afar iga mudan ammaan cabdiraxmaan c. faarax .barwaaqo · herer: warsidaha afka, dhaqanka, diinta,...

24
No.2 November2015 ……………………………………..…..…………...53 Ereyga Quraarka......... 5 MACAAN JECEL .......... 6 HAYAAN............. 9 HAL KAA MAQAN.............. 10 Warsidaha HERER Warsidaha Afka, Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada Qoraalka Tirsigan: Tel: 1-613 247 0549, 252 63 479-2393, 252 65 953-9966, 252 63- 479-6079 Murtida Warsidahan Wixii hal tasoobey Haddaan hal-abuurku Halaanhal ku sheegin Hoyooyin ku heesin Inuu afka hooyo Hobaaq ku dhacaayo Ayaan hadda sheegay Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo

Upload: others

Post on 08-Sep-2019

45 views

Category:

Documents


1 download

TRANSCRIPT

Page 1: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 1

Afar iga Mudan Ammaan

Cabdiraxmaan C. Faarax

‘Barwaaqo’

Xidhmada 1aad , Tirsiga 2aad, Noofambar2015 / Vol. 1, No.2 November2015

Gorfaynta buugaagta / Bookreviews

……………………………………..…..…………...53

Waraysi / Interviews ………….……… 84

Ereyga Quraarka......... 5

MACAAN JECEL.......... 6

HAYAAN............. 9

HAL KAA MAQAN.............. 10

Warsidaha

HERER Warsidaha Afka, Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha,

Siyaasadda iyo Waxbarashada

Qoraalka Tirsigan:

Tel: 1-613 247 0549, 252 63 479-2393, 252 65 953-9966, 252 63- 479-6079

Murtida Warsidahan

Wixii hal tasoobey Haddaan hal-abuurku Halaanhal ku sheegin Hoyooyin ku heesin Inuu afka hooyo Hobaaq ku dhacaayo Ayaan hadda sheegay

Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo

Page 2: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 2

HERER (ISSN 1929-1272) is an independent literary, cultural, political, and social Journal in Somali.

It is printed monthly, both, in Ottawa (Canada) and Hargeisa (Somaliland)

Copyright © 2012

by

All rights

reserved. This

publication or parts of it may

not be reproduced, stored, or

transmitted in any way without

prior permission

from the

Editor.

ISSN 1929-1272

Published by

HAL-AQOON PUBLISHERS.

Qoraallada dhammaan

waxa lagu soo

hagaajinayaa:

HERER

Buulo-Barwaaqo

Xaafadda Koodbuur

Hargeysa, S/layn

Ama

HERER

861 Karsh Drive

Ottawa, Ontario

K1G 4T9

C A N A D A

Tel. (613) 247-0459

Soomaalilaand

Tel: 252-63-479-2393

E-mail:

[email protected]

Or

[email protected]

GOLAHA

QURAARRADA

EDITORIAL BOARD

Quraarka Guud

(Editor-in-Chief )

Cabdiraxmaan C. Faarax

“Barwaaqo”

Xayeysiiska iyo suuqgenta

(Advertising & Marketing)

Maxamed Cabdiraxmaan

Guuleed M. Yuusuf

Xoghaye ( Secretary )

Kawsar M. Faarax

Associate Editors

Xasan Cabdi Madar

Sahra-Kiin Cabdiraxmaan

Maxamed Caddaani

Muna Axmed Cumar

Axmed Aw Geeddi

Khaalid Jaamac Qodax

Xamda M. Xuseen

Hal-shaxanka (Graphics)

Herer graphics

Golaha Talabixinta (Advisory Committee)

Dr. Georgi Kapchits

Dr. Maxamed Nuux Cali

Dr. Jamaal Cabdi Gaboobe

Dr. Keenadiid Cali Xasan

Page 3: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 3

Buugga Bad Macaan waxaad ka helikartaan ‘Hargeisa

Redsea Bookshop’ oo ku yaal Hudheelka Oryantalka

hoostiisa, ‘Personal Computer’ oo ku yaal ka soo horjeedka

garoonka kubbadda Koleyga ee Timacadde iyo madbacadda

Sagaljet oo ah madbacadda daabacday buugga.

