amisom magazine 14 - so

32

Upload: amisom-somalia

Post on 04-Apr-2016

459 views

Category:

Documents


0 download

DESCRIPTION

Howl-galka Gorgorka

TRANSCRIPT

Page 1: AMISOM Magazine 14 - SO
Page 2: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Geedi socodka lagaga xoreynayo Soomaaliya dagaalyahaniinta Al

Shabaab waxay xaqiijisay guulo, laga soo bilaabo markii uu Golaha Amaanka ee Qa-ramada midoobey meel mariyay go’aankii tirsigiisu ahaa 2124 kaasoo u gogol xaaray in la badiyo tirada ciidamada AMISOM laguna daro riro dheeri ah oo gaareysa 4,395 oo askari, taasoo ka dhigtay awooda AMISOM wax ka badan 22,000 oo askar milatari ah.

Marka loo fiiriyo kordhinta tirada ciidan-ka ee cusub, waxaan soo nooleynay howl-galada ciidamadayada si aan gacan ugu siino Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed inay dib u ula wareegaan, gacanta dowlad-ana dib ugu soo celiyaan dhul dheeraad ah oo hada gacanta ugu jira dagaalyahanada Alshabaab. Laga soo bilaabo daah furkii howlgalkan cusub bishii Maarso ee sanad-kan, Xeer loogu magac daray Howlgalkii Gorgorka, Ciidamada Qaranka Soomaali-yeed iyo kuwa AMISOM ayaa ka fara ma-roojiyay 10 magaalo oo waaweyn gacanta dagaal yahaniinta. Magaalooyinku waxay ka dhigan yihiin guud ahaanba gobolada Bakool iyo Gedo iyo qeybo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiraan.

Aad ayaan hoos ugu ridnay awoodii milatari ee dagaalyahaniinta, ilahoodii dhaqaalena waan naafeynay. Meelihii ay taageerada ka helayeen ayaa si deg deg ah ugu sii gurayo, dagaal yahanadoodii dhalin yarada u badnaana si tiro badan leh ayay uga goosanayaan, ayagoo intay la joogi lahaayeen doorbidayo inay ka qeyb qaataan nabada iyo xasiloonida Soomaa-liya. Sidaas darteed, daadku gaabisba haa ku socdee laakiin waxaa hubaal ah inuu hafin doono dagaalyahanada.

Waxaan garab ku siindoonaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed dadaalkooda ay doonayaan inay ku xoreeyaan magaaloo-yin dheeraad ah bilaha soo socdo. Marka laga qabsado malaagooyin xag-jireyaasha dadkuna ay bilaabaan inay salka dhigta-

an guryahoodii, caqabado door ah ayaa soo baxidoono, kuwaasoo si gaar ah uga dhalanayo arrimaha xasilinta. Yoolkaana-ga ugu weyn waa inaan ku wareejino nabadgelyada dalka, Ciidamada Difaaca Soomaaliya inta aanu sii wadno taageera-da aan ku siineyno xasilinta dalka. Soo saarka wartabiyahan hada hortiina yaalo, waxaan soo bandhigeynaa talaabooyinka ay AMISOM qaadeyso si loo taageero xas-ilinta meelaha cusub ee dib loo qabsaday. Howl galadii milatari ee la qaaday waxaa looga golahaa in wado loo furo dadka si ay dib salka u dhigtaan guryahooda una bilaabaan dhisida nolashooda. Howlaha xasilinta waxaa loola jeedaa in lagu ta-ageero dadka shacabka sidii uu u sameyn lahaa arrintan. Waxaan rajeyneynaa inay qormooyinku noqon doonaan kuwo kugu soo kordhiyo warbixino.

Waxaan ka faa’iideysanayaa fursadan si aan u soo dhaweeyo Dr. Maman S. Sidikou oo loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka cusub ee Gaarka ah ee Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya hada wixii ka danbeeyana hogaamin doono AMISOM. Dr.Sidikou, oo ka soo jeedo dalka Niger, ayaa ah nin waaya aragnimo weyn u leh dhinaca siyaasadda, diblomaasiyadda, xiriirka iyo arrimaha bini’aadamnimada. Waxaa sharaf ii ah inaan ku wareejiyo Ergada, hogaamiye Afrikan ah oo caan ah waxaana ka tagayaa Ergada anigoo ku kalsoon inuu AMISOM wax qabadyo aad usii waaweyn u soo hoyin doono.

Waxaa kale oo aan soo dhaweynayaa Kuxigeenka cusub ee loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya , Marwo. Lydia WanyotoMutende, oo ku soo biirtay Erga-da. Ahna muwaadinad u dhalatay Uganda, Marwo. Mutende waxay leedahay waaya aragnimo hodan ah ayadoo aheyd xubin ka tirsan sharcidejiye-yaasha Baarlemaanka Bariga Afrika iyo sidoo kale dhinaca wada xaajoodka, arrimaha xukunka iyo sida

wararka loo maamulo. Marwo. Wanyoto waa ayba la wareegtay masuuliyaadeedii Ergada dhexdeeda ee sida xooga leh ay u raadineysay.

Waxaa kale oon ku faraxsanahay inaan soo dhaweeyo Taliyaha Booliska AMISOM ee cusub, Mr. Anand Pillay, oo ah muwaadin u dhashay Koonfur Afrika, oo la wareegay howshiisa bishii May ee sanadkan. Ayadoo Saamooliya ay ku soco-to sidii looga xoreyn lahaa gacan ku heyn-ta xagjire-yaasha, ayay kaalinta Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ah ilaaliyaha sharciga iyo kala danbeynta noqoneysaa mid aad mihuum u ah. Booliska AMISOM ayay masuuliyad ka saran tahay kobcinta awooda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay sidhameys-tiran awoodna ay ku dhee-han tahay ula wareegaan masuuliyadooda dalka gudihiisa oo dhan.

Mudadii halka sano iyo barka aheyd een ahaa madaxa AMISOM, Ergada waxaa ku kordhay xoog, dhinaca baaxada iyo guulaha labadaba, laakiin si aad gaar u sii ah, waa dhinaca xoojinta xiriirka ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya raadin-tooda nabada iyo xasiloonida. Sharaf weyn ayay ii aheyd inaan ku adeego awood intan dhan waxaana galin doonaa waaya arag-nimadaas aan helay iyo fursada uu i siiyay Gudoomiyaha Midowga Afrika inaan ugu adeego umada reer Afrika.

Waxaa dhiirigelin leh in la ogaado inay dhameystirayaan dadaaladani rabitaan siyaasadeed oo xoog badan oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo balaariyo guulaha loona abuuro jawi ku haboon doorashooyinka sanadka 2016 iyo marxalada ugu danbeysa ee ciidamada AMISOM ay Soomaaliya kaga baxayaan, horumarkan siyaasadeed iyo milatari ayaa ah arrin lagu muujinayo waxa la qaban karo, si dalka loo xasiliyo hadii aan wada shaqeyno. Waxaa si aad ah nooga go’an in-aan la shaqeyno shacabka Soomaaliyeed si loo helo Soomaaliya nabad ah oo xasiloon.

Tifaftirka Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika Ugu qaabilsan Soomaalia Amb. Mahamat Saleh Annadif

2

Fariinta WakiilkaMAQSGaarka

ah ee

Page 3: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 3

July 2014Tusmo

Fariinra Wakiilka Midowga Afrika

Wareega wararka

Gudoomiyeyaal loo magacaabay Bullaburde iyo Jalalaqsi

Wareysi lala yeeshay Taliyaha Ciidamada

Qoryooyle: Nolosha kadib al Shabaab

Al-Shabaab oo kharbuudaad ku sameeyay magaalada Xudur inteysan ka baxsan weerarkii AMISOM Waardiyeyaasha nolosha ee xeebta Liido

AMISOM oo waardiyeyneysa kaanboyda sida gargaarka

Sida uu u arko Xoriyada saxaafada Soomaalyia nin indhoole ah

Dareenka ganacsiyeed ee Muqdisho Baydhabada AMISOM Mr. Fix It

Ciidamada AMISOM oo ka kaalmeeyo beeraleyda reer Baydhabo inay beerahooda fashaan AMISOM oo kuwareejisay maamulka Muqdisho ceelal biyo

Zabina Muhondo:Jabinta khuraafaadka; darawal gaari gaashaaman oo jiida dagaalka joogo Xeebya dhalaaleysa ee Kismayo muuqaalka meelaha hore

Booliska AMISOM Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

2

4-6

7

8-9

10-11

12 13

14-15

16-17

18-19

20-21

22-23

24-25

26-27

28-29

30-31

Isku-dubaridaha: Eloi YaoAf-hayeenka: Kornayl Cali Aden Xoumed

Qorsheynta: Zvezdan DjukanovicSawir qaadayaal: David Mutua iyo Tobin Jones

Email: [email protected] or [email protected]

P.O Box: 20182 - 00200, Nairobi, KenyaTaleefoon: +254 202 713 755/56/58

Fax: +254 202 713 766

Soosaare: Waaxdawarbaahinta AMISOM

amisomsomaliaamisom.somalia

issuu.com/amisom

amisom.somalia

amisomsomaliaamisomsomalia

www.amisom-au.orgvimeo.com/amisomnews

Find us online

Page 4: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

10 June 2014 – Ayadoo qeyb ka ah dadaalada lagu xoojinayo kartida Ciid-amada Qaranka Soomaaliyeed, Ergada Midowga Afrika u Joogto Soomaaliya (AMISOM) waxay sii wadaa ku tababarida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed dhinacyada nabadgelyada ee lagama maar maanka ah oo ay ku jiraan baraha lagu baaro gawaarida. Tani waa dadaalo dheeraad ah oo AMISOM ay ku xoojineyso kobcinta awooda hey’adaha nabadgelyada kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo fududeeyo bixitaanka AMISOM ee kama danbeysta ah. Isagoo ka hadlayay mid ka mid ah munaasabadaha tababarada, ayuu yiri taliyaha cashar bixinada AMISOM, Gaashaanle Amza Martin: AMISOM waxay tababartay wax ka badan 3,000 oo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ah, lana baray casharo kala duwan oo ku saabsan culuunta milatariga. “Waxaan halkan u joognaa inaan taageerno Dowladda Soomaaliya xoogageeda nabadgelyada. Tababarku wuxuu awood u siin doonaa ciidamada inay la wareegaan nabadgelyada dalka qorshaha ugu danbeeya ee AMISOM ay dalka kaga baxeyso. Ciidamada Qaranka Soomaali-yeed waxaa haleeyay labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, hadana waxaa ku socoto awood kobcin aad u weyn.

4

KoobanWarar

5 June 2014- Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya Joogto (AMISOM), oo wakiil ay uga aheyd qeybteeda isku xirka Bi-ni’aadamnimada, ayaa ku wareejisay afar ceel biyood Maamulka Gobolka Banadir ee magaalada Muqdisho. Afarta ceel oo ku kala yaalo Xamarweyne, Dharkenley, Wadajir iyo Xamarjajab, ayaa waxaa ka faa’iideysan doono wax ka badan 260,000 oo qoys. Dhismaha iyo dib u dayac tirka ceelashan ayaa waxaa maal geliyay Dowladda Sweden, taakuleytuna waxay aheyd AMISOM fulintuna waxaa iska laheyd hey’adda maxaliga ah ee la yiraahdo Hadaf Humanitarian Relief Organization (HADAF). Mashruucu waxay aheyd ujeedadiisa in loo helo biyo lagu aamin qabo nafiif nimadooda, lana cabi karo oo ay helaan dadweynaha ku nool degmooyinka Muqdisho ka dib labaatan sano oo dagaal sokeeye uu socday kaasoo ka dhigay shacabkii kuwo aan heysan adeegyadii aasaasiga ahaa una nugul cudurada halista ah, taasoo ah xaalad ay AMISOM dooneyso inay caawiso sidii loo badali lahaa. Sii hayaha Duqa Magaalada Muqdisho, Ismaaciil Ma-calim Cabdi, ayaa uga mahad celiyay AMISOM iyo Xukuumada Sweden taageerada ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladiisaba, isagoo yiri ceelashan biyahu waxay yareyn doo-naan dhibaatada heysada shacabka Soomaaliyeed.

3 June 2014- markii ugu horeysay wax ka badan 20 sano, dowladda Mareykanka ayaa usoo magacowday Soomaaliya safiir. Kuxigeenka wasiirka arrimaha dibada ee Dowladda Mareykanka Wendy Sherman ayaa sheegtay in go’aanka lagu magacaabay safiir u fadhiya Soomaaliya wuxuu muujinayaa waxay ugu yeertay calaamad tusineyso xiriirka dhidibada sii aasanayo ee u dhexeeyo Washington iyo Muqdisho iyo “sida la aaminsan yahay oo ah inay maalmo wanaagsan soo socdaan.”Waxay kula dardaarantay Soomaalida inay isaga fogaadaan dagaalada qabiilka ee jiilashii duqoobay, xoogana saaraan dhisida dowlad midnimo qaran. “Ma jiro ruux naga mid ah oo u sameyn karo Soomaalida arrinkaas,” Sherman ayaa u sheegtay Mac-hadka Nabadda ee Washington. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay magacaabistaas dowladda Mar-eykanku ay ku magacowday safiirkeeda. “Waxaan ku faraxsanahay inaan sugno ujeedooyinka nabada ee naga dhexeeyo, horumarka joogtada ah iyo maamul wanaaga Soomaaliya. Magacaabista safiirka dowladda Mareykanka waxay muu-jineysaa xooga kalsoonida iyo iskaashiga ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka. Waxay ku taaganahay bilowga safar kaanagii aan ku hiigsaneynay nabada iyo barwaaqo ka hana qaado Soomaaliya. Waxaan qirayaa jidka dheer ee naga horeeyo, laakiin jidkaasi waxaa lagu fududeeyay ogaalkaanaga inay nala jiraan saaxiibo nala wadaago hal ujeedo oo aan wada hiigsaneyno,” ayuu yiri.

