aaan midabayno gothenburg waa qorshe ay iska …...måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo...

9
Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Upload: others

Post on 09-Nov-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige,

Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Page 2: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Da`ya

rta

Sätt färg på Göteborg waa qorshe loogu talo galay da`yarta, lana samaynayo da`yarta. Hiigsi waxaa la sameeyay bilowkii qorshaha lagu caawiyo 100 da`yar shaqo la`aan ah ay shaqo ku helaan ugu dambayn 2021. Iyadoo aay kaalmo nasiisay

Swedish Public Employment Service (Adeega Swededn ee Shaqada Dadwaynaha) shirkado rinji iyo kuwo kale, waxaan kusoconaa inaan dhaafno hiigsigeenii.

Tababarada waxay u ogolaanayaan da`yarta khibrad u leh rinjiyaynta inay usoo bandhigaan xirfadahooda shirkadaha ku lug leh qorshaha. Waxay

kaalmo ka helaan dhamaystirka tabarbarkooda, buuxinta daloolada waxbarashadooda iyo qaadashada imtixaanadooda journeyman.

Xitaa dhalinyarada da`yartaa ee aan lahayn xirfada rinjiyaynta ayaa lasiinayaa fursad ay ku tijaabiyaan xirfada, hadii ay danaynayaana, waxay helayaaan kaalmo waxbarasho iyo tababar shaqada gudaheedaa. Intay ku guda jiraan tababarka shaqada dhexdeeda waxay ka qayb qaadanayaan inay Gothernburg ka dhigaan mid midabya badan sanad guuradeedii 400 aad.

Iskuulada, caruurta iyo dadka da`yartaa waxaa dhamaan lagu dhiiragalinayaa inay uga qayb qaataan

siyaabo kala duwan. Qof kasta waa inuu yimaadaa oo magaaladeena kudaraa midab.

“Waxaaan dhameeyay waxbarasho rinjiyayn laakiin way adgayd inaan helo shaqo. Ku shaqaynta tababarte ahaan si dhab ah ayeey kalsoonidayda

u xoojisay, lakiin raaxada ugu badan waxay ahayd saaxiibtinimada. Markaan dhexgalay dadka Sätt färg på Göteborg waxaa ii suurta gashay inaan helo shaqo,” ayeey tiri Gabriella Vancas, tababarato hore ee Sätt färg på Göteborg.

Loogu talo galay da`yarta, lana samaynayo da`yarta

“Ku shaqaynta tababarte ahaan si dhab ah ayeey kalsoonidayda u

xoojisay, lakiin raaxada ugu badan waxay ahayd saaxiibtinimada.”ayeey tiri Gabriella Vancas, tababarato hore ee

Sätt färg på Göteborg

Page 3: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Yool

ka

Gaarida suuqa shaqada wuu u sareeyaa da`yarta, meel kastaba haka yimaadeene. Degmooyinka aan diirada saarayno waxaa kajira shaqo la`aan boqolkiiba 30 ama ka badan . Rinjiyayntu way koraysaa waxaana jira baahi mug leh ee shaqaalo oo ay sabab u tahay dhismaha xowligaa ee socda iyo kuwo soo socda ee magaalooyin badan ee Sweden. Isla`egsiintu waa inay sahlanaato laakiin, nasiib xumo arrintu saas maahan. Mar mar waxaa loo baahanyahay riixid dheeri ah si arrintu ay u socoto. Markii aad isku darto rinjiyayn iyo raaxo iyo yool aad shaqo ku gayso da`yarta waxaad helaysaa Sätt färg på Gothernburg gudaheeda tan waxay keentay qorshe aan magaalada ku qurxinayno midabyo badan, oo aan ku beerayno dareen bulsho iyo kalgacayl, aanana da`yarta ugu abuurayno shaqo inta la gaarayo magaalada sanad guradeedii 400 laad ee 2021. Magaalada Malmo waxaa la iftiimiyay ka hor Tartankii Heesaha ee Eurovision. Gudaha Kiristianstad taalooyin iyo farshaxano aad u waawayn ayaa midabeeyay muuqaalka magaalada. Xarunta Drottninghög Gudaha Helsingborg waxay heshay qorshe midab ee wanaagsan. Waa fikir aan xadidnayn ee sidoo kale la waafajin karo magaaladaada. Qof wax kasta qaban karta majirto, laakiin qof kasta wuxuu samayn karaa wax, inaguna hubaal waxaan ku samaynaynaa wax Sätt färg på. Door ciyaarayaal kala duwan ee awooda kala duwan leh ayaa isku imaanaya iskuna dayaya inay inakoo dhan noo abuuraan magaalo wanaagsan. Magaaladoo dhan ayaa ka qayb qaadanaysa. Waxaan rajaynayaa adiguna inaad ka qayb qaadato.

Erling Zandfeld, Maareeyaha Qorshaha ee Sätt färg på Göteborg

“Isku day wada jira”

“Markii aad isku darto rinjiyayn iyo raaxo iyo yool aad

shaqo ku gayso da`yarta waxaad

helaysaa Sätt färg på” Erling Zandfeld, Maareeyaha Qorshaha

ee Sätt färg på Göteborg

Page 4: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Rinjiy

ayn

Shirkado rinji oo badan ayaa si tabaruc ah ugu lug leh Sätt färg på una howl kala ahaan shirkado kaalmayn. Waaji-baadyada shirkadaha kaalmada waxaa kamid ah taagulaynta iyo talo siinta da`yarta. “Waxaan baahi wayn u qabnaa rinjilayaal tana waa hab aad u wanaagsan ee da`yarta loogu soo jiido xirfada. Shirkadaha rinji ee Sweden daafaheeeda oo dhan waa inay ka qayb qaataan qorshahaan si iyaga anfacoodaa ah iyo mustaqbalka, “ayuu yiri Magnus Olsson oo ka socda Leif Olssons Måleri. Shirkada kaalmeeya waxay karaan inay ka qayb qaataan ayna u kaalmeeyaan siyaabo badan oo kala duwan. Shirkadaha qaar waxay qaataan tababarteyaal waxayna u ogolaadaan inay kutababartaan hareero la taaban karo, meesha kuwo kalana ay sameeyaan sida shirkada Effektiv måleri: “Ahaan shirkad kaalme waxaan taagulayn siinaa dhacdooyinka loo qorsheeyay qorshaha,” ayuu yiri Thomas Söderblom MD ee Effektiv Måleri. “Tan waxay u baahantahay xirfad marmarna xitaa in yar oo kaalmo la taaban karo ah si loo dhamaystiro howla-ha. Da`yarta qaarkood ma haystaan xirfad badan markaasna waxaa muhiim ah in gacan lasiiyo. Yacni, si howsha loo socodsiiyo Waxaan u maleeeyaa inay tani tahay qorshe xiiso leh waxaana aad ugu faraxsanahay inaan kamid nahay shirkadaha kaalmeeya.

Shirkadaha Kaalmeeyay Kubiiriyay Cilmiga

Page 5: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Inaga kuwa mas`uulkaa

Qab

anqa

abiyaa

sha

AKZONOBELAkzoNobel waa shirkad rinji horjooga ah ee caalami waana soo saare kiimikaalo khaas ah xirfado iyo macaamil aduunka oo dhana siisa rinji iyo xoqdiidyo, iyo sidoo kale maadooyinka alaabaha maalinkasta la isticmaalo ee muhiimka ah. “Waxaan rabnaa inaan abuurno magaalooyin lagu noolaan karo,” ayuu yiri Per Nimér, Madaxa Nashqada ee AkzoNobel. “Gudaha Magaalooyinka Dadka (Human Cities) – qorshaheena ku aadan hormarka magaalooyinka – waxaan si firfircoon uga shaqaynaa inaan magaaalooyinka aduunka ka dhigno kuwo qurux, farxad iyo amaan badan. Sätt färg på Göteborg waa qorshe oo saas kusamaynaya meeshaan Sweden, iyadoo isla markaasna abuuraysa shaqo- waxaana aad ugu faraxsnahay inaan tan kamid noqono.

FRAMTIDEN Kooxda Framtiden Group waa mid kamid ah shirkadaha ugu waawayn ee maareeya dhismayaasha ee sweden taas oo ay farac ka yihiin Poseidon, Bostadsbolaget, Familjebostäder iyo Gårdstensbostäder. Hiigsiku ma ahan kaliya maaraynta dhismayaasha, laakiin sidoo kale waa hagida bulshada. “Waxaan rajaynayaa oona aaminsnahay inaan hogaamin karno wanaajinta Gothenburg 2021, iyo meesha rinjiilayaasheena ay naga caawin karaan inaan noqono kuwa ugu wanaagsan aduunka ee maaraynta dhismayaasha,” ayeey tiri Anna Nordén, Isku dubaridaha Soo iibsiga ee Framtiden.

GÖTEBORG 2021Göteborg & Co. Waxaa u idmay gudiga degmada inay hogaamiyaan, iskudubaridaan ayna hagaan shaqada kuwajahan sanad guurada 400 laad ee Gothenburg ee 2021. “Yoolka kadambeeya dabaaldaga sanad guurada 400 laad ee Gothenburg waa in la dhiira galiyo magaalda oo dhan, laga bilaabo mu`adiniinteeda iyo ururadeeda ilaa ganacsatadeeda iyo maamuladeeda,” ayeey tiri Therese Brusberg, Maareeyaha Qorshe ee Gothenburg 2021, Göteborg & Co. ”Wadajir waxaan Gothenburg kadhigi karnaa meel wanaagsan. Sätt färg på Göteborg waa qorshe hiigsanaya inuu isku xiro magaalada, shaqo abuuro uuna dhiiragaliyo ka qayb qaadasho si loo helo magaalo bulsho ahaan la joogtayn karo waana qayb dabiiciya oo kamid ah sanad guurada 400 laad.”

MÅLERIFÖRETAGEN I SVERIGEMåleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på wuxuuna leeyahay dhaqan dheer oo qorshayaal badan ee bulsho. Tusaale, waxay qabanqaabiyeen qorshe Sätt färg på Göteborg ilaa 1995, ka hor Tartanka Aduunka ee Ciyaaraha Fudud (World Championships in Athletics). “Xirfado badan waa inay bilaabaan qorsheyaal nuucaaan oo kale ah, meeshaas oo door ciyaarayaal kala duwan ay isuku imaanayaan qorshe si ay waxyaalaha ugu badalaan si wanaagbadan,” ayuu yiri Patrik Andersson, Gudoomiyaha Måleriföretagen West.

Akz

oNob

el/T

ony

Mey

er

Page 6: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Fars

haxa

n

21 Kilomitir oo FarshaxanHal astaan ee Sätt färg på Göteborg waxaa weeye inaan abuurayno gabalka farshaxanka ugu dheer aduunka, kaasoo isku xiri doona Gothenburg, Farshaxanku wuxuu socondoonaa 21 Kilomitir, isakoo ka bilaabanaya Blå Stället Cultural Centre ee Angered uuna soconayo ilaa Röda Sten Art Centre ee Klippan. Farshaxanku wuxuu ka koobnaanayaa jid baaskiil oo la rinjiyeeyay, calamo qurxin, farshaxano lagu rinjiyeeyay taalooyin waawayn iyo rinjiyayn muda dheer ee darbiyo, dariiq-dhismeedyo iyo saxgadaha kale. Rinjiyaynta waxaa bilaabi doona shacabka, tababartayaal rinji iyo farshaxano. Waxaa loo dhamaystiri karaa si tartiib ah wuxuuna diyaar u noqon karaa sanad guurada 400 laad ee Gothenburg ee 2021.

Page 7: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Mag

aalada Magaalada Gothenburg

Ahaan mid ka mid ah dhowr iskaashato oo muhiim ah, Magaalada Gothenburg (oo loo marayo shaqada Framtiden iyo Göteborg 2021) waxay ku lug lahayd laga bilaabo heerarkii hore waxyna qayb ka qaadatay xaqiiqda ah inaan hada kujirno howlgal buuxa. Waxaan waydiinaya Mariya Voyvodova, Gudoomiyaha Degmada (S)oo si khaas ah uga mas`uul ah arrimaha dhaqanka, xuquuda aaadnaha iyo da`yarta, inay faahfaahiso sababta Magaalada Gothenburg ay u dooratay inay u ciyaarto doorka saas muhiimka u ah.

Maxay qorshayaasha nuucaan oo kale ah u yihiin lagama maarmaan? “Qorshuhu wuxuu mideeyaa degmooyinka dhowrkaa ee Gothenburg wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa shaqo u abuuria boqolaal da`yar oo shaqo la`aan ah. Ma ahan kaliya gudaha qorshaha, ee iyo sidoo kale mudada fog. Xirfado badan oo kala duwan, ee ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada lehna taariikho kala duwan, waxaa indhahooda loogu furayaa xirfad ahaanta rinjiyeynta iyo farshaxankaba.”

Maxay magaalada Gothenburg ugu lug leedahay? “Hindisahaan oo kale waa tusaale iskiis u cad ee Magaalada Gothenburg. Gothenburg waa magaalo masaafado dhaadheer u dhaxayso degmooyinka waxaana astaan u ah kala qoqob baahsan. Saas darted waxaa muhiimad gooni ah leh in la helo wax isku xiri kara.”

Miyaysan Gothenburg ahayn “mid midabyo kufilan leh” ? “Rinjiyo darbi waawayn hada waxaa laga heli karaa meelo qaarkood, laakiin aad ayeey ugu yaryihiin magaalo wayn sida Gothenburg. Waxaan si hubaal ah ugu baahanahay farshaxano dheeri ah wadooyinkeena. Midabyo badan waxay magaalada ka dhigaan mid firfircoon dadkana waxay ka dhigtaa kuwo farax badan. Waxaa dheer, xaqiiqda ah inay da`yarta magaaladu ay ka qayb qaataan waxay muhiim u tahay dareenkooda ka mid ahaansho.”

”Waxaan si hubaal ah ugu baahanahay farshaxano

dheeri ah wadooyinkeena. Midabyo badan waxay magaalada ka dhigaan mid firfircoon dadkana wax-

ay ka dhigtaa kuwo farax badan.”Mariya Voyvodova,

Gudoomiyaha Degmada Akz

oNob

el/T

ony

Mey

er

Page 8: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

Midbaka gudaha xaafadaXa

afad

Waxaa aad noo saameeya xaafada aan daganahay. Fikirka ka dambeeya Sätt färg på Göteborg waa in lagu soo dhaweeyo dadka inay ka qayb qaataan rinjiyaynta magaaladooda. Tan waxay agagaarga xaafada ku beertaa dareen sharaf kaasoo dhaliya natiijooyin fiican oo ku faafa dadka deegaanka. Rinjiyo waawayn ee darbi iyo shiraacyo laalaada oo sameeyeen da`yar iyo farshaxanayaal waxay meelo degaan oo cawlan u badalaan muuqaalo magaalo oo firfircoon waxayna dadka ka dhigaan kuwo cajiib iyo xiiso leh. “Waxaan aaminsanahay inay xoojinayso kalsoonida kuwa ka qayb qaadanaya rinjiyaynta, maadaamaa ay ka qayb qaadanayaan wax qurux noqonaya taasna dadka way ka farxisaa” ayuu yiri Tony Parath, Gudoomiyaha damaashaadka Hammarkullen dagana xaafada Hammarkullen meeshaas oo Sätt färg på Göteborg ay qorshooyin badan ka samaysay. Sabab muhiim ah ee lagu dhiira galiyo dadka degaanka inay sare u qaadaan agagaarkooda waa inay tani abuurto xiiso iyo danayn xafidida iyo daryeelka agagaarka, taasoo ka qayb qaadata bulsho wanaaga. “Dadka deegaanka way mahdinayaan hindise sare u qaada xaafadooda. Da`yarta ka qayb qaadata waxay faalooyin aad u fiican ka helaan dadka socotadaa oo la cajabiyay kuwaas oo dareemaya inay da`yartu ay samaynayaan shaqo wanaagsan,” ayeey tiri Gloria Esteban, Horjoogaha Qorshaha ee Hammarkullen 365.

“Waxaan aaminsanahay inay xoojinayso kalsoonida kuwa ka qayb qaadanaya rinjiyaynta, maadaamaa ay ka qayb qaadanayaan

wax qurux noqonaya taasna dadka way ka farxisaa”

Tony Parath, Gudoomiyaha Damaashaadka ee Hammarkullen Carnival

Akz

oNob

el/T

ony

Mey

er

Akz

oNob

el/T

ony

Mey

er

Page 9: Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska …...Måleriföretagen waa urur xirfado iyo loo shaqeeyayaal oo ka mid ah xirfada rinjiyeynta. Waa hal abuuraha fikirka Sätt färg på

EUROPEISKA UNIONENEuropeiska socialfonden

Wax dheeri ah oo kusaabsan Sätt färg på Göteborg ka aqriso bogga Facebook ama websitekeena www.sattfargpa.se