ميحرلا نمحرلا ا مسب - halgan.net waxaa la yiraahdaa. cumar binu muthafar binu cumar...

26
الرحيم الرحمن ا بسم١

Upload: dinhkiet

Post on 01-Jul-2018

264 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

بسم اهلل الرحمن الرحيم

١

Page 2: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

بسم اهلل الرحمن الرحيم

Dhaqanka culumada waxaa ka mid ah in ay cilmiga ku gudbiyaan asagoo Gabay ah iyo asagoon aheyn. Hadaba Gabaygu wuxuu ka mid yahay waxyaalaha lagu xifdiyo culuumta islaamiga ah, Gabaygu kiisa fiican waa la amaanay kiisa aan fiicneyne waa la ceebeeyey. Culumada qaar badan waxay ahaayeen Gabyaa, xikmado badan oo ku gudbeyey cilmigii gabay, maxaa yeelay marka cilmiga gabay la dhigo waa ka sahlan yahay xaga xifdiga marka uusan aheyn gabay. Cilmigu waa qaybo badan yahay waxaana haboon in ardayda cilmi doonka ah la baro Aadaabta islaamka inta aan loo meerin cilmiga kale. Hadaba Gabaygaan waxaa la yiraahdaa (Nasiixatul Ikhwaan), wuxuuna ka hadlayaa Aadaabta loo baahan yahay inuu ku sifoobo qofka dalbaya barashada cilmiga. Culumadu aad ayey u amaaneen Gabaygaan, maxaa yeelay waxa uu kulmiyey xikmado aad u sareeya, qaar ka mid ah beydadka Gabaygaane wuxuu noqday maahmaah dadku ay daliilsadaan.

Noloshii Gabyaaga Gabyaagu waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana Faqiih, wuxuu ku dhashay magaalada Mucaraat Annucmaan, wuxuuna ku barbaaray magaalada Xalab ee ka mid ah dhulka Suuriya, asal ahaane waa nin Masri ah. Wuxuu noqday Qaali kala xukmiya dadka. Kutubo badan ayuu alifay waxaa ka mid ah: 1- Nathmu Albahjati Alwardiyati 2- Ashihaab Athaaqib 3- Allubaab Fil Icraab

Kutubadaas iyo kuwa kale ayuu alifay. wuxuu dhashay taariikhda islaamku markay ahayd: 691. wuxuuna dhintay sanadkii: 749. Rabi ah u naxariisto.

٢

Page 3: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ـ%%%%%زل إع%%%%%%تزل ذك%%%%%ر ال%%%غوان%%%%ي وال%%%%%%غزل وق%%%ل ال%%%%%%فـصل وج%%%ان%%%ب م%%%ن ه

ka fagow sheeg sheega Dumarka quruxda badan ee aan u baahneyn is dhaldhalaalin iyo is qurxin kale waayo quruxda rabi siiyey ayaa saaid ah oo ay ku kaaftoomeen, Haasaawaha iyo la kaftanka dumarka ee aan suubaneyn asna ka fogow. Waxaad dhahdaa hadal cad oo suuban xaqa iyo baadilkana kala saara, kana fogow qof cayaaraya oo aan faaiido laheyn (kaftamaya).

ال%%%%%%ذك%%%%%%رى ألي%%%%%%%%ام ال%%%%%%%%%%ص%%%%%ب%ا ف%%%%%%ألي%%%%%%ام ال%%%%%%%%%%ص%%%%%ب%ا نـج%%%%%%%%%%%م أف%%%%%%%%ل ودع

Ka tag xasuusta aad xasuusanaysid maalmihii ku soo maray ee yaraanta. Maalmihii ku soo maray ee yaraantu waxay la mid yihiin xidig dhacay.

أح%%%%%%%%%لى ع%%%%%%%%%%يشة ق%%%%%%%%%%ض%%%%%%ي%ت%ه%ا ذه%%%%%%%%%%بت ل%%%%%%ذات%%%%%%ها واإلث%%%%%%%%م ح%%%%%%%ل إن

Nolol iyo Xayaato tii u maacaaneyd ee aad soo qaadatay oo soo martay adigoo waliba ku soo dhameeyey macsi iyo danbi. Maalmahaas waa tageen macaankeedii iyo baashaalkeedii laakiin Danbigeedii ayaa baaqi ah oo waliba xag Rabi ka qoran.

وات%%%%%%%رك ال%%%%%%%%غادة ال ت%%%%%%%حفل ب%%%ها تـ%%%%%%مس ف%%ي ع%%%%%ز وت%%%%رف%%%%ع وتج%%%%%%%%ل

Ka tag Gabadha qurxoon ee jiljilicsan ee dhalaalaysa hana siin dadaal badan iyo raadin badan (yeysan kaa mashquulin Rabigaa). Hadaad sidaas samaysid oo aad ka fogaatid gabadha quruxda badan waxaad ahaanaysaa sharaf gudaheed adoo waliba noqonaya mid la sarayeelo lana wayneeyo (Laga heybeysto, la Qadariyo).

ل%%%%%%%هو أط%%%%%%رب%%%%%%ت وع%%%%%ن األم%%%%%%%%%%رد م%%%%%رت%%%%%ج ال%%%%%%%%%%كفل وال%%%%%%%%ه ع%%%ن آالت

Iska mashquuli oo qiimo yeysan kula yeelan Alaabaha maalaayacniga ah sida: Qalabka Muusikada: taas oo dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq samaynaysa markii la garaaco waayo muusikada markii la tumo dhawaaq ayey

٣

Page 4: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

bixinaysaa ka dibne qofkii dhagaysanayey waa is ruxayaa waana niikinayaa waxaana luuqada carabiga lagu yiraahdaa dhaqdhaqaaqaas (dharab طرب). Waxaad kaloo iska mashquulisaa oo ka dheeraataa wiilka yar ee nicmadu iyo barwaaqadu ka muuqato ee jilicsan oo waliba qaarka dambe u weyn (Barida) ama qaarka dambe ruxaya. (م%%%%%%%%%%رت%%%%%%%%%%ج) <—— waa dhaqdhaqaaqa ama waynaanta. ال%%%%%%%%%%ك%%ف%%ل) )<—— waa Barida iyo qaarka dambe. Micnaha guud wuxuu leeyahay Gabyaagu haku mashquulin Muusikada iyo waxyaalaha lahwiga ah ee aan faaiidada laheyn maxaa yeelay Diinkaaga ayey kaa fidnaynasaa sidoo kale wiilka yar oo wali garku u soo bixin ee bilicsan asna yuusan ku fidneyn ee ka fogoow.

حى وإذا م%ا م%%اس ي%%%زري ب%%األس%%%%ل إن ت%%%بدى ت%%%%نكسف ش%%%%%مس ال%%%ض

Hadii Wiilkii yarka ahaa ee quruxda badnaa uu u soo muuqdo oo u soo banbaxo qorox barqadii joogta oo daruur aan laheyn iyo caad waa mugdiyeynayaa oo waa ka ifbadinayaa waayo quruxdiisa iyo dhaldhalaalkiisa ayaa saaid ah. Hadii uu dhaqdhaqaaqo oo xarako iyo socod sameeyana waa ka dhaqdhaqaaq badan yahay waranka afka badan hadii la tuuro. Macno kale beytka waa loo sheegay asagaana ila suuban waxaana weeye: Hadii wiilkaasu ku soo baxo qorax barqan joogta oo ifaysa waa qarinayaa, hadii madaxa laga xiiro si loo foolxumeeyana xiiriddaasu waxba kordhin mayso oo yaraynmayso quruxdiisii ee sidii waranka afka badan wixii lagu tuuro uga dhexbaxo ayuu wiilkaasu u fidnaynayaa qofkii aan ka fogaan.

ع%%%%%%دل%%%%%ناه ب%%%%%%%%%غصن ف%%%%%%اع%%%%%%تـدل ق%%%%%%%%%سناه ب%%%%%ال%%%%%بدر س%%%%%%%%نا أو إن زاد

Waa ka sitaa oo waa ka badan yahay xaga iftiinka iyo dhaldhalaalka Dayax ifaya hadii laysku qiyaaso oo lays barbardhigo. Hadii lagu dhereriyo laan (Geed laantiis) si qumaati ah u baxdayna waa ka toosan yahay waana ka qurux badan yahay. Hadii wiilkii yarka ahaa lala tartansiiyo xaga ilayska iyo ifka Dayaxa waa ka guulaysanayaa, sidoo kale xaga dhirirka iyo itaalka iyo toosnaanta hadii lala tartansiiyo laan sii fiican u baxday oo aan qaloocsanayne waa ka toosnaan badinayaa waayo tuur iyo qalooc midna ma leh.

٤

Page 5: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Wiilka sheekadiisa iyo digidda uu ka digayo xagiisa Gabyaagu waa ku dheeraaaday waayo waxaa la arkaa waqtigii uu noolaa in fidnada lagu fidnoobo ilmaha yaryarka ah ee wiilasha ah ay aad u badneyd.