AMISOM waxay sii wadaa tababarka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed

AMISOM oo ku wareejisay afar ceelasha biyaha ah maamulka Gobolka Banadir, Mogadishu

Dowladda Mareykanka oo u magacowday Soomaaliya safiirkii ugu horeeyay mudo 20 sano ah

1 March 2014 – Ayadoo qeyb ka ah sharci-ga AMISOM ee xoojinta kobcinta awooda Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, AMISOM waxay ku wareejisay toban gawaarida Toyota Land Cruiser ah oo lagu soo iibiyay kaalmo ka imaatay Dowladda Talyaaniga. Deeqdan waxay daba socotay koorso tababar ah oo qaadatay sadex bilood si gaar ahna loogu baranayay maamulka nidaamka guud laguna qabtay dalka Djibouti sanadkii tagay oo ay fududeysay

AMISOM iyo Dowladda Talyaaniga. Xafladii wareejinta dhexdeeda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay AMISOM iyo Dowladda Talyaaniga iskaashiga iyo taageerada joogtada ah, marka ay muujinayaan guusha hindisahoo-da. Wuxuu dhahay gawaaridu waxay fududeyn doonaan shaqada Ciidamada Booliska Soomaa-liyeed ee ay ku dhisayaan sharciga awooda iyo

abuurida jawi nabad iyo amaan leh oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Qeybta Booliska ee AMISOM ayay kaalinteeda koowaad tahay inay is badal ku sameyso Ciidamada Boolis-ka Soomaaliyeed si uu u noqdo hey’ad lagu kalsoonaan karo kartina leh, kuna dhaqanta heerarka caalamiga ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo gawaari ka helay AMISOM

6 June 2014- Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya Joogto (AMISOM), oo la kaashaneyso Xafiiska Qaramada Mido-obey u qaabilsan Soomaaliya UNSOM Qeybtiisa Xuquuql Insaanka iyo qeybtiisa Booliska, waxay isla fuliyeen tababar-ka tababareyaasha (ToT) oo shan maalmood qaatay loona qabtay saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed (SPF) kuna saabsanaa mabaadiida xuquuqul insaanka ee xiriirka la leh xoogaga booliska. Tababarku wuxuu diirada saaray shaqada booliska iyo badalida tooska ee qaab dhaqmeedkoo-da si loo hubiyo inay yihiin kuwo la falgalayo xushmeyna u hayo xuquuqul insaanka cid kastaba. 27 saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb galay tababarka, 13 ka mid ahna ay ahaayeen saraakiil dumara ah. Agaasimaha Qeybta Xuquuqul insaanka, Sahra Moxamed Cali ayaa u mahad celisay qaban qaabiye yaashii iyo kuwii qalin jebiyayba sida ay uga wada go’antahay inay tix-gelin siiyaan arrimaha xaquuqul insaanka waxayna ku celcelisay in masuuliyada ilaalinta xuquuqul insaanka ay tahay arrin dusha ka saaran Ciidamada Booliska oo ah hey’adda loo tiirinayo inay hubaal ka dhigto dhowrista awooda sharciga iyo kala danbeynta.

Tababarka xuquuqul insaanka si loo xoojiyo kobcinta awooda Ciid-amada Booliska Soomaaliyeed

Page 5: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 5

15 May 2014 – Sagaal iyo labaatan ka mid ah saraakiil Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qalin jabiyay tababar loo sameeyay koox taliyeyaal cusub ah koorso ay fulisay AMISOM laguna qabtay xerada tababarada Jaziira ee Muqdisho. Tababarkan sadexda bi-lood socday waxaa lagu qaatay qaabka tagtiiga, xirfadaha dagaalka, ka hortaga dagaalyahanada, maareynta xirfad-eysan ee hubka, caafimaadka guud, la tacaalida suumanka miineysan, baraaruga iyo sharciga bini’aadamka ee caalamiga ah. Isogoo ka wakiil ahaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, ayuu kuxigeenka taliyaha saraakiisha Maj. Gen. Masele Maseret yiri AMISOM way sii wadi doontaa inay xoojiso awooda Xoogaga Nabadgelyada Qa-ranka Soomaaliyeed ayadoo u mareyso siinta tababaro dheeraad ah si ay awood

ugu helaan inay la wareegaan nabadgel-yada dalka. “Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay qeyb dhameystir ah ka yihiin dib u soo kabashada Soomaa-liya tababarka maanta la qaatayna wuxuu buuxin doonaa meel weyn oo ka marneyd Ciidanka Qaranka Soomaa-liyeed, kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah iyo isku dhacyo hubeysan,” ayuu yiri. General Cabdulqadir Ma-calim Nuur oo ka socday Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa meesha ka sheegay erey waano ah oo uu siiyay qalin jabiyeyaasha, “Hada waxaad qaadateen tababarkan, wuxuuna idiin yahay fursad aad ku soo bandhigi kar-taan waxaad barateen sadexdii bilood ee ugu danbeysay. Waxay tahay kaalin-tiinu inaad difaacdaan madaxbanaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

5 May 2014– Soomaaliya waxay sanadkan ku biirtay aduun weynaha intiisa kale ayadoo xustay maalinta Caalimiga ah ee Saxaafada, dowladuna ay balan qaaday inay wanaajineyso nabadgelyada suxufiyiinta ku nool dalka gudihiisa. Sanadkan 2014 war-bixin ay ka qoreen xoriyada saxaafada aduunka hey’ada la yiraahdo Wariy-eyaasha aan Xuduuda laheyn Soomaa-liya waxay gelisay booska 176 oo ka mid ah 180 dal ee baaritaanka lagu sameeyay marka laga eego dhinaca nabadgelyada suxufiyiinta. Fariinti-isii uu u diray suxufiyiinta aduunka Soomaaliya, Wakiilka Gaarka ah ee

Midowga Afrika u qaabilsan Soomaa-liya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ka dhawaajiyay sida ay AMISOM u garwaaqsan tahay kaalinta ay kaga jirto saxaafada Soomaaliya hurumarka qaranka iyo helitaanka xukun dimo-qraadiyad ku dhisan, kaasoo xoriyadu ay ka mid tahay tiirarkiisa.“AMISOM waxay garab taagan tahay xubnaha bahda saxaafada Soomaaliya si ay wa-laaltinimo ku dheehan tahay kuwaasoo hurayo xoriyadoodii ay sida shakhsiga ah wanaag ugu noolaan lahaayeen aya-goo qabanayo shaqooyin muhiim ah oo ay ugu sheegan warar dadweynaha arrimaha muhiimada ee qaranimo.”

AMISOM oo tababartay koox taliyeyaal cusub ah

1 June 2014- Madaxa Difaaca Ciidamada Qalabka-sida ee Jamhuuriyada Sierra Leone, Maj. Gen. Samuel Omar Williams ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku yimid Soomaaliya. Ujeedada booqashdiisa ayaa aheyd inuu barto silsilada taliska AMISOM, oo dowladiisu ay guuto kaga qeyb galeyso. Madaxa Difaaca ayaa booqday ciidamada dalkiisa ka socda kalana sheekeystay wax yaabaha ay tabanayaan iyo sida xal ay ula gaari karaan AMISOM si sare loogu sii qaado xiriirka ka dhexeeyo dalkiisa iyo AMISOM. Waxaa kale oos wada hadal la sameeyay Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa, Taliye Xigeenka qaabilsan dhinaca Howlgalada, Maj. Gen. Geoffrey Muheesi, iyo Taliyaha Aaga Kismayo, Brig. Gen.TambaRodnicAllieu. Guutada ka socoto Sierra Leone ee la shaqeyso AMISOM waxaa saldhig u ah Aaga Kismayo.

28 May 2014 - Qeybta siyaasada AMISOM ayaa fulisay koosro toban bari qaadatay kuna saabsaneyd Maamulka iyo Hogaanka Fulinta oo ay ka faa’iideysteen 80 shaqaala-ha rayidka ah ee jagooyinka sare sare ka hayo xafiisyada dowladda laguna qabtay Muqdisho. Koorsadu waxay isu keentay qeybo badan oo agaasimeyaalkii guud ka mid ah iyo agaasime waaxeedyadii Dowladda Federaalka Soomaa-liya. Tababarka oo ka dhacay Akaadeemiyada Booliska, General Kaahiye, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’isul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Shaqada Soomaaliya, Luqmaan Sheekh Ismaciil, Taliyaha Booliska Brig. Gen. Abdihakin Dahir iyo wakiilo sar sare oo ka socday AMISOM. Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya waxay dusha u riteen culeyskii ugu weynaa labaatankii sano ee dowlad la’aan-ta, taaso ay ku lumeen heerarkii darajo ee shaqaalaha iyo awoodoodii farsamo. Tababarka ayaa looga golahaa dhisida aasaaska shaqaalaha rayidka ah ee curdanka ah ee dalka ayadoo dowladu ay dib u soo celineyso helitaanka adeegya-da guud markii ugu horeysay laga soo bilaabo 1991, taasoo qeyb ka ah ujeedooyinka waaweyn ee Horumarka iyo Dib u dhiska Soomaaliya iyo Ujeedooyinka Dowlad-dhiska iyo Nabada Soomaaliya. Tababarkaasi naf ahaantiisa wuxuu si gaar ah u ahaa dhacdo muuqato oo qeyb ka ah safarka lagu hiigsanayo caafimaadka Soomaaliya, waana kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto dalka gudihiisa. Tababaro hore ayaa lagu qabtay meelo ka baxsan dalka sida Uganda, Burundi, Sierra Leone, Liberia iyo Rwanda laga soo bilaabo sanadkii 2010. Ayadoo qeyb ka ah sharcigee-da, AMISOM waxay gacan ka geysataa kobcinta awooda hey’adaha federaalka Soomaaliya ee qeybaha muhiimka sii ah sida nabadgelyada, isxukunka iyo xuquuqul insaanka.

Madaxa Difaaca Sierra Leone oo Soomaaliya booqday

AMISOM oo gabagabeysay ta-babar ay siisay hogaamiyeyaalka shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed

Maalinta Caalamiga ah ee Saxaafada

Page 6: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 6

May 2014 – Dadka degan xerada barakacayaasha Kabka, oo ku taalo gobolka Banadir, ayaa sabab u helay inay farxaan markii ay ilmahooda u heleen iskuul la dayac tiray. Waxaa ka muuqdo aqalo buulal ah iyo dhaq dhaaq mashquulsan, laakiin waxaa ka maqan adeegyadii bulshada ee muhiimka u ahaa nolol fiican ku noolaanshaha,xerada Barakacayaasha Kabka waxay hoy u tahay kumanyaal dad ah kuwaasoo ka soo cararay guryahoodii una adkeysan waayay ar-gagaxa Al Shabaab. Caruurtu, Xeradan ayaa ah guriga kaliya ee ay garan-ayaan. Sidaas darteed Iskuulka dhexe ee Saabir, oo ay ku dhistay AMISOM iyo saaxiibadeeda xeradan, ma aha iskuul caadi ah, laakiin wuxuu calaa-mad u yahay fursad iyo rajo mustaqbal

fiican caruurtaasi. Hada waxaa ka shaqeeyo todobo galaas oo shaqeeyo subixii iyo galabkiiba. Ayadoo qeyb ka ah u ujeedada Qeybta Rayidka ah ee AMISOM ee xoojinta bulshooyin-ka Soomaaliyeed ee kala duwan ee ay ka dhex shaqeeyaan, ayuu fuliyay mashruucan qandaraasle maxali ah oo iska leh hey’adan la yiraahdo, Brothers of Relief and Development Organiza-tion (BRADO). Dr. Opiyo Ododa, oo ah Sarkaalka Arrimaha Rayidka ugu sareeyo AMISOM, ayaa yiri ujeedadu waa in la hubiyaa inay bulshadu ka faa’iideysaneyso mashruuca dhinacy-adiisa dhamaantood. Illaa iyo hada, afar iskuul ayaa laga dhisay Muqdisho. Waxaa kale oo ergadu ay bixisay qalab iskuul iyo fadhiyo ay siisay iskuulada qaar.

April 2014 – AMISOM qeybteeda Booliska la askumay ayaa sii wado taageerada Booliska Soomaaliyeed ee howlgalada habeen iyo maalinba leh ee ay ka sameynayaan degmooyinka Muqdisho si ay magaalada uga nadiifi-yaan canaasirta xun xun. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, oo kaashanayo booliska AMISOM, wuxuu masuul ka yahay xoojinta nabadgelyada guud ee caasimada iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta. Mar uu ka hadlayay shir saxaafadeed, ayuu yiri afhayeenka booliska AMISOM waanu sii wadi doonaa taageerada xoogaga nabadgelya-da Soomaaliya oo aan la sameyn doono howlgalo nabadgelyada lagu sugayo si loo tirtiro canaasirta danbiile yaasha ah “kuwaasoo mar marka qaar ku dhuunto dadweynaha dhexdooda.” AMISOM qeybteeda Booliska la askumay waxay cayaartaa kaalin wax ku ool ah si loo hubiyo soo wanaagsanaanta nabad-gelyada meelaha la xoreeyay oo laga sameynayo roondooyin wada jira oo lala sameynayo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ka taakuleynta maamul-ida kala danbeynta guud iyo qaabka loo waardiyeeyo shakhsiyaadka muhiimka ah iyo sidoo kale ilaalinta Saraakiisha Midowga Afrika ee qaabka milatariga u tababaran isla mar ahaantaa la geeyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed xarumaha ugu badan ee suura galka ah.

8 March 2014 – Ayadoo aduunku uu u dabaal degay Maalinta Haweenka Caalamiga ah, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Midoega Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif uu ifiyay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaaraan helita-anka isbadal wanaagsan oo Soomaa-liya ka dhaco. “Waa wax farxad leh in la ogaado tilaabooyinka muuqdo ee ay Haweenka Soomaaliyeed u sameynay-een dhinaca kobaca iyo horumarka dalka. Kaqeybgalka haweenka ee arrimaha bulshada dalkani waa kuwo wax baritaarayo si ay u dhisaan qaab nabadii dalka dib loogu soo celin karo,” ayuu yiri. Danjire Annadif waxaa kale oos u sacabo tumay kaa-linta haweenka ee leexleexadka aan la heyn ee ay ku garab taagan yihiin ar-rimaha nabadgelyada dalka, isagoo u mahad celiyay dumarka nabad ilaali-yeyaasha ah ee la shaqeeyo AMISOM ka qeyb galkooda soo celinta nabada Soomaaliya. AMISOM waxay sii wadaa la shaqeynteeda Dowladda Soomaaliya, si loo dhiso hey’ado iyo loona helo adeegayadii guud.

22 April 2014 – Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa soo booqday Soomaaliya si uu kormeer ugu sameeyo ciidamadiisa ka hoos shaqeeyo Howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale booqasho ugu tago Madaxweynaha Soomaa-liya Xasan Sheekh Maxamuud. Intii uu booqashada ku jiray, Madaxweyne Nkurunziza wuxuu sheegay rajadiisa ku aadan mustaqbalka Soomaaliya wuxuuna mar kale adkeeyay sida ay dowladiisa uga go’antahay inay la shaqeyso dowladda Soomaa-liya si sare loogu qaado nabada iyo amniga. “Waxaan ku farax-sanahay Soomaaliya xili muhiim u ah dowladda federaalka ah oo dagaalka ay kula jirto Al Shabaab iyo argagixisada. Dowladda Burundi hada waxay u magacowday Soomaaliya safiirkeedii ugu horeeyay, waxaana naga joogo ciidamadeena la shaqeynayo AMISOM laga soo bilaabo 2007. Xiriirka ka dhexeeyo labadeena dal aad ayuu u fiican yahay ,” ayuu yiri. “Fariinta aan u dirayo Soomaaliya ayaa waxay tahay rajo iyo nabad. Burundi mar waxay aheyd mid uu halakeeyay dagaal sokeeye. Si kastaba, sababtoo ah waxaa jiray niyad wagaan-san oo siyaasadeed ayna qabeen reer Burundi dhamaantood, hada waxaan ku nool nahay nabad. Xili mkasta amuurihiisuu leeyahay: waxaa jira xiliga dagaalka iyo xiliga nabada iyo xiliga horumarka. Hada xili fiican ayay u tahay Soomaalida inay ka fikiraan nabada iyo xasiloonida.” Madaxweyne Nku-runziza waxaa ka kale oo uu lahadlay ciidamada AMISOM ugana mahad celiyay ka qeyb galkooda nabada iyo xasiloonida Soomaaliya iyo naf huridii ay sameeyeen “si ay u taakuleeyaan walaalaheena Soomaaliyeed.”