Page 4: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 4

Tusmo

Ereyga Quraarka .........................................................................5

MACAAN JECEL ..........................................................................5

HAYAAN .........................................................................................9

HAL KAA MAQAN! ....................................................................10

Page 5: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 5

Ereyga Quraarka

Wargeysyo tiro badan baa dalka ka soo baxa. Intooda

badani waxay awooddooda saaraan dhanka siyaasadda.

Waxaanad mooddaa wargeysyada maalin laha ah inuu

qof wada qoro. Taasi ayaa dad badan oo aan xiisayn

siyaasadda ku riddey niyad jab weyn. Si taasi

looga baxo ayaan ku dadaalley bal in la

helo warside aan weyneyn (bogag

badnayn) hayeeshe ah mid mac oo

xambaarsan aqoon korodhsi ku

saabsan dad iyo dalba.

Waxa aannu ku soo qaadan

tirsi kasta hal ama laba mawduuc oo aannu u aragno inay

dadweynaha xiiso gelindoonaan aqoontoodana kor u qaadi

doonaan. Sidaasi awgeed, waxaanu tirsigan si kooban ugaga hadli

doonnaa hal maanso iyo hal qoraal oo aannu filayno in wax badan

laga taransan doono.

MACAAN JECEL

Afeef:

Xubnaha Golaha Quraarrada Warsidaha HERER marna daanyaqaad uma aha, loomana aanayn karo,

aragtiyaha maansooyinka iyo qoraallada ku soobaxa warsidahan. Aragtiyaahaasi waxay kolkasta gaar u

yihiin hal-abuurrada iyo qorayaasha soo gudbiya qoraalladooda si ay dadweynaha ugu soo bandhigaan.

Waxaanuse daw u leennahay inaannu quraarro ereyada, gaar ahaan kuwa qoraallada, annaga oon waxba ka

beddelidoonin ujeeddada ereyga ama qoraalkaba, soona gaabinno qoraallada sabada oo nagu yar awgeed.

Wixii qoraallo ah ee xambaarsan af lagaaddo ama wax ka baxsan asawda iyo anshaxa toona ma soo

saaridoonno, mana u celin doonno ciddii soo gudbisey.

Page 6: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 6

Maxamed Caddaanni Yuusuf [email protected]

Maansadani waxay soo baxday 07/05/04. Tan iyo

goortii aynu Gobanimada qaadannay 26-06-1960

ilaa iyo maalinkan maanta ah niman uun bay

ummada reer Soomalilaand u af duuban tahay,

haddaba waxa iswaydiin leh goorma ayaynu

aayaheenna ka talin doonnaa, mise sida

duunyada ayaan oggolaannaa in layska keen lahaado? Haddaba markaan arkay

horumar la’aanta dawladnimo, dalnimo iyo dadnimaba, iyo waxmatarayaashan

iska keen haysta, ee hantidii Qaranka iskaga tagri falaya, kuna hashiiyay inaan

cidi ka hadal, ciddii isku daydana in tallaabo laga qaado ayaan maansadan oo la

yidhaa Macaan jecel kaga hadlayaa dhibaatada ma hadhaaga ah ee ku habsatay

ummada reer Soomaalilaand waxanay leedahay:

Murtuu hadal leeyihiyo,

Milgiyo sharaf loo yidhaa,

Wuxuu meel mari karaa,

Hadduu marinkiisa helo,

Waxaad maqashaa la yidhi,

Maankaa lala kaashadaa,

Run baa marag loo furaa,

Markhaatina lagu noqdaa,

Maluhu waa shay khariban,

Ismoodsiiskuna ka daran.

Middaa waxan uga socdiyo,

Macnaha weedhaydan sugan,

Miiddaan ka cadaynayaa,

Aan Maansada soo godlee,

Miskeedi ninkii raboow.

Waxaan arkayaa masalo,

Aniga ii muuqatoo,

Xal iyo maarayn rabtee,

Diyaar ma u tahay middaas?

Maqaar dad la deebiyoo,

Page 7: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 7

Marraaq ku baxaaya oo,

Midiidin noqdaan arkaa.