واف%%%%%%تكر ف%%ي م%%%%%نتهى ح%%%%%سن ال%%%ذي أن%%%ت ت%%%%%هواه تج%%%%%%د أم%%%%را ج%%%لل

Ka fakar oo si fiican u fiiri shayga aad jeceshahay bal wanaagiisu meesha uu ku dambeeyo. Kaad jeceshahay oo aad isku dhabarjabinaysid waxaad heli doontaa oo arki doontaa in uu yahay arin aad u liita oo aan mudneyn dadaalkaas iyo nafhuridaas oo dhan. Waxaad aad u milicsataa waxaad jeceshay waxay ku danbeyn doonaan, waxaad arki doontaa inay yihiin wax aan qiimo iyo qaayo aan lahayn aysane mudneyn in naf iyo maalba la duldhigo. shaygaas uu ka hadlayo gabyaaguna waa kuwa uu soo sheegay oo ah: Maalaayacniga iyo wiilkii yarka ahaa.

واهج%%%%%%ر الخ%%%%مرة إن ك%%%نت ف%%%تى ك%%يف ي%%%%سعى ف%ي ج%%%%%نون م%%%ن ع%%%%قل

Ka haajir oo ka fogow Khamriga hadaad tahay igaar dhamaystiran oo dhalinyaro xoogan ah. Sidee ku dhici kartaa qof caqli leh oo waxgarad ah in uu u socdo oo raadiyo waali iyo wax caqliga tagsiinaya.

إال وص%%%%%%%%%%%%ل واتق ال%%%%%له ف%%%%%%%%%تقوى ال%%%%%له م%%%ا ج%%%%%%%%%%اورت ق%%%%%%%%لب ام%%%%%%رئ

Rabigaa ka baq oo wuxuu ku amray samee wixii uu kaa reebayne ka fogow, maxaa yeelay Alle ka cabsiga ma la darso oo ma laasimo. Ruux qalbigii illaa qofkaasu waa gaaraa muraadkiisa iyo hadafkiisa oo ah in uu la kulmo rabigiis oo ka raali ah.

ل%%%%%يس م%%%%%ن ي%%%%%%%%%%قطع ط%%%%رق%%%%%ا ب%%%%%%طال إن%%%%%%ما م%%%%%ن ي%%%%%%%%تق ال%%%%%له ال%%%%%%%%%%بطل

Ma aha kan jidka u istaagaya dadka oo boobaya (Tuuga) halyeey (Geesi). Geesigu waa kan Ribi ka baqa.

٥

Page 6: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ص%%%%%%%%%%%دق الش%%%%%%%%%%رع وال ت%%%%رك%%%%%ن إل%%%ى رج%%%%%%%ل ي%%%%رص%%%%%%%%د ف%%ي ال%%%%%%ليل زح%%%%%%%ل

Rumee oo ha beenin Sharciga iyo Diinta ama kan loo soo dhiibay shareecada oo nabi Muxamad ah (sallahu calayhi wasallam) rumee, hana u leexan. Nin u kuurgalaya oo u dhabbacan habeenkii xidiga weyn ee la yiraahdo Zuxal. Xidigaha waaweyn waa Todobo waana ku waan:

١ـ القمر. ٢ـ عطارد. ٣ـ الزهرة. ٤ـ الشمس. ٥ـ المريخ. ٦ـ المشتري. ٧ـ الزحل. 1 Sun 2 Moon 3 Mercury 4 Venus 5 Mars 6 Jupiter 7 Saturn Waxaad noqotaa mid shareecada iyo diinta rumeeya ee ha noqon mid u dhaganugul Sixiroolayaasha iyo Faalalowyaasha.

ح%%%%%%ارت األف%%%%%%%%كار ف%%ي ق%%%%%%%درة م%%%%ن ق%%%%د ه%%%%دان%%%%ا س%%%%%%%%%%%%بـلـنا ع%%%%ز وج%%%%%%ل

Waa ku wareertay Maskaxdu iyo Caqliguba Awooda Rabi. Asagoo Rabi nagu hanuuniyey wadooyinkii aan u mari laheyn raali ahaanshihiisa, Rabi asagaa awoodleh oo ah Rabi weyn.

ك%%%%%تب ال%%%%%موت ع%%لى الخ%%%%%%لـق ف%%%%%كـم ف%%%ل م%%%ن ج%%%%%%مع وأف%%%%%نى م%%%ن دول

Rabi waa ku qoray oo waajib ayuu ka dhigay in Makhluuqu (Waxa Rabi abuuray oo dhan) ay dhintaan ee badanaa. Inta Rabi jabiyey oo ka guulaystay oo ah kuwo tiro badnaa oo jameecooyin ahaa iyo inta uu baabi,iyey oo dowlado iyo ummado ahaa. Walaalayaal cid waaraysa lama arko cid walba geerida waa kaban, taasine waxay ku tusaysaa awooda rabi ee kaamilka ah iyo sida uu Qahhaar u yahay.

٦

Page 7: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ـ%%%رود وك%%%%%%%%%%%ن%%عـ%%ان وم%%%%%%%ن أم%%%%%%%%%%لـك األرض وول%%%%%%%%%ى وع%%%%%%%%%زل أي%%%%%%ن ن%%%%%%%%%%م

Aaway Namruud iyo Kancaan iyo kuwii. (Namruud waxaa dhalay Kancaan waxayna labaduba ahaayeen niman kibir badan oo qooqay ilaahayna waa halaagay, Namruud waxaa la yiri waa kan suuratul baqara qisadiisa Rabi ku sheegay oo la dooday Nabi Ibraahim calayhi assallaam fiiri tafsiirka ayada .1

Mulkiyey oo hantay dhulka hadane ciday rabaan shaqaalaysiinayey kay rabaanne casilayey.

أي%%%%%ن ع%%%%اد أي%%%%%ن ف%%%%%رع%%%%%ون وم%%%%%ن رف%%%%%%ع األه%%%%%%%%%%رام م%%%%%ن ي%%%%%%%%سمع يخ%%%%%%%ل

Aaway Caad aaway Fircoon iyo kuwii. Koryeelay oo dhisay Ahraamta,(Ahraamtu waa wax la dhisay oo mucjisooyinka aduunka ka mid ah ilaa iyo hadana daawasho ayaa loo tagaa waxayna ku yaalaan Masar) qofkii maqla Qisooyinkooda waa xaqiiqsanayaa in ay dhab ahaayeen.

أي%%%ن م%%%%ن س%%%%%%ادوا وش%%%%%%%%%%ادوا وب%%%%%%نوا ه%%%%%لك ال%%%%%%كل ف%%%%%%لم ت%%%%%%غـن ال%%%%%%%%قلـل

Aaway kuwii madaxda noqday iyo madaxwaynayaalka hadane dhisay guryo waaweyn oo dhaadheer oo adeyg badan. Kuligood waa halaagsameen oo dhinteen waxna uma tarin sarihii dhaadheeraa iyo dhufaysyadii waaweynaa.

ـ%م وس%%%%ي%ج%%%%%%%%%%%%زي ف%%%%اع%%%%%ال م%%%ا ق%%%د ف%%%%%%%%عـل ـ%د ال%%%%%له ك%%%%ال م%%%%%%%%%%نه ـ%ي س%%%%%%%%%%%%ي%ع

Kuligood Rabi waa soo celinayaa oo markale ayuu noolaynayaa. Waana ka jaaseyn doonaa mid kasta oo wax sameeyey wuxuu sameeyey waxay doonaan ha noqdeen, hadii uu kheyr sameeyey kheyr buu heli hadii uu shar sameeyeyna shar ayaa lagu abaal marin.

1 ـ «ألم تر إلى الذي حاج إبراهيم في ربه أن آتاه اهلل امللك إذ قال إبراهيم ربي الذي يحيي ويميت» سورة البقرة رقم اآلية: ٢٥٨ ٧

Page 8: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

أي%%%ن أرب%%%%اب ال%%%حجى أه%%%%ل ال%%%%تـقى أي%%%ن أه%%%%ل ال%%%%%عـلـم وال%%%%%قـوم األول

Aaway kuwii u saaxiibka ahaa Caqliga oo ahaa kuwa Rabi ka baqa. Aaway ahlu cilmigii iyo kuwii hore ee dhintay. Markii u ka sheekeeyey Gabyaagu ragii kibray ee qooqay ayuu ku xijiyey dadkii suubanaa iyo saalixiintii kuligoodne waa dhinteen, waxaase liibaaney koodii Jannatul Firdowsa u hoyday, waxaase hoogay kii Jahannama lagu marti sooray.

أي ب%%%ني اس%%%مع وص%%%%%%%اي%%ا ج%%%%%%معت ح%%%%%كما خ%%%%صت ب%%%ها خ%%%%ير ال%%%%%ملـل

Waar wiilkaygiiyoow (Waa u yeerayaa) maqal Dardaaran aan ku kulmiyey oo aan ku aruuriyey. Xikmado lagu qaasyeelay Diinta islaamka. Damiirka (ب%%%%%%%%%%ه%%ا) wuxuu u noqonayaa xikmadaha. maxaa yeelay Diintu islaamku waa diinta xaqa ah ayadaana u fiican waxa dadku ay ka diin dhigtaan. Wuxuu leeyahay Gabyaagu wiilkaygiiyoow (Waxaa suurtogal ah in uu yahay wiilka uu u yeerayo wiilkiisii runta ahaa ama maahane waa ku halqabsaday) dhagayso Dardaaran aan ku kulmiyey xikmado aan laga helaynin Diinta islaamka mooyaane meel kale.