March 2014 – Howlgalada wadajirka ah ee dib loo cus-booneysiiyay una dhexeeyo Ciidamada Qaranka Soomaa-liyeed iyo AMISOM, ayaa toban magaalo oo istiraatiiji ah dib looga qabsaday kooxda xagjireyaasha ah ee Al Shabaab. Sanadkan horaantiisii, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM ayaa dib gacanta ugu dhigay magaalooyinka Qoryoley, Xudur, Buuloburto, Qunrulow, Wajid iyo Rabdhure magaalooyinka laga saaray Al Shabaab markii dhawaa qeyb ka ahaa howlgalkii loogu magic daray Gorgorka (Eagle). Wakiilka Gaarka ah ee Midoega Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayaa yiri qabsashada magaalooyinkan waxay u aheyd guul weyn dalka iyo wax u soo kordhay geedisocodka dib u soo celinta nabada Soomaaliya. Qabsashada magaalooyinkan waxay fududeyn doonaan fidinta gacan ku heynta dowladda Soomaaliya dhulkeeda iyo in awood loo siiyo shacabka Soomaaliyeed inay si xor ah ugu noolaadaan dhulkooda ayagoo aan ka baqeynin diktaatooriyada Al Shabaab. Howl-galka wadajirka ah ayaa loo qaaday qaab uu ku jiro dadaalka loo baahan yahay iyo dhowrista heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Hopein oo baaqatay xero barakacayaal ayadoo AMISOM-na ay dayactireyso iskuul

AMISOM oo sii wado roondooyinka habeenkii ee magaalada Muqdisho

AMISOM oo u dabaal degtay Maalinta Haweenka Caalamiga ah

Madaxweynaha Burundi oo soo booqday Soomaaliya

Toban Magaalo oo lagu xoreeyay howlgal iskaashi ah oo ay sameeyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM

Page 7: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Bishii Juun waxaa dhacay horumar weyn oo ah dhinaca geedi-socod-ka loogu jiro xasilinta dalka, kadib

markii dhowaa ee ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM dhul muhiim ah Al Shabaabkala wareegeen. Waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah xasilin-ta Soomaaliya, taasoo isla markiiba daba socotay markii dhulkaas gacanta lagaga dhigay xagjiretaasha, ayaa laga bilaabayaa ka dhaqan gelinta maamulo taasoo xaqiijin doonto in arrimaha dhulkaas ay maamu-laan shacabka ku nool dhulkaas.

Ayadoo tilaabadii u horeysay ee dhank-an loo qaado ah, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa saraakiisheeda maam-uli doono degmooyinka Bullaburde iyo Jalalaqsi geysay meelahaas, laba degmo oo cusub oo la qabsaday kuna yaalo gobolka Hiiraan. Gudoomiyeyaalkaas ayay si rasmi ah u geysay Wasaaradda Arrimaha Guda-ha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxaana horkacaayay Agaasimaha Guud, Mr. Cali Abtidoon Xalane howl shaqo oos u tagay Bullaburde.

Koox naga mida ayaa safar ku tagtay Bulla Burde si ay uga qeyb galaan shaqa-daas. Bullaburde, oo mar mar badan ay ku naaneysi jireen dadka degani Buu-laay, waxay dhacdaa 219 km oo ay kaga aadan tahay dhinaca waqooyi magaala-da Muqdisho, 125 km-na waxay Beled-weyne oo ah caasimada gobolka Hiiraan ka soo tahay dhinaca koonfureed. Xiliga roobabku ay da’ayaan, muuqaalka dhulka ee Bullaburde waa mid cagaaran, neecow leh, qudaar badan oo aan caadi ka aheyn meelhaas xiliyada kale.

Garoonka diyaaradaha ee dhuuban ayaan ku degnay, oo hada ay isticmaalaan uun diyaaradaha helicopters ah, kamana dheera magaalada bartamaheeda, ayadoo ka duwan garoonka diyaaradaha Beled-weyne kaasoo magaalada ka fog wax ka badan 5 km. jidka ka baxa garoonkana uu yahay mid xun oo ciid ah in kasta oo lagu jiro xiligii roobaabka oo mar dhow da’ay. Marka ay roobabku da’aan, biyaha isla markaasba waxaa cabayo ciida biyaha aad-ka ugu baahan bilo fara badana aan helin hal dhibic oo roob ah. Markii aan u dhaad-hacnay magaalada bartamaheedii, waxaan aragnay dad dukaamankoodii hor fadhiyo,

iyo kuwa kale oo fadhiyo makhaaya-dihii ay wax ka ca-bayeen hortooda, shaahna fiiqsanayo, kuwa kale oo ku mashquulsan howl maal meedkoodii, dhamaantoodna si xiiso leh u fiirsanayo baabuurta magaalada dhex mareyso. Wax-aa jiray dad ruxayay calanka Soomaaliya si ay u soo dhaweeyaan gudoomiyaha cu-sub, taasoo aheyd calaamad tusineysa inay dadka magaalada ku dhaqani ay ka war-hayeen munaasabada dhici doonto maanta.

Ayagoo ku sii kulmay Xarunta Taliska AMISOM si ay goob joog uga noqdaan xil ku wareejinta gudoomiyaha ayay maam-ulkii kumeel gaarka ahaa, odayaalkii dhaqanka, culimo udiinkii, haweenkii iyo kooxdii dhalinyarada, ururadii bul-sha, AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed taliyeyaalkoodii iyo sidoo kale dadka saxaamada ka shaqeeyo ayay wada joogeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arri-maha Gudaha, Cali AbtidoonXalane wux-uu u sheegay dadkii isku soo kulmay inay dowladu mudo sadex bilood ah ku howlan-eyd sidii ay gudoomiye ugu magacaabi la-heyd meelaha cusub ee gacanta dowladda dib u soo galay. “Qorshahaanagu waa in isla marka la magacaabo gudoomiyeyaalka cusuba, naan siino tababar. Ujeedadu waa in la tababaraa gudoomiyeyaalka, oo ay la jiraan taliye yaalka xabsiyada, nabadgelya-da iyo booliska, si ay uwada hogaamiyaan maamulka.”

“Geedisocodka magacaabista gudoom-iye yaalka wuxuu ahaa mid fudud,” ayuu ku siidaray, “hadana waan keenay. Waxaan u mahad celineynaa dadweynaha magaa-lada Bullaburde. Waxaan magacownay gudoomiyihii Bullaburde si uu uxoreeyo degmadiisa isagoo kaashanayo AMISOM, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadweynihiisa reer Bullaburde.”

Prof. Cabdi Moxamed Shuceyb oo ka tirsan Qeybta Arrimaha Siyaasadda ee AMISOM ayaa ku amaanay Dowladda

Federaalka Soomaaliya sida ay waqti go’an ugu magacowday maamulada degmooy-inka la xoreeyay si ay ugala wareegaan xukunka Ciidamada Qaranka Soomaaliy-eed iyo AMISOM taasoo qeyb ka ah dada-alada lagu xasilinayo dalka. “Gudoomiye yaalka degmooyinka meela kalena waa la geeyay waxayna fulinayaan waajibaad-koodii sida lagu cadeeyay istiraatiijiyada xasilinta dalka,” ayuu yiri.

“AMISOM waxay sii waday sidii ay u oofin laheyd sharcigeeda ku qotoma tee-geerida Doladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan sidii loo cirib tiri lahaa howlaha xagjire yaasha’ loona abuuri lahaa jawi ku haboon xukunka wanaagsan, xuquuqul insaanka iyo sharciga dowldda,” ayuu yiri Prof. Shuceyb. “Ayadoo taageero laga helayo AMISOM, gudoomiye yaasha degmooyinku maanta howshoodii ayay la wareen. Lawareegidooda maanta ee de-gmooyinka Bullaburde iyo Jalalaqsi waa calaamad wanaagsan oo muujineysa horu-mar.”

Isagoo ka hadlayay munaasabada, ayuu gudoomiyaha cusub ee degmada Bulla-burde Mr. Axmed Cabdi Wehliye sheegay mahad naqiisa weyn ee Ciidamada Qa-ranka Soomaaliyeed iyo AMISOM, uru-rada bulshada, hooyooyinka, caruurta iyo maamulkii kumeel gaarka ahaa ee hore kuwaasoo uu sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen maamulka cusub. Isagoo ka hadlayay ciidamada AMISOM ee hada jooga meeshaas, ayuu yiri “waa ciidamada Hiil Walaal. Magac ayuun bay ka yihiin AMISOM laakiinse waa dad Soomaaliy-eed. Waxaan la yeelaneynaa wada shaqeyn wanaagsan AMISOM.” g

7

degmooyinka BULLABURDE JALALAQSIiyo

oo magacaabayMAAMULO

Odayaal u dhashay gobolka Hiiraan oo ka qeyb galay aqoon isweydaarsi ay qabanqaabiyeen AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sawirka qaaday AMISOM/Ilyaas A. Abuukar

Page 8: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa ayaa ugu baaqay ciidamadi-

isa AMISOM, oo si aad u dhow la shaqeyn ula leh dhigooda Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, inay isu di-yaariyaan weerar dhaqaaqii ugu dan-beeyay ah oo ay kaga xoreynayaan magaalooyinka Soomaaliyeed ee yar walina kusii jira xukunka waxashni-mada ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Illaa iyo intii uu la wareegay taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya bishii Nofembar 2013, Generaalkan waaya aragnimada weyn leh ee reer Burundi ayaa hogaaminayay ciidama-diisa, oo si iskaashi wanaagsana leh ula shaqeynaayay ciidamada Soomaa-liyeed, wuxuuna kala wareegay xag jireyaasha Al-Shabaab magaalooyin waaweyn sida Xudur, Waajid, Bula-burte, Qoryoleey sidaasna kaga hooji-yay xag-jireyaasha dakhli ay ku maal gelin jireen danbiyadooda ay ka geli jireen dadka rayidka ah.

Taliyaha Ciidamadu wuxuu hoosta ka xariiqay inay howl galo milatari oo waaweyn si deg deg ah uga bilaabi doonaan Aagaga ay AMISOM joog-to dhamaantood, fufudeyn tuna uu leedahay Go’aankii Golaha Amaanka ee QM tirsigiisuna ahaa 2124 kaasoo xoojiyay tirada ciidamada kuna soo kordhiyay 4,400 oo askari. Go’aanku wuxuu kaloo diyaar ka dhigay xir-mo taageero dhanka saadka ah oo la

siinayo 10,000 Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ah oo ay ku jirto in loo daad gureeyo meelaha daawada iyo daaweynta.

“Ayadoo ay taageereyso AMISOM Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, waxaan aamin sanahay inaan leen-ahay awood aan ku xoreyno meela-ha ugu danbeeyo ee Al Shabaab ay maamulaan. Waxaan aad ugu xiiso qabnaa inaan howshan iska dhamey-no wax shaki ahna maskaxdaanada kuma jiro inaan arrintaas sameyn doono,” ayuu ku yiri Taliyaha Ciid-amada mar wareysi lala yeeshay.

Generaal. Ntirugirwa oo 46 jir ah wuxuu leeyahay CV kusoo jiidanayo.

Wuxuu ka soo qabtay jagooyin sar sare oo milatari iyo shibilba leh dalki-isa hooyo Burundi, oo ka soo kabtay 10 sano oo dagaalo naxariis la’aan ah, sanadihii sagaashamaadkii. Waxaa laga yaabaa inay tahay arrimo uu u soo joogay, taasoo Lt. Gen. Silas inuu keeno culuun loo baahnaa iyo waaya aragnimo diyaar ah oo lagu maamulo xaaladaha is bebedalka iyo dareenka-ba leh oo ay ku jiraan kala dirka, hub kadhigista iyo dib u mideynta, ku-waasoo dhamaan looga baahan yahay Soomaaliya.

Lajirkiisa, ayay durbadiiba AMISOM fulisay mabda’ cusub oo howl-galada ah kaasoo loogu talo ga-

8

AMISOM

Al Shabaab -naLAGAGA XOREYNAYAY SOOMALIYA

oo u diyaar garowday dhaqaaqii ugu danbeyay

Wareysi lala yeeshay Taliyaha Ciidamada AMISOM

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 9: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

lay in lagu xoojiyo ciidamada dib u qaabeyn istiraatiiji ahna laga hirgeli-yo aagaga AMISOM ee Soomaaliya dhexdeeda ah si loo fududeeyo ho-gaanka iyo kala sareynta iyo sidoo kale inay AMISOM hesho qaab ay uga gacan sareyn karto argagixisada Al-Shabaab.

Mabaadiida howl galadii ugu dan-beeyay, ayay caasimada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose ku hoos tagi doonaan Aaga 1aad, wax-aana si wada jir ah u maamuli doono ciidamada Uganda iyo Burundi.

Aaga 2aad wuxuu meel isugu keenayaa gobolada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe oo hoos imaan doono

Ciidamada Kenya. Aaga Kismaayo waxaa kormeeri doono ciidamo isku dhaf ah oo ay hogaamineyso Sierra Leone ayna ku jiraan Burundi iyo Kenya, Aaga 3aad wuxuu dabool-ayaa gobolada Bay, Bakool iyo Gedo waxayna hoos imaanayaan nabad ilaaliye yaasha Ethiopi, Aaga 4aad waxaa xudun u ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana hormuud ka ah nabad ilaaliye yaasha reer Djibouti oo kaalmo ka helayo Ethi-opiyan-ka. Ugu danbeyntiina, Aaga 5aad waa gobolka Shabeelaha Dhexe wuxuuna hoos imaadaa ciidamada Burundi.

Generaalku wuxuu u mahad celi-

yay dadweynaha Soomaaliyeed iskaashiga dhow ee ay u muujiyeen Dowladda iyo AMISOM-ba dagaal-ka ay kula jiraan Al-Shabaab.