Dadkoo maskax guuray iyo,

Aqoon miyir beeshayoo,

Madaxa loo joojiyoo,

Mijaha diidaan arkaa,

Runtoo noo muuqatuu ,

Afkeenu ka maagayaa,

Sidaan nahay duul la maray,

Ayaan wada maahsannoo,

Waxaan nahay jooge maqan.

Macaan jecel Oomanoo

Halkuu malab yari ku dhaco

Marnaba aan seeginoo,

Malafsanaysaan arkaa,

Mas iyo halaq iyo abees

Intay Miciyaha listeen,

Dhulkii mulaclaynayoo,

Intay inna maaruqeen,

Weliba mushmushaaxayoo

Dadkii mirayaan arkaa.

Muwaadin nin sheegtayoo,

Masuuliyad qaadayoo

Weliba dhaar noo maroo,

Kitaab midig saarayoo,

Haddana musuqmaasuqoo,

Miciin daran baan arkaa.

Suldaan magiciisi iyo,

Wuxuu maamuus lahaa,

Intuu dhigay meel cidla’

Siyaasadi maan gaddoo,

Is maaxdumiyaan arkaa.

Duqay dar la moodayiyo,

Musheekh iyo mudanayaal,

Intay xil maroorsadeen,

Inaka na masaalayoo,

Nin meel ku xaraystayoo,

Maqaar-saaraan arkaa.

Dantiisa nin maamushoo,

Marnaba aan noo maqnayn,

Ayaan u majiirannahay,

Markuu nagu guuro ee

Muraadkiisuna u fulo

Dib nooma miliilicee,

Meel dheer buu naga maraa,

Mayeedhaan baynu nahay,

Dhibtoodu u muuqatoo,

Haddana maarayn karayn,

Mar baa la xisaabtamaa,

Tan iyo muddadaad ogayd,

Maxaa iska keen bedelay,

Mugdaynu ku nool nahee.

MACAAN JECEL

Page 8: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 8

Dar mawjadi qaadatoo,

Wixii lala maagganaa,.

Macbuud ka badbaadiyoo,

Waxay shalay soo mareen,

Xiskooda ka maydhanyoo,

Duleed kolba meerayoo,

Miidaamo noqdaan arkaa.

Bal eeg mahadhooyinkaa,

Midiba tii kale ka daran,

Maxaa ma tashiishe iyo,

Na baday ma hambeeyayaal,

Maxaa isma dhaantadani ,

Mareegaha noogu xidhay,

Miyaydaan ila arkayn.

Waxaan maansada ku xidhay,

Hadday arimuhu murgaan,

Rag baa maarayn jiree,

Sidee magaceenna iyo,

Muuqeennu u jiri karaa?

V

* / \

* * * *

Warsidaha HERER Waa warsidihii

u horreeyey ee

jaadkiisa

ah ee

ka

soo baxa woqooyiga

Ameerika & Geeska Afrika

E-mail: [email protected]

[email protected]

ISSN 1929-1272

MACAAN JECEL

Page 9: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 9

HAYAAN

Hayaan baa lagu tashaday

Higsigu waa meel qudhoo

Hir doog laa loo socdaa

Hayaanka qofkii hadhow

Abaar baa kuu hantiya

Aqoon baa lagu hodmaa

Haleelo ad soo dhacdaa

Hamuunta ma kaa tirtee

Hayaanka ha baal marine

Hareerta war hooy ka raac!!

Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’

Page 10: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 10

HAL KAA MAQAN

Farduus Maxamed Axmed 'Dheere'

[email protected]

Hargeysa, Somaalilayn.

Barashada afka, dhaqanka iyo sooyaalkiisu

waxa ay mar walba ii ahaayeen, haddana ii

yihiin, waxa ugu horreeya ee aan mar walba

ku faano ama jeclahay. Aniga oo arrintaasi

maanka ku haya ayaan maqley in casharro

afka ah uu Bare sare Cabdiraxmaan Guri

Barwaaqo ka bixinaaayo xarunta dhaqanka ee

Hargeysa. Qormadan oo aan si dul ka xaadis

ah idinku soo gudbin doono, waxa ay daaran tahay in aan idin la

wadaago aqoontii iyo waayo-aragnimadii aan muddadaasi koobneyd ka

bartay macallinkayga.