أط%%%%%%لب ال%%%%%%علم وال تكس%%%%%%%%%ل ف%%%ما أب%%%%%%عـد ال%%%%%خير ع%%%لى أه%%%ل الكس%%%%%%%%%ل

Wiilkaygiiyoow Cilmiga raadi oo dalab hana ka caajisin dalabkiisa. Maxaa ka fogaan badan caajislayaalka kheyrka xagiisa. (aad ayey uga fog yihiin kheyrka kuwa aan dadaalin ee caajiska ah.

واح%%%%%%%%تفل ب%%%%ال%%%%فقه ف%%ي ال%%%دي%%%ن وال تش%%%%%%%%%%%تغل ع%%%%%نـه ب%%%%%%%مـال وخ%%%%%%%%ول

Ku dadaal Fiqiga iyo Fahamka diinta (Baro Xalaasha iyo Xaaraanta). Hana kaga mashquulin oo yeysan kaa mashquulin in aad fahantid diintaada Maal iyo Adoomo kuu shaqeeya.

٨

Page 9: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

له ف%%%من ي%%%%عرف ال%%%%%%مطـلوب ي%%%%حقر م%ا ب%%%ذل واهج%%%%%%ر ال%%%%نوم وح%%%%%%ص

Ka haajir oo ka fogoow hurdada oo keenso oo la soo wareeg Fiqiga iyo Fahamka diinta maxaa yeelay ruuxii. Fahma waxa uu raadinaya qiimahooda waxa la yaraanaya dadaalka uu baxshay.

ال ت%%%%%قـل ق%%د ذه%%%%%%%%بـت أرب%%%%اب%%%%ه ك%%%%ل م%%%%ن س%%%%%%%ار ع%%%لى ال%%%%%%درب وص%%%%%%%%%ل

Ha dhihin waa dhinteen oo waa tageen dadkii u saaxiibka ahaa cilmiga iyo Fiqiga. Qof walba oo ku socda oo mara wado iyo jid adag waa gaaraa hadafkiisa hadii uu sabro.

ف%ي ازدي%%%%%اد ال%%%%%عـلم إرغ%%%%%ام ال%%%%عدا وج%%%%%%مال ال%%%%علم إص%%%%%%%%الح ال%%%%%عـمل

Cilmiga oo la kororsado oo la siyaadsado waa cadowga oo garka ciida loo daray. Cilmiga quruxdiisuna waa camalka oo la hagaajiyo (Cilmiga waxaa qurxiya in lagu camal falo).

اإلع%%%%%راب ف%ي ال%%ن%%طق اخ%%%%%تبل ل ال%%م%%%ن%%طق ب%%%ال%%%نحو ف%%%من يح%%%%%%رم ج%%%%%م

Ku qurxi hadalka iyo oraahda inaad baratid Garaameerka Carabiga (Naxwaha) maxaa yeelay Qofkii. Laga Xarimo Garaameerka carabiga fahamkiisa (Icraabta) waa fasahaadiyaa oo ku wareeraa hadalka iyo oraahda. (Hadal la fahmi karo kuma hadlo).

م%%%ذه%%%%بي ف%%%اط%%%راح ال%%%رف%%%د ف%%ي ال%%دن%%يا أقـ%%%%ل عر والزم أن%%%%%ظـم ال%%%%%%ش

Tiri oo tix gabayga (waafaqsan shareecada) raacne dariiqayga iyo wadadayda. Tuur oo ka tag in wax lagu qaato oo lagu helo gabayga aduunka gudihiisa (waayo in aakhiro ajar aad ku heshid ayaa ka fiican in

٩

Page 10: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

aduunka maal laguugu siiyo gabaygaaga dartiis) taas ayaana ah waxyar oo aan saas u badneyn (waa marka layska dhowro in aduunka maal laguugu siiyo).

عـر إذا ل%م ي%%%%%%بـتـذل ف%%%%هـو ع%%%%%نوان ع%%لى ال%%%%%فـضـل وم%%ا أح%%%%%سن ال%%%%%ش

Gabaygu waa calaamad ku tusaysa fadli iyo wanaag. Maxaase ka wanaag badan Gabayga hadii aan wax lagu badalan (Gabaygu aad ayuu u wanaag badan yahay hadii aan loo tirin in lacag lagu helo oo lagu badasho, markaas qiimo badan yeelan maayo).

م%ات أه%%ل ال%%فضل ل%%م ي%%بق س%%%%وى م%%%قرف أو م%%ن ع%لى األص%%%%%%ل ات%%كـل

Waa dhinteen ahlu fadligii iyo Culimadii suubaneyd waxaa haray oo qura. Mid liita amase maskiin yar oo asalkii la xariiqay iska tala saartay oo aan waxba soo kordhin.

أن%%%ا ال أخ%%%%%%%%%تار ت%%%%%%%%قبيل ي%%%%د ق%%%%%%%%%%طـعها أج%%%%%%%%%%مـل م%%%%%ن ت%%%%%%%لك ال%%%%%%%%%قـبل

Anigu doorbidimaayo oo dooran maayo Gacan dhunkashadeed. In la gooyo Gacantaas ayaa ka qurux badan in la dhunkado. Gabyaagu wuxuu ka hadlayaa waa dadka liito sida boqorada iyo madaxda oo gacmahooda la dhunkado ayadoo maal aduun laga raadinayo, wuxuu yiri in gacmahaas liita la dhunkado waxaa ka fiican in la gooyo oo la jaro.

إن ج%%%زت%ني ع%%ن م%%دي%حي ص%%%%%%رت ف%ي رق%%%ها أو ال ف%%%%يكـفيني الخج%%%%ل

Hadii ay wax i tarto xoogaagii maalka ahaa ee laygu siiyey gabaygii amaanta ahaa ee aan tiriyey laakiin waxaan noqon. Adoon oo kale (Af wax cunay xishoodyey). Amase maalkii laysiiyey waxba ima tarin waxaa igu filan inaan khajilo oo aan ka sariigto waxaan ii cuntamaynin.

١٠

Page 11: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

أع%%%%%%%ذب األل%%%%%%%%فاظ ف%%%ول%%%ي ل%%%%ك خ%%%%ذ وأم%%%%%%%ر ال%%%%%%%%لفـظ ن%%%%%%%طـقي ب%%%%%%%%لعـل

Hadalkayga kan u fiican waa marka aan ku dhaho khaado waxaan oo qabso. Hadal kan u qaraar oo u xune waa markaan ku dhaho waan ku siin doonaa waxaad iga rabto (Markii aan ku meermeeriyo).

م%%%%لك كس%%%%%%%رى ت%%%%غني ع%%%%%نه كس%%%%%%%%رة وع%%%%ن البح%%%%%%%ر اج%%%%%%%%تـزاء ب%%ال%%وش%%%%%ل

Boqortooyadii Kisra ee balaarneyd waxaa kaaga filan jab yar oo Rooti ah. Badda biyaha badane waxaa qofka ka kaafinaya in yar oo biyo ah. Aduun ha badnaado ama ha yaraadee waxaa qofka kaafi ku ah oo ku filan sahay yar oo gaarsiisa Aakhiro.

اع%%%%%%%%%%%تب%ر ن%%%%%%%حن ق%%%%%%%%%%س%%%م%%نا ب%%%%%%%%%%ي%نه%م ت%%%%%%%%%لقه ح%%%%%%قا وب%%%%%%%%%%ال%%%حـق ن%%%%%%%زل

Ku cibro qaado oo si fiican u fahan aayadaan qur,aanka ah ee Rabi ku 1

cadeeyey wax walba Qadar ilaahay inay ku socdaan kuu barwaaqo siiyey iyo kuu ka qaadayba. Waxaad la kulmaysaa oo arkaysaa Aayada waxay ka hadashay oo dhab ah dadkii oo ku sifaysan, qaar hodan ah iyo qaar faqiir ah, Aayaduna xaq ayadoo ah oo ka hadlaysa ayaa la soo dajiyey.

ـ%%وم%%ا ب%%الكس%%%%ل ل%يس م%ا ي%%حوي ال%%فتى م%%ن ع%%زم%%ه ال وال م%ا ف%%ات يـ

Wuxuu koobay oo uu hantay Wiilka dhalinta yar maaha wuxuu ku keenay oo uu ku helay kartidiisa iyo go,aankiisa. Wixii ka taga oo uu gaari waayane maaha karti la,aan iyo caajisnimo ee waa qeybin iyo qadar ilaahay.

إط%%%رح ال%%دن%%يا ف%%%من ع%%%ادات%%%ها ت%%%%خفـض ال%%عال%%ي وت%%%علي م%%ن س%%%%%فـل Tuur oo halgaad Aduunka waayo dhaqankeeda iyo dabcigeeda waxaa weeye. Inay hoos u dhigto qof sareeyey, ku hooseeyey ee liitayne sare mariso.

1 ـ « نحن قسمنا بينهم معيشتهم في الحياة الدنيا ورفعنا بعضهم فوق بعض درجات ليتخذ بعضعم بعضا سخريا» رقم اآلية ٣٢ ١١

Page 12: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ع%%%%%%يشة ال%%%زاه%%%%د ف%%ي ت%%%%%%%حصيـله ع%%%%%%%يـشة ال%%%جاه%%%%د ب%%%ل ه%%ذا أذل

Ninka Rabi yaqaanka ah ee aduunka aan israacin helitaankiisa iyo xasilidiisa. Iyo kan isku dhabarjabiyey Aduun xasilidiisa iyo keenitaankiisa waa isku mid waliba kan isku dhabarjabiyey ayaa dulaysan xaga Rabi iyo xaga dadka. Gabyaagu wuxuu leeyahay Ninkii ka taga oo aan israacin Aduun iyo kii ceyrsada oo raadiya aduun waa isku mid waayo mid walba wixii loo qoray ayuu helayaa laakiin kan ka saahiday waa sharaf kan isku dhabarjabiyeyne waa dulinimo.