“Waxaan dooneynaa inuu shacab-ka Soomaaliyeed ogaado inay ayagu ka masuul yihiin mustaqbalkooda guushaan soo hoyinana ayagaa iska leh. Ergadanu waa wax ay ku faanto Afrika guusha ugu sareysana waxay noqon doontaa marka uu shacabka Soomaaliyeed uu nabad ku noolaado awoodna ay u helaan inay aayahooda ka tashadaan cabsi gelin la’aan uga imaaneyso kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri Lt. Gen Ntigurirwa. g

9

Taliyaha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Maj. Gen. Daahir Aden Cilmi. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 10: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Wajigii koobaad ee howl-gal-ka AMISOM ee loogu magac daray Gorgorka wax-

aa laga xoreeyay dagaal yahanada Al-Shabab sideed magaalo oo waaweyn kuna yaalo konfurta Soomaaliya. Mid ka mid ah magaalooyinkaas waa, Qo-ryooyle, kuna taalo baadiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, oo mar loo aqoon jiray ‘danbiishii cuntada ee Soomaali-ya,’ halkaasoo uu wabiga weyn ee Sha-belle dhex maro. Ayadoo ay leedahay magaaladu dad degaan ah oo ka koo-ban guud ahaan beeraley, howshoodu ay isugu jirto xoola dhaqato iyo wax soo saarka beeraha, aagaasu kaalin mug leh ayuu ka cayaaraa horumarka beeraha ee dalka.

Wax in yar uun ka yar hal bil ah markii la xoreeyay, magaaladu waxay bilowday in dib isugu dhisto taageera-da Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo guutada AMISOM ee reer Ugan-da. Jidadka magaalada dhexdooda wadiiqooyinka aadayo beeraha, wax-aa ka jirta nolol bulsho oo dib loo cus-booneysiiyay horeyna wax jiro aan

aheyn markii ay degmada ka talinay-een Al-Shabab. Dhalin yaradu si xor ah ayay sigaarka ugu cabayaan jidad-ka, sigaarkana si cad ayaa loogu ga-dayaa miisaska yaala jidadka hareera-hooda, hadalada la isla dhexmarayo ee xoriyadan la helay ku aadan ayaa ah, “Markii ay Al-Shabaab ka talinayeen magaalada, sigaarku mamnuuc ayuu ahaa ruuxii la arko isagoo iibinayo, soo gadanayo ama cabayo waxaa lagu ciqaabi jiray karbaash.

Odayaalka magaalada oo xiran go’yaalkii shaalka ahaa ee dhaqan-ka ahaan jiray iyo cimaamado midab qurxan, oo qaarna uu gaduud yahay, qaarna cad cadaan yahay ayaa si uu-san kibir ka muuqan u fadhiya banana-da makhaayadaha shaaha laga cabo, ayagoo shaah cabayo qaarna dubnad cayaarayo, ciradii cadeyd ee gararkoo-da ka muuqatay ayay ku gaduudiyeen cilaan, wajiyaalkooda waxaa ka muuq-do farxad iyo walbahaar isku jira.

“Nolosheydii oo dhan magaaladan ayaan ku noolaa. Dadka meeshan ku nool waa dad aan kibir aqoon, waa dad

cibaadeysta ruuxna aan dhib u geysan. Xiligii Al-Shabab xitaa waxaa naloo diiday xaqa aan u leenahay inaan u cibaadeysano sidaan rabno. Isu imaat-inkii dariiqooyinka suufiyada ayay joojiyeen Al-Shabaab cunaqabateyn xoog leh ayaana lagu sameeyay dad-weynaha. Waxaan ku faraxsanahay inay AMSIOM mar kale dib u soo celi-say xoriyadii, laakiin wali cabsi ayaan ka qabnaa dagaal yahanadii oo mudo dheer na argagax naguhayay xusuus-toodana ay wali na ceyr-saneyso” ayuu yiri Sheekh Abuukar, oo ah mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka.

Haweenka ayaa si xor ah u dhex socdo magaalada, ayagoo ka gadayo sambuus iyo cuntada kale ee fudud dadka jidad-ka marayo ama ka iibinayo dukaamo yar yar oo wax kasta laga helo, laga bi-laabo caanaha iyo wixii kalee loo baah-an yahay. Waa magaalo uusan ruuxu ka filaneyn inay dumarku ku dhex helaan xoriyad badan, haweenka maxaliga ah ayaa la arkayaa ayagoo socdo oo wato qalabkii ay kaga shaqeyn lahaayeen beerahooda, kuwo kale ayaa magaala-

Nolosha Al-Shabaab kadib QORYOOYLE:

10

Laba nin oo fadhiya banaanka dukaamankooda magaalada Qoryoole dhexdeeda. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 11: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 11

da aadayo ayagoo wato danbiilahooda kuna sii jeedo suuqa si ay ugu iibiyaan qudaar. Beeraleydu waxay ku faraxsan yihiin inay dib ugu laabteen beerahoo-dii ayagoona cabsi ka qabin in loogu caga jugleeyo bixinta canshuuro aanan xaq aheyn. Si kastaba waxay walbahaar ka muujinayaan roobabkii guga oo sida caadiga ah di’I jiray inta u dhaxeyso bi-laha Abriil iyo Juun.

“Waxaa noo soo go’day yaanyo, liin iyo basal, waxaana ku iibinaa waxa noo soo go’o suuqa. Dhib badana ma qabno, Allaa mahad leh. Qoyskeyga iyo aniga waxaan u cararnay tuulooyinka anagoo cabsi ka qabnay ina dagaalka ay wax yeelo naga soo gaarto, laakiin hada guryahaanagii ayaan dib ugu laabaney-naa. Waxa kaliya een ka walbahaar sanahay waa roobabka soo daahay,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda.

Mid ka mid ah caqabadaha badan ee bulshada maxaliga heysto ayaa ah nabadgelyo la’aan la xariirta isticmaalka jidadka magaalada ku xira magaalooy-inka ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose marka loo baahan yahay in la aado magaalada Marka ama Muqdisho. Dhibaatada ka jirta isticmaalka jidadka waxay sababtay xoogaa sare u kac ah oo dhanka maciishadii daruuriga ahey-da sida bariiskii baastadii iyo saliidii. Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa

sheegay in qiimaha cuntooyinkaas aan soo sheegnay uu laban laabmay, “Wax-aa caadi noo ahaan jirtay inaan ku iibsano hal kiilo oo sinsin ah hal dolar maantase wuxuu marayaa 2.50 dolar,” ayuu yiri Cabdullahi. Wuxuu yiri waan u awood la’ahay inaan beerto dhulkey-gii sababtoo ah Al-Shabaab ayaa xiray jidkii.

Nabad ilaaliye yaasha AMISOM, magaalada waxay ku leeyihiin joog-itaan muuqdo, maalin kiiba laba jeer, ayay ku sameeyaan roondadooda ca-adiga ah, ayagoo dadka magaalada ay iswedaarsadaan salaanta Soomaaliga ah ee ah “ma fiicantahay” “fiican… fiican”. Sadex xidigle Olweny, oo ah sarkaal ka tirsan AMISOM, ayaa muu-jiyay sida ay muhiim u tahay in lala xariiro dadka maxaliga ah. “Waxaa qeyb ka ah howl-galka milatari in lala sameeyo xariir bulshada maxaliga ah. Waa caadi inaysan dadku faraxsaneyn kadib 7 sano oo ay xukumayeen dagaal yahanada, waana iska garaneynaa inay cabsidu ka tagi doonto wax yar kadib,” ayuu dhahay.

Marka ay magaalada dhex marey-so kaanboyda AMISOM, caruurtu waxay daba ordaan gawaarida wayna u gacan haatiyaan. Waxay u egyihi-in kuwo layaaban dadkan cusub ee magaalada ku soo biiray ee ku guu-

leystay inay soo celiyaan xasiloonidii magaaladooda ilaa heer.

Dadka degaanku waxay leeyihiin way soo wanaagsanaatay noloshoodii ilaa heer kadib intay AMISOM imaa-tay, waxayna awood u yeesheen inay howlahoodii si xor ah u aadaan cabsi la’aan ama ciriiri gelin la’aan. Si kas-taba, wali caqabado badan ayaa hey-sto dadka, gaar ahaan kaabeyaalkii hoose oo meesha ka maqan, sida iskuulada, isbitaalada iyo maamu-lkii degmada oo ay ka heli lahaayeen adeegyada. Waxaa ay sheegayaan wararku in macalimiintii iskuulada ayba ka carareen magaalada sababtoo ah waxaa beegsanayo dagaal yahana-da, sidaas darteed caruurtu ma hey-staan wado ay ku helaan waxbara-shadii asaasiga aheyd. Qaar ka mid ah waxay kala shaqeeyaan beeraha waa-lidiin-tood. Hadii warka aan cadeyno, inkastoo magaalada Qoryooley laga xoreeyay Al-Shabaab, hadana waxaa ka horeeyo jid dheer si ay u noqoto magaalo si buuxdo u shaqeyneyso oo awood u leh inay ka jawaabto baahi-da dadkeeda. Waxaan rajeyneynaa, ayadoo lala kaashanayo qorsheyaalka xasilinta ee ay dejisay Dowladda Fed-eraalka ahi, magaalooyinkaan cusub ee la xoreeyay inay heli doonaan ta-ageerada loo baahan yahay. g

Nin Soomaali ah oo gudbayo mar ay Ciidamada Midowga Afrika roondo lugta ah ka sameynayeen magaalada. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Nabad ilaaliye yaasha AMISOM oo rondo lugta ah ka wado Qoryoole. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Nabad ilaaliye yaasha AMISOM oo rondo ah ka wado Qoryoole. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Wiilal yar yar oo daawanayo mar ay Ciidamada Midowga Afrika rondo lugta ah ka dhex sameynayeen magaalada. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 12: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 12

Argagixisada Al-Shabaab ee lala xariirinayo Ururka Al-Qae-da ayaa xiliyadii danbe muujiyay sida aanay u xushmeyneynin nafta, dadka Soomaaliyeedna ay cadowtinimo u muujinayeen

ayadoo si ula kac leh kharbuudaad ugu sameeyay ceelashii biyaha ee ka-liya ee ay laheyd magaalada Xudur, isbitaalkii weynaa iyo iskuuladiiba kadib markii ay maqleen in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay magaalada kaabiga u soo saran yihiin.

Arrin dad badan argagax gelisay, xagjireyaashu waxay ku dhaqaaqeen waali, ayagoo burburiyay matoorkii weynaa ee biyaha iyo kaba sii darane ayagoo ceelkii biyaha dhagaxaan ku duugay dadkana oon ugu bakhtiiyay.

Argagixisadu waxaa kale oo ay boobeen dukaanadii iyo bakhaaradii, cuntadii ayayna qaateen inteysan xoog ku gelin isbitaalkii Xudur halkaas-oo ay ka qaateen daawooyinkii saarnaa iskafaale yaasha. Iskuuladii xitaa kama baxsan ee burburka ayaa soo gaaray tasoo ka dhigtay magaaladii sidii meel ay u dhamaatay. Xudur waa caasimada gobolka Bakool wax-ayna ahaan jirtay meel ay Al-Shabaab xoog ku leeyihiin sanadkii la soo dhaafay ilaa ay ugu danbeyntii ka carareen Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM markey kusoo dhawaadeen bishii 10kii Maarso 2014.

Natiijadii ka dhalatay kharbuudaadii Al-Shabaab, waxay noqotay in qiimihii cuntada uu sare u kaco magaalada Xudur ayadoo yaraanteedana ay gaartay heer halis ah, taasoo ku dedejisay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya inay qeylo dhaan diraan si magaalada loola soo gaaro gar gaar bini’aadamnimo oo deg deg ah iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee la xoreeyay ee saameynta xun ay ku yeelatay kharbuudaadii Al-Shabaab iyo iska indha tirka nolosha dadweynaha.

Xudur waxay si tartiib tartiib ah uga soo kabaneysaa weerarka Al-shabaab ee isagoo kale aan la arag sida bareerka ahna ay ula maaga-naayeen inay kordhiyaan dhibaatada dadka ay dagaaladu daashadeen. Xasiloonida ilaa heer ay magaaladu heshay ayay dadka degaanku ku raaxeysanayaan hada, dowladuna ay ku gacan siineyso, inay sare u joog-sadaan dibna u bilaabaan dhisida noloshoodii bur burtay kadib markii ay dib ugu bilowdeen adeegii biyaha iyo wax yaabihii kale ee baahida asaasiga u ahaa.

Taliyaha Aaga 3aad ee AMISOM, Brigadier General Gebremedhin Fikadu ayaa dhawaan booqday magaalooyinka Xudur iyo Burdubo ee gobolada Bakool iyo Gedo si uu ugu tacsiyeeyo dadweynaha dhibaatu ay taabatay baahidoodana uu u soo qiimeeyo. Markii uu booqashooyinkaas ku jiray, wuxuu la kulmay taliye yaasha meelahaas horay ugu sii joogay AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si uu uga mahad-celi-yo geesinimadooda. Waxaa kale oos la kulmay odayaasha, saraakiisha maamulada maxaliga ah si uu taageero ugu muujiyo hubaalna uga dhigo garab istaag iyo gacan siinta AMISOM ee joogtada ah.

“Waxaan u imid inaan idinkaga mahad celiyo taageeradiina aad si-ineysaan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliyeed oo la’aanteed aanaan awood u helneen inaan ka xoreyno magaalada Xudur Al-Shabaab. AMISOM way ogtahay dhibaatooyinka idin heysto ee ka dhashay khar-buudaadii Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Waxaan codsi u dirnay aduunka inuu idinla soo gaaro kaalmo xiligan aadka u adag,” Brig. Gen. Gebremedhin u sheegay dadka reer Xudur.

Xaliima Xassan, oo dukaan ku heysato magaalada Xudur ayaa tiri ga-nacsigu si tartiib tartiib ah ayuu u soo kabanayaa in kastoo awooda wax iibsi ee dadka degaanku ay hoos u socoto sababtoo ah dakhli dadka soo galayo ayaan jirin.

“Keydkaanaga cuntada iyo sahaydii raashinka ee kale ee aasaasiga aheyd waa ay sii dhamaaneysaa sababtoo ah gawaari imaaneyso oo wax keeneyso ma jirto. Loorkii sonkorta ahaa wuxuu hada marayaa $75 dol-lar, loor barkiis ahna wuxuu marayaa $40 Dollar. Ganacsigu wuu gaa-binayaa, macaamil wax iibsanayo majiraan raashin cuntana maba yaalo magaalada. Waa midaas dhibaatada na heysato. Al-Shabaab waxay noo sugeen siday u rabeen inaan halaagsano kadib markii ay naga jareen biy-ihii, cuntadiina naga bililiqeysteen. Waxay rabeen inaan dhamaano laaki-in Illahay ayaa weyn sababtoo ah dowladaanada iyo AMISOM ayaa u yimid badbaadin taanada si aanaan gaajo ugu go’in,” ayay tiri. g

ku sameeyay magaalada Xudur

Al-Shabaaboo kharbuudaad

intaanay ka baxsan

weerarada

AMISOM

Gabdho joogo suuqa magaalada Xudur, caasimada Gobolka Bakool. AMISOM/Moxamuud Xassan

Sawir xaga circa ah oo looga qaaday magaalada Xudur, caasimada Gobolka Bakool, Soomaaliya.