Macalllinku waxa uu fasalka nagu baray waxa uu yahay af. Isaga oo

macnaynaya wuxuu yidhi, “Afku waa baaq codeed oo xambaarsan farriin laysku

af garto”. Mar kale isaga oo macallinku dhinac kale naga dareensiinaaya

aqoontaasi waxa uu na baray in afku u kala baxo hadal iyo hunnuu-hunnu.

Macallinku isaga oo dib noo xasuusinaya higgaadda afka ayuu yidhi,

________________

F.G: Firginku waa shibbane

Page 11: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 11

“Xarfaha af Soomaaligu waxa ay ka kooban yihiin 32 xaraf. Waxaanay iskugu

jiraan 10 shaqal (Shan gaaggaaban iyo Shan dhaadheer) iyo 22 shibbane oo u

Firginku (‘) ku jiro. Waxaanan ogaaday in xarafka u dambeeya ereyada lo’,

ri’, go’, iwm. la yidhaa firgin ee aan la odhan ‘Hamse’ sida ay dad badani u

haystaan, isla markaana uu yahay shibbane ee aanu shaqal ahayn.

Waxyaabaha kale, ee layaabka leh, ee aan ka bawsadey macallinka, waxa

ugu mug iyo miisaan weynaa waxa uu yahay ‘alan’.

.

Waa markii iigu horreysey ee aan aqoon fiican u yeesho alan waxa uu galo

ama gudo. Barahu isaga oo arrintaasi faaqidaaya waxa uu na weydiiyey

weydiinta ah: “Horta Alan waa maxay?” Waxaanu noo sheegay in Alan

yahay shibbane iyo shaqal israacay. Tusaale ahaan: Fa, Na, Ma, Wa, Ya,

iwm.“(Barwaaqo 2015). Isaga oo barahu si fudud ama sharraxaad dheeri ah

naga siinaya waxa uu noogu darey intaasi “Waxa sidoo kale dhici kara in uu

shaqalku ka hor maro shibbanaha. Tusaale ahaan: il , ul, ur, uf, iwm. Sidoo kale

shaqalku si gooni ahna wuu isu taagi karaa kolka uu maanso ku jiro ama erey ugu

horreeyo. Tusaale ahaan: A/di/ga, I/ya/da, I/yo, iwm.” (Barwaaqo 2015).

Waxyaabihii kale ee wacnaa ee aan muddadasi bartay waxa kale oo ka mid

ahaa qodobka iyo sida uu afka u bilo ama ugu xidhmo. Markanna isaga oo

barahu arrintaasi si farshaxannimo leh noogu dhigaaya waxa uu yidhi,

“Qodobku: Waa alan gadaal ka raaca magacyada oo tilmaama aqoonnin sida:

Inan/inan –ka/-ta. Guud ahaan af Soomaaliguna wuxu leeyahay laba qodob oo kala

HAL KAA MAQAN

Page 12: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 12

ah: '-ka' iyo '-ta'. Ka hore oo raaca magacyada lab iyo ka dambe oo raaca kuwa

dheddig.“ (Barwaaqo 2015).

Waxa kale oo aannu barannay in xarafka ‘-k’ ee qodobka ‘-ka’ isu rogo ‘-g’

kolka ay magacyadu ku dhammaadaan xarfaha kala ah aa, u, i, g, y ama w.

Tusaale ahaan dhurwaa = dhurwaaga, hu = huga, fadhi = fadhiga, ruug =

ruugga, erey = ereyga iyo Faraw = farawga. Marka ay magacyada qaar ku

dhammaadaan shaqallada ‘e’ ama ‘o’ xarafka ‘-k’ waxa uu noqdaa ‘-h’.

Tusaale ahaan bare = baraha’, kabo = kabaha, iwm. Haddii ay magacyadu ku

dhammaadaan xarafaha kala ah c, x, h, q, ama kh, ‘k’-du way abraartaa oo

waxana soo hadha ‘-a’ oo keliya. Tusaale ahaan sac = saca, sallax = sallaxa,

maraq = maraqa, rah = raha, iyo tookh = tookha.

