuleystay koobkii munaasabaddan kooxda kubadda cagta ee Husby oo sannadkan la soo shir tagtay ciyaartoy aad u wanaagsan, kuwaas oo diyaargarow ugu jiray in ay ka qayb galaan tartanka la qabto xilliyada xagaaga oo lagu qabto magaalada Stockholm. Xafladdii munaasabadan waxaa lagu qabtay xarunta ururka SSUF, waxaana koobkii kaalinta koowaad la guddoonsiiyay kooxda Husby, waxaa kale oo la gudoonsiiyay billad sharaf ciyaaryahanadii muujiyay dadaal iyo guddiyadii kale ee ku mashquulsanaa isku dubaridka iyo agaasimida tartanka.

Xafladdan waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka kala yimid meelo kala duwan, waxaana ka mid ahaa: Xoghayha Guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, iyo xubne kale oo weheliya, oo ay qeyb a ahaayeen xiriirada kala duwan iyo masuuliyiinta kale oo ka kala socday ururrada Soomalaaliyeed ee ka dhisan dalka Swedan ururradaasi u si weyn u soo qaban-qaabiyay tartannada ciyaaraha xagaaga. Dhallinyaradaas tartanka ka qayb gashay waxaa lagu boorriyay in ay dhowraan anshaxa iyo asluubta wanaagsan, oo ay ilaaliyaan sumacadda dhallinyarada Soomaaliyeed oo muddooyinkan dambe ka soo dareysay, iyadoo lagu baraarujiyay in ay wacyi geliyaan inta kale oo aan fursad u helin tartankan, waxaana door weyn ka qaatay barnaamijkan wacyi gelinta ah Xaaji Faarx iyo Ibraahim Galbeeti oo dhallinyarada aad iyo aad ugu xiran inta badan. Qaar dhallinyarda ka mid waxay ku doodeen inta badan in iyagu ayan mas´uul ka ahayn dhibaatooyinka dhaca xaafadda, hase yeeshee ay lug ku leeyihiin kuwa kale oo meelo kala duwan ka yimaada gaar ahaan waqtiyada ciyaaruhu socdaan.

Dayax Magazine

November 2009

19

Page 20: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

20

Pa

ge2

0

Pa

ge2

0

20

Xaflad Ku Saabsan Furitaanka Ciyaaraha EUROSOM oo Lagu casumay Ururka

SSUF

Göteborg 22 Luulyo 2009) Ururka SSUF wuxuu ka qayb galay xafladdii furitaanka ee ciyaaraha EuroSom oo sannadkan ay martigelisay magaalada Göteborg ee dalka Swedan. Ciyaarahan EuroSom waa ciyaaro marba ay martigeliyaan dalalka xubnaha ka ah, waxayna isugu jiraan kubadda cagta, kubada kolayga, mida miiska iyo ciyaaro fudud. Hoggaamiyeyaashii kooxaha ee kasoo qayb galay waxay warbixin guud ka bixiyeen dalalkii ay ka yimaadeen iyo qaabka ay ula shaqeeyaan hayadaha qaabilsan arrimaha iyo sida loogu baraarujiyo mustaqbalkooda. Ugu dambeyn waxaa la isku raacay dhibaatada ugu weyn ee haysata dhallinyaradeenna in ay ka mid yihiin labada dhaqan oo ayan isku keeni karin. Waxaana loo baahan yahay in si taxadar leh ay uga faa´iideystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato ah, kana qayb qaataan horumarinta mujtamaca ay la nool yihiin, iyagoo aan iloobin dhaqankooda iyo diintooda. Waxaa kale oo jirta in ilmaha somaaliyeed ayan nasiib u wada yeelan iney helaan qof weyn oo ay ku daydaan oo u ahaado jiheeye siiya talada saxda ah, dadka waaweyn oo noqon karra mar walba hagaha aayaha dambe ee ubaxa u soo baxaya umada. Waxaa intaas u dheer barnaamijyada loogu talo galay dhallinyarada, kuwaas oo ay soo diyaariyaan dhallinyrada tartanka ka qayb gashay, waxaa ka mid ah: doodaha ay soo diyaariyeen dhallinyarada oo ku saabsan dhibaatooyinka ku haysta qurbaha da,yarta umadda Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada ay la nool yihiin, iyadoo laga diyaariyay dekumenstiyo muhiim ah, warbixino iyo qoraalo oo la qorsheynayo in loo soo bandhigi doono bulshada sannadka soo socda.

Dayax Magazine

November 2009

20

Page 21: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

21

Pa

ge2

1

Pa

ge2

1

21

lahaa fursad dhalinyarada kale ee soo

koreysa, si ay ugu qayb qaataan

barataanka ciyaaraya iyo is-dhexgalka

bulshada. Wuxuuna halkaas ka xusay

barnaamijyada ururkiisu muhiimadda

saaray, isagoo faahfaahin ka bixiyay

doorka uu ka qaato kobcinta aqoonta, ku

baraarujinta la qabashada nolosha

bulshada ay la nool yihiin, asagoo u

diyaariyay xarumo ay isku dhaafsadaan

fikaradaha, ka doodidda arrimaha ku soo

kordha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wuxuu ururku kulamo gooni-gooni ah la