Sawir qaade AMISOM /Moxamuud Xassan

Page 13: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 13

Xeebta Lido ee Muqdisho ayaa durbadiiba noqotay meel lagu madadaasho laguna cayaaro. Qoysaska ayaa ku kulmo xeebta maalinta jimcaha ah si ay u dabaashaan uguna dabaal degaan

marka ay wajiga xeebta ku nuurinayaan midabada ugu quruxda badan.Sanado yar oo la soo dhaafay, markii ay Al-Shabaab wali si adag

gacanta ugu hayeen, arrintan maanta ka socoto xeebta mid maskaxda ku soo dhici kartayba ma aheyn. Markii ay Muqdsho xoreeyeen bishii Agosto 2011 Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo xoogaga Midowga Afrika, muwaadiniinta magaaladu waxay awood u heleen inay ku raax-eystaan xeebtooda bacaadka cad leh ee quruxda badan, biyaheeduna ay buluuga nadiifta ah yihiin.

“Hada anigu ma cabsanayo, marka la bar bar dhigo sadexdii sano ee la soo dhaafay. Markii ay Al-Shabaab ay xukumayeen meeshan, ruux naga mid ah ma imaan Karin meeshan. Waxaa waajib nagu ah inaan u mahad celino AMISOM, saaxiibadaanada Midowga Afrika, oo nasiiy-een fursada lagu jabiyay Al Shabaab.” Ayuu dhahay Moxamed Yuusuf, afhayeenka Duqa Magaalada Muqdisho.

Xeebtu waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ‘IT’ ee magaalada Muqdisho laga joogi karo. Hadii aad ku sugan tahay makhaayadaha xeebta afkeeda kuyaalo, aad dabaalaneyso ama aad rabto inaad isaga lugeyso xeebta dhexdeeda,waxaad dareemeysaa mar walbo inaad meel amaan ah ku sugan tahay.

Si loo helo nabadgelyo, golaha maxaliga ah wuxuu tababaray koox naf badbaadiye yaal ah oo gacan ka geysanayo yareynta tirada dadka biyaha ay qaadayaan, waana dhibaato in loo diyaar garoobo u baahan dhulka xeebta ku dherersan. Dad badan ayaa u tago xeebta inay ku dabaashaan ayagoon aqoon u laheyn dabaasha kuna dan-beeya bada salkeeda.

Cabdullahi Xusseen Xassan, macalin hore hadana ah gudoomiyaha aagaas, ayaa xasuusanayo sidii uu mid ka mida ardeydiisa ugu maan-shoday xeebta, dhibaatadaaso ku khasabtay inuu go’aansado helitaanka mashruuc naf badbaadin ah oo ka hir galo xeebta.

Mashruuca naf badbaadintu wuxuu ka bilowday xafiiska Duqa magaalada Muqdisho oo uu la jiro Gudoomiyaha Degmada Cabdulca-siis. Mashruucu wuxuu ka kooban yahay koox 15 ruux oo iskaa wax u qabso ku shaqeynayo, kuwaasoo la tababaray xafiiska Gudoomiyuhuna uu siiyay doomankii ay ku howl geli lahaayeen.

“Dadku in badan biyaha ayaa qaado sababtoo ah hirarku aad ayay u xoog badan yihiin waxayna kugu tuurayaan bada, hadana wali kuwo badan maba garanayaan sida loo dabaasho,”ayuu yiri Cumar Xaaji Moxamuud, oo ah malay jilaabte isu badalay naf badbaadiye. “Todobaad walba waxaan bad baadinaa nafaf badan, oo wax lacag ahna aana nasiinin. Waxaan ku deeqnaa waqtigaanagana iyo waayo arag nimadaanada. Gudoomiyaha degmadu wuxuu nasiiyaa shi-daalka aan u baahanahay.”

Saameyn aad u weyn ayay durbadiiba yeesheen naf badbaadiye yaas-hu. Kuwo badan oo dabaasha yaqaano iyo kuwa bar baradka ee yimaada xeebta ayaa ku wada faraxsan arrinkan dareemayana inuu amaankoodu sugan yahay marka ay ku raaxeysanayaan xeebta bada. “Waan imaadaa meeshan Jimaca kasta waxaana ku farxsanahay wax wanaajinta la soo kordhiyay, sababtoo ah waxay ii suura gelineysaa inaan si nabad ah u dabaasho,” ayuu yiri Cismaan, kana mid ah dadka degan Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ayaa ku booriyay dadka ganacsata ah, oo ay ku jiraan dadka makhaayadaha ku leh, xeebta horteeda inay gacan ka geystaan iibinta doomo badbaado oo dheer-aad ah si loo sii wanaajiyo kaalmeynta naf badbaadiye yaasha gaar ahaan marka ay badu kacsan tahay. Xarun caafimaad oo la tacaasho arrimaha deg degta ah oo ah dhaawacyo ku yimaado dabaashe yaa-sha ayaa laga hirgeliyay xeebta.

Naf badbaadiye yaasha iyo xarunta caafimaadka ayaa ah tilaabo dhiiri gelineyso maamulka maxaliga ah inay diyaariyaan jawi nabad ah amaana leh oo ay helaan dadka degaanka ah ee u soo dabaal tago xeebta. g

LIDO

Naf-badbaadiye

yaasha xeebta

Naf-badbaadiye daawanayo xeebta Lido ee magaalada Muqdisho. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

Naf-badbaadiye yaalka Xeebta Lido ee ku taalo magaalada Muqdisho oo rondo ku sameynayo biyaha xeebta agtooda. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

Dadka degan magaalada Muqdisho oo ku raaxeysanayo daawasha biyaha xeebta Lido. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Page 14: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 14

Bilo yar ka hor, dadweynihii de-ganaa magaalooyinka Xudur iyo Waajid ayaa bilaabay inay

dib ugu soo laabtaan magaalooy-inkoodii kuwaasoo horay ugu jiray xukunka xagjire-yaasha Al-Shabaab’ sanado badan, hadana ay xoreeyeen ciidamada Ethiopia ee AMISOM. Waxshi nimada xag-jireyaashu waxay u bara kicisay wax badan oo shacabka ka mid ah dhinaca xuduuda Ethiopia. Hada ayagoo guryahoodii dib ugu soo laabtay, ayay la kulmeen abaar ayagoo aan sanado badan beeran dhulalkoodii. Intaas waxaa dheer, markii ay xag-ji-reyaashu kasii cararayeen imaatinka AMISOM, waxay baabi’iyeen wixii kaabe yaal guud ahaa badan koodii. Arrin dheerad ah oo muujineysa ujee-dadooda xun ee shacabka, ayaa waxaa kale oo ay xireen jidadkii waaweynaa ee soo galayay magaalada durbadiiba kadib markii ay AMISOM iyo Ciid-amada Qaranka Soomaaliyeed la wa-reegeen magaalada, taasoo ka dhigtay shacabkii inuu la kulmo cunto yaraan xoog leh, raashinka iyo wixii kale ee loo baahnaa.

Dowladda Federaalka Soomaali-ya iyo saaxiibada kale ayaa faragelin sameeyay ayagoo keenay gar gaar bi-

ni’aadamnimo oo lagu taakuleynayo shacabka ku dhaqan magaalooyinka Xudur iyo Waajid. Sikastaba, wax-oogaa dhibaatooyin ah ayaa lala kul-may oo la xariira xiligii roobabka oo la joogay awgeed. Gawaarida duqoobay ee siday sahayda gargaarka ayay soo wajahday dhibaato dhinaca farsama-da ah kaanboy diina waxay taagneyd magaalada Baydhabo xili ka dheer intii la rabay. Diyaarad ay leedahay Ethiopia ayaa dhowr jeer dal dashay sahayda si loo fududeeyo xaalada ilaa heer markii danbena kaanboydii wax-ay awood u yeelatay inay dhabaha dib cagta u saarto.

10kii bishii Juun, kaanboydii wa-day sahaydii bini’aadamnimo ee ugu baaxada weyneyd, ayaa bilowday inay u dhaqaaqdo magaalada Waajid aya-doo ka dhaqaaqday Baydhabo. Kaan-boyda oo ka koobneyd 59 gawaarida xamuulka qaado ah, ayaa siday gar gaar bini’aadamnimo, qalab maamul oo uu lahaa maamulka maxaliga ah eee Xudur iyo sidoo kale gawaari ga-nacsi iyo kuwo milatari oo waardiyey-nayeen kaanboyda. Sahaydii circa laga daldalay iyo tii lagu geeyay kaanboyda labadiiba waxay ku qaabileen shacab-ka ku dhaqan magaalooyinka Xudur

iyo Waajir farxad weyn, muujin run ah oo tuseysay isbaheysiga ka dhexeeyo AMISOM iyo shacabka Soomaaliy-eed.

Intii lagu guda jiray geedi socod-kan, waxaa jiray iskaashi aad u dhow una dhexeeyay guutada Ethiopia ee AMISOM, mamulka dhulkaas, xoo-gaga nabadgelyada Soomaaliyeed iyo gudiga gargaarka bini’aadamnimada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa meelihii uu howl galku ka socda.

Kaalmada bini’aadamnimo ee AMISOM lana siinayo shacabka ku dhaqan dhulkaas waa ay sii socon doontaa ilaa ay xaaladu ka xasileyso dadkuna ay awood u helayaan inay helaan sahay ugana bislaato miraha ay ka soo goosteen beerahooda. Isagoo la hadlayay kooxdii waardiyeyneysay kaanboyda, taliyaha Aaga Sadexaad B ee AMISOM, Gen.Gebremedhin Fikadu ayuu hoosta ka xariiqay muhi-mada weyn ee ay kaanboydu u leeda-hay shacabka baahidu ay heyso, isagoo ku dhiiri geliyay inay mar walbo dik-toonaadaan, u soo jeedaan jir ahaan iyo nafsaani ahaanba, ayagoo mar walbo maskaxda ku hayo khatarta ku foorarta mustaqbalkooda.

oo waardiyeyneysa kaanboydasidda gargaarka AMISOM

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 15: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 15

oo waardiyeyneysa kaanboydasidda gargaarka

Qaar ka mid ah kooxihii waardi-yeynaysay kaanboyda ayaa aaday magaalada Kurtum, oo 60 km u ji-rta Baydhabo, halka ay koox kale ka dhaqaaqday magaalada Waajid taa-so geysay meeshii kama danbeysta aheyd. Ma dhicin wax weeraro ah oo waaweyn – hal qarax ayaa dhaawacay askari ayadoo qarax miino mida ta-angiyada loo dhigo ah oo gacanta lagu sameeyay ay si nabad ah u kala daadi-

yeen farsamayaqaanada la dagaalamo miinooyinka ee AMISOM.

Ayadoo ay jireen caqabado badan oo lagala kulmay jidadka xun xun iyo dhibaatooyinka farsamo ee sida joogtada ah uga imaanayay gawaarida kaanboyda ee duqoobay, xoogagii wax waardiyeynayay waxay ku guuleys-teen inay kaanboyda geeyaan meelihii lagu balan sanaa, ayadoo kaanboydu ay si nabad ah ku gaartay magaalooy-

inka Waajid unaga sii talowday Xudur. Kaanboydu si nabad ah ayay ku gaar-tay Xudur kadib 6 maal mood oo ay jidka sii heysay. Gar gaarku si deg deg ah ayaa loogu qeybin doonaa dadka ay halakeysay gaajada ee ku nool magaa-lada Xudur. Kani waa gar gaarkii bi-ni’aadamnimo ee ugu horeeyay ee gaara gobolka ay cuna qabateeyeen Al-Shabaab laga soo bilaabo intii diba-da looga ceyriyay magaalada. g

Dad rayid ah oo ag marayo nabad ilaaliye-yaasha AMISOM Gobolka Bay. Sawir Qaade AMISOM /Sabir Olad

Gaari ay ku rarantahay raashin sahay gargaar ah AMISOM-na ay ilaalineyso. Sawir qaade AMISOM / Sabir Olad

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 16: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Sida uu u arko Xoriyada saxaafada Soomaaliya

nin indhoole ah

16

Xassan Cabdi Fataax oo dib ugu eegayo wareysi lagaga qaaday taleefanka mobile-ka. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

Isagoo ku soo koray qoys faqiir ah oo deganaa magaalada Muqdisho banaankeeda, 30 jir ah ayuu Xassan

Cabdifatah ku riyoon jiray inuu suxufi noqdo. Markuu ahaa laba sano iyo bar jir, ayaa nasiib daro dameer uu haraan-tiyay isagoo aabihiis daba socdo ayna ku sii jeedeen beer taasoo qeyb ahaan ka dhigtay indhoole. Xassan oo wiil yar ahaa ayaa horay uga sii socday isagoo hal il ah ay u fiyowdahay markaasoo hadana ay dhacdo kale oo nasiib daro aheyd galaafatay ishii kale ee u soo har-tay. Wuxuu si buuxdo ugu indha bee-lay markii wiil saaxiibkiis ah si kama’a ah ugu dhuftay isha mar banooni ay cayaarayeen.

Wuxuu ku dhashay magaalada Mar-ka ee Soomaaliya, qoyskiisu waxay u soo guureen magaalada Muqdisho hal sanad kadib, halkaasoo bilo yar uun kadib, uu aabihiis ku dhintay, markuu intii cabaar ah la lagdemayay cadur. “Qoysku waa uu sii darsaday,”taas ayuu xasuustaa. “Waan xasuustaa sana-dihii xigay kuwo adag ayay u ahaayeen hooyaday oo u xoogsan jirtay walaala

heyga lixda ah iyo aniga naf ahaantey-da, canug waxyaabo gaar ah u baahan, inuu shaqooyin aan caadi aheyn qabta-na ay khasab ku tahay si uu u daboolo baahi jirta.”

Midani waa sheekada Xassan Cabdi-fatah Axmed, oo ah suxufi, inkastoo uu indho la’yahay, kuna guuleystay inuu toosh ku ifiyo arrimo saameyn ku leh bulshadiisa.

Xassan wuxuu ahaa laacib ka dhex muuqdo saxaafada Soomaaliya kow iyo tobankii sano ee u danbeysay, wax kastoo caqabad ah oo ay ku heysayba dhibaatada aragiisa, iyo xaalada qalaf-san ee nabadgelyada Soomaaliya.

Warbixinta sanadkan 2014 ee Xo-riyada Saxaafada Aduunka ayna soo saareen Suxufiyiinta aan xuduuda la-heyn ayaa ka geliyay dalkan booska 176 oo ka mid ah 180 dal oo ka mida dalalka soo kabsanayo ee warbixintan laga sameeyay dhinaca nabadgelyada suxufiyiinta.

Xassan adkeysigiisa iyo jaceylka uu u qabo shaqadiisa, oo ay la jirto dega-naantiisa, shakhsiyadiisa aan kibirka

aqoon ayaa ka dhigtay inuu naftiisa sumcad u sameeyo dhegeysteyaashiisa daacada ahna ay jeclaadaan.

Xassan hada wuxuu u shaqeeyaa asa-goo ah wartabiye, wararka akhriyo bar-naamijyada wareysiyadana martigeliyo una shaqeeyo raadiyaha Goobjoog ee saldhigiisu yahay Muqdisho, oo hada u shaqeynayo mudo sadex sano ah. Maa-linkii wuxuu shaqada soo gala 8.00 saac ee aroornimo wuxuuna ka baxaa 5.00 saac ee galabnimo, kadib markaasoo la arki karo isagoo shaaha kula cabayo saaxiibadiis makhaayadaha hortooda.