Sidaa si la mid ah buu xarafka ‘-t’ ee qodobka ‘-ta’ isugu rogaa ‘-d’ kolka

uu raaco magacyada kelida ah ee ku dhammaada xarfaha kala ah x, y, d, c,

h, ama firgin (‘). Tusaale ahaan, lax = laxda, dawaarrey – dawaarreyda, bad =

badda, duluc = dulucda, bah = bahda, iyo lo’ = lo’da.

Ugu dambayntii waxa aannu barannay in xarafka ‘t’ ee qodobka ‘-ta’ uu

isna isu rogo ‘sh’ kolka uu raaco magacyada dheddig ee ku dhammaada

xarafka ‘l’. Tusaale ahaan, calool = caloosha, ul = usha, il = isha, iwm.

Haddii aynu intaas kaga nimaadno qaybihii Hunnuu-hunuuda aynu u

nimaadno qaybaha uu u kala baxo hadalku. Macallinku halkan si

farshaxannimo ka muuqato ayuu noogu sharraxay waxaannu yidhi “Hadal

wuxuu u qaybsamaa Hal iyo Hawraar. Hal waa: Magac, Magac-u-

HAL KAA MAQAN

Page 13: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 13

yaal, Fal, Fal-kaab, Tilmaame, Meeleeye, Xidhiidhiye, iwm. Intaas ayaa la

isku yidhaa Hal. Hawraarna wuxu barahu ku sheegay inay u kala baxdo Tix

iyo Tiraab. Tixdu waa wixii jiib iyo jaan leh. Waxaanay u kala baxaan bado kala

duwan oo kala miisaan ah sida gabay, geeraar, buraanbur, baarcadde, jiifto, iwm.

Tiraabtuna waxay iyana u kala baxdaa buu yidhi Murti iyo Weedh. Murti waa:

Maahmaah, Odhaah, Hal-hays iyo Hal-xidhaale. Weedhuna waxay u kala

baxdaa: Weedh dhan, Weedh dhiman, Weedh surqan iyo Weedh sadan.”

(Barwaaqo 2015).

Intaas haddii aynu kaga nimaadno afka iyo qaybihiisa bal aynu u yar

kacno qaabkii magac bixinta Soomaalida ama hababkii ay Soomaalidu u

adeegsan jireen magac-bixinta marka uu ilmo yar ku soo biiro reerka oo

iyaduna ka mid ahaa casharradii wacnaa ee uu barahu noo dhigay

muddadii koobneyd ee aan ardeyda u ahayn. Isaga oo arrintaasi si

cilmiyeysan u dhigaaya waxa uu na barey inay Soomaalidu Laba hab

magacyada ula bixi jireen. Kuwaas oo kale ahaa: habka magac Soomaali bixinta iyo

habka kitaab furka. Haddaba bal aynu soo qaaddano dhinaca wiilasha iyo

magacyada loo bixin jiray. Marka loo kitaab furo waxa loo bixin jirey magac ka

mid ah magacyada Muslinka. Tusaale ahaan waxa loo bixin jirey: Cabdillaahi,

Cabdiraxmaan, Cabdirasaaq, Cabdifataax, Cabdiqani, Cabdiwahaab, Cabdilqaadir,

Cabdinuur, iwm.” (Barwaaqo 2015).

Isaga oo macallinku sii wada casharkaasi waxa uu ku darey: “Sidoo kale

magacyadii Rususha baa ayana wiilasha loo bixin jiray. Tusaale ahaan: Maxamed

(oo ah magaca adduunka ugu badan ee wiilasha loo bixiyo), Axmed, Mukhtaar,

HAL KAA MAQAN

Page 14: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 14

Ciise, Muuse, Yuusuf, Yacquub, Nuux iwm. Magacyada malaa’igta ayaa

iyagana loogu magac dari jiray wiilasha. Tusaale ahaan: Jibriil iyo Makaahiil.

Dhinaca asxaabtii Nebiga (Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ahaatee) iyagana waa

loogu magac dari jiray oo waxaa loo bixin jiray: Cali, Cumar, Cismaan, Khaalid,

Abubakar iyo Bilaal. Waxayna ka ahayd oo ay muujinayeen jacaylka ay u qabaan

diinteenna”. (Barwaaqo 2015)

Intaasi macallinku noogumuu deyn, ee haddana waxa uu na baray inuu

jirey qaab kale oo carruurta loogu magac bixin jirey. Isaga oo arrintaasi noo

dhigaayana waxa uu macallinku xusey in habka kale ee magac bixintu uu ahaa

habka magac Soomaali bixinta. Wiilka dhasha isagoo iin leh (Bar leh ama Buro)

waxaa loo bixin jiray Barre (ama Beyle), ama Buraale. Wiilka dhasha isagoo wada

gas ah waxaa loo bixin jiray Xaad ama Dhogor ama Gasle. Wiilka kolka uu dhasho

la arko inay timihiisu xaydan yihiin oo uu bidaar yeelan doono waxaa loo bixin

jiray Xayd.

Xilliyada colaadda waa laysugu magac bixin jirey buu macallinku nagu yidhi.

Wiilka dhasha xilli colaadeed waxa loo bixin jiray, Dirir, Colaad, Looyaan ama

dagaal. Iyada oo geeddi la yahay ka dhasha waxa loo bixin jiray Geeddi. Geeddi

dheer iyada oo lagu jiro ka dhashana waxaa loo bixin jiray Hayaan, Kaynaan ama

Qayaad, iwm.

Arrinta xiisaha lahayd ayaa iyaduna ahayd dhinaca magac bixinta

haweenka. Isaga oo sii wada waxa uu macallinku yidhi, “Sidoo kale xagga

hablaha waxaa loo bixin jiray magacyo ka soo jeeeda islaamka sida; Faadumo,

Caasha, Saynab, Khadiija, iyo Xaawa. Dhinaca dhaqanka isaga oo macallinku ka

HAL KAA MAQAN

Page 15: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 15

hadlayana waxa uu sheegay in hablaha midabka loogu magac bixin jirey. Tusaale

ahaan, inanta loo arko inay madow noqonayso, waxaa loo bixin jirey magacyada

kala ah Hira, Jinow, Yusur, Cadar, iwm. Inanta loo arko inay casaan

noqonayso waxaa loo bixin jiray Dhool, Dhuuxo, Cudbi, Tiriig iyo Siraad. Waxa

jira siyaabo kale oo hablaha loogu magac bixin jiray.Tusaale ahaan, inanta ay

hooyadeed tuurto hinaase dartii oo ay diiddo inay koriso waxa loo bixin jiray

Diiddan. Inanta wiilal badan ka daba dhalata waxa iyana loo bixin jirey Milgo.

Inanta dhalata iyada oo aanay hooyadeed ammin doora ah wax dhalin, hasayeeshee

carruur hore ka horreeyeen, waxa loo bixinjiray Baada. Shaqlan, Qoran, Xaddiyo,

Shukri, Hodan, Mihiya, Qamaamsha iyo qaar kaloo badanina waxay ka mid yihiin

magacayadii hablaha loo bixin jiray. “(Barwaaqo 2015)

Waxa ay mahad oo dhammi u sugnaatay Alle, RABBIGA ii suurto geliyey

inaan muddo laba bilood ah ka mid noqdo arday casharradaas iyo qaar

kale oo intan ka badan ku dhiganaysay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Ardaydaas oo iskood isku xil-qaantay, dareentayna inay baahiweyn u

qabaan barashada aqoonta afka hooyo oo ah mid u baahan barasho mug

leh, dedaal badan, baadhitaan iyo wakhti loo huro. Si loo ogaado aqoonta

duugga ah ee afkeenna hooyo ee hodanka ah iyo qiimaha uu leeyahayba

waxa lagama maarmaan ah in wakhti loo huro oo indho aqooneed lagu

eego. Waxaanu innaga mudan yahay inaan ku faanno.

Kuma koobna af Soomaaligu inta aynu ku barannay dugsiyada aan wax

ku soo dhigannay, balse waa mid intaas ka ballaadhan, una baahan in aad

loo barto, loona dhexgalo. Run ahaantii, waxaan nasiib u yeeshay in aan

HAL KAA MAQAN

Page 16: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 16

wax ka barto qof aqoon dheeraad ah u leh baridda afka hooyo, ahna

shakhsi af-yaqaan ah, aqoon durugsanna u leh afka hooyo iyo waliba

suugaanta ay Soomaalidu ku caano maashay, isla markaana hal-abuur

ah. Sidoo kale waa qof hiddaha iyo dhaqanka ummadda Soomaalida

yaqaanna. Waxaa kale oo uu bartay cilmiga afafka ee loo yaqaan

(Linguistics). Qofkaasi aan ka hadlayaa waa bare sare Cabdiraxmaan

Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo ). Waxa aan aad ugu mahadnaqaynaa

sida kartida iyo hufnaanta leh ee uuna waxba nooga hagran, iyo sidii

aqoonta iyo xeesha dheerayd ee uu muddadaas noo baray aqoontaa naga

dhinayd isla markaasna aanu u baahnayn. Sidoo kale waxa uu na baray

qoraalka iyo qaybihiisa, ablo-ablaynta afka, miisaanka Suugaanta iyo

taariikhda dhaqanka ay hodanka ku tahay guud ahaan ummadda

Soomaalidu.

Ugu danbayn waxaan jeclaystay inaan idin la wadaago inahaas oo aan ka

bowsaday muddadii gaabnayd ee macallinku wakhtigiisa iyo cilmiigiisaba

noo huray. Mahad aan duugoobina waannu u haynaa.

Tixraac:

Casharradii iyo qormooyinkii Macallinku noo qeybin jirey

HAL KAA MAQAN

Page 17: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 17

V

* / \

* * * *

Warsidaha HERER Waa warsidihii

u horreeyey ee

jaadkiisa

ah ee

ka

soo baxa woqooyiga

Ameerika & Geeska Afrika.

E-mail: [email protected]

[email protected]

ISSN 1929-1272

Page 18: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 18

Haddii aad buuggan danaynayso waxaad ka rogan kartaa isaga oo lacag la’aan ah oo PDF ah degelka

www.halgeri.com. Haddaad rabto isaga oo daabacan la xidhiidh

www.lulu.com

Page 19: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 19

W/D. Bahda warsidaha HERER

Dad badan baan kala aqoon ama ay

ku adagtahay kala saaridda hal-

hayska, odhaahda iyo maah-

maahdu. Taasina waa ta keentay

in dhawaanahan ay soo baxaan

dad sheegaya inay maahmaaho

sameeyeen.

Si aan arrintaa uga niib gaadhno

waxaan ku dadaallay inaan arrinta

wax ka weydiiyno Prof. Georgi

Kapchits oo ah aqoon yahan u

dhashay dalka Ruushka kuna xeel

dheer aqoonta maahmaahaha,

gaar ahaanna kuwa Soomaalida.

Isaga oo arrintaa ka warceli-

nayana wuxu yidhi: “ Haddii la

soo koobo,

Maahmaahdu waa weedh murti leh

oo la wada yaqaanno, misna

XIDHAN. Waxayna u kala baxdaa

saddex jaad:

A. Mid sarbeeb leh (Geel aan gaawo

loo hayn lama godlo),

B. Mid aan sarbeeb lahayn (Caado la

gooyey cadho Allay leeahay);

C. Mid ay dulucdeedu mugdi tahay,

hadii aan la aqoon sheekada ka

dambeysa (Tuugow, hillaaca yaa

kula ogaa?)

Odhaahduna waa weedh murti leh

oo la wada yaqaanno, misna

FURAN (wax laga beddeli karo

ama lagu dari karo). Iyana waxay

u kala baxda saddex jaad:

A. Mid sarbeeb leh (Markii geel loo

heesuu dameerro u heesaa --->

Markii geel loo heesuu Barqaaqo

dameero u heesaa);

Maxay ku kala duwan yihiin hal-hayska,

odhaahda iyo maahmaahdu?

Page 20: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 20

B. Mid aan sarbeeb lahayn, tusaale

ahaan: Gaabni iyo gacan maroodi

waxba ugama dhexee-yaan --->

Barqaaqo gaabni iyo gacan

maroodi waxba ugama

dhexeeyaan);

C. Mid ay dulucdeedu mugdi tahay,

hadii aan la aqoon sheekada ka

dambeysa (Maxay ku nuugtaa

ama ka nuugtaa? ---> Georgi wuu

ku dhacay Barwaaqo, markaasuu

dabadeedna ku yidhi: Muxuu ku

nugtaa ama ka nugtaa?)

Halhayskuna waa weedh murti leh

oo la wada yaqaanno, uuna

HEBEL yidhi: Findhicil ma

xaraan baa mise waa xalaal?”

Anna waxan intaa ku darayaa oo aan

rabaa inaan caddeeyo inaan

maahmaaha iyo odhaahaha mid-

na la samayn lana aqoon ciddii

samaysay ama tidhi. Waa murti

ka dhalatay bulshada kuna

dhisaalan waayo aragnimadeeda,

garashadeeda iyo ilbaxnimadeeda

intaba. Halhayskuse sida uu Prof.

Georgi sheegay waa murti la

yaqaan qofkii yidhi. Sidaasi

awgeed, dadka dhowaanahan

sheegaya inay maahmaaho

sameeyeen waxa habboon inay yi

dhaahdaan murti baannu soo

kordhinney. Qaadasha-deedana u

dhaafaan dadweynaha.

Page 21: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 21

Singudub:

1. Garaw

2. Meel aan idhan ahayn 4. Qarooc, in yar

7. Deris

8. Goodirka lidkiisa dheddig

9. Biyo durdur ah

11. Xubinta wax lagu arko

12. Xarafka ..aad ee higgaadda af

Soomaaliga

13. Dabool

14. Hawsha laguu diray qabo

16. Xarafka ...aad ee higgaadda af

Soomaaliga

17. Shaqal dheeraha u horreeya

18. Oori, maranti

20. Dal shishe u digarogo

24. Weeco, leexo, noqo

26. Kob

Qoton : 1. Geriga kiisa lab

3. Laxdu kolka ay wan u baahato

4. Ciidan kolka laga xoog roonaado.

5. Dibgale

6. Aqal yar

7. Waan ka war hayaa

9. Soo gaadhey.

10. Harag

11. Xoolo la maalo

13. Falanqayn

15. Neefka kolka haragga laga saaro lafta mooyee inta kale.

16. Xarafka ..aad ee higgaadda far Soomaalida

19. Magaca loo bixiyo wiilka dhasha xilligi colaadi jiro oo dab laysku

abaabulo la shito.

21. Qaylo iyo buuq

22. Lidka bogox.

23. Dhanka sare

25. Eray lagu dhawaaqo kolka wax lala yaabo.

1 2 3

4 5 6 7

8

9 10

11 12

13 14 15

16

17 18 19 20 21

22

23

24 25

26

Hal-xidhaalaha 2 aad

Page 22: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 22

Waa buug nuu qof kasta oo yool lihi u baahan yahay,

qasabna tahay inuu akhristo oo uu gacan

qabsi ka dhigto. Meel kasta oo

buugaagta lagu iibshana

waad ka heleysaa

Page 23: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 23

1H 2A W R A 3A R 4D H 5A R

6A L A R

R 7B 8A N 9H 10A 11A R O

12G A C A L O 13A A B I

E R L 14U N 15Q

Y 16C 17A U 18M A

S 19B A A B U 20U R R

21A 22F O A L 23I A

A 24N A 25B 26O 27O N K A

28L 29A F O A G M

30F F R A

U T 32Q 33O R I D A

D I 34X O O R D

Warcelinta hal-xidhaalihii 1aad

Page 24: Afar iga mudan ammaan Cabdiraxmaan C. Faarax .Barwaaqo · HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada 2015/2016 Warsidaha HERER Xidhmada 1aad,

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

2015/2016

Warsidaha HERER Xidhmada 1aad, Tirsiga 2aad 2015ka / Vol.1, No 2, 2015 24

Bogga 2aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada

V

* / \

* * * *

Warsidaha HERER Waa warsidihii

u horreeyey ee

jaadkiisa

ah ee

ka

soo baxa woqooyiga

Ameerika & Geeska Afrika

Hal-aqoon Publishers

Buulo-Barwaaqo

Xaafadda Koodbuur

Hargeysa, Soomaalilayn

Ama

861 Karsh Drive,

Ottawa, Ontario

K1G 4T9

C A N A D A

E-mail: [email protected]

[email protected]

ISSN 1929-1272

Tel: 1-613- 247-0549, 252 63-479-2393, 252 65-953-9966, 252- 63 479-6079