yeeshay mas´uuliyiinta iyo xubnaha ka

tirsan ururka EuroSom, waxay isla meel

dhigeen sidii ay uga wada shaqeyn

lahaayeen labada urur, loona mideyn

lahaa waxqabadka bulshada

Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

Waxaa intaa sii dheer waxaa jira maaweelo iyo barnaamijyo ku saabsan dhaqanka iyo suugaanka Soomaaliyeed, oo habeenkii lagu maaweeliyo, iyo in loogudbiyo muxaadarooyin ku saabsan is-dhexgalka iyo wax wada qabsiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, warbixino ku saabsan horurmarka wanaagsan ay gaareen dhallinyrada waddanka ay ku nool yihiin iyo qaabka ay ula jaanqaadeen bulshada ay la nool yihiin. Isku duwaha rurka SSUF mudane Axmed Xasan oo halkaas khudbad gaaban ka jeediyay wuxuu umadda Soomaaliyeed u mahad celiyay dadweynihii iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay tartanka gaar ahaan dhalinyaradii ciyaartoyda, asagoo ku bixiyay dadaal dheeri ah sidii loo siin lahaa fursad dhalinyarada kale ee soo

Dayax Magazine

November 2009

21

Page 22: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

22

Pa

ge2

2

Pa

ge2

2

22

INSERT TEXT OR LOGO HERE.

Jamac Karaaciin oo lagu soo dhaweeyey Stockholm

30 Luulyo 2009) Jaamac Maxamuud Aadan ”Karaaciin” ayaa lagu soo dhoweeyay Stockholm 30 luulyo 2009 waxaana casuumaad u fidiyay halyeyga ururka SSUF ee xaruntiisu tahay xaafadda Rinkeby ee ka tirsan magaalo madaxda Stockholm. Xafladdan waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka kala yimid dalalka Yurub iyo Ameerika, waxaana ka mid ahaa dadka dibadda ka yimid Danjire Maxamed Axmed Caalin o oka socday dalka Ingiriiska, Axmed Nuur Xasan Cabdulle ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta kana yimid dalka Ingiriiska, Cilmi Cusmaan Waaberi madaxda tartanka Somali week ee London, Axmed Maxamed Saalax ”Diinaash” garsoore caalami ah ee Kubadda Kolayga, kana yimid dalka Jarmalka, Axmed Cabdullaahi Walaayo ”Cantar Jeenyo” ka yimid dalka Canada, Maxamed Xuseen ”Ganey” oo ka tirsanaa jiray tababarayaasha kubadda gacanta iyo mas´uulyiin iyo ciyaartoydii hore ee ka mid ahaa marti sharafta ka soo qayb gashay soo dhoweynta Jaamaca Karaaciin. Halyey Jaamac waxaa la socday ciyaartoy Soomaaliyeed oo da´yar, waalaalona ay yihiin Maxamed Saleemaan oo caan ka ah waddamada carabta, isla markaasna ka mid ah ciyaartoydii hore oo u heelan in ay kaalmeeyeen ama dhiiri geliyaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo diyaarka u ah in ay ka qayb galaan tartannada caalamiga ah ee ciyaaraha Fudud. Ciyaartoygan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saleemaan, waana ciyaaryahan mustaqbal ku leh ciyaaraha fudud, wuxuuna hadda haystaa tartanka 1500m ee ciyaaraha Aasiya, waxaana uu dalka Sweden u joogay dhaawac ka soo gaaray lugta. Intii uu furin barnaamijkisii, waxaa halkaas ka hadlay Danjire Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaa ciyaartoydii ciyaaraha fudud ee lixdamaadkii, wuxuuna ilaa hadda dhexda kaga jiraa ciyaaraha, asagoo ka qayb galay ciyaarihii Olombikada ee lagu qabtay dalka Giriigga ee la qabtay 2004tii. Caalin wuxuu aad ugu dheeraaday in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu dhiiri geliyo ciyaaraha keli-kelida ah gaar ahaan ciyaaraha fudud oo ka fursad fiican kuwa koox-kooxda ah.

Intaas ka dib, waxaa Jaamac Karaaciin ku soo dhoweeyay Axmed Sabriye Gaabow oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenkii ciyaaraha fudud, kana hadlay taariikhda Jaamac Karaaciin oo kooban, wuxuuna ka bilaabay in Jaamac ku dhiiri geliyay ciyaaraha fudud halyay caan ah oo la yiraahdo Mal Withfield oo Maraykanka u haystay orodka 800m, isla markaasna qaaday biladda dahabka ah laba jeer oo isku xiga Horyaalka Olombikada 1948dii iyo 1952dii. Wuxuuna u ballan qaaday in uu jaamacad ka siinayo Maraykanka haddii uu dhamaysto dugsiga sare oo uu markaas ku jiray. Markii uu Jaamac dhamaystay dugsiga sare ee wuxuu toos ugu biiray ciyaartoyga ka oroda jaamacadaha Marykanka. Muddo ka dib, wuxuu Jaamac ka qayb qaatay tartanno badan oo jaamadaha ah, asagoo wacadarro ka muujiyay tartannadaas oo dhan. Wuxuuna fursad u helay in ciyaartoy kale uu waddada u furo, waxaana ka mid ahaa ciyaartoydaas loo qaatay jaamacadahaas: Axmed Ismaaciil iyo Cali Hufane oo ku fiicnaa orodka dheer ee maaratoonka, Cabdi Bile Cabdi oo ah halyayga Soomaaliyeed ee biladda dahabka ah ka qaatay horyaalka adduunka ee ciyaaraha fudud 1987dii, Ibraahim Cukaash oo asagana ku fiicnaa orodka 800m, Cali Bay oo ordi

Dayax Magazine

November 2009

22

Page 23: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

23

Pa

ge2

3

Pa

ge2

3

23

jiray 200 - 400m, Xasan Islow oo ahaa ciyaartoy ku fiican 100m, hase yeeshee u beddeshay tababarnimo, Jaamac Bile Cabdi iyo Ibraahim Maxamuud Aadan oo la kala dhashay Cabdi Bile iyo Jaamac. Jaamac ayaa ka hadlay khibraddiisa muddadii uu ku jiray ciyaaraha, wuxuuna ka hadlay in uu jaamacad ka bilaabay Maraykanka, asagoo isla markaas isku waday orodka iyo jaamacadda wuxuuna Bachelor degree ka qaatay jaamacadda Fairleigh Dickinson ee New Jersey, wuxuuna jaamacaddiisa ka sii watay George Mason ee Virginia, asagoo Master Degree ku qaatay Exercise Physiology. Wuxuu Jaamac tababarnimo ku bilaabay Halyey Cabdi Bile Cabdi in uu tababare u noqdo, taas oo fursad u siisay in uu adduunka oo dhan caan ka noqdo muddo gaaban, waxaana tababarnimo ka dalbday waddamo badan oo ay ka mid yihiin USA, UAE, Saudi Arabia, Qatar, Bahrain, Kuwait, Suuriya, Ethiopia, Germany, Japan iyo Suudan oo hadda tababaere u yahay. Wuxuu soo saaray Jaamac ciyaartoy badan oo adduunka caan ka ah, waxaana mid ah Abuubakar kaki oo hadda u haysta adduunka orodka 1500m iyo Axmed Ismaaciil Axmed oo ciyaaraha Olombikada ee lagu qabtay magaalada Pekin ee dalka China ka galay tartanka orodka 800m kaalinta 3aad. Tababare Jaamac wuxuu u ifiyay ciyaartoydii iyo dadweynihii ka soo qayb galay munaasabadaas, in loo baahan in ubadka Soomaaliyeed lagu wacyi geliyo in ciyaaruhu yihiin kuwa kaliya ee ubadka ka ilaaliya waxyaabaha foosha xun ee dhallinta soo koreysa, isla markaasa ku toosiya waddada suuban ee horseedi karta mustaqbal fiican. Wuxuuna tusaale u soo qaatay in ay jiraan dhallinyaro badan oo jaamacadaha adduunka wax ku barta, waayo qofku iskuma keeni karo laba balwad oo kala duwan, waayo ciyaaruhu waxay ka mid yihiin balwadaha ugu fiican oo qofku ku gaari karo mustaqbal. Marka waalidiinta Soomaaliyeed

Dayax Magazine

November 2009

23

Page 24: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

24

Pa

ge2

4

Pa

ge2

4

24

Ururka SSUF oo gacan ka Geystey Abaabulka Tartanka Kubada Cagta ee magaalada London Carriga Ingiriiska

4 August – 16 2009, wuxuu ka qayb qaatay ururka (SSUF) abaabulka iyo qabashada tartanka kubadda cagta ee loogu magac daray Somali Week, kaas oo socday mudo 2 usbuuc ah, kulamadaasi waxay ka dhaceen magaalada London. Tartankaasi oo ay ka soo qayb galeen 12 koox oo ka kala yimid waddamada Yurub, Mareykanka iyo Canada, waana tartankii ugu horreeyay oo noocan oo kale ah oo lagu qabto dalka egland. Ururka wuxuu kaalin muuqda ka qaatay hirgelinta tartankan asaga oo ugu deeqay dhaqaalihii lagu fulin lahaa tartanka, wuxuuna ka qeyb qaatay bixinta abaalmarinnada, koobabka la gudoonsiiyo gool dhaliyeyaasha, oo ku qiimeysan lacag adag, billadaha iyo haddiyadaha loogu talay galay shakhsiyaadka muujiya cayaar wanaaga, iyo 2badii team ee iskugu soo baxay cayaarta finalka. Urur ahaan waxaa tartanka uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Isku duwaha ururka mudane Axmed Xasan, asagoo halkaas ka jeediyay in uu mar walba ururkiisu aad diyaar ula yahay in uu kaalmo ka geysto waxqabad kasta oo lagu hormarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna aad ugu boorriyay in la kordhiyo isu imaashada dhallinyrada Soomaaliyeed, taas oo wax weyn ka beddeli karta la dhaqanka bulshada ay la nool yihiin iyo isbarashada iyaga laftooda oo ku kala nool waddamo kala dhaqan iyo luqad ah, loona baahan yahay in mar walba xiriir joogta ah la wada sameeyo. Intii uu joogay dalka Ingiriiska wuxuu la kulmay ururro badan oo ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada, kuwaas oo is-dhaafsaday waaya´aragnimada iyo habka loo maamulo dhallinyarada ay hayaan.

waxaa laga doonayaa in ay ilmaha ku baraarujiyaan waxbarashada iyo ciyaaraha, kuwaas oo aan kala maarmin oo isla jaan qaadi kara, horumarna uu ku gaari karo. Tan kale wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay ururrada Soomaaliyeed ee ubadka wax u qabta in ay u diyaariyaan meelaha lagu maaweeliyo carruurta inta ay nasashada ku jiraan, loona diyaariyo tababaraal ku takhasusay ciyaaraha kala duwan, kuwaas oo aan u baahneyn kharaj badan, ayna ka mid yihiin kubadda miiska, ciyaaraha fudud, dabaasha iwm. Wuxuu amaan u soo jeediyay ururka SSUF oo munaasabadan qiimaha leh u soo diyaariyay dadweynaha Soomaaliyeed ee xiiseeya ciyaaraha, waalidiintii iyo dhallinyaradii ka soo qayb gashay xafladdan, asagoo u rajeeyay in ay sii laba jibbaaraan, meeshoodana ka sii wadaan dadaalka ay muujiyeen, mar walbana ay ubadka u diyaariyaan munaasabo noocan oo kale.

Dayax Magazine

November 2009

24

Page 25: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

25

Pa

ge2

5

Pa

ge2

5

25

Dood Cilmiyeed uu soo agaasimay ururka SSUF kaas oo loo qabtay

Aqoonyahano Soomaaliyeed ee dhaqan Sweden

28 August) Ururka SSUF wuxuu soo diyaariyay dood cilmiyeed ku saabsan dhibaatooyinka da´yarta soomaaliyed ku haysata qurbaha iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo waliba sare u qaadista wacyigooda, waxaa kale oo laga dooday sidii dhallinyarada loogu jiheyn lahaa mustaqal wanaagsan. Doodaan waxaa ka qayb qaatay aqoonyahano iyo mas´uuliyiin ka socotay laamaha xiriirka tooska ah ula leh dhallinyarada. Waxaana saacadihii uu socday kulankaani ka

qayb galayaashu ku lafo gureen su´aalo dhawr

ah oo ay ka mid ahaayeen:

• Sababihii dhaliyay in dhallinyarada

Soomaaliyeed ay ku liidato

waxbarashada, marka loo barbardhigo

dhalliyarada kale.

• Dhallinyaro badan ayaan la qabsan

bulshada ay la nool yihiin iyo doorka uu

ka qaadan karo xafiiska arrimaha

bulshada.

• Sidee looga hortagi karaa dambiyada ay

galaan dhallinyarada?

Dood cilmiyeedkan uu qabtay Ururka Isbahaysiga Dhallinyarada ee (SSUF) oo qayb ka ahayd xaflad lagu furaayay xarun cusub oo loogu talo galay in lagu fuliyo barnaamij loogu magac daray dibudhiska iyo wacyigelinta dhallinyaradeena, waxaana ugu horreyntii kulankaas ka hadashay Anija Johansson oo sheegtay muhiimadda uu leedahay dood cilmiyeedkaan, iyadoo sharraxaad dheer ka bixisay waxqabadka ururka iyo muddadii uu soo shaqeynayay hawlihii uu soo qabtay oo ay ugu dambeysay ururka oo xarun cusub uga furay dhallinyarada iyo da´yarta soomaaliyeed xaafada Rinkeby, xaruntaasoo ka kaalmeyn doonta ardayda soomaaliyed maaddooyinka ku adkaada laguna bari doono dhaqanka wanaagsan.

Mr. Cabdinuur Ciise oo ka socday Xafiiska Arimaha Bulshada ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyni ay tahay: burburka qoyska Soomaaliyeed haysta ama waxa afka qalaad lagu yiraaho (family problem) iyo aabbihii oo kaalintiisii ka gaabiyay, isaga ku mashquula arrimo aan muhiim u ahayn mas,uuliyada qosyka isagoo isku dayaa inuu wakhti geliyo dabo galka siyaasada cakiran ee somaliyeed ama shaqo, taasoo keentay in carruurtii ay helin xanaano iyo sheekadii waalidka oo had iyo goor u noqon lahayd dhiiri gelin ubadka soo koraya. Sidoo kale Sheekh mukhtaar Carab oo ka socday Masjidka Soomalida ee Rinkeby ayaa wuxuu ka hadlay in carruurteena lagu toosiyo diinta islaamka laguna ababiyo dhaqanka wanaagsan, isagoo qiray in ay jirto in aabbaha Soomaaliyed ee qurbaha jooga uu gabay kaalintiisii ku aadanaa ka warqabka carruurta iyo xannaaneyntooda.

Dayax Magazine

November 2009

25

Page 26: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

26

Pa

ge2

6

Pa

ge2

6

26

Mr. Hayaan Ismaaciil oo ka mid ahaa ka qayb galayaashii dooddaan kana socday Xafiiska Shaqada iyo Laanta Socdaalka ayaa sheegay in shaqo la´aantu ay tahay dhibaato guud oo haysata adduunka oo dhan, wuxuu kaloo iftiinshay in ay aqoon yarida haysata dhalinyaradeena awgeed, oo keenta inay saameyn weyn ku leedahay shaqo la´aanta haysata, walow ay jiraan dhallinyaro badan oo heerar fiican ka gaaray waxbarashada ayuu yiri. Dhibaatada waxbarasho xumida haysata dhallinyaradeenna mar uu ka hadlaayay Dr. Cabdullaahi Maxamed Cilmi ”Asad” oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada sare wax ka dhigta ayaa sheegay in sababtu ay tahay waalidka uu yeesho taxane aqooneed iyo dhaqan, kaasoo si sahlan ugu gudbi kara ilmaha, iyadoo ay u tahay sahal waalidka inuu u sheego ubadka faa,iidada ay leedahay waxbarashada, wuxuuna ku boorriyay in waalidku marka hore uu ahaado mid waxbarta si carruurtiisa uu uga caawiyo duruusta dugsiyada ay ka soo qaataan. Doodahaas waxaa ka soo baxday in marka hore la qeexo doorka ugu mihiimsan ee ay dhallinyaradu kaga jiraan bulsahda ay la nool yihiin iyo saameynta ay ku yeelan. Dhallinyarada waxay xaq u leeyihiin in la daboolo baahidooda isla markaasna la tixgeliyo xuquuqda ay ku leeyihiin waalidiinta ay la nool yihiin. Waxaa muhiim ah in waalidiintu ay damaanad qaadaan barbaarinta iyo koritaanka carruurtooda, si mustaqbalka kaalin buuxda uga soo baxo qoyska. Waxaa jira dhallinyaro badan oo aan haysan shaqo ama ay ku adag tahay in ay helaan guri ama hoy ay ku noolaadaan, kuwaas oo aan awood u lahayn in ay go´aan ka gaaraan maareynta naftooda iyo mustaqbalkooda.

Dayax Magazine

November 2009

26

Page 27: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

27

Pa

ge2

7

Pa

ge2

7

27

weysay gacantii midig, iyadoo ay qeyb ka tahay sababahaasi arrimaha dhaqaalaha qoyska iyo shaqo la´aan darteed, taas ayaana keeni karta in dhallinyaradaas ayan waqti siin waxbarasho iyo shaqo midna, oo ay u leexdaan isticmaalka maandooriyeyaasha iyo ay u sii sahasho inuu galo fal dambiyeed. Ururka SSUF wuxuu siiyay carruurta Soomaaliyeed waxbarasho gaar ah, taas oo ku wajahan horumarinta barashada maaddooyinka kala duwan ee dugsiyada lagu qaato iyo carruurta yar yar oo la barayo afkooda iyo dhaqankooda soo jireenka ah, waana arrin u baahan in waalidiinta Soomaaliyeed ay xiriir joogta ah ay la yeeshaan ururka, si loogu dhiirigeliyo ilmaha ku xirnaashaha xarunta ururka SSUF. Ururku wuxuu mahad u soo jeediyay dhammaan dadweynihii ka soo qayb galay dooddaan oo isugu jiray aqoonyahanno, waalidiin, dhallinyaro iyo ururro kale oo danaynayay barnaamijkan, wuxuuna u rajeeyay in uu gacmo furan ku soo dhoweyn doono ururku qof kasta oo wax ku soo kordhin kara wax ka qabashada ubadka Soomaaliyeed, taas oo ururku diyaar u yahay mar walba in ayy wax kala qabto dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Stockholm.

Guntii iyo gabagabadii doodaan ayaa waxaa ka

hadlay Agaasimaha Ururka Isbahaysiga

Dhailinyarada Soomaliyed Mr. Ahmed Hassan isaga

oo carrabka ku adkeeyay in dhibaatada

dhalinyarada haysata looga bixi karo iskaashi dhab

ah oo dhexmara dhammaan qaybaha bulshadu ay

ka kooban tahay, lana taageero xarumaha sidaan

oo kala ah oo loogu talo galay in ay aasaas iyo

gundhig u noqoto badbaadinta dhallinyaradeena

dhibaataysan.

Isfaham la´aanta ka dhex taagan waalidiinta iyo ilmaha ay dhaleen oo ay ugu weyn tahay in aan loo cadeyn labada dhinac waajibaadka iyo xuquuqda laga doonayo qof walba, Xaqa iyo Masuuliyada Saaran Waalidka, iyo mida laga rabo ubadka si qof walbaa uu u guto waajibka laga doonayo, si loo arko xuquuqda maqan, laakin ma aha in laga hormariyo xuquuqda, waajibaadka laga doonayo ubadka. Iyadoo ay tahay muhiim in laga hor tago waxyaabaha asalka u ah isu dhaca guriga, iyo is jiid jiidkaka dhex dhasha maamulada ururada, iyagoo ku tartamaya kursi degmo, falal danbiyeedka ay geystaan dhalinyarada waxay qeyb ka noqon karra bur bur ku yimi qoyskii uu ka dhashay, ka dib markuu ku yimi khilaaf aan lahayn isu tanaasulin iyo isu caqli celin kaas oo alaaba ku dhex jira guri walba, dhibta ku timaada guriga dhisani waxay si toos ah u lumisaa mustaqbalka caruurta, sababta oo ah waa xaqiiq iney isku dhimir ahayn labada ilmood ee ku jira bulshada midka ka soo toosa guri degan oo aan lahayn mashaakil joogto ah, iyo midka ka soo jarmaaday guri aan lahayn (Rabbil Beyt) oo hawshii oo dhami ay u taal Hooyo

Dayax Magazine November 2009

27

Page 28: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

28

Pa

ge2

8

Pa

ge2

8

28

Ururka SSUF oo qabtey xaflad Ciida Barakaysan Xaflad ballaaran oo loogu

dabaal dagayay ciidul fitriga oo lagu qabtay Stockholm

Waxaa maalintii isniinta oo ay taariikhdu ahayd 21/09/09 lagu qabtay magaalada Stockholm xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay ciidul firtiga. Xafladaan ayaa waxaa soo agaasimay ururka isbahaysiga dhalinyarada soomaaliyeed ee Sweden oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan SSUF. Munaasabadaan loogu dabaal dagayay ciidda barakaysan ayaa waxaa kasoo qabygalay dadwayne aad u fara badan oo ka kala socday bulshada noocyadeeda kala duwan, culumaa,udiin, dhalinyaro haween ,caruur,iyo marti sharaf uu hogaaminayay gudoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed mudane wiish Yabarow oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Sweden kasoo qaybgalayaashii xafladana salaam u diray ku aadan ciidulfitriga. Waxaa intii ay xafladu socotay laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo isugu jiray kuwa diini ah oo uu soo jeediyay madaxa wacyi galinta ururka mudane Guuleed Maxamed Cali kalimadaas oo ka hadlaysay dawrka waalidka ee ku aadan waxbarshada iyo toosinta ubadka, sidoo kale waxaa isla goobtaas kalmado qiimo badan ka jeediyay waalidiinta oo uu ku hadlaayay magacooda mudane Cizi-diin iyo mudane Abuubakar Badri oo ah saxafi Soomaaliyeed isagoo

soo jeediyay hadal kooban oo ku aadan xuquuqda caruuta, sidoo kale waxaa loo qabtay da´yartii xaflada kasoo qayb gashay tartan aqooneed (kadis) lagu baxshay abaal marino kala duwan, iyadoo walibana majaajilo farax galisay kazoo qaybgalayaashaii xaflada meesha laga soo jeediyay. Gaba gabadii xaflada ayaa waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha ururka SSUF mudane Ahmed Hassan, waxaa uuna hanbalyo ballaaran u diray dhamaan ummada Muslimiinta gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan isagoo ilaahay uga baryay in dhibaatada iyo shidada alle ka koryeelo. Xafladaan ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan iyadoo dadkii kasoo qaybgalayna si wada jir ah u wada casheeyay iyagoo isugu hanbalyeenaya ciidul fitriga.

Dayax Magazine

November 2009

28

Page 29: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

29

Pa

ge2

9

Pa

ge2

9

29

Ururada SYDOM iyo SSUF oo ku kulmay Minnesota

Agaasimaha guud ee ururka SSUF (Sweden) Mudane Ahmed Hassan iyo guddoomiyaha guddiga ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota(SYDOM)ahna guddoomiyaha isboortiga ee gpbolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin ayaa Oktoobar bartamaheeda 2009, waxaa ay kulan ku yeesheen xarunta ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM) halkaasi oo ay xog waraysi ku wada yeesheen, kana arrinsadeen sidii dhidibada loogu taagi lahaa xiriir baaxad weyn oo ay labada urur ee Sweden iyo Minnesota yeeshaan. Mudane Ahmed Hassan ayaa isagu waxaa uu halkaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku saabsan waxa ururkiisa (SSUF) uu u qabto mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Sweden ha noqoto dhanka wacyi galinta,baraarujinta, caafimaadka iyo cayaaraha oo ay kaalin wayn ka qaataan. Waxaa uu sheegay in ururka Somalisk-Svenska Ungdomsriksforbundet (SSUF) oo macnahiisu yahay ururka isbahaysiga dhallinyarada Soomaaliyeed la aasaasay 2004kii, isla markaana uu xiriir aad u qoto dheer ka dhaxeeyo ururka cayaaraha heerka 1aad ee Sweden, sidoo kalena dhawaanahan ay heshiis wax wada qabsi wada saxiixdeen madaxda Olimbikada Soomaaliyeed markii ay booqashada ku joogeen Sweden. Sidoo kale waxaa uu aad uga warramay cayaaraha lagu talo jiro in lagu qabto gobolada Puntland dhammadka sannadka 2009 oo la doonayo in lagu soo nooleeyo laguna soo celiyo tartamadii cayaaraha gobolada si loo abuuro jawi nabadeed iyadoo faaiidaduku jirta ay tahay in dhallinyaradu is dhexgasho oo la is dhexmaro, lana abuuro jawi nabadeed.

Dayax Magazine November 2009

29

Page 30: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

30

Pa

ge3

0

Pa

ge3

0

30 30

Siminaar Lagaga hadlaayey Sinaanta oo lagu Qabtay Xarunta Ururka SSUF

Stockholm

16 Oktoobar) Waxaa Soo agaasimay Ururka SSUF wuxuu ahaa mid sifiican loga soo shaqeyey, waxaana meeshaa lagu bartey dhinacyada kala diwanan ee Sinaanta iyio aragtida dadku kaqabaan waxaa kale oo lagu soo bandhigay buug cusub oo kuqoran afswedish iyo afsoomali oo horey loo arag buug lamid ah waxaana dadka maalintaas meesha wax kubartey lagu doon siiyey shahaadoonyin ah ambasatooro ah dhinaca sinaanta waxaana dadkaas ay ahayey dadka ururada ururka hoos yimada ay kamid yihiin ururkasta laba qof waxbarasho socotay hal maalin lagubaranayey sinaanta raga dumarka waxaana bixiyey cashara Anija Johansson oo ah isuduwaha mashaaricda ururka SSUF. Doodo iyo is dhaafsi fakarado ka dib, waxaa ka soo baxay siminaarkaasi afkaaro wax ku ool, sidoo kale waxaa xusid mudan shakhsiyaad kale ee ka qeyb qaatay soo saaradi buuga cusub oo ay ka mid yihiin Ayaan Mohamed & Yuusuf Cilmi.

Guddoomiyaha Ururka/ahna guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin ayaa ku soo dhaweeyay Axmed xasan gobolka Minnesota, waxaana uu uga warbixiyay hawlaha baaxadda weyn ee uu qabto ururka SYDOM,iyo sida ururku ugu dadaalo in uu soo saaro kaadiriin isboorti oo magac gaarsiiya qaranka Soomaaliyeed. Cabdi Cali ayaa kula kaftamay Ahmed Hassan in loo baahan yahay in Europe ay soo saaraan rag kubadda Cagta ku wanaagsan, halka North Amerika looga fadhiyo inay K/koleyga kor yeelaan, haatanna ay gacanta ku hayaan rag firfircoon oo la rajaynayo inay mustaqbalka guulo ka keenaan K/koleyga. Ugu dambayntii labada urur ayaa ku heshiiyay in ay horay u mariyaan horumarinta arrimaha bulshada ee labada dhinac, lana sii ambaqaado xiriirka curdanka ee haatan billowday, lana is dhaafsado fikradaha iyo booqashooyinka labada dhinac. Munaasabaddaasi waxaa goobjoog ka ahaa: Abdulqaadir Shiikha, Ahmed Daahir, Maxamed Dheere, Maxamuud Ciise, iyo A/kadir Daahir.

Dayax Magazine November 2009

Page 31: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

31

Pa

ge3

1

Pa

ge3

1

31

31

Horumarka iyo kaalmada caalamka (Global utveckling och bistånd)

Bishii dicember 2003dii, wuxuu Golaha Shacbiga (baarlamaanka) dalka Swedan qaatay siyaasad ku wajahan horumarka caalamka, taas oo ay dowladdu hordhigtay Golaha Shaciga, waxayna u ansixiyeen dowladda in loo xilsaaray ka qayb qaadashada horumarka ka socda caalamka. Ujeeddada laga leeyahay siyaasaddan waa in dowladda Sweden ay ka dhex muuqatoo horumarka ka socda dunida, isla markaasna ay hoggaanka u qabato abaabullada ama baraamijyada ku aaddan la dagaalanka gaajada ee dunida oo dhan iyo horumar waxtar u ah bani´aadamka. Horumarkaas kuma xirna oo kaliya hal arrin, sida ganacsiga ama kaalmada la siiyo dunida 3aad, hase yeeshee wuxuu khuseeyaa siyaasad kasta oo saameyn ku yeelan karta nolosha bulshada. Yoolka ay hiigsanayso Q . M kun buuxa sannadka (FN:s

milleniemål) Qaramada Midoobay (FN) waxa ay hiigsanaysaa kunbuuxa sannadkan in ay fuliso siyaasad ku salaysan isfaham iyo wadajir, si loo hirgeliyo caddaalad saamaysa dunida oo dhan iyo horumar ka taaba gasha dunida. Dalka Sweden waxa uu qayb libaax ka qaanayaa sidii loo hirgelin lahaa ujeeddooyinka ay hiigsanayso UN-ka, waxaa taas ka mid ah in kalabar la gaarsiiyo wadarta dadka ku macluunsan dunida sannadka 2015ka ee gaajadu dilootay. Kunbuuxa sannadkan waxaa la go´aansaday in la dardar geliyo wada shaqeyta ka dhexeysa dowladaha dunida oo heer caalami ah la gaarsiiyo, taas oo aan meesha laga saarin wada shaqeyta ka dhexeysa dowladaha ku yaal isku gobol. Wada shaqeyta heerka caalamiga, waxay inta badan khuseysaa dhibaatooyinka faraha ba´an ku haya dadyowga dunida oo dhan sida HIV-ka iyo AIDS-ka.

Afgarasho (samstämmighet) Caddaalad ku waarta dunida iyo horumar joogta ah, waxaa lagu gaari karaa iyadoo ay xoogga dunida oo dhan si wadajir ah u wada shaqeeyaan. Wada shaqeyntaas waa in ay ka muuqataa shirarka heer qaran ee ka dhaca dunida iyo shirarka ay yeeshaan waddamada ku jira EU-da. Shirarkaas oo intooda badan looga hadlo arrimaha la xiriira ammaanka, beeraha, caafimaadka, siyaasadda qaxootiga iyo guud ahaan horumarka caalamka. Hadafkaas wuxuu yahay tusaale ahaan, tallaabada ama go´aamada ay qaadato dowladda Sweden ee ku aaddan arrimaha aan soo sheegnay, waa in waddamada kale ay ku raacsan yihiin,

taas macnaheedu ah, waa in la abuuro jawi isfaham oo ka dhexeeya dalalka oo dhan ee EU-da ku jira. Xoojinta wada shaqeyta ka dhexeysa dalalka reer Yurub waxa ay horseedi kartaa in la dardar geliyo howsha ay qabtaan waddamadaas, isla markaasna la si-weydaarsado aqoon, fikrado iyo sir, taas oo abuuri karta jawi isku kalsoonaan u horseedi doonta abuurid wada shqeyn heer caalami ah.

Laba aragti (två prespektiv)

Labada aragti ee kala duwan ayaa laga soo dhirin dhiriyay siyaasadda ku aaddan horumarka dunida. Waa tan koowaade aragtida ah xuquuqda uu leeyahay qof kasta in uu nafsadiisa u sameeyo horumar, oo uusan noqon qof uun iska qaata wixii loo keeno, laakin uu noqdo qof curiya wax cusub. Siyaasaddan waxay u aragtaa qof kasta oo nool in uu yahay mid xor ah, oo xaq u leh in uu helo nolol qiimo leh, taas oo ka madax bannaan gaajo ku dhisan dimoqraadi iyo sinnaan. Aragtida labaad waa fikradda ay qabaan dad saboolka ah, taas oo oraaysa in siyaasadda ay ka tarjumayso wacyiga dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka saboolka ah iyo fikradahooda, taas waxay ulajeedaan in saboolnimada kaliya aysan ku xirneyn hanti la´aanta haysata dadka saboolka ah,

Dayax Magazine

November 2009

Page 32: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

32

Pa

ge3

2

Pa

ge3

2

32

balse ay jirto waxyaabo kale oo muhiim ah, marka laga hadlayo sababaha keenay gaajada, kuwaas oo ah awoodda siyaasaddeed, amaanka, fursadda uu qofku u leeyahay in uu noloshiisa hagaajiyo.

Ururka SSUF oo casho sharaf u sameeyey gudomiyaha GOS

Kadib markii u u soo dhamaaday shirkii ay la yeesheen Guddoomiyaha Guddiga Olambikada adduunka ee ka dhacay Loussane, waxaa safar howled ku yimid magaalada Stockholm ee caasimada dalkan Sweden gudoomiyaha Gudida Olombikada Soomaaliyeed mudane Aadam Xaaji Yabarow (Wiish), waxaana si diiran halkan ugu soo dhaweeyey ururka SSUF iyadoo casho sharaf balaadhan loogu sameeyey magaalada Stockholm. Munaasabadan balaadhan ayaa waxa hadalo kala duwan kazoo jeediyey masuuliyiin kala duwan, waxaana ka mid ahaa Axmed Xasan agaasimaha Ururka martida galiyey casho sharaftan, wuxuuna halkaas kasiiyey warbixin ku saabsan howlaha uu urukiisa uu qabto bulshada Soomaaliyeed iyo wixii uu soo qabtay ayadoo uu halkaas u ku qeybiyay warbixin qoraal ah oo daabacan, waxaa xafladaas goob joog ka ahaa ururka qabanjiray cayaaraha xagaaga heerka 1aad ISKIF. Guddoomiyaha GOS ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay guud ahaan isboortiga dalka 20kii sanno marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray gudaha iyo dibadda wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in si weyn loogu wada shaqeeyo horumarka isboortiga isagoo xusay in isboortiga loo istaagay xilli xun oo uu dalka burburay haatanna uu marayo meel wanaagsan oo loo baahan yahay in lagu fara adeego horumarka la tiigsanayo.

Dayax Magazine November 2009

32

Page 33: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

33

Pa

ge3

3

Pa

ge3

3

33

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kala gedisan oo isugu jira dhalinyaro Soomaaliyeed, aqoonyahano, ururo iyo waliba waxgarad kale oo ka kala socday Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub iyo Amerika. Aqoon isweydaarsigan oo aad u heer sareeyey waxaa casharo kasoo jeediyey aqoonyahano badan oo ay ka mid ahaayeen: Proofeesar Axmed Ismaaciil Samatar, Profeesar Cabdiwali Maxamed, Profeesar Hodan Ciise iyo Dr. Maxamuud Ciise Dhoolawaa.

SSUF oo aqoon isweydaarsi u furtay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Yurub

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka furmay 29kii bishii April kulan looga hadlayey dhalinyarada iyo ururada Soomaaliyeed ee Qaarada Europe iyo Waqooyiga Mareykanka, kulankaasi oo lasoo gaba gabeeyey 5tii bishan May, wuxuuna kulankani ka dhacay hotel Ibis ee Spanga Stockholm, dalka Sweden. Aqoon isweydaarisgan waxaa soo qab qaabiyey ururka SSUF oo ah ururuka dhalinyarada ee ka dhisan magaalada dalkan Sweden, waxaana isugu yimid dhalinyaro badan oo wiilal iyo gabdhaba leh, kana kala yimid dalal badan. Ahmed Hassan oo ah madaxa hay’ada SSUF ayaa sheegay in kulankan ay ugu talo galeen sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalalka Yurub iyo Waqooyiga Amerika isu dhexgali lahaayeen, isla markaana loogu dhiiri gelin lahaa dhalinyarada Soomaalida dhinaca, waxbarashada, aqoon isweydaarsiga iyo waliba dhinaca hogaaminta iyo maamulka. .

Dayax Magazine

November 2009

33

Page 34: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

34

Pa

ge3

4

Pa

ge3

4

34

Dayax Magazine

November 2009

Page 35: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

35

Pa

ge3

5

Pa

ge3

5

35

November 2009

Dayax Magazine

Page 36: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

36

Pa

ge3

6

Pa

ge3

6

36

November 2009

Dayax Magazine

Page 37: Dayax Magazine kk s 1 November 2009 - Hiiraankk s 1 Page 1 1 November 2009 Dayax Magazine Hordhac Ururka SSUF waxa la aas aasay sanadkii 2004-ta, ujeedada loo aas aasayna waa in la

kk s

37

Pa

ge3

7

Pa

ge3

7

37

November 2009

Dayax Magazine

37