ك%%م ج%%%%%%%%%هول وه%%%%%%%و م%%%%%%ثر م%%%%%%%%كثر وح%%%%%%%%%%كيم م%%%%ات م%%%%%%%%%نهـا ب%%%%%ال%%%%%علـل

Badanaa Jaahil hanti badan haysta. Iyo Xakiim wanaag badan oo u dhintay Gaajo darteed iyo Cudur.

ك%%%%م ش%%%%%%%جاع ل%%%م ي%%%%%نـل م%%%%%نها ال%%%%%منى وج%%%%%%%بـان ن%%%ال غ%%%اي%%%ات األم%%%%ل

Badanaa geesi aan aduunka ka gaarin wuxuu jeclaa. Iyo fulay gaaray ujeedkiisii iyo yididiiladiisii.

ف%%%%ات%%%%رك ال%%%%%%%%حيلة ف%%%%%يها وات%%%%%%%%ئـد إن%%%%%ما ال%%%%%%%%حيلة ف%%ي ت%%%%%رك ال%%%%%%%حيل

Ka tag xeelaysiga iyo isku dhabar jabinta aduunka waliba ha degdegin oo u tur naftaada. Xeelaysiga saxda ah waxa weeye in laga tago xeelaysiga qudhiisa. Gabyaagu xeelaysiga uu ka hadlayo waa kan aan suubaneyn qofkana dhaxalsiiya sharaf dhac.

ك%%%%%%%ف ل%%%%%م ت%%%%%%%%%فـد م%%%%%%%ما ت%%%%%%%%%فـد ف%%%%رم%%%%اه%%%%ا ال%%%%%له م%%%%%%%%نه ب%%%%%%الش%%%%%%%%%لـل أي

Gacan kasta oo aan u faaiideynin dadka waxa ilaahay iyada u faaiideeyey oo baray. (Qofkii wixii la baray aan gudbin)

١٢

Page 13: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Rabi haku tuuro ama Rabi wuxuu ku tuuraa ku ridaa Qallal (Waa xanuun qofku xubnihiisu qalajiya).

إن%%%%ما أص%%%%%%%%%ل ال%%%%%فتى م%%ا ق%%د ح%%%%%%صل ال ت%%%%%قل أص%%%%%%%%%لي وف%%%%%%صلي أب%%%%دا

Ha dhihin Aabahay iyo Ilmahayga ayaa ah dad wanaagsan (marka qoys fiican ayaan ka soo jeedaa). Asalka dhabta ah ee wiilka dhalinta yar uu ku faani karo waa wuxuu tabcaday oo uu shaqaystay.

ق%%%د ي%%%%سود ال%%%%%مـرء م%%%ن غ%%%%ير أب وب%%%%%حسن الس%%%%%%%بك ق%د ي%%%%نـفي ال%%زغ%%%ل

Waxaa la arkaa in qofku noqdo mid sharaf u saaxiib ah oo ku tilmaaman wanaag asagoon haysan Aabe uu ka qalin daartay sharafkaas. Laakiin dhalaalinta iyo isku xirka wanaagsan ee isku xiray arimihiisa ayuu isaga fogeeyey foolxuma kasta. Qofku waxaa la arkaa asagoo agoon ah aabe la,aan ah inuu madax sharaf u saaxiib ah noqdo, waxaana sababay arinkaas sida uu u maareeyey noloshiisa oo uga fogaaday wax walba oo dhaawacaya magaciisa, sida Dahabkaba looga dhalaaliyo qashinka ku raran oo dabka loo galiyo.

وك%%%%%%ذا ال%%%%%%ورد م%%%%ن ال%%%%%%شوك وم%%%ا ي%%%%%%طلع ال%%%%نرج%%%%%%س إال م%%%%ن ب%%%%%صل

Sida qofku aabe la,aan akhiyaar u noqdo saas oo kale ayaa Fiyooraha quruxda badan qodax wax dhibta soo baxshaa. Narjiskuna isagoo udug badan buu hadane waxaan basal aheyn uusan soo 1

bixin. Gabyaagu wuxuu leeyahay sida ninka aabe l,aanta ah uu sharaf u yeeshay ayaa waxaa la arkaa geed qurxoon oo aan faaiido laheyn iyo mid udgoon oo asna aan lagu intifaacin.

إذ ب%%%أب%%%%ي ب%%%%%%%%كر وص%%%%%%%%%%%%ل ـ%%د ال%%%%%له ع%%%%لى نس%%%%%%%%%%%بي م%%%ع أن%%%%%%%ي أح%%%%%%%%%%%%مـ

Laakiin waxaan ku mahdinayaa Rabi.

1 ـ « النرجس» هو نبت طيب الريح إال إنه يخرج منه نبت كريهة الريح خبيث. «البصل» نبت مؤذي كريهة الريح. ١٣

Page 14: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Maxaa yeelay wuxuu nasabkaygu gaaray oo ku abtirsadaa Abuu bakar Asaddiiq (Allaha ka raali noqdee). Gabyaagu wuxuu leeyahay qalad ha iga fahmin maadaama aan kaa reebay in lagu faantamo qoyska aad ka soo jeedo, laakiin dhib ma leh si loo garto qofka in uu cadeeyo qoys fiican oo ahlu diin ah in ilaahay ka beeray.

ق%%%%%%%يمة اإلن%%%%%%%%%سـان م%%ا ي%%%%%%%%%%حسنـه أك%%%%%%ثر اإلن%%%%%%%%سان م%%%%%%%نـه أو أق%%%%%ل

Qiimaha insaanku wuxuu ku xiran yahay wuxuu sugay oo uu bartay. Ha u badnaadeen ama ha u yaraadeene. Qiimihiisu wuxuu ku xiran yahay wuxuu yaqaano intay ay le,eg yihiin.

أك%%%%%%تم األم%%%%ري%%%ن ف%%%%%قرا وغ%%%%%%نى واكس%%%%%%%ب ال%%%%%فلس وج%%%%ان%%%%ب م%%%ن ب%%%%طل

Qari labada arinba miday tahayba Faqiirnimo iyo hodontanimo. Waxaad kasbataa Taano kolay tahay (waa lacag aad u qiima yar) kana fogow nin iskaabulanimo ku waynaaday oo mashaqaysta ah. Gabyaagu wuxuu leeyahay dhib iyo dheefba wuxuu kula soo gudboonaada qari oo ha qaylin ee noqo nin wax tacbada haba yaraadeene hana ku dayan mashaqayste meel iska yuurara.

وادرع ج%%%دا وك%%%%%%دا واج%%%%%%%%تنب ص%%%%%%%%%%حبة الح%%%%%%%مقى وأرب%%%%%اب الخ%%%%%%لـل

Labiso (oo ka dhigo sida Diraca seefaha layskaga dhigo oo kale) Dadaal iyo waxtacbasho kana fogow. La saaxiibka doqomada iyo kuwa Fasaadka u saaxiibka ah.

ق%%%%%%%%%تــل دام ـ%ة ف%%%%%%%كال ه%%%%%ذي%%%%%ن إن ب%%%%%%%ين ت%%%%%%بـذي%%%%%%ر وبخ%%%%%%%%%ل رت%%%%%%%%%%ب

Waxaa u dhaxeeya Israafka iyo Bakhaylnimada Darajo iyo arin loo baahan yahay inaad ku sugnaatid waayo wax bixinta badan ama bakhayltinimada badan. Labaduba hadii la daaimo way dilaan qofka ee dhexdhexayso arinkaaga.

١٤

Page 15: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ال ت%%%%%خض ف%%ي س%%%%%%%ب س%%%%%%ادات م%%%%%ضوا إن%%%%%هم ل%%%%يسوا ب%%%أه%%%ل ل%%%%لزل%%%%ل

Ha dabaalan akhiyaar tagtay caydood. Maxaa yeelay iyagu ahal uma aha in la caayo mana aheyn dad xun ama loo tiiriyo qalooc iyo qaabdaro.

إال م%%%%%ن ع%%%%%%%%قل وت%%%%%%%غاف%%%%%%%ل ع%%%%%%ن أم%%%%%%%%ور إن%%%%%%ه ل%%%م ي%%%%%%%%فز ب%%%%%%الح%%%%%%%مد

Is hilmaansii oo ka indho laabo arimo xunxun oo aad aragtay. Maxaa yeelay kuma guulaysto in la amaano ilaa nin caqli badan mooyee.

ح%%%اول ال%%%عزل%%%ة ف%ي رأس ج%%%%%بل ل%%يس يخ%%%%%لو ال%%%%مرء م%%%ن ض%%%%%%%د وإن

Kama marnaanayo qofku ruux ka soo horjeeda. Haba isku dayo inuu dadka uga fogaado oo uu ku dhuunto buur dusheede.

م%%%%%ل ع%%%%%ن ال%%%%%%%%%%نم%%ام واهج%%%%%%%%%%%ر ف%%%%%%ما ب%%%%%%%لغ ال%%%%%%%%%%م%%%ك%%%روه إال م%%%%%ن ن%%%%%%%%قـل

Ka leexo oo ka iilo isku dirdiraalaha kana haajir oo ka fogow. Dhibaataba lama gaarsiiyo Qof illaa mid war kala guray oo kala qaad qaaday mooyee.

ل%م تج%%%%%د ص%%%%%%%%برا ف%%%ما أح%%%%لى ال%%%%%نقــل ج%%ار ال%%%%دار إن ج%%ار وإن دار

Dariskaaga isku dabci oo isku jilci hadii uu ku dulmiyo, hadii. Aad sabri waydo wax ka wanaagsan ma leh guurid aad ka guurtid.

ج%%ان%%%ب الس%%%%%%%%لطان واح%%%%%%ذر ب%%%%طشه ال ت%%خاص%%%%%%%م م%%%ن إذا ق%%ال ف%%%عل

Ka fogow boqorka agtiisa iskana ilaali qabashadiisa adag (Ciqaabkiisa). Hana la murmin qof hadii uu wax dhaho fulinaya.

١٥

Page 16: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ه%%%%م س%%%%%%أل%%%%وا رغ%%%%%%%بة ف%%%%%يك وخ%%%%ال%%%%ف م%%%%ن ع%%%%%%زل ال ت%%%%ل ال%%%%%%%حكم وإن

Ha qaban xukun dadkuba haku su,aasheen arinkaase. Jeceyl adiga ay ku jecel yihiin dartiis, khilaafne qofkii kugula dagaalay diidmadaas aad diiday inaad xukun qabatid.

ع%%%%%دل ن%%%%%صف ال%%%%%%ناس أع%%%%%%%داء ل%%%%%%مـن ول%%%%%ي األح%%%%%%%%%كـام ه%%%ذا إن إن

Dadka barkiis cadow bay u yihiin kii. Qaali u noqday waa hadii uu cadaalad ugu kala garnoqo, hadiise cadaalada uu ka fogaado kuligood cadow ayey u yihiin.

ف%%%%%%هو ك%%%%%%ال%%%%%%محبوس ع%%%%ن ل%%%%ذات%%%%%ه وك%%%%%%ال ك%%%%%%%%فيه ف%%ي الحش%%%%%%%%%%ر ت%%%%%غل

Qaaligii iyo ninkii Xaakimka ahaa ee aan cadaalad wax ku maamulin wuxuu la mid yahay aduunka nin xabis ku jira oo laga xabisay wuxuu jeclaa waayo wuxu ku mashquulsan yahay kala xukminta dadka. Aakhiradana labadiisa gacmood mid walboo ka mid ah waa la katiinadaynayaa, waxaa lagu xirayaa oo lagu katiinadaynayaa luquntiisa.

ل%%%%%%لنقص االس%%%%%%%%%%%تثـقال ف%%ي ل%%%%%%فظـة ال%%%قاض%%%%%%%ي ل%%%وع%%%%ظا وم%%%%%ثـل إن

Nuqsaanta iyo Culayska ku sugan kalmada Qaali. Wacdi iyo waano waa ugu filan tahay qofkii wax ku qaadanaya. 1

ال ت%%ساوي ل%%ذة ال%%حكم ب%%ما ذاق%%ه ال%%شخص إذا ال%%شخص إن%%%عـزل

Uma dhiganto ninka Xaakimka ah (Qaaliga) macaanka uu helayo inta uu madaxda yahay waayo waa nin ku amartaaglaynaya dadka waxbuu farayaa waxna waa diidayaa Naftuna arimahaas way ku raaxaysataaa waana jeceshay.

Nuqsaantu waxay uga jirtaa kalmadaan waxa weeye waxaa u danbeeya (Y), 1 ـ « القاضي »

culayskuna waxa u uga jiraa marka la icraabayo ayaa lagu qadaraa icraabta xaalada Rafcada iyo Jarka.

١٦

Page 17: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Waxa uu dhadhaminayo markii meesha iyo madaxtinimada uu ka wareego. Gabyaagu waxa uu leeyahay ninka madaxda ah murugta taabanaysa marka meesha iyo madaxtimada laga tuuro uma dhiganto macaanka yar ee uu helayo inta uu madaxda yahay.

ط%%%اب%%%ت ل%%%%%%مـن ذاق%%%%%%%هـا ف%%%ال%%%سم ذاك الـعـس%%%%%%%%%%%ل ف%%%%ال%%%%والي%%%%ات وإن

Madaxtinimada iyo maamulku haba u macaanaadee. Qofkii dhadhamiyey oo madax soo noqdaye waxay la mid tahay Sun Malab lagu qasay. Gabyaagu waxa uu leeyahay madaxnimadu macaan ha noqoto inta lahayo laakiin waa malab sun lagu qooshay oo qoomamo iyo ciil ayaa ka danbeyn doona.

ن%%%%صب ال%%%%%%منصب أوه%%%%%ى جس%%%%%%%دي وع%%%%نائ%%%ي م%%%ن م%%%%%%%داراة ال%%%%%%سفــل

Daalka ay leedahay madaxtinimadu iyo maamulku ayaa daciifiyey jirkayga. Waxaa kaloo jirkayga daciifiyey dhibka aan kala kulmay u dabacsanaanta iyo u turidda dadka liita. Gabyaagu wuxuu Qaali ka ahaa magaalada Xalab ee Suuriya ku taal marka wuxuu kala kulmay mudadaas oo daal iyo dad qaab daran ah ayaa taagdareeyey oo daciifiyey jirkay ayuu leeyahay.

ر اآلم%%%%%%%ال ف%%ي ال%%%%دن%%%%يا ت%%%%%فز ف%%%%دل%%%%يل ال%%%%%%%عقل ت%%%%%%%%%قـصير األم%%%%%ل ق%%%%%%%ص

Soo gaabi Yadadiilada iyo israacinta Aduunyada waad liibaaniye. Maxaa yeelay caalamada lagu garto in qofku caqli leeyahay waa gaabinta uu gaabinayo israacinta iyo jaceylka Aduunyada.

م%%%%%%ن ي%%%%%%%%%%ط%%ل%%ب%ه ال%%%%%%%%%%م%%%وت ع%%%%لى غ%%%%%%%%%رة م%%%%%%%%%نه ج%%%%%%%دي%%%%%ر ب%%%%ال%%%%وج%%%%%%ل إن

Ruux geeri dalbayso oo ceyrsanayso. Si lama filaan ahna ugu imaan karto geeridu waxaa ku haboon qofkaas Cabsi inuu ku sugnaado uu Rabigiis ka cabsanayo.

١٧

Page 18: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ف%%%%مـن أك%%%%%ثـر ال%%%%%%تـرداد أض%%%%%%%%%نـاه ال%%%%%مـلـل ت%%%زد ح%%%%%با غ%%%%با غ%%%ب وزر

Maqnoow oo ha dhexgalin dadka had iyo goor, hadana booqo dadka adigoo aan joogtaynaynin booqashada ee mar mar dhaaf u booqanaya hadaad sidaas yeeshid waxaad kororsanaysaa Jaceyl lagu jecel yahay. Maxaa yeelay Qofkii Booqashada badiya kuna noqnoqda waxaa laasimaya xanuun Daal wata.

ـ%%تبـر ف%ضل ال%فتى دون الح%%%لـل خ%%ذ بح%%%د ال%سيف وات%رك غ%%مده واع

Qabso seefta afkeeda iyo meesha wax kala goysa kana tag galka seefta la galiyo oo kaas ha isku difaacin. Kuna cibro qaado oo ogow Qiimaha wiilka dhalinta yar maaha maryo qurxoon uu xirto. Gabyaagu wuxu leeyahay sida Galka seefta lagu xanaaneeyo ee la galiyo uusan ahayn mid wax kaa difaacaya, saas oo kale ayeysan qiimo u laheyn dhar qurxoon in la xirto hadii kii xirnaa uusan qiimo lahayn.

ال ي%%%%ضر ال%%%%%فضل إق%%%%%الل ك%%%%ما ال ي%%%%ضر ال%%%%شمس إط%%%%%باق ال%%%%%%طـفـل

Wax u dhimi maayo Faqrigu wiilka dhalinta yar ee wanaagsan sida. Qoraxda iftiinkeeda uusan u dhibaynin oo u nuqsaaminaynin mugdiga yar ee ka horeeya qoraxdu inta aysan dhicin.

ح%%%%%%%%بك األوط%%%%%%%%%ان عج%%%%%%%%ز ظ%%%%اه%%%%ر ف%%%%%اغ%%%%%ترب ت%%%%%%لق ع%%%%%ن األه%%%%%%%ل ب%%%%%%دل

Jaceylka aad jeceshahay wadankaaga iyo meeshii aad ku barbaartay waa daciifnimo cad oo muuqata. Ee Qariib noqo oo safar gal waxaad la kulmi oo halaysaa badal ka fiican reerkii aad ka safartay. Gabyaagu wuxuu leeyahay war safar gal oo raadi cilmiga barashadiisa reerka iyo ahalka aad ka safartay badalkooda oo baraka qaba ayaad helaysaa. In cilmi dartiis loo safro waa dhaqankii dadkii suubanaa.

١٨

Page 19: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ف%%%%%بمكث ال%%%%ماء ي%%%%بـقى آس%%%%%نا وس%%%%%%رى ال%%%%بدر ب%%%ه ال%%%%بدر اك%%%%%%%تـمـل

Sida biyuhu hadii aysan socon oo iska fadhiistaan hal meel ay u doorsoomayaan. Socodka Dayaxuna wuxuu sabab u yahay buuxsanaantiisa iyo inuu noqdo Dayax buuxa oo dhamaystirmay. Gabyaagu wuxuu leeyahay sida biyuhu hadii aysan socon isku badalayaan Dayuxuna hadii uusan socon lahayn uusan u dhamaystirmi lahayn maxaa yeelay dayaxu kow bishu markay tahay waa wax yar ka dib siduu u socdo ayuu marka dambe Dayax buuxa noqdaa oo iftiin badan,, sidaas oo kale hadii qofku uusan cilmi u safrin oo uusan socon wuxuu la mid yahay biyo hal meel fadhiya ama Dayax aanan soconaynin.

ب%%%%%ال%%%%%جـعـل ط%%%%%%%يب ال%%%%%%%ورد مـؤذ أي%%%%%%ها ال%%%%عائ%%%%%ب ق%%%%ول%%%ي ع%%%%اب%%%%ثا إن

Waar kaagaan ceebaynaya hadalkayga iyo oraahdayda adigoo waliba iska ciyaaraya. Fiyooraha uduga iyo carafta badanba wuxuu dhibayaa Doorshaanka (Xaarwalwaalka). Gabyaagu wuxuu leeyahay ninkaan imaagaya ee wax ka sheegaya gabaygayga asagoo waliba ciyaaraya waxaad la mid tahay Doorshaan maxaa yeelay Doorshaanka waxaa dhibay uduga iyo carafta adna waxaa ku dhibaya waanada iyo kheyrka.

ع%%%%د ع%%%%ن أس%%%%%%%هم ل%%%%%فظي واس%%%%%%%%%تتر ال ي%%%%%%%%%صيـبـنك س%%%%%%%هـم م%%%ن ث%%%%عـل

Ka fogoow oo iska ilaali Falaaraha Gabaygayga kana dhuumo. Yeysan kugu dhicin Falaar ka timid dhanka reer Thucal. «ث%%%%%%عل» <—- waa Qabiilo ku caan baxday gamuunka iyo falaaraha oo shiish badan.

لـ%%%%%%%%%%ل%%%ح%%%%%ي%%%ة ل%%%%%%%%%%ين ي%%%%%%%%%%ع%%%%%تـ%%%%زل ال ي%%%%%%%%غرن%%%%%%%%ك ل%%%%%%%%%%ين م%%%%%%%ن ف%%%%%%%%تى إن

Waxba yuusan ku kedin oo haku kadsoomin wiil yar is jiljilcintiis. Abeesaduba jileec looga cararo ayey leedahay.

١٩

Page 20: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Gabyaagu wuxuu leeyahay wiil yar oo kheyr aad ku aragtay haku kadsoomin xaqiiqdiisa Rabi ayaa garanaya, maxaa yeelay Abeesaduba markay muuqato waxaa la moodaa wax yar oo iska jilicsan, Taas micnaheedu maaha in dadka laga shakiyo oo male xun la maleeyo ee waa in aan la kadsoomin oo kaliya. Micna kalane gabaygu waa yeelan karaa oo ah: Aniga dabacsanaantayda iyo dhimrintayda haku kadsoomin ee iska ilaali sida Abeesaduba u leedahay jilicsanaan looga cararo.

ى وق%%%%%%%%%تل ذ آ ن أن%%%%%ا م%%%%%%%%ثل ال%%%%%%%%%ماء سه%%%%%%%%%ل س%%%%%%%ائ%%%%%غ وم%%%%%%%%تى س%%%%%%%%%%%خ

Anigu waxaan la mid ahay xaga nafciga Biyaha oo kale way sahlan yihiin dhuuntana way ku soconayaan oo waa marayaan si fudud. Laakiin markii dabka laygu kululeeyo dhib ayaan la imaadaa waxna waan dilaa. Gabyaagu wuxuu leeyahay waxaan ahay nin dabci qabow sida Biyaha oo kale laakiin hadii layga xanaajiyo waxaan la mid ahay Biyo la karkariyey oo wixii aan taabto oo dhan waan dilayaa.

أن%%ا ك%%%%ال%%%%خيزور ص%%%%%%%%%عب كس%%%%%%%%ره وه%%%%%و ل%%%%ين ك%%%%%%%يفما ش%%%%%%ئت ان%%%%%%%فـتـل

Anigu ul ayaan la mid ahay aysan suurtagal aheyn inaan jabo. Waana jilicsanahay hadane oo dhankii la doono ayaan u tolmayaa oo la ii jiidi karaa laakiin ma jabayo. Gabyaagu wuxuu leeyahay anigu xaga adayga ul aan jabayn ayaan la mid ahay dhanka kalane waan jilicsanahay laakiin ma jabayo maxaa yeelay Rabi ayaan talo saartay. (انفتل) <—— Tidac, Tolmid.

م%%%%ال ه%%%%و ال%%%%%%مـول األج%%%%%%ل غ%%%%ير أن%%%%%ي ف%%ي زم%%%%%ان م%%%ن ي%%%%%كـن ف%%%يه ذا

Laakiin anigu waxaan ku suganahay waqti iyo saban qofkii ah. Mid Maal u saaxiib ah uu yahay Sayidka la wayneynayo oo la sharfayo.

ـ%ل واج%%%%%%%%ب ع%%%%%%%ند ال%%%%%%%ورى إك%%%%%%رام%%%%%ه وق%%%%%%%%ليل ال%%%%%%%مال ف%%%%%%%%يهم ي%س%%%%%%%%%%%%ت%ق

Waxaa waajib ah dadka aktooda in ay sharfaan oo maamuusaan ninka maalka leh.

٢٠

Page 21: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

Laakiin kan aan laheyn maalka waa liidayaan oo waa yaraysanayaan.

ك%%%%ل أه%%%%%ل ال%%%%%%عصر غ%%%%%مر وأن%%%%ا م%%%%%%%نهـم ف%%%ات%%%رك ت%%%%فاص%%%%%%%%%يل الج%%%%%%%%%مـل

Dhamaan dadka ila casriga ah ee aan isku waqti nool nahay dhamaan waa dad Khibradu iyo caqligu ku yar yahay aniguna. Iyagaan ka mid ahay ee ka tag oo ha raadin war intaas ka faahfaahsan ee bal iska aamus. Gabyaaga Rabi ha u naxariistee aad ayuu dhulka isku dhigay waana tawaaducay wuxuuna yiri sabankayga dadka nool aniguna aan ku jiro ma nihin dad fiiro dheer ee waxba ha i baarbaarin intaas inaan wax ku sii daro ee aamus laasim.

ـ%ف%ى خ%%%%%%%%يــر ال%%%%%%%دول ـ%ي ال%%%%%%%%%%م%%ص%%%%%ط ـ%ب ـ%ن وص%%%%%%%%%%%%الة وس%%%%%%%%%%الم أب%%%%%%دا ل%%%%%%%%%%ل

Naxariis iyo Nabadgalyo daaim ah ha u sugnaato Nabigii. La doortay ee ahaa kan u kheyr badan umadaha.

وع%%لى اآلل ال%%%%%كـرام ال%%%%سعدا وع%%لى األص%%%%%%%%%%حــاب وال%%%%%قــوم األول

Naxariis iyo Nabadgalyo ha ahaato Ehelkiisiine kuwaas oo wanaagsana hadana liibaanay. Asxaabtii iyo dadkii hore ee suubanaane ha ahaato.

م%%ا ن%%%%وى ال%%%%رك%%%%%ب ب%%%%%%%%عشاق إل%%%ى أي%%%%%%من ال%%%%%%حي وم%%%ا غ%%%%%نى ال%%%%رم%%%%ل

Rabi ha u naxariisto inta ay niyestaan kuwa jecel. Jihada ama midigta qabiilooyinka carabta ama inta uu dhawaaqo midka heesa. Micnuhu waxa weeye Rabi ha u naxariisto Nabiga calayhi assallaah iyo asxaabtii sida qabiilooyinka carabta qaar ka mid ah loo jecel yahay. (Ramalku) waa nooc ka mid ah muusikada wuxuuna Gabyaagu ku ishaaray in gabaygiisu yahay baxarka la yiraahdo Ramal oo ka kooban: Faacilaatun faacilaatun faacilun.

٢١

Page 22: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

إع%%تزل ذك%%ر ال%غوان%%ي وال%غزل ١.

با ٢. ال%%%ذك%%%رى ألي%%%%%ام ال%%%%%%ص ودع

أح%%%%%%لى ع%%%%%%%يشة ق%%%%%%%%ضيتها ٣. إن

وات%%%%رك ال%%%%%غادة ال ت%%%%حفل ب%%%ها ٤.

وال%%%%ه ع%%ن آالت ل%%%%هو أط%%%رب%%%ت ٥.

إن تبدى تنكسف شمس الضحى ٦.

إن ق%%%%%%%سناه ب%%%%ال%%%%بـدر س%%%%%%%نا ٧. زاد

وافتكر في منتـهى حسن الذي ٨.

واهج%%%ر الخ%مرة إن ك%نت ف%تى ٩.

واتق ال%%%%له ف%%%%%%%تقوى ال%%%%له م%%ا ١٠.

ل%%%يس م%%ن ي%%%قطع ط%%رق%%ا ب%%%طـال ١١.

ص%%%%%%%%دق الش%%%رع وال ت%%رك%%ن إل%%ى ١٢.

ح%%%ارت األف%%%%كار ف%ي ق%%%%%درة م%%ن ١٣.

ك%%تب ال%موت ع%لى الخ%لق ف%كم ١٤.

أي%%%ن ن%%%%%%%%مرود وك%%%%%%%%%%%نعان وم%%%%%%ن ١٥.

أي%%%%ن ع%%%%اد أي%%%ن ف%%%رع%%%ون وم%%%%%%ن ١٦.

أي%ن م%ن س%%%ادوا وش%%%ادوا وب%نوا ١٧.

أين أرباب الحجى أهل التقى ١٨.

س%%%%%%%%%%%%ي%%ع%%%ي%%د ال%%%%%%له ك%%%%ال م%%%%%%%%%%ن%ه%%م ١٩.

وق%%%ل ال%%%%%%%فصل وج%%%%%ان%%%%ب م%%ن ه%%%%زل

ف%%%%%%ألي%%%%%%ام ال%%%%%%%%%%ص%%%%%%%ب%%ا نج%%%%%%%%%%م أف%%%%%%%%%%ل

ذه%%%%%%%%بت ل%%%%%%%%ذات%%%%%%%ها واإلث%%%%%%%%%%م ح%%%%%%%%ل

ت%%%%%مس ف%%ي ع%%%%%%ز وت%%%%رف%%%%ع وتــج%%%%%%%%%%ل

وع%%%%%%ن األم%%%%%%%%%%%%%رد م%%%%%%%رت%%%%%%%ج ال%%%%%%%%%%ك%%ف%ل

إذا م%%ا م%%%%اس ي%%%%%%%زري ب%%%%األس%%%%%%%ل و

أو ع%%%%%%%دل%%%%%%ناه ب%%%%%%%%%%غصن ف%%%%%%اع%%%%%%%تدل

ج%%%%%%%%%لل أن%%%%ت ت%%%%%%%%%هواه تج%%%%%%%%%د أم%%%%%%را

ك%يف ي%سعى ف%ي ج%%%نون م%ن ع%%قـل

ج%%%%%%اورت ق%%%%%%لب ام%%%%%%رئ إال وص%%%%ل

إن%%%%%%%ما م%%%%%ن ي%%%%%%%%%%تق ال%%%%%%%%له ال%%%%%%%%بطل

رج%%%%%ل ي%%%%%رص%%%%%%%%%د ف%%%ي ال%%%%%%ليل زح%%%%%%%%%ل

ق%%%د ه%%%%دان%%%%ا س%%%%%%%%%%%%ب%ل%ن%ا ع%%%%%%%ز وج%%%%%%%%%ل

ف%%%ل م%%%%ن ج%%%%%%مع وأف%%%%%%نـى م%%%%ن دول

أم%%%%%%%%%%لك األرض وول%%%%%%%%%%ى وع%%%%%%%%%%%%زل

رف%%%%%%ع األه%%%%%%%رام م%%%%ن ي%%%%%%%سمع يخ%%%%%%ل

ه%%%%%%%%لك ال%%%%%%%%كل ف%%%%%%%%لم ت%%%%%%%غن ال%%%%%%%%%%قلل

أي%%%ن أه%%%ل ال%%%%%%%عـلم وال%%%%%%قوم األول

وس%%%ي%ج%%%%%%%%%%%%زي ف%%%اع%%%%ال م%%ا ق%%د ف%%%%%%عل

Page 23: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

أي بني اسمع وصايا جمعت ٢٠.

أط%%%لب ال%%%علم وال تكس%%%%%%ل ف%%%مـا ٢١.

واح%%%تفل ب%ال%فقه ف%ي ال%دي%ن وال ٢٢.

له ف%%%من ٢٣. واهج%%%%%ر ال%%%نوم وح%%%%%%ص

ال ت%%%%%%قل ق%%د ذه%%%%%%%%%بت أرب%%%%%اب%%%%%ه ٢٤.

ف%ي ازدي%%اد ال%علم إرغ%ام ال%عدا ٢٥.

ل ال%%م%%%ن%طق ب%%ال%%نحو ف%%%من ٢٦. ج%%%%%م

م%%ذه%%%بي ٢٧. عر والزم ان%%%%ظم ال%%%%ش

ف%هو ع%%نوان ع%لى ال%فضل وم%ا ٢٨.

مات أهل الفضل لم يبق سوى ٢٩.

ال أخ%%%%%%%%%%%تار ت%%%%%%%%%%ق%%ب%%ي%ل ي%%%%%د ٣٠. أن%%%%ا

إن ج%%%زت%ني ع%ن م%%دي%حي ص%%%%%%رت ف%ي ٣١.

أع%%%%ذب األل%%%%فاظ ق%%ول%%ي ل%%ك خ%%%ذ ٣٢.

م%لك كس%رى تغني ع%نه كس%%%رة ٣٣.

اع%%%%%تبر ن%%%حن ق%%%%%سمنا ب%%%%%ينهم ٣٤.

ليس ما يحوي الفتى من عزمه ٣٥.

إط%%%%رح ال%%دن%%يا ف%%%من ع%%%ادات%%%%ها ٣٦.

ع%%%%يـشة ال%%زاه%%د ف%ي ت%%%حصيله ٣٧.

ح%%%%%%كما خ%%%%%صت ب%%%ها خ%%%%ير ال%%%%%%ملـل

أب%%%%%%عد ال%%%%%خير ع%%%لى أه%%%ل الكس%%%%%%%%%ل

ت%ش%%%%%%%%%%%%ت%غ%%%ل ع%%%%%%نه ب%%%%%%%%%مال وخ%%%%%%%%%%%%ول

ي%%%%عرف ال%%%%%مطلوب ي%%%%حقر م%ا ب%%%ذل

ك%%%ل م%%نع س%%%%%ار ع%%لى ال%%%درب وص%%%%%%%ل

وج%%%%%%%%%مال ال%%%%%%علم إص%%%%%%%%%%الح ال%%%%%%%عمل

يح%%%رم اإلع%%راب ف%ي ال%ن%طق اخ%%تبل

ف%%%%اط%%%%%راح ال%%%%رف%%%%د ف%%ي ال%%%دن%%%يا أق%%%%ل

عر إذا ل%%م ي%%%%%%%%%بتذل أح%%%%%%%%سن ال%%%%%%%%ش

م%%%%قرف أو م%%ن ع%%لى األص%%%%%%%ل ات%%%%كل

ق%%%%%%طعها أج%%%%%%%مل م%%%%ن ت%%%%%%لـك ال%%%%%%قبل

رق%%%%%%ها أو ال ف%%%%%%%%%%يكـفيني الخج%%%%%%%%ل

ـ%%ل وأم%%%%%%%%%ر ال%%%%%%%%%%ل%ف%ظ ن%%%%%%%%%طقي ب%%%%%%%%%%ل%%ع

وع%%%ن البح%%%%%%%%%ر اج%%%%%%%%%%تزاء ب%%%ال%%%وش%%%%%ل

ت%%%%%%%%%%ل%%%ق%%%ه ح%%%%%%%%%قا وب%%%%%%%%%%ال%%%%حق ن%%%%%%%%%%زل

ال وال م%%ا ف%%%%%ات ي%%%وم%%%ا ب%%%%%الـكس%%%%%%%%ل

ت%خفض ال%عال%ي وت%علي م%ن س%%%%فـل

ل ذ أ ع%%%%%%%%%%يشة ال%%%%%جاه%%%%%%د ب%%%%%ل ه%%%%ذا

Page 24: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

ك%%م ج%%%%%%هول وه%%%%%و م%%%%ثر م%%%%%كثر ٣٨.

كم شجاع لم ينل منها المنى ٣٩.

ف%%%ات%%رك ال%%%%%حيلة ف%%يها واتـ%%%%%ئـد ٤٠.

ك%%%%%ف ل%%م ت%%%%%فـد م%%%%%ما ت%%%%%فـد ٤١. أي

ال ت%%قـل أص%%%%%%لي وف%%صلي أب%%دا ٤٢.

ق%د ي%%%سود ال%%%مرء م%%ن غ%%ير أب ٤٣.

وك%%%%ذا ال%%%ورد م%%ن ال%%%شـوك وم%%ا ٤٤.

م%%%ع أن%%%%%%ي أح%%%%%%%%%مد ال%%%%له ع%%%لى ٤٥.

ق%%%%%يمة اإلن%%%%%سان م%%ا ي%%%%%%حسنه ٤٦.

أك%%%%%%%تـم األم%%%ري%%%ن ف%%%%%قرا وغ%%%%%%نى ٤٧.

ج%%%دا وك%%%%%دا واج%%%%%%%تـنب ٤٨. وادرع

ب%%%%%%ين ت%%%%%بذي%%%%%ر وبخ%%%%%%%%ل رت%%%%%%%%بة ٤٩.

ال تخض في سب سادات مضوا ٥٠.

وت%%%%%%%%%غاف%%%%%%%%%ل ع%%%%%%ن أم%%%%%%%%%%%%ور إن%%%%%%%%%ه ٥١.

ل%يس يخ%%لو ال%مرء م%ن ض%%%%%د وإن ٥٢.

ـ%%%ن ال%%%%%نمام واهج%%%%%%ر ف%%%مـا ٥٣. ـ%%%ل ع م

.٥٤ ج%%%ار ال%%%%%%دار إن ج%%%ار وإن دار

ج%ان%%ب الس%%%%لطان واح%%%ذر ب%طشه ٥٥.

ال تـ%%ل ال%%%%حكـم وإن ه%%م س%%%%أل%%وا ٥٦.

وح%%%%%%%%%%%%ك%%%ي%%م م%%%%%%ات م%%%%%%%%نها ب%%%%%%ال%%%%%%علل

وج%%%%%%%%%%%%ب%%%%%ان ن%%%%%%%ال غ%%%%%اي%%%%%ات األم%%%%%%%%%%ل

إن%%%%ما ال%%%%%%%%حيلة ف%%ي ت%%%%%رك ال%%%%%%%حيل

ف%%%%%رم%%%%%اه%%%%%ا ال%%%%%%له م%%%%%%%%%%نه ب%%%%%%%الش%%%%%%%%%لل

إن%%%ما أص%%%ل ال%%%%فتى م%%ا ق%%د ح%%%%%%صل

وب%%%حسن الس%%%%%بك ق%د ي%%نفي ال%زغ%%ل

ي%%%%%%%طلع ال%%%%%نرج%%%%%%س إال م%%%%ن ب%%%%%%صل

نس%%%%%%%%%%بي إذ ب%%%%أب%%%%ي ب%%%%%%%كر وص%%%%%%%%%%%ل

أو أق%%%%%%%%ل أك%%%%%%%%%%ثر اإلن%%%%%%%%%سان م%%%%%%%%نه

واكس%%%%ب ال%%فلس وج%ان%%ب م%%ن ب%%طل

ص%%%%%%%حبة الح%%%%مقى وأرب%%اب الخ%%%%لــل

ق%%%%%%%%%%ت%ل ن دام إ ف%%%%%%%%%%ك%%%%ال ه%%%%%%%%ذي%%%%%%%ن

إن%%%%%%%%%هم ل%%%%%%%%%يسوا ب%%%%%%أه%%%%%%ل ل%%%%%%%%لزل%%%%%%%%ل

ل%%م ي%%%%%%فز ب%%%%الح%%%%%%مد إال م%%%%%ن ع%%%%%%%قـل

ح%%%%%%%%اول ال%%%%%عزل%%%%%ة ف%%ي رأس ج%%%%%%%بل

ـ%%رروه إال م%%%%%ن ن%%%%%%%%قـل ب%%%%%%%لغ ال%%%%%%%%%%م%%%%ك

ـ%%ما أح%%%لى ال%%%نقـل ل%م تج%%%%د ص%%%%%%%برا ف

ال ت%%%%%خاص%%%%%%%%%م م%%%%%ن إذا ق%%%%ال ف%%%%%%عـل

رغ%%%%%%%%%بة ف%%%%يك وخ%%%%%ال%%%%ف م%%%%ن ع%%%%%%%%زل

Page 25: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

إن ن%%%صف ال%%ناس أع%%%داء ل%%من ٥٧.

ـ%%ن ل%%ذات%%%ه ٥٨. ف%%هو ك%%%ال%%%محبوس ع

إن ل%%%%لنقص واالس%%%%%%%%تثقال ف%ي ٥٩.

ال ت%%%%%ساوي ل%%%%ذة ال%%%%%حكم ب%%%%ما ٦٠.

ط%%اب%%ت ل%%%من ٦١. ف%%%ال%%%والي%%%ات وإن

نصب المنصب أوهى جسدي ٦٢.

ق%%صر اآلم%%ال ف%ي ال%دن%يا ت%%فــز ٦٣.

إن م%%ن ي%%%طـلـبه الـ%%موت ع%لى ٦٤.

غ%%%%با ت%%زد ح%%%%با ف%%%من ٦٥. غ%%%ب وزر

خذ بحد السيف واتـرك غـمده ٦٦.

ـ%%مـا ٦٧. ـ%%%الل ك ال ي%%ضر ال%%%فـضل إق

ح%%%%%%بك األوط%%%%%%ان عج%%%ز ظ%%%اه%%%ر ٦٨.

ف%%%%%%بمكث ال%%%%%مـاء ي%%%%%بقى آس%%%%%%نا ٦٩.

أي%%%%ها ال%%%عائ%%%%ب ق%%ول%%ي ع%%%%اب%%%%ثـا ٧٠.

ع%د ع%ن أس%%%هم ل%فظي واسـ%تـتر ٧١.

ال ي%%%%%غـرن%%%%%ك لـ%%%%%%%يـن م%%%%ن ف%%%%%تى ٧٢.

أن%%ا م%%%%ثل ال%%%ماء سه%%%%ل س%%%%ائ%%غ ٧٣.

أن%%ا ك%%ال%%خيزور ص%%%%%%%عب كس%%%%%ره ٧٤.

غ%%ير أن%%ي ف%ي زم%%%ان م%%ن ي%%كن ٧٥.

ع%%%%%%%%دل ولـ%%%%%%%%ي األح%%%%%%%%%%%%ك%ام ه%%%%ذا إن

وك%%%%%%%%ال ك%%%%%%%%%فيه ف%%ي الحش%%%%%%%%%%%ر ت%%%%%%غل

ل%%%%%%فظة ال%%%قاض%%%%%%%ي ل%%%%وع%%%%ظا وم%%%%%%%ثـل

ذاقـه الشخص إذا الشخص انـعـزل

العس%%%%%%%%%%%%ل ذاقـ%%%%%%%%%%ه%ا ف%%%%%ال%%%%%سم ذاك

وع%%%%%%نائ%%%%%ي م%%%%%ن م%%%%%%%%%%%داراة ال%%%%%%%%سفل

ف%%%%دل%%%%يل ال%%%%%%%%عقـل ت%%%%%%%%قـصير األم%%%%%%ل

غ%%%%%%%%%%%رة م%%%%%%%%%%نه ج%%%%%%%%دي%%%%%%ر ب%%%%%ال%%%%%وج%%%%%%%ل

أك%%%%%%ثر ال%%%%%%%%%تـرداد أض%%%%%%%%%%%ناه ال%%%%%%%%ملــل

ـ%%تبر ف%ضل ال%فتى دون الح%%%لـل واع

ال ي%%ضر ال%%شمس إط%%باق ال%%%طـفــل

ف%%%%اغ%%%%%تـرب ت%%%%%لـق ع%%%ن األه%%%%%ل ب%%%%%دل

وس%%%%%%رى ال%%%%%بـدر ب%%%ه ال%%%%بدر اك%%%%%%تمـل

مؤذ ب%%%%ال%%%%جعل ط%%%%%%%يـب ال%%%%%%ورد إن

ـ%نك س%%%%%%%%هـم م%%%%ن ث%%%%%عـل ـ%ب ـ%ي ال ي%%%%%%%%%%ص

ل%%%%%%%%%%ل%%ح%%%%ي%%ات لـ%%%%%%%%%%يـن ي%%%%%%%%%%ع%%تـ%%زل إن

آذى وق%%%%%%%%%%تـ%%%ل ـ%%%ن وم%%%%%%%%%%تى س%%%%%%%%%%%%خ

ـ%%%%ين ك%%%%%%يـفـما ش%%%%%ئت ان%%%%%فتل وه%%%%و ل

ف%%%يه ذا م%%%%ال ه%%%%و ال%%%%%%مول األج%%%%%%%ل

Page 26: ميحرلا نمحرلا ا مسب - Halgan.Net waxaa la yiraahdaa. Cumar binu Muthafar binu Cumar binu Maxamed, Abuu Xafsa Zaynu Diin, waa nin Adiib ah oo xikmad lagu manaystay waana

واج%%%%%%ب ع%%%%%نـد ال%%%%%ورى إك%%%%رام%%%ه ٧٦.

كـ%%%ل أهـ%%%ل ال%%%عصر غ%%%%مر وأن%%ا ٧٧.

وص%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%الة وس%%%%%%%%%%%%%%%%%%الم أب%%%%%%%%%%%%دا ٧٨.

وع%%%لى اآلل ال%%%%%%كـرام ال%%%%%سعدا ٧٩.

م%ا ن%%وى ال%%رك%%%ب ب%%%%عشاق إل%%ى ٨٠.

وق%%%%%%%%لـيـل ال%%%%%مال ف%%%%يهم يس%%%%%%%%%تـقــل

م%%%%%%%نهم ف%%%ات%%%رك ت%%%%فاص%%%%%%%%يل الج%%%%%%%%مل

ل%%لـنـبـي ال%%مصطـفى خ%%يــر ال%دول

ـ%%قــوم األول وع%لى األص%%%%%%حــاب وال

أي%%%%%%من ال%%%%%%حي وم%%%ا غ%%%%%نى ال%%%%رم%%%%ل

كتبه األخ /أبو فهد الصومالي حفظه اهلل وقد فرغت من الكتابة ليلة الثلثاء الموافق/

2015/04/27الدنمارك/ أرهوس