Ma laha hiwaayado badan, oos leeya-hay, sida ay waajib kaga dhigeyso ind-ho la’aantiisa. Wuxuu leeyahay waxaan jeclaan lahaa inaan kubad cayaaro iyo cayaaro kale, laakiin wuxuu naftiisa la qabadsiiyay inuusan sameyn Karin wax kasta oos jecelyahay. Sikastaba midan kama joojin inuu nolashiisa si buuxdo ugu raaxeysto.

Kadib marka uu nasto casarkii, Xas-san wuxuu u yeertaa taxi ama mid ka mid ah saaxiibadiisa ayuu dhahaa xaafada igu tuur. Wuxuu leeyahay hal

Page 17: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 17

Xassan Cabdi Fataax oo wareysi ka qaadayo Xildhibaan, Xusseen Carab Ciisse. Sawir qaade AMISOM /David Mutua

xaas iyo sadex caruur yar yar ah, ku-waas oos dhahay ayaga dartood ayaan u shaqeeyaa si aan daal laheyn, asa-goon eegeynin caqabadaha jira kana imaanayo bii’ada uu ku shaqeynayo, isagoo rabo inay nolol wanaagsan ku noolaadaan.

Noloshu mid fudud uma aheyn damaciisa suxufinimo. Wuxuu ka sheekeynayaa xiligii uu iskuulka dhi-ganaayay mar uuba ku dhawaaday inuu rajo beel ka noqdo inuu waligiiba heli doono nolol caadi ah.

“Waxaan bartay ilaa dugsiga sare. Waan jeclaa inaan sii wado oo aan helo waxbarasho jaamacadeed, laakiin kama aanay jirin dalka hey’ad waxbarasho oo ka jawaabi kartay baahida dadka aniga ila midka ah.

“Waxaan dhex fariisan jiray galaaska una dheg raaricin jiray waxa uu maca-linku sharxayo. Mar marka qaar wax-aa dhici jirtay inuu macalinku dhaho la kala baxa bogaas oo akhriya,” wuu dhoola cadeynayaa. “Waa arrin adag. Way iska cadahay inaanan sameyn Karin arrinkaas, , sidaas darteed ayaa-na isaga fadhin jiray. Marka uu yimaa-do xiliga imtixaanada, macalinku wux-uu idhihi jiray imtixaan ma sameyn kartid sababtoo ah indhoole ayaa tahay, sidaas darteedna wuxuu iigu qori jiray warqadeyda imtixaanka darajo iska yar.

“Waxaan ashtako u gudbiyay maam-ulihii inaan xaq u leeyahay inaan u fari-isto imtixaanka sida uu ugu fariisanayo arday kasta oo galaaska ila fadhiyo, aana wax wabarasho u dhex fadhiyay galaaska mudo dhowr bilood ah sida

dadka kaleba. Maamulihii waxba iima sameyn. Markii ay natiijadii soo bax-day, waxaa la ii soo qoray inaan imtix-aankiiba gelin oon ka habsaamay.”

Xassan wuu nasiib badnaa markii loo soo badalay iskuul kale, kaasoo uu dhahay mar kaliya kuma aanan dhicin imtixaanadiisii. Iskuulkii cusbaa ee uu yimid, macalinka ayaa la fariisan jiray qol gooni ah siina jiray imtixaan afka ah. Horay ayuu u sii socday isagoo yadadiilo weyn ay gashay, ilaa uu uga badalay riyadiisii nolol dhab ah.

“Sababta aan u doortay inaan sux-ufi noqdo waxaa weeye waan kala dhantaalnaa marka la i bar bar dhigo dadka kale. Waxaan ahaa ruux nugul saxaafaduna waa hey’ad awood badan leh. Waxaan la kulmay dad waxaana tagay meelo aanan waligey fursad u heleen inaan tago hadii aan ahaan la-haa ruux kale.”

Mar la weydiiyay wixii waaya waaya ah ees usoo joogay ka suxufi ahaan, Xassan wuxuu hayaa shee-kooyin badan oos ka sheekeeyo. Mar mararka ka mida tusaale ahaan, “aro-ortii ayaan toosay maalin wax wal-ba ay caadi iska ahaayeen waxaana u baxay inaan shaqo ka soo qabto shir ka dhacayay mid ka mid ah ho-teelada ku yaalo magaalada oo ay joogeen madax sar sare oo dowlada u shaqeeya. Markii aan tagay iridii, sugayayna in la i baaro si aan u galo, dad ayuun baa ka soo baxay meel aan la garaneyn bilaabayna inay xabad ooda kaqaadaan aan meelna loo kala dayeynin!

Ruux walbo wuxuu bilaabay inuu qeylo iyo carar isku daro. Ma aanan ordi karin sababtoo ah waxba ma aanan arkeynin. Meel kale oon aadana ma ji-rin. Dhulka ayaan isku tuuray waxaana bilaabay inaan garguurto, aniga oon ga-raneynba inaan ka durkayo khatartii iyo inaan ku socdo dhankeedii. Waxaase naxdintii iga fududeeyay markaan ku imid dhagaxaanta AMISOM ay jidad-ka agtiisa dhigeen si ay weerarada uga ilaaliyaan hotelada. Gadaashiisa ayaan ku dhuuntay, laakiin hadana wali, ma aanan garaneynin inay xabadu ka dhac-eyso horteyda ama gadaasheyda. Wax-aan maqlaayay oo dhan wuxuu un ahaa rasaas dhaceysa wadnahana wuxuu i yimid dhuunta.”

Xassan sida uu qabo, wali waxaa jira wax yaabo badan oo ay tahay inay saxaafada Soomaaliya halgan u gasho si ay u hesho. Wuxuu rajo kaqabaa in la helo hey’ado heer xariif nimo gaaray oo tababara suxufiyiin-ta maxaliga ah. Wuxuu muujinayaa mushaaraadka ku yar suxufiyiinta iyo xaalada nabadgelyo ee liidato inay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee heysto saxaafada. Wuxuu leeyahay baqdinta joogtada ah ee ka imaaneyso Al-Shabaab iyo maleeshiyaad sumca-da xun ee kale ayaa khatar weyn ku ah nolosha dadka isaga la midka ah iyo shaqadoodaba. Sidaasoo ay tahayna, wuxuu rajo ka qabaa inay amuuruhu kasoo reyn doonaan markii ay sii so-coto sii wanaag-sanaanta nabada dal-ka ee ay keeneen ciidamada dowlada taageeradana ka helaya AMISOM. g

Page 18: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 18

In la helo wax isku xira dalka Soomaaliya iyo maalinta ganac-siga marka ugu horeysa wuxuu

u muuqanayaa mid adag. Sikastaba, dadka Soomaaliyeed marka loo eego, dareenka ganacisgu wuxuu noqonayaa wax ay maalin walba ku dhexjiraan, gaar ahaan magaalada caasimada ee Muqdisho. Muqdisho waxay gacanta dowladda dib ugu soo laabatay bishii Agosto 2011 gacan ay ka geystay AMISOM awgeed. Illaa iyo markii ay Muqdisho dib ugu soo laabatay gacan-ta dowladda, waxaa furmay tiro badan oo ganacsi ah.

Markii uu aduunku u dabaal de-gayay maalinta ganacsiga aduunka ee 16ka Abriil 2014, Muqdisho oo sana-do badan aheyd tusaalaha burburka iyo fowdada, ayaa heshay sabab ay ku dareento inay qeyb ka tahay dabaal degaas. Maanta, magaaladu mar kale waxay noqotay rug ganacsi oo dhaq

dhaqaaq fiican uu kajiro ayadoo dadka degan ay dib u bilaabeen inay dhisaan noloshooda kadib aragagax dheer oo ay ku hayeen Al-Shabaab. Arrin muhiim ah oo qeyb ka qaadaneysa dib u soo noolaanshaha magaalada ayaa ah soo noqoshada joogtada ah ee qurba joogtii Soomaaliyeed oo ka kala imaaneysa meel kasta oo aduunka ka mid ah. Marka aad maanta Muqdisho ku dhex lugeysid, sidaasna aad u milicsatid waxaad arkeysaa dhismey-aal socdo, timajareyaal shaqeysan-ayo, makhaayado, kuwo ubaxa ka shaqeysanayo iyo dhaq dhaqaaq ga-nacsi farabadan oo kale oo aad sida caadiga ah ku arkeysid magaalooyin Afrikaan ah.

“Farqiga u dhexeeyo magaalada Bristol iyo Muqdisho wuu weyn ya-hay, marka laga fiiriyo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba. Hada, marka hoos loogu sii daadago suuqa

Muqdisho caqabado ayaa iska jira sababtoo ah raadkii uu kaga tagay dagaalka daba dheeraaday. Sikastaba, Bristol ayadana way leedahay caqa-bado, saacadihii shaqada ee aadka u dheeraa ayaa waxay iga dhigeen mid ay ku adag inaan waqti la qaato qoys-keyga iyo ilmaheyga; ayadoo Soomaa-liya aanay sidaas aheyn, waxaana da-reemaa lagdankii iyo waxyaabihii aan ku jiri jiray, ee aan la kulmi jiray kuwo aad u astaahila,” ayuu yiri Cabdulqa-adir Cabdul, oo ah nin iska leh dukaan timaha lagu jaro waqti aan sii dheerey-na ku noolaan jiray magaalada Bristol.

Inkastoo xitaa ay Soomaaliya ku khasbantahay inay jid dheer marto si ay magaalo nabad buuxdo ku naaloo-neyso u noqoto, hadana waxaa jira faa’iidooyin badan iyo fursado hada diyaar ah oo in laga faa’iideysto ay ha-boon tahay.

“Waxaan ku boorinayaa qurba joog-

Dareenka ganacsi ee Dawaarle dharka ku tolo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 19: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

ta inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya oo hada fursado ay ka buuxaan. Warshadaha iyo dhinaca wax soosaarka ayaa hada sare u kacayo, ganacsiga dhaqdhaqaaqiisa ayaa sare u socdo. Si aan waligiis loo arag ayuu raqiis u yahay faa’iidana u leeyahay. Faa’iidooyin ayaa jira u baahan in la gurto kahor inta aan wax walbo la adkeynin,” ayay leedahay Ra’isul-wasaare kuxigeenkii hore aheydna Wasiirka Arria-maha Dibada Soomaaliya, Marwo Fawsiya Yuusuf Haaji Adam. Warkii oo gaaban, waxaa laga yaabaa inay tahay xiligii ku haboonaa ee ganacsigaaga aad dhidibada u taagi laheyd. Soomaali badan oo da-lalkii ay magan gelyada u joogeen ka soo tagayo dalkoodiina dib ugu soo laabanayo ayaa dareemay arrinkan gacantana ku dhigay fursadaha sida fu-ran banaan oolka u ah dalkoodii hooyo dhexdiisa. Muqdisho hada waxay ka faa’iideysaneysaa ganac-siyada isku darka ah ee caafimaadka qabo ee ay isu keeneen dadka sanadihii xumaa dalka joogay iyo kuwa kasoo laabanayo qurbaha, dhamaana waxay soo bandhigeen waaya aragnimadooda ay kuwa kale la wadaagayaan iyo xirfadaha uu mid walbo kan kale ka baranayo, waana mabaa’diida ganacsiga. g

19

MUQDISHO

Mid ka mid ah dadka wadooyinka ku ganacsado oo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho badeecadiisa ay u waran tahay. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

Dukaanle ku sugan suuqa Xamarweyne ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

Haweeney iyo gabar yar oo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho wax ku gadanayo. Sawir qaade AMISOM /Stuart Price

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 20: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 20

Waa kabatole, korontiiste, faryaamo. Wax kasta wuu dayactirayaa oo kaga soo

hor baxo magaalada Baydhabo, ama si fudud waxaad ugu magacowdaa, Mr. wax walbo hagaajiye.

La kulan Gerard Sindayihebura, nabad ilaaliye reer Burundi ah kana tirsan Aaga 3aad ee AMISOM, waa nin mow-hibo aad u balaaran leh.

Mar kastood aragtid, wuxuu mash-quul ku yahay wax uu sameynayo, wax buu dayactirayaa, hadii la wey-diiyo sababtana, wuxuu leeyahay waxaan necbahay inaan shaqo la’aan iska fadhiyo, wuxuuna rabaa inuu waqtigiisa uga faa’iideyto sida ugu badan, isagoo ku dhex sameystay koox isaga jecel nabad-ilaaliye yaas-ha joogo Baydhbo dhexdooda, ninkan Gerard ah ee 39 jirka ah saldhig u ah wuxuu ka mid yahay nabad ilaaliy-eyaasha.

Xitaa marka uu hayo shaqo waardi-ye, Gerard wuxuu mashquul ku ya-hay hagaajinta kabaha googo’ay ama wuxuu ka sameynayaa dacasyo ta-ayarada duqoobay ee aan si dhaqso ah u dhamaaneynin. Waxaa kale oos hagaajiyaa fadhiyada, gacana ka sii-yaa askarta sidii ay u dhisan lahaay-een guryahooda kumeel gaarka ah wuxuu hagaajiyaa teendhooyinka dildilaacay iyo sidoo kale galalka mo-bilada kala jajabay. Fareemkii okiyaa-lihiisa oo ka jabay waxaa ugu xiran dun caag ah oo cagaaran oo isaga naf ahaantiisa uu hagaajistay, isagoo ku fara adeygayo wixii aragiisa kaalm-eynayay laakiin hadana badbaadsan-ayo waxoogaa lacag ah oos ku soo

iibsan lahaa mid cusub.Gerard wuxuu leeyahay lagasoo bi-

laabo markuu yaraaba, dhaqan uu mar walbo wax uun ku sameeyo, isagoo is baray sidii uu u hagaajisan lahaa ka-bahiisa, hagaajin jiray fadhiga guriga, qalabka wax lagu cuno iyo wax yaabo kale oo guriga looga baahnaa, isagoo waayo aragnimo ka helay kana dhig-tay wax caado u ah oos isticmaalo xil-iyada uu firaaqada yahay.

“Waan necbahay iska fadhi. Waana sababtaas mida aad mar walbo ii ar-keysid anigoo ku mashquulsan kabo hagaajin ama hagaajinayo waxyaa-bo kale. Waxaan go’aansaday inaan saaxiibadeyda askarta ah saacido maxaa yeelay nolosha marka aad dalkaaga ka maqan tahay waa wax dhibadan waxaana jira waxyaabo badan oo askartu ay u baahan yihi-in markaasna aan isku dayo inaan u hagaajiyo,” ayuu dhahay isagoo dhoo-la cadeynayo.

Markii la keenay Soomaaliya bishii Abriil 2013, markaasoo aheyd markii ugu horeysay ees dalkiisa Burundi dibada uga baxo, wuxuu go’aansaday inuu horay u soo qaato irbadisii uu wax ku tolanayay taasoo bil kadib no-qotay mid gacanba gacan u dhaafto. Wuxuu arkay sarkaal sare oo aan ku faraxsaneyn kabihiisii maqaarka ahaa oo ka kala go’ay maxaa yeelay wali wax la isticmaali karo ayay ahaayeen laakiin meeshi ay isaga imaanayeen ayaa kala baxday. Sarkaalku wux-uu rabay inuu iskaba tuuro kabahaas markaasoo Mr. wax walbo hagaajiye uu soo fara geliyay kabihiina u hagaa-jiyay.

Gerard hada wuxuu ka mid yahay dadka ay aadka ugu tiirsan yihiin askarta xerada AMISOM ee Baydha-bo ku taalo. Sarkaalkii uu markii ugu horeeyay saaciday ayaa warkiisa ku faafiyay xerada, hadana ruux kasta oo rabo in wax loo hagaajiyo laga bilaa-bo kabo go’ay, baaldi biyaha daadi-naya, kuraas kala daadatay ama wax kaleba wuxuu si fudud ugu keenayaa Mr. Fix It.

“Mar ayaan baaskeel waxaan ka sameeyay biraha la iska nacay, tayuu-byada caaga ah ee la iska tuuray iyo siligyada. Ugu horeytii dadku waxay iigu yeereen ninka waalaan markii ay i arkeen anigoo meelaha waree-gayo oo soo aruursanayo biraha daxaleystay iyo caagaga kala goo-go’an. Laakiin markii aan dhameeyay baaskeel-keygii ruux kastaba wux-uu jeclaaday inuu kaxeeyo. Warkii baaskeelka ayaa si aan caadi aheyn u faafay ilaa ay dadkii igu cadaadi-yaan inaan ka gado. Waan diidi kari waayay ugu danbeyntiina waxaan ku gaday $40,” ayuu yiri Gerard, isagoo ku mashquulsan kabo u sameynayo mid Burundiyanka nabad-ilaaleyaas-ha ka mid ah.

Sarkaalka Warfaafinta guud u qa-abilsan guutada Burundi sadex xi-digle Anatole Ciza ayuu yiri dadka xirfadaha leh sida Gerard oo kale ha-dana waxtarka aadka awooda ugu sii leh ayaa ah kuwo muhiim u ah howl galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ka socdo ayagoo nolosha mid fudud uga dhiga walaalahooda ciidanka ah ee ku jira xaaladaha aan caadiga aheyn intaas oo mile-na ka soo fogaa-

Sindayihebura in action

ee

Ninka la dhaho

Nabad-ilaaliyaha bisha:

AMISOMMr. Fix It

kuna nool Baydhabo

Page 21: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 21

Mr Fix It Sindayihebura oo hagaajinayo teendho

Sindayihebura oo hagaajinayo teendho

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

day dalkoodii.“Waxaa maskaxdeyda ku soo

dhaceysa hadii uusan nagu jirin kaba tole sida asagoo kale ama dad wax hagaajiyo, balaayo iyo baas ayey ahaan laheyd taasoo ka dhigi laheyd askarta inay waajibkooda dayacaan oo meelo kale ay ka raadiyaan wax kabaha u tolo. Waxaanu qirsanahay howsha muhiimka ah ees noo hayo waxaana rajeynayaan inaan si ras-mi ah ugu mahad celiyo kuna dhiiri geliyo inuu sii wado hagaajinta wax yaabaha kala jajabay. Waa nin anaga aad muhiim nowgu ah,” ayuu yiri sadex xidigle Captain. g

Page 22: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

dhinaca beerahaka caawiya

22

ayaa Beeraleyda Baydhabo CiidamadaAMISOM

Nabad ilaaliye-yaasha AMISOM oo miro ugu beerayo haweeney beerteeda ku taalo Baydhabo. Sawir qaade AMISOM /Maxamuud Xassan

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 23: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 23

Beerlayda oo intii muddo ahba quudareynayay roobkii soo raagay ayaa bilaabay haw-

lahooda beeraha kadib markii ay roobabkii bilowdeen. Beeraleyda ayaa ku yaacay hawlaha beeraha maadaama uu roobkii hooray. Hawlo isagu jira geedqaad, abuurid iyo falid ayaa lagula dhaqaaqay dhulbeereed-kii. Diyaarinya dhulka oo runtii hawl adag ah ayaa waxa gacan mugleh ka geystay ciidamada AMISOM ee Ethi-opia. Ciidamada AMISOM ayaa si iskaa-wax-u-qabso (mutawacnimo) beeraleyda garab ka siiyey diyaarinta dhulka sida abuuridda galleyda, ma-saggada iyo sisinta intaba.

Isgarabsigan dhexmaray bulshada beeralayda iyo AMISOM ayaa waxaa soo agaasimay AMISOM qeybteeda xiriirka dadweynaha iyo militariga, si ay u xoojiyaan xiriirka shacabka iyo AMISOM. Nabad Ilaaliyeyaasha AMISOM ayaa sidoo kale biyo nadiif ah oo lacag la’aana siiyey shacabka degan nawaaxiga ku xeeran xarunta AMISOM.

Duqowda iyo haweenka deegaanka ee ka faa’iideystay kaalmadan ayaa aad ugu farxay iyaga oo tibaaxay sida ay faa’iido weyn ugu leedahay, shee-gayna haddii aysan AMISOM ahayn

inay ugu yaraan bil ku qaadan lahayd diyaarinta beeraha iyo abuurkoodaba.

GebrahawariFitiwi oo ah sarkaal AMISOM ugu qaabilsan dhinaca xi-riirka shacabka iyo militariga ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay taageeridda xubnaha dadwey-naha si kor loogu qaado niyadda dad-ka isla markaana loo dhiirrageliyo wax soosaarka deegaanka.

Maadaama lajoogo xilli-roobaad-ka deegaanada, AMISOM ayaa gargaareysa dadka taagta daran sida curyaamiinta, dadka da’da ah iyo haweenkuba si ay u beertaan dhulkooda. Way naga go’antahay ka qeybqaadashada hawlaha bulshada. Isbadallo wax ku ool ah ayaa soo if-baxaya durba maxaa yeelay amaankii ayaa kasoo raynaya ee AMISOM wax ka qabatay. Ka ciidan Nabad Ilaalin ahaan waxaa inoo qorsheysan inaynu sii wadno hawlaha noocan oo kale ah ee bulshada la isku garab taagayo isla markaana lagu hergelinayo mashruu-cyo taabogal ah oo natiijo dhaw laga gaari karo mustaqbalka” ayuu yiri GebrahawariFitiwi

Baydhabo waa Magaalo madaxda gobolka Baay oo Muqdisho u jirta 240km galbeedka waxayna hodan ku tahay dhinaca beeraha. Watigii

nabadda gobolka Baay waxa uu ahaa isha ugu weyn ee ay masagadu ka quudato Soomaaliya. Gobolka waxa uu caan ku ahaa deegaan qabow oo daaq iyo caanoba leh taasoo lagu naaneeso Baydhaba-jannaay.

Iyada oo ay ugu wacantahay amaan-darro iyo abaaro soo noqnoqday ayaa sanadihii tagay dadka reer Bay waxay la kulmeen wax soosaar yari ay usii dheereyd canshuur naxariis darro ah iyo cagajugleyn ay kala kulmayeen ko-oxda Alshabaab taasoo sababtay inay beeraleyda ka qaxaan deegaanadooda islamarkaana ay ku biiraan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha.

“ Aniga iyo carruurteyda waxay nagu qaadan lahayd 3 bil ugu yaraan inaan geedqaadno beerteyda iyo wali-ba bil kale oo abuurid ah haddii aysan AMISOM na garabgelin, waana ku faraxanahay taageerada AMISOM na siisay ee diyaarinta beerta” ayay tiri Sontay Maxamed oo 40 sano jir ah.

Beeraley kale oo la yiraahdo Ged-di Cabdi, 60 jir ah ayaa ashqaraar iyo farxad darteed cabbiri waayey hadalki-isa, isaga oo yiri “ Xoogagga AMISOM runtii way na sharfeen, farxadna way nagu beereen, runtii way na caawiyeen manta waxaana ka rajeynaynaa inay sii wadaan gargaarka”. g

Nabad ilaaliye-yaasha AMISOM oo miro ugu beerayo nin beertiisa ku taalo Baydhabo. Sawir qaade AMISOM /Maxamuud Xassan

Page 24: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 24

MUQDISHO CEELAL BIYO

oo kuwareejisay maamulka AMISOM

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 25: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 25

Ergada Midowga Afrika ka joogto Soomaaliya (AMISOM), qeybteeda bini’aadamnimada, ayaa mar dhaweyd ku wareejisay afar ceel oo biyo maamulka

gobolka Banaadir. Ceelasha, oo ku kala yaalaan Xamar-weyne, Dharkenley, Wadajir Xamaarjajab, ayaa waxaa ka faa’iideysan doono qoysas dhan 260,000.

Ceelasha qodidooda iyo hagaajintooda waxaa maal gal-isay Dowladda Sweden, oo gacan ay siineysay AMISOM fulintana waxaa iska laheyd hey’ad maxali ah oo la yiraahdo HADAF Humanitarian Relief Organization.

Isagoo ka hadlayay xafladii wareejinta wakiilna ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayuu Sarkaal-ka Siyaasada ugu qaabilsan AMISOM James Gadin yiri deeqdadu waxay kor u qaadi doontaa heerka nololeed ee shacabka ayadoo ay ka heli doonaan adeeg bulsho oo aas-aasi ah. Dadka degan degmooyinka Muqdisho waxay heli doonaan biyo fiican oo nadiif ah labaatan sano oo dagaal sokeeye uu dalka ka socday magaaladana kaga tagay burbur xun kana dhigay mid aan laheyd adeegyadii aasaasiga ahaa iyo kaabeyaashiiba. Burburintii meelihii biyaha laga heliji-ray iyo kaabayaashii muhiimka ahaa waxaa ka dhshay inuu dadka ka dhex dilaaco shuban xun, arrinkaasoo AMISOM ay wax ka qabatay.

Sarkaal sare oo isku xira bini’aadmnimada,lana dhaho Cabdul Diagabate ayaa yiri mashruucu wuxuu si weyn u saacidi doonaa wanaagsanaanta caafimaadka ruuxa shakh-si ahaantiisa iyo sidoo kale midka bulshada guud, waali-diintana wuxuu awood u siindoonaa inay waqti dheeraad ah helaan oo ay kaga shaqeeyaan baahida qoysaskooda. Wuxuu yiri caafimaadka liita ee ka dhashay isticmaalka biyaha xun waxay si weyn u saameeyeen ilmihii iskuulada dhiganayay kuwaasoo wax soosaarkoodii uu hoos u dha-cay sababo la xariira caafimaad daridaas. Tani waxaa ka-loo ay saameysay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada. Qiimaha sare eek u baxayo daryeelka caafimaadka waxay six un u saameyneysaa heerarka nolosha ee shacabka sidaas darteed ceelashan biyaha waxaa looga golahaa in lagu wa-naajiyo caafimaadka ruuxa kali ahaantiisa iyo sidoo kale midka guud. Biyo nadiif ah oo dadku ay wada helaan wax-aa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay haweena ku nool meelaha ceelasha laga qoday, oo ah ruuxa sida aadka ah ugu sii baahaan si ay u fushadaan howl maal meedkooda una daryeelaan qoysaskooda. Mr. Diabagate wuxuu ku da-ray in mashruuca biyahani uu abuuray shaqooyin xiligoodu gaaban yahay oo loo baahnaa wuxuuna sare u qaaday awoo-da Soomaalida si ay maareeyaan mashariicda dib u dhiska mustaqbalka ee baaxadoodu ay weyntahaay.

Sii hayaha Duqa Magaalada Muqdisho Ismaacil Macalim Cabdi ayaa uga mahadceliyay AMISOM Dowladda Sweden taageeradooda joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin iyo dowladoodaba, isagoo yiri ceelashan biyaha waxay noqon doonaan gargaar bini’aadamnimo oo aasaasi ah oo la siiyay shacabka Soomaaliyeed kana fudud-eyn doono baahida dhinacaas ah.

AMISOM waxay dib u dayac tirtay hagaajisayna ceelas-han, ayadoo isla mar ahaantaas ku rakibtay wax biyaha na-diifiya, matooro biyaha soo saaro, tuubooyinkii biyaha soo qaadi lahaa qeybina lahaa, hagaajisay meelihii ay biyaha haraadiga ah ka bixi lahaayeen, meeshii ay biyaha ka burqan lahaayeen iyo haamihii biyaha keydin lahaa intaba, taasoo qeyb ka ah dadaal lagu doonayo siinya shacabka Soomaaliy-eed kaalmo bini’aadamnimo oo wax tar u leh. g

Sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Muqdisho oo dhadhaminayo biyaha ceel cusub oo ay ku deeqday Ergada Midowga Afrika.

Sawir qaade AMISOM/ Tobin Jones

Gudoomiyaha Degmada Xamarjajab oo la wareegayo ceel ay ku deeqday AMISOM munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 26: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 26

Zabina Muhondo oo ah gabar 25 jir ah ma ahan gabar sah-lan. Waxa lagu dhalay dagma-

da Gulu, waqooyiga Uganda. Zabi-na waxay ka tirsantahay ciidamada AMISOM ee taagan jiida hore ayadoo wado gaari gaashaaman.

Howlgalinteeda waxay uga warhe-shay si caadi ah. “Subax subxaha ka mid ah aya waxan arkay wareegto ku qoran boorka ogeysiisyada ee xafiiskee-na, kaasoo qeexayay inan aado xerada ciimadama militariga ee Singo si la ii siiyo tababar ka horeeyo howlgalin-ta” aya Zabina tiri, iyadoo ku dartay hadalkeeda “Aad ayan ugu farxay inan khibradeyda aan kazoo qaatay Ugadan usoo gudbiyo Somalia oo ah dal xaalad adag ku jiro. Waan xaqiiqsana inan inan howsha si wacan u qaban karo.”

Inkastoo ay ku faraxday warka howlgalinteeda, isla marka hadana waxay aad uga xumayd inay Ugan-da uga soo tagayso halkeeda canug iyo saygeeda. “Waxan bilaabay inan ka walwalo howlgalinteyda, ka ma-qnaanshaha ahalkayga mudo dheer, hase ahaatee waxan nafteyda u shee-gay in marka waajib qaran imaado inay tahay in laga jawaabo, reerkay-gana way ila fahmeen arintaas.”

Zabina waxay qeexaysa in dabacsa-naanta ay ka mid tahay waxyaabaha inu sargaalka militariga ah barto ama la qabsado at tahay. “Ma aha wax fudud dhulkaada ka maqantahay, iya-doo aadan huban inad nolol kusoo laaban, hase ahaatee markaad dare-ento in howlgalkaada uu wax badali nolosha ruux kale, si wanaagsan ayad

dareemi.” Qowskeeda aad ayay u ta-ageereen, qaboojintooda waxay ku dhalisay inay dareento xasilooni ku aadan howlgalinteeda.

Inta aysan soo aadin Somalia, Zabi-na waxay ahayd darawal tabaran oo ka wado taangiyada, kana howl galo Gulu, waqooyiga Uganda. Balse mudada-as waxay ahayd ruux u howl galaya si caadi ah, maadaama khibradeeda aysan ahayn mid loo baahna, sababtoy tahay Uganda ma ahayn dal ku jiro dagaal.

Zabina waxay aaminsatahay in wax walbo oo raga uu qaba karo, dumarka-na ay si ka wanaagsan u qaban karaan iyadoo arintan si dagan u qeexaysa iya-doo walibana aan wax la gabaneynin ayay tiri: “Tababarka militariga mid adag ayu u noqon kara gabarta”, “Ma filaneynin inu ii noqdo mid fudud

Jabinta khuraafaadkaZABINA MUHONDO

darawal gaari gaashaaman oo jiida dagaalka joogo

Lance Corporal Muhondo oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda, qeybta darawalada ee heerka ah.

Sawir qaade AMISOM/David Mutua

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 27: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 27

iyadoo raga ay yihiin kuwa u badan ciiidamada. Waan oga inay tahay inan 3 jibaar dadaalo si aan u cadeeyo inan howshan ciidameed qaban karo.”

Zabina waxay lu kulanta dad badan oo la tacajabo inay haweenay u wadi karto gaari gaashaaman, khaasatan jii-da hore ee Somalia. Zabina waxay tiri: “balse waxan dadkaas u sheega in ka-liya loo baahanyahay go’aan iyo daaal oo kaliya.” Iyadoo sii wadata waxay tiri: “haweenka wa dad aad u quwad badan, hadii loogu daro daacadnima-dooda, natiijada waxa ay qabtaan mid su’aal gali karto ma aha.”

Jadwalkeeda joogtada waxa ka mid ah inay aroor hore usoo kacdo tababar adag sida dhigeeda ciidameed. Kadib waxay qiimeysa xaalada taangiga ay wado, iyadoo hubsato in wax walbo

fiicanyihiin iyadoo isu diyaarinayso dhaqdhaqaaqa maalintaas. Waxay tiri: “Iyadoo la eegayo sida aan u bartay taangigayga, xata hadii aad isoo kici-so hurdada dhexdeeda, waxan u wadi kara si fudud.” Waxay ku dartay in askariga howlgalkiisa uu yahay mid 24 saac ah maalintii, maalin walbo. “Waa-jibka wa mid taagan marwalbo. Hadii xata dhib yar dhoco saqda dhexe, wa inad toosta, labisata, heeganna gasha ileen waxwalbo aya dhici karee.”

Markay joogto Somalia, Zabina si-doo kale waxay hesha waqti ku filan oo ay qabsato howlo gaar ah iyo na-siino. “Waxan dawana TVga, marar-ka qaar waxan helna waqti aan ku daawano filimao galbihii, waxana sidoo kale telefonadanada ka dhagay-sana muusig badan”.

Zabina waxay isku dayda inay mar-walbo la xiriirto ahalkeedii ay uga soo tagtay Ugadan. “Markaan helo lacag aan ku woco, ugu yaraan 3dii bariba mar ayan waca. Mararka qaar, usbuucii mar ama labadii usbuucba mar. waxa kaliya ee ay u baahanyihiin qowskayga wa inay maqlaan codkay-ga, ogaadaanna inan nabad qabo, wa intaas inta ay u baahanyihiin.”

Joogitaankeeda Somalia is badal badan ayu ku abuuray, waxayna rajey-naysa inay noqoto qof kasii fiican keedii hore markay dhamayso howlgalkeeda. “Wax walbo oon bartay iyo waxlwabo oon baranayo, waxan ula laaban dona dalkayga anigoo cilmigaasna gaarsiin doono dad kale. Khibrada aan halkan ka helay lama qiimeyn karo, waxan aan khibradaas la simo ma garanayo”. g

Lance Corporal Muhondo oo dhoola tusk u sameyneysa taangigeeda. Sawir qaade AMISOM Photo/David Mutua

Lance Corporal Muhondo oo la jirta saaxiibadeeda nabad ilaaliye yaasha AMISOM taangigoodiina saaran. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

Lance Corporal Muhondo oo dhageysaneysa amarada taliyeheeda qeybta saraakiisha taagiyada.

Sawir qaade AMISOM/David Mutua

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 28: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 28

Muuqaalka booska jiida horee xeebta Kismaayo

EE QURUXDA BADAN

Muuqaal dhanka circa ah oo xeebta dheer ee Kismayo. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

Muuqaal dhanka circa ah oo xeebta dheer ee Kismayo. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID

Page 29: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 29

Hadii dalal kale ay ahaan lahayd, xeebta Kismayo waxa ku ooli laha hotel dalxiiseed 5 xidigla ah

oo laga helo malaayiin dollar, balse shar-ci darrada daba dheeraatay ee Somalia ka jirto aawigeed, xeebtan soo jiidasha leh ee quruxda badan waxa maanta loo isticmala xarun ciidamada AMISOM ee joogo jiida hore ee Kismayo, iyadoo ay wada maamulaan Ciidamada Xoogga Kenya iyo askarta Sierra Leaone. Ciid-amada Kenya oo kaashanaya kuwa Jubal-and aya Kismayo ka qabsaday Shabaab-ka bishii September 2012, kuwaasoo ku milmay tuulooyinka ku teedsan agagaar-ka magaalo dakadeedka Kismayo.

Kadib qabshadaas, magaalada Kis-mayo waxay si tartiib leh kusii talaab-sanaysa hormar iyadoo gargaarka banii aadamnimana uu soo galayo, dadkii horaan u daganana ay soo laabanayaan si ay dib ugu dhistaan guryahoodii iyo ganacsigoodii burburay. Dadka dagaan-ka ah iyo ciidamada AMISOM waxay marwalbo ka hadlaan quruxda Kismayo iyo awoodeeda nacfiyeed eek u jirto.

“Ma garanayo waxa keenaya inay Soomaalida dagaalamaan. Dhamaan hadaan kaluumeysi ka bilowno badan weyn, waxan helayna cunto nagu filan, iyo ziyaado la gado oo lacag laga helo. Galabtiina, waxan u baahanahay oo ka-liya inan iska nasano, oon ku raaxaysano quruxda dalkeena. Dadka Kismayo Jan-no ayay ku jiri lahaayeen hadaan nabad haysan lahayn sababtoy tahay waxay leedahay xeebo aad u quruxsan, qudaar iyo cunno fareesh ah, waxa inta ka da-ran, caano badan,” waxa sida ku calaa-calay Abdullahi Abdi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo kazoo laabtay Austra-lia.

Meel ka go’an jidka mashquulka ah ee Kismayo oo ah jidka soo aado Muqdisho, waxa ku yaalo meel taag ah oo quruxsan, kuna teedsan yihiin geedo iyo buuro. Qeyb ka mid ah ciidamada AMISOM oo ka kooban askarta Kenya iyo Sier-ra Leone aya dagan meeshaas si ay uga ilaaliyaan magaalada Kismayo xagjirka Shabaabka oo iyagu isku dayo inay wax yeeleeyaan nabada iyo daganaanshaha, balse marwalbo wa la ceyriya.

Saldhiga AMISOM ee halkaas ku yaa-lo wuxu leeyahay labo xarun oo wacan, hadana kala soocan. Xarunta ku taalo dhanka midig oo ah mida ay joogaan ciidama Sierra Leone waxay ku taala aasaaska hoose ee silsilado buuro ah oo ku wajahan Kismayo. Meeshan meel ka hooseyso oo ah xeeb bacaadeed indhaha qabtaan wa meesha ay daganyihiin ci-idamada Kenya oo iyagu magaalada ka

ilaaliyo weerar ka imaado dhanka xeebta waqooyiga.

Eeriyadan waxa daboolay bacaad iyo carsaanyo garguuraneyso, oo hirka bado marwalbo kusoo dhufto. Dhismayaal ci-idameed daboolan oo ka samaysan baa-gag cagaaran oo carro ah iyo teendhoo-yin cagaar ah aya ku teedsan jiida hore ee xeebta, taas oo ku wajahan magaalada Kismayo

Kadib markii ay ciidamada AMISOM bilaabeen inay si tartiib ah u sugaan amaanka, xeebtii awal hore ay ku raax-aysan jireen saraakiisha sarsare ee Al Shaba boo kaliya wa mid ah nabad ah, una furan dadwaynaha, kuwaas oo ku ciyaara, kuna orotomo xeebta.

“Ma u jeeda buurtaas yar? Gadaa-sheeda ayay mararka qaar Shabaabka inta imaadaan ay si hadaf la’aan noo soo xabadeeyaan. Balse isla markaasba waan u jawabna, kadibna waxay ku mil-maan duurka. Shabaabka ma laha awood ay kusoo qaadaan dagaal rasmi ah. In-tay imaadaan ayay nasoo xabadeeyaan, kadibna cararaan sidii iyagoo yeerin hayo magacyo mudaysan,” waxa sida sheegay Sarreeye Maurice Otieno oo ah sarkaal maamulka qaabilsan oo ka tirsan qeybta labaad ee ciidamada qalabeysan ee dhulka.

“Waxa farxad ii ah inan dalkayga ku matalo howlgalkan nabadeynta ee wana-agsan ee ciidama AMISOM. Waxa naga go’an inan Somalia ka caawino inay hes-ho nabad waarto maxa yeelay dalkani wad al aad u quruxsan, wuxuna noqon dona quwad dhawaale hadii nabad la helo,” waxa sida yiri Laba alifle Omar Ali Said oo isagu I marti galiyay aniga iyo sedex sarkaal oo Kenyan ah, kuwaas oo dhamaan wadaago dhismo gacameed ciidamada leeyihiin oo ku taalo jiida hore oo u dhow xeebta.

Korneyl Hassan Chala, oo ah abaandu-ulaha qeybta ciidamada AMISOM Ken-ya eek u sugan xeebta wuxu aaminsaya-hay waqti kadib, in Somalia ay kasoo kabsan doonto burburka, qaadan doon-tana booskeeda ay ku leedahay beesha caalamka.

“Markaad la hadasho dadka maxaliga ah, badankooda waxay kuu sheegi inay ka daaleen dagaal. Koox yar oo dagaa-lada faa’iido ugu jirto sida Shabaabka aya rabo in xaalada dagaal sii socoto danahooga gaarka awgeed. Mar alla markii aan Shabaabka ka saarno Jilib iyo Baraawe oo ay u carareen, waxan huba in dadka joogo halkan ay dabaal dagi doo-naan, talaabadii ugu danbeysay ee kasoo kabsigana ay bilaaban doonyo,” abaand-uulaha aya sida yiri isagoo is hubo. g

Muuqaalka booska jiida horee xeebta Kismaayo

EE QURUXDA BADANAMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Page 30: AMISOM Magazine 14 - SO

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID 30

AMISOM waxay sii wadaa ta-babarka aadka ah

ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayadoo oofineysa waajibkeeda ay ku dhiseyso awooda hey’adaha Soomaaliyeed si ay ugu danmbeysta ula wareegaan waajibka damaanad qaadka ilaa-linta sharciga iyo kala danbeynta dalka.

Qeybta Booliska AMISOM ayaa mar aan sii fo-geyn ugu soo gabagbeysay tababar 100 xibnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xarunka Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Tababarka qaatay halka todobaad waxaa looga golahaa in saraakiisha lagu qalabeeyo aqoon ay ku dabagalaan waxna uga qabtaan khatar kas-ta oo dhanka nabadgelyada kasoo foolyeelato Soomaaliya daafaheeda.

100ka tababarteyaasha ah oo ka koobnaa du-mar iyo rag saraakiil boolis ah ayaa qaatay ta-babar ku aadan hareereynta iyo raadinta, xiri-da iyo gacanta bir kaga jabinta, roondeynta ku raadinta mootooyinka, iyo sidoo kale wareysiga. Waxaa kale oo ay qaateen qaabka bulsha loo maamulo, ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta, sida loo xaliyo dagaalada maxaliga ah iyo sida loo maamulo cadowtinimada ka dhex kacdo dad-weynaha guud.

“Tababarteyaashu hada waajibaad ayay la fuli-nayeen hada Qeybata Booliska ee la askumay, aadida roondooyinka maalinlaha ah waxaana korjoog nimo wax lagu barayo lasiiyay intii mudo ah. Sikastaba waxaanala qumanaatay inaan sii-no koorso ah mida ay qaataan dadka cusub kuna aadan arrimaha qaakood ee ka jira ergada dhex-deeda xiligan,” ayuu yiri Dr. Benjamin Agordzo, Isku duwaha Tababarada Booliska AMISOM

Tababarteyaashu waxay dheheen kooraskan cusub wuxuu yimid xiligii ku haboonaa mar ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ay taagee-reyso AMISOM, ay sameyneyso koox amaanka qaabilsan oo xoojiso nabadgelyada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Tababarka la qaatay wuxuu gacan ka geysan doonaa buuxinta baahi weyn oo ka jirtay awoodaha uu leeyahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib sanado dagaal sokeeye iyo dagaalo hub la isu adeegsaday, isla mar ahaantaasna uu xoojiyo awooda Ciidan-ka Booliska Soomaaliyeed ay u leeyihiin in meel mariyaan sharciga dowladda ilaaliyaana umada ay u adeegayaan.

Kormeeraha tababarada AMISOM David Olama, ayaa qeexay kalsoonida uu ku qabo in tababarku uu mira dhal noqon doono ayadoo ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed sii wa-deen wanaajinta xirfadahooda iyo aqoontooda. “Markaan dhameystirno tababarka, banaanka ayaan u raaci doonaa tababarteyaasha si loo sa-meeyo howlo toos loo qabanayo sida roondooy-inka loona fiiriyo siday u dhaqan gelinayaan xirfadihii la baray. Hadii ay noo soo baxaan wax dulduleelo ah, dib ayaan u soo celin doonaa si aan u siino tababar dheeraad ah oo cusub,” ayuu yiri Benjamin Agordzo Iskuduwaha tababarada Boo-liska AMISOM. g

AMISOM oo

tababareysa

CiidankaBooliskaSoomaaliyeed

Howl tababar oo ka socdo Xarunta Booliska General Kahiye fulinteedana ay leeyihiin Booliska AMISOM. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo ka qeyb galayo tababarka ka socdo Xarunta Booliska General Kahiye. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Bandhig Booliska AMISOM uu sameeyay kana dhacay Xarunta Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Page 31: AMISOM Magazine 14 - SO

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014 31

Sarkaal Booliska Soomaaliyeed ka tirsan oo tababar kaga jira Xarunta Booliska General Kahiye. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee Dumarka ah oo tababar kaga jira Xarunta Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Page 32: AMISOM Magazine 14 - SO

Haween Soomaaliyeed oo buraan-burayo heesana qaadayo mar ay xilwareejinta cee-lal biyo socotay oo ay ku deeqday AMISOM